Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Laba Taliye oo Sare ayaa GalGala lagu dilay

 

Wararka aanu ka helayo Magaalada GalGala ee Colaadu ka Ognayd Mudo Haatan Laga Joogo 2-Bilood ayay sheegayaan wararka Jiidaasi laga Helayaa in Xalay ABaara Saqdii dhex uu Dagaal Kulul dhexmaray Ciidamada Deegaanka ee uu Hogaamiyo Gudoomiye Maxamed Siciid Atam iyo Kuwa Taabasan Farool PISta, Ilka Jiir iyo C/Samad Cali Shire.

 

Warka ayaa Tibaaxaya in Laba Taliye oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dariishta ee Siciid Dheere Hogaaminayo Xalay ay ku Geeriyoodeen dagaalkaasi Labada dhinac dhexmaray.

 

Qof Bosaaso nalaga soo xidhiidhay ayaa sheegaya in Labadaasi Taliye geeridooda la Xaqiijiyay Hase ahaatee waxa aan Noo suura Galin inaan Magacooda Helo Sababa la xidhiidha Dawlada oo diidan in Macluumaad dagaalkaasi laga ogaado.

 

War aan isla La shaacin ayaa sheegaya in Wasiir Xigeenka AMniga C/Jamaal Cismaan Maxamed Ciidamo uu Horay u Geeyay GalGala uu dib uga soo celiyay sabab la xidhiidha Cadaadis Odayaasha Hayland kaga Yimi oo Dalbaday in Dhalintooda dib Loogu soo celiyo Caasimada Hayland ee Dhahar ka gadaal Shirarkii Maalmahan Socday.

 

Xaalada ayaa wajiyo badan Yeelatay ka dib markii dheg Jalaq loo siin waayay Odayaasha Beesha Deegaanka oo dhowr Jeer baaq u diray PL inay Ciidamadeeda deegaanka kala soo Baxdo.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:-Xog Sheegaysa Dhaawac Culus Tuuta Wayne

 

Warar aanu ka helayno ilo xog ogaal ah oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen, Siciid Cabdi Faarax (Tuutaweyne) oo ku soo dhaawacmey dagaaladii Galgala ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kuwa Maxamed Siciid Atam loo duuliyey magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Dhaawaca Gen, Siciid Tuutaweyne ayaa lagu hayey gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland halkaasi oo lagu daweynayey, waxaana wararku intaa ku darayaan in dhaawaca Sarkaalkaasi uu ka soo daray isla markaana wax looga qaban waayey gudaha dalka, taasi oo sababtay in loo duuliyo magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta si halkaasi loogu soo daweeyo.

 

Gen, Tuutaweyne ayaa horey u qabey xanuunka Sonkorta, taasi oo adkeysay in dhaawacii xabada ka soo gaarey uu si fudud u bogsoodo, Saraakiil ku dhow dhow Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo Eheladiisaba ay ku taliyeen in daweyn dibada ah loo qaado.

 

Dawladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah kaga qaadey dhaawaca Taliye Siciid Cabdi Faarax (Tuutaweyne) Garoonka Diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garowe ee caasimada Dawladda Puntland.

 

Saraakiil ka gaabsadey in magacooda la shaaciyo ayaa si hoose Nuugu waramay ayaa sheegay in qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin Madaxtooyada ah ay ku sii sogootiyeen Garoonka Diyaaradaha, marka Taliyaha dhaawaciisa la saarayey diyaarada

 

Waa Saraakaalkii Ugu Sareyay oo dhawaac Halis ah uu ka soo Gaadho Dagaalkii Galagala Dagaalkii u dhexeeyay Gudoomiyaha Ilaalinta SHidaalka iyo Puntlland.

 

Cabdi Faarax Tuuta Wayne ayaa ah Nin haysta Dhalasha Dalka Austrelia oo ay Faroole dal kuwada Noolaayeen marka laga Reebo Qaraabo Hoose oo ay Yihiin,waxana dhaawaca Taliyaha Laga Garan karaa sida Ay Jab wayn Dawlada uga soo Gaadhay Dagaalkii GalGala.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(Jidbaale.com) Gen. Siciid Cabdi Faarax Oo ku magac dheer Tuutawayne ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ka qarxay deegaanada buuralayda Galgala ee ay halkaasi foodda isku dareen ciidamada uu wato Sheekh Maxamed Siciid Atam iyo kuwa maamulka Garoowe, waxaana loo qaaday wadanka Isu tagga imaaraadka carabta gaar ahaan Dubaay.

 

Wararka aanu ka helnay ilo si weyn loogu kalsoon yahay waxay noo sheegeen in Tuutawayne uu dhaawac ku soo gaadhay dagaaladii Galgala, waxaana muddo lagu daawaynayey magaalada Garoowe, balse haataan waxaa loo qaaday dhinaca Dubai, si loogu soo daaweeyo.

 

Tuutawayne oo dhaawaciisa qaba kuna sugnaa garoowe iyo Faroole waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan, waxaanu khilaafkaasi sababay in uu Faroole xilkii ka qaado una magacaabo Siciid Dheere oo ka mid ahaa raggii fadhi jirey jiidda hore ee gobolka Sool, markii dambana uu Cabdillaahi yuusuf u kaxaystay dhinaca Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atam oo Guul Sheegtay

 

Maxamed Siciid Atam oo Hormuud u ah Ciidamada ka soo Horjeeda kuwa Puntland ayaa Waraysi Dheer Siiyay VOA-da waxana uu ka hadlay inay Gubeen ilaa 5-Gaadhi Maalmihi ugu danbeeyay waxa uu qeexay inay Saldhigii PISta ee Galbeedka Bari ay la wareegeen oo ay Gaadhi Jeemis ah Ka Gubeen Isaga oo ku Sugan Gudaha GalGala.

 

Maxamed Siciid Atam ayaa Ku cel celiyay in Afar Gaadhi ay Miino Dhulka lagu Duugay ay ku Qarxiyeen isla markaana aan Waxba Laga arag Kuwii Saaraa.

 

Gudoomiye Maxamed Siciid Atam ayaa Sheegay in la soo Khadlday Dhalinyaro Laga soo daad Gureeyay deegaano Fog Kuwaasi oo GalGala la keenay”Waxaan u sheegayaan Dhalintaasi la soo Khaladay inay dib uga laabtaan Arinkaasi oo aanay Xabada soo aadin”Ayuu Yiri Atam.

 

Maxamed Siciid ayaa Cadeeyay inay Dagaalkaasi Ka danbeeyaan oo ay Masuuliyadeeda Leeyihiin Faroole c/Samad Cali SHire iyo Gen Ilka Jiir, kuwaasi oo ah Buu Yiri kuwa Dad Dhulkoodii Jooga ku soo duulay.

 

Waxa uu ka Jawaabay Su’aal la Waydiiyay oo ahayd Wada hadal Ma Galaysaa” Wada hadal waxaan Galaynaa marka La Keeno oo La sheego Kuwii Dhibaatada GalGala ka danbeeyay isla markaana Barakacii Keenay waana Taageersanahay Isimada Deegaanka iyo waliba kuwa Puntland hadii ay Xal Waara Keenayaan”Ayuu Yiri Atam oo VOA-da Waraysi Siiyay Galabta.

 

Dhanka kale waxa isna Saxaafada la hadlay Wasiirka Amniga Pl Yuusuf Axmed Khayr isaga oo dhankoooda sheegtay Guul ay ka Gaadheen dagaalkii GalGala.Wasiirka ayaa Tibaaxay inay Firxadkii Atam ay soo qabandoonaan dhawaan waxana uu Beeniyay oo Meesha ka saaray Guula Atam sheegtay.

 

 

GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah:-Dagaal GalGala

 

 

Wararka hada naga soo Gaadhaya Magaalada ayaa sheegaya in dagaal Xalay Saqdii dhex Curtay uu wali socdo kaasi oo Dhinacyo badan ka socda, Xidhiidh aanu la samayan Bosaaso ayaa la sheegay in dhawaac Fara badan la Keenay Halka dadka GalGala ay sheegayaan in Mayd Gaadhaya 12-Ruux Gudaha Degmada la soo Gaadhsiiyay.

 

Meel dhanka Qorax u dhaca ka xigta Degmada GalGala oo lagu Magcaabo Kala Noqod ayaa layska Helay waxana ay ahaayeen Ciidamada Puntland kuu doonayay inay dhanka Miyiga ay Magaalada u Baxaan si ay Dhabarjab u Sameeyaan Hase ahaatee Ciidamada Maxamed Atam ayaa Meeshaasi ay isku Hirdiyeen kuwaasi oo Khasaare xoogan soo Gaadhay dhanka PL.

 

Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa uu Maamulkooda lahaa Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo ah Wasiir Xigeenka Aminga waxana ay Ciidamadaasi ahaayeen kuwa isku dhafan oo ay xitaa ku Jiraan PISta.

 

Sarkaal u hadlay Ciidamada Atam Guutada 34- Lagu Magcaabo waxa uu sheegay inay xitaa Hub Badan kala wareegeen Ciidamada PL isla markaana ay Maydkoodii Arkayeen.

 

Docda kalena Maamulka Puntland oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa sheegay Laftigooda inay Guula Waa wayn ka soo Hooyeen dagaalkaasi isla markaana ay dhawaan War Saxaafadeed Kooban ka soo saarayaan.

 

Dagaalka GalGala ayaa Bilowday ka dib markii PL weerar ku qaaday Galgala Bishii Julay 26- ee sanadkan aan ku Jiro waxana uu dagaalkaasi soo Maray wajiyo badan.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liiska Wiilashii ku Dhintay GalGala

 

Warar Faah faahsan ayaa laga helayaa dagaalkii Maanta ilaa xalay Galinkii danbe ka socda Deegaanka GalGala Gaar ahaan Meesha lagu Magcaabo ‘Kala Noqod’ oo dhanka Galbeedk ka xigta Magaalada GalGala, warka aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidankii Maanta ee dhimashada badan soo Gaadhay ay ahaayeen kuwa uu Watay W/Xigeenka Cabdi Jamaal oo ah Nin Reer Hayland ah.

 

Waxa la Xaqiijiyay inay Dhinteen 4- Ka mid ahaa Ciidankii laga Keenay Dhahar halka laga dhawaacay 3-Ruux waa warkii Ugu danbeeyay ee aanu ka Helay Ilo war Gal ah.

 

Taliye Dhoonge Xasan Xaaji oo lagu Yaqaan Daba ******nimad Ciidamada Puntland ahaana Ninkii Watay Ciidmaadii Wakhtigi Cade Muuse ee Galay Majiyahan ayaa la sheegay inuu Dhaawac Culus yahay.

 

Sidoo kale Laba Xidigle Siciid Ducaale oo uu dhalay Coll Ducaale oo ahaa Nin aad Ugu Waynaa Beelaha deegaanka Hayland,Sanaag iyo Galbeedka Bari Alla Naxariistii ha Geeyee, ayaa isna la sheegay inuu Dhaawac soo Gaadhay Wiilkaasi Coll-ku dhalay.

 

Sidoo kale Afdhuub, Khadar Daahir Aadan Geesood, ayaa la soo sheegayaa inay Dhaawacanyihiin oo aanu Awal Soo qoray inay Dhinteen Sida ay sheegayaan Dadk Dhahar Nagala soo xidhiidhay.

 

iyo 1-Cali Jaad Kariye,2- Maxamed Abshir Cartan, , ayaa la sheegay inay ka mid ahayaeen kuwii ka dhintay Dhanka Ciidamda W/Xigeenka Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed

 

Waa Tiradii ugu badnayd ee ku dhimata Dagaalka GalGala Marka laga hadlay Ciidamadii dheeraadka ahaa ee laga Keenay Caasimada Hayland ee Dhahar.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Galgala oo noqday Maakhir VS Maakhir

 

 

Dagaalkii aan sharciga ahayn oo ka socday degaanada Galgala ayaa hada wuxu isu bedelay in layska hor keeno Maakhir VS Maakhir waxanaana inta la ogyahay ku dhimatay dagaalkii xalayto Lix ruux Shan ka mid ahi ay yihiin dhalinyaro yar yar oo Reer Maakhir ah ,kuwaas oo la soo marin habaabiyey .iyaga oo ku dagaalamayey magaca Puntland, lana dagaalamayey dhalinyaro kale oo reer Maakhir ah oo shalay wada ahaayeen kuwo laga wada cunaqabateeyey mashaariicdii Puntland.

 

Dhalinyaradan ku dagaalamaysay magaca Puntland ,waxa hogaaminayey ninka dhowaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka sadexaad ee amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan ayaa ahaa mid ku dagaal tegay qorshe loo soo dhiibay oo ahaa in uu dhabar jebin ku sameeyo ciidanka kale oo ay isku haybta iyo Beesha ka soo wada jeedaan uuna hogaamiyo Maxamed Siciid Atom taasina waxay keentay in halkaas 6 Wiil oo reer Maakhir ah oo ka mid ahaa kuwii uu watay Cabdi jJmaal ay ku geeriyoodeen ,sidoo kalena uu jiro Dhaawac iyo kuwo la qabtay oo markii danbe Maxamed Atom si daayey isaga oo uga digay in ay mar kale dib u soo laabtaan.

 

Cabdi Jamaal oo aan lahayn aqoon Ciidan iyo mid siyaasadeed ayaa waxa darajadan loogu magcaabay sidii loogu isticmaali lahaa dagaalkan Faroole ku soo qaatay mashaariicda lacagta ah oo qaarkeed hada lagu maal geliyey degaanada gobolka Nugaal iyo Karkaar Maanta oo dagaalku ka socday Galgala magaalooyinka Garoowe ,Gaalkacayo iyo Qardho waxa ka socday diiwaan gelin la qorayey wiilal loo dirayo waxbarasho dibadeed taas oo ah mid ka timid dhinaca federaalka iyo tan Puntlandba hase ahaatee nasiib xumo hogaankii Maakhir oo la xisaab tami lahaa sad bursigan iyo eexadan joogtada ah waxa uu gacanta u galay Dilaaliin iyo daba ka fuuladii Gawaarida oo ku shaqeeya shilinka maalintaa la siiyo.

 

Dagaalkan uu qaaday Cabdi jamaal kuna dilay wiilasha Reer Maakhir wuxuu dhacay labo casho ka dib markii Cuqaashii nabdoonadii iyo waxgaradkii degaanka Haylaand iyo galbeedka Bari soo saareen baaq ay ku sheegayaan in dagaalka la joojiyo..sidoo kalena magaaladii uu ka soo jeeday ee Dhahar todobaad hor Cabdi Jamal waxa looga soo saarayxabad taasina ay kuu cadaynayso inuu haba yaraatee haysan kalsoonida bulshada

 

Ugu danbayntii dagaalkan ay labada dhinac ku wada dhimanayaan Labada wiil oo isku Beesha ah waa in la joojiyaa horayna Allsanaag waa u sii sheegtay in Dagaalka Faroole Garoowe Iclaamiyey in uu ku danbayn doono Reer Maakhir oo magacyo wata oo iyagu is ugaarsanaya,

 

 

Allsanaag.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:Ciidanka Atam oo markale weeraray Qaarkamid ah Ciidamada Puntland...(Warbixin).

 

Galgala:(Allpuntland)-Warar lagu kalsoonyahay oo caawa laga helayo Deegaanka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ayaa kusoo waramaya in halkaas ay maanta markale ka dheceen dagaalo culus oo udhexeeya ciidamada Amaanka ee Puntland & kuwo katirsan Malayshiyaadka halkaas ka dagaalama ee uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam,waxaana uu weerarkani yimid kadib markii ay Ciidanka Atam halkaas weerareen.

 

Weerarka ayaa ka dhacay Halka ugu shishaysa Difaaca ciidanka Puntland ee Galgala kusugan gaar ahaan Sahan katirsan Ciidanka Puntland oo Howl ciidan u baxay,waxaanse si toos ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray labada dhinac,sidoo kalena Mas'uuliyiinta halkaas kusugan oo Taliyeyaal Ciidan,Wasiiro & Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ay kujiraan ayaanan wax khasaare ah kasoo gaarin dagaalkan sida ay APL u xaqiijiyeen qaarkamid ah Saraakiisha halkaas kusugan oo diiday in aanu Magacyadooda daabacno sababo Milatari owgood.

 

Sarkaal katirsan Ciidanka Puntland ayaa APL usheegey in Askar katirsan kuwa Puntland oo sahan ciidan ugu baxay midkamid ah Jihooyinka Galgala ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidanka Hogaamiye Atam,waxaana uu sheegey in weerarkaas ay ku geeryoodeen 6-Askari oo kamid ahaa kuwii Sahanka ahaa,islamarkaasna ay tiro intaas ku dhow oo aanan weli lacadayn kudhaacwacmeen isla weerarka.

 

Waxaanan cadeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhanka Hogaamiye Atam,waxaase wararkii u horeeyey oo halkaas laga helayo ay sheegayaan in aysan badnayn khasaaraha ciidanka Alshabaab maadaama ay iyago Falkan geysteen isla markiina ay Goobta ka baxsadeen oo ay ku noqdeen Buuro ay kudhuumanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Fergusson, It's Puntland against the native people. Hal reer baa si gaar ah loo ugaarsanaya. Waa niman la yiraahdo Xuseen Idiris oo uu ka dhashey geesiga tol waayey ee Atam. Waa raga dega ama uga baddan degaanka galbeedka Bari ee kheyraadka dabiiciga ilaah ku maneystey.

 

Interesting that Allpuntland dropped the use of "Shabaab" into "maleeshiyaadka Atam" as most reputable media like VOA and BBC often report.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

I agree with JB, it is easy to start WAR, but difficult to stop, Warlord Farole does NOT understand a thing, This is the begining of the End for Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this