-
Content Count
17,654 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kana yaa sheegi karo? It is a mobile sawir, so excuse the image's quality.
-
Mirahaan kala sheega magacyadooda, goormeena dhadhamiskooda kugu dambeysay. Sawirka waxaa la qaaday a few days ago. Intaa miraha magacyadooda kasii fikireysiin, koob isbarmuuto qaboob isku qaboojiya iyo gabal yar oo babaaygii Soomaaliya ah.
-
Sex, Power, and the Siad Barre Regime
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Taleexi's topic in Politics
Acuudi bilaahi mina sheydaani rajiim. Dadkii lafahooda baaba'ayna wali lafahooda idinkama fakan karo miyaana? -
Oba Hiloowlow '' I do not support unuka leh anymore''
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Wadani;908867 wrote: Would it be a fair assessment to say that Hargaysa currently has a more diverse clan composition than Mogadishu? I hear there are tons of koonfurians in Hargaysa who have been welcomed and embraced by the locals. Xamar anigaa joogay until Tuesday. Waa yaabeysaa inta Reer Waqooyi ah Xamar isa soo buuxiye, siyaabo kala duwana u joogay. Meelaha shaaha laga cabo ayeeba aad u dhoobnaayeen, lahjadooda meel fog laga maqlaayo. Qaarkood waa shaqodoon, qaarkoodna guryahooda inay dayactiraan ama kireeyaan u yimaadeen. Soomaaliweyn dhan waa wada buuxday. Qabiil kii la dhahaaye meel la iska dhigay oo waala wada simanyahay. -
Mogadishu The Capital of All Somalis?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Caano_Geel's topic in Politics
Xamartii aan joogay last week Soomaaliweyn dhamaantood wey wada joogtay, laba dhinac isku fiirineysay ma jirin because of qabiil, nin walba dantiisa ayuu watay. Qofkii cuqdad iyo wax kale heyso, qabyaalad iyo qurunkeeda wali ku beeran ayaa waxaan camal soo bandhigo ama sheegto inay qolo gooni Xamar u leedahay. Xamar isgeey indhahaaga kusoo arag, waa la isla leeyahay Eebba ka sakoo, qof qof ka lahaan karo ma jiro. -
Afkeen waa hodan, waana dhameystiranyahay si buuxdaba wali. Qof hadduu asaga Afsoomaaligiisa garashadiisa yartahay in uu afka eedeeyo ma'aha. Mataano dhagoolayaal ah oo loo fasaxay inay isdilaan kadib markii ay... Aniga islamarkiiba waa u fahmay inay isdilaan inay rabaan maadaama meesha ku jirto 'loo fasaxay.' Laba iska hor imaaneyso oo isdilaayo ma dowlad ayaa u fasixi karto.
-
Waxaa Xamar kusoo arkay anshaxxumo wey dhaafeysay. The relative availability of drugs is beyond shocking. Xashiish, qamro, so-called 'blue pills' ayaaba la isku wada daroyaa, hal mar la isla qaadanaaye by both dumar iyo ragba. Jaadna ha sheegin. Liidadaasna waa tagay, habeen iyo duhurba laba jeer. Labada jeerba caadi ayee ahayd oo wax 'anshax'xumo' kuma arkin. Maqaayad shidan ayaa ku taalo oo qiimaheeda loo dhawaan karin. Eebbaa u maqan dadkeena.
-
Haatu;905374 wrote: Taaladda isgoyskaas ku yaasha should never have been painted. The natural white stone looked much better. Also, why did they build those weird things at the bases of the solar lamp posts? Soomaali dookh xumaa. Wax walba rinji nuuryo ayee marinoyaan oo maba oga the taalooyin and masaajidkii Isbaheysiga waxa lagu dhisay marble. Markaa arkay taaladii Axmed Gurey meeshii surneyd oo rinji baluug la mariye waaba baxay. It used to be marble stone. Same with masaajidkii weynaa ee Isbaheysiga banaankiisa tiirarkii ku yaalay. Tan Daljirka Dahsoon in rinji cad ama baluug ah la mariyo ka cabsanaaba.
-
This kulan partially helped askartii inay ka yara hakato Islii in the past two days, dadkee iska wada qabqabanaayeena yaraadaan. Si kartinimo u hadleen xildhibaanada kala ah Aaden Barre Ducaale iyo Safiya Cabdinuur. Granted, they should have done and held this meeting looooooong ago. Better late than never, as they say.
-
Be careful riding those New York Subways...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to AfricaOwn's topic in General
Waligeyba calaamada jaalaha uma dhawaan, haddaan socdana darbiga ku ag socdaa, haddee dad taaganyhiin xataa dadka agmaraa as close as possible. -
Islii Soomaali kama dhamaaneyso; those who think inay Soomaali ka wada guuri doonto oo ganacsigooda maguuraanka ah (sida guryaha, hoteelada dhisan iyo wixii la mid ah) wada fufujinsan doono been ayee isku sheegayaan. Yes, Islii waa laga tagoyaa. Yes, waa laga qaxoyaa maadaama Soomaalidii noqdeen laba 'victim' ah: Kan la qaxinooyo iyo kan booliiska iyo militariga kaleba qandaraas ku qaateen inay qabqabtaan. Marka dadka wey baxoyaan, qaarkoodna baxeen but I don't think xataa inay gaareyso %15 dadka baxay so far. Dadka badanaa baxooyana waa dadkii soo galay circa 2007 oo Xabashadii kasoo cararay. Within Islii ayaa la iskugu kala guuroyaa because the historical boundaries of Soomaalida Islii degnaan jirtay ayee dadka soo wada dagoyaan oo waxee kasoo cararooyaan guryihii kale ay degnaayeen ku yaalay in the peripheries of historical Islii. Historically Soomaalida waxee degnaan jireen from 6th Street to 12th St. Laakiin maadaama aad iyo aad la iskugu batay dadkii ilaa Segshan Wan (Section 1) ayee gaareen oo dhan ah, dhanka kalena ilaa Segshan Tarii (Secion 3). Maadaama dadka qaarkiis baxay guryihii ku yaalay from 6th St to 12th St ayee u soo guuroyaan, iyagoo kasoo guuraayo xaafadihii awalba amaankooda xumaa, looguna sii daray raaf ba'an. Xaafadaas oo kala ah Jaamka, Ushirika, Kambaniyaasha, Juuja, Juwakaali, Foorka, Sadexda, Segshan Wanka, Segshan Tariiga. Xaafadaas dadka degan qaraxyada ka dhaco waxaaba ugu sii darnaa raafkii ba'an lagu haaye oo guryahooda iyo meelahooda ganacsiba la iska galaaye. Xaafadaha maanta haawanaayana waa kuwaas oo dadkii degnaa noqday dad ka baxay. Laakiin intee aadeen? Afar jiho ayee kale aadeen dadka baxooyo, afartaas jiho oo kala ah: Xamar, Dhadhaab/Gaarisa/Dhoobleey/Afmadoow (ilaa iyo meeshee u socdeen lug ku tagaan), Kambaala iyo Bambaasa. Kuwa Xamar iyo kuwa dhanka Dhadhaab/Gaarisa/... qabtay ayaa badnaa. Diyaarihii wada overbooked yihiin oo sidii bas camal qofkii ku hormaro ticket counterka at the airport raacaaye, kii shalay goostay iyo tii bil kahor goosatay isku wada mid laga dhigay, Soomaalidii ka yaabiyeyna dadkii garoonka Joomo Kenyaata ka shaqeynaaye oo meeshii wada buuq iyo isqabqabsi wada noqotay maadaama kuwa tikidyada jaro maxaa kaa galay u jaraayaan, triple booking in a single flight. So people are getting to the airport at 12 am or 1 am to get a flight that leaves at 6 am. Intaas yaa lagaaga hormarin waaye. Labada koox kale soo hartay oo Kambaala iyo Bambaasa aadaayo waa dad inay soo noqdaan rabo markii laga baxo marxaladahaan taagan, siiba dadka doorashada soo socoto ayee ka cabsi qabaan. Hadda guryihii iyo waxyaabihii kale ayaaba raqiisoobooyo. Islii aad iyo aad loo deganaa oo la isdulsaarnaa, ijaarka guryaha aad iyo aad u sareeyeen. Marka haddaaba leer la heloyaa, inkastoo hoteeladii dadka dibadaha ka imaan jiray ku tiirsanaa iyo maqaayadihii fiidka iyo habeenada camirnaan jiray dhaqaalo daro ku dhaxoyso. Eebba hanoo wada sahlo Soomaalideena meel walba aan joogno.
-
Waa saa sheegtay, Hilowloow. Ilmaha abtigaaga = ilma'abti Ilmaha adeerkaaga = ilma'adeer Ilmaha habaryartaada = ilmahabreed Ilmaha eedadaada = ilma'eedo. Wixii wax kale wado Afsoomaaligii toosnaa kuma hadlaayo, waa kii lahjadeenta ahaa lagu garanaaye dadka qaarkood.
-
Islii and Superpower koox maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Geelle, noo sheeg wax ka daran waxa muuqaalkaan ka dhacaayo Soomaaliya ka dhacay while Soomaalida are still watching publically, qof ka celiyana jirin. Waa dhaqan xun oo cusub waxaan oo Kenyaatiga laga keenay. Tuugnimada uu ku sheegay kan waxaas sameynaayo ka daran. Yaa ogaado wax ka fuleysan ma jiro kaas istustus ka ahayd. I am glad finally dad damiir leh inay ka celiyeen xoolahaas aanan asluub b iyo t ka garaneynin. -
Islii and Superpower koox maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Soomaalidii cawaan ayee noqotay sidee cawaan ugu dhex jireen. Waxaan camal ayee isku sameynayaan. Xataa shufto iyo dilaa ma istaahisho in saan loogu dhaqmo. Islaanimada wey dhaaftay waxaan, dhaqankii suubanaa Soomaalida lahaydna ha sheegin.They are alleging those two young men are 'Superpower' members and thieves. Eebboow. Arxandaranaa waxaan. -
Islii and Superpower koox maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Update to the story: Unfortunately, wiilkii aan habeenkaas arkaaye oo bastiisa ahaa isla habeenkii uu geeriyooday, asaga iyo laba kale iyagana sidiisa camal loo jirdilay habeenkaas. Sadex dhalinyaro la dilay habeenkaas. Waqtigii dambena booliis lagu soo wada daadiye Islii, dadkii jaadka iska cunaaye oo maqaayadaha horfadhiye iska aruursadeen as usual. Baashi, Islii lagama maarmo waa birqabato. Xataa dadka xaafadahaas degan maalin walba Islii taaganyihiin. -
This happened back in Agoosto Sababta loogu tuuray meesha has to do with her political u-turn and subsequent support to Xabashi regime and its minions in Soomaali Galbeed. Knowing inta dad Xabash soo jirdishay oo Nayroobi ku sugan kana soo cararay Soomaali Galbeed, one can try to understand what happened to her in that night.
-
Islii and Superpower koox maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Che, I don't think he would make it, though Eebbe ayaa naf haayee. He was completely out, bleeding profusely. Isbitaalkii la geeye oo Soomaali ahaa waxba kama qaban karin oo oto-oto kale laga sii saaray oo isbitaaladii waa weynaa midkood loo gudbiye. -
Isma lahayn Islii ayaa ku arki doontaa Soomaali badan Soomaali kale baangad ku goy goynaayo si xaasidnimo ah isla Soomaalidii kalena meesha wada buuxdo fiirsaneyso.
-
This thread is closed. I hope the Admin. closes the other one.
-
I have been back to Islii since mid Oktoobar. Caawa taa arkay wey ii dhineyd, even rabshadihii a few weeks ago Islii ka dhacay wey iiga darnayd taa caawa goobjoog u ahaa. I was buying casho from a restaurant that is not that far off from where we live, which itself is the safest area of Islii and its centre. I was in the maqaayad, awaiting my take-away order when dad yaacaayo, oo ordaayo meesha orod ku maray. Hore iyo gadaal loo kala ordaaye. Kuwa qaarkoodna dukaamadii iyo maqaayadihii isku wada xireen. It was evening. What was it about? Waa markee dhaceyso naxdintii iigu darnayd: Wiil dhalinyaro ah Soomaaliyeed lagu baangadeeye a place not far off where we were. A whole Soomaali gang, so-called Superpower, ayaa saas yeelaaye. Wiilka asagoo lasii wado horteena la marsiiye by two brave Soomaali men who dared to pick-up his body. Jirkiisa oo wada go' go'san, especially his left wrist oo kaliya iska heysatay by the marqaar. Baangado lagu gooy gooye maskiinka. The two brave Soomaali men ayaa dadka meesha ka muuqday ku wada lahaa, "War maxaa noogu fiirsaneynin nala qaada, Soomaali soo ma tihiin..." We were all shaken, until others joined them to take him to the hospital, which itself was few steps away. Inaanan waligey isdhihi jirin Soomaali ayaa saan, this barbaric violence, dhul kale ku sameyneyso, iskuna sameyneyso. Even Kenyaatiga meesha wada joogay were dumbfounded and shaken. I used to hear this nascent gang and what sickening acts they were capable of, but I hardly believed they were capable of this. Eebba u maqan Soomaali. Meel aan isku dhaafeyno maleh.
-
Kenyaatiga kaliya yaala eedeen. Kuwa Soomaalida ka buuxo dhib la wado, siiba kuwa iskugu magacdaray Superpower oo dadkii ka adeegan la' shalay iyo maanta. Iyagii iyo Kenyaatigii tuugada ishelay. Waxa dhiba ka socdana Islii dhan ma'aha waa kaliya Segshan 1, oo Kenyaati ku badan iyo Jaamka oo awalba ahayd xaafad iska xun kuwaas so-called Superpower ah dadka ku dhibi jiray in the past year. Isliida kale Soomaalida joogaan wax saas u weyn kama socdo. Here, I took this picture at the 8th Street in front of Day to Day Centre this afternoon in Islii. Yes, dukaamada wey wada xiranyihiin iyo dhawaaqa rasaasta mar mar ayaa maqleysaa, but xaafadaha Soomaalida ku badantahay masoo haweysan wali, from 6th St to 12th St. Kenyaatiga iyagaa naftooda u baqaayo xaafadahaan markii la joogo. Balaayo kale Gaarisa ka socotaa maanta oo suuqii qeyb ka mid ah booliiska gubay la leeyahay. Eebba ha sahlo amuuraha -- aamiin.
-
AfricaOwn;879804 wrote: lol I never knew you guys call elevators "lifts" , "son, lets take the lift" sounds totally cooler Another Reer Mareykan who never ventured outside of Mareykanka. Haddee u badato Kanada imaadaan and they had seen the 'world.'
-
Amiin Caamir goormuu carabgajo noqday. 'Hadhi' kulahaa. Kan ku kor qoray sawirkaan ereyadaas at least should have used lahjadda Amiin Caamir ku hadlo, ku qoro.