Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Boosaaso(HWN) Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa sheegaya in saakay weerar gaadmo ah lagu dilay ilaa iyo 20 askari oo katirsaneyd ciidanka Puntland .

 

Ciidankaan ayaa lasoo weeraray iyagoo joogay deegaanka Sugure oo qiyaastii 40km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Boosaaso.

 

Weerarkaan gaadmada ah waxaa soo qaaday ciidan daacad u ah wadaad diimeedka Sheekh Maxamed Siciid Attam kuwaas oo la sheegay in ay deegankasi qabsadeen ,

 

Saraakiisha Puntland ayaa xaqiijiyay in ay dhinteen in badan oo kamida ciidankooda qaar badana ay dhaawacan yihiin laakin aaney wali helin xog dhab ah oo ku saabsan qasaaraha.

 

Duulaankan ayey kooxda Sheekh Attam soo qaadeen kadib markii ciidanka Putland ay xalay soo qabteen wiil la dhashay Maxamed Siciid Attam .

 

Attam iyo Putland ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku daagalayay buuraha Gal gala waxaana dhowr jeer fashilmay qorshe lagu heshiisin lahaa .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal culus oo xalay bilawday illaa saaka uu ka soconayo deegaanka Suguri oo qiyaastii 40- KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan Boosaaso.

 

Dagaalkan oo qarxay xalay saqdii dhexe ayaa illaa saaka soconaya, waxaana ilo wareedyo deegaanka u sheegeen Raxanreeb in dagaalku uu ku bilowday weerar ay soo qaadeen maleeshiyada taageersan Sheekh Maxamed Siciid Atam oo dagaal kula jira ciidamada Puntland.

 

Dagaalka ayaa hadda xoogiisa ka socda togga Suguri, waxaana mararka qaar rasaasta ay soo gaareysaa Laag oo ku dhow wadada laamiga ee Boosaaso ka timaada.

 

Illaa hadda lama hayo tirada khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkan, walow la sheegayo in askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidamada Puntland la geeyey isbitaalo gaar ah oo ciidamadu leeyihiin.

 

Dagaalka ayaa aad looga hadalhayaa magaalada Boosaaso, waxaana ciidamo tiro badan saaka lagu arkayaa kontoroolka Boosaaso inkastoo xaalada magaalada ay caadi tahay.

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka maleeshiyaadka dagaalka soo qaaday. Mar ay Raxanreeb la xiriirtay taliska ciidamada Puntland ee Boosaaso kama jawaabin telefoonka.

 

Dagaalka saaka ka socda duleedka Boosaaso ayaa ku soo beegmaya xilli toddobaadkii hore wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan uu sheegay in nin la dhashay Sheekh Atam ay ka soo qabteen buurakeyda Galgala oo deegaanka lagu dagaalamayo ku dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

You guys cried wolf too many times. This is a lie and a fake news story drummed up by the all too common alliance of the secessionist and Puntland haters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Yeah a lie, you should feel embarrassed for posting bull every time.

 

Nothing has happened yet, this is the 4th time you and your sidekick Xaaji makes something up :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Yeah, we already established this 5 days ago.

 

And this one is another lie.

 

Sxb, maxaa beenta kugu falay? :confused::confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No, you are lying. Why do you like to post things you know is a lie? If this happened everyone would report it. But it didn't.

 

See, the thing with you secessionists is that you have some sort of cuqdad against Puntland. We build a great place, it's part of Somalia and we are prospering. We are living what you are living except we are not forced to.

 

So sxb, let bygones be bygones, it's a new dawn. Do not hold any old things against us. It looks pathetic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;791294 wrote:
No, you are lying. Why do you like to post things you know is a lie? If this happened everyone would report it. But it didn't.

 

See, the thing with you secessionists is that you have some sort of cuqdad against Puntland. We build a great place, it's part of Somalia and we are prospering. We are living what you are living except we are not forced to.

 

So sxb, let bygones be bygones, it's a new dawn. Do not hold any old things against us. It looks
pathetic
.

 

Puntland State of Somalia

Garowe

PRESS RELEASE

15 February 2012

zPunt.jpg

 

Puntland Government strongly rejects false media reports of a terrorist attack near the commercial port city of Bossaso.

 

Reports broadcast by Mogadishu media, namely Radio Shabelle and Hiiraan Online, falsely claimed that 15 Puntland soldiers were killed in a militant ambush.

 

This report is false and there was no attack at Sugurre, a village where Puntland government forces maintain security checkpoints.

 

This false report is intentionally timed to coincide with the opening of the Second Somalia National Constitutional Conference (Garowe II). The Conference opened peacefully on time in Garowe on Wednesday 15 February 2012.

 

On 5 February 2012, Puntland government forces launched a successful counterterrorism operation and captured an explosives expert working for Al Shabaab terrorist group near Bossaso.

 

This explosives expert is the brother of Mohamed Said Atom who is loyal to Al Shabaab group and whom Puntland government forces expelled from mountain hideouts at Galgala in 2010.

 

Finally, Puntland Government urges Somali independent media to respect and abide by journalistic ethics, rules and regulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso, March3, 2012 (Mareeg.com): Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday goob ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

 

Warbaabinta Alshabaab ayaa xaqiijyay in kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday kontoroolka magalaada Boosaaso ay ka tirsanaayeen Alshaab, iyagoo xusay in Alshabaab howlgalkaan xalay qaadeen markii ugu horeysay tan iyo markii ay midnimada buuxda ay gaareen kooxda Sh. Atam ee buuralleyda Golis iyo Alshabaab dhowr maalmood ka hor.

 

Alshabaab ayaa sheegtay in boqolaal katirsan ciidamadoodau ay weerar culus ku qaadeen Koontaroolka Boosaaso iyagoo sheegay in dagaalkii xalay ay ku dileen qaar ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

 

Sidoo kale, Alshabaab ayaa sheegay iney halkaas kasoo qaateen matoorada dabka dhaliya oo ay isticmaalayeen ciidamada Puntland iyo keyd hub ah sida ay warka u dhigeen.

 

Afhayeenka ciidamada Alshabaab C/caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay dagaal saacado kooban socday kula wareegeen Koontaroolka dhaca Koonfurta magaalada Boosaaso ayna khasaara xoogan u geysteen ciidanka maamulka Puntland.

 

Abuu Muscab ayaa sidoo kale ku sheegay war uu siiyay warbaahinta Alshabaab in dagaalkii xalay Boosaaso ka dhacay ay ku dileen 5 katirsan ciidamada maamulka Puntland ayna halkaas kasoo qaateen hub iyo saanado dagaal oo ay lahaayeen ciidankii halkaas ku sugnaa.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada Kantaroolka Boosaaso ayaa iyagu u xaqiijiyey warbaahinta in iska horimaadkaas uu dhacay, islamarkaana uu ku geeriyoodey mid kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday kaasoo ay tilmaameen in meydkiisa goobta looga tegey.

 

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in rasaastii labada dhinac isku ridayeen uu dhaawac kasoo gaarey 3-qof oo rayid ah kana mid ahaa dad safar ah oo saaran gaadiid dhowr ah oo xiligii uu weerarku dhacayey kantoorlka lagu baarayay.

 

Todobaadkii tegay gudihiisa ayay aheyd markii ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen gaari xamuul ah oo ragii weday qirteen in qalabka saarnaa ay u sideen kooxda buuralleyda Golis ee Alshaab ku biirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;790934 wrote:
You guys cried wolf too many times.
This is a
lie
and a fake news story drummed up by the all too common alliance of the secessionist and Puntland haters.

This is a lie, mate. But let them believe all those bollocks published on the warlord diaries. Their propaganda only makes us better and better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this