Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Carafaat;931873 wrote: STOIC, Andalus is a proper Islamic and decent Hotel. But if you want to enjoy those natural green delicacy from the Meru highlands or those fine figured Sijui's from the opposite gender, I wouldnt recommend you to stay there. Carafaad, we are warning him so. He will see how 'restrictive' the wadaado owners can get. Speaking of Andalus: Back in the summer of 2011, an old family friend from ciyaal xaafad pre-civil war was staying at Andalus. He had a quite few anecdotes of his own. He had been out of Afrika since '87, but one thing that shocked him most was a 'stranger' Soomaali visited his seat at the Andalus hotel's restaurant, greeting him quietly and ordering his food. Our family friend was eating his meal as well. The stranger finished his fast, left for 'farxal' but never came back. When the bill arrived, our family friend was surprised to find the 'stranger's' bill included in his. He inquired. He was told he was his friend because the 'stranger' said so, not to mention you two were engaged in a conversation -- the 'salaamu caleykum' kind conversation it seemed. He had no choice but to pay. However, since then he was pretty much wary of anyone sitting in his seat area, immediately informing the waitresses that he doesn't know that person or this person should one dare to sit near him.
  2. They are building the major roads, some already built. If you stay Diamond Palace, this might be your view as I did when I stayed for a few nights in the past month. The blue building on the right is Andalus hotel, the muraayad one on the left is Madiina hotel and the picture was taken inside a Diamond hotel's room. As you can see, aad iyo aad iskugu dhowyihiin. Also, Andalus has a mosque inside it.
  3. STOIC;931853 wrote: Carafaat, ileen swahiliga waat taaqaan...I'll check that Royal out.I'm not familiar with anything after the 90's..Am guessing the place changed alot..Heck I may not even understand their Swahili lo.....I want to stay in a place with a Islamic feeling probably owned by Sheikhs or decent folks Insha-Allah.... If you want a decent hotel owned by wadaado, then check Madiina hotel or Andalus, both just on same location as of the three I mentioned in the previous post. Heed this, though: Your visitors are pretty much restricted, especially of the opposite gender. Also Andalus doesn't have satellite TV. Waxaa kaa ilooway about the road construction, which affects the location of those mentioned hotels. Jidad badan Islii laga dhisoyaa and some which are completed now.
  4. STOIC;931812 wrote: MM, I'm going there in a month Insha-Allah. Even though I'm familiar with the place very well its been close to fifteen years last I saw Eastleigh. Maarka where is the favorite spot to rent a hotel with a good security and I can pray my prayers in the mosque within a walking distance? I have brothers with their own houses in Park road and Kariakor, but I refused to stay in their place. I got used to my own space.I'm looking forward to meeting friends and families.I only have a month so I'll see how many places I can visit. Marka hore safar salaama kuu rajeynaa. You may be familiar the Islii of circa 1997/98, but the Islii of today is completely different. Even if you were last there in 2005, it looks practically different. Islii has three 'upscale' hotels, namely Grand Royal, Nomad Palace iyo Diamond Palace -- all Soomaali owned. Diamond Palace was opened earlier this year. Grand Royal ugu wanaagsan, though its location is questionable since in front of it ka baxaan basaska NFD aado. Very busy location. All three hotels are on 12th Street, Diamond Palace and Grand Royal on very prime locations at the First Avenue roundabout. The two have free WiFi, though a bit slow. Also check Kilimanjaro restaurant, just across from those two hotels. Safar salaama mar kale. Don't hesitate to share what you find in Islii on here.
  5. Carafaat;931796 wrote: MMA, kamaan dhamaan jirin ba maqayadaha Somalida. Waxa tagi jiray maqaayadaha Xamdi, Salama, Rayan, Sagal. Maqayadaha Keniyaatiga maan tagi jirin ba. Waxa aan aad uga heli jiray, vieuw'gooda fiican, cuntada macaan, service kooda(dhalinyaro dhaqso badan), koobka shahooda oo waaweyn marka loo eego kuwa kale ee kenyatiga. Maqaayadda Rayaan downtown Nayroobi ku taalo maa tagi jirtay? I thought it was overtly cafe, not a real maqaayad. Xildhibaanada iyo xildhibaano ku sheega meeshaas lagama waaye. I think it is where a certain SOLer gets his daily dose of fadhikudirir in Nayroobi.
  6. Showqi, ii waran, widaay. Hollandese aan ku arko Schiphol airport dad nooc kale waaye. I use that airport all the time, laakiin the service people meeshaas joogo seem like kinda 'rude.' Kuwa xataa maqaayadahooda ka shaqeeyo inside the airport. But the airport itself is great, very well designed and well run.
  7. Carafaad, maqaayada Soomaalida leedahay ee magaalada hoose Nayroobi ku taalo ma tagtay? By the way, sawirka meesha soo saartay waa maqaayada Xamdi ee Toronto ku taalo. Cuntadooda, saxankoodaba, koobkooda cambaha iyo waliba miiskaas cuntada saarantahay waa wada aqaan.
  8. I guess anigana soon waxaa halqabsi ii noqon doonto Islii.
  9. Wah, wah, wah, Afsoomaali la bartee. Saas lagaa rabaa, dadaalka meesha kasii wad, widaay.
  10. Islii, Nayroobi, Soomaali badan ayaa degan. Aad iyo aad u badan. Marka sheeko xiiso leh iyo mid aan lahaynba kama weyneysid meeshaas. Isla goobtaas waxaa isla degan kii maalka faraha ka batay lahaa iyo kii aan ogeyn wuxuu caawa ku casheyn lahaa meel uu ka keeno. Waala isla deganyahay waliba daris la yahay, maalqabeyn iyo saboolba, marmarna waliba ma kala kaseysid muuqaalkooda guud. Laakiin mid ayee ka simanyihiin. Mid walba dalkuu tagay halqabsi u ah. Yanci adduunka dhan dalkaas lala simaa. Islaan reerka yaqaano jirtay oo halqabsi u ahayd Dubeey iyo Addisababa oo ahayd meesha kaliya qurbaha ka aragtay haddaan Nayroobi lagu darin. Marka halqabsigeeda wuxuu ku saleysnaa wax walba Dubeey lala simaa (badanaa Dubeey la amaanaa, oo meesha kale la yasaa), xataa haddee aragto wax telefashinka kasoo galaayo. Halqabsigeeda labaadna Addisababa ayee ahayd oo ay barbardhigto Afrikada kale, gaar ahaan Nayroobi. Labadaan meelood aad iyo aad loo amaanaa. Wiil ayaana asagana jiray dalka Musambiik (Mozambique) toban sanadooyin ku noolaa. Asaga, of course, halqabeysi u ahayd Musambiik. Mid kalena Marooko laga soo celiye halqabsi u ahayd. Qaboob hadduu jiro Marooko ka jiraa; haddee Carab qurxoon jiraan, Marooko ayee joogaan... Bishii dhawayd mid aan naqaano Dubeey kasoo noqday, oo dhoofkiisa ugu horeeye ahaydna. No surprises of course, halqabsigiisa ugu weyn noqotay ciyoowba Dubeey. Dubeey saan waaye, Dubeey saas waaye... _________________ Kusii darso waxaa Soomaalida Afrika joogo kusoo aragtay.
  11. Those xildhibaano have sour mouth. Ciil ayaa haayo, some for personal reasons. Why is Saransoor against this? Because the new guddoomiye ku xigeen of gobolka Baay waxaa loo magacaabay Shiine Macalin Nuuroow, an arch-opponent of Saransoor, but very close clanmate. They had a protracted challenge in the xildhibaan seat Saransoor now holds. Malaaqa ayaa gar bixiye, his decision siding with Saransoor. Shiine refused to concede, oo heer gacan ka hadal gaari rabtay. Fowsiyo Maxamed Sheekh, Cismaan Libaax and others are not satisfied with this because, to them, guddoomiye ku xigeenka cusub's clan does not deserve to be the deputy post because his clan resides in Bakool, according to them. Marka iyagoo kasoo jeedo gobolka Baay, gaar ahaan inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakabo, should at least have guddoomiyaha gobolka, if not kan guddoomiye ku xigeenka. Neither happened, hence the mucaaradnimo.
  12. Alpha Blondy;931761 wrote: +1 Nin walba wuxuu doono muu iska qoraa. Qof aan xataa hingaadin karin ereyo sahlan. Waxa ka daba tifaftiro ma jiro miyaa.
  13. Gheelle.T;931750 wrote: Xiinow, astonishing indeed. In the report, awoowe, it states that the majority of those IDs in Mog camps fled from Bay, Bakool, Lower Shabelle, and Middle Juba. Reer Bakool kuma jiraan dadkaas. Anigaa Xamar tagay. Waxee u badanyihiin Reer Jubbooyinka, labada Shabeelle iyo Gedo. Reer Bakool haddee qaxaan dhanka Ceelbarde, Dooloow iyo Yeed aadaan oo ku taalo xad beenaadka. Barakacyaasha Xamar joogo qaarkood waa lagu heystaa. Laakiin it feeds itself, oo qolo gooni loo eedeyn karo ma jirto. Barakacyaasha beeraley ayee ahaayeen, but lazy life ayee barteen oo been been wax lagu cunaayo. Iyagaba inay baxaan ma rabaan, inkastoo kuwa la leeyahay xoog ku jooga si hay'adaha lacag iyo mucaawino loogu qaato. Hay'ad Turkiga u dhalatay ayaa damacday inay ku celiso barakacyaasha deegaankee beeraha ku lahaayeen sanadkii hore dhamaadkiisa. Dad gaar ah ayee la heshiisay oo sheeganaayo magac shirkadeed inay celiyaan dadkaas, gaadiidkooda ku qaadaan. Dadka la celinaayana xoogahoo gacanta loo giliyo jidka kusii maraan. Kuwii noqon lahaa inay noqdaan ma rabin, kuwa wadaayena inay wadaan rabay. Markii dambe lagu heshiiye inay baabuurtooda raacaan oo Afgooye la geeyo lagu soo daadiyana, hadhoowna iska soo noqdaan, kaam kale barakac ah iska diiwaangeliyaan iyagoo magac kale sheeganaayo. Kuwii wadaaye lacagtooda u darneyd, iyagiina soo noqodkooda u darnaa iyo shilimaanta yar jeebka loo giliye. Hay'adii Turkiga saas lagu qiyaamay.
  14. OdaySomali;931449 wrote: Similarities in language: Although both Af-Somali and Afaan Oromo use the latin characters for their alphabet, you have to bear in mind that we may not use the same letters with the same pronounciation e.g. we spell Wiil , they spell Weel . Meaning: Father Somali: Aabo, Aabe Oromo: Abbaa -- Meaning: Son Somali: Ilmo Oromo: Ilma -- Meaning: Mother Somali: Hooyo Oromo: Haadha -- Meaning: Daughter Somali: Inan, Inantaa Oromo: Intala -- Meaning: Man, Men, People Somali: Niman Oromo: Nama -- Meaning: Five Somali: Shan Oromo: Shan --- Meaning: Teach Somali: Bar Oromo: Bar teacher = barsiiso -- Meaning: Year, time Somali: Waa, Waaga Oromo: Waggaa -- Meaning: The man, the men Somali: Ninka, Nimanka Oromo: Namicha -- Meaning: The end, End Somali: Dhamaad Oromo: Dhuma -- Meaning: owns/has Somali: Qaba Oromo: Qaba -- Meaning: Name, [What is] your name?, the name Somali: Magac, Magacaa?, Magacan oromo: Maqaa, Maqaan -- Meaning: Mouth, Language Somali: Af Oromo: Af[aan] -- Meaning: I Somali: Ani, Ani[ga] Oromo: Ani -- Meaning: You Somali: Adi, Aid[ga] Oromo: Ati -- Meaning: He Somali: Isa[ga] Oromo: Isa -- Meaning: You have Somali: Qabtaa Oromo: Qabda -- Meaning: We Enter Somali: Gallay Oromo: Galla -- Meaning: We learn Somali: Baranaa Oromo: Barra -- Meaning: Ears, listen Somali, Dhego, Dhegayso Oromo: Dhagga, Dhageessa -- Meaning: Go/get up Somali: Kac, Ka' Oromo: Ka' -- Menaing: Break, Break to pieces Somali: Chab (Jab), Chachab (jajab) Oromo: Cab, Cacab --- Meaning: 'say' or 'shout' Soomaali: iyaa [yaah] Oromo (Galla): iyya --------- Meaning: 'crockodile' Soomaali: yaxaas Oromo (Boni): yahaas Rendille (Reer Diinle): yahasi --------- Meaning: 'wild dog' Soomaali: yeey Oromo (Galla): yeeyii Oromo (Boni): yeye Rendille: yaay --------- Meaning: 'light' Soomaali: if/iftiin Oromo (Galla): ifa ----------- Meaning: 'long hair' Soomaali: dab Oromo (Galla): daabee ---------- Meaning: 'back' Soomaali: dhabar Oromo: daban ----------- Meaning: 'young bull' Soomaali: dibbi Oromo (Galla): dib-icca ----------- Meaning: 'man' [calling a man] Soomaali: waryaa [waraa] Oromo (Galla): warra -------- Meaning: 'call, invite' Soomaali: waani/waano Oromo (Galla): waama ----------- Meaning: 'hyena' Soomaali: waraabe Oromo (Galla): warab-esa Rendille: waraba ------------- Meaning: 'boy' or 'child' Soomaali: wiil Oromo (Boni): weel ---------- Meaning: 'son, brother' Soomaali: walaal Rendille: walal ------------ Meaning: 'rhinoceros' Soomaali: wiyil Rendille: weyel -------- Meaning: 'fruit of cactus' Soomaali: tin [tiintiin] Oromo (Galla): tini ----------- Meaning: 'spit' Soomaali: tuf Oromo (Galla): tufe ------------ Meaning: 'beat' Soomaali: tun [tuma dadkaas] Oromo (Galla): tuma Rendille: tum --------- Meaning: 'she-goat' Soomaali: ri' Oromo (Galla): ree ----------- Meaning: 'follow' Soomaali: raac Oromo (Boni): raa' Rendille: raah ---------- Meaning: 'run' Soomaali: orod Oromo (Boni): irid Rendille: irid ----------- Meaning: 'womb, uterus' or 'pregnant (of animals)' Soomaali: rimay, riman Oromo (Galla): riimaa Rendille: rim ----------- Meaning: 'rain' Soomaali: roob Oromo (Galla): rooba Oromo (Boni): roob ----------- Meaning: 'cow' Soomaali: sac Oromo (Galla): saa' --------- Meaning: 'lungs' Soomaali: sambab Oromo (Galla): somba --------- Meaning: 'cripple' Soomaali: naafa Oromo (Galla): naafa --------- Meaning: 'breath' or 'soul' or 'life Somali: naf [soul] or neef [breath] Oromo (Boni): nef ---------- Meaning: 'man' Soomaali: nin [niman] Oromo (Galla): nama ---------- Meaning: 'breath' or 'breathe' Soomaali: neefso Oromo (Boni): neefso Rendille: nefsi/nefso ---------- Meaning: 'live long' Soomaali: raage Oromo (Galla): raaga --------- Meaning: 'elephant' Soomaali: maroodi Oromo (Galla): marode --------- Meaning: 'be drunk' Soomaali: [ma cabee], cabid Oromo (Galla): macaw ---------- Meaning: 'family' or people Soomaali: maati [people] Oromo (Galla): maatii [family] --------- Meaning: 'manger' or 'home' Soomaali: moora ['animal shelter'], old homes Oromo (Galla): moora ---------- Meaning: 'herd of cows' Soomaali: lo' Oromo (Galla): loon Rendille: loolyo -------- Meaning: 'hen' Soomaali: luki [lost word, now dooro] Oromo (Galla): lukku --------- Meaning: 'leg, hip' Soomaali: lug Oromo (Galla): luka, lukaa Rendille: lux ---------- Meaning: 'name' Soomaali: magac Oromo (Galla): maqa Rendille: magaca ---------- Meaning: 'house' Soomaali: minan Oromo (Galla): mana, manaa Oromo (Boni): min --------- Meaning: 'bone' Soomaali: laf Oromo (Galla): lafe --------- Meaning: 'companion, relative' Soomaali: lammaan Oromo (Galla): lammii ----------- Meaning: 'heart' or 'chest Soomaali: lab [heart] Oromo (Galla): labb [chest] ----------- Meaning: 'swallow' Soomaali: liqid Oromo (Galla): liqim ----------- Meaning: 'foreskin' [dead skin] Somali: qolof Oromo (Galla): qolofa --------- Meaning: 'cold' Somali: qaboow Oromo (Galla): qabbanawa Rendille: qobo ---------- Meaning: 'young female camel' Somali: qaalin Rendille: qaalim ---------- Meaning: to bite Somali: qaniin Oromo (Galla): qinina ------------ Meaning: 'high mountain, summit' Somali: qar [qarka] Oromo (Galla): qara --- Meaning: Tongue Somali: Carab Oromo: Arrabba -- Meaning: Teeth/Tooth Somali: Ilko, Ilig Oromo: Ilkaan, Ilkee -- Meaning: Leg Somali: Lug Oromo: Luka -- Meaning: Knee Oromo: Jilba Somali: Jilib -- Meaning: Head Somali: Madax (madah) Oromo: Mataa --- Meaning: Hair Somali: Timo/ Rif? e.g. timhaha ka rif Oromo: Rifaa -- Meaning: face Oromo: Fuula Somali: Fool Baliis, kindly source the link. Mahadsanid.
  15. Finally Gaandi iyo Cumar C/rashiid are getting some sun. It is better than sitting idly and bored in the lobbies of Grand Regency (Laico) hotel in downtown Nayroobi.
  16. Markee xumaatay waa markee Reer Liibiya ku dhajiyeen laangaruusaladii shilke iyo suu'. Kuwaas baabuurta waa weyn lagu rakibi jiray. Laakiin gadaal ka gaal barbaratooy ah waayee.
  17. Waa ayaa mid Yuguslaafiyaan ah -- a Seerbiyaan -- i daba socon jirtay, back markaa cusbaa oo dugsiga sare isla dhigan jirnay. Laakiin kuwa 'caddaanka' lagu sheego were never my type and still they are. Soomaali waxaanan ahayn kamaba heli.
  18. Aljasiira kastuumadooda arrinta Suuriya ayaa bannaanka u soo dhigtay. Buunbuuniskooda iyo amiirka Qadar xukumo lehna Aljasiira kama xishoodaan when it comes to Suuriya. Maalin caddeey laguu dhiibaa booto iyo buun buunin. I still give it the best warbaahin platform, though. Wax gaaro ma jiro, along with Guardian, Ingiriiska-based newspaper.
  19. oba hiloowlow;929247 wrote: Stadium Yaaqshiid Istaadiyuum Muqdisho ma 'Stadium Yaaqshiid' loo bixiye? Koow.
  20. Alpha Blondy;929576 wrote: i stole this from my friend's fb account. Qofka qaaday sawirka sarta hoteelka Jasiira ayuu saaranyahay. Jidkaas sida aad ugu jeedidna waa kii ka imaanaaye Lambarafar oo garoonka diyaaradaha aadaaye. Driving on that road, as I did two months ago, does not look how this picture represents, though.
  21. Haatu;926156 wrote: Sidee bakhayl ama greedy Af Soomaali lagu dhahaa? Greed = damac, hunguriweyn Greedy = damaci, hunguriweyne
  22. Haddee run tahay warka hoos ku xusan, si fiican ayaa la yeelay. _______________ AMISOM oo xirtay Indhacade Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid. Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid. Xariga Indhacade ayaa yimid kadib markii uu isku dayay inuu is hortaag ku sameeyo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii uu isku dayay in iyagoo la baarin dad uu doonayay inuu ka dhoofiyo garoonka Aada Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiil ku sugan garoonka ayaa warbaahinta u sheegay in xariga Indhacade uu yimid markii ciidamo uu watay uu ku amaray inay xiraan albaabka laga galo garoonka diyaaradaha, taasna ay keentay in lagu fooraariyo dhammaan qoryihiin AMISOM u tallaay garoonka dabadeena la xiray isaga iyo ciidankiisa. Wararkii u dambeeyay waxa ay lee yihiin Inacade waa la sii daayay, waxaana lagu amray in uu garoonka ka tago, iyadoo aan la ogeyn in dadkii la socday ee rabshadu ay ka bilaabatay inay ka dhoofeen garoonka iyo in kale. Indhacade ayaa wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii ka mid noqday Maxkamadihii Islaamka, isagoo sidoo kalena ka mid noqday madaxdii xisbul Islam oo dagaal la galay Al-Shabaab. Ma jiro hadal kasoo baxay Yuusuf Indhocade oo ku saabsan xarigiisa sidoo kalena kama aysan hadlin arintan Madaxda Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xiray isaga. Midnimo
  23. Kooxo Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Dilay Imaamkii Masaajidka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay gurigsiisa kala baxay, Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo 75-jir ahaa, isla markaana ahaa imaamkii masaajidka weyn ee degmadaas, iyadoo maydkiisa oo qoorta laga jaray saakay laga helay god ku dhow gurigiisa. Wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay Al-shabaab xabsiga degmada Xudur ku xirxireen 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin haween. “Sheekha waxaa gurigiisa laga baxay xalay saqdii dhexe, waxaana laga jaray qoorta, iyadoo maydkiisa lagu riday god ku dhow gurigiisa, taasoo cabsi weyn gelisay dadka deegaanka,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur oo la hadlay HOL. Goobjoogahan oo sababo ammaan awgood u qariyay magaciisa ayaa intaas ku daray in arrintan ay aad uga naxisay dadka deegaanka oo aad tiradoodu u yar tahay, iyadoo saraakiisha Al-shabaab aysan ka hadlin dhacada naxdinta leh ee ka dhacay degmadaas. Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Xudur maalin ka hor markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii ay gacanta ka helayeen ee Itoobiya. Lama oga sababta keentay in Al-shabaab ay gowracaan Sheekhan, balse wararka ayaa waxay sheegayaan in Sheekhu uu dadka deegaanka u kala xumin jiray dacwooyinka ay isku haystaan, isagoo xukunkiisa ku saleynaya diinta Islaamka. Tallaabadan ayaa waxay si weyn uga horimaanaysaa hadal ay saraakiisha Al-shabaab ka jeediyeen degmada Xudur maalintii ay galeen, taasoo ahayd inay dadku dib ugu soo laabtaan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid dhibaato loo geysanayo. Xigasho: Hiiraan.con
  24. Sheekh caan ah ayee maanta ku bireeyeen bartanaha magaalada Xuddur kuwii Barbaarta la dhahaaye oo daraad Xuddur qabsaday. Iimaamka masaajidka ugu weyn degmada ayuu ahaa, da'diisana toddobaatameeyo ayee ahayd. Eebbe haku u raxmado Sh. C/raxmaan Warsame.