-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa la gaarsiiyay 16 kamid ahaa dhaawacyadii ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalda Muqdisho. Dhaawacyadaan oo ahaa kuwii ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa la gaarsiiyay dalka Turkiga si loogu dabiibo halkaas,hayeeshee wararka naga soo gaaraya Turkiga ayaa sheegaya in Aamina Cusmaan Kheyre oo ka mid aheed dhaawacyada culus ee dalkaas loo qaaday ay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay garoonka uga hortageen dhaawacyada iyaga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas. Safiirka ayaa intaas ku daray in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ay u diyaar garowday sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen caawinta dhaawacyada,isagoo tilmaamay in Jaaliyaddu ay lacag iska aruurisay si ay gurmadka qeyb uga noqdaan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda AFRIKA ayaa faahfaahin looga bixiyay duqeymo shalay ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo Maraylanku la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab. Sida War-saxaafadeedka lagu sheegay duqeymaha ayaa ka kala dhacday degaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Maraykanku sheegay in uu ku dilay afar dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in saddex duqeyn oo ay laba goobood ka fuliyeen ay ku burburiyeen laba gaari, waxaana labo ka mid ah duqeynta ka dhacday Kuunyo Barrow, halka duqeynta 3aad ay ka dhacday Tuulada Caliyow Barrow. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa beenisay in duqeymaha Maraykanka xubno looga dilay , waxaana ay sheegeen in duqeymaha midkood uu ku dhintay Ganacsade caana oo ay magaciisa ku sheegeen Kuusow Xaaji Maxamed, halka duqeymaha kalena lagu laayay ilaa 12 neef oo geel ah. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka gaystay gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay. Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddigii uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey tirada dadka weli lagu la’yahay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye. Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan la la’yahay illaa 20 qof oo isugu jira caruur iyo sidoo kale dad waa weeyn oo leh rag iyo dumar intaba. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in caruurta la waayey ay gaarayaan illaa sideed oo 6 ka mid ah ay lab yihiin, halka labada kale ay dheddig yihiin. Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in weli ay ku howlan yihiin raadinta dadkaasi iyo diiwan gelintooda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli isbitaalka Madiina ay yaallaan meydad aan weli la aqoonsan oo la raadinayo ehelladooda, si loogu wareejiyo. Qarixii Ex-Control oo dhacay maalin ka hor ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen 148 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Weli ma jirto cidsi sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Caasimada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod.mp3
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha waddankaTurkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan sida ay shaacisay Villa Somalia. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii Muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee Soomaaliya. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee ku dhintay Qaraxii isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. PUNTLAND POST The post Ordogan iyo Abiye Axmed oo khadka Taleefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga gurmad Qaran ee oo dhowaan la magacaabay, kadib qarixii Ex-Kontrol Afgooye ayaa faah faahin guud ka bixiyey dhacdadaasi. Xubin ka tirsan guddiga, gaar ahaan kooxda qaabilsan xog uruurinta ayaa sheegay in musiibadaasi lagu waayey illaa 20 qof oo isugu jira caruur iyo dad waa weyn. Qarixii Ex-Control oo ismiidamin ahaa ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo sabadkii 2011-kii. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Cadaani.mp3 View the full article
-
Howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo howlgalka ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Howlgalladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxa shalay oo sabti aheyd laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalka xigay oo isla shalay gelinkii dambe ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay sarkaal kale, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda. Ma jirin wax khasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi dhanka cirka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-301219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Aamino Cumaan Kheyre oo ka mid aheyd dhaawacyadii cuslaa ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa geeriyootay, kadib markii laga dajiyey garoon diyaaradeed oo ciidanka cirka dalkaasi ku leeyhiin magaalada Ankara. Marxuumada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo lagu aaso Ankara, sida ay inoo xaqiijiyeel dad ku sugan magaaladaasi. Bukaanada kale ee la geeyey Turkiga oo gaaraya illaa 15 ruux ayaa waxaa loo qeybiyay saddexda isbitaal ee ugu waa weyn Ankara, halkaas oo lagu daaweyn doono. Dhaawacyadaan oo xaaladooda aad u liidato ayaa waxaa gurmad deg deg ah u soo dirtay dowladda Turlkiga oo qudheeda labo Injineero ahaa uga dhinteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaaba baaqa dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa in dhaawacyada kale qaarkood loo qaado dalka Qatar. Dhimashada weerarkii Ex-Control ayaa sii kordheysa, waxaana ay hadda sii caga cagayneysaa illaa 81 qof, sida uu xaqiijiyey guddiga gurmad Qaran ee dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Qaraxaan oo ismiidaamiin ahaa, islamarkaana dhacay maalin ka hor ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Caasimada ka dhaca, tan iyo 2011-kii.
-
After Somalia truck bombing, US airstrikes target militants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
U.S. military officials say three airstrikes conducted Sunday against al-Shabaab militants in Somalia have killed four militants. Source: Hiiraan Online -
Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyootay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Ex kantarool ee loo qaaday Turkiga ay geeriyootay intii isbitaalka loo sii waday. Aamina Cismaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay in ay geeriyootay ka hor inta aan la gaarsiin isbitaallada dalka Turkiga. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka Turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana ay horay u soo dirtay Muqdisho diyaarad Militari oo dhaawacyadii liitay ka qaadday Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyootay appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in uu maqaayad uu leeyahay ka hor leexiyo mid kamid ah Kontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya. Kontaroolkaan oo ku yaallo agagaarka Xaawo Taako, ayaa dhagxaantiisa la dhigay ka soo horjeedka Maqaayadda Blue Sky ee uu leeyahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, oo aan go’aansanay inaynan magacaabin. Xildhibaanka ayaa madaxtooyada Soomaaliya uga dacwooday Kontaroolkaan maadaama maqaayadda horteeda ay istaagi jireen gaadiidka, kadibna ay kasoo lugeen jireen dadka sita karaka aqoon siga dowladda, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada maqaayadda. Inkastoo Xildhibaanka laga hor qaaday, ayaa hadane ciidamada ay kontaroolka hor dhigeen maqaayad kale oo ku dhagan oo uu leeyahay qof shacab ah. Milkiilaha maqaayadaan ayaa yiri “Aniga Xildhibaan ma’ahi wax walba oo aan sameeyayna waa layga qaadi waayay, mana jirto cadaalad darro ka weyn in Xildhibaan laga hor qaado, qof kale oo muwaadin ahna la hordhigo, canshuurna layga qaado.” ayuu yiri Milkiilaha Maqaayadda ee hada la hor dhigay Kontaroolka laga soo raray maqaayad kale ee uu leeyahay Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wixii ka dambeeyey weerarkii horraantii bishan lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, oo aad ugu dhow Villa Somalia, waxaa lasii adkeeyey amniga madaxtooyada, ayada oo la kordhiyey baraha control ee dalka lagu baaro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday. Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa. Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil. Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof. Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray. Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto. Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya. Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa waxaa uu maanta haystaa fursad muhiim ah, oo dowladiisa u horseedi karta inay kaga adkaato dagaalka Ururka Al-Shabaab. Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ayaa waxay aad uga xumaadeen falkii argagixiso ee maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna laayay dad rayid ah oo arday u badneyd. Soomaalida meelkastoo dunida ka joogto ayaa waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin in dad aan waxba galabsan oo tiradooda ay intaa le’eg tahay lagu laayo Magaalada Muqdisho. Dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqdo inay ka soo wada horjeedaan kooxaha argagixisada, balse aynaan haysan cid ku hoggaamisa, sidii dalka looga sifeen lahaa. Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa qaba inaanay Soomaalidu ka adkaan kari weynin Al-Shabaab, hase ahaatee uu gaabis ka jiro dhinaca hoggaanka dalka, haddiiba Shabaabka dalkeena laga ciribtiri lahaa. Dadka aragti fog leh ayaa waxay Madaxweynaha Somaliya kula talin lahaayeen inuu ku dhawaaqo dagaal loo dhan yahay oo ka dhan ah mintidiinta Al-Shabaab, si loo soo afjaro weerarada dhawrkii biloodba ay mar dadka ku leynayaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa iska lumiyay fursad hore oo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen midnimo iyo inay si wadajira ugu aqoonsadeen Al-Shabaab, cadowga keliya ee muuqdo ay maanta Soomaali leedahay, ka dib weerarkii boqolaalka qof ay ku gumaadeen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe). Madaxweynaha ayay ahayd inuu xilligaa dareyska ciidanka xirto, kuna dhawaaqo dagaal uu horkacayo. Tan hadda taagan ayaa ah inay isa soo tareyso baaqyada ka soo yeeraya Culimada Soomaaliyeed, ee ku aadan in si wadajira loogu midoobo dagaalka Ururka Al-Shabaab, iyadoo markaasi laga gudbayo dheg xumida xilli kasta ka soo yeereysa falalka wuxuushnimada ah, ee ay dalka ka gaysanayaan. Baaqyada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa barbar socda farriimaha kale, ee ay Warbaahinta soo marinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dadka kale ee waxgalka u ah bulshada. Nabadoon Maxamed Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhuusamareeb ka wada soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Madaxda Dowladda u sheegay inay iminka haystaan fursad ay tahay in laga faa’iideysto. “Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba waa inay dadka tusaan inay diyaar u yihiin qaban qaabada dagaal loo dhan yahay, dadkana ay u sheegaan inay hoggaaminayaan dagaal u dhaxeeya Soomaali iyo Shabaab. Wayna cadahay inaan ka adkaan doono cadowga maalin kasta dadkeena iska leynaya.” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi. Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay inay fursaddu tahay mid aan markasta la helin, Madaxda Qarankana looga baahan yahay inay iclaamiyaan dagaal ay hormuud u yihiin. “Fursad waa mar ku soo martay, lamana khasaariyo. Hadda waa inay Madaxda Dalka ku dhawaaqaan dagaalka lala gelaayo cadowga. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay qofkii maanta qarax ka badbaado, berri kama badbaadi doono. Hadduu Shabaab maanta ku dilin, wuu ogyahay inuu maalin kale ku dilayo, intuusan ku dilin iska horleexi cadowga.” Ayuu yiri Nabadoon Xaashi. Nabadoon Cabdi Cali Guure oo isna ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ee kuna sugan Magaalada Dhuusamareeb, oo xoojiyay baaqa Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa yiri “Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay Al-Shabaab haddeysan ku dilin, waxay dilayaan walaalkaa, walaashaa, hooyadaa, aabahaa, adeerkaa, habaryartaa, eedadaa iyo carruurtaada. Waxaas oo dhan inteysan kuugu imaan, kabaha u xirta dagaal aad la gashaan.” Nabadoon Guure ayaa waxaa uu yiri “Doorka ugu weyn ee dagaalkan waa inay qaataan bahda Warbaahinta. Warbaahinta iyadaa wax xumeysa, waxna hagaajisa. Intaas ayaan leeyahay.” Madaxda Qaranka ayaa waxaa lagu dhaliilaa markasta oo dhib dhaco inay cambaarayn oo keliya kaga soo hartay, oo aanu jirin ficil intaa dhaafsiisan. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan bahalnimada ah, marka laga soo taggo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay mintidiinta Al-Shabaab. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 86 qof oo rayid u badan, halka in ku dhow 150 kalena ay ku dhaawacantay, waxaana uu noqonaya kii saddexaad ee ugu dhiig daadashada badnaa, kana dhaca Magaalada Muqdisho, taariikhda inta ay xuseyso.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanah-Warraka-29122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ansixiyay qorshaha iyo miisaaniyadda sanadka 2020-ka ee magaalada Muqdisho. Dhawaan ayuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Guddi gaar ah in ay soo diyaariyaan Qorshaha maamulka iyo miisaaniyadda sanadka 2020-ka ee ku aadan caasimadda. Kulan maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Miisaaniyadda sanadka 2020 iyadoo ay kulankaaasi qayb ka ahaayeen Guddoomiye Xigeenada Gobolka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha guud, Agaasime Waaxyada iyo la taliyaal dhoowr ah waxaana looga dooday Qorshaha horumarinta Gobolka iyo Miisaaniyadda sanadka soo socda. Qorshaha uu Maamulka Gobolka soo bandhigay maanta ee looga dooday shirka wadatashiga ayaa waxa uu ka koobanyahay 6 tiir oo waawayn oo kala ah; 1. Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda 2. Horumarinta adeegyada Bulshada 3. Dib u dhiska 4. Horumarinta Dhaqaalaha 5. Dib u habaynta Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar 6. Maamul wanaagga Sidoo kale, waxa iyana shirka maanta looga dooday Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose iyadoo dood dheer ka dib lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo sandkaan noqonayso $32, 977,123 oo ah ku talagalka sanadkaa. Miisaaniyadaan ayaa aadi dootno qaybaha Mushaaraadka shaqaalaha, dib u dhiska magaalad, ADeegyada bulshada, iibka Agabka iyo kharaashaadka la xiriira maamulka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xeritaanka shrika ayaa sheegay in xilligaani ay muhiim tahay in Maamulka Gobolka la yimaado qorshe cad ee uu ku hagaayo horumarka magaalada Muqdisho waxa uuna balanqaaday in loo istaagi doono fulinta halbeegyada horumarineed ee loo dajiyay sanadka cusub in la fuliyo. View the full article
-
Waxaan u maleynayaa cinwaanka mucjiso ayuu kugu noqday ama waad layaabtay markaad aragtay, hadaba waad ku saxantahay inaad sida u fakarto maxaa yeelay laga soo bilaabo dhamaadka sanadkii 2006 magaladan waxey ku dhacday god dheer oo ay adagtahay sidii looga soo saari lahaa. Waxba taariikh hore idinku daalin maayo qof waliba oo garaad leh da’adiisuna 30-sano gaarsii santahay waa la socdaa wixii dalkan iyo magaladan gaar ahaan ka dhacay. Marka hore waxaan rabaa inaad ogaataan Xamar ineey amaan noqoto waxaa hortaagan sadex qodob midkood ama iyagoo is biirsaday, qodobadaas waxey kala yihiin 1: In si ku Tala Gal ah Magaaladan Amni looga Rabin. 2: Ilaashiyo Daño Siyaasadeed, iyo 3: Aqoon Dari laamaha Amniga Heysata. Aan guda galee Xamar ineey amni hesho waxaan kusoo koobaya laba eray oo ah: ‘DAREEN LAHAANSHO’ ama waxa loo yaqaan ‘SENSE OF OWNERSHIP’. Caqliga ilaahey waxa uu noo siiyay inaan fakarno waxna ka barano waxyaalaha nagu haree’reysan, bal is weydii waxa Xamar ka badalay magaalooyinka kale ee amniga ah sida Hargeysa, Garowe, Cadaado iyo Kismaayo? Waxaan u maleynaya waa isku soo dhawaanay hadda, Farqiga u dhaxeeya magaalooyinkaas aan sheegay iyo Xamar qof waliba waa u sheegi karaa. Alshabab ineey magaaloyinkaas iskood isaga daayen miyay kula tahay? Jawaabtu waa maya, Shabab iskama aaney deeyn, dadku waa isku mid waana Soomali, waana isku diin oo diinta shabab ma heystaan. Waxaa ka hor istaagay waa dadka deeganka, maamulka, culimada, dhalinyarada iyo aqoon yahankooga oo isku duuban iyo saraakiisha degaanka u dhashay ooy ka go’antahay xaqiijinta amniga magaala’dooda. Xamar intaa aan soo sheegnay maka jirtaa, waa MAYA. Waase laga sameen karaa amnigeeduna 6-bilood oo kaliya ayuu u baahan yahay hadii si daacad ah loo hirgaliyo qodobada hoos ku xusan; AMNIGA IN GACANTA LAGA GALIYO DADKA DEGAN: Xamar waxaa wada degan soomali oo dhan, waana sababta ey caasimad u tahay, lkn waa lagu kala badanyahay dhibteeduna dadka dagan ayay si gaara u taabaneysa. Magaalada ganacsigeeda, deegankeeda iyo dhaq’dhaqaqeda guud waxaa hormuud u ah 3 beel oo ka tirsan beesha Mogadishu Clan. Dhib waliboo ka dhacda 3-daas beel ayuu si gaara u saameeya, dhimashada ugu badan iyaga ayuu gaara, hantida ugu badan dadka beelahas ku abtirsada ayuu ka bur’buraa, Iyaga laftoodu waxeey ugu kala badanyihiin hadba meesha dhibtu ka dhacdo. Tusaale qarax haduu Waqooyiga Xamar ka dhaco beesha Abgaal ayaa qasaaraha ugu badan kasoo gaaraa, hadii musiibo Xararyaale ama Daynile ka dhacdo beesha Murusade, hadii KM4 iyo Banadir dhibaato dhacdo Habargidir ayuu qasaaraha ugu badan ee naf iyo maalba leh gaara. Sidaa darteed, amniga iyo maamulka magaalada waa in qabaa’ilka dhibtu sida gaarka ah u taabaneyso gacanta loo galiyaa, faragalinta dowladda dhexana laga daaya. PÓLICE IYO NABAD SUGID GOBOLKA U GAAR AH LAGANA SAARO MILITARIGA IYO PÓLICE KA FEDERALKA: Si loo xaqiijiyo in dadka degaanku amnigooda xaqiijiyan, waa in ciidan ka madax banaan hay’adaha amniga federaalka loo sameeyaa sida magaalooyinka kale ee dalka. Waa in ciidanka federaalka ee leh Police, Nabad sugid iyo Military meelo cayiman la geeya oo aaney ku milmin laamaha amniga gobolka Banaadir. Ma aragteen dowlada dhexe oo faraha kula jirta amniga iyo howlaha pólice ka Puntland ama Jubaland? Mase aragteen taliyaha pólice-ka federaalka oo hor boodaya musiibo maamuladaas ka dhacday? Hadaba hadii larabo in gobolkaan amnigiisa la sugo halaga daayo faraha badan. Soomalidu waxeey ku maah’maahda “Dherigii gacma badan kariyaani waa fuud xaraarada” SARAAKIISHA HOGAAMIN DOONTA CIIDANKA WAA INEEY AQOON IYO KARTI KU YIMAADAN: Si loo xaqiijiyo hadafka guud ee amniga magaalada, saraakiisha hogaamin doonta laamaha amniga gobolka waa inaan la siyaasadeen, oon laga eegin inuu xisbiga markaa talada haya taagero u yahay. Dad badan waxeey aaminsan yihiin sababta hay’adaha amnigu ugu fashilmeen shaqadooda ineey tahay aqoon dari iyo karti la’aan heysata shaqsiyaadka loo magacaabo. Xilalka la magcaabayo ee masiirka umadda soomaliyeed loo dhiibayaahi waa ineey karti iyo mudnaan ku yimaadan, si gaara laamaha amniga waa inaaney siyaasad lug ku yeelan. ASKARTA IYO SARAAKISHA KA SHAQEEYNEYSA AMNIGA GOBOLKA WAA IN XAAFADAHA LAGA QORAA: Mida u danbeeysa lkn muhiimad gaara lihi waa soo xulista iyo qorista askarta iyo saraakiisha amniga gobolka waa in fiiro gaara loo yeesha. Xaafad waliba waa in dhalinyarada degan ee aan balwada laheyn ama aan hore falal danbiya usoo galin laga qoraa. Pólice aan xaafada uu ka shaqeeynaya kala aqooni amni ma sugi karo, askarta degma kastaahi waa ineey dadka xaafada kala yaqaanan ogaan karaana qofkii cusub ee kusoo biira xaafada. Talaabo walba iyo go’aan waliba oo loo qaato in wax lagu wanaajiyo wuxuu u baahan yahay geesinimo iyo dhiiranaan. Qodobada aan kor kusoo xusay waa hubaal dowlada dhexe inaanu u cuntameen, sababtuna waa iska cadahay oo Xamar waa magaalada kaliya ee dowlada dhexe gacanta ku heeyso dhinac waliba. Waxaana laga yaaba ineey is ku fakareyso hadaad xamar dadka dagan gacanta u galisaan armaad waxaad maamushan weysaan!!! Waxaan aamin sanahay in marka hore bad’baadada iyo dhiig joojinta shacabka xamar wax waliba laga hormariyo, marka labaadna dowladu xooga saarto dhismaha ciidan qaran oo dalka dhan ku baahsan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda madaxweyne Farmaajo hogaamiyo waxaa magac iyo taarikh ugu filan ineey xamar nabad ka dhigto. WQ: Axmed A. Aden Falanqeeye arimaha dhaqaalaha iyo amniga Email: aawsac@gmail.com Twitter: /AhmedKarjab AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka hadlay saddex Arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan Gobolka Badhan. Wasiirka oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyarada Ardayda ah oo midkood dhaawaciisu culus yahay ay dhaawaceen Dad aan Somaliland ah. Wasiirku wuxuu sheegay oo kale inay Maamulka Badhan amreen in Saddexda Arday loo qaado Cisbitaallada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo hadba kii Xaaladdooda Caafimaad lagula tacaali karo. Wasiir Toorno oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Maanta deegaanka Midi-gale oo ku yaalla bariga Gobolka Badhan ku yaalla lagu dhaawacay Saddex Arday oo aan waxba gaysan, kuwaasi oo dareenkooda muujinayey, waxaana dhaawacay Dad aan Somaliland ahayn.” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu amarnay Maamulka Gobolka Badhan iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolkaa in la soo qaado saddexda Arday oo midkood qabo dhaawac halis ah oo la geeyo Cisbitaalka ugu dhow, hadduu yahay Cisbitaalka Ceerigaabo ama Ka Burco ama ka Hargeysa, haddii dibed loo qaadayana aanu ku dedaallo..” ayuu yidhi. Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Toorno si cad uma sheegin Cidda dhaawacday Ardayda, waxa dhaawacooda loo adeegsaday iyo sababta keentay midna, laakiin Ardayda ayaa la dhaawacay xilli ay ku sugnaayeen Dugsigooda. Source
-
Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya. Guddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka. Xubno ka mid ah Guddigaasi oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda, ayaa waxay Bulshada kula dar-daarmay in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga. Sheekh Muuse Jaamac, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo, waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin, Innaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay, kuwaasi oo kala ah Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri. Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay, Ciid kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”. Sheekh Muuse Jaamac, ayaa ugu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin “Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshada islaamka ah, in aan ciid laga dhiganin, la isku-na hambalyaynin, la isku-na xafladaynin, hudheellada-na aan la isugu soo bixin, Badaha-na aan lagu yaacin. Wax Ajri ahna aan laga helaynin”ayuu yidhi sheekhu. Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda. Source
-
EDITORIAL Al-shabaab, though has not claimed responsibility, has obviously masterminded the attack that left more than 75 people near Ex-checkpoint in Mogadishu. The suicide bomber targeted a large number of university students, making it as deadly and devastating as the Shamo Hotel suicide bombing ten years ago. Mogadishu security chiefs were lulled into a sense of security owing to a remarkable decrease in the number Al-shabaab attacks carried in the capital for the last six months. The Saturday’s attack had all the hallmarks of Zope Junction attack of October 14 in 2017. Al-shabaab has changed tactics and aims for maximum casualties of civilians to shake citizens’ confidence in the security organisations in Mogadishu. The security reform conducted by the Federal Government of Somalia earlier this year had not addressed the root cause of security flaws exploited by Al-shabaab. In a recent meeting with a Somali political party leaders, the US Ambassador to Somalia, Donald Yamamoto, deplored the make-up of the Somali National Army. He said that the majority of the soldiers of the Somali National Army belongs to one clan. The former UNSOM Chief, Micheal Keating, expressed a similar sentiment three years ago. He used Marka city of Lower Shabelle region as an example about the unrepresentativeness of the Army. The implication for this situation is wider. Puntland State of Somalia does not benefit from training despite facing threats from ISIS and Al-shabaab. President Mohamed Abdullahi Mohamed and Prime Minister Hassan Ali Kheire, both from Galmudug technically, have opted for the policy to isolate federal members states they think are not keen on toeing a resurgent centralism line they brazenly promote.The United Kingdom is commendable for opposing the lifting of the arms embargo against Somalia. Somalia does not have an inclusive National Army. Army weapons end up in Al-shabaab hands. The Security Architecture proposed in London in May 2017 has faced opposition from Mogadishu-based politicians, who condone the Federal Governments policy to recruit soldiers from Mogadishu and nearby regions. It is increasingly becoming absurd to talk of Somali National Army. A review of the recruitment policy, training and remuneration of the Mogadishu-based Somali Army remains an urgent task. An army that is dominated by one social group in a war-torn country cannot respond to the threat posed by Al-shabaab and other transnational terrorist organisations. © Puntland Post Monthly (to appear in January 2020 edition) The post A CLAN ARMY CANNOT DEFEAT AL-SHABAAB appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay qaabkii uu u wajahay dhaawacyada qaraxii Ex-Control iyo inuu ugu tagay diyaaraddii maanta u qaadday dalka Turkiga. Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “CEEB LOOMA DHINTO! . Madaxweyne Farmaajo amnigoodii markii uu ilaalin waayay, Isbitaaladii la dhigayna amni ahaan uga cabsaday in uu ku soo booqdo ayuu diyaaradii dhaawacyadooda Turkiga loogu qaadayay inta uga daba tagay isku soo sawiray. Madaxweynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed sugayaan waa midkaas!” Dhinaca kale xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay in laba saacad dib loo dhigay in bukaanada loo qaado Turkiga sababo la xiriira wax uu ku sheegay “in madaxweynaha doonayey inuu isku sawiro.” “Shaqaalaha caafimaafka ee Soomaalida iyo Walaalaha Turkida isugu jira waxaa wajiyadooda ka muuqda In ay dhibsanayaan bukaan dhaawiciisu daran yahay oo sawir In madaxweynuhu la galo 2 saacadood loo daahiyey!” ayuu yiri Fiqi. Fiqi ayaa intaas ku dara “Madaxweynuhu ayadoon diyaaradi taagnayn waqti ka badan 24 saac ayuu heystay In uu dhaawaca qaraxii shaley isbitaalada ama goobtii lagu qarxiyey uu ugu tago balse wuxuu ka doorbidey In uusan xitaa diyaaradii ugu tagin waqtigii munaasabka ahaa oo saacado loo hakiyey bukaankaas in gaadiidka Ambulane-ga lagu dhex haayo!” “Madaxweynaha waxaan xusuusinaynaa dhaawaca intiisa badnayn In ay isbitaalada MUQDISHO ku jiraan, Lagana yaabo In booqashadiisu ay waxyaalo ka dhiman ay u tarto, ayaga ha booqdo, waxna ha u taro inta naga daayo igu sawirta dhaawacyada walaalaha Turkidu ay u soo gurmadeen!” Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u adkeeyey ammaankiisa iyo kan Villa Somalia, tan iyo markii weerar lagu qaaday hotel SYL oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, waxaana uu gaabiyey socodkiisa. Wuxuu ka baaqday xuskii maalinta booliska ee lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, wuxuuna diiday inuu tahay wasaaradda qorsheynta, isaga oo door-biday in daahfurka qorshaha qaranka ee shanta sano lagu dhex-qabto Villa Somalia. Ugu dambeynna, shalay wuxuu dhaawacyada qaraxa ugu tagi waayey isbitalka, isagoo ka doorbiday inuu maanta ku booqdo garoonka Aadan Cadde, oo ka amni wanaagsan isbitalka.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiy ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. View the full article
