Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa maalmaha fasaxa sannadka 2020 ee shaqaalaha ku daray maalinta 18 May ee la soo noqoshada Qaranimada Somaliland. Xafiiska UNSOM ayaa waraaq rasmi ah oo ku taariikhaysan 9 December 2019, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika arkay, wuxuu u kala diray shaqaalaha ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay warqadaas ku soo bandhigeen fasaxyada rasmiga ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sannadkan. Fasaxyada sannadkan 2020, waxa ku jirta 18 May oo ah maalinta la soo noqoshada Qaranimada Somaliland, waxaana fasax ahaan doona shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland oo keliya. “(18 May Independence day (Somaliland only).” Ayay warqadu u qorantahay. 26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, waxa iyana fasax ahaan doona shaqaalaha Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay ku jirin kuwa Puntland, sida warqada ku xusan. Maalinta 1-da July oo ah maalintii ay Midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya waxa fasax ahaan doona shaqaalaha ku sugan Soomaaliya oo ay Puntland ku jirto. Source
  2. (SLT-Caynaba)-Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Hadlay Nin Shacab Ah Oo Ciidammada Boolisku Ku Dileen Duleedka Magaalada Caynaba, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. President Uhuru Kenyatta and Garissa Township MP Aden Duale are expected to open Modika Air Base today. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddida Dhexdhexaadinta Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridka Oo Mar Kale La Kulmay Madaxda Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Burundi’s forgetful 2019 CECAFA Senior Challenge hit another low on Friday as they lost 1-0 to Somalia, completing a wretched run of four defeats in as many matches at the KCCA Lugogo Stadium in Kampala, Uganda. Source: Hiiraan Online
  6. For decades, the highly patriarchal Somali community has locked out many women from participating in practically all fields of life, shoving them into the dark corners of oblivion, thanks to retrogressive cultural practices. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT- Aljeris)-Tobannaan kun oo qof ayaa waxa ay iskugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, iyagoo ka mudaharaadaya natiijooyinka doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay. Waxa ay ku qeylinayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan ninka doorashada ku guullaystay, waa ra’iisul wasaarihii hore Abdelmadjid Tebboune, kaas oo hore daacad ugu ahaan jiray hoggaamiyihii xilka laga qaaday Abdelaziz Bouteflika. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro qaabka ay ku dhisan tahay siyaasadda dalkaas. Maalintii codbixinta waxaa dalkaas ka dhacay dibadbaxyo iyo baaqyo ah in la qaadaco doorashada. Mr Tebboune, oo 740jir ah, ayaa waxa uu ku guulaystay 58%, taas oo ka badbaadisay inuu aado wareeg labaad. Hasayeeshee isaga iyo afarta musharax ee kale ayaa waxaa lagu dhaleeceeyeen inay aad ugu dhawaayeen maamulkii Mr Bouteflika. Madaxweyne Bouteflika ayaa xilka banneeyay kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dalkaasi oo dhan ka dhacay. Hasayeeshee dibadbaxyada loogaga soo horjeedo dowladda ayaa sii socday tan iyo markaas oo joogto ayey ahaayeen. “Codka waa lagu shubtay. Doorashooyinkiina waxba nagama gelin madaxweynihiinana nama maamuli doono,” waxaa sidaasi ku qaylinayay dibadbaxayaal Jimcihii isugu soo baxay badhtamaha magaalada Aljeris. “Tebboune waa uu ka xun yahay Bouteflika,” ayey tidhi mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Meriem oo ah 31-jir dowladda u shaqeysa. “Maynaan codayn mana tanaasuli doono.” Source
  8. Two UN agencies said Friday some 5,087 Somali refugees have so far returned home from Yemen since it started an Assisted Spontaneous Return (ASR) program in 2017. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide. Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac. Source
  10. (SLT-Doha)-Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gaadhay Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay socdaalkiisan Magaalada Doha ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiin kale. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa waxay Caasimadda Qatar kaga qaybgalayan Madasha Doha, oo lagu wado inay ka qaybgalaan madax ka socota dowladaha dunida qaarkood iyo hay’ado caalami ah. Doha Forum ayaa waxaa sannadkan lagu wadaa in lagaga hadlo arrimaha amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxaana uu socon doonnaa maalmaha Sabtida iyo Axada. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Doha waxaa uu la kulmi doonnaa Madaxda Qatar iyo masuuliyiinta madasha ka qaybgaleysa qaarkood. Waa safarkiisii afraad oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ku taggo Magaalada Doha, mudada saddexda sano ku dhow ee uu xafiiska jooggo. Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay illaa shan dhalinyaro ah oo la sheegay inay ku biiri rabeen kooxda Al-Shabaab. Gudoomiyaha Ismaamulka Siaya, Michael ole Tialal, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay qorsheynayeen inay ka gudbaan xadka, si uga mid noqdaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya. Michael ole Tialal ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanku ay heleen xog ku aadan raggaasi, islamarkaana ay ka hortageen qorashahaasi. Sidoo kal wuxuu tilmaamay in dhalinyaradaasi uu qorayey nin ka mid ah dadka deegaanka, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ninkaan uu sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka, sidoo kalena uu ku soo tababartay gudaha Soomaaliya. “Ninka la tuhmayo in uu Al-Shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya, isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Mar Tialal. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen gaari Bus-ah oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi.
  12. (SLT-Washington)-Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa shalay ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo. Guddi hoosaadka garsoorka ayaa shalay codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen. Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xidhiidha inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baadhitaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020. Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baadhitaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda. Madaxweyne Trump waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaad ka dambeyso. Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood. Si kastaba, Senate-ka oo ay maamulaan Jamhuuriga, ayaan la fileyn inay madaxweynaha ku helaan dambiyada lagu eedeeyey kana saaraan xafiiska. Source
  13. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Mduane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2020/2021. “Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya” ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe. “Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka. Mas’uuliyiintaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo halkaasi ka waday kulamo looga hadlayo xaaladda dalka. View the full article
  14. Wasiirka Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameeynta fatahaadda uu webiga Shabeelle ku yeeshay dadka degan Degmada Afgooye iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka. Wasiirka Gargaarka Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalado adag oo xagga nolosha ah ay ka jirto degmooyinkii uu ku fatahay webiga Shabeelle. “Guddiga Arrimaha fatahaadda ayaa ka walwalsan xaaladda ka jirta Degmada Afgooye, afar xaafadood oo magaalada ka mid ah ayay saameysay oo xaalado adag ka jirta, fatahaaddu waxay kaloo saameysay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, ha ahaadeen Qoryooleey iyo Awdheegle oo xaalado beni’aadanimo ay ka jirto”ayuu yiri Wasiir Caruush. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen hay’adaha samafalka si gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle, waxaana uu dowladda Federaalka ka codsaday inay gacan ka geysato “Baahiyaha gaar ah ee hadda taagan ayaa ah in dadkan ay helaan cuntooyin, mara kaneeco iyo teendhooyin maamaada ay ka soo barakaceen guryahooda oo aysan heysan hooy iyo meel ay gabaad kaga dhigtaan qabowga dhaxanta iyo roobka, waxaana rajeynayaa in dadkan ay gurmad deg deg ah heli doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed. View the full article
  15. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Argagixiso la dirirka ay ka wadaan xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay kaga hortagayaan weerarada inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa dhankooda sheegay in ujeedka baaritaanadooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyadaan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka shacabka ee ku dhaqan xadka labada dal. Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, waxaana ugu dambeeyey weerarkii magaalada Wajeer, kaas oo lagu qaaday gaari Bus ahaa oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsana Booliska dalka Kenya. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-141219-sx.mp3 View the full article
  17. Addis Ababab (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Itoobiya, Axmed Shide, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa ay labada mas’uul ku soo hadal qaadeen iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga iyo horumarka Puntland. Madaxweynah Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay sare loo qaado wadashaqeynta ay la leedahay Itoobiya, isagoo oo u rajeeyey shacabka iyo dowladda amni iyo horumar ballaaran. Dhankiisa Axmed Shide ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin inay dardar geliyaan arrimaha kala dhexeeya maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Putland. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo ku sugnaa Addis Abab uu ka waday abaabul siyaasadeed oo looga soo horjeedo xukuumadda Siciid C/laahi (Deni). Dagaalka labada mas’uul oo weli taagan ayaa waxa uu sababay in xildhibaanadii laga xayuubiyo Dhoobo Daareed, kadib kulan ay todobaadkii hore mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
  18. Arsenal have distanced themselves from comments made by Mesut Özil on Instagram, in which he spoke out strongly against China’s persecution of the Uighur population in the north-western region of Xinjiang and criticised Muslims for not doing more to highlight the issue. Source: Hiiraan Online
  19. Ethiopia is set to receive $2.9 billion from the International Monetary Fund, adding much-needed impetus to Prime Minister and Nobel laureate Abiy Ahmed’s economic reform agenda. Source: Hiiraan Online
  20. Controversial U.S. Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, talked Friday with incoming Lewiston City Council member Safiya Khalid after a political rally in New Hampshire. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaada inay waddo qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan gudaheed uu billaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan Cadde. “Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd, runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto, laakiin waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka.” Ayuu yiri wasiir Oomaar. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maadaama dhul ku filan oo banaan oo garoonka lagu ballaariyo uusan jirin oo uu badda ku teedsan yahay, inay dhanka badda u ballaarin doonaan garoonka qyeb ahaan. “Dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo oo carro lagu shubo ayaan ballaarinta u adeegsan doonnaa, balse mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Horey waxaa u jiray qorshe ay isku raaceen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, oo xukuumadda ay garoonka cusub uga dhisey dhanka waqooyiga Muqdisho ee xadka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse illaa iyo hadda lama shaacin halka uu ku dambeeyey qorshahaas. Wasiirka Oomaar ayaa bishii October sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub, islamarkaana qorshaha dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaan inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka. Hase yeeshee, hadalkan cusub ee uu ku sheegay ballaarinta garoonka Aadan Cadde, ayaa muujinaya inay u eg tahay in qorshihii garoonka cusub uusan hir-gelin.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku dhacay hoyga Sheekh Shariif oo Axmed Madoobe uu soo booqday. Sida qoraalka lagu sheegay, kulanka waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka loo maraayo doorashada 20/21, waxaana kulanka qayb ka ahaa Senator Ilyaas Cali Xassan oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga Horusocod Qaran. Wax faahfaahin ah oo intaas dheer lagama bixin kulanka. Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa isku siyaasad ka ah xaaladda dalka ee iminka, ayaga oo kasoo horjeeda qaabka ay dowladda wax u waddo. Dowladda ayaa horey u diiday islamarkaana sharci darro ku tilmaamtay doorashadii Axmed Madoobe, halka Sheekh Shariif uu aqoonsaday kana qeyb-galay caleemo saarkiisa. Labadooda iyo Shariif Xasan ayaa sidoo kale isku aragti ka ah nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020, oo ay rumeysan yihiin inaysan noqon karin qof-iyo-cod marka la eego xaaladda dalka, waxayna ka digeen in ku dhegnaanta arrintaas ee dowladda ay tahay xeelad waqtiga lagu kororsanayo.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay heshiiska ay gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku saleysan dowladda cusub ee loo dhisayo Galmudug. Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug, taasi oo macnaheed yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka. Qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada aan joogsiga lahayn ee ay sameeyaan hoggaanka dowladda iyo Ahlu-Sunna, iyo saamileyda kale ee ay arrintan quseyso, si qodobadii la isku hayey loogu xaliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in beesha caalamka rumeysan tahay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhisidda maamul lagu mideysan yahay oo xasiloon oo Galmudug ay yeelato, kaasi oo muhiim u noqon doona dhaqaajinta ahmiyadaha qaranka ee 2020. Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa dhinacyada ay quseyso arrinta Galmudug ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda, islamarkaana la xaqiijiyo hanaan ka tarjumaya hadafyada dhammaan bulshooyinka Galmudug. “Hanaankan [doorashada] waa in natiijadiisu noqotaa mid caddaalad ah, la isku haleyn karo, oo cad, kaasi oo ay aqbali karaan dhammaan shacabka Galmudug.” ayaa lagu soo geba gebeeyey qoraalka. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray; AMISOM, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, IGAD, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, QM iyo Mareykanka.