Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Two UN agencies said Friday some 5,087 Somali refugees have so far returned home from Yemen since it started an Assisted Spontaneous Return (ASR) program in 2017. The UN Refugee Agency(UNHCR) and the International Organization for Migration (IOM) said 39 organized departures have now taken place from Yemen to Somalia since the ASR program commenced two years ago. “IOM provides operational support to refugee return movements through chartering a boat, providing medical support upon arrival and transportation assistance to the refugees’ final destinations,” said the UN agencies. The agencies said a boat carrying 145 Somali refugees left the Port of Aden on Thursday and was due at the Port of Berbera on Friday in the latest departure. Amongst those who departed on Thursday was 20-year-old Naima who is hoping to go back to school in Somalia. “She had to stop her education 10 years ago when her father got sick. Naima was left helping her mother around the house and working in the family business,” said the UN agencies. “I hope to be able to go back to school, complete my education, study medicine, and one day become a doctor,” said Naima. According to the UN, Yemen hosts the world’s second-largest Somali refugee population, around 250,000 refugees. It is a long-standing refugee host nation and the only country in the Arabian Peninsula which is a signatory to the Refugee Convention and its protocol. But, after more than four years of conflict in Yemen — the situation for civilians, refugees, asylum seekers and migrants has deteriorated, said the UN agencies. The ASR program is facilitated by UNHCR in partnership with IOM, and in cooperation with humanitarian partners and authorities in Yemen and Somalia. According to UNHCR, refugee movements from Somalia to Yemen have been taking place since the 1980s and continued following the outbreak of civil war in Somalia. View the full article
  2. Somalia’s former President Sharif Sheikh Ahmed has met the Jubbaland regional state president Ahmed Madobe and former South West state president, Sharif Hassan Sheikh Adan, at his residence in the Kenyan capital, Nairobi. The leaders reportedly discussed the political situation in the country and the 2020/2021 elections. The leaders, who have been in Kenya for the last few weeks, have been holding meetings to discuss political re-alignment ahead of the 2020/2021 elections. However, the outcome of these meetings has not yet been revealed. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-14122019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiiru dawlihii hore ee wasaaradda duulista Somaliland Axmed Nuur Faahiye ayaa ka hadlay Murrashaxnimada guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee ku dhawaaqay Maxamuud Xaashi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Khartoum)-Fadhig maxkamadda waxaa markii hore harreeyay dibadbaxayaal taageersan Cumar Xasan Al-Bashiir kuwaas oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka. Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda. Markaa ka dib waxaa Al-Bashiir lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, mana la geyn doono xabsi caadi ah, balse waxaa lagu hayn doonaa xarun dhaqan-celin. Waxaa lagu helay in uu galay dembi musuqmaasuq. Kiiskan waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan. Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan. “Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,” ayuu yidhi garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo inta ku daray: “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.” Sababta aan xabsi caadi ah loo geyn wuxuu garsooraha maxakamadda ku sheegay in Al-Bashiir uu yahay 75 sano jir – taasna waa sabab kale oo dad badan oo reer Sudan ah ay u dareemayaan in xukun fudud lagu riday. Madaxweynihii hore ee Sudan, wuxuu xilka ku qabsaday afgembi dhacay sannadkii 1989-kii, waxaana xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, 2019, ka dib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday dalkaas. Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sidoo kale wajahayaa eedo la xidhiidha doorkii uu ku lahaa afgembigii uu xukunka kula wareegay. Balse weli ma cadda in Al-Bashiir loo maxkamadeyn doono tacaddiyadii xuquuqda aadanaha ka dhanka ahaa ee dhacay muddadii uu xilka hayay – sida xasuuqii Darfur. Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ayaa Al-Bashiir u raadineysa dacwad la xiriirto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin kuwii ka dhacay Darfur. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Ilme yar oo 9 bilood jiray ayaa ku dhintay ,laba carruur ah oo kalena waa ku dhaawacmeen , kadib markii uu dab qabsaday Hoygooda oo ku yaalla xaafadda Libaaxyada ee magaaladda Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada dab damiska Somaliland , qaybtooda magaaladda Hargeysa. war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland ee Hargeysa ayaana u qornaa sidan:- Alle haw naxariistee Ilmo yar oo Sagaal BIlood Jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku Qabsaday xaafada Libaaxyada ee Magaalada Hargeysa. Labadii kale oo kala ahaa wiil iyo Gabadh ayaa ciidanka Dab-demisku gaadhsiiyeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo. Caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay Lugta uu ka sii xidhnaa. Source
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-May ee Somaliland ay ugu dabaal degto maalinkii ay ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay dalka Soomaaliya, u aqoonsatay inay tahay maalin fasax. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidaasi ku sheegay waraaq rasmi ah oo uu kala diray shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gudaha deegaanada Somaliland. Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-ka May shaqaalaheeda ugu dartay maalmaha fasax ah ee sanadka soo socda ee 2020-ka, sida lagu cadeeyay waraaqda rasmiga ah ee maalmaha fasax, midaasi oo ku taariikhaysaneed 9-Dec-2019. Waxa sidoo kale warqadaasi lagu sheegay in maalinta 18-ka May ay fasax noqon doonaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala gudaha Somaliland oo keliya, maadama ay tahay maalinta madax-banaanideeda. Warqadan ay UNSOM shaqaalaheeda ku wargelinaysa maalmaha fasax ayaa waxa kale oo ku jirtay maalinta 26-juun, midaasi oo lagu sheegay inay fasax ahaan doonaan shaqaalaheeda Soomaaliya iyo Somaliland. UNSOM ayaa marnaba warqadeeda ku xusin in shaqaalaha uga howl-gala gudaha Puntland ay maalinkaasi 26-juun ay fasax ahaan doonaan, halka ay ku dartay UNSOM in shaqaalaha Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya ay fasax yihiin maalinka 1-Luulyo, oo ah maalintii midnimada iyo xoriyada. Talaabadan uu Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu soo daray 18-ka May maalmaha fasaxa ah ee shaqaalihiisa ayaa u muuqata mid uu iskala mid uga dhigayo shaqaalaha kale ee ka howl-gala gudaha Somaliland, oo iyagu maalinkaasi hore u ahaa fasax.
  8. Answering questions from the state prosecuting attorney, Chelsey Cardilli described a family rift between her father and 25-year-old brother who disapproved of her relationship with [...] Source
  9. Maalmahan waxay dooddiisu socotaa sharciga doorashooyinka ee uu soo turxaan bixiyey Guddigii uu Baarlamaanku u saaray dib u eegista sharciga doorashooyinka. Inta badan doodda ayaa hal dhinac u socota marka laga reebo dhowr ruux oo lagu tiriyo in ay madaxweyne Farmaajo la jaal yihiin. Sharciga cusub wuxuu meesha ka saaray in cod-bixintu ay noqoto hal doorasho deegaan (single constituency), oo wuxuu soo jeedinayaa doorasho deegaan ku saleysan maamul goboleedyada haatan jira (multiple constituency), wuxuu kaloo meesha ka saaray in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, Xisbi walbana loo xisaabinayo codadka guud ee uu helo, xisbiguna uu go’aaminayo liiska murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, wuxuuna soo jeediyey nidaamka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka hal-dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka iyo liiska furan oo ah in aan loo hoggaansamin sidii liiska doorashada horteed loo dejiyey, magacyaduna u kala horreeyeeen. Wuxuu kaloo meesha ka saaray in Madaxweynaha uu ka imaanayo Xisbigii hela 50+1 xildhibaannada Baarlamaanka, taasoo khilaafsan qodobka 89aad ee Dastuurka. Doorasho toos ah mise doorasho qof iyo cod ah. Doorasho qof iyo cod ah waa in shacabku si toos ah oo xakameyn la’aan ah ugu codeeyaan ciddii ay doonaan oo si madax-bannaan ama Xisbi ka socda ee u tartamaya kuraasta Baarlamaanka. Haddiise kuraasta Baarlamaanka la sii kala suntado oo 275 ka kursi beelihii kala lahaa ay sidoodii u kala leeyihiin, muwaaddinkuna uu kala dooranayo musharraxiinta beesha oo keli ah, lama oran karo waa doorasho qof iyo cod ah, laakiin waxay noqon kartaa doorasho toos ah oo aan ahayn mid dadban. Doorashadii 2016 kii waxay ahayd mid dadban oo odayaasha dhaqanka ay soo xulayeen ergooyinka codka bixinaya, halka musharraxa u taagan kursiga Baarlamaanka uu si madax-bannaan isku soo taagayey, kursiga lagu tartamayana ay lahayd beeshii loo suntay. Laakiin sharciga dooddiisu ay haatan Baarlamaanka ka socoto waa doorasho toos ah, laakiin ma aha qof iyo cod. Keliya hannaan doorashadii 2016 kii waxaa lagu soo kordhiyey dhowr qodob oo la oran karo waa horumar iyo tallaabo horay loo qaaday, waxaana qodobbadaas ugu muhiimsan 1- In musharraxa kursiga Xildhibaanka uu Xisbi soo sharaxayo, halkaas waxaa ka baxaya musharraxii iskiis oo madax-bannaan isku soo taagayey iyo 2- In cod-bixiyaashan ay si toos ah isku diiwaan geliyaan oo aysan u baahneyn in oday dhaqan soo magacaabo, iyadoo ay cod bixiyayaashu isku diiwan gelinayaan 275 ka kursi, qofkiina uu hal kursi oo keli ah ka codayn karo. Waxay u baahan tahay in la helo nidaam diiwaan gelin ee lagu wada kalsoon yahay. Hannaanka doorashada tooska ah waa mid fudud oo haddii loo hawl galo la qaban karo ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka dowladda haatan jirta. Doodaha is diiddan. Waxaa jira doodo is diiddan oo ku gadaaman sharciga doorashooyinka. Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay weli olole ugu jiraan in doorashadu ka dhacdo meel kasta oo dalka ah isaga oo dalku yahay hal deegaan doorasho (Single national Constituency), in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, xisbiguna yahay midka go’aaminayo liistada murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, iyo in madaxweynaha uu ka yimaado Xisbigii hela aqlabiyad fudud oo 50+1 Xildhibaan oo ah 140 Xildhibaan. Tuhunka hannaankaas laga qabo ayaa ah in Farmaajo uu is leeyahay maaddaama amniga dalka waxba laga qaban, ayna adag tahay in doorasho deegaan dalkoo idil laga hirgeliyo in duruufaha amni dartood doorashada kuraasta ugu badan lagu qabto magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka codeeyaan waxa loogu yeero xoogagga waddaniyiinta, kuwaasoo uu horay u diyaarsaday Doodda muddo kororsiga. Waxaa jira xildhibaanno badan oo ku doodaya in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidaas-darteed Baarlamaanka haatan jira ugu yaraan muddo 2 sano ah xilka loo kordhiyo, uuna doorto guddoon baarlamaan iyo Madaxwayne cusub. Su’aasha ugu wayn ee hor-taagan dooddaas ayaa ah hawshii 4 sano lagu qaban waayey miyaa 2 sano lagu qabanayaa? Madaxwaynaha ma yeelayaa in Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, isagana doorasho loo diro. Waxaase imaan kara dood oraneysa ha loo wada kordhiyo. Doodda ah ha la wada kororsado waxaa dilaya in aysan jirin sabab taas keeni karta. Haddi qabasho la’aanta doorashada xildhibaannada loo saariyo sababo iyo duruufo amniga la xariira, doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa lagu qaban karaa tiiba maalin. Maxaa haddaba lagu sababeynayaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka?. Haddiise madaxweynuhu uusan muddo kordhin heleynin, muxuu ka macaashayaa muddo kordhinta Baarlamaanka? Haddaba doodda muddo kordhinta ma aha mid shaqayn karta, waxaana taas ka sii daran in Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadeed aysan marna yeeli doonin iyo beesha caalamka oo ay ku adkaan doonto in ay tageero siiiyaan dowlad aan sharciyad haysanin, dibna loogu laabanayo ku meel gaar. Doorasho toos ah. Waxaa muuqata in doodda la isku wada raaci karo ay tahay in la hirgeliyo qabashada doorasho toos ah, taasoo ka dhigan horumar lagu sameeyo doorashooyinkii 2016 ka. Lama oran karo doorasho qof iyo cod ah, maaddaama kuraasta Baarlamaanka ay yihiin kuwo horay beelo loogu sii suntay, cod-bixiyuhuna ku qasban yahay inuu qabiil u codeeyo oo uusan fursad u heli karin in qofkii uu doonayey u codeeyo. Cod-bixiyuhu weli waa xanniban yahay, laakiin wuxuu xor u yahay in uu kala doorto qabiilka. Doorashada qof iyo codka ah ee hannaanka dimoqraadiga ah cod-bixiyuhu deegaan doorasho kiisa dhaafsiisan kama codayn karo, laakiin cidii uu doono ayuu kursiga u go’aamin karaa. Maaddaama cod-bixiyaha uusan oday dhaqan soo xulaynin ee uu toos isku diiwan-gelinayo, waxaa la oran karaa cod-bixintu waa mid toos ah. Guntii iyo gebogebadii waxaa habboon in xildhibaannada Baarlamaanka ee ku doodaya muddo kordhiska in ay meel iska dhigaan damaca muddo kordhinta, sidoo kale Madaxweynahana waa in uu ka haraa hammiga uu is leeyahay xoogag waddaniyiin ha ku doortaan, doorasho is daba maris iyo ku shubasho ah aad meel marsatid. Sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. (GMDQ) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) in ay iska daayaan dhalanteedka ah in la qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ee loo soo wada jeesto sidii loo qaban lahaa doorasho toos ah oo xilligeeda ku dhacda. Haddaba Haddii meel la iska dhigo damacyada waalan, lana xeeriyo danta shacabka, xasilloonida dalka iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa abuurmaya jawi looga wadashaqeyn karo sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo is-oggol iyo isla-guddoon ku dhisan. Waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in meel u dhaw madaxtooyada lala yimaado ilaalo marka laga reebo madaxda sare. Ilaalada mas’uuliyiinta iyo qof kasta qori ama bastoolad wadata ayaa loo ogoleen in ay ka soo gudbaan kontaroolada, Sayidka, Ceelgaabta iyo Xaawo Taako oo ah saddexda kontarool ee laga soo galo Villa Somalia. Kaliya waxaa ciidan loo ogol yahay Guddoomiyaasha Baarlamaanada iyo ku xigeenadooda, iyo taliyaasha iyo taliye xigeenada koowaad oo kaliya. Dadka uu amarkaan saameeyay waxaa kamid ah dhamaan wasiirada, xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee labada Gole iyo agaasimyaasha, taliye xigeenada labaad ee qaybaha ciidamada iyo saraakiisha kale ee dowladda. Dhowr wasiir oo maanta isku dayaya inay aadaan Villa Somalia ayaga oo wata askar ayaa dib loo soo celiyey, sida ay sheegeen. Sidoo kale waxaan la ogeyn sida uu amarkaan u saameeyay xubnaha beesha caalamka maadaama aysan wali imaanin agagaarka madaxtooyada tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii dhacay. Sidoo kale gaadiidka aan xabadda karin ee beebayaasha iyo kuwa kale ee gaashaaman ayaa saakay la dhigay dhamaan agagaarka madaxtooyada iyadoo dibadda loo soo saaray ciidamo dheeraad ah. Ciidanka ilaalada ah ee mas’uuliyiinta la socda ayaa sidoo kale loo ogoleen in ay fariistaan halka lagu reebay si ay u sugaan masuuliyiinta ay la socdaan waxaana jira cabsi xoog leh, dood iyo muran arrintaan ku saabsan. Arintaan ayaa ka dambeysay weerarkii ay Al-Shabaab habeeno ka hor ku qaadeen hoteelka SYL ee u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
  11. Haweeney garaacday seygeeda oo la xidhay Caroline Flack waxaa la filaya in maxkamad ay ka soo hor muuqato 23-ka Bishan December Caroline Flack oo soo jeedisa barnamijka lagu magacaabo Jasiiradda Jaceylka, ayaa lagu oogay dacwad ah xadgudub ah in ay qof garaacday ku dhex garaacid gurigeeda London ku yaalla. Booliska ayaa laga soo wacay guriga haweeneyda 40 sano jirta ah, halkaas oo ay ku wada noolayeen seygeeda oo ah nin ciyaara Teenis-ka oo lagu magacaabo Lewis Burton. Askarta booliska ah ayaa guriga tagay ka dib markii lagu wargeliyay in nin lagu xadgudbay. Ninkas dhaawac culus ma uusan garin, sida booliska ay sheegayaan. Ms Flack ayaa hortagi doonto maxkamad ku taalla London, 23-ka bishan December. xilligaas inta lag gaarayana waxay magaalada ku joogtaa damaanad lacag ah. Haweeney u hadashay adeegga gurmadka caafimaad ee degdegga ah waxay tiri: “Waxaa 12-kii bishan nalaga soo wacay guri ku yaalla Islington”, oo ah xaafad ka tirsan London. “Waxaan isla goobta ku daweynay laba qof, mid ka mid ahna waxaan u qaadnay Cisbitaalka.” Afhayeen u hadlay Caroline Flack wuxuu sheegay: “Waxaan xaqiijineynaa in booliska ay yimadeen guriga Caroline, ka dib dhacdo gaar ah oo guriga quseysa. “Waxay la shaqeyneysaa dadka ay quseyso si arrinta loo xalliyo. Wax dambe ma ka dhihi doonno arrintan sababo la xiriira sharciga aawadood”. Qaran News
  12. Vladimir Putin: 20 sano iyo 20 sawir Vladimir Putin ayaa dhawaan xusi doona 20 sano oo u hogaaminayay Ruushka, xilliyadaas oo ahaa madaxwayne ama rai’sul wasaare, waxaa soo maray dhibaatooyiin siyaasadeed iyo dhancdooyiin waawayn. Bill Clinton ayaa madaxwayne ka ahaa Mareykanka markii ugu horeysay oo Putin uu noqdo madaxweyne oo ahayd 31 december 1999-kii, xilligaas oo uu ahaa sargaal ka tirsanaa sirdoonka dalkaas ee loo garanayo KGB. Tan iyo xilligaas oo ah 20 sano, waxaa Mareykanka soo maray saddex madaxwayne, halka UK ay soo mareen shan ra’isul wasaare. Intii uu xilka hayay oo ay soo wajaheen fadeexado gudaha ah, kuwa dhanka ciyaaraha ah iyo sawiro dacaayad ahba, waxaan maanta eegeynaa sawirada qeexaya Mr Putin iyo 20 sano oo uu awoodda hayay. Vladimir Putin waxaa loo magacabay rai’sul wasaare bishii August 1999 ka hor inta usan xilka madaxwaynanimada kala wareegin Boris Yeltsin 31 December Putin ayaa ra’isul wasaare loo magacaabay markii ay Ruushka billaabeen howlgalkii labaad ee Jeejniya, bishii October 1999, ka dib weeraro lala eegtay dhismeyaal. Ciidamada Ruushka ayaa isku gedaamay caasimadii Jeejniya ee Grozny. Sannadkii 2003-dii, Qaramada Midoobay waxay magaaladaas ku tilmaamtay in burburkii ugu badnaa uu soo gaaray marka caalamka loo eego. Mr Putin ayaa u duulay Jeejniya March 2000, bilo ka dib markii howlgalka la bilaabay Muddo sannado ah, waxaa dalka Ruushka ka dhacayay weeraro ay fulinayeen kooxa mintidin ah, waxaana weeraradaas ka mid ahaa midkii 2004 lagu qaaday iskuulka Beslan oo ay ku dhinteen 330 qof oo ay intooda badan ahaayeen caruur. Mr Putin waxaa markii ugu horeysay si toos ah loo doortay bishii March 2000, muddo bilo ah gudahoodna waxaa soo wajahday dhibaato dhanka xiriirka bulshada ah. Musiibadii markabkii Gunjiska ahaa ee Kursk waxa ku dhintay 118 oo ahaa shaqaalihii saarnaa. Putin oo la kulmaya qaraabada dadkii ku dhintay musiibadii Kursk Markii uu gujiskaas quusay, bishii August 2000, Ruushka maalmo ayey ku qaadatay in uu wargeliyo ehellada dadkii ku dhintay halkaas oo ahaa dalxiisayaal. Putin iyo George W Bush oo Texas, ku kulmay 2001 Tobonkii sano ee ugu horeysay ee uu xafiiska joogay, Vladimir Putin wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa wadamada reer galbeedka in kastoo uu dhalleeceynayay siyaasaddooda arrimaha dibadda. Putin iyo Berlusconi oo xilli xagaa ah ku sugan goob duurjoogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla waqooyiga Moscow 2003 Boqoradda Britain Elizabeth II iyo Vladimir Putin 2003 waana markii ugu horeysay oo ay boqortooyada UK casuunto hoggaamiye Ruush ah tan iyo 1874 Ruushka ayaa marti galiyay shirkii ugu horreyay ee dalalka G8, 2006. Angela Merkel, Tony Blair, Jacques Chirac, Vladimir Putin iyo George W Bush 2006 shirkii G8 ee St Petersburg Sida ku qoran dastuurka Ruushka, Putin madaxweyne ma ahaan karo seddax xilli oo isku xiga, sidaa darteed, 2008 wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare oo afar sane uu ahaa. Dadka qaar waxay madaxweynihii xilligaas u arkeen qof meesha isaga magacaaban oo u hayay ninkii isaga madaxda u ahaa. Mr Putin oo booqanaya ciidamo ku dhaawacmay dagaalkii Georgia iyo Ruushka Markii Georgia ay ciidamadeeda u dirtay gobolka koonfurta Ossetia 2008, Ruushka ayaa gudaha u galay Georgia. Sannadkii 2014 waxaa Ruushka ay qabsadeen gobolka Crimea ee bariga Ukraine taas oo keentay in Mareykanka iyo Yurub ay cunaqabatayn saaraan Ruushka lagana saaro xubinnimadii G8. Putin oo ku dhawaqaya qabsashadii Crimea Waa Putin oo sawir la qaadanaya dad ku sugnaa Creamia mar uu booqday 2019 Volodymyr Zelensky, Emanuel Macron, Vladimir Putin iyo Angela Merkel magaalada Paris bishii December 2019 Dagaalka Suuriya ee socday afarta sano wuxuu Putin taageero u fidiyay madaxwayne Bashar al-Assad, oo markii hore qarka u saarnaa in ay dowladiisa burburto. Go’aankii Mr Putin uu diyaaradaha iyo gawaarida gaashaaman ugu diray Suuriya ayaa badalay saaxada dagaalka ee dalkaas. Putiniyo Bashar al-Assad 2017 Ka dib guushii Donald Trump ee doorashadii Maeykanka 2016, waxay ugu dambeyn waaxda sirdonka Mareykanka sheegtay in Ruushka u farageliyay doorashada. Putin oo gacan qaadaya madaxwayne Donald Trump Sannadkii 2018, UK ayaa Ruushka ku eedeysay in ay dalkeeda gudihiisa ku sumeeysay nin horey uga tirsanaa sirdoonkii Ruushka, Sergei Skripal. Theresa May iyo Vladimir Putin oo is gacan qaadaya Xilligiisii xafiiska, madaxweynaha Ruushka waxaa loo arkay in uu dhowrayo sumcaddiisa iyo sumcadda dalkiisa. Sawirro la shaaciyay xilliyo kala duwan oo ah muddadii uu xilka hayay, waxaa loo arkay in lagu muujinayay in uu yahay nin adag oo awood leh. Putin oo sita qori ah nooca shiishka wanaagsan Putin oo Eey kula la ciyaaraya xillii uu baraf jiro 2013 Vladimir Putin oo ciyaaraya ciyaarta la ciyaao xilliga barafka Ruushka waxay sidoo kale marti galiysay ciyaarihii koobka aduunka ee 2018-kii iyo ciyaarihii Olambikada 2014. Madaxwayne Putin waxa uu door muhim ah ka ciyaaray martigalintii Koobkii aduunka 2018 Qaran News
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka isaga ka hadlay arrimo badan oo manhajka, ardeyga iyo guud ahaan waxbarashada dalka ah. Mr. Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar yihiin ilaa hal milyan oo buug iyo buugaag kale oo lagu hago macalimiinta oo gaaraya ilaa 102,000 Sida ay qortay Villa Somalia, buugaagta ayaa loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Dowladda federaalka ah waxaa ay si rasmi ah gacanta ugu heysaa ilaa 25 Iskuul oo ay dhigtaan 65 kun oo ardey, waxaase manhajka qaarkiis sida arrimaha bulshada in lagu dhigo Soomaali lagu dhaqaa iskuullada gaarka loo leeyahay ama ay maamulaan dalado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan Puntland waxba ka soo gaarsiin Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya. “Deeqda caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa, gacanta dowladda Federaalkayna ku jirtaa, waxaan ognahay Bakhaaro xiran oo deeq ah oo aan ka baqeyno in ay halkaa ku dhacaan oo ku expire-garoobaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari. Abwaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay, in ay umadda Soomaaliyeed si siman u wada-gaarsiiyaan Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xeraysan yihiin bakhaaro waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “ Dowladda Federaalka, waxaan leenahay, Deeqda aad haysaan, oo bakhaarada ku xiran, oo dadka Soomaaliyeed la idiinku dhiibay idinku ma lihidine, umadda Soomaaliyeed u soo gudbiya sida ay tahayna u gaarsiiya, maalinta Qiyaamada adduun iyo aakhiraba waa wax la idinkula xisaabtamayo” ayuu sii raaciyay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, si adag loogula xisaabtami doono Deeqaha ay Caalamka ka soo qaadaan ee bakhaarada ugu xeraysan, xilli dadka Soomaaliyeed ka baahan yihiin. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Cabdisamad Abwaan: Deeqda Caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa Puntland waxba kama soo gaaraan appeared first on Puntland Post.
  15. Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa mar kale kasoo muuqday maxkamad xukunkeeda muran badan ka dhashay kadib markii ay isku soo baxeen dad badan oo isaga taageersan. Maxkamadda Al-Bashiir oo ku bilaabatay jawi dagan ayaa mar qura isku badashay qeylo iyo khalalaaso kadib markii ay maxkamadda isku gadaameen taageerayaal badan oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka. Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda, iyadoo arrintaas loo adeegsaday ciidamo tiro badan oo Boolis ah. Murankaas kadib maxkamadda ayaa Al-Bashiir ku riday laba sano oo xabsi iyadoo lagu helay in uu galay dembi musuq-maasuq. Balse waxaa yaab lahaa in maxkamaddu sheegtay inay Al-Bashiir la geyn doonin xabsi caadi ah, balse lagu hayn doono xuran dhaqan celin ah. Musuq maasuqa lagu helay Al-Bashiir ayaa waxaa ugu weyn $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday oo ay ciidamada Dowladda la wareegeen gurigiisa. Al-Bashiir oo maxkamadda horteeda ka hadlayey ayaa sheegay in lacagta $25 milyan oo dollar ay aheyd hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, si gaar ah wuxuu u tilmaamay inuu ka helay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga. Garoosraha Maxkamadda Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo soo saaray xukunka ayaa yiri “Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.” Bishii April ee sanadkaan 2019 ayey aheyd markii xilka laga tuuray madaxweyne Al-Bashiir kadib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday jidadka waaweyn ee dalka Suudan.
  16. Nabaddoon Imaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah ergadii dhawaan loo diiwaan geliyey soo xulista xulidhibaannada Galmudug ayaa sheeg in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka saartay liiskiisa nabaddoonada ee ku sugan magaalada dhuusamareeb. Nabadoonka ayaa ku eedeeyey wasaaraddu in ay ka dhex wado nabaddoonada musuqmaasuq midkii ay rabtana ay soo xulanayso midkii aysan rabina ay a tageyso, waxaana uuna xusan in wasiirka booskii uu isagu ku jiray lagu badalay nin ka yimid qurbaha waxaana uu yiri ” Aniga magaceygu waxaa uu ku jiraa saxiixayaasha Numbarka 5-aad liiska adduunka oo dhan ayaa heysta kuwa rasmigaa ayaan ka mid ahay, aniga oo sugaaya inaan xaroodo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ay soo saartay liis kale oo mardhow uu soo saaray wasiirku nin oday ah oo aan qaraabo nahay oo qurba jooga Ingiriiska dagan ayuu ku soo daray aan odayna dhaqan ama siyaasad ku matala beesha, wasiirka ayaana sameeyey arrinkaas” Sidoo kale Nabddoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in nabaddoonada dhexdooda ay ka jirto musuqmaasus iyo cadaalad darri bahsan ayna samaynayso wasaaradda arrimaha gudaha waxaana uu yiri” ” Arrinkaasi waa xadgudub, waa cadaalad darri, musuqmaasuq ayaa meesha ka jira, dowladda Soomaaliya musuqa ayaan la dirireynaa ayeey tiri lakiin wixii lagu heshiiyey oo ahaa Galmudug saxiixayaasheedu in ay aasaas noqdaan aniga ayaana ahaa ninka ugu mudnaa haddii Galmudug la abaal marinaayo” Dhanka kale Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa xusay in faragelin baahsan lagu haayo saxiixayaasha Galmudug badalka asaga lagu sameeyey uu yahay mid ka socda dowladda dhexe gaar ahaa Villa Soomalia waxaana uu yiri” Faragelin ayaa lagu hayaa sixiixayaasha Galmudug waxaa faragelin ku haayo dowladda dhexe, wasaaraddeeda arrimaha gudaha, Villa Soomaalia ayuu ka socdaa arrinta aniga la igu badalay” Ugu danbeyn Nabadoon Imaan Jimcaale Faaraxayaa carabka ku adkeeyey in ninka lagu badalay uu yahay qof laga soo saxiisay Villa Soomalia uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu yiri ” Ninka aniga la igu badalay oo odayga ah waxaa uu suuqa dhexdiisa la taagan yahay anigu waxaan wataa sixiixa Madaxweynaha dadka reer Galmudug waa ogyihiin” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka.
  18. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide. Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweyne Deni u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya amni iyo horumar. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga labada dhinac. View the full article
  19. Nawaal Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa sheegtay in muddo sagaal sano ah Sayigeeda uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed. Hooyadan oo heysta inan ayaa sheegtay in Sayigeeda la xiray iyadoo gabar yar ah, welina ay sugeyso, waxaana ay intaasi ku dartay in loo heysto Burcadbadeednimo. Sidoo kale Nawaal ayaa ugu baaqday dowladda federaalka inay ka caawiso, sidii uu xorriyaddiisa dib ugu heli lahaa ninkeeda oo muddo fog aynaan is arkin. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ww.mp3 View the full article
  20. Kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay Shaaciyeen in Heshiis laga gaaray Khilaafkii Maamul u Dhisida Galmudug ayaa waxaa durba Arinta ka hadlay qaar kamid ah [...] Source
  21. SOMTURK Agro Expo 2019 oo ah bandhigga ugu weyn ee Ganacsiga, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha & kheyraadka Quwadda looga maarmo adeegsiga Shidaalka ee dhalinta Korontada ama Layrka ee lagu qabto Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ay hirgelinteeda iska kaashanayaan Jaamacadda Zazam ee culuumta iyo Teknolajiyadda iyo Shirkadda daabacaadda iyo xayeysiiska ee Signjet waxa kaqaybgalay Wasiirka ganacsiga iyo Wershadaha Eng: Cabddullaahi Cali Xasan, Shaqada & Shaqaalaha xildh: Saddiiq Warfaa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waraabka & Beeraha Dr Xaamud, xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, kuxigeenka guddoomiyaha gobolka iyo shirkadaha ganacasiga ee bixiya waxsoosaarka iyo adeegga ee Soomaaliya. Maxamed Maxamuud Beerey oo katirsan Zamzam Foundation oo kaqaybgalay furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qaybgalayaasha Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo sidoo kalana u mahadceliyey shirkadaha ganacsiga ee kaqaybqaatay hirgelinta Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga sida Zamzam University, Zamzam foundation, Dahabshiil Group, Salaam Somali Bank, Save the children & Turkish airways. Xildhibaan Dr: Cabdi Cali madaxa guddiga nabadgelyada cuntada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyey SOMTURK Agro Expo ayaa sheegay in waxsoosaarka Soomaaliya uu wajahayo mashaakil badan oo u baahan in dowladda iyo Hay’adaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay kaalin iyo gacan weyn ka geystaan sidii ilaha waxsoosaarka waddanku u yeelan lahaa awood u ku dhaqaaqo. Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ambassador Mehmet Yılmaz, oo hadal ka jeediyey munaasabadda furitaanka SOMTURK Agro Expo 2019 oo ay kaqaybgaleen ganacsato Turki ah ayaa u mahadceliyey hay’adaha taabbageliyey SOMTURK Agro Expo 2019 isaga oo dhiirrigeliyey dadaalka dib u hagaajinta Waxsoosaarka Beeraha iyo ganacsiga Soomaaliya. Wasiir kuxgeenka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Dr Xaamud ayaa dhankiisa sheegay in dadkii Soomaaliyeed ee beeraleyda ahaa ay barakacayaal ku yihiin Muqdisho ayna dhibaato kataagan tahay dhulkii beeraha iyo Webiyada. Carwada SOMTURK Agro Expo 2019 waxa ay ka soconeysaa magaalada Muqdisho maalmaha 14-15-16 – Dec-2019.
  22. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xil ka qaadis uu ku sameeyey xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo. Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxaa ka hor yimid guddooniye ku xigeenka gobolkaasi, guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow. Cismaan Nuur Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga G/Gedo ayaa sheegay in markiiba horeba aysan wada shaqeyn toos ah la laheyn maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in waayadii dambe ay xiriir fiican la lahaayeen dowladda dhexe. Xaaladda gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed laga dareemayey gobolkaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan loo diiday inuu gudaha u galo degmooyin ka tirsan G/ Gedo. View the full article
  23. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay isagoo ku hadlaya afka Madasha ay ku mideysan yihiin Qaar kamida Xisbiyada Qaran ayuu wuxuu [...] Source
  24. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa. Madasha Dooxa oo qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article