Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Puntland:Maxaabiis Laga Qabtay iyo Ciidamo Go’doonsan

 

Xidhiidh kala duwan oo aanu meelo badan la samaynay ayaa naloo sheegay in Ciidamo Maxaabiis ah oo gaadhaya 20-Askari iyo Cudud Hub oo ay wateen ay Gacanta ku dhigeen ciidamada Deegaanka ee Maxamed Atam, ilo wareedka aanu helay ayaa sheegayaa in Dagaalkii Hore ee maanta Maxaabiistaasi Gacanta lagu dhigay.

 

War aanu helay waxa uu *****lka ka qaadayaa in Ciidamo kale oo uu watay Gen C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir Lagu Go’doomiyay Buuraha GalGala kuwaasi oo ku Xayirin Laba Buureed dhexdood, waxana wali socta Rasaas Teel Teel ah.

 

Qof qariyay Magaciisa ayaa noo sheegay in Dhaawaca PL lagu qaaday Gaadhi Waaraad ah kaasi oo loola Cararay Magaalada Bosaaso iyo Garoowe waxana ay Ciidamadaasi u badnaayeen kuwa Asha’haada la Dirarka ee loo Yaqaan Puntland Intelgent Service[ PIS] kuwaasi oo dagaalka Maanta Kaalin xoogle ku lahaa.

 

Ruuxaasi aanu la xidhiidhnay waxa kaloo uu sheegay in Puntland dagaalkii Maanta ay ku Jabtay isla markaana ay dib Uga soo Durgtay Saldhigyadii Hore ee lagu ogaa taasina ay ka mid tahay Guul darada Maamulka.

 

Maamulka PL ayaa warar Hoose sheegayaan inuu Qorshaynayo in Ciidamo isku dhaf ah loo diray dhanka Macagta gaar ahaan Meesha lagu Magcaabo Xidid

 

Qorshaha Ciidamada Xidid ayaa la sheegay inay Yihiin kuwa doonaya in lagu Dhabar Jabiyo Xoogaga Atam isla markaana dhawor Jihi Ciidamo looga Keeno Buuraha Gal Gala Walow warka aanu Helay Tibaaxayo in Xoogaga Atam ay Fashiliyiin Dhabar Jabka Xidid isla markaana ay Cudud ciidan Dhoobeen dhanka Galbeedka ee Magaalada GalGala.

 

Waxaanu ka Cudur daaranaynaa inaan Xog Dheeraad ah oo Faah Faahsan laga Heli karayn Dagaalada Laba dhinac sababa la xidhiidha Isgaarsiinta Deegaanadaasi oo Go’an awgood.

 

Madaxwaynaha PL oo dhawaan Safar kaga soo Laabtay Yeman oo uu Mudo Kooban ku Sugnaa ayaa la sheegay inuu Go’aan ku gaadhay in Maalmo Kooban lagu soo afmeero Xoogaga Atam ee laf Dhuun Gash ku Noqday Maamulka PLwaxana uu Arinkaasi u saaray inay Dagaalka Qayb ka Noqdaan Wasiirada Beesha Warsangali qaarkood ee Dawlada Ku Jira sida Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir Wasiir Xigeenka Koowaad ee Amniga C/Jamaal Cismaan Maxamed iyo W/Xigeenka Dhalinyarada Siciid Daahir Qodax Sidoo kale Coll Gorya Cawl ayaa la sheegay inuu Kaalin wayn ku lahaa dagaalkii Maanta.

 

 

Isha Warka:-GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo Mayd Fara badan Gaysay Bosaaso

 

Warar naga soo gaadhaya Bosaaso ayaa sheegaya in Ciidamad PL ay dhaawac Fara badan iyo Mayd Geeyeen Caawa Gudaha Magaalada Dekeda leh ee Bosaaso kuwaasi oo Rasaas Gadood ah ku Riday dad badan oo suuqa Bosaaso Joogay in kastoo aan Khasaare la sheegin.

 

Goobaha Caafimaadka ayaa aad Mashquul u ah caawa waxana Jira Rasaas aan ujeed laahyn oo ay Qubayaan Ciidamada PL oo Maanta ku jabay Dagaalkii galbeedka Bari ay la Galeen Xoogaga Maxamed Atam oo halkaasi Kumanaan Askari oo isaga Daacad u ah ku Haysta.

 

Waxa la sheegay in Ciidamada PL ee Maanta Galay Galgala uu Hogaaminayay Gen Ilka Jiir oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha PL kaasi oo faroole cadaadis xoogan ku Saaray inuu Hogaamiyo Ciidamada Duulaanka ku ah GalGala.

 

War hada soo dhacayna waxa uu sheegay in Laba Ciidan oo PL Ka kala Tirsan ay ku Go’doonsan Yihiin galbeedka GalGala waxana Hor Fadhiya Ciidamada Atam oo Gurmad Xoogan Helay ilaa Shalay.

 

 

Galgalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAGAAL GOORDHAYD DIB UGA BILAAMAY BUURALAYDA DEEGAANKA GALGALA EE GOBOLKA BARI IYO WARAR HOR DHACA OO LAGA HELAYO

 

War deg dega oo goordhayd naga soo gaadhay Deegaanka Galgala ee Gobolka Bari ayaa Wuxuu Sheegaya in uu haatan dagaal Lixaadleh uu ka socda Buuralayda Galgala oo u dhaxeeya Ciidamada Ilaalada Deegaanka ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.

 

Waxaan goordhayd khadka telephone-ka kula xidhiidhnay Dad kasoo jeeda deegaanka Galgala oo u soo barakacay Degmada Laag oo ku dhow Galgala Islamarkaana saaran Laamiga dheer kadib markii ay noo suuroobi weyday inaan helo Telephonada Deegaanka Galgala oo gabi ahaanba laga jaray Isgaadhsiintii dad weynuhu adeegsan jiray Waxayna dadkaasi noo sheegeen uu dagaal lixaadleh oo xidhiidhsan ka socdo ilaa doraad Buuralayda Galgala.

 

Warka ayaa Wuxuu intaas ku darayaa in ay labada dhinac soo kala gaadheen Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac Waxaana Wararka qaar sheegayaan in ugu yaraan Isbitaalka Magaalada Boosaaso la keenay 14 nin oo meyda kuwaas oo katirsan Maamulka Goboleedka Puntland iyo Hay'adda sirdoonka ee PIS-ta.

 

Lama Oga Khasaaraha dhabta ha ee Soo gaadhay dhanka Ciidamada uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Siciid Attam Waxaana loo ogaan karin sababo la xidhiidha Isgaadhsiinta deegaanka oo gabi ahaanba hawada ka maqan iyo yagoo ka dagaalamaya Meelo Buuralay ah.

 

Dagaalkan ayaa Wuuxu maanta fooda la galay Maalintii sadexaad oo Xadhiidha ilaayo hadana ma jirto cid guulo ka sheegatay dagaalkaas basle Warar duul duula oo Warbaahinta inteeda madaxa banaan soo gaadhaya ayaa wuxuu sheegaya in laga gacan sareeyo Ciidamada Maamulka Puntland oo dib looga riixay goobihii ay hore ugu sugnaayeen.

 

dadka reer guuraga ah ee ku sugan deegaanada ku dhow galagala ayaa waxay sheegeen in ay indhahooda sooareen Meydad iyo dhaawacyo tiro badan oo xidhan dareyska Ciidamada Puntland oo yaala Baadiyaha Galgala kuwaas oo ku riiqday Dagaalada ka socda Buuralayda Galgala.

 

Wixii kasoo kordha Dagaalka haatan ka socda Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari Waxaad ku arki doontaan wararkayaga dambe.

 

 

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin reer guuraa ah oo ku sugan deegaanadii dagaalka galbeedka Bari oo lasoo xiriirey idaacada SPR isla markaana uga warbixiyey dagaaladii ugu dambeeyey

 

(SPR): Maqribnimadii kadib goor ay ku dhoweyd saacadihii uu dagaalkii deegaanka Galgala istaagay ayaa waxaa idaacada SPR lasoo xiriirey nin reer miyi ah oo uga warbixiyey dagaaladii maanta. Ninkan reer guuraaga ah ayaa sheegay in uu dagaalku goobo badan ka kala socdo, ciidamada is hayana ay goobo badan ku kala dirirayaan sida deegaanada Galgala gudaheeda, Madarshoon, Macdar, Dhagax dhaabo, iyo goobo kale oo badan.

 

Ninkan goob joogaha ahaa ayaa wuxuu sheegay in uu arkayay ololka madaafiicda iyo rasaasta ay isweydaarsanayaan labadan kooxood isla markaana uu indhiisa ku arkey gawaari badan oo la gubey. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in ay goobaha sare ay ciidanka Puntland kasoo gadoodeen. Ninkan reer miyiga ahaa sheegey in uu yahay nin dhex dhexaad ka ah labada dhinac isla markaana yahay nin xoolo dhaqata ah oo biyo u doontey deegaan macdarka ah oo markaasina xabada ku qabsatey.

 

Ninkan reer guuraaga ah ayaa sheegay in aysan cidna sheegan Karin in ay meel haysato, iyadoo ay xabadu jiha kasta ka socoto deegaanadaa. Sidoo kale ninkan reer guuraaga ah ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay cunaqabeyn saareen Tuulooyinka ku dhow laamiga sida Maraja iyo Af-urur, iyadoo haatan loo soo daayey laba gaari oo raashin ah deegaanka Maraja.

 

 

LISTEN HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalladii Ugu Dambeeyey Ee GalGala Iyo Saraakiil Puntland Katirsan Iyo Suxufiyiin Lagu Hareeraysan Yahay Buuraha Oo La Isla Galay

By admin2 on Oct 20, 2010

Waxaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey si is daba jog ah uga soconayey kaymaha buuraleyda Galgala dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS) iyo ciidamo uu hogaaminayoSheekh Maxamed Siciid Atam.

 

Dagaalkan oo bilowdey darraad ayaa ciidamada Ashahaado la dirirku waxay guluf colaadeed ku qaadey fariisimo ay lahaayeen ciidamada Mujaahidiinta Galgala iyaga oo ka hor inta aaney dagaalka qaadin ku duqeeyey madaafiicda

BM-ka. Ilo wareedyo ka mid ah Mujaahidiinta deegaankaas ka dagaallamaya ayaa shaaca ka qaadey in dhamaan madaafiicdu ay ku dheceen meel loo yaqaan Macag oo in ka badan 30km xagga galbeed ka xigta goobaha ay mujaahidiintu ku sugan yihiin.

 

Saraakiisha hogaaminaya ciidamada Galgala oo aan xiriir la sameyney ayaa noo sheegey in ay dageen istaraatiijiyad cusub, isla markaana ay dib ugu gurteen dhulka kaymaha ah si ay halkaa jab weyn ugu geystaan ciidama Ashahaado la

dirirka Puntland. Dagaalka ayaa sidii qorshuhu ahaa u dhacay waxayna tageen ciidamada Ashahaado la dirirku goobo horey fariisin ugu ahayd Mujaahidiinta iyaga oo warbaahinta ku faafiyey iney fariisin koodii qabsadeen.

 

Saacado ka dib ayey ku war heleen weerar xoogan oo kaga yimi saddex dhinac waxaana ciidamada Mujaahidiintu ay dhabar jabin iyo dhinacyadaba kaga bilaabeen rasaas xoogan iyo waliba madaafiicda garabka laga tuuro.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo aan xiriir la sameyney ayaa sheegey in dhimashada darraad ay ahayd 15 askari oo kaliya dhinaca Ashahaado la dirirka balse dhaawaca ayaa intaa aad uga badan.

 

Shalay iyo xalay ayaa sidoo kale waxaa dhacay dagaallo xoogan, waxayna qaar ka mid ah ciidamada Puntland ee jiidda hore joogaa sheegeen in dagaalkii shalay ilaa xalay ay kaga dhinteen ciidan gaaraya 30 Askari.

 

Maanta ayaa waxaa Boosaaso gaarey 3 baabuur oo ah baabuurta dhaawaca qaada ee Umplus-ta loo yaqaan iyo baabuur kale oo dhamaan sida askartii ku dhaawacmey dagaalkii xalay iyo waliba ugu yaraan labo Askari oo meyd ah

waxaana baabuurtu ay toos u abbaareen xarunta Ashahaado la dirirka eek u taalla xaafadda Laanta Hawada ee

Boosaaso.

 

Dhinaca Mujaahidiinta waxaa ka shahiidey usbuucii lasoo dhaafey labo shahiid halka dhaawacana uu yahay labo nin oo dhaawocoodu uu sahlan yahay sida ay sheegeen qaar ka mid masuuliyiinta ciidamada mujaahidiinta Galala, waxaana loo aaneynaya arrintaas ciidamada Mujaahidiinta oo iyagu ku jira dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta Galgala oo aan caawa kula xiriirney khadka Telefoonka ayaa noo xaqiijiyey in ay hadda isweer ka hayaan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Puntalnd iyo waliba saxafiyiin la

rabey iney sawirro iyo warar ka qaadaan goobihii ay dib u gurashada ka sameeyeen Mujaahidiintu,.

 

Saraakiisha ayaa waxaa la sheegayaa iney ku jiraan Siciid Dheere iyo waliba Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Gen. Ilka Jiir, lamana garanayo waxa ay ku dambeyn doonto go’doominta caawa ay ku jiraan saraakiisha iyo ciidamada Puntland. Isku soo duuboo waxaa muuqata in jab xoogani uu soo gaarey ciidamada Ashahaado la dirirka Puntland oo iyagu dagaal gardarro ah ku qaadey deegaanka Galgala isla markaana wacad ku marey iney soo afjarayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee ku sugan deegaanka Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

COLL CABDULLAAHI CUMAR CASHUUR OO KADIB MARKII LACAG FARABADAN FARAQA LOOGU SHUBAY SOO GALAY DAGAALKA GALGALA.

 

Ciidamo uu hogaaminayo Coll Cabdullaahi Cumar Cashuur oo ku Magacaaban Taliyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka Faroole ayaa Waxaa Lagu Soo Waramayaa in lagu arkayo Jiida hore ee Dagaalku ka Socda Deegaanka Galgala ee Gobolka Bari, Masuulkan ayaa Wuxuu Dagaalka Soo galay Maalin Sadexaad kadib markii ay isku afgarteen Madaxda Puntland Lacag ay horey isugu khilaafsanayeen

 

Ciidanka uu horkacayo Coll Cabdullaahi Cumar Cashuur oo tiro ahaan lagu Sheegay 65 Askari iyo 5 Tikniko ah iyo Labo Gaadhi oo Nooca Surfaha looyaqaan ayaa Maalin Sadexaad ku biiray dagaalka ka socda Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari Waxaana lagu soo waramaya in Ciidankan loogu talagalay in lagu dhabar jabiyo Ciidamada taabacsan Sheekh Maxamed Siciid Attam Maadama ay deegaanka kasoo jeedaan islamarkaana ay sifiican u kala yaqaaniin deegaanka Lagu dagaalamayo.

 

Waxaa Xusid Mudan in ay jiraan Ciimado badan oo katirsan kuwa uu hogaamiyo Coll Cabadullaahi Cumar Cashuur oo diiday in ay kamid noqdaan Ciidamada u dagaal tagay Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari Waxayna Shegeen in aysan Shilin Dhaafsiisanayn Dhiiga Walaalahood.

 

Sidaan kor kusoo sheegnay Ciidanka uu garwadeenka ka yahay Coll Cabdullaahi Cumar Cashuur oo ku dhawaad Sanad aan qaadan Wax Mushaharo ah ayaa waxaa loogu talagay in lagu dhabar jabiyo Ciidamada daacada u ah Sheekh Maxamed Siciid Attam ee dagaalka adag kula jira Maamulka Puntland, Nasiib daro kuma aysan guuleysan isku daygaas Waxaa markiiba ka war helay Sirdoonka Sheekh Attam oo difaac adag ka galay.

 

Ciidamadan oo uu Fashilmay qorshihii Lagu Soo dagaal galiyay ayaa waxay haatan fadhiisimo cusub ka sameysteen duleedka Magaaladda Galgala Islamarkaana waxay qeyb ka noqdeen Ciidamo hore halkaas ugu go'doonsanaa.

 

Sida la rumaysan yahay Ciidamda ka amar qaata Coll Cabdullaahi Cumar Cashuur ayaan u Xaadirin Wax Mushaharo ah in kabadan Sanad Waxeyna marar badan dhagaha ka fureysteen dalabaad uga yimi Madaxda Puntland taaso ku aadan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Sheekh Maxamed Siciid Attam.

 

Waxaa Markan Maragma doonto ah in Lacag Farabadan oo isugu jirta Musharo iyo mid dheeriya La Siiyay Ciidamada uu Hogaaminayo Coll Cabdullaahi Cumar Cashuur si ay qeyb uga noqdaan gulufka dagaal ee ka socda Buuralayda Galgala.

 

 

 

 

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Oo Ajanib Arga Gaxiso Ladirir ah Kalasodagtay Garonka galkacyo

 

Galkacyo - Masuuliyiina waqooyiga galkacyo ayaa garonka gakacyo kala sodagay ku dhawaad 24 ajaanib ah oo sida la sheegay arga gaxiso ladagan ah kuwasi oo sida wararku ay sheegayaan puntland ka caawinaaya dagalka ay kula jiran wadad dimeedka Atam

 

ikastoo ajanibtan an la ogeyn wadamada ay ukal dhashen hadana warar horu dhac ah ayaa sheegaya in ay ka soo kala jedan USA iyo UK halka qarkalana ay sheegayaan in ay udhasheen Turkiga lamana oga halka dhabta ah ay kasojedan

 

dhinaca masuliyinta galmudug ayaa wada howlo lagu joojinayo howlaha eraborka galkacyo kadib markii ay masuliyinta galmudug sheegeen in ay dhicikarto in erabodku noqdo mid cidii donta ay iska adeegsato

 

sikastaba xalda eraborka galkacyo ayaa umuuqda mid mugdi siigalaya iyadoo kol horana wadado tabliq ah oo udhashay dalka bakistan oo garayey ilaa 7 oo kasodageen erabodka galkacyo lagu dilay waqooiyga galkacyo kuwasi oo cidamda puntland ay ugu mar marsiyoodeen in ay yihiin Arga gaxiso dalka kuso duushay

 

 

Hobyonet.com - Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole Iyo C/samad Cali Shire Oo Taageero Dhaqaale Weydiisatay Ganacsatada Puntland, Maxayse kala kulmeen

 

Madaxweynaha Maamulka Ashahaado la dirirka ah ee Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa la xaqiijiyey in uu weydiistay ganacsatada Puntland, in ay dhaqaale siiyaan dawladdiisa,

 

si ay uga soo kabato dagaalada baahsan ee ka socda deegaanka Galgala ee gobalka Bari, oo uu sheegay in aysan marnaba fileyn dagaalkaas in uu mudadaas qaato.

 

C/samad Cali Shire oo ah kuxigeenka Faroole, ayaa koox ganacsato ah iskugu geeyey Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, halkaas oo noqotey meesha kaliya ee ay hada isku arkeen Wasiirada iyo xubnaha Puntland ee jooga magaalada Boosaaso, maadaama ay cabsi ka qabaan weeraro lugu qaado ayagoo maraya bartamaha magaalada.

 

C/samad ayaa usoo bandhigay ganacsatada dhibaatadii dawladdooda ka soo gaartay Galgala, wuxuuna sheegay in lacag ka badan 2 Malyan oo Dollar$, ay uga baxday dagaalkaas oo dhacayay maalmo kooban, wuxuuna tibaaxay in ay taasi keentay in hada la waayo Mushaaraadka Shaqaalaha qaarkood, gaar ahaana ciidamada Booliska iyo qaar kale oo shaqaalahooda ah.

 

Gudiga Faroole usaaray la kulanka Ganacsatada ayaa usheegay ganacsatada in looga baahan yahay in ay dawladda ku taageeraan dagaalada ay ku jirto ayna bixiyaan lacag ka badan 1 Malyan oo Dollar$, taasoo noqon doonta deyn iyo deeq labadaba. Puntland oo filaysay in ay dhaqaalahaas helaan, ayagoo ka duulaya xiliyo badan oo ay ganacsatadu siyaabo kala gedisan utaageereen Maamuladii ka horeeyey maamulkan, ayay ganacsatadu jawaab adag ka bixiyeen qaraarkii Maamulka Faroole.

 

Kulan socday saacado badan oo ka socday magaalada Boosaaso, ayay ugu dambeyntii ganacsatada Puntland waxa ay go’aan cad ku gaareen in aysan marnaba Puntland ku taageerin wax dhaqaale ah, waxa ayna sheegeen in dagaalada socdaa ay mawqif ka aaminsan yihiin, markaasna aysan marnaba yeeli doonin talaabada uga soo jeedisay dawladdu.

 

Jawaabtaasi kadib C/samad Cali Shire oo ka hadlayay magaalada Bosaso ayaa sheegay in ay ganacsatadu diideen in ay bixiyaan dhaqaale lugu difaaco dalka, waa sida uu hadalka udhigaye, wuxuuna sheegay in ay taageero laftigoodu siiyaan kooxaha uu ugu yeeray asal raaca, oo ula jeeday ciidamada ay isku hayaan Buuraha gobalka Bari.

 

 

C/laahi Shire (Wariyaha)

Somalimidnimo + Radiowidhwidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Atam oo Goordhaweyd La Wareegay Gacan ku Haynta Degmada Galgala Ee Gobalka Bari

 

 

Galgala, May 11 – Wararka ka imaanayaa Degama Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gacanta u gashay, oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan Maxamed Siciid Shiikh Atam sidaasi waxaa Warbaahinta Galgala U xaqiijiyey Sarkiil Katirsan Xafiiska Madaxtooyada Puntland Ee Magaalada Bosaso

 

La-waregidda Galgala ayaa timid kaddib marki xalay saqdii dhexe weerar mir ah lagu qaaday ciidamada Maamulka D. Gobaleedka Puntland oo indhawaalaba fariisinka ku lahaa Degmada galgala . Iyadoo Laga gubay Gaadhi Nooca Cabdi Bilah Ah oo Ay La hayeen Ciidanka Sirdoonka puntland Oo Ku Sugnaa deegaankaasi,,

 

Waxaa jira khasaare aan la faahfaahin oo soo gaadhay ciidamada Puntland, haatanna waxaa shir al-baabadu u xiran yihiin uu uga socdaa xarunta madaxtooyada madaxda sare ee dawladda iyo saraakiisha cidamada.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac dawladda oo ay kaga hadlayso sida wax u dhaceen, waxaana dhinaca kale aad u yar in la helo dadka deegaanka isgaarsiinta oo liidata awgeed.

 

Dawladda Puntland ayaa horay deegaankaasi kula dagaallan tahay kooxo ay ku tilmaantay xag-jiriin xiriir la-leh Al-shabaab oo uu hoggaaminayay Maxamed Siciid Atam, caddaysayna in ay ka cirib-tirtay halkaasi, waxaana arrintaan ku soo beegmaysaa xilli madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Bossaso.

 

Sidoo KAle ciidmadii Horey u joogay Deegaanka Galgala Ay Iyagu Haatan isugu soo Biya Shubtay tuulada karin, oo ay Fadhiisin Ka sameysteen Kadib Markii Lagala Wareegay Saaka Waaberigii Deeganka galgala

 

Dagaalka oo Laga Soo Kala Qaday Afar Jiho Sida Dhinaca Buurta karin Galgalan, Bilcilka,iyo Xaga Galbeed ee MAgaalada, Aya Sahashay In Ciidanka, puntland Lagala Wareego Deeganka.. Sida Uu Xaqiijiyey Wasiirka Amniga puntland, Yusuf Ahmed kheyre….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka deegaanka Galgala oo xalay dagaal culus ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan Galgala gaadiid dagaalna kula wareegay.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay dadka deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay gadiid dagaal oo aad u farabadan waxay kula wareegeen dagaal xoogan oo ciidamada maamulka la baxay Puntland ay kula galeen halkaasi.

 

Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana aad u xoogan ayaa yimid ka dib markii cutubyo ka tirsan dadka deegaanka Galgala ay waxyar ka hor salaaddii Subax weerar dhowr jiho ah ku soo qaadeen ciidamada maamulka PL ee ku sugan halkaasi iyagoona kula wareegay gaadiid dagaal oo gaaray Shan gaari oo ka kooban Sadex Dhashiike oo saran gawarida Cabdi Bile iyo Nuuca Dabadhiibato halka qaar kalena ay gubeen.

 

Dhanka kale waxyar ka dib markii ciidanka Puntland rasaastu ku bilaabatay ayay dadka deegaanku waxay deegaan Sugurre oo Galgala u jira 12km ku

 

Hase ahaatee xukuumada Puntland waxay Sheegayn Guulo balaadhan iyo inay gacanta ku haysto Guud ahaan GalGala Halka Kooxda kale ee Mucaaradka ah ay iyana sheeganayaa Guulo balaadhan.

 

Dagaalkan xoogan oo Afarta habeenimo ee xilliga dambe ka dhacay Galgala ayaa meesha ka saaraya hadallo horay uga soo baxay Maamulka Puntland kaasi oo ahaa inay Cirib Tireen kooxdii uu Hormuudka u ahaa Maxamed Siciid Atam oo ah Nin Dhaliila Siyaasada Maamulka Puntlnd.

 

 

 

GalGalaNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOSASSO (RBC) Reliable sources in Bosasso port town of Somalia’s semi-autonomous state of Puntland confirmed that Puntland forces vacated the mountainous town of Galgala after overnight offensive, RBC Radio reports.

 

Puntland senior officer told RBC Radio in a condition of anonymity that at least 14 people were killed while 20 more injured in a heavy unexpected attack launched by Islamist militia loyal to Sheikh Mohamed Said Atam, top member of Al-Shabab group.

 

The fighting reportedly commenced in the midnight of Wednesday and conrinued until the dawn, and several battle wagons belonged to Puntland forces were burnt down the official commented.

 

Galgala is only 40 KM southwest of Bosasso port, the commercial city of Puntland.

 

The latest reports say the Puntland president Abdurrahman Mohamed Farole called his senior military commanders to discuss the Islamists’ seizure of Galgala town.

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koox Islaamiyiin ah ayaa maanta la wareegtay gacan ku haynta deegaan ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ka dib markii uu dhacay dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof.

 

Saraakiil ku sugan deegaanka waxay sheegeen in koox ku kacsan dowlad goboleedka Puntland ay goor hore oo Arbacada maanta ah weerartay, isla makaana qabsatay degmada Galgala, oo qiyaastii 40KM dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Boosaaso.

 

Kooxda la wareegtay degmada Galgala waxaa la sheegay inay daacad u yihiin Sheekh Maxamed Siciid Atom oo xubin ka ah kooxda al-Shabaab.

Wasiirka Amniga ee Puntland, Jeneral Yuusuf Axmed Kheyr ayaa wariyeyaasha magaalada Boosaaso u xaqiijiyay in weerarkaasi ay soo qaadeen taageerayaasha Sheekh Attom.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in ciidamada Puntland ay iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana gaarsiiyeen khasaare, maydadkooduna ay weli yaalliin halkii lagu dagaallamay, sida uu wasiirka hadalka u dhigay.

Bishii August ee sanadkii hore, Puntland waxay ku dhowaaqday in deegaanka Galgala ay ka sifeeyeen maleeshayadii daacadda u ahayd Sheekh Attom, oo ay sheegeen inay ku xirnaayeen kooxda al-Shabaab.

 

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay afgembiso dowladda KMG ah, si ay u dhisto dal si adag loogu maamulo shareecada Islaamka. Kooxda ayaa haysata inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, laakiin dagaalo ay dhowaan la gashay ciidamada dowladda KMG ah ayay ku weyday dhul ballaaran.

 

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this