Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

About Cowke

  • Rank
    Waxgarad
  1. I am not chief caqil nor juje nor jacaylbaro nor xaji i am cowke and that it. I post articles to increase the knowledge not have fadhi ku dirir over nonsensical issues.
  2. I like tadmun a hardworking ngo and always documents the work they carry out or the work they will be carrying out. Like the Sanaag well that was completed recently was done by them and I posted that on Somaliaonline Here Plus A New Secondary School for Badhan is in the pipeline. Qardho Well that was done by them also this year in april Cant wait till they go out to the nugal countryside and start with digging the wells and they did heaps in buhodle to I remember as far as wells are concerned they dugg 2 wells over there. The ngo's know that in puntland they are held accountable by our govt. They are required to report back like this on what work they carried out and what work they intend to carry out. Its been demanded by the puntland govt that the ngo's are held accountable or else they wont do nothing.
  3. Hundreds of German-financed Somali police officers go missing. Almost 1,000 Somali police have gone missing after their training was financed by the German government. It is feared these officers will now join forces with the Islamist militants Al-Shabaab. In September 2009, the German government released $1 million (760,000 euros) of funding to train Somali police officers. The training took place in Ethiopia, and the new recruits were equipped with uniforms, weapons and knowledge with the aim of sending them back into Somalia to try and keep peace in the fractured country. Two months after the completion of this training, almost 1,000 new police officers have reportedly disappeared en route to the Somali capital Mogadishu. It is thought highly likely that these deserters have left to join opposition Islamist militia in Somalia. In a statement, the German Foreign Office confirmed that funds were released to train Somali police, and that in May 2010, 925 trained officers were transported to Somalia under Ethiopian surveillance. They did not comment on whether the police had deserted or not. 'Training the opposition' Currently, the transitional Somali government is struggling to suppress the militia, including Al-Qaeda sympathisers Al-Shabaab, who control as much as two-thirds of the country. Germany is one of several countries who have committed to training security personnel as in indirect method of trying to help, without military intervention. However, according to Ulrich Delius from the Society for Threatened Peoples, the problem is that most of these newly trained recruits "leave after a few months" to go and work for the armed opposition. "You have to ensure that these people really stay in the official army or police," Delius told Deutsche Welle. "Otherwise you are just training the people you will be fighting in a few months." A report published by the head of the UN monitoring group on Somalia, Dumisani Kumalo in 2008, said 80 percent of trained security officers deserted their posts, taking with them their weapons, uniforms and the acquired knowledge. Reasons for desertion At a time when the transitional government is barely keeping a hold on the north of Somalia, deserters may feel they are better off siding with the militants than the government. "No one is sure who will be the government of tomorrow… so they are switching to survive," Delius said. "Also, you need a weapon and whether you get it from the police or from the armed opposition, it does not matter." He added that money was another strong incentive for joining the militants, as "Somali warlords often offer more money than the official army or police." In this case, German media reports that the Somali police were waiting for their pay from the German government before they disappeared. Another reason for discontent may be due to the fact that the training took place in Ethiopia – a country with a long, bloody history with Somalia. "There's a very strong feeling against Ethiopia in all parts of Somali society," said Delius. Stabilization The German government has come under fire for not only partnering with Ethiopia, but also according to some sources, bypassing the correct United Nations procedures and ignoring sanctions against Somalia. However, the Foreign Ministry said in a statement that it had informed both the UN contact group on Somalia and the UN sanctions committee. In recent weeks, the government has reconfirmed its commitment to aiding Somalia, most recently at the African Union summit in Kampala. German Foreign Minister Guido Westerwelle said that the training of police in Somalia was a "substantial contribution" to stabilizing the country. Ulrich Delius argues however that all the projects for training security forces will continue to have no effect until politicians start to "understand the root of the problems in Somalia." Author: Catherine Bolsover Editor: Rob Turner Source: dw-world.de
  4. Total garbage and pipe dreams. Try again fuad shangole because you have no way to access puntand unless you send men disguised in jilibabs which just proves that we shut you guys down so much u must come as a woman behind jilbab. VIVA PIS walle way ka shaqeyeen dadkan mucjirinta. They are broken down and exhausted.
  5. JUURILE:-sanad guuradii 12naad ee puntland Xaflad loo sameeyay sanad guuradii 12naad ee putland .ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay furitaankii xaflada ayaa lagu bilabay qoowlka eebbe kadib ayaa waxaa xaflada sibaladhan daaha uga qaaday xiriiriyiihii xaflada MAXAMED JIBRIIL XATOOSH isagoo umahad celiyay dhamaan shacabkii soomaliiyeed ee xaflada kasoo qayb galay iyo sida wanaagsan aay u ajiibeen balanqaadkii loo fidiyay. intaas kadib ayuu ku soo dhoweeyay makrafoonka pr.MAXAMED XAREED CALI pr. ayaa siwacan u wacyi geliyay bulasha weeyntii reer puntalnd ee xalfada kasoo qayb gashay wuxuuna kahadlay dhaqanka iyo taariikhda putland isagoo sheegay inaan magaca putland imika bixin oo uu boqolaal sano kahor baxay.kadibna waxaa makarafoonka lagu soo dhoweeyay XASAN ISMACIIL Ahna gudoomiyaha injii ooga DARYEEL ee magalada basal isagoo gudoomiyuhu sheegay ina ay mardhoow macaawino gaarsiin rabaan dalkii hooyo ilamarkaasna gudoo miyuhu wuxuuu carabka kudhiftay in injii ooga laga furi doono magala madaxda gobolka mudug ee gaalkacayo. intaas kadib ayaa makara foonka lagu soo dhoweeyay CABDI KHADAR QANBI oo ku hadlayay magaca dhalinyarada cabdi kahadar ayaa amaan usoo jeediyay dhamaan shacabkii kasoo qaybgalay kulanaka sanad guurada kuna nuux nuuxsaday in ay dhalin yaradu tahay lafdhabarta shacabka lana sugayo inay dhalin yaradu isbedel ku sameeyaan dhibka hada dalkii kajira guntii iyo gaba gabadii ayaa xafladii ku soo idlaatay farxad iyo ray rayn iyo dadka oo ku tilmaamay in ay xafladaani ka jawi bedelantahay kuwii hore ee sanad guurada putland loo qaban jiray
  6. Below is a video of the songs held at puntland 12th anniversary
  7. sanadguurada 12aad ee dhismihii Puntland [Dhageyso] August 1, 2010 Xuska sanadguurada 12-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Dawlada Puntland ayaa lagu qabtay Madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawlada Puntland. Munasabadaan oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Puntland oo ay ka mid ahaayeen : Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire Wasiirka Amniga Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr. Wasiirka Arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir. Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire. Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf, Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje, Taliska Booliiska , Aqoonyahno, Isimo, Dhalinyaro, Haweenka 16-ka xaafadooda iyo mas’uuliyiin kale. Halkan ka dhageyso Khudbadihii iyo Suugaantii xaflada Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo ugu horeyn hambalyo balaaran oo ku wajahan xuska sanadguurada Puntland u diray shacabka Puntland ee ku dhaqan gobolada Puntland. Gen.C/samad Cali Shire oo soo hadal qaaday xaaladda deegaanka Galgala iyo dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Karin ayaa intii uusan khudbada qaadan u sheegay marti sharaftii ka soo qayb gashay munsaabada in diyaar uusan u ahayn ka hadlka arrimaha ku qotoma siyaasada balse uu ka hadli doono Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Faroole. Intii khudbada uu jeedinayey C/samad Cali Shire ayuu soo hadal qaaday xaalada deegaanka Galgala oo dhawaan dagaal uu ku dhex maray Ciidamada amniga Puntland iyo maleeshiyo ka amar qaata Wadaadka Maxamed Siciid Attam. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Puntland ay ku soo duuleen dad aan u dhalan oo doonaya in ay khal khal geliyaan amaanka Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in ay jiraan dadka qaarkiis ay sheegaan in dagaalka ay dawladu ay kula jirto maleeshiyo taabacsan Attam ku wajahan yahay dadka ku dhaqan deegaanka, isagoona xusay in muddo saddex bilood ah ay waan waan kula jireen Wadaadka Attam balse loogu jawaabay dagaal xoogan oo ay maleeshiyada Attam kusoo qaadeen Ciidamada amniga Puntland. Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Khayr oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn ummada Puntland u diray hambalyo ku aadan xuska sanadguurada Puntland, wuxuuna uu si weyn uga hadlay sidii Puntland asaaskeeda ku yimid. Gen.Yuusuf Axmed khayr oo khudbadiisa arrimo badan kaga hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ay layaab tahay in dagaal ku wajahan Puntland lagu soo wajaho magaalada Boosaaso, wuxuuna ku sifeeyey in arrintu ay tahay in la ay kooxo doonayaan in ay dhaawac u geystaan xarunta ganacsiga Puntland. Mas’uuliyiintii khudbadaha ka soo jeediyey sanadguuradii 12-aad ee asaaskii Puntland oo dhamaantood isa ga mid ahaa arrimaha ay ka hadlayeen ayaa waxaa ka mid ahaa,Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada, Ismo,Saraakiil, Haween, Caruur iyo marti sharaf kale oo fara badan Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo xiray Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire, waxayna ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan. Horseed Media [http://mxcdn.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/08/bosaso_10810_2.jpg][/img]
  8. Farole Speech Puntland Woman Minister Casha Geele Speech Puntland Parliament Speaker Speech Puntland Interior Minister Ilkajir Puntland Vice President Abdisamad Shire Puntland Finance Minister Farah Ali Shire Puntland Security Minister Yusuf Ahmed Kheyr Bossaso Mayor All the 4 wasiro and mayor speeches can be heard Here
  9. Chief your ****** I think. Clan-dynamics simply won't allow for northern no matter what clan to lead somalia. This aint lowyacade villages sxb. This is the capital city of somalia where even the international community knows that they need send 20,000 troops plus just to pacify it. Chief those villages of the north are nothing compared to hamar
  10. Sweden:Xafaladii Sannadguuradii 12-aad Asaaskii State of PUNT LAND August 1, 2010 1 comment| leave your own! Xalay oo taariikhda ahayd 2010-07-31, waxaa Xaflad heer sare loo soo agaasimay oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen gabdhaha reer Punt Land ee Stockholm, Musharaxa Parlamanka Dalka Sweden Sociolog Kahin Enow iyo Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed (SSUF) ee uu gudoomiye ka yahay Ahmed Hassan ee Dalka Sweden , aya wuxuu qabtay Xaflad aad oo loo agaasimay ee lagu maamuusayay Sannadguuradii asaaskii Dowlada Punt Land. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Dadweyne Fara badan, aqoonyahano, dhalinyaro, odayaal dhaqameed iyo ururada haweenka. Iyo weliba koox aad u sareysa oo Fanka, heesaha iyo maayeelada qabilsaneyd. Xafladaas ayaa waxa khudbad ka jeediyey odayaal dhowaan ka yimid Somalia, oo ka hadlay Taariikhdii ay soo martay Punt Land, iyo sida ay uga bad baadady iskudeyadii iyo shirqooladii lagu doonayay in lagu dumiyo mamulkaas halkaas ka jira. Odayaashaas oo carabka ku dhuftay in State of Punt Land uu ku yimid Rabitaanka shacabka reer Punt Land, taas oo ay muddo fara badan ay sugaayeen in bal Qaran Somaliyeed ka yegleelo ama la dhiso. Riyadaas markii ay sii daba dheeraatay ayaa Somalida ku nool Punt Land ay goáansadeen in ay dhistaan Maamul, hase ahaatee waxaa maamulkas ku intifacay maáha oo keliya reer Punt Land, ee waxaa nabadda halkaas ka jirta ka faai´deystay dadweyne Somaliyeed oo fara badan. Odayaashaas oo ka kala socday Bulshada ku nool Sweden ee Somaliyeed, waxay ku guubaabiyeen Reer Punt Land in ay ka shaqeeyaan Nabada, ka na feejiganaadaan hagar daamada la la damacsanyahay, waa in State of Punt Land ay noqotaa mid dhista midnimada Somalia. Kediba waxaa la qaaday heesta astaanka u ah State of Punt Land, waxaa halkaas ka muuqday jawi isdhexgal maadama ay xafladda u dhamaayeen dadweyne reer Somali land, iyo bulshaweyn ka socotay koofurta somalia. Sociiolog Kahin Enow
  11. Sanadguuradii 12-aad Ee Asaaskii Puntland Oo Laga Xusay Garoowe [sawiro] August 1, 2010 Munaasabad lagu maamusaayay sanadguuradii 12-aad ee kasoo wareegtay asaaska Puntland ee ku beegnayd sanadkii 1998-dii ayaa maanta lagu qabtey magaaladda Garoowe ee Caasimada Puntland. Xuska munaasabada ayaa ka dhacdey barxadda Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Dawladda Puntland,waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyinta Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi,Kuxigenkiisa labaad Xaaji Xuseen Yaasin,Wasiiro kala duwan,Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Duqa magaaladda Garoowe,Haween,Dhalinyaro,Kooxo fanaaniin ah,Isimo,Aqoonyahano iyo martisharaf kala duwan. Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay gabeeyo,buraanburo iyo weliba heeso oo ay ku luqeynayeen Abwaanin iyo fanaanin,waxaana ay dhamaantood ka tarjumayeen marxaaladihi ay soo martay Puntland tan iyo xilligii la asaasay. Intaas ka dib waxaa goobtaa ka hadashay Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka mid ahayd 13-kii xubnood ee loo xilsaaray qaban qaabada munaasabada,waxaana ay faahfaahin ka bixisay qaabka ay isku dubarideen munaasabadaam iyadoo ay sheegtay in 1,500-qof dad gaaraya ay kasoo qaybgaleen maanta. Marwo Caasho Geelle ayaa intaa ka dib ka hadashay oo ku dheeraatay waxqabadka Dawladda Puntland ee sanadkii lasoo dhaafay,waxaana ay ka xustay qodobadaan; -Waxaa sanadkaan Dawladdu ku guuleysatay in ay markii ugu horeysay mideyso manhajyada dugsiyada,aqoonsiga shahaadada Jamaacadaha,mideynta imtixaanada guud iyo soo dabaalid deeqo waxbarasho jaamacadeed gudaha iyo dibada oo lagu maamusayay ardaydii ugu dadaalka badnayd ee dhamaystay dugsiyada sare iyo masuuliyinta dawlada Puntland. -Waxaa Dawladdu gacan weyn ka geysatay gaarsiinta talaalka iyo fariimaha Caafimaadka dhamaan gobolada,tuulooyinka iyo miyig fog ee Puntland,sidoo kale waxaa dayactiro lagu sameeyey isbitaalada magaalooyinka waaweyn oo ay weheliyaan kobcinta tayada hawlwadeenada caafimaadka iyadoo lagu soo kordhiyey isbitaalada waaweyn Puntland dhalinyaro jaamacado kasoo dhameysay wadamada dibada oo dalkoodi hooyo dib ugu soo laabtay. -Waxaa wax weyn laga qabtay maamulka maaliyadeed ee dawladda iyadoo la hirgeliyey canshuurada bariga oo lagu saleeyey tirokoob sugan lagu sameeyey guryaha ku yaal Puntland,waxaa la joogteeyey bixinta adeegyada iyo mushaaraadka shaqaalaha bil kasta iyadoo la sahlay hababka gudbinta xisaabaadka. -Waxaa ay Dawladdu xoojisay wanaajinta xirrirka Caalamiga ah,la xisaabtanka hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah,xoojinta xirrirka jaaliyadaha Puntland ee dibada iyo gudaha iyadoo sanadkaan ay booqashooyin isdabajoog ah ku baxeen masuuliyin sar sare oo ka mid ah goleyaasha Puntland isla markaana ay Puntland ku yimaadeen masuuliyin madaxda jaaliyadaha Puntland ka mid ah. -Waxaa barnaamijka horumarinta haweenka iyo qoyska lagu xirey dhamaan hay’adaha Dowliga ah,kuwa caalamiga ah iyo maxaliga ee ay shaqadoodu khuseyso iyadoo taya kordhinta,ismaamulka iyo iska warqabka la gaarsiiyey degmooyinka,dariseynta iyo unugyada xaafadaha. -Waxaa ay dawladdu wax ka qabatay la dagaalanka Burcadbadeeda,tahriibta,kordhinta adeegyada guud iyo tayada kaluumaysatada iyadoo lagu xoojiyey qalab casri ah oo sahla kaydsashada. -Waxaa ay dowladu u sameysay hay’ad u gaar ah oo daryeesha agoomaha,indhooleyaasha,ciidamada ku naafoobay dagaalada iyo garaad dhimanka hay’adaas oo wax weyn ka qabatay baahidooda ilaa heer gobol. -Waxaa beeralayda Puntland oo aan hore u lahayn wasaarad u gaar ah lagu soo kordhiyey xeeladaha beerashada sahlan,ka hortaga iyo daawaynta jirooyinka aafeeya dalaga IWM ah. -Waxaa Dawladda Puntland fursado waxbarasho xirfadeysan oo ay ka mid yihiin makaanikada,korontada,cunto karinta,saxaafada IWM u fidisay ardayda dugsiyada dhigata oo gaaraya 1500. -Dawladdu waxaa ay kaalin mug leh ka qaadatay xoojinta nabada iyadoo loo maraayo shirar guud iyo kuwo gaar,dhiiragelin siisay ururada iyo xoogaga nabada ka shaqeeya. -Waxaa ay Dawladdu wax weyn ka qabatay joojinta xaalufinta degaanka sida ansixinta sharciga ilaalinta degaanka,la dagaalanka xirmooyinka gaarka loo leeyahay,samaysanka magaalaynta cusub,jarida dhirta,joojinta dhuxulaysiga isticmaalka ka baxsan,ilaalinta duurjoogta,wacyigelinta iyo dhiiragelinta dhireynta magaalooyinka iyo degaanada. -Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay dayactirka joogtada ah ee jidadka magaalooyinka waaweyn iyo kuwa degaanada gaar ahaan xiliyada roobabku waxyeeleyaan jidadka,wax ka qabashada diiwangelinta gaadiidka IWM. -Dawladdu waxaa ay dhiiragelisay kororka iyo tayaynta shirkadaha korontada,isgaarsiinta iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si ay uga qayb qaatan shaqosiinta iyo adeegyada bulshada. -Dawladdu waxaa ay sameysay welina gacanta ku haysaa dhismaha goleyaasha degaanka,kuwaas oo soo kordhiyey horumar mug leh oo bulshadu u baahnayd sida wax ka qabashada nadaafada guud,barnaamijka xaafadeynta,dejinta barakacayaasha IWM. -Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay iyo balaarinta garoonka diyaaradaha iyadoo garoomada qaarkood lagu kordhiyey xayndaab ka difaaca xoolaha iyo noolaha kale ee khatarta geliya diyaaradaha soo degaaya,tayeyn adeega garoomada sida handling service iyo dayactirka qaybta runwayga. -Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay nidaamka isgaarsiinta guud,xoojinta wadashaqaynta saxaafada iyo dawladda,tababarada saxaafada,ku hadlida codka dowlada iyo diyaarinta sharciga saxaafada,waxaana ay ku tala jirta in dhowaan ay hirgeliso idaacad iyo telefishin u gaar ah dawladda Puntland. -Dawladu waxaa ay wax ka qabatay tirakoobka shaqaalaha,dhowrista hantida dawlada,maamul wanaaga iyo qiimeynta waxqabadka hayadaha dawlada. -Dawladu waxaa ay ku guuleysatay dhisida rugta ganacsiga oo ganacsatada Puntland kusoo kordhisay xirfado casri ah iyo hababka suuqgeynta ugu sahlan iyo iskuxirnaanta. -Waxaa Dawlada Puntland goleyaasheedu ay ansixiyeen dastuurka Puntland,heesta iyo astaanta dawlada,sidoo kale waxaa ay ansixiyeen xeerka doorashooyinka,xeerka argagaxiisada,xeerka tahriibta iyo xeerar kale oo u gaar ah wasaaradaha Puntland. -Dawladu waxaa ay dib u habeyn ku sameysay oo balaaran hay’adaha garsoorka iyo cadaalada iyo tayeynta awoodaha maxkamadaha dastuuriga ah si ay awood u yeeshaan qaadista dambiyada fudud iyo kuwa culusba. -Waxaa Dowladu wax ka qabatay wada shaqaynta ururada aan dawliga ahayn si dawladu ula socoto adeegyada la gaarsiiyo shacabka ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah. -Dawladu waxaa ay wax ka qabatay amniga guud iyadoo la tayeeyey laamaha kala duwan ee booliska iyo ciidamada. Dhamaan qodobadaan ayaa waxaa ay ahayd kuwa ay sheegtay Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo ay xustay in Dawladu Puntland ku talaabsatay mudadi sanadkii lasoo dhaafay,waxaana ay intaa ku dartay in labo munaasabado kale ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe,iyadoo tan ugu muhiimsan ay ka dhici doonto caawa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa isna lagu soo dhoweeyey mikrafoonka,waxaana uu ugu horeyn shacabka reer Puntland uga mahadceliyey munaasabadaan. Intaas ka dib wuxuu ka hadlay xaaladda iminka ka jirta Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya ay kusoo duuleen kooxo sheeganaaya in ay jihaad galayaan,isagoo ku baaqay in lala dagaalamo kooxahaas maadama buu yiri dadka Soomaaliyeed boqolkii boqol waa Muslimiin. Munaasabada ayaa ugu danbeyntii kusoo dhamaatay jawi wanaagsan,iyadoo dadkii kasoo qaybgalay ay isku hambalyeynayeen sanadguuradii 12-aad,waxaana mahadcelin balaaran loo jeediyey dadkii gacan weyn ka geystay qabsoomidiisa. Maxamed Siciid Yuusuf & Ayuub Cabdiraxmaan Maxamed Horseed Media Garoowe,Puntland