Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Wah, wah, wah, Afsoomaali la bartee. Saas lagaa rabaa, dadaalka meesha kasii wad, widaay.
  2. Islii, Nayroobi, Soomaali badan ayaa degan. Aad iyo aad u badan. Marka sheeko xiiso leh iyo mid aan lahaynba kama weyneysid meeshaas. Isla goobtaas waxaa isla degan kii maalka faraha ka batay lahaa iyo kii aan ogeyn wuxuu caawa ku casheyn lahaa meel uu ka keeno. Waala isla deganyahay waliba daris la yahay, maalqabeyn iyo saboolba, marmarna waliba ma kala kaseysid muuqaalkooda guud. Laakiin mid ayee ka simanyihiin. Mid walba dalkuu tagay halqabsi u ah. Yanci adduunka dhan dalkaas lala simaa. Islaan reerka yaqaano jirtay oo halqabsi u ahayd Dubeey iyo Addisababa oo ahayd meesha kaliya qurbaha ka aragtay haddaan Nayroobi lagu darin. Marka halqabsigeeda wuxuu ku saleysnaa wax walba Dubeey lala simaa (badanaa Dubeey la amaanaa, oo meesha kale la yasaa), xataa haddee aragto wax telefashinka kasoo galaayo. Halqabsigeeda labaadna Addisababa ayee ahayd oo ay barbardhigto Afrikada kale, gaar ahaan Nayroobi. Labadaan meelood aad iyo aad loo amaanaa. Wiil ayaana asagana jiray dalka Musambiik (Mozambique) toban sanadooyin ku noolaa. Asaga, of course, halqabeysi u ahayd Musambiik. Mid kalena Marooko laga soo celiye halqabsi u ahayd. Qaboob hadduu jiro Marooko ka jiraa; haddee Carab qurxoon jiraan, Marooko ayee joogaan... Bishii dhawayd mid aan naqaano Dubeey kasoo noqday, oo dhoofkiisa ugu horeeye ahaydna. No surprises of course, halqabsigiisa ugu weyn noqotay ciyoowba Dubeey. Dubeey saan waaye, Dubeey saas waaye... _________________ Kusii darso waxaa Soomaalida Afrika joogo kusoo aragtay.
  3. Those xildhibaano have sour mouth. Ciil ayaa haayo, some for personal reasons. Why is Saransoor against this? Because the new guddoomiye ku xigeen of gobolka Baay waxaa loo magacaabay Shiine Macalin Nuuroow, an arch-opponent of Saransoor, but very close clanmate. They had a protracted challenge in the xildhibaan seat Saransoor now holds. Malaaqa ayaa gar bixiye, his decision siding with Saransoor. Shiine refused to concede, oo heer gacan ka hadal gaari rabtay. Fowsiyo Maxamed Sheekh, Cismaan Libaax and others are not satisfied with this because, to them, guddoomiye ku xigeenka cusub's clan does not deserve to be the deputy post because his clan resides in Bakool, according to them. Marka iyagoo kasoo jeedo gobolka Baay, gaar ahaan inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakabo, should at least have guddoomiyaha gobolka, if not kan guddoomiye ku xigeenka. Neither happened, hence the mucaaradnimo.
  4. Alpha Blondy;931761 wrote: +1 Nin walba wuxuu doono muu iska qoraa. Qof aan xataa hingaadin karin ereyo sahlan. Waxa ka daba tifaftiro ma jiro miyaa.
  5. Gheelle.T;931750 wrote: Xiinow, astonishing indeed. In the report, awoowe, it states that the majority of those IDs in Mog camps fled from Bay, Bakool, Lower Shabelle, and Middle Juba. Reer Bakool kuma jiraan dadkaas. Anigaa Xamar tagay. Waxee u badanyihiin Reer Jubbooyinka, labada Shabeelle iyo Gedo. Reer Bakool haddee qaxaan dhanka Ceelbarde, Dooloow iyo Yeed aadaan oo ku taalo xad beenaadka. Barakacyaasha Xamar joogo qaarkood waa lagu heystaa. Laakiin it feeds itself, oo qolo gooni loo eedeyn karo ma jirto. Barakacyaasha beeraley ayee ahaayeen, but lazy life ayee barteen oo been been wax lagu cunaayo. Iyagaba inay baxaan ma rabaan, inkastoo kuwa la leeyahay xoog ku jooga si hay'adaha lacag iyo mucaawino loogu qaato. Hay'ad Turkiga u dhalatay ayaa damacday inay ku celiso barakacyaasha deegaankee beeraha ku lahaayeen sanadkii hore dhamaadkiisa. Dad gaar ah ayee la heshiisay oo sheeganaayo magac shirkadeed inay celiyaan dadkaas, gaadiidkooda ku qaadaan. Dadka la celinaayana xoogahoo gacanta loo giliyo jidka kusii maraan. Kuwii noqon lahaa inay noqdaan ma rabin, kuwa wadaayena inay wadaan rabay. Markii dambe lagu heshiiye inay baabuurtooda raacaan oo Afgooye la geeyo lagu soo daadiyana, hadhoowna iska soo noqdaan, kaam kale barakac ah iska diiwaangeliyaan iyagoo magac kale sheeganaayo. Kuwii wadaaye lacagtooda u darneyd, iyagiina soo noqodkooda u darnaa iyo shilimaanta yar jeebka loo giliye. Hay'adii Turkiga saas lagu qiyaamay.
  6. OdaySomali;931449 wrote: Similarities in language: Although both Af-Somali and Afaan Oromo use the latin characters for their alphabet, you have to bear in mind that we may not use the same letters with the same pronounciation e.g. we spell Wiil , they spell Weel . Meaning: Father Somali: Aabo, Aabe Oromo: Abbaa -- Meaning: Son Somali: Ilmo Oromo: Ilma -- Meaning: Mother Somali: Hooyo Oromo: Haadha -- Meaning: Daughter Somali: Inan, Inantaa Oromo: Intala -- Meaning: Man, Men, People Somali: Niman Oromo: Nama -- Meaning: Five Somali: Shan Oromo: Shan --- Meaning: Teach Somali: Bar Oromo: Bar teacher = barsiiso -- Meaning: Year, time Somali: Waa, Waaga Oromo: Waggaa -- Meaning: The man, the men Somali: Ninka, Nimanka Oromo: Namicha -- Meaning: The end, End Somali: Dhamaad Oromo: Dhuma -- Meaning: owns/has Somali: Qaba Oromo: Qaba -- Meaning: Name, [What is] your name?, the name Somali: Magac, Magacaa?, Magacan oromo: Maqaa, Maqaan -- Meaning: Mouth, Language Somali: Af Oromo: Af[aan] -- Meaning: I Somali: Ani, Ani[ga] Oromo: Ani -- Meaning: You Somali: Adi, Aid[ga] Oromo: Ati -- Meaning: He Somali: Isa[ga] Oromo: Isa -- Meaning: You have Somali: Qabtaa Oromo: Qabda -- Meaning: We Enter Somali: Gallay Oromo: Galla -- Meaning: We learn Somali: Baranaa Oromo: Barra -- Meaning: Ears, listen Somali, Dhego, Dhegayso Oromo: Dhagga, Dhageessa -- Meaning: Go/get up Somali: Kac, Ka' Oromo: Ka' -- Menaing: Break, Break to pieces Somali: Chab (Jab), Chachab (jajab) Oromo: Cab, Cacab --- Meaning: 'say' or 'shout' Soomaali: iyaa [yaah] Oromo (Galla): iyya --------- Meaning: 'crockodile' Soomaali: yaxaas Oromo (Boni): yahaas Rendille (Reer Diinle): yahasi --------- Meaning: 'wild dog' Soomaali: yeey Oromo (Galla): yeeyii Oromo (Boni): yeye Rendille: yaay --------- Meaning: 'light' Soomaali: if/iftiin Oromo (Galla): ifa ----------- Meaning: 'long hair' Soomaali: dab Oromo (Galla): daabee ---------- Meaning: 'back' Soomaali: dhabar Oromo: daban ----------- Meaning: 'young bull' Soomaali: dibbi Oromo (Galla): dib-icca ----------- Meaning: 'man' [calling a man] Soomaali: waryaa [waraa] Oromo (Galla): warra -------- Meaning: 'call, invite' Soomaali: waani/waano Oromo (Galla): waama ----------- Meaning: 'hyena' Soomaali: waraabe Oromo (Galla): warab-esa Rendille: waraba ------------- Meaning: 'boy' or 'child' Soomaali: wiil Oromo (Boni): weel ---------- Meaning: 'son, brother' Soomaali: walaal Rendille: walal ------------ Meaning: 'rhinoceros' Soomaali: wiyil Rendille: weyel -------- Meaning: 'fruit of cactus' Soomaali: tin [tiintiin] Oromo (Galla): tini ----------- Meaning: 'spit' Soomaali: tuf Oromo (Galla): tufe ------------ Meaning: 'beat' Soomaali: tun [tuma dadkaas] Oromo (Galla): tuma Rendille: tum --------- Meaning: 'she-goat' Soomaali: ri' Oromo (Galla): ree ----------- Meaning: 'follow' Soomaali: raac Oromo (Boni): raa' Rendille: raah ---------- Meaning: 'run' Soomaali: orod Oromo (Boni): irid Rendille: irid ----------- Meaning: 'womb, uterus' or 'pregnant (of animals)' Soomaali: rimay, riman Oromo (Galla): riimaa Rendille: rim ----------- Meaning: 'rain' Soomaali: roob Oromo (Galla): rooba Oromo (Boni): roob ----------- Meaning: 'cow' Soomaali: sac Oromo (Galla): saa' --------- Meaning: 'lungs' Soomaali: sambab Oromo (Galla): somba --------- Meaning: 'cripple' Soomaali: naafa Oromo (Galla): naafa --------- Meaning: 'breath' or 'soul' or 'life Somali: naf [soul] or neef [breath] Oromo (Boni): nef ---------- Meaning: 'man' Soomaali: nin [niman] Oromo (Galla): nama ---------- Meaning: 'breath' or 'breathe' Soomaali: neefso Oromo (Boni): neefso Rendille: nefsi/nefso ---------- Meaning: 'live long' Soomaali: raage Oromo (Galla): raaga --------- Meaning: 'elephant' Soomaali: maroodi Oromo (Galla): marode --------- Meaning: 'be drunk' Soomaali: [ma cabee], cabid Oromo (Galla): macaw ---------- Meaning: 'family' or people Soomaali: maati [people] Oromo (Galla): maatii [family] --------- Meaning: 'manger' or 'home' Soomaali: moora ['animal shelter'], old homes Oromo (Galla): moora ---------- Meaning: 'herd of cows' Soomaali: lo' Oromo (Galla): loon Rendille: loolyo -------- Meaning: 'hen' Soomaali: luki [lost word, now dooro] Oromo (Galla): lukku --------- Meaning: 'leg, hip' Soomaali: lug Oromo (Galla): luka, lukaa Rendille: lux ---------- Meaning: 'name' Soomaali: magac Oromo (Galla): maqa Rendille: magaca ---------- Meaning: 'house' Soomaali: minan Oromo (Galla): mana, manaa Oromo (Boni): min --------- Meaning: 'bone' Soomaali: laf Oromo (Galla): lafe --------- Meaning: 'companion, relative' Soomaali: lammaan Oromo (Galla): lammii ----------- Meaning: 'heart' or 'chest Soomaali: lab [heart] Oromo (Galla): labb [chest] ----------- Meaning: 'swallow' Soomaali: liqid Oromo (Galla): liqim ----------- Meaning: 'foreskin' [dead skin] Somali: qolof Oromo (Galla): qolofa --------- Meaning: 'cold' Somali: qaboow Oromo (Galla): qabbanawa Rendille: qobo ---------- Meaning: 'young female camel' Somali: qaalin Rendille: qaalim ---------- Meaning: to bite Somali: qaniin Oromo (Galla): qinina ------------ Meaning: 'high mountain, summit' Somali: qar [qarka] Oromo (Galla): qara --- Meaning: Tongue Somali: Carab Oromo: Arrabba -- Meaning: Teeth/Tooth Somali: Ilko, Ilig Oromo: Ilkaan, Ilkee -- Meaning: Leg Somali: Lug Oromo: Luka -- Meaning: Knee Oromo: Jilba Somali: Jilib -- Meaning: Head Somali: Madax (madah) Oromo: Mataa --- Meaning: Hair Somali: Timo/ Rif? e.g. timhaha ka rif Oromo: Rifaa -- Meaning: face Oromo: Fuula Somali: Fool Baliis, kindly source the link. Mahadsanid.
  7. Finally Gaandi iyo Cumar C/rashiid are getting some sun. It is better than sitting idly and bored in the lobbies of Grand Regency (Laico) hotel in downtown Nayroobi.
  8. Markee xumaatay waa markee Reer Liibiya ku dhajiyeen laangaruusaladii shilke iyo suu'. Kuwaas baabuurta waa weyn lagu rakibi jiray. Laakiin gadaal ka gaal barbaratooy ah waayee.
  9. Waa ayaa mid Yuguslaafiyaan ah -- a Seerbiyaan -- i daba socon jirtay, back markaa cusbaa oo dugsiga sare isla dhigan jirnay. Laakiin kuwa 'caddaanka' lagu sheego were never my type and still they are. Soomaali waxaanan ahayn kamaba heli.
  10. Aljasiira kastuumadooda arrinta Suuriya ayaa bannaanka u soo dhigtay. Buunbuuniskooda iyo amiirka Qadar xukumo lehna Aljasiira kama xishoodaan when it comes to Suuriya. Maalin caddeey laguu dhiibaa booto iyo buun buunin. I still give it the best warbaahin platform, though. Wax gaaro ma jiro, along with Guardian, Ingiriiska-based newspaper.
  11. oba hiloowlow;929247 wrote: Stadium Yaaqshiid Istaadiyuum Muqdisho ma 'Stadium Yaaqshiid' loo bixiye? Koow.
  12. Alpha Blondy;929576 wrote: i stole this from my friend's fb account. Qofka qaaday sawirka sarta hoteelka Jasiira ayuu saaranyahay. Jidkaas sida aad ugu jeedidna waa kii ka imaanaaye Lambarafar oo garoonka diyaaradaha aadaaye. Driving on that road, as I did two months ago, does not look how this picture represents, though.
  13. Haatu;926156 wrote: Sidee bakhayl ama greedy Af Soomaali lagu dhahaa? Greed = damac, hunguriweyn Greedy = damaci, hunguriweyne
  14. Haddee run tahay warka hoos ku xusan, si fiican ayaa la yeelay. _______________ AMISOM oo xirtay Indhacade Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid. Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid. Xariga Indhacade ayaa yimid kadib markii uu isku dayay inuu is hortaag ku sameeyo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii uu isku dayay in iyagoo la baarin dad uu doonayay inuu ka dhoofiyo garoonka Aada Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiil ku sugan garoonka ayaa warbaahinta u sheegay in xariga Indhacade uu yimid markii ciidamo uu watay uu ku amaray inay xiraan albaabka laga galo garoonka diyaaradaha, taasna ay keentay in lagu fooraariyo dhammaan qoryihiin AMISOM u tallaay garoonka dabadeena la xiray isaga iyo ciidankiisa. Wararkii u dambeeyay waxa ay lee yihiin Inacade waa la sii daayay, waxaana lagu amray in uu garoonka ka tago, iyadoo aan la ogeyn in dadkii la socday ee rabshadu ay ka bilaabatay inay ka dhoofeen garoonka iyo in kale. Indhacade ayaa wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii ka mid noqday Maxkamadihii Islaamka, isagoo sidoo kalena ka mid noqday madaxdii xisbul Islam oo dagaal la galay Al-Shabaab. Ma jiro hadal kasoo baxay Yuusuf Indhocade oo ku saabsan xarigiisa sidoo kalena kama aysan hadlin arintan Madaxda Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xiray isaga. Midnimo
  15. Kooxo Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Dilay Imaamkii Masaajidka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay gurigsiisa kala baxay, Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo 75-jir ahaa, isla markaana ahaa imaamkii masaajidka weyn ee degmadaas, iyadoo maydkiisa oo qoorta laga jaray saakay laga helay god ku dhow gurigiisa. Wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay Al-shabaab xabsiga degmada Xudur ku xirxireen 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin haween. “Sheekha waxaa gurigiisa laga baxay xalay saqdii dhexe, waxaana laga jaray qoorta, iyadoo maydkiisa lagu riday god ku dhow gurigiisa, taasoo cabsi weyn gelisay dadka deegaanka,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur oo la hadlay HOL. Goobjoogahan oo sababo ammaan awgood u qariyay magaciisa ayaa intaas ku daray in arrintan ay aad uga naxisay dadka deegaanka oo aad tiradoodu u yar tahay, iyadoo saraakiisha Al-shabaab aysan ka hadlin dhacada naxdinta leh ee ka dhacay degmadaas. Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Xudur maalin ka hor markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii ay gacanta ka helayeen ee Itoobiya. Lama oga sababta keentay in Al-shabaab ay gowracaan Sheekhan, balse wararka ayaa waxay sheegayaan in Sheekhu uu dadka deegaanka u kala xumin jiray dacwooyinka ay isku haystaan, isagoo xukunkiisa ku saleynaya diinta Islaamka. Tallaabadan ayaa waxay si weyn uga horimaanaysaa hadal ay saraakiisha Al-shabaab ka jeediyeen degmada Xudur maalintii ay galeen, taasoo ahayd inay dadku dib ugu soo laabtaan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid dhibaato loo geysanayo. Xigasho: Hiiraan.con
  16. Sheekh caan ah ayee maanta ku bireeyeen bartanaha magaalada Xuddur kuwii Barbaarta la dhahaaye oo daraad Xuddur qabsaday. Iimaamka masaajidka ugu weyn degmada ayuu ahaa, da'diisana toddobaatameeyo ayee ahayd. Eebbe haku u raxmado Sh. C/raxmaan Warsame.
  17. Your amateurish thread titles meesha ciyaal ciyaal ka dhigtay. SOL used to be a quality site, laakiin now I am not so sure.
  18. Nin-Yaaban;927723 wrote: That's really nice MMA, how much do they charge for Internet over in Nairobi horta? Expensive miyaa Internetka xaga? WiFi weli ma soo garay Africa? At internet cafes in Islii, daqiiqadii waa hal shilin, thus saacadii waa 60 shilin ($1=85 shillings). Their speed waa iska average laakiin hal meel Islii ku taalo ayaa aad u fiican qadkooda. Hoteelada waa weyn (sida Grand Royal iyo Diamond Palace, both four-star hotels in Islii and owned by maryooleey) wey leeyihiin free WiFi laakiin xoogahoo waa iska isloow. Telefoonada gacanta dadka badankooda ka galaan waana very fast, especially Safaricom. You can buy internet data bundles like 40 MB for 50 shillings, 80 MB for 100 shillings and so on. I am posting from my mobile now. There is also the modem wireless USB flash for laptops.
  19. Filla Soomaaliya has a minimum of six check points uuna hal gaari xoog ku dhaafi karin. How is this possible?
  20. My laptop guriga ayuu yaalaa, I am at an internet cafe oo koo aan isnaqaano leh in Islii oo sheeko ugu imaadaa mar mar meeshaan with its cappucino-like shaah lagu caddeeye caano geel. Its desktop looks terrible, xataa the colour of this PC waaba cagaar iyo baluug wax u dhaxeeyo. Here it is:
  21. Xamar hees dacaayad iyo digniin ahba waxba kama dhibeysee laakiin ka waran dadkii xumeeye haddana lasoo taagan anagaa leh oo magaalo madaxdii ka dhigay goof mooro dadoow camal. Kuwaasaa Xamar wax u dhimay, una dhimooyo.
  22. Yaabanoow, profiling SOLers wali kuuma dhamaan miyaa. Su'aalahaaga personalka ah waa socdaan waligoodee.
  23. Xabashada meesha awalba gumeysi ku haayeen wax kale kuma heynin maadaama degmadaas gishay go'doon ba'an oo silac ah. Baabuur ma gali jirin oo jidadkii ku wareegsanaa Barbaarta gooyeen. Sicir barar xad dhaaf ahna wey ka jirtay degmadaas bilooyinkii u dambeeye oo xataa kiiladii sokorta ka gaartay 120,000 shilin Soomaali, halka meelaha kale u dhow ka tahay 20,000. Dadka in baahi lagu dilo ma'aha.