gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Oday yarow adigu qolada hotelka leh maad la xiriitid ayagaa qaadada iyo saxnka meesha dhigaye? Kuraasta caagaana horay looma haysan walaalo turkigaaba iminka noogu deeqay
  2. Abwaan;864866 wrote: Saaxiib Farmaajo kaa qaadan maayo ee wax kale ii sheeg. Farmaajaha aad sheegeysid yaa awal yaqaanney aan ka ahayn C/Kariim Jaamac, Xasan Macallin iyo nin aan saaxiib nahay oo aanan magaciisa sheegeyn oo ahaa raggii Shariif u keenay. Dr. Loyan haddaadan aqoon look at his CV. isagaa ku barayee. Looool@ Baadiyoow ma aqaan, Caddoow ma naqaan...Really? Ma halkaas bayba kaa maraysaa? Anna ku bari maayo. Muhiim maahan cidii keentay qof kastaa sibuu kusoo galaa waxaa muhiim rajo tayo fiican masoo noqotay mise maya? Aqoon la'aanta aan la aqoon cadow iyo baadiyow ha u qaadan inaan ula jeedo reer ahaan waa wax qabad waa rag nagu cusub meesha shaqadu ka banaan tahay maahan safaarad iyo safiir waa hogaan dal dibu dhis u baahan waa shaqo karti iyo daacadnimo u baahan,afar sano oo tijaabo hogaan aanan aqoon kama bixi karo saxiib,,(hogaan tayo leh waa mustaqbal aqoon,rooti iyo farmaajo leh.)
  3. .Abwaan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin runta neceb nin dhintay iyo nin dheer buu markhaati u qabsadaa Looyaan ma naqaan laakiin farmaajo waa naqaan GAAS waa naqaan baadiyow ma naqaan,shariif waa naqaan cadow ma naqaan Haday taageeradaada looyaan cilmi buu leeyahay tahay gaas ku cimri qaado cidi kama cilmi badna sida reer garoowe noo sheegeen Talo aan ku siiyo saaxiib hadaadan qaadana waad heli kartaa adoo miro tafta ku haysta geed kale haka raadin,farmaajo waa indhihii umadda
  4. Abwaan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin runta neceb nin dhintay iyo nin dheer buu markhaati u qabsadaa Looyaan ma naqaan laakiin farmaajo waa naqaan GAAS waa naqaan baadiyow ma naqaan,shariif waa naqaan cadow ma naqaan Haday taageeradaada looyaan cilmi buu leeyahay tahay gaas ku cimri qaado cidi kama cilmi badna sida reer garoowe noo sheegeen Talo aan ku siiyo saaxiib hadaadan qaadana waad heli kartaa adoo miro tafta ku haysta geed kale haka raadin,farmaajo waa indhihii umadda.
  5. Af soomaaligu waa sida laastikada lacagta lagu xirto meeshaad doonto u jiid farmaajo waa madaxweynaha cid kasta oo qabiil xor ka ah Gabadha buurkaroola joogta iyo wiilka koolada dhuuqa wadaadka adima dhakhtarka caafimaadku,xaq bay u leeyihiin inay arigtooda dhiibtaan Gaas waa aqoonyahan wuxuuna madaxweyne u noqon doonaa inta aqoonta leh maareeyana ma badeli karo,karti la'aan Mudane shariif wuxuu madaxweyne u noqon doonaa inta dalxiiska iyo tamashlaha jecel Qabiil yuusan idin indha tirin dadbaa naftooda u waayay aan ku qabiil ahayn haday cod leeyihiina wey muujiyeen.
  6. gooni

    Faq.ash

    Qoyaan maahan qalaylna maahan waa qubka mooska, Cayba uma eka markaad u fiirsato macna ahaan tan kale reer hargaysa waa dad soo dhawayn fiican sida amxaarada mana cay badna waa reer burco kuwa usha garabka saarta.
  7. Todoba hogaamiye oo soomaaliya ah iyo qaar hotelkii looga soo tagay ayaa ka qayb galay aaskii hogaamiyihii geeska afrika Macnaha madaxda afrika soomaali baa ugu badnayd wax oohin wajiyadooda ka muuqatana ayagaa jiray Waa qarni taariikhi ah.
  8. Ma'aysan soo quraacan xalayna maysan cashayn waxay ku dhasheen meel cid la'ah oo guryahoodi aad uga fog waxay sugayaan ilaahay iyo macalin hagaagsan,oo u sheega jihada guryahoodu jiraan kuna noqon doonaan hadii alle idmo iyo in wax laga dhergo aqoonu ugu fiicantahay Aqoonbaa ugu baahi badan mahadsanid cawaale Gunuunuc? Unkay?
  9. Waa inuu bixiyaa 10'000 dollar afhayeenku wuxuu sii raaciyay waa inay la socotaa 200 dollar oo arjiga lagu qoro Waa iska dhaqan soomaali adaa oroosee shaaha shub.
  10. oba hiloowlow;863023 wrote: wan gartay maxaad garatay eebow? Cabdilaahi yusuf allaha u naxariistee wuu run badnaa tuuganamina laguma xaman markuu xamar yimidna waataan mujaahidiinta noqonay anagoo isku duuban iyo amxaaro hala diriro markuu tagayna, waa inagii amxaaradii u yeeranay. dal iyo diin jacaylkuna boor isku qarin bay naga hayd,. maantana diyaar baynu u nahay inaan madaxweyne c/wali kusii dhaweyno garoonka aadna cadde si uu ulasoo kulmo madaxweyne faroole,waa sheeko aan mandiqi ahayn. illaahay run haka dhigo.
  11. Abdi wali iyo farmaajo waa laba muwaadin oo hgaan soo qabtay xaq bayna u leeyihiin inay ku tartamaan hogaanka sare ee wadankooda sida kuwa fara badan oo lamida ama ka fiicana xaq ugu leeyihiin. Hadii cod laga raadiyo dadweynaha nin walba wuxuu soo bandhigi lahaa wax qabadkiisa hadii la doorto, waxayna ku dayan lahaayeen wadankii ay wax kusoo barteen shacabkuna waa ka iibsan lahaa mid baana loo hambalyayn lahaa Hadaba soomaaliya siyaasadda taalla maahan tan reer galbeedka oo aad qaab ahaan wax ku cabiraysaan,waa awood qaybsi qabiil ku dhisan qabiilkiibaa hadan lasii kala jifeeyay,ha lasii jifeeyee hadana waa lasii qaybiyay hala siiqaybiyee hadana qol baa laysugu geeyay iridana waxaa la joojiyay askari ugandha laga keenay,wali cod laysku qabsado gacanteena kuma jiro Hadaba su'aasha aan ilma mooge waydiinayo waxa weeyaan suuro gal ma tahay in soomaliya waqtigan la joogo ay laba madaxweyne yeelato labaduna isku jufo noqodaan mid bari fadhiya iyo mid koonfur fadha, awood qaybsi qabiilna ku yimid.?
  12. Oba tan jacayl xabo kama oga walax cilimaa haayo,war ciyaalka maha kasoo kaxey eebaa ogoo waa la murugay.
  13. Tillamook;862413 wrote: ^ So whose fault is that? Surely you cannot blame Puntlanders for being better at the game than others. Xaashalillah planders khalad malaha ninkii game'ka boqortooyada diidana caano boore ha cabo.
  14. Tillamook;862057 wrote: Gooni , sxb, waa runtaa, badaankood iney mucaarad ahaadaan bey doorbideen. Laakin nimaankaan reer Buntiland cidna uma joojinayaan. Seriously, these guys must come up with a plan that is not merely based on opposing the politics of Puntlanders or else they will be playing catch-up for the rest of their lives. Those that oppose Puntland politics in Somalia should set the agenda by coming up with candidates that exhibit a degree of political acumen and, of-course, better policies! Abtigiis waa ninweyn meel aadan wax uga jeedin buu uga jedaa puntland miiska qabiilka markii lasoo fariisto makala haraan waa qabiil hadii turubkooda jookar laga waayana waa qaran yaman daris la ah,waana tan keentay inuu hiil qaran baadi doono
  15. Reer puntland lama gabadaan inay wiilkooda taageeraan,ama odaygooda dastuurka punt land bayna ku taal. Waa dadkeena kale waxa jahwereerku ku dhacay,anigu farmaajaan teegeeraa,hoostana yuusuf garaad baan ku haystaa Onlf waa xaq u dirir hadana horumarka ina ilay wado waa jeclahay,sheekadoo dhanba soo maahan riwaayadii hablayahow hadmaad guursan doontaan!!
  16. Abwaan Shacabka rabitaankiisa hadii la raaco ma;ahan qabiil waa nolol iyo daacad hogaamiye farmaajo,gudoomiyaha baarlamaanka galayr cadow duqa magaalada muqdisho, dawladu waa naaso badan tahay meel aad ka maasho waayi maysid hadaan qabiilaysi ka xorowno See kuula muuqataa arintaas?
  17. Che -Guevara;860794 wrote: Zack.....My question was maxaa ku jaban hadii Speaker oo nin D-block noqdo? Waxba kuma jabna balse waxay la tahay dadkaad D;ugu yeertay ayadoo calankii 5tii gees 3 gees laga tirtiray Galaryr wuxuu arkaa in mas'uuliyadda meeshii kaaga soo aada laga qabto,ama wuxuu u arkaa inuu han weynida reerkiisa uu hoos u dhigo waa mutacalin iska daa meel fiican buu wax kaga soo hari Qabiilku waa adoo sun karsamaysa saxan maran la'ag fariistay
  18. Mushkiladu galayr maahan cali mahdina maahan,mushkiladu waa siyaasadda puntland looga taliyo oo marna iska dhiga inay qayb ka yihiin qabiil dhawr iyo lixdan kursi wax ku qaybsaday markay iska dhex arki waayaana isu badella maamul goboleed qarka u saaran inuu goosto,waana tan keentay in dariiq qodxo badan oo tafaraaruq badan la qaado Xiin iyo duke waa ogyihiin mana ogola inay laamiga baabuurta badan marayso idinku salaaamaan ilaa mugdi la tago. Allpuntland wey soo dhawaatay wararkoodii hoosana waxay ku sheegeen in faroole taageersan yahay jurile ayna soo dhawaynayaan ayaga iyo mahiigoo isku duuban,waana arin ugub ah oon horay looga baran RIwaayadan alif layl wa layl maahan waa maalmo gaaban guduhood insha allah
  19. Somaaliya waxay maraysaa xiligii kala guurka waana xili xasaasi ah waa xili qaranimo aysan muuqan oo qabiil kii ugu xumaa loo gudbay Waxaa kaloo muuqda qooru xero kuma heshiiso iyo in bariis ciid leh lawada cuno,lamana joogo wakhtigeedii. Galayr waa nin cod kara waana nin ka bixi kara jagada ugu saraysa balse waxaa ila haboonayd inuu jagada hor joogaha barlamaanka uga tanaasulo xasan abshir faarax oo ah nin waayo araga.
  20. Waxba kama si aha waa siyaasad calanka snm na inay hoos u dhigaan bay ahayd mudo sedex maalmood iyo bara'. zanawi wuxuu waday mashruuc lagu balaarinayo dekadda barbera xoogaa balaqsiya oo aqoonsiga loogu heesona waa u balan qaaday,sidaa daraadeed waa in faylka tacsida xayle la gaarsiiyaa si mashruucii meeshiisii uga sii socdo.
  21. Markaan geeridiisa maqlay ilmaa isoo dhaaftay laakiin waxaan iska tiray markaan maqlay xaylaa badelay.
  22. Maxaa nagruumo looga reebay meeshuba golaha maaweeladda ha isu bedeshee? Faroole meesha aad buu u walaaqay runtii waana tan keentay in dumar laga waayo liiskaan.
  23. Marka ugu haraysa waxaa loo baahan yahay inaan fahamno in hadii R/Wasaaraha la mucaarado beel nacayb lagu salayn wax qabad lama iman umana eka inuu dawlad xor ah maamulo mahigaa u yeeray iyo safaardda maraykankaa isugu yeertay si loogu sheego diyaarda loo soo diray nooceeda Hadaad qabiil iyo cilmi ku jeceshihiin boosaasa u kaxaysta jaamacadda bariga afrika wax ha idikaga dhigee,hadii kale ogolaada inuu mucaarad iyo muxaafidba yeesho taasu waa taa Shariif axmad ilaa maalinkii la doortay iyo wakhtigaan la joogo diyaarad kama degin afarsano ka dib ayuu soo hor is taagay dad baahan oo barakacay asagoo laba gabdhood oo buurbuuran dhinaciisa taagan yihiin si mar kale loogu doorto afar sanoo dalxiis qarana hogaamiyaha dhabtaa waa farmaajo oo lagu naanayso qalbiga dadweynaha isku daya inaad wadanka la xoraysaan,adinkoo midaysan.
  24. Somaaliya cunto haybasan iyo five star ma taalo dadka badan kiisuna maba haystaan,bur saliidkii un buu ookiyaale u gashaday Waase nin rag haduu dadkiisii iyo dalkiisii kusoo noqday waxna la qaybsaday
  25. Waryaa mooge dr cabdi wali wax qabad meesha kama sheegin, shabbaabna wali xamar way joogaan xeryihii un baa amisom kala wareegtay misaankiisa musharaxnimo aad bay u hoosaysaa shaaha ha isku gubin DR'ku wax qabad muuqda ma keenin,Farmaajo waa nin fiican waad aragtay dumarka iyo caruurta iyo ciidamaduba siday u farxaan markuu soo hor istaago mushaar iyo midnimo wax lagu doorsadaa ma jirto Lixdii biloodna roobaa noo da'ay rajaa na gashay waa nin madax banaan oo sida cabdi wali aan waraaqo dibu heshiisiina faroole ka wadan keen nin adag oo wax goyn kara aan kula dooranee Generale,, DR'cabdi wali ilaa iyo hadda meelo ka mida waqooyiga gaal kacyo un baa laga taageerya wali qardho war lagama hayo.