Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,171
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    299

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Daa'uud, we only keep talking about dagaaladda sokeeye dhibaatadda ay u geysteen dadweynaha iyo dhaqaalaha, laakiin, yeah, a lot of duugjoog ayaa ayaa ku baaba'ay, some native only to Soomaaliya iyo deegaanadee Soomaalida degaan. Well-known duurjooga such as sagaaro, deer, maroodi, dameerfaloow, gari, jeer, shabeel, goronyo, daanyeerkaroow, libaax. Waa yartahay in la arko hal degan dhulkeena maanta. Most NFD Keenyatiga xooga ku heysto u qaxeen iyo beyond, oo xoolaha maankoodaba waa qabaan. You are hard-pressed to find a goronyo [ostrich], which was native to dhulkee Soomaalida degto, like this today in Soomaaliya. Biciid (oryx). Sagaaro, deer, maroodi, dameerfaloow, gari, jeer, shabeel, goronyo, daanyeerkaroow, libaax I was talking about.
  2. Xariifkaan gaari gacan muu soo saarnaa mise ... Sadex sano uu inta fadhiye markaas ayuu hadana leeyahay waan cusbahay. Yihooy soo dhaaf, Gaashaanle. Garaada bilaash ah maxaa la isku taxay meeshaan.
  3. Easy on the 'dhafoorqiiq' term, baliis, since it is pejorative word. SSDF meeshaan ma joogaan, which makes some to refer it to a certain clan.
  4. Why was poor Buubaa sacked by the Junior Stooge of Xabashadda? The past few weeks, Buubaa himself tried to dismiss, oo jagadda ka qaado Junior of Xabashada Geedi's cousin, who is so-called danjiraha Nayroobi u fadhiyo dowlad ku sheega. Poor Buubaa, xaa u geeye waxaas. Iska dulqaado dowlad ku sheegaan meel ma u socoto, duqa. Buubaa with Geedi's cousin, Max'ed Cali Ameeriko ------------- Safiirkii u fadhiyey Soomaaliya dalka Kenya oo xilkii laga qaaday Nayroobi (Maarso 28, 2007): Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa laga xayuubiyey xilkaas. Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Buubaa ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday safiirkii hore u fadhiyey dalka Kenya isagoo sheegay inuu shaqadiisii kasoo bixi waayey "howlgabnimo". Ma jiro safiir xusub oo uu magacaabay hase yeeshee waxaa la sheegay in tani ay ka mid tahay isbadel lagu sameynayo safiiradda dalka Soomaaliya. Warar kale ayaa sheegaya in xil ka qaadista safiirka dalka Kenya ay la xiriirto khilaaf beryahan u dhaxeeyey raysul wasaaraha Soomaaliya prof. Geedi oo ay isku heyb yihiin safiirka iyo Wasiirka A. Dibadda Buubaa. Sida laga soo xigtay safiirka xilka laga qaaday ayaa sheegay inuusan arag qoraal xilka looga qaaday loona sheegin, wlina uu yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Afdheer ------------ Buubaa oo sheegay in uu xilkii ka qaaday Ameeriko 28, Mar, 2007 - Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda. "Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa. Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga. Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba. Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay. Xamardaye ------------- Cali mahdi oo ka codsaday Ismaaciil Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadistii uu ku sameeyey safiirka Kenya Sabti, Abriil 14, 2007 - Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamigaa xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo dhowr cisho ka hor qoraal uu u qoray Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku sheegay in magacaabista safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba kala socon, kana codsaday dowladda Kenya in Max’ed Cali (Ameerika) laga wareejiyo xarunta safaarada, isla markaana uu xilkaasi si KMG ah ugu magacaabay Max’ed Jaamac (MJ) ayaa fiidnimadi markii uu soo dhamaaday shirkii golaha wasiirada arrimaha dibedda IGAD wuxuu la kulmay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Max’ed oo ka codsaday Buubaa in uu ka laabto xil ka qaadista uu ku sameeyey Max’ed Cali (Ameerika), iyadoo ilaa shalayna la arkayey Ameerika oo ku lamaansan wasiirka, isla markaana intii uu shirku socday goob kasta la taagan, iyadoo mararka qaarna la arkayey Buubaa in uusan wax qiimeyn ah siineyn daba socodka Ameerika. Wasiirka arrimaha dibedda ayaa si weyn uga carooday qaabka uu ula dhaqmay Ameerika mas’uulkii uu ku bedelay, kadib markii sawirkiisa lagu dhejiyey albaabka safaaradda, amarna lagu siiyey ilaalada albaabka xarunta safaaradda inay ceyriyaan hadduu albaabka soo istaago, waxaana laga soo xigtay Ameerika markii xilka qaadistiisa lagu dhawaaqay in uu yiri “ Aniga seedigeey ayaa ah ra’isul wasaare, Buubaana hadduu isku dayo in uu xilka iga qaado isagaa laga qaadayaa ." [ Badanaa ma rumeysto waxee qoraan shabakadaas Waagacusub, laakiin run ayeeba noqotay.] Maxamed Cali Ameerika mudadii uu xilkaas safiirnimo hayay wuxuu noqday nin astaan u noqday musuqmaasuqa iyadoo dacwad cabasho ah ay ka qortay Wasaaradda Arrimaha dibada ee keenya,taas oo la xiriirtay inuu iska iibsado viisooyinka dal ku galka ah ee kenya. Xigasho ------------------ Ismaaciil Buubaa oo xilkii safiirnimo ka qaaday Maxamed Cali Ameeriko Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud "Buubaa" ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Mr Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda. "Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya"ayuu yiri Buubaa. Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu uga qaaday Buubaa Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo isaga. Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Geeddi iyo Buuba. Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay. Mareeg ---------- Muqdisho - Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay inuu Maxamed Cali America weli yahay Safiirka Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Keenya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in Maxamed Cali America uu sii Hayndoono howlaha safaarada Soomaalida ay ku leedahay wadanka Kenya tan iyo inta ay dowladda ay cid u soo magacaabeyso safaaradaasi. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil M. Hurre Buubaa ayaa sheegay in safiirka looga yeeray gudaha dalka islamarkaana tan iyo inta cid ay uu usoo magacaabaayo safaarada uu xilka sii hayndoono agaasimihii guud ee wasaarada arrimaha dibada ee Dowlada Soomaliya. Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ismaaciil M. Hurre Buubaa wuxuu qeexay in arrimahaani ay qeyb ka yihiin dib uhabeyn dhinaca Maamulada safaarada Soomaalidu ay ku leedahay dalka dibadiisa. Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha xaduudaha wadanka Kenya iyo is dhexmar la,aanta taasoo uu sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu furi lahaa xaduudaha islamarkaana dowladda Kenya ay u qafiifin lahayd xayiraadaha dhinaca hawada iyo xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto.Siduu kale wuxuu Wasiirku soo hadal qaaday shirka wadamada islaamka ugu socoda Magalaada Riyaad ee wadanka Sacuudiga oo uu sheegay in dhanka dowladda uga qeyb galayo Ray’sal wasaare Cali Maxamed Geeddi waxaana uu tilmaamey in isaga uu ka mid ahaa wafuudii halkaasi lagu casuumay balse markii uu shirka bilaamey uu joogay Magaalada Baydhabo islamarkaana ay ka baaqatay diyaarad uu sheegay inay kasoo qaadi lahayd meeshaas. Muqdisho Times
  5. Horta in badan ayaan arkay Soomaalida isku qaldeyso some terms about cities and towns and villages. City = magaalo Town = degmo Village = tuulo Hamlet = buulo Boorama is a degmo. Having said that, it looks good.
  6. Idinkaaba ka daran giving a platform and free publicity such said sites. Limit giving the site's url an exposure, and to those who have already listed, it is good idinkoo tirtirtiin magaca shabakadda, that is if you still can. [Teeda kale what gives that notorious site, whose existence does not pass more than a few months each time, yet are visited by hundreds of thousands in that short-lived bracket. It is one more reason why mar alle markii la xiro loo furaa. It has, unfortunately, an 'audience' eager to follow and participate, which says more about 'us' Soomaalis on the net in general than about the ill-famed owner of the site.] Some of those pictures, especially the utmost private ones, gabdhaheena lagu xumeeyo are posted by none other than their fellow girl 'friends' that xumaan ku kala tagay, thus xaasidnimo, aargudasho ama maseernimo daradeed usoo giliyo. Sickening and malicious? Indeed, yes. Despiteful? Truly. Soomaalida teeda kalena have this needless and unreasonable paranoia aad iyo aad u fiigsan anything about the internet, all the time wiswis ka qabo wax walba. A picture on a site, there is absolutely nothing wrong, even if it was uploaded said notorious sites. Qof ishuba, oo asturan should worry about nothing. To others -- be female or male -- iyagoo qaawan sawir galay awalba, even if it was intended for private viewing, well, I don't have nothing to say to those. Blame solely rests on them, none but themselves for first daringly taking that picture and then keeping it around, xataa in safest of their private rooms. They should not calaacal now that it was exposed to the world. It reminded me an exposure episode where some gabdho aan Mareykanka isla nimid, and were new to the country, who took almost-nuudo images of themselves and kept them in the sanctuary of their rooms. Some of you may already think nothing wrong with that. Fortunately -- or unfortunately -- the innocent kids found the images when they were not at home and brought the them to living room to show, excitedly, to their mother. Long story short and after a lot of qeylo, sawiradaas waa laga jeexjeexay gabdhahaas, I think. [And I am sure they retook new ones after a few months, now learning their ugly lessons nonetheless.] To those who are contemplating taking a semi-nude picture and intending to keep it around, always keep in mind that picture will one day be seen by a retina other than your own, if it was intended to yours only to be begin with.
  7. A visual description on the scene of the actual event the writer is talking about. The writer's sawir is on the second menu list -- Sheeko Launch -- too; however, I hope I am not revealing anything. But calling people 'trash,' that is a bit stretched. Hala isdhowro oo la isixtiraamo, baliis, maadaama Soomaali la wadayahay.
  8. Old news, yep; nonetheless, it is still shocking to hear it again. ------------- Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Shaaca ka qaaday in Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Cigaal ay waligood Mareykanka ka dhaadhicin jireen sidii ay u weerari lahaayeen Goobo ay Bakaaraha kamid tahay [/b] Taariikhda Soomaaliya waa tariikh aad u yaab badan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa kasii daran in taariikhda dadka sameeya ay kasii yaab badan yihiin. Hadaba Dr. Cali Khaliif Galeyr oo dhowaan ka qeyb galay Kulan ka dhacay Dalka Britain isla markaana ay iskugu yimaadeen Soomaali aad u fara badan ayaa Mr.Galeyr waxa uu halkaasi kusoo bandhigay Cadeymo Muddo ay Shacabka Sugayeen in Shaaca laga qaado. Galeyr oo Khudbad halkaasi uu ka jeediyay kaga hadlay Arrimo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ahaa Kudbaddiisii dhinaca uu kaga hadlay Xilli uu Booqasho kutagay Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalooyinka Washington iyo New York xilligii ay qaraxyadu ka dhaceen kadib ayaa waxa uu sheegay in halkaasi uu kala soo kulmay wax aad u yaab badan. Waxa uu sheegay in Mareykanka ay u geeyeen 3 shaqsi oo Soomaali ah kana mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya waraaqo ay ku sheegayaan Goobaha loo baahan yahay in laga duqeeyo Soomaaliya kuwaasi oo kala ah Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariistee. " Waxaan anigu tegay Ayaamo kabacdi Washington iyo New York September 11, Washington baan tegay wasaaradda arrimaha dibadda baa wafdi aanu soconay Meesha ku tagnay, waxaa nalagu yiri idinku hadal baad heysaan oo waxaad leedihiin aanu wax wada qabsanee hadaanu nahay waaxdii arrimaha dibadda arrintani waa naga wareegtay file-ka soomaaliya wasaaradda Gaashaandhigga baa loo gudbiyay, wasaaraddu gaashaandhiggana waxay kala xulaneysaa meelaha la garaaci doono ee Soomaaliya , war bal u kaadiya ugu horeyn meelaheed garaaceysaa Nin baa lasoo baxay File oo wuxuu yiri Camuud, Garoowe, Boosaaso, Shimbiraale, Laascaanood, yaabka waxaa lahaa Bakaaraha, Raaskambooni, Ceelwaaq ," ayuu yiri Dr. Galeyr oo Dadkii kasoo qeyb galay Kulanka sirtaasi culus uga sheekeynayay. Wuxuu yiri Mr. Galeyr isagoo ka dambqaday Garaacista lala damcay Bakaaraha “War yaa Alle yaqaan, sideed Bakaaro u garaaci kartaan, waxyar baan ka gil gilay oo waxaan ku iri bal intaydan bakaaro garaacin markii aad intaasi oo dhanna aad garaadaan oo 24-saac kadib aanan la oran Maxaynu garaacnay ee inagu ayaaba horey isku garaacnay iskana duduminayee guryaheennii bal Media u dira oo warbaahintiina iyo TV-yadiina u dira markaasi ayay direen” ayuu yiri Dr.Galeyr. Waxa uu sheegay markii ay wariyeyaashoodii soo direen in ay booqdeen raaskambooni oo ay sawiro kasoo qaadeen waxayna halkaasi kusoo arkeen 4-cooshadood oo yar yar iyo sidoo kale Shimbiraale halkaasi oo markii ay warbaahintu aadeen ay aad ula yaabeen. Waxa uu sheegay Galeyr in yaabka yaabkiisa kale ay leeyihiin dadka Liiskaasi bixinaya oo leh hala weeraro halkaasi oo kala ah Maxamed Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariisto, C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waana dadka liiskaasi bixinayay oo si aad ah u jeclaa in la duqeeyo goobaha ay tilmaameen. Sirtani uu shaaca ka qaaday Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Cadeyneysa in raggani ay waligood gaalo ka rajeyn jireen in ay ka dhigan Mustaqbalka Madaxda Soomaaliya iyadoo midkood uu baxay inkastoo labadii soo hartayna ay iminka u muuqdaan in ay iska soo horjeesteen lakin aanan la hubin. Boondheere Qudbadda oo cod ah inta ka dhageyso. Aniga qudbadda ma dhageysan, marka ma hubi in uu Galeyr dhab ka hadlaayo iyo in kale, but the news does not surprise me, especially Shimbiraale oo CNN iyo NBC wariyaal ka socda tageen 2002 markuu that Frail Stooge idaacadaha caalamka ka lahaa 'argagaxiso' ayaa joogaan tuuladaas.
  9. War muxuu moodaa kaas afhayeen ku sheega ee Idamaale la dhaho wariyaasha iska xiranaayo. Meesha shabakadiis idamaale.com muu moodaa? Waxaan ayaa jago dowlad ku sheeg sheeganaayo.
  10. Wariye Cabdiqaadir Nadaara oo u shaqeeya Telefishinka Universal oo Muqdisho lagu jirdilay lana xiray [/b] 08 Abriil 2007 Waxaa maanta Muqdisho si xun loogu jirdilay Xabsigana la dhigay Wariyaal ka tirsan telefishinka Caalamiga ah ee Universal uuna ka mid yahay Agaasimaha Telefishinkaas Cabdiqaadir Maxamed Cashar Nadaara iyadoo Maleeshiyada ka tirsan kuwa Dowlada ee Muqdisho ku sugan ay si xun u jirdileen Xabsigana u taxaabeen markii uu amar ku bixiyay Ninka lagu magacaabo Xuubsireed oo sheektay in uu yahya Afhayeenka Cabdilahi Yuusuf Cabdiqaadir Nadaara iyo Wariyayaasha la socda ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa uu xiritaankoodu dhashay kadib markii Cabdiqaadir su-aalo kul kulul uu waydiiyay ina Xuubsireed [idamaale] oo shir Jaraa'id ku qabanayay Hotel Ambasador isagoo ku eedeeyay in su-aalahaas ay ahayeen kuwa loo dhiibay Nadaara,Wuxuuna Qirtay inuu isaga amray in la xiro. Wuxuu kal oo Xuubsireed Saxaafadda u sheegay in Nadaara loo xiray dimbiyo la xiriira wareeysi uu la yeeshay Askari reer Puntlanad ah oo Muqdisho lagu jiidjiiday dagaalkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Gaashaandhiga. Ururo iyo warbaahino qaarkood ayaa cambaareeyaya Xariga Nadaar waxana ka mid ah ONKOD NEWS AGENCY iyo Ururka isu taga ee suxufiyiinta ee markii la soo gaabiyo loo yaqaano ASOJ iyo wariyaal fara badan oo soomlaiyeed waxayna ka codsadeen Dowlada KMG in si deg deg a ay u soo daayaan wariye Nadaara. Onkod ----------- Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara oo Muqdisho mudda ku xiran Saxafi lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cashir Nadaaro ayaa Axadii aynu soo dhaafnay ciidamada Dowlada KMGS Soomaaliya ku xireen magaalada Muqdisho xili uu halkaasi howlo shaqo u tagay. Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa xiran maalintii labaad isagoo aan la ogeyn halka ay ciidamada Dowlada ku hayaan balse waxaa la sheegay in xabsi sir ah oo ku yaala gudaha eleboorka saxafiga lagu xiray. Wariyahaan ayaa u shaqeeya Univesal TV, isagoo la sheegay inuu hotel utagay howlo shaqo oo shabakadaasi u dirtay. Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa sheegay in markii ay gaareen hotel uu kusugnaa afhayeenka madaxweynaha ayka kaxeesteen ciidamada Dowlada qaarkood ay wariyaha dhaheen Nadaara soo ma tihid kadibna ay wateen isaga iyo labo qof oo lasocotay mid kaamiriiste iyo darawalkiisa waxaa wax mooga sheegay dhacdadaas nin ushaqeeya TV oo layiraahdo maxamed qaliif ayaa sidoo kale sheegay in Wariyaha markii uu diiday inuu raaco ciidamada Dolwada KMG ka tirsan ay jirdil u geysteen isla markaana ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqeynayay oo aysiteen. Waxa uu halkaasi u tagay inuu kasoo tabiyo warar ku saabsan xaaladda imaatinka madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha iyo wareysiyo muhiim ah oo uu doonayay in laga soo daayo TV, sida ay sheegeen weriyayaal uu la hadlay intii uusan ka ambabixin xafiiska TV Muqdisho. Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in weriyaha weli lagu hayo xabsi iyada oo laga qaatay Islamarkaana laga jejebiyay Kaamiro, MP3 iyo Mobile uu watay. Ilaa hada lama yaqaan sababaha rasmiga ah oo ay ciidamada Dowlada u xireyn Saxafigaan balse warar ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada waayadii ugu dambeeyay Saxafigaan ay raadinayeen iyagoo ugu shakisan inuu xiriir la lahaa Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga oo wararkooda inta badan uu tabin jiray, iyadoo la sheegay in ciidamada Dowlada KMG ay jir dil xoogan u geysteen saxafigaasi. Ururada Bulshada Rayidka kuwa Xaquuqda Aadanaha U Dooda iyo Ururka Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Wariye Mxamed cabdi cashir nadaara iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah Saxafigaasi xoriyadiisa dib loogu celiyo. Shabeelladdahoose ----------- Maalintii labaad oo uu xabsi ugu jiro dowladda agaasimihii TV-ga Universal Agaasimaha TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara iyo labo ka mid ah kalkaaliyeyaashiisa ayaa shalay la dhigay xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku guda jiray howlihiisa suxufinimo. C/qaadir Nadaara iyo dhalinyarada la socotay ayaa la sheegay in afhayeenka madaxweynaha Xuseen Xuubsireed [idamaale] uu ku soo war geliyay inuu qabanayo shir jaraa’id ayna yimaadaan hotelka Naasahablood, iyadoo markii ay tageen hotelkana ay la kulmeen Mr. Xuubsireed [idamaale]. Markii la guda galay su’aalihii shirkiisa jaraa’id ayaa waxaa sul’aalo ad adag la weydiiyay afhayeenka madaxweynaha kuwaasoo u badnaa xusuuqii afarta maalmood ee shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo qaarna uu ka jawaabay afhayeenka qaarkoodna uu aad u dhibsaday isla markaana amray in la xiro agaasimaha qeybta Soomaaliya ee TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara. Maalintii labaad ayaa waxa uu ku xiran yahay C/qaadir Nadaara iyo dhalinyaradii kal kaaliyeyaashiisa aheyd ee la socotay xabsi ku yaala gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, mana jiraan wax mas’uul dowladeed ah oo ka hadlay, waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli la jir dilay kuwona la xabsiyeeyey qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgasha warbaahinta Muqdisho. Ceelbuur ------------ TV-GA UNIVERSAL OO KA FIIRSANAYA IN UU SI GAAR AH UGA DACWEEYO XUUB-SIREED DALKA BRITAIN 13 Abriil 2007 Warar aan rasmi ahayn oo laga helayo ilo ku dhowdhow Xarunta TV-ga Universal ee magaalada London ayaa sheegaya in maamulka TV-gu ay qaadanayaan talooyin xagga sharciga ah oo ku saabsan inay dacwad ku furaan nin haysta dhalashada dalka Britain oo lagu eedeeyey inuu afduub ku haysto 3 weriye oo uu ku jiro C/qaaadir Nadaara. Warar laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in koox ka tirsan shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho ay muddo todobaad ah ku xiran yihiin magaalada Muqdisho, waxaana weriyaashaas la sheegayaa inay u xiran yihiin afhayeenka C/hi Yuusuf Xuseen Xuubsireed [idamaale] oo maliishiya ka amar qaadata ku dalbadey. TV-ga Universal ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo inuu si gaar ah dalkan uga dacweeyo Xuub-Sireed oo ay ku eedeynayaan inuu shaqaalahooda isagu qof ahaan u afduubtey, oo aysan u xirnayn dawladda markii baaritaan la sameeyeyna arrintaas lagu ogaadey. Dhagaxtuur
  11. Dadkii Ka barakacay magaalada Muqdisho oo loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo Dadka maalmihii ugu danbeeyay ka barakacayay magaalada Muqdisho oo qaarkood isku dayay in ay galaan magaalada Baydhabo ayaa laga hor istaagay,sababo ay ku sheegeen ciidamada dowladda FS dhinaca Amaanka,sida ay inoo sheegeen ehelada dad halkaasi laga soo celshay. Cabdoow Xuseen oo kamid ah ehalada dad u barakacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qoyskiisa loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo inta ay ka heliyaan cid damiinata isla markaana ka taqaana magaalada Baydhabo gudaheeda. Ciidamada dowladda FS ayaa jidgooyooyin fara badan ka sameystay goobaha laga soo galo magaalada iyagoona su'aalo weydiinaya dadka soo galaya maalin waliba magaalada Baydhabo,iyagoo wax ka weydiiyay ula jeedka socodkooda iyo halkii ay kasoo tageen. Mar aanu Cabdow wax ka weydiinay hadii dhamaan dadka loo diidayo magaalada ayuu sheegay in kaliya laga soo horjeedo dadka kasoo tagay magaalada Muqdisho,waxaana ay ciidamada dowladda ka cabsi qabaan howlgallo ka dhan ah danaha dowlada in ay ka dhacaan fariisimaha dowladda. Dadka lasoo celiyay oo qoysas fara badan ka kooban ayaa kusoo laabtay qaarkood degmada Buur Hakaba halka kuwo kalena ay iska dageen daafaha magaalada Baydhabo,mana jirto cid halkaasi ku daryeesha sida ay xaqiijinayaan wararka nasoo gaaraya. Dowrkii dowladda FS ee ku aadanaa daryeelka dadkeed ayaa meesha ka baxay iyadoo aysan muuqan talaabo ay masuuliyiinta dowladda wax uga qabanayaan dadka maatida ah ee hoos degan geedaha oo mararka qaar masasku ay cunaan,iyo kuwa kale ee daafooyinka magaalooyinka degan. Markacaddeey
  12. Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhex galay Hey’adaha Samafalka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka. Khilaafkani ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) laga diiday in Dowladda ay gacanteeda ku qeybiso Deeqaha ay Hey’adaha Samafalka ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka barakacay Magaalada Muqdisho. Gacmadheere ayaa ku andacoonaya in Hey’adaha ay ku amreen in raashiinka inta aanan la qeybinin la baaro taasi oo uu sheegay in ay ka diideen Hey’adahaasi ayna sababtay in Wasaaraddiisu ay amar kubixiso in ogolaanshiyo aanan soo marin wasaaraddiisu aanu wax hawl ah laga fulin Karin Magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in ay qeybiyaan Raashin dhacay iyo wax qurmay iyagoo sidoo kale waxa ay qeybinayaanna kusheegay Gacmadheere in uu yahay wax aad u yar oo loo qeybinayo dad aad u fara badan. Mr.Gacmadheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan sababta dhabta ah ee ay u diideen in Hey’adaha Samfalka ay raashiin kaga qeybiyaan Magaalada Muqdisho iyo goobaha loo barakacay . Iyadoo ay arrimahaasi isku heystaan Hey’adaha Samafalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadana waxaa taagan dhibaato xoogan oo ku aadan gaajo iyo macluul soo wajahday dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee kusugan Waddooyinka Magaalada looga boxo isla markaana aysan heysanin wax ay quutaan. Jowhar
  13. Weriyaal ka tirsan Idaacada Simba 95.00 Fm Muqdisho ayaa markii ugu horeeysay booqday dadkii ka barakacay Muqdisho oo daadsan kuna dandareeysay wadada dheer ee isku xirto Muqdisho iyo Afgooye Wariyaasha waxaa ay la kulmeen hooyooyin xanuunsanayo iyo Caruurtii ay wateen oo aan heysan wax Caano ama biyo ah oo ay ku qabtaan,waxayna qaarkood la tiicayeen cudurka shuban biyoodka oo si wayn u saameeyay sababa la xiriira qoraxda oo aad u kulul iyo biyaha ay mararka qaar helaan oo ah kuwa Caafimaad ahaan liita. Dadka barakacay ee ku dhibaateeysan inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa hooy u ah geedaha oo laga kireeyay , mana jiraan wax hay'ad Samafala oo la xiriiray ama gargaarsiiyay laakiin sida Soomaalida looga bartay waxaa jira dad fara ku tirisa oo u istaagay sidii ay gargaar ku gaarsiin lahaayeen dadkaas barakacay. Xigasho
  14. Afhayeen u hadlay hey'adda qaxootiga UNHCR oo lagu magacaabo Ron Redmond ayaa sheegay in maalinta sabtida ah bustayaal iyo bacaha laga dhigto hoyga la gaarsiin doono kumanaan ruux oo ka barakacay dagaalada Muqdisho kuwaasi oo ku sugan nawaaxiga Afgooye iyo iyo Marka. "Kumanaan qoys oo ka soo barakacay dagaalada Muqdisho ayaa ilaa muddo labo usbuuc ah ku baryay nawaaxiga Afgooye iyagoo aan haysan cuno, biyo, iyo hoy toonna iyo weliba waxyaalaha kale ee aasaasiga u ah nolosha," ayuu yiri Mr. Redmond oo intaa raaciyay in xafiiskiisa ay hayaan gargaar dheeri ah oo deeqi kara ilaa 5,000 oo qoys. 28 Tan oo gargaar deg deg ah ayaa diyaaraddo ku dejiyeen koonfurta dalka Soomaaliya todobaadkii hore iyadoo gargaarkan laga soo daabulay keydka gargaarka degdega ah ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta. Ron Redmond ayaa intaa raaciyay in ay jiraan warbixino sheegaya in boqolaal qoys ay ku qulqulayaan dhinaca Dhoobley oo xuduud la leh dalka Kenya, laakiin buu yiri ma awoodno inaan gaarno halkaasi sababo amaan darteed. Deeqdan oo bilaabaneyso bixinteeda maalinta bari ah ayaa waxay ku soo beegantay xili dowladda Federaalka iyo Hey'addaha samafalka khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay. Garoowe
  15. Xaalada nolol xumo ayaa la soo deristay qoysaskii ka barakacay Magaalada Muqdisho [/b] Waxaa aad looga deyrinayaa Xaalada dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku dhowaad gaarayay boqolaal kun oo qoys. Qoysaskii ku barakacay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in xaalad nolol xumo ay ku heyso inta u dhaxeysa Deegaanada Xaawa Cabdi iyo Afgooye. Qoysaskaas oo u badan haween iyo caruur, ayaa ku jira xaalad aad u khalafsan, iyagoo hoy ka dhiganaya geedaha hoostooda. Dadkan ka barakacay dagaalada Muqdisho ayaa ah dadkii ugu faraha badnaa ee ka qaxa Muqdisho 15-kii sano ee la soo dhaafay. Xaalada ay ku jiraan dadkan ayaa ah kuwo heysata biyo la'aan, iyadoo fuustadii biyaha ee halkaas lakala siisanayo lacag aad u badan. Qoysaska ugu faraha badan ee ka qaxay Magaalada Muqdisho ayaa saldhigat Deegaanada Ceelasha, Xaawa Cabdi, Jaamacada iyo Degmada Afgooye. Dadkan ayaa waxaa la soo daristay cudurka shuban biyoodka, oo inta badan uu haleelay caruurtooda. Dhibaatada ugu ba'an ee ay heysato ayaa waxaa ka mid ah biyo la'aan, waxaana maalinmadii shalay ay Hey'adaha sama falka ay gaarsiiyeen booyado biyo. Hey'adda Qaramada Midoobey ugu qeybsan dhinaca qaxootiga ayaa daboolka ka qaaday in tiradii ugu badneyn ay ka qaxeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay sheegeen in ay la soo deristay xaalad Qatar ah oo nolol xumo. Xamareey
  16. 2 ruux oo ku geeriyootay gaari ku qalibmay deg Afgooye (markii la weeraray ka bacdi) Afgooye 13 Abriil, 07 (Shabeelle) Labo ruux ayaa ku geeriyootay qaar kalena dhaawaca ayaa ka soo gaaray, ka dib markii uu qalibmay gaari nuuca waaraadka loo yaqaan oo koox dabley ah ay rasaas ooda kaga qaadeen. Gaarigaan oo ka tagay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa koox dabley ah waxa ay ku tacshiirtay Godka Owxeeloow oo hal KM u jira Ctrl ka magaalada Afgooye., iyadoo tacshiiraddaasi oo qalqal galisay darawalkii waday gaariga ay sababtay in gaariga uu la rogmado. Labada ruux ee ku geeriyootay shilkaasi ayaa waxa ay ahaayeen wiil yar iyo aabihii halka labo kale oo haweeneey ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhamaantood ahaa rakaabkii la socday gaariga sida uu ku soo waramay Wariye Xasan Mayow oo ka tirsan shabelle, gaarayna halkaasi. Dadka dhaawacyada soo gaaray oo ay ku jiraan labo haween ah oo uu qabay ninka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen qoysas ka barakacaya dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo haweenkaan ay wateen 5 caruur ah oo marka gaariga uu rogmaday ku dhex dhacay tiitiin, iyagoona xalay ka jiifan waayay. Gudoomiye K/xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Afgooye Xasan Axmed Xasan iyo taliyaha ciidamada Militariga Cali Xabad oo dadkaasi geeyay xalay Isbitalka Degmada Afgooye. Lama soo sheegin in gacanta lagu dhigay dableydii falkaasi geysatay oo aheyd sida la sheegay labo nin oo ku hubeysan qoryaha Ak47. Dhowaan ayay aheyd markii gaari Hoomeey ah oo ay saaran yihiin dad safar ah kooxo dabley ah ay ku rasaaseeysay halkaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux. Shabeelle
  17. Dadkii Muqdisho ka barakacay ee Geedaha Hoostooda ku noolaa oo Roobkii Guga uu ka dul curtay Axad, Abriil 15, 2007 (HOL): Dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho ee u barakacay Daafadaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Hareeraha Wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye oo awalba ay heysatay xaalad nolol xumo ah ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay Roobkii Guga oo ka dul curtay iyagoo aan heysan meel ay ka galaan. Dadkani oo Geedo ku hoos nool ayaan heli karin meel ay ka galaan Roobka, waxaana dushooda ku hooray roobabkii xalay iyo habeen hore ka da'ay Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda. Qoysaskani oo roobka ka hor ay heysatay xaalad caafimaad darro kadib markii ay caruurtooda ku dhaceen xanuuno ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen geedaha ay ku hoos nool yihiin ayaa haatan waxaa la soo deristay xaalad kale oo culeyskeeda leh oo ah in uu roobkii dushooda ku hoorayo, waxayna qoysaska qaarkood sheegayaan in loo qaatay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ay Madaafiic darteed uga soo carareen. Ugu Dambeyntiina Qoysaskani ayaa ka qaxay dagaalladii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen dhinacyadii dagaalka iskala soo horjeeday. Hiiraan
  18. Dad yaxaas ku cunay Degmada Afgooye Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo Yaxaas ku cunay Wabiga Afgooye Ilaa iyo 3 Caruur ah ayaa la sheegay in maanta yaxaas uu ku qaaday wabiga Sh/hoose ee degmada Afgooye, iyadoo dadkaasi la sheegay in ay yihiin dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho Dadkaan oo u badan caruur ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan garaneyn sida loogu dabaasho Wabiga, waxaana soconaya dagaalo lagu baadi goobayo halka yaxaaska uu ka qaatay. Waxa uu sheegay in dharka ciyaalkaasi ay yaalaan banaanka hore ee wabiga, iyadoo halkaasi ay gaareen qoysaskii ay ka soo jeedeen Caruurta. Wali lama oga in Caruurtaan uu yaxaas qaaday iyo in kale, laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay ku maqan yihiin biyaha wabiga. Ayaamaha
  19. 5 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose [Abriil 09, '07] Ilaa 5 ruux ayaa Maanta ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka Gobolka Sh/Hoose. 5-ta ruux ee ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka 24-kii saac ee ugu danbeeyey isbitaalka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa 4 ka mid ah waxa ay yihiin carruurta dadka ka soo barakacay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho halka ruuxa kalena uu yahay dadka deegaanka. Howl wadeena Caafimaadka ee degmada Afgooye ayaa sheegay xiligaan inay jiraan dhibaatooyin aad u fara badan oo haysta dadka ku dhaqan degmada afgooye iyo deegaanada ku teedsan iyagoona sheegay inay jiraan dad aad u fara badan oo xiligaan la il daran ama la jiifa isbitaalka degmada Afgooye cudurka shubanka. Inta badan dadkii ka qaxay dagaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhibaatooyin isagu jira hooy la'aan cuduro nafaqo daro iyo waliba biyo la'aan ay ku haysataa goobo fara badan oo ka mid ah gobolka Sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Afgooye iyo Magaalada Muqdisho oo tiro aad u badan oo dad ah ay kusuganyihiin xiligaan. Mas'uuliyiinta deegaanadaasi ayaa waxa ay ka codsanayaan dadka Soomaaliyeed iyo waliba Hay'addaha samafalka inay taageero deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaataysan ee ka soo ka qaxay Magaalada Muqdisho kuwaasoo haatana ay ugu dar sameen cuduro uu ka mid yahay shuban biyoodka oo xiligaan fara ba'an ku haaya guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaana haatan sidoo kale Jiifa isbitaalka degmada Afgooye in ka badan 40 ruux oo cudurka shuban biyoodka uu haleelay kuwaasoo intooda badan ka cararay dagaaladii Muqdisho ka dhacay. Geeska Afrika
  20. No estimate has been made on the losses, but Lt Gen Dahi said the robbers emptied the front display of the store. He also said the criminals were unlikely to be of Arab origin . Witnesses said the assailants were masked and armed. Carabta tuuga ma noqon karaan miyaa? Unlikely kulahaa.
  21. No body suspended nor banned our brother Castro. People get busy with their lives. Yoonka/Alle'ubaahne, duqa, it is unfortunate you are already back using that ancient username/number when I invited you to join this site back in early 2002, and still behaving the same way. Alle'ubaahnoow, walaaltinimo ayee iga tahay, baliis change your ways.
  22. We appreciate all of your views, thoughts and concerns. For that, dank yuu. When we were, however, cautionary reprimanding repeatedly, when we were giving ample admonitions of 'tired of this' for months, no one was paying attention to those or airing these sudden concerns, and some of you even laughed with them. Soori, but we were/are serious about cleaning this sub-section, which we had in mind the last couple months. Some of the suspended members were constant violators of the rules, some daily who could not resist not posting clan names. Some were deliberate trollers who incited hatred; some were agent provocateurs, deliberately trying to solicit insults. Some were in thier third 'probation,' since they were twice banned already before this. Time and our patience extended thinly have caught up with them. Though banning and suspending their usernames is never permanent [their IPs are not banned, thus they can read this], let them now know their negative actions have consequences and will not be tolerated forever, for long. Once again, we appreciate your views. I personally decided to open this thread solely for that. Dankis again. PS - Spring cleaning is still in process.
  23. Originally posted by Halgan: Maskin, There is no shred of doubt from my side that you don't like the dabadhilifs. BUT, for the first time since joining SOL a few years back, you edited what I wrote on Abdullahi Berlaawe; I was responding to a comment by Duke; and you edited a few words. But that is fine with me, if you doomed that I crossed the line, I accept it with grace. Halgame, mar labaad aan ku weydiinaa to bring that said thread I allegedly edited. Just bring it forward, widaayoow. What would have happened if one copied and pasted messages from Kismanyonews.com, qadisiya, waaga cusub? By all means, go ahead. Post as much as from Qaadisiya, Kismaayonews, Waagacusub, M-shacabka, Aayaha, Wadanka, Calanka ... Bring them all forward. Some members routinely already do that. Nothing wrong with that. Instead of wanting to censure the unsavoury opinions from the other side, which I never agree with, it is better to counter by bringing what is on the other side as well. I again kindly advise you that lurking will not help. Neither censuring. Instead of being a lurker and reading some one-sided news daily that infuriates you, come out from the lurk and bring what you think is the correct news by posting as many articles as you like.
  24. Originally posted by Dhulqarnayn -alSumaale: Sawiradaan si fiican ayaa loogu jeedaa, loo arkaa. Magool, Eebbe ha u naxariistee, iyo Khadro Daahir in the middle, Hibo Nuura far left on the first picture. The other two waa ii gooyeen. Anyone? The second one waala xaragonoyaa. Axmed Naaji iyo Magool again si fiican ugu muuqdo. Charming. The ladies are such stars - the men just fade into the background. And you have to grin when they refer to Chinese as 'abowayal' - about the last ppl that we can refer to as that. My abti, Eebbe ha u naxariistee, had a favourite anecdote he used to recite whenever uu soo xasuusto. He once saw Shiinees sigaar ku cabaayo infront of his safaaradda Shiinaha in Xamar when mid xaraarad sigaar heyso approaches him to ask say: "Shiina-Soomaali walaalo, marka haashka ii dhiib." When he saw the confused expression on the Chinese embassy worker, he repeated this time emphasizing on his two index fingers by comparing them and saying the above phrase. Somehow the Shiinees guy got it and laughed, giving him a full sigaar. They both laughed together and kala tageen.
  25. Maskin, I was tempted to respond to this thread. I recall you editing some comments I made on the so called president of somalia, the stooges called warlords (turned ministers) and for responding to the bombardment of innocent civilians/animals in the south. When did I do this? Can you bring forward any thread I edited that included 'comments' you've made about Frail Stooge of Xabashadda [myself anti-his policies and his dowlad ku sheeg ayaan ahay as you can see], so can you bring any threads of that? Mise dacaayad aan jirin waala iska wadi karaa? What some of you do not get is this: You don't aflagaado members of this site, regardless what outrageous -- though not offensive -- statements they make. You can make your own outrageous to counter them if you want to lose your integrity as well, or either ignore them as many of us do. You can, however, call whatever acceptable terms [i.e., dabadhil'if, stooge, puppets, traitors ...] you want against those public people oo xilal sheeganaayo. If they call Maxkamadaha some unflattery terms, it is not our problem. If you call dowlad ku sheega some unflattery words, it is not our problem, either. They are public political groups, as bad as the latter is. Maxkamadaha, as dear as it is to some, still was and is a political movement, and people can criticize. SOL is not a totalitarian site to please on someone's whims. Copy-and-paste, as long as they comform and adhere the rules, nothing against it. If you want to bring your side of opinion, bring as many copy-and-paste as you like. If you don't like to read the other side's copy-and-paste, which I personally do, then don't. We cannot censure what other people bring to this site, as long as it confirms the rules. I will remind you to this: I personally do not like either some copy-and-pasted articles, but my personal opinion cannot force what others will. No. So therefore I skip these articles. The day I lost hope on what is written on somaliaonline was when a somali woman was reported to have been raped. Several of your members were on record praising this vicous acts. The same applied when thousands of innocent civilians faced the ruthless bombardment of the TFG and Ethiopian troops and the paste and copy articles filled this place praising the "progress" of the TFG in engaging "tribal" courts. How would someone whose relatives live in Muqdisho react?????? I as a moderator remove, delete, edit any thread and post that advocates, promotes rape or even violence about our people. Any post that glorifies rape. Any post that shows the dead bodies images on here. I am a but a mere person, therefore cannot read every and each post, though I try to. If you think there is a post that glorifies about rape of a Soomaali woman, report to us. It just says on the bottom 'report this.' Instead of being a lurker, come and bring to support your political side. I do. Lurking silently and reading what you consider 'outrageous' comments will not make other side see the opinion. As Aljasiira has that famous slogan: The opinion and the other opinion [rayi wa rayi].