Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Maaddeey   

GalGala Dagaal dib uga Curtay Khasaare Hordhac ah ayaa Jira

September 12, 2010

By Juuj

Wararka ka imanaya deegaanka Bari Gaar ahaan Galbeedka Bosaaso ayaa sheegaya inuu Saaka Dagaal dib uga curtay Jiidaha Hore ee deegaankaasi,Warka ayaa intaasi ku daraya inuu dagaalkaasi ahaa mid ay awoodiisa Sheegteen Cutubyada uu Hogaamiyo Maxmed Siciid atam oo sheegta inuu Ilaaliyo Shidaal dhulkaasi Ceegaaga.

 

 

Ciidamada PISta ee loo Yaqaan Puntland Intelgent Service ayaa la sheegay i Mayd badan laga keenay Gudaha Bosaaso iyo dhawaac u badan Saraakiil Sare Sare.

 

Qof u hadlay dadka deegaanka ayaa la sheegay inuu xusay Khasaare badan oo dagaalkaasi labada dhinac soo kala Gaadhay walow aan wali si Rasami ah loo shaacin.

 

Puntland ayaa Ciidamo beeleedyo u badan Garoowe, iyo Mudug keentay GalGala kuwaasi oo uu Hogaaminayo Siciid Dheere ka gadaal markii Taliyihii Hore ee Ciidamada Tuuta Wayne lagu dhaawacay dagaalkii Bishuu Julay ee 26- ee aan soo dhaafnay.

 

Faah Faahin Naga suga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaalo Maanta ka dhacay deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.

Galagala: (Sh. M. Network) Wararka laga helayo deegaanka Galgala ee buuraha gobolka Bari ayaa sheegay in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam, iyadoo dagaalkaasi uu ka hadlay Sheekh Atam.

 

Dagaalkaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa sida la sheegay waxaa uu yimid kadib markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Saciid Atam, waxaana halkaasi ka bilowday dagaalo fool ka fool ah oo u dhaxeeyay labadaasi dhinac.

 

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka hase ahaatee dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay jiraan waxyeelo dagaalkaasi ka soo gaartay dhinacyadii dagaalamay kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Sheekh Max’ed Saciid Atam oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku soo qaadeen islamarkaana ay iska difaaceen waxaana uu intaasi ku daray in ay qaasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamadii soo weeraray sida uu hadalka u dhigay.

 

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in ay go’antahay in gobolka Bari ay ka tir tiraan ciidamada uu hogaaminayo Sheekh Max’ed Saciid Atam oo ay ku tiriyaan in uu xariir la leeyahay Xarakada Al Shabaab iyo Al qaacida.

 

Dhankiisa Sheekh Max’ed Saciid Atam ayaa sheegay in Maamulka Puntland markii ay wax u tari waayeen ciidamadii darwaashiita ay haatan dagaalka soo galiyeen dhalinyaro laga soo aruuriyay deegaanada Puntland oo uu sheegay in aysan diyaar u aheeyn inay la dagaalamaan.

 

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa dagaalo xoogan waxaa ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan Buuraha gobolka Bari, waxaana dagaaladaasi siyaabo kala duwan guula uga sheeganayay Masuuliyiinta Puntland iyo Hogaamiye Sheekh Max’ed Saciid Atam.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Galgala (RBC Radio):- Dagaal u dhaxeeya ciidanka maamulka Puntland iyo kooxda uu hoggaamiyo Atam ayaa ka dhacay deegaanka Galgala ee buuraleyda gobolka Bari, dagaalkaasi oo socday saacado kooban.

 

Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay in kooxdiisu guulo ka gaareen dagaalo saacadihii la soo dhaafey ka dhacay deegaanka Galgala ee gobolka Bari, waxaa uuna ka gaabsadey khasaare dagaalka ka soo gaarey kooxda uu horkacayo.

 

Dagaalka ayaa deegaankaasi ka dhacay marar kala duwan oo ay ugu dambeysay dagaal saaka ay isaga hor yimaadeen ciidanka Puntland ee jooga Galgala iyo kooxda halkaasi kula dagaalamaysa ee uu hogaamiyo Atam.

 

Atam ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay iyagu qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen oo ay ka adkaadeen ciidanka Puntland ee halkaasi jooga sida uu qirtay.

 

“Waanu ka adkaaney ciidanka Puntland ee jooga Galgala, waxaana haatan ku suganahay hareeraha Galgala oo aanu ku wareegsanahay, dhowaana haddii Alle yiraahdo war kale ayaad maqli doontaan oo ah inaan deegaankaasi ka sifeyno ciidanka Faroole ee ku soo duulay” ayuu yiri Atam.

 

Waxaa uu Maxamed Siciid sheegay in dhinacooda ay la soo xiriireen aqoonyahano iyo waxgarad nabad wada ayna soo dhaweeyeen hayeeshee dhinaca Puntland ayuu ku eedeeyay in ay ixtiraami waayeen cuqaashii iyo waxgaradkii deegaanka wadahadalkii ay wadeen oo ah in deegaanka Galgala dagaalka laga joojiyo oo laga saaro ciidanka ku soo duulay isla markaana wadahadal arinta lagu dhameeyo sida uu hadalka u yiri.

 

Ugu dambeyn hoggaamiyaha kooxda dagaalka kula jirta ciidanka Puntland ee jooga Galgala ayaa sheegay in dagaalka ay wadi doonaan tan iyo inta ciidanka Puntland ay joogaan deegaanka Galgala isaga oo intaa ku daray in dadka deegaankaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane C/xakiim waxaa uu saxaafada ku dhaliilay in Hoggaamiyaha kooxda ka dagaalameysa Galgala ee ka soo horjeeda Dawladda Puntland ay ugu yeeraan magaca Shiikh Atam, taasi oo uu sheegay in ay gaf weyn tahay, isla markaana la doonayo in ay ka noqdaan, maadaama sida uu sheegay Shiikh uu yahay shaqsi Culimo ah islamarkaana dadka waxa wanaagsan fara oo Kitaabka Qur’aanka ummada ku hagga, waxaa uuna Atam ku sifeeyay qof aan u qalmin in la yiraahdo Shiikh.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal ka soo yeeray Atam oo ahaa in dagaaladii ugu dambeeyay ay ka dhaceen deegaanka Galgala, mar uu arintaasi ka hadlayeyna waxaa uu yiri ” hadalka uu warbaahinta siiyey ninka la yiraahdo Atam ee ah in dagaal ka dhacay Galgala gudaheeda waa war aan sal iyo raad toona laheyn, dagaalku waxa uu ka dhacay meel ka baxsan Galgala, waana la ogyahay khasaaraha ka soo gaarey kooxdaasi, oo waxaanu ka dilnay laba ruux kuwa kalena waan ka dhaawacney, ciidankeenana wax khasaare ah oo soo gaareyna ma jirto”.

:D:D .... HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

BBC

 

 

Waxa uu sheegay inuu diidan yahay waraysi BBC ay shalay la yeelatay Shiikh Atam.

 

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa weydiiyay waxa uu ku qoonsaday wareysigaasi.

 

Wuxuu wasiirku sheegay in uu ka soo horjeedo in Maxamed Siciid Atom BBC ay 'Sheekh' ugu yeerto.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atam oo Sheegtay Guul Fariina u diray Isimada

 

Maxamed Siciid Atam oo ah nin Hogaamiya Ciidamada ilaalinta Deegaanka ee Galbeedka Bari ayaa Ka dib dagaalkii Maanta oo Axad ah u Waramay Laanta BBC-da qaybteeda Af-ka Somaliga, Maxamed Atam oo sheegay inuu Gal Gala Meel aan ka Fogayn Joogo ayaa sheegay inay Guul ka Gaadheen dagaalkii Maanta iyo kuwii ka horeeyay ee Bilhii la soo dhaafay dhacay.

 

Waxa uu Cadeeyay inay Hubka intiisa badan ay ku Dagaalamayaan ay ka Furtaan Wiilal Yar oo uu sheegay in la soo Raafay oo PL khasab dagaalka ku soo Galiyay kuwaasi oo uu sheegay inaanay Xeelad dagaal Aqoon.

 

“Waxaan Gaadhnay Guul Wayn Xaqiiqiyan Hubka intiisa badan Ciidamada PL ayaan ka Furaan dhabar Jab wayn baan u Gaysanay Ciidamada PISta ee duulaanka nagu soo qaaday qaarkood Ciidamadii Daraawsiihta waay ka baxeen dagaalka”Ayuu Yiri Atam oo BBC-da Warsiyay Maanta.

 

Waxa uu Fariin u diray Isimada Deegaana uu sheegay in laga soo Raafay Wiilal Yar Yar oo aan dagaalka GalGala Raali ka ahayn isaga oo u Jeediyay Odayaal dhaqameedka Wiilashaasi inay Caruurahooda kala baxaan dagaalka Wajiyada badan ee Faroole, Ilka Jiir, Abdi Jamaal iyo Ina Ali Shire Garwadeenka ka Yihiin.

 

Su’aal la waydiiyay oo ahayd Maxaa xal u Aragtaan Garabka Atam ayuu kaga Jawaabay inay Og yihiin inaanu dagaal iyo Xabad Xabad ku Fiiq aanay xal ahayn bale ay ku Khasab tay danta Guud markii la xidhay Ciyaalkoodii Bosaaso Jaamacadaha ka dhigan Jiray Lana Barakicyay dadkii Laag, iyo Ceel-Doofaar sidoo kalena la Gubay Beero Meesha laga Beeray Nus Qarni ka Hor oo ahaa Timir intoo badan.

 

Sidoo kale Shacabka Bosaaso ayuu u Garaabay oo sheegay in dulmi xoogan lagu hayo oo La xidh xidhayo qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalyahano Islaami ah oo gudaha u soo galay Boosaaso, qorsheynayana in ay Xaafadaha Magaalada ka Bilaabaan Dagaal

 

Warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in gudaha Magaalada Boosaaso soo galeen Boqolaal Dagaal yahan oo qoprsheynaya in ay ka dagaalamaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso. Dagaal yahanadan Islaamiyiinta ah ayaa ka kala yimi Gobolada Jubooyinka, Baay, Shabeelooyinka iyo Banaadir, waxa ayna xoojinayaan Dagaalka Sheekh Atam kula jiro Faroole.

 

Warar hoose oo aanu ka helnay ilo ku dhow dhow Xoogaga Islamiyiinta waxay tilmaamayaan dagaalka ay kula jiraan Faroole in ay ku baahinayaan gudaha Magaalooyinka waa weyn si loo curyaamiyo fariisimaha ay kuga duulayaan deegaanada Islaamiyiinta ee Buuraleeyda. Islaamiyiintan ayaa gabaad ka helaya Beelaha Deegaanka kuwooda ugu waa weyn oo ka biyo diidsan Hogaanka sare ee Maamulka Puntland.

 

Waxaa sidoo kale xeebaha dhanka waqooyi gaaray maalmihii la soo dhaafay boqolaal tababaro casri ah qaba oo ka soo talaabay Badaha Bariga Afrika kuwaas oo laga shakisan yahay halka ay ku wajahan yihiin, wararka qaar waxay sheegayaan in ay dhanka Buuraleeyda soo galeen halka kuwo kale ay tilmaamayaan in ay xoogagaas yihiin kuwo ku wajahan Dowlada Itoobiya oo ah Jabhada ONLF oo ka dagaalanta Gudaha Itoobiya.

 

Ma cadda ilaa iyo hadda xaalka sida uu isku bedelikaro Dagaalo ka dilaaca gudaha Magaalooyinka waa weyn ee Puntland wallow taasi la filankaro in khasaaro xoogan ka soo gaadho deganaanshaha Shacabka Puntland.

 

Dowladda hadda ka talisaa Puntland ayaa ah mid aan taageero balaaran ka haysan Shacabka iyo Beelaha Gobolada Puntland, taasoo sahlaysa in weeraro lagu curyaamiyo Kaabayaasha dhaqaale ay ka dhex curtain Gudaha Boosaaso.

 

Odayaasha Puntland qaar ka mid ah ayaa horay ugu baaqay Dowladda Madaxweyne C/raxmaan Faroole in uu wax ka bedelo sida ay dowladiisu ula dhaqmayso Dadka ku dhaqan deegaanka Gobolka Bari, taasoo ah Handadaad, xarig iyo dhac hanti oo lagula kaco dadka degan ee Magaalada Ganacsiga Xarunta u ah ee Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Sirdoonka Maraykanka ka dalbaday inuu Cirka ka duqeeyaan Buuraleeyda laga saari waayey Xoogaga Sheekh Maxamed Saciid Atam

 

 

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Madaxweynaha Pun tland C/raxmaan Faroole Ciidamada Sirdoonka maraykanka ee Laamaha ku leh Puntland ku amray in ay Cirka ka duqeeyaan Dagaal yahanada Hogaamiyaha dhinaca Diinta Sheekh Maxamed Saciid Atam.

 

Madaxweyne Faroole oo Jabuuti kulan kula qaatay Sarakiil ka socota Ciidanka Maraykanka ee ku sugan xarunta ay ku leeyihiin Dalka Jabuuti, wuxuu kala hadlay Faroole Sarakiisha Maraykanka in Kooxaha Sheekh Atam Hogaamiyo ku dhuumaaleysanayaan Buuraleyda Galgala ka sareeyo oo ay gabaad ka dhiganayaan meelo aan lug Ciidanka ku gali karin, wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay Cirka in lagala dagaalamo oo Diyaaradaha Maraykanka Hawada ka duqeyaan.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sarakiisha ka aqbaleen Qoraalka uu ugu fasaxayo Faroole Maraykanka Ciidanka Badda ka jooga in ay dhanka Cirka uga qeyb qaataan Dagaalka Puntland kula jirto Sheekh Atam. Sidoo kale waxay Maraykanka u sheegeen Faroole Sarakiisha Maraykanka uu la kulmay in dhinaca Dhulka u soo dirayaan Quburo aad u taqaan Dagaalka Buuraha oo Talis ka dhiganaya Laamaha Galgala.

 

Madaxweynaha Puntland oo hadda ku sugan Dalka Jabuuti ayaa kulamada uu la yeeshay Sarakiisha Maraykanka ku soo aadaya xili loo maaro la yahay Xoogaga Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Dagaal ku haya Ciidamada Puntland, taasoo Dowladda ka cabsi qabto in uu ku daba dheeraado Dagaalka oo ay Taageero ka helaan Kooxaha Koonfurta Soomaaliya Awooda ku leh ee Al-Shabaab.

 

Talaabadan uu uga codsanayo Faroole Marykanka Ciidanka ka jooga Bariga Afrika in ay kala qeyb qaataan waa mid khasaare ku keenikarta dhinaca deegaanka iyo guud ahaan Jiritaanka Puntland. Ma ahan markii ugu horaysay ee dhanka Cirka Maraykanka isku dayo inuu kula dagaalamo xoogaga Islamiyiinta waxaa dhowr sanno ka hor uu Maraykanka Duqeymo dhanka Cirka ah ka gaystay Degmada Baargaal oo qiyaastii dhanka Bari ka xigta ilaa 180km.

 

Talaaban Faroole ku damacsan yahay in dhanka Cirka laga duqeeyo Buuraleyda Galgala iyo Xoogaga Sheekh Atam ayaa nah mid la filayo maalmaha soo socda inay howlgalo ka Bilabaan Maraykanka Diyaaradihiisa Gudaha Puntland.

 

 

Mareero News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this