Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Jaamacadda Carabta oo Tabbabar u Furtay Saxaafiyinta Muqdisho

 

Aqoon-isweydaarsi soconaya muddo lix maalmood ah ayaa xarunta Wasaaradda uga furmay illaa 30 suxufi oo kala socda warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka ah. Waxaa siminaarkan taageeraya Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulkariim Xassan Jaamac.

 

Aqoon-isweydaarsiga oo ay soo qabanqaabisay Xafiiska Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, isla markaana laga maalgelinayo Sanduuqa Carabta ee Taageerada Farsamo ee Dalalka Afrikaanka ah, waxaana hirgelinaya Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed. Ujeeddada siminaarka waxay tahay sidii loo dhisi lahaa awoodda iyo xirfadda saxafiyiinta iyo sidii loola socodsiin lahaa mas’uuliyadda ay leedahay xirfadda saxaafadda.

 

Isagoo furaya aqoon-isweydaarsiga, wuxuu Wasiirka ku boorriyay saxafiyiinta inay markastaba la socdaan farsamooyinka cusub, isla markaana yeeshaan aragti fog, isagoo kula dardaarmay saxafiyiinta inay noqdaan kuwo aqoon badan leh oo ixtiraam iyo sharaf ku dhex leh bulshada.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in tababarka saxafiyiintu aad muhiim u yahay, oo aysan weriyeyaashu mas’uuliyaddooda si habsami leh uga gudan karin haddii aysan tababar helin.

 

Wasiirku wuxuu yiri: “Waxaan idinku waaninayaa inaad daacad u noqotaan xirfaddiina, aadna sare u qaaddaan sharafta iyo muuqaalka dalka. Wasaaraddu waxay si joogto ah u qiimeyn doontaa baahida loo qabo mustaqbalka barnaamijyo tababarr ah.”

 

Wasiirku wuxuu u mahadceliyay Xafiiska Soomaliya iyo guud ahaan Jaamacadda Carabta inay xil iska saareen sidii loo dhisi lahaa awoodda xirfadleyda Soomaaliyeed, iyadoo saxafiyiintuna liiska meesha sare kaga jiraan maadaama ay dowr muhiim ah ku leeyihiin nabadda iyo dib-u- dhiska dalka.

 

“Aqoon-isweydaarsigan wuxuu xoojinayaa kaalinta Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya xilligan Soomaalidu baahi ka qabaan dhinac kasta. Waxaan rajeynayaa inuu billow cusub u noqdo howlo badan oo Jaamacadda Carabtu ka fuliso Soomaaliya.”

 

Wasaaradda Warfaafinta,

Boostaha & Isgaarsiinta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaramada Midoobay oo Ku Baaqday In Taageero Badan Lasiiyo Dawladda Federaalka

 

Qaramada Midoobay ayaa codsatay in taageero iyo kaalmo badan lasiiyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Moon.jpg

 

Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero milateri iyo kuwa kale ay u fidiyaan Dawladda Federaalka si ay uga hortagto dagaalyahanada Shisheeye ay dagaalka kula jirto.

 

Warbixin kasoo baxday xafiiska Xogheyaha ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ajnabi ah ay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku haynta Soomaaliya taasna ay khatar kunoqon karto Geeska Afrika.

 

Ban Ki-moon waxaa uu sidoo kale ku dhiirageliyey Ciidamada AMISOM in ay sii wadaan howlahooda,isagoo ku baaqay in la taageero howlgaladooda.

 

Beesha Caalamka ayaa hore uga digtay khataraha ay leeyihin kooxaha Islaamiyinta ee ka dagaalama Soomaaliya iyagoo sheegay in hadii laga hortagin ay saameyn ku yeelan doonaan amniga Geeska Afrika.

 

Dhowaan magaalada Muqdisho waxaa booqday Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo madaxda Dawladda Federaalka kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa kooxaha mucaaradka isla markaana Dowladda ula wareegi lahayd amniga dalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

How about askarta Soomaliyeed in laga caawiyo mushaarkooda loona kordhiyo. Kuwa cusub recruitment lagu sameeyo ayadoo lagu soo jiidaanaayo US Dollars-ka loogu tala galey askariga shisheeye instead.

More askar shisheeye = more AS and their likes. There has to be another alternative. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Abwaan;685994 wrote:
-hayeenadda Cusub ee dowladda una qaybsan ardaagan SOL. Malaha waxaad ugu talogashay inaan laga doodin sidaad towraddatan barakaysan ugu haysid....
:D

lol...that is good. Waxaa iga yaabiyey ragga Soomaaliyeed sida xukun madaxa uga dardaray. Xitaa gacan-yarayaasha xaafiiska Wasiirka koowaad inay shaqada la kala wareegaan ma news bay noqotay. Waxaaba ka sii daran the Prime Minister himself oo meesha fadhiya. Waxqabad intaas ka badan baa Soomaali ka sugeysaa than in la isku cammiro. Ilaahow Sahal ummuuraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waxqabad intaas ka badan baa Soomaali ka sugeysaa than in la isku cammiro. Ilaahow Sahal ummuuraha

.

 

wax qabadku iskama soo dago abwaanow waa in marka hore dadka la baro sida loo fariisto,tv ga loo daawado,milkshake loo cabo ka dib allaa kariim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;686278 wrote:
How about askarta Soomaliyeed in laga caawiyo mushaarkooda loona kordhiyo. Kuwa cusub recruitment lagu sameeyo ayadoo lagu soo jiidaanaayo US Dollars-ka loogu tala galey askariga shisheeye instead.

More askar shisheeye = more AS and their likes. There has to be another alternative.
:(

Waa siday tahay ,,, Laakiin yaa fahmaaya. The whole government is created in another country that is why they need external forces to protect it. Until there is a government created inside the country I will be watching ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

ENG XUSEEN CABDI WADE OO KA MID AHAA BAARLAMAANKA AYAA XALAY KU GEERIYOODAT HOTEL WEHELIYE UU DEGANAA FAAHFAAHIN LAGAMA BIXIN XANUUNKA HAYEY MARXUUNKA.

 

 

Allaha u naxariistee Marxuum eng. Xuseen Cabdi Wade oo ka tirsanaa baarlamaanka ayaa u dhintay xanuun soo wajahay xalay isagoo ku sugnaa Hoteel Wehliye oo uu deganaa sida uu Radio Muqdisho u sheegay xildhibaan C/raxmaan Ibraahin.

 

Mudanahaan ayaa qeyb ka ahaa wafdigigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dhawaan booqashada ku tagay dalka Iraan, wuxuuna mudane ahaa wixii ka dambeeyay Dowladdii TNG ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne C/qaasin Salaad Xasan.

 

Dhinaca kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa baajiyay fadhi ay lahaayeen goluhu kaddib geeridaan sida uu sheegay Xildhibaan Caadil Sheegoow Sagaar oo ka tirsan Nidaamiyayaasha Baarlamaanka.

 

AUN marxuumka iyo intii ku geeriyootey Soomaliya shaley

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

gooni;686305 wrote:
.

 

wax qabadku iskama soo dago abwaanow waa in marka hore dadka la baro sida loo fariisto,tv ga loo daawado,milkshake loo cabo ka dib allaa kariim.

lol...Waan u maleynayey in aan wada moodeyno in meel walba TV laga fiirsado oo milkshake laga cabo. I know in xoogaa kaftan ahi ku jiro qoraalkaaga balse idaacadaha xitaa ayaantaan lama socon? Abaaro ba'an ayaa ka dhacay goobo ka mid ah Soomaaliya. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa degaannadoodii ka qaxayey oo aan dib ugu soo noqon haddadan aan kula hadlayo illaa iyo 1978 (I am trying to be rational here and understand markii ugu horreysey oo dad Soomaaliyeed qabiil ahaan ay maamul amase qolo ka xoog badani ay u awood sheegtaan qaxiyaanna, taas oo aan ka soo billaabay inqilaabkii dhicisoobey ee 1978)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda KGM ee Soomaaliya oo sheegtay inay bishan bixinayso Mushaarka ciidammada dowladda

 

Isniin, 10 Janaayo, 2011 (HOL) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta sheegay in xukuumadda Soomaaliya, ay bixinayso Bishan Jannaayo, mushaarka ciidammada dowaldda, taasoo ka dhigaysa bishii labaad oo ciidammada mushaarkooda lasiinayo.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa todobaad ka hor mushaaraad u qaybisay ciidanka dowladda, taasoo la sheegay inay ahayd mushaarka bishii Decmber ee sannadkii hore. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan baarlamaanku uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2011.

 

Wasiirka gaashaandhigga, mudane Xaaji Fiqi, ayaa yiri: "Xukuumaddu waxay daryeeli doontaa ciidamada qalabka sida, si ay dib ugu soo celinayaa ammaankii dalka."

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ciidammada ku boorriyay inay kordhiyaan dadaalkooda, kaasoo uu ku sheegay inay dalka uga difaacayaan cadow uu sheegay inuu dalka dibadiisa ka yimid, balse uusan si toos ah carrabka ugu dhufan.

 

Wasiirku, wuxuu ugu mahadceliyay ciidamada howl-karnimada iyo naf-hurista ay sameeyeen, isagoo ku dhiirrigeliyay inay horseed ka noqdaan geeddi-socodka nabadda iyo ammaanka dib loogu soo celinayo dalka.

 

"Xukuumaddu, waxay mudnaan siin doontaa bixinta mushaarka ciidanka waqtigii loogu talo-galay, iyo wax-ka-qabashada baahida saadka, caafimaadka iyo adeegyada kale," ayuu mar kale yiri wasiirku.

 

Mr. Fiqi, wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Madaxeynaha, oo ah taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, wuxuu waqti badan ku bixiyay siduu wax uga qaban lahaa baahida ciidamada qalabka sida. ra'iisul wasaaraha iyo golaha wasiiraduna, waxay ka wada-hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka dalka iyo daryeelka ciidanka."

 

Dhawaan ayay ahayd, markii saldhigga bartamaha Muqdisho, lagu soo bandhigay askar ka tirsan ciidammada Booliiska oo la sheegay inay dhac geysanayeen dadka rayidka ah, waxaana Cali Gaab oo ka tirsan saraakiisha Booliiska uu sheegay inay maxkamad horgeyn doonaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;686278 wrote:
How about askarta Soomaliyeed in laga caawiyo mushaarkooda loona kordhiyo. Kuwa cusub recruitment lagu sameeyo ayadoo lagu soo jiidaanaayo US Dollars-ka loogu tala galey askariga shisheeye instead.

More askar shisheeye = more AS and their likes. There has to be another alternative.
:(

Why dont you ask former PM Geedi for some caawimo, he is 50 years old and has 50 miljoen dollars. Or ask Abdiqasim Salat what he has done with the 300 miljoen dollar Carab support, or ask all the other tuugs from Muqdishu who have been robbing the money which was meant to rebuiold the nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

I am trying to be rational here and understand markii ugu horreysey oo dad Soomaaliyeed qabiil ahaan ay maamul amase qolo ka xoog badani ay u awood sheegtaan qaxiyaanna, taas oo aan ka soo billaabay inqilaabkii dhicisoobey ee 1978

)

 

abwaan waa runtaa fidnada soomaaliya waa markay bilaabatay qiyaastii sanadahaas. ninkii bilaabayna meela badan buu ka sheegay inuu khaldamay.

gurgiisii inta xaaqay ayuu shacabkiisii la dardaarmay ha lay cafiyo doog cagaaran baan dab iyo basin ku shubay, wixii dhacay waa dhaceen yamana waa u socdaa hana la igu aaso awawgay agtiisa ama mukulla taasu waa dhamaatay.

 

waxaan hadaba dhamaadka lahayn waa mucaaradkan joogtada iyo xasuuqaan koonfurta ka bixi la' iyo ismaqal la'aanta

tusaale madaxweyne shariif hala mucaarado ka dib markii wax loo toosiyo, waa haduu hawshii loo igmaday kasoo bixi waayo.

see suurta gal ku noqotay in toban madax weyne laga ag dhiso asagoo jaaniskii ugu fiicnaa heli kara,,,,, ximan iyo mudugland,waax iyo waadi,hiiraan ,waran iyo gaashaan iyo kuwa kaloo dariiqa kusoo jira waliba dad mutacalimiin sheeganaya baa inta umad dhan casuuma gabdho sanka biro ku leh ii mashxarada oo geesaha iga istaaga,xagee waayarku ka xirmi la'yahay? abwaanow sarta soo rog si aad u ogaato meeshay ka qurunsatahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowladda Federaalka oo Soo Bandhigtay Rag Kasoo Goostay Al-Shabaab

 

Former-Shebab.jpg

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dhalinyaro ay sheegtay in ay kasoo goosteen kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeeda.

 

Saraakiisha Ciidamada nabadsugida ayaa magaalada Muqdisho Saxaafada ugu soo bandhigay ilaa 7-qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kuwaas oo iskusoo dhiibay Dowladda.

 

Dhalinyarada soo goosatay oo qaarkood ay gashanaayeen dareeska Ciidamada ayaa Weriyaasha u sheegay in ay iyagu go’aansadeen in ay iskusoo dhiibaan Dowladda,iyagoo sheegay in ay ka dagaalami jireen degmada Boondheere oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyada Shabaab iyo Ciidamada Dawladda.

 

Ragaan iskusoo dhiibay Dawladda Federaalka ee ka tirsanaan jirey kooxda Al-Shabaab ayaa ahayn kuwii u horeeyey oo kasoo goostay kooxda Shabaab.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Al Shabaab militants continue to defect to Somali government

 

Shortly after the Somali premier was designated in November, he called on all Al Shabaab fighters to stop fighting and join the Somali government. Since then, militant fighters have started to defect.

 

Less than two months after the country's prime minister called for militants to defect, Al Shabaab fighters are continuing to respond. The transitional federal government of Somalia on Monday displayed seven fighters who said they hated working for the extremist group.

 

 

Officials from the Somali department of home security invited a group of journalists to a police center in Mogadishu to interview some of the Al Shabaab defectors.

 

Yusuf Mohammed Hassan, who said he led young Al Shabaab fighters, told reporters the group had escaped from Mogadishu battle fronts, particularly the Bondhere district front where fighting between the militant group and Somali forces has been ongoing for about a year.

 

Hassan said they are ready to work with the Somali government, adding they defected in response to the premier’s call.

 

“Mohammed Ali. known as Al Ansari, who last month defected from the group, called us by telephone and urged us to defect from Al Shabaab. promising we shall be safe. Then, six young fighters and I agreed to escape from war zones,” Hassan said with a smile.

 

“Al Shabaab doesn’t act in accordance with Islamic religion. They behead and set fire to the people who made no mistake. One day, I had seen with my own eyes, some Al Shabaab fighters cutting off the tongue of a Somali young man brutally,” he recounted.

 

The Somali government is ready to welcome anyone who wants peace, a Somali police officer said during the event.

 

Shortly after the Somali premier was designated in November, he called on all Al Shabaab fighters to stop fighting and join the Somali government. Since then, militant fighters have started to defect.

 

Al Shabaab has yet to comment on the defectors' claims.

 

Last month, six fighters defected from the radical terrorist group.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this