Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xamartaan oo sawir kontonmeyadii la qaaday ah probably iyo Xamarta maanta jirto. Maxaa dib u socod dheer aadnay. Sawirkaan wareysiga ku dhex jiraa. Markaa arkay ayaaba qiirooday.
  2. Horta ma aaminsani wax la yiraahdo iskutag (federalism), Soomaaliyana kama dhaqangali karo. Soomaali micnaha 'federalism' ayaaba ka maqan fahankeeda, iskaba dhaaf inay ku dhaqanto. Laakiin waxaa la yaabay kuwa buun buuniyo 'Jubbaland' haddana la yaabaayo shirkaan camal oo lix gobol la isku daro la rabo. Dadkaas la baxay 'Jubbaland' oo isleh waxaa wadatiin magacii Ingiriiska ugu wici jiray meelahaas, wax ayaa ka qaldan. Why? Because haddee jirtaba dhul la isku dhihi jiray 'Jubbaland' tan hadda la rabo in loogu wanqalo ma'aha. Haddee Jubbaland jiri jirtayna Jubbada Hoose kaliya ayee ahayd. Laakiin Alta Jubba ayaa jiri jirtay oo Talyaaniga dhoob dhoobay, kana koobneyd Gedo, Bakool, Jubbada Dhexe iyo Baay. Gobolkaas ayaana jiray until dowladii Kacaanka u kala qeybisay gobollada hadda jiro ee Jubbada Dhexe, Baay, Bakool iyo Gedo. Dowladihii Cabdullaahi Ciise hoggaamin jiray, tii Aaden Cadde iyo tii C/rashiid Cali Sharmaarkeba halkaas gobol ayaa xildhibaanada laga soo dooran jiray. [Source] Degmooyinkii Alta Jubba (aka Upper Jubba) ka koobnaan jirtay oo meeshaan ku qoran, with their current gobolo ku jiraan degmooyinkaan in brackets: Baydhabo (Baay) Buurhakaba (Baay) Baardheera (Gedo) Dajuuma (Jubbada Dhexe) Saakoow (Jubbada Dhexe) Diinsoor (Baay) Qansaxdheere (Baay) Luuq (Gedo) Dooloow (Gedo) Ceelwaaq (Gedo) Xuddur (Bakool) Tiyeegloow (Bakool) Waajid (Bakool) You can clearly see Jubbada Hoose (Lower Jubba) was always separate.
  3. Anaa ka maqan meesha since aanan ku arkin wax iga dheer. Waa jacbursan lahaa anigaba. Wiilasha, oo u badnaa Reer Mareykan, Kanada iyo Ustareeliya, waa dadaaleen. Last year gabdhihii ahaayeen, maantana iyaga. Guul.
  4. Che, waa run miraha Soomaaliya ka baxo iyo miraha kale ee xataa Kenya ah iskumid ma'aha. Dhadhanka kuwa Soomaaliya ayaa aad iyo aad u macaan, siiba liin dhanaanta, cambaha iyo babaayga. Aniga boorso buuxdo oo wada mire ah kasoo qaatay Xamar, unfortunately garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku reebteen eeyaha. Ciilkooda ilaa iyo hadda i haayo. Liin dhanaanta Soomaaliya oo la miiray wax ka dhadhan macaanaa ma lahayn. Koob liin qaboob ah oo weyna wuxuu iska ahaa 4,000 shilin Soomaali. (22,000 shilin Soomaali waaye halkii doolar, you do the math.) Xeebta Liido meel 'private' kuma arkin. Habeen iyo maalinba waa tagay, habeenkii xataa qurbojoog isku sawiraaye xeebta horteeda. Ma'oga miyaa habeenkii in la dhihi jiray inay badaha ku jiraan jiniyada soo baxaan. Perhaps Jasiira iyo meelahaas ku arkeysaa meelaha dadka ku yaryihiin.
  5. Haatu, Xamar maa saas ugu xiiso qabtaana? :-) Sawiro iyo muuqaalo badanba waa haayaa oo Xamar ah, laakiin waqti aan kusoo galiyo uma haayi. However, maanta ayaa kuu soo gilinaa xoogahoo, sawiro aan kasoo qaaday isbitaaladii aan Xamar ka xasuustay. Isbitaal Madiina Isbitaal Banaadir. Waa isbitaalkaa ku dhashay. Isbitaal Digfeer ______________________ Waxaa aad ugu faraxsanahay inay isbitaaladii wali almost sidooda yihiin, siiba kuwa Madiina iyo Banaadir. Waa Eebbe mahadiis.
  6. At Liido Seafood Reataurant. Sawirka waxaa la qaaday at approximately sadex saac iyo afartan daqiiqo habeenimo (9:40 pm). The beach restaurant, which is a few feet away from the shore, closes at 10 pm. Aad ayaa habeenkii loo tagaa.
  7. Haa, kackac waaye. Qadaafi, sawiro badan iyo muuqaalo kalaba Xamar waaka haayaa, but I don't have time to post them now. Markaa ku noqdo meeshaa ka imaaday soo gilin doonaa, hadduu Eebbe idmo.
  8. Kana yaa sheegi karo? It is a mobile sawir, so excuse the image's quality.
  9. Mirahaan kala sheega magacyadooda, goormeena dhadhamiskooda kugu dambeysay. Sawirka waxaa la qaaday a few days ago. Intaa miraha magacyadooda kasii fikireysiin, koob isbarmuuto qaboob isku qaboojiya iyo gabal yar oo babaaygii Soomaaliya ah.
  10. Maxee Soomaali faceeda ka hartay, dib isku dhigtay, dib u socod ba'an noqotay. Konton sano kahor wasiirka koowaad saas loogu soo dhaweeye isla goobtaas. Maantana madaxweyne Soomaaliyeed baryootan darteed daqiiqado kooban lagu soo dhaweeye.
  11. Acuudi bilaahi mina sheydaani rajiim. Dadkii lafahooda baaba'ayna wali lafahooda idinkama fakan karo miyaana?
  12. Mooryåån tuuto loo giliye with no asluub iyo dhaqan ciidan midkoodba leh ayaa Xamar dhooban. Dowladnimo B iyo T midkoodna kama yaqaanaan. They are far, far from being professional ciidan dad ah. Cunaqabateynta hubka ah waa inay saarnaataa Soomaaliya intee kuwaas jidadka Soomaaliya iska soc socdaan.
  13. Wadani;908867 wrote: Would it be a fair assessment to say that Hargaysa currently has a more diverse clan composition than Mogadishu? I hear there are tons of koonfurians in Hargaysa who have been welcomed and embraced by the locals. Xamar anigaa joogay until Tuesday. Waa yaabeysaa inta Reer Waqooyi ah Xamar isa soo buuxiye, siyaabo kala duwana u joogay. Meelaha shaaha laga cabo ayeeba aad u dhoobnaayeen, lahjadooda meel fog laga maqlaayo. Qaarkood waa shaqodoon, qaarkoodna guryahooda inay dayactiraan ama kireeyaan u yimaadeen. Soomaaliweyn dhan waa wada buuxday. Qabiil kii la dhahaaye meel la iska dhigay oo waala wada simanyahay.
  14. Xamartii aan joogay last week Soomaaliweyn dhamaantood wey wada joogtay, laba dhinac isku fiirineysay ma jirin because of qabiil, nin walba dantiisa ayuu watay. Qofkii cuqdad iyo wax kale heyso, qabyaalad iyo qurunkeeda wali ku beeran ayaa waxaan camal soo bandhigo ama sheegto inay qolo gooni Xamar u leedahay. Xamar isgeey indhahaaga kusoo arag, waa la isla leeyahay Eebba ka sakoo, qof qof ka lahaan karo ma jiro.
  15. Afkeen waa hodan, waana dhameystiranyahay si buuxdaba wali. Qof hadduu asaga Afsoomaaligiisa garashadiisa yartahay in uu afka eedeeyo ma'aha. Mataano dhagoolayaal ah oo loo fasaxay inay isdilaan kadib markii ay... Aniga islamarkiiba waa u fahmay inay isdilaan inay rabaan maadaama meesha ku jirto 'loo fasaxay.' Laba iska hor imaaneyso oo isdilaayo ma dowlad ayaa u fasixi karto.
  16. Waxaa Xamar kusoo arkay anshaxxumo wey dhaafeysay. The relative availability of drugs is beyond shocking. Xashiish, qamro, so-called 'blue pills' ayaaba la isku wada daroyaa, hal mar la isla qaadanaaye by both dumar iyo ragba. Jaadna ha sheegin. Liidadaasna waa tagay, habeen iyo duhurba laba jeer. Labada jeerba caadi ayee ahayd oo wax 'anshax'xumo' kuma arkin. Maqaayad shidan ayaa ku taalo oo qiimaheeda loo dhawaan karin. Eebbaa u maqan dadkeena.
  17. Haatu;905374 wrote: Taaladda isgoyskaas ku yaasha should never have been painted. The natural white stone looked much better. Also, why did they build those weird things at the bases of the solar lamp posts? Soomaali dookh xumaa. Wax walba rinji nuuryo ayee marinoyaan oo maba oga the taalooyin and masaajidkii Isbaheysiga waxa lagu dhisay marble. Markaa arkay taaladii Axmed Gurey meeshii surneyd oo rinji baluug la mariye waaba baxay. It used to be marble stone. Same with masaajidkii weynaa ee Isbaheysiga banaankiisa tiirarkii ku yaalay. Tan Daljirka Dahsoon in rinji cad ama baluug ah la mariyo ka cabsanaaba.
  18. This kulan partially helped askartii inay ka yara hakato Islii in the past two days, dadkee iska wada qabqabanaayeena yaraadaan. Si kartinimo u hadleen xildhibaanada kala ah Aaden Barre Ducaale iyo Safiya Cabdinuur. Granted, they should have done and held this meeting looooooong ago. Better late than never, as they say.
  19. Waligeyba calaamada jaalaha uma dhawaan, haddaan socdana darbiga ku ag socdaa, haddee dad taaganyhiin xataa dadka agmaraa as close as possible.
  20. Islii Soomaali kama dhamaaneyso; those who think inay Soomaali ka wada guuri doonto oo ganacsigooda maguuraanka ah (sida guryaha, hoteelada dhisan iyo wixii la mid ah) wada fufujinsan doono been ayee isku sheegayaan. Yes, Islii waa laga tagoyaa. Yes, waa laga qaxoyaa maadaama Soomaalidii noqdeen laba 'victim' ah: Kan la qaxinooyo iyo kan booliiska iyo militariga kaleba qandaraas ku qaateen inay qabqabtaan. Marka dadka wey baxoyaan, qaarkoodna baxeen but I don't think xataa inay gaareyso %15 dadka baxay so far. Dadka badanaa baxooyana waa dadkii soo galay circa 2007 oo Xabashadii kasoo cararay. Within Islii ayaa la iskugu kala guuroyaa because the historical boundaries of Soomaalida Islii degnaan jirtay ayee dadka soo wada dagoyaan oo waxee kasoo cararooyaan guryihii kale ay degnaayeen ku yaalay in the peripheries of historical Islii. Historically Soomaalida waxee degnaan jireen from 6th Street to 12th St. Laakiin maadaama aad iyo aad la iskugu batay dadkii ilaa Segshan Wan (Section 1) ayee gaareen oo dhan ah, dhanka kalena ilaa Segshan Tarii (Secion 3). Maadaama dadka qaarkiis baxay guryihii ku yaalay from 6th St to 12th St ayee u soo guuroyaan, iyagoo kasoo guuraayo xaafadihii awalba amaankooda xumaa, looguna sii daray raaf ba'an. Xaafadaas oo kala ah Jaamka, Ushirika, Kambaniyaasha, Juuja, Juwakaali, Foorka, Sadexda, Segshan Wanka, Segshan Tariiga. Xaafadaas dadka degan qaraxyada ka dhaco waxaaba ugu sii darnaa raafkii ba'an lagu haaye oo guryahooda iyo meelahooda ganacsiba la iska galaaye. Xaafadaha maanta haawanaayana waa kuwaas oo dadkii degnaa noqday dad ka baxay. Laakiin intee aadeen? Afar jiho ayee kale aadeen dadka baxooyo, afartaas jiho oo kala ah: Xamar, Dhadhaab/Gaarisa/Dhoobleey/Afmadoow (ilaa iyo meeshee u socdeen lug ku tagaan), Kambaala iyo Bambaasa. Kuwa Xamar iyo kuwa dhanka Dhadhaab/Gaarisa/... qabtay ayaa badnaa. Diyaarihii wada overbooked yihiin oo sidii bas camal qofkii ku hormaro ticket counterka at the airport raacaaye, kii shalay goostay iyo tii bil kahor goosatay isku wada mid laga dhigay, Soomaalidii ka yaabiyeyna dadkii garoonka Joomo Kenyaata ka shaqeynaaye oo meeshii wada buuq iyo isqabqabsi wada noqotay maadaama kuwa tikidyada jaro maxaa kaa galay u jaraayaan, triple booking in a single flight. So people are getting to the airport at 12 am or 1 am to get a flight that leaves at 6 am. Intaas yaa lagaaga hormarin waaye. Labada koox kale soo hartay oo Kambaala iyo Bambaasa aadaayo waa dad inay soo noqdaan rabo markii laga baxo marxaladahaan taagan, siiba dadka doorashada soo socoto ayee ka cabsi qabaan. Hadda guryihii iyo waxyaabihii kale ayaaba raqiisoobooyo. Islii aad iyo aad loo deganaa oo la isdulsaarnaa, ijaarka guryaha aad iyo aad u sareeyeen. Marka haddaaba leer la heloyaa, inkastoo hoteeladii dadka dibadaha ka imaan jiray ku tiirsanaa iyo maqaayadihii fiidka iyo habeenada camirnaan jiray dhaqaalo daro ku dhaxoyso. Eebba hanoo wada sahlo Soomaalideena meel walba aan joogno.
  21. Waa saa sheegtay, Hilowloow. Ilmaha abtigaaga = ilma'abti Ilmaha adeerkaaga = ilma'adeer Ilmaha habaryartaada = ilmahabreed Ilmaha eedadaada = ilma'eedo. Wixii wax kale wado Afsoomaaligii toosnaa kuma hadlaayo, waa kii lahjadeenta ahaa lagu garanaaye dadka qaarkood.
  22. Geelle, noo sheeg wax ka daran waxa muuqaalkaan ka dhacaayo Soomaaliya ka dhacay while Soomaalida are still watching publically, qof ka celiyana jirin. Waa dhaqan xun oo cusub waxaan oo Kenyaatiga laga keenay. Tuugnimada uu ku sheegay kan waxaas sameynaayo ka daran. Yaa ogaado wax ka fuleysan ma jiro kaas istustus ka ahayd. I am glad finally dad damiir leh inay ka celiyeen xoolahaas aanan asluub b iyo t ka garaneynin.
  23. Soomaalidii cawaan ayee noqotay sidee cawaan ugu dhex jireen. Waxaan camal ayee isku sameynayaan. Xataa shufto iyo dilaa ma istaahisho in saan loogu dhaqmo. Islaanimada wey dhaaftay waxaan, dhaqankii suubanaa Soomaalida lahaydna ha sheegin.They are alleging those two young men are 'Superpower' members and thieves. Eebboow. Arxandaranaa waxaan.
  24. Update to the story: Unfortunately, wiilkii aan habeenkaas arkaaye oo bastiisa ahaa isla habeenkii uu geeriyooday, asaga iyo laba kale iyagana sidiisa camal loo jirdilay habeenkaas. Sadex dhalinyaro la dilay habeenkaas. Waqtigii dambena booliis lagu soo wada daadiye Islii, dadkii jaadka iska cunaaye oo maqaayadaha horfadhiye iska aruursadeen as usual. Baashi, Islii lagama maarmo waa birqabato. Xataa dadka xaafadahaas degan maalin walba Islii taaganyihiin.
  25. This happened back in Agoosto Sababta loogu tuuray meesha has to do with her political u-turn and subsequent support to Xabashi regime and its minions in Soomaali Galbeed. Knowing inta dad Xabash soo jirdishay oo Nayroobi ku sugan kana soo cararay Soomaali Galbeed, one can try to understand what happened to her in that night.