Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,379
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Garoodi, sxb where did Garaad ali Jamac ran back to? ma garowe ku cararay?
  2. :eek: , this is not the first time recently few weeks back same incident happened in Galckayo were a man wearing woman's clothes were caught by the P.I.S, i wonder who this people work for are they al shabab?
  3. Faysal Cali Waraabe Oo Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ku Maseeyay Kuwii Uu Siyaad Barre Jeedin Jiray “Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.” Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga jawaabay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin jeediyay toddobaadkan. Madaxweyne Rayaale, ayaa khudbadiisa, waxa uu ku weeraray madaxda mucaaradka oo safaro ku jooga dalal Yurub ka tirsan iyo dalka Maraykanka, isagoo sheegay inay qurbaha u tagaan kala qaybinta qurbo jooga. Hase yeeshe guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada London xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa khudbadaas Madaxweyne Rayaale, ku sifeeyay inay la mid tahay khudbadihii uu maalmihii xukuunkiisa u dambeeyay jeedin jiray Maxamed Siyaad Barre, oo xukunkii Somaliya sannadkii 1991-kii lagaga tuuray dagaal hubaysan. “Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu isagoo ka hadlaya eedaynta uu Madaxweynuhu u jeediyay ee ah inay kala qaybiyaan qurbojooga, uu yidhi, “Waxa la ogyahay in wasiiradiisu ay yihiin kuwii uu u soo diray inay dadka qabyaalad u kala qayb qaybiyaan marka ay qurbaha yimaadaan oo uu mid waliba reerkiisa la shiro. Annagu isagoon Madaxweyne ku xigeen ahayn ayaanu u hadli jirnay qaddiyadda Somaliland. Imikana markaanu dibadda tagno sirtisiisa ayaanu soo helnaa iyo inaanu daacad ka ahayn dalka, oo wadamada uu tago waxay ku soo heshiiyaan ee ay soo qor ku yidhaahdaan oo aanu soo qorin, markaas waxaanu soo ogaanaa wadamada dibadu waxay ka qabaan, taas ayaanu cuqdad ka qabaa.” Mar, la weydiiyay sida uu u arko eedda Madaxweynaha ee ah inay qurbaha wareegaan, islamarkaana ay yihiin rag qurbo joog horeba u ahaan jiray, waxa uu yidhi,“Annaga colaadii Siyaad Barre ayaa qurbaha na gaysay, waxase nasiib darro ah in dadku markii ay khaatiyaan is taageen ay isaga ka soo qaxayaan sidii looga soo qaxi jiray Siyaad Barre oo dadkii ayuu niyadii ka dilay, wadankiina wuu burburiyay. Maxay dadku badda isugu tuurayaan ee ay ugu dhimanayaan saxaaraha, waa cid ayaan masuul ka ahayn.” Faysal, isagoo, ka hadlaya xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi iyo weliba handadaad ay qaar ka mid ah saxaafada Somaliland ku hayso, muddooyinkii u dambeeyay, waxa uu yidhi“Waxaas oo dhani wuxuu samaynayaa cabsi gelin, laakiin waxaanu u sheegaynaa inaanay dadka Somaliland maanta ka baqanayn xaqooda, oo ay doorashadu qabsoomi doonto oo cod lagaga qaadi doono inshaalah, sharaftii Somaliland-na la soo noolayn doono. Dadku way heli doonaan oo saxaafadu xor ayay noqon doontaa, markaas arrimahaasi waa cago juglayn uu doonayo inuu sameeyo. Waanan ka xumahay inuu qurbo joogii Somaliland ku yidhaahdo lacagtooda waxay ku bixinayaan wax dumin. cidda dalka baabiinaysaa waa isaga.” Faysal Cali Waraabe, isagoo ka hadlaya eedda uu Madaxweynuhu u jeediyay Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah, inuu aaminsanyahay mabda’a federaalka, waxa uu yidhi “Ninka yidhi Siilaanyo wuxuu rabaa federal, waxa federal iyo Somaliya umadda ku celinayaa waa isaga oo dalkii dhufaanay oo ka dhigay dal baaba’a ah oo aan horumar lahayn oo aan xuduudihiisii gaadhin oo ka dhigaya Somaliland dal fashilmay.” Geeska
  4. Faysal Cali Waraabe Oo Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ku Maseeyay Kuwii Uu Siyaad Barre Jeedin Jiray “Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.” Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga jawaabay khudbadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin jeediyay toddobaadkan. Madaxweyne Rayaale, ayaa khudbadiisa, waxa uu ku weeraray madaxda mucaaradka oo safaro ku jooga dalal Yurub ka tirsan iyo dalka Maraykanka, isagoo sheegay inay qurbaha u tagaan kala qaybinta qurbo jooga. Hase yeeshe guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada London xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa khudbadaas Madaxweyne Rayaale, ku sifeeyay inay la mid tahay khudbadihii uu maalmihii xukuunkiisa u dambeeyay jeedin jiray Maxamed Siyaad Barre, oo xukunkii Somaliya sannadkii 1991-kii lagaga tuuray dagaal hubaysan. “Madaxweynuhu wuxuu u hadlay sidii siyaad Barre u hadli jiray Maalmihii u dambeeyay ee uu dhacayay. Markaas waa naf la caarid, waxa muuqata inuu xataa ka tagay anshixii iyo asluubtii Madaxweyne.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu isagoo ka hadlaya eedaynta uu Madaxweynuhu u jeediyay ee ah inay kala qaybiyaan qurbojooga, uu yidhi, “Waxa la ogyahay in wasiiradiisu ay yihiin kuwii uu u soo diray inay dadka qabyaalad u kala qayb qaybiyaan marka ay qurbaha yimaadaan oo uu mid waliba reerkiisa la shiro. Annagu isagoon Madaxweyne ku xigeen ahayn ayaanu u hadli jirnay qaddiyadda Somaliland. Imikana markaanu dibadda tagno sirtisiisa ayaanu soo helnaa iyo inaanu daacad ka ahayn dalka, oo wadamada uu tago waxay ku soo heshiiyaan ee ay soo qor ku yidhaahdaan oo aanu soo qorin, markaas waxaanu soo ogaanaa wadamada dibadu waxay ka qabaan, taas ayaanu cuqdad ka qabaa.” Mar, la weydiiyay sida uu u arko eedda Madaxweynaha ee ah inay qurbaha wareegaan, islamarkaana ay yihiin rag qurbo joog horeba u ahaan jiray, waxa uu yidhi,“Annaga colaadii Siyaad Barre ayaa qurbaha na gaysay, waxase nasiib darro ah in dadku markii ay khaatiyaan is taageen ay isaga ka soo qaxayaan sidii looga soo qaxi jiray Siyaad Barre oo dadkii ayuu niyadii ka dilay, wadankiina wuu burburiyay. Maxay dadku badda isugu tuurayaan ee ay ugu dhimanayaan saxaaraha, waa cid ayaan masuul ka ahayn.” Faysal, isagoo, ka hadlaya xadhiga ay xukuumadu la maagantahay Maxamed Xaashi iyo weliba handadaad ay qaar ka mid ah saxaafada Somaliland ku hayso, muddooyinkii u dambeeyay, waxa uu yidhi“Waxaas oo dhani wuxuu samaynayaa cabsi gelin, laakiin waxaanu u sheegaynaa inaanay dadka Somaliland maanta ka baqanayn xaqooda, oo ay doorashadu qabsoomi doonto oo cod lagaga qaadi doono inshaalah, sharaftii Somaliland-na la soo noolayn doono. Dadku way heli doonaan oo saxaafadu xor ayay noqon doontaa, markaas arrimahaasi waa cago juglayn uu doonayo inuu sameeyo. Waanan ka xumahay inuu qurbo joogii Somaliland ku yidhaahdo lacagtooda waxay ku bixinayaan wax dumin. cidda dalka baabiinaysaa waa isaga.” Faysal Cali Waraabe, isagoo ka hadlaya eedda uu Madaxweynuhu u jeediyay Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah, inuu aaminsanyahay mabda’a federaalka, waxa uu yidhi “Ninka yidhi Siilaanyo wuxuu rabaa federal, waxa federal iyo Somaliya umadda ku celinayaa waa isaga oo dalkii dhufaanay oo ka dhigay dal baaba’a ah oo aan horumar lahayn oo aan xuduudihiisii gaadhin oo ka dhigaya Somaliland dal fashilmay.” Geeska
  5. Interesting, if Faisal really changed many of his views and policies then that is a good thing would be a bonus for his chances. Although what do you think of Kulmiye? do they need to change any policies or views of their's?
  6. Dalmar, i didn't know ini widhwidh website ayagana xalaadan la socdeen.
  7. Sii-laanyo Somaliland ma soo geli karo Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaadday Inaanu Axmed-Siilaanyo Dalka Soo Gali Karin Illaa Uu Cafis Soo Waydiisto, Ciidamadana Ku Ballamisay Hargeysa(HWN):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay inaanu dalka soo gali Karin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) oo ah Musharaxa jagada Madaxweynaha dalka Xisbigiisa ugu tartamaya, isla markaana waxa uu Wasiir ku-xigeenku ka codsaday Ciidamada nabadgalyadu inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed-Siilaanyo. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu Kayse, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay siiyey TV-ga Afka Madaxtooyada ku hadla, kaasoo isla xalay warkan baahiyey. Waxaanu Wasiir ku-xigeenka Amuuraha Dibadda Somaliland, waraysigaa ku sheegay inaanay ogolaan doonin in Axmed-Siilaanyo dalka soo galo ilaa uu codsado in la cafiyo, maadaamoo uu Siilaanyo qirtay inuu aaminsan-yahay Soomaaliweyn waa sida uu hadalka u dhigay’e. “Axmed-Siilaanyo waxa uu ka horyimi Qarannimadii Somaliland, waxaanu caddaystay inuu yahay nin aaminsan Soomaaliweyn, maadaamoo uu caddaystay Soomaaliweyn, waxa uu la mid yahay Raggii hore ee ka horyimi gooni-isu-taagga Somaliland. Mana soo gali karo dalka illaa uu Xukuumadda Cafis waydiisto. Waana inay Ciidamadu la socdaan dhaqdhaqaaqyada uu Siilaanyo ka wado waddamada dalka dibaddiisa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse). Hadalkan Wasiir-ku-xigeenka ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmay laba maalmood uun ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo shir Jaraa’id Madaxtooyada ku qabtay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo ku eedeeyey inuu aaminsanaa Soomaaliweyn oo aanu Somaliland aaminsanayn. Waxaanay hadaladan Madaxweyne Rayaale iyo Wasiir Kayse, daba socdeen waraysi Tifaftiraha Shabakadda Hadhwanaagnews la yeeshay Siilaanyo oo Safar ku jooga Maraykanka. Kaasoo uu Siilaanyo ku sheegay inaan SNM markii hore u dagaalamaynin gooni-u-goosad, taasna ay ka midaysnaayeen Saraakiishii SNM. Hase ahaatee, markii dalka la qabsaday ee lagu dhawaaqay Somaliland 1991-kii uu ayiday Somaliland, balse marka hore aanay wax go’aan laga gaadhay ahayn. Madaxweyne Rayaale oo hadalkiisa aad loola yaabannaa, ayaa waxa dadweynuhu sii yaabay ka dib markii xalay uu dhawaaqa hadalka Wasiir ku-xigeenka Ammuuraha Dibaddu dhagahooda soo gaadhay. Isla markaana waxa kaliya ee ay dadweynaha reer Hargeysa iyo Magaalooyinka kaleba hadal-hayntooda ugu badani waxay ahayd hadalka Wasiirka ka soo yeedhay. Waxaanay dadweynuhu muujiyeen dareen cadho leh oo ay kaga soo horjeedaan tallaabadan, waxaana qof kasta iyo koox kasta oo Sheekadan hadal-haysaa ay kuu muujinayaan markaad wax ka waydiiso ama ay iyagu wax iska sii waydiiyaan, in Rayaale iyo Xukuumaddiisu wadaan qorshe ay ku carqaladaynayaan doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay sannadkan gudihiisa dalka ka qabsoonto. Waxa kale oo ay muujinayaan dadweynaha reer Hargeysa haddii Siilaanyo wakhtigii Somaliland lagu dhawaaqay uu Soomaaliweyn aaminsanaa in Daahirna wakhtigaa ahaa ka mid ahaa Rajiimkii dalka laga xoreeyey. Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta arrintan ayaa ah ta ugu badan ee illaa xalay ku soo noqnoqonaysa dhagaha qof kasta oo Caasimadda ku sugan, iyada oo aad loogu hadal-hayo, Meelaha laysugu yimaaddo, sida Huteelada cuntada, Makhaayadaha Shaaha, Meelaha Bunka laga cabbo, Dukaamada, Mafrishyada, Xafiisyada, Basaska iyo guud ahaanba meelaha ay inta badan Bulshadu ku kulanto, taasoo qof waliba qofka kale u sheegayo inay tahay arrin ku day ah oo Xukuumaddu wax kale ku doonayso, ee aanay ahayn wax caqli gal ah oo qof soo jeedaa ku xisaabtami karo
  8. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Soo Oo Gaadhey Ceerigaabo Daawo. Ceerigaabo(Qarannews) Xoghayaha guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faaax ayaa gelinkii hore ee shalayto(Jimcihii) gaadhey magaalada Ceerigaabo. Xoghayaha guud ee Udub ayaa isagoo habeennimadii hore seexday magaalada Yufle oo qiyaastii 30-km jahada galbeed ka xigta Ceerigaabo oo ka hor intii aanu soo gaadhin ay ugu sii diyaar garoobeen soodhowayntiisa xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha Udub ee gobolka sanaag Cali Ismaaciiil Barre iyo madax-dhaqameedyo isugu jira Boqor, Suldaan , Cuqaal iyo guurti, waxa subaxnimadii Jimcaha xarunta Udub ee magaalada Yufle horteeda xoghayahaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan halkaas, isagoo uga mahad celiyey soo dhowaynta iyo marti gelinta halkaas (Yufle) loogu sameeyey muddada ay joogeen Isla subaxnimadii Jimcaha maanta ayaa magaalada Yufle waxa soo gaadhey gaadiidka yar yar oo tiro badan oo kazoo kicitimay dhinaca Ceerigaabo, kuwaas oo uu hoggaaminayey maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyadoo xoghayaha laga soo hoggaamiyey halkaas, idaasnna uu ku soo gaadhey gudaha Ceerigaabo Xoghayaha Udub ayaa kahor intii aanu tegin guriga uu degganaan doono mudda kooban ee uu Ceerigaabo ku sugan yahay wuxu dadweynaha soo dhoweeyey iyagoo tiro badnaa awgeed kala hadlay Xarunta Udub gobolka Sanaag ee Ceerigaabo horteeda, waxana hadalladiisii ka mid ahaa "Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad magaaladan quruxda badan ee Ceerigaabo noogu samayseen, waana caaasimadda ugu horraysa ee gobollada bari ee socdaalka aan ku marayo ugu horraysa, annaguna xilligan uma soconno ololayn (campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo weli komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan". Waxa iyaguna halkaas hadallo kooban oo soo dhowaynta xoghayaha Udub ku saabsan ka jeediyey Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo guddoomiyaha Udub ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre. Cabdullaahi Xuseen Darwiish Ceerigaabo
  9. Wafti ka socda Somaliland oo gaadhay magaaladda Accra ee caasimadda dalka Ghana Jan 21, 2010 at 06:57 PM Akra,(Qarannews)-Wefti ka kooban Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debedda Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) iyo Maareeyaha Dekadda Berbera Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-Xoor) ayaa maanta oo ay bishu tahay 21/01/2010 gaadhay magaaladda Accra ee caasimadda dalka Ghana. Sida la sheegaayo weftigu waxa ay booqasho laba maalmood gaadhaysa ay ku joogi doonaan dalka Ghana. Waxa kale oo weftigu booqasho ku tagi doonaan dekadda Mombasa ee dalka Kiiniya. Booqashadan weftigan ayaa lala xidhiidhinayaa in ay ku lug leedahay sidii loo hormarin lahaa dekadda Berbera si ay u kordhiso adeega ay siiso isticmaalayaasha dekadda oo ku soo kordheen dadkii ka ganacsan jirey xoolaha nool oo dhawaan ay dowladda Sucuudigu ka qaaday xayiraadii. Wararka waftigaasi waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wrarkeena danbe ee kala soco shabakada qarannews
  10. shouldn't xiinfaniin be worrying about Ilkajir's next visit to nairobi?
  11. Somaliland President Receives British Diplomats Written by QRN Jan 21, 2010 at 05:02 PM Hargeisa (Qarannews) -The Somaliland President Dahir Rayale Kahin received today a delegation of British diplomats from the United Kingdom embassy in Addis Ababa, Ethiopia. The British delegation was led by Mr. John Marshall, deputy Ambassador to the Federal Republic of Ethiopia, accompanied several senior diplomats. During the meeting, the President and the British diplomats discussed areas of mutual interest to both countries, including the strengthening of current ties between Somaliland and the United Kingdom, the economic, political and security situation in the region and the forthcoming elections in Somaliland. In his brief remarks prior to the discussions, the President emphasized Somaliland's resolve in safeguarding the stability and progress in the region, and requested the continued assistance of the international community, including the United Kingdom, in combating terrorism and piracy in the region. President Rayale stated his confidence in the work of the new National Elections Commission in its preparation for the forthcoming elections, as well as, the co-operation between all political parties in Somaliland to resolve any outstanding issues through dialogue, discussion and consensus. On his part, Mr. Marshall, deputy Ambassador to Ethiopia, once again thanked the warm welcome afforded to his delegation by the people and the government of Somaliland. Mr. Marshall stated the United Kingdom's continued support of Somaliland in terms of capacity building, good governance and democratic progress. Also attending the meeting were the Somaliland Foreign minister, Mr. Abdillahi Mohamed Duale, Somaliland Rehabilitation and Resettlement minister, Mr. Mohamed Yusuf Osman, Minister of state at the Home Affairs, Mr. Farhan Jama, Mr. Saeed Adani, the Somaliland President's press secretary and Mr. Matt Woods, from the Birtish Embassy in Addis Ababa.
  12. War Haji let this be a lesson to the pathetic TFG government they though Kenya was their friend war they even arrested hablihi Xilidhibanada ku jiira siida Caasho Axmed Cabdalle , check out hadhwanaag. This is the last straw it shows kenya has no respect for the TFG neither somalia.
  13. Ceerigaabo Daalo - Looking ahead - Maydh sea Golden Star Hotel-Ex Titanic - Burco Burco
  14. Jacphar, Xaage bu ka maray hadalka? meesha Majority iyo Minority waxas laga ma hadlayo. Anigu Che waxan ku iri uun eastern sanaag aka Makhiir uu hadal , oo kuwa Sanaagian somalilanderska ( Western, Central, Northern and Southern -Sanaagians xaaq iyo shuquul miidna kuma lihid inaad uu hadashiid siidi afhayeen.
  15. ^^^ Mr. Red Sea wa ruunta waan yabay ba ninka markuu sanaag oo dhaan iis yiri afhayeen baad uu tahay.
  16. Che, anigu i am not speaking for all sanaagians, laakinse i am speaking on the behafl of those who are traditionally Somaliland Sanaagians rather then Makhiri's. check my location it might give you a hint.
  17. Che, you don't speak for the people of Sanaag, if you want to refer to the right people then just say the people of eastern sanaag, majority of sool are related to the people of Mudug, Bari NFD , Nugaal. enough said.