Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

CIIDAMADA MAAMULKA PUNTLANDAY OO XOOG KU QAATAY QALABKII SHIRKADA GOLIS EE YAALAY DEEGANADA CEELAAYO IYO GALGALA

 

Shalay galab casarka kadib ayaa waxaa tegay xarunta cadcado ee Shirkada Golis kaasoo adeegga isgaarsiinta siin jirey magaalooyinka Ceelaayo,Macag,Galgala iyo Qaw iyo dhulka ku xeeran ciidamo xoog leh oo ka tirsan Puntland waxayna ku wargeliyeen shaqaalihii Shirkada ee goobtaas joogay inay qabaan amar ah inay damiyaan qalabka Shirkada kadibna qaataan arintaas oo aay ka biya-diideen Shaqaalihii goobtaas ku sugnaa mudo markii la isku hortaagnaa ayaa waxaay ugu danbeyn damiyeen adeegii qalabkaasu bixin jirey,umana suuragalin inay qalabkii qaataan.

 

Sidoo kale waxa Ciidamada Puntland todoba beri ka hor khadkii isgaarsiinta ka jareen Xarunta Kalabayr taas oo adeega siin jirtey dhul baaxad weyn leh.

 

Arintaani oo ah arin ku cusub degaanada Puntland ayaa waxay caqabad ku tahay ganacsiga waxaana arintaas cabasho weyn ka muujiyey dadka degan degaanadaas adeega isgaarsiinta laga jaray oo telefoonada u isticmaali jirey baahiyahooda nololeed ee kala duwan.

 

Waxaa xusuus mudan in xiligii dagaaladu u dhexeeyeen C/laahi Yuusuf Yeey iyo Jamhadii Cade Muuse hogaamin jirey inay dhacday dhacdadaan oo kale kadib markii dagaal ka dhacay agagaarka tuulada alxamdulilaahi aay malayshiyada C/laahi Yuusuf furteen qalabkii Shirkada Golis ee Tuulada Alxamdulilaahi inkastoo waqti kooban ka dib lasoo celiyey

 

 

Laasqoray.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso:-Shalay galab casarka kadib ayaa waxaa tegay xarunta cadcado ee Shirkada Golis kaasoo adeegga isgaarsiinta siin jirey magaalooyinka Ceelaayo,Macag,Galgala iyo Qaw iyo dhulka ku xeeran ciidamo xoog leh oo ka tirsan Puntland waxayna ku wargeliyeen shaqaalihii Shirkada ee goobtaas joogay inay qabaan amar ah inay damiyaan qalabka Shirkada kadibna qaataan arintaas oo aay ka biya-diideen Shaqaalihii goobtaas ku sugnaa mudo markii la isku hortaagnaa ayaa waxaay ugu danbeyn damiyeen adeegii qalabkaasu bixin jirey,umana suuragalin inay qalabkii qaataan.

 

Sidoo kale waxa Ciidamada Puntland todoba beri ka hor khadkii isgaarsiinta ka jareen Xarunta Kalabayr taas oo adeega siin jirtey dhul baaxad weyn leh.

 

Arintaani oo ah arin ku cusub degaanada Puntland ayaa waxay caqabad ku tahay ganacsiga waxaana arintaas cabasho weyn ka muujiyey dadka degan degaanadaas adeega isgaarsiinta laga jaray oo telefoonada u isticmaali jirey baahiyahooda nololeed ee kala duwan.

 

Waxaa xusuus mudan in xiligii dagaaladu u dhexeeyeen C/laahi Yuusuf Yeey iyo Jamhadii Cade Muuse hogaamin jirey inay dhacday dhacdadaan oo kale kadib markii dagaal ka dhacay agagaarka tuulada alxamdulilaahi aay malayshiyada C/laahi Yuusuf furteen qalabkii Shirkada Golis ee Tuulada Alxamdulilaahi inkastoo waqti kooban ka dib lasoo celiyey.

 

 

Dhahar Online/Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Of course he is; that’s JB's strategy!

 

Whenever bad news comes out of his enclave he has to try and divert the topic to somewhere else, before it was when the ONLF crossed is enclave without incident and now it is this SSC attack. You see the SSC attacked and not only killed and injured some, but also abducted militia men as well. Problems are taking place from one end of the enclave to the other, so he needs to update people on the Gagala front in hopes of no one noticing the problems facing the triangle government.

 

The SSC movement is growing with little regard for the NW Somalia triangle admin, who seem to be helpless in doing anything against them.

 

Atam has never shown his face in public as he is too scared of the authorities - where as the SSC leaders in Buhoodle are constantly doing interviews (both through video and newspapers) with foreign media outlets, e.g. Al Jazeera, Canada’s - National Post.

 

They know the NW Somalia admin in Hargeysa is incapable of doing anything to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland 5- Ayaa dhimatay 13-Waa Dhaawac

 

Dagaal ayaa Abaara 4:30 Galabnimo ee Maanta Dhexmaray Ciidamada Difaaca Khayraadka Sanaag Gaar ahaan kuwa Galbeedka Bari degan ee uu Hogaamiyo Maxamed Said Atam, Warar Hada soo dhacay ayaa sheegaya in Shan Askari laga dilay PL halka 13-dhawaac la Keenay Bosaaso.

 

Faahin Kale oo dheeraad ah Wali Lagam hayo Kamana aysan Hadlin Dawlada Weerarkasi Galabta.

 

Dagaalkan ayaa Curtay 26-Jun,ee aan soo dhaafnay waxana uu Salka ku hayaa Sad Bursi iyo Dhaqaale Raadis dhanka PL iyo Ciidamada deegaankaasi ka dhex Aloosan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo maamulka Puntland ka diiday dagaalka Galgala oo la xabisay

 

Aarannews(Garowe) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa Siddeed askari oo maamulka Puntland ka diiday inay ka qeyb qaataan dagaallada maamulkaasi kula jiro ciidamada Sheekh Attam ee ka socda Buuralayda Galgala xabsi la dhigay.

 

Maxkamada ciidamada ee maamulka Puntland ayaa askartaas oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland gaar ahaan ciidamada daraawiishta ku xukuntay min Saddex sanno oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inay diideen ka qeyb qaadashada dagaallada ka socda Galgala, isla markaana ay ka soo dhuunteen deegaanka Galgala, hubkii loo siiyay inay ku dagaalamaana ay kala soo goosteen ciidamada puantland ee ku sugan jiida hore ee deegaanka Galgala.

 

Siddeeda askari oo maanta la xukumay ayaa waxaa lagu magacyadooda soo gaarsiiyay saxaafadda xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qabalka sida ee maamulka puntland Dr. C/kariim Xasan Firdhiye, waxayna kala yihiin.

 

1- Saddex Alifle, Nuuradiin Salaaf Axmed kana tirsan Uruurka 26aad

 

2- Dable, C/llaahi Maxamed Xirse .

 

3- Dable, C/salaam Warsame Xirse

 

4- Dable, Cabdi Axmed Maxamed

 

5- Dable, Rooble Maxamed C/qaadir

 

6- Dable, C/fataax Sheekh Mukhtaar

 

7-Dable, Faarax Maxamed Barre

 

8- Dable, C/qaadir Cali Aadan

 

Ma aha markii ugu horraysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay ka goostaan ciidamada ku sugan jiidda hore ee Galgala, waxaana jira ciidamo hore uga goostay jiidda dagaalka Galgala oo u galay kuwa Sheekh Attam iyo sidoo kale kuwo u galay Jabhadda SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidan Ka Tirsan Puntland oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino

October 6, 20105 comments| leave your own!Askar ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii uu ku qarxay miino,iyadoo qaraxadaas miinada ay ka dhacdey halka lagu magacaabo Balli Khadar oo hada kahor dagaal ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo xoogaga taabacsan wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam.

 

Wararka ayaa sheegaaya in qaraxadaas miinada ay ku dhaawacmeen askar gaaraya 8-askari oo dhaawacooda lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso oo xilligaan lagu dabiibaayo.

 

Askarta ku dhaawacantay qaraxa miinada ee lasoo gaarsiiyey isbitaalka Bosaaso ayaa la sheegaaya in qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

 

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxa miinadaan, Ciidamada dagaalka kula jira Puntland ee uu hoggaamiyo ninka la yiraahdo Maxamed Siciid Attam ayaan weli sheegan in ay ka danbeeyeen qaraxaas, waxaase loo badinayaa in ay iyagu ka danbeeyeen.

 

Ma ahaan markii ugu horeysay Ciidanka Puntland ay ku waxyeeloobaan qarax miino oo noocaan oo kale,waxaana dhowr jeer hore degaano ay kamid tahay Galgala lagula beegsaday qarax miino oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada PL oo howlgal ka bilaabey Galgala

 

 

Ciidamada Puntland oo ku sugnaa buuraha Galgalo iyo agagaarkeeda ayaa saakey qaadey howlgalo ay ku nadiifinayaan kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaleysta goobo ku dhow buurta Galgala.

 

Howlgalkaan oo ay ka qayb galeen ciidamo xoogan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gacanta ku qabtey goobaha lagu magacaabo Dhagaxdheere, Karin Xaragoode, dindigle iyo dacareeye kuwaasoo kuligood ku yaala dhul keyn ah oo haraga kooxdaan ku dhuumaaleysanyeen mudooyinkaan.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo Garowe Online kala hadley goobahaas ayaa sheegey in goob kamid ah lagu qabtey 4 maxabuus iyo labo gaari oo ah kuwa xamuulka ah.

 

Wararka aan ka heleyno ilo kala duwan Ciidamada dowlada ayaa weli ku guda jira howlgalo ay ka wadaan agagaarka buurta Galgala iyadoo aysan weli irin wax hadal ah oo weli kasoo baxey saraakiisha Daraawiishta.

 

Dhinaca kale magaalada Bosaso ayaa ciidamada amniga adkeeyeen amaankeeda iyadoo jidadka waaweyn lagu arkayey.

 

Ciidamada Darawiishta ayaa horey weerar ugu qaadey maleeshiyaadka uu hogaamiyo Attom kuwaasoo ka amar qaata Shabaabka ka dagalama Koonfurta Somalia.

 

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atam oo Beeniyay in Gooba Laga Qabsaday

 

Hogaamiyaha Isbedeldoonka Maxamed Siciid Atam ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta Gudaha Somaliya la hadlay Maanta waxana uu sheegay in dagaal Kulul uu Maanta dhacay kaasi oo ay is kaga Hor yimadeen Ciidamada PL iyo kuwa Deegaanka ee uu Madaxda u yahay.

 

Maxamed Atam ayaa Beeniyay oo iska Fogeeyay Warar ay Faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta PL oo ahaa in Maxaabiis laga qabtay Ciidamada Deegaanka isla markaan Saldhigo Lagala wareegay arinkaasi ayaa ku Tilmaamay war aan sal iyo Raatoona lahayn isla markaana ay Guula sheegayaan dhankooda.

 

Waxa uu Cara baabay inay wadidoonaan dagaalka ilaa Isbedel loo dhan yahay uu ka Hir Galo Gudaha Maamul Goboleedka Puntland.

 

Maxamed Atam ayaa u Muuqday Nin doonaya inuu Isbedel Siyaasadeed kaga Mid Noqdo Xukuumada Puntland markaa Dhuuxdid Waraysigiisii Maanta uu Siiyay Warbaahinta oo aad uga duwanaa kuwa Horay looga qaaday.

 

Warka ayaa ku soo aadaya iyada oo ay PL sheegtay inay weerartay Fadhiisimo badan oo uu lahaa Maxamed Atam.

 

 

galgalanews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba Reer Gal Gala ah oo Bosaaso lagu dhaawacay Caawa

 

War hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in Shiini Xasan Gurxan Nin lagu sheegay iyo Ina Dubad Nin kaloo lagu sheegay ay Weerareen Koox Hubaysan oo aan la aqoon haybtooda kuwaasi oo Rasaas Ooda kaga qaaday.

 

Xidhiidho kala Gadisan oo Shabakada GalGalanews ay Bosaaso la Samaysay ayaa naloo sheegay in Labada Ruux ay yihiin dhaawaca isla markaana Rugaha Caafimaad loola Cararay Markii Masiibadaasi Heshay.

 

Lama Yaqaan cida weerarkaasi ka danbaysa hase yeeshee baadhitaan ayaa socda ay wadaan Booliska iyo dad ehel u ah dadka la dilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GalGala:-Dagaal Qadhaadh ayaa Socda Hada

 

Dagaal Kulul ayaa la sheegay inuu Maanta Aroortii dib uga Curtay Buuraha Galbeedka Bari Gaar ahaan Galgala oo ah Saldhigii Ciidamada Maxamed Atam kaasi Xidhiidho aanu saaka Hiirtii waa bari la Samaynay Bosaaso iyo Galgala ayaa naloo sheegay in Hubka Cul Culus lays waydaarsano Saaka isla markaana aan la qiimayn karin Khasaaraha Labada Dhinac Soo kala Gaadhay.

 

Waxa la sheegay in Puntland ay Laba Jibaartay Cudud ciidan iyo Hub ee ay kula Jirto Xoogaga Deegaanka iyada oo Saaka Hub Culus ay ku Garaaceen Buuraha GalGala in kastoo aan la Ogaan karin Khasaaraha ka dhashay inta uu Gaadhsiisan yahay.

 

Qof Reer Guuraa ah oo ayaa la sheegay inuu Arkay Mayd badan oo dhanka PL kuwaasi oo ku labisan Dharka Gaarka u ah Ciidamada PISTa kuwaasi oo Maydkoodu Daadsanaa Meel aan saas uga Fogayn GalGala.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland forces seize fighters, trucks in surprise raid on militant hideout

 

The security forces of Somalia's Puntland State government initiated operation of searching Somali hard-line, Al-Shabaab in the Galgala hills, in northern Somalia, Radio Garowe reports.

 

The operation were joined by armed forces, reportedly tightened security in Dhagahdhere, Karin Haragode, Dindigle and Dareeye, where the Al Shabaab-allied militia led by Mohamed Said Atom have been hiding in recent months in the face of a Puntland military offensive.

 

According to one of government forces who spoke with Garowe Online, four prisoners and two trucks were seized by Puntland security forces.

 

Local reports indicated that Puntland troops are infiltrating deeper into the forrested and hilly area where Atom's Al Shabaab fighters are hiding.

 

On the other hand, Puntland government forces poured into the streets in the port city of Bossaso as a show of force while military operations continued in Galgala, a hilly area roughly 60 southwest of Bossaso.

 

Atom is a notorious warlord and arms dealer based in the Sanaag mountains straddling Puntland and Somaliland. Puntland and the breakaway region of Somaliland have been relatively stable compared with the central and southern Somalia in recent years.

 

Puntland's government accuses Atom of being responsible for a string of bombings and assassinations of Puntland government officials. Last week, Puntland Information Minister Abdihakim Ahmed Guled escaped a roadside bombing blamed on the Galgala militants.

 

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this