Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Argagixiso la dirirka ay ka wadaan xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay kaga hortagayaan weerarada inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa dhankooda sheegay in ujeedka baaritaanadooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyadaan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka shacabka ee ku dhaqan xadka labada dal. Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, waxaana ugu dambeeyey weerarkii magaalada Wajeer, kaas oo lagu qaaday gaari Bus ahaa oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsana Booliska dalka Kenya. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-141219-sx.mp3 View the full article
  3. Addis Ababab (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Itoobiya, Axmed Shide, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa ay labada mas’uul ku soo hadal qaadeen iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga iyo horumarka Puntland. Madaxweynah Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay sare loo qaado wadashaqeynta ay la leedahay Itoobiya, isagoo oo u rajeeyey shacabka iyo dowladda amni iyo horumar ballaaran. Dhankiisa Axmed Shide ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin inay dardar geliyaan arrimaha kala dhexeeya maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Putland. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo ku sugnaa Addis Abab uu ka waday abaabul siyaasadeed oo looga soo horjeedo xukuumadda Siciid C/laahi (Deni). Dagaalka labada mas’uul oo weli taagan ayaa waxa uu sababay in xildhibaanadii laga xayuubiyo Dhoobo Daareed, kadib kulan ay todobaadkii hore mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
  4. Arsenal have distanced themselves from comments made by Mesut Özil on Instagram, in which he spoke out strongly against China’s persecution of the Uighur population in the north-western region of Xinjiang and criticised Muslims for not doing more to highlight the issue. Source: Hiiraan Online
  5. Ethiopia is set to receive $2.9 billion from the International Monetary Fund, adding much-needed impetus to Prime Minister and Nobel laureate Abiy Ahmed’s economic reform agenda. Source: Hiiraan Online
  6. Controversial U.S. Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, talked Friday with incoming Lewiston City Council member Safiya Khalid after a political rally in New Hampshire. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaada inay waddo qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan gudaheed uu billaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan Cadde. “Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd, runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto, laakiin waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka.” Ayuu yiri wasiir Oomaar. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maadaama dhul ku filan oo banaan oo garoonka lagu ballaariyo uusan jirin oo uu badda ku teedsan yahay, inay dhanka badda u ballaarin doonaan garoonka qyeb ahaan. “Dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo oo carro lagu shubo ayaan ballaarinta u adeegsan doonnaa, balse mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Horey waxaa u jiray qorshe ay isku raaceen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, oo xukuumadda ay garoonka cusub uga dhisey dhanka waqooyiga Muqdisho ee xadka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse illaa iyo hadda lama shaacin halka uu ku dambeeyey qorshahaas. Wasiirka Oomaar ayaa bishii October sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub, islamarkaana qorshaha dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaan inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka. Hase yeeshee, hadalkan cusub ee uu ku sheegay ballaarinta garoonka Aadan Cadde, ayaa muujinaya inay u eg tahay in qorshihii garoonka cusub uusan hir-gelin.
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku dhacay hoyga Sheekh Shariif oo Axmed Madoobe uu soo booqday. Sida qoraalka lagu sheegay, kulanka waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka loo maraayo doorashada 20/21, waxaana kulanka qayb ka ahaa Senator Ilyaas Cali Xassan oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga Horusocod Qaran. Wax faahfaahin ah oo intaas dheer lagama bixin kulanka. Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa isku siyaasad ka ah xaaladda dalka ee iminka, ayaga oo kasoo horjeeda qaabka ay dowladda wax u waddo. Dowladda ayaa horey u diiday islamarkaana sharci darro ku tilmaamtay doorashadii Axmed Madoobe, halka Sheekh Shariif uu aqoonsaday kana qeyb-galay caleemo saarkiisa. Labadooda iyo Shariif Xasan ayaa sidoo kale isku aragti ka ah nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020, oo ay rumeysan yihiin inaysan noqon karin qof-iyo-cod marka la eego xaaladda dalka, waxayna ka digeen in ku dhegnaanta arrintaas ee dowladda ay tahay xeelad waqtiga lagu kororsanayo.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay heshiiska ay gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku saleysan dowladda cusub ee loo dhisayo Galmudug. Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug, taasi oo macnaheed yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka. Qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada aan joogsiga lahayn ee ay sameeyaan hoggaanka dowladda iyo Ahlu-Sunna, iyo saamileyda kale ee ay arrintan quseyso, si qodobadii la isku hayey loogu xaliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in beesha caalamka rumeysan tahay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhisidda maamul lagu mideysan yahay oo xasiloon oo Galmudug ay yeelato, kaasi oo muhiim u noqon doona dhaqaajinta ahmiyadaha qaranka ee 2020. Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa dhinacyada ay quseyso arrinta Galmudug ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda, islamarkaana la xaqiijiyo hanaan ka tarjumaya hadafyada dhammaan bulshooyinka Galmudug. “Hanaankan [doorashada] waa in natiijadiisu noqotaa mid caddaalad ah, la isku haleyn karo, oo cad, kaasi oo ay aqbali karaan dhammaan shacabka Galmudug.” ayaa lagu soo geba gebeeyey qoraalka. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray; AMISOM, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, IGAD, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, QM iyo Mareykanka.
  10. The introductions are a formality meant for any newcomers to the weekly Saturday meeting, called to order before much of the city is awake. But, in truth, the women inside this Weston Road classroom already know each other intimately. They’re neighbours and friends who call each other “sister.” They know all too well why they’re here. There’s Shamso Mohamoud, whose 18-year-old son was shot in the head near a Yorkdale Mall housing complex in 2008. There’s Shamso Elmi, whose 24-year-old son was killed in 2015 in Vancouver. There’s Ayan Ali Abddow, whose 17-year-old son was fatally stabbed outside an Etobicoke apartment in 2016. There’s a mother whose son is recovering from a stabbing — “he’s alive, thank God,” she says — and a young woman whose brother was recently fatally shot, and yet another who had buried her nephew Irshad the day before. He was shot and left on the side of a Kitchener highway last month. “We are all nervous in the neighbourhoods that we live in — and if there is one problem with one family, it affects all of us,” says Halima Adan, a Jane and Finch-area mother who fears for her son’s safety. Every woman here has been touched by the violence they say is crippling their community. But this is not a support group, though it serves that function, too. Rather the 100-plus women in the Mending a Crack in the Sky initiative are an example of what happens when grief is channelled into action, when anger fuels a drive for change. And on Monday, they are set to achieve a years-long goal when the Toronto police board is expected to formalize a partnership board chair Jim Hart calls “unprecedented.” If passed, the mothers will play an active role in bridging the wide gap between their community and police. They’ll meet directly with police chief Mark Saunders and help broker lines of communication with local police officers working in the city’s west side, where many Somali families live. It could serve as a pilot project for other community-police partnerships. The move comes at the end of a year that’s seen record levels of gun violence: More than 270 people have been killed or injured in shootings so far in 2019, dozens more than the highest year-end total in 15 years. The mothers say their Canadian-born Somali youth face disproportionate gun and gang violence, and the north-west part of Toronto — the area many call home — has once again been a hotspot for shootings this year. Fifty-three per cent of Toronto’s shootings this year have occurred within the six police divisions that would formally partner with the mothers under the proposed agreement, an area covering the west side of the city, including all of Etobicoke and the western portion of North York. “They are an impressive group of passionate women who have been through a lot,” Hart said in an interview this week. “They deserve some change.” But not everyone is on board with the partnership. The mothers have faced harassment and even death threats from community members who wrongly believe the women will be working as police informants. Still, they’re resolved. Ali Abddow’s eyes brim with tears as she speaks of her son Saed. “When your kid has died,” she says, “you’re not scared of anything.” The grief that galvanizes these mothers arose where they thought they were safest; most came here to escape a deadly Somali civil war that began in the 1980s. But after fleeing the violence, it found them here. Co-founder Shamso Mohamoud’s life was upended on March 15, 2008, when a gunman fired into a crowd of young people outside an apartment building near Lawrence Avenue West and Dufferin Street. After the bullets stopped flying, five people lay injured and her son was dead. Abdikarim Abdikarim was just 18. He was in Grade 12 at George Harvey Collegiate Institute and was enjoying March break. His mother remembers he was a joker — “my name’s so nice, my momma named me twice,” he liked to say. The high-profile shooting led to calls for action. Then-mayor David Miller promoted a campaign for a national handgun ban, saying he’d met too many grieving mothers. His tenure had seen a spike in gun violence, including the “Year of the Gun” in 2005, when the city saw 53 fatal shootings. An emotional Abdi Warsame, once a neighbour of Abdikarim’s family from back in Somalia, issued a warning at an event launching the campaign. “You should listen to us,” he said. If we won’t do something about the gun, he said, Toronto “will become like Mogadishu.” Abdikarim’s death made his mother want to escape. Once a busy personal support worker and a school bus driver, she stopped working and became depressed. She begged her two other sons not to leave the house. She relocated to Alberta, and briefly moved back to Somalia. “I was running,” she says. When she returned to Toronto in 2014, she found a community still grappling with violence, poverty and lack of opportunity. Gang activity and shootings in one area begot more of the same elsewhere. “It was getting worse and worse and worse,” she says. “These kids didn’t know anything about war, but these kids were scared and they started to use guns too. They said nobody is doing anything so you have to defend yourself.” Whether it was to the graveyard or jail, she says, parents who’d moved for a better life were losing their kids. Some were wondering, was is safer back in Somalia? In 2015, Shamso Elmi found herself among the grieving. Her son Hussein Mohamud died in Vancouver just before his 25th birthday in a summertime killing she believes was racially motivated. No one has been convicted in his death. The mother of seven arrived in Canada in 1987, and worked teaching life skills to fellow newcomers. Over the years, she’d met and helped other families dealing with the loss of a child to violence. Then she was among them. “I didn’t want to go home and be depressed. I thought, ‘what can I do?’” She connected with Mohamoud, and together the two women formed a peer-support network for mothers across the GTA and beyond who had lost a child to violence. The initiative, which they called Mother Outreach Workers, offered acute emotional support immediately after a death. Source: The Toronto Star
  11. The introductions are a formality meant for any newcomers to the weekly Saturday meeting, called to order before much of the city is awake Source: Hiiraan Online
  12. The federal government has suspended the operations of Turkish Airlines in Nigeria due to the airline’s perceived poor treatment of passengers. Source: Hiiraan Online
  13. MINNEAPOLIS — Minnesota state government will continue to consent to refugee resettlement, Gov. Tim Walz said Friday, in response to a recent presidential executive order that requires consent from states and counties. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweyne Deni u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac. Madaxweyne Deni oo muddo 20 berri ah safar ugu maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu berri oo Sabti ah dalka dib ugu soo laabto. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Axmed Shide oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  15. Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2020/2021. “Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya” ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe. “Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddo 20 berri ah safar ugu maqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe iyo labo Shariif oo ku kulmay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta kala eryeen dad Muqdisho ku xusayay sanad-guuradii koowaad ee dadkii lagu laayey Baydhaba, islamarkaana dalbanaayay in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Dadkan oo maanta isugu yimid mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, oo ay xafaladda ku dhiganayeen, ayaa waxaa u yimid ciidamo ku socda laba gaari, kuna war-geliyey inaanay qaban karin kulan ceynkaasi oo kala ah, ciddii amarkaasi jebisana ay tallaabo adag ka qaadayaan. Ciidamada ayaa sidoo kale amar siiyey maamulka Hoteelka, una sheegay in la joojiyo xafladda, waxaana kadib goobtii ku kala tagay dadkii isugu yimid. Sidoo kale, saddex taleefishin oo muuqaallo ka duubay goobta ayaa waxaa mamaulkooda la xiriiray maamulka Koonfur Galbeed, una sheegay inaysan muuqallada sii dayn, ayaga oo u ballan-qaaday lacag taasi oo ay ogolaadeen. Maanta oo kale 13-kii bishii December ee sanadkii hore ayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya waxay ay Madaxtooyada Baydhabo ka dhex qabteen Abuu Mansuur, iyagoona saacad gudaheed ugu soo gudbiyay Magaalada Muqdisho. Abuu Mansuur oo sideed bilood ku xirnaa Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Habar Khadiijo ayaa afartii bilood ee ugu dambeysay xabsi guri ku ahaa guri ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya. Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee jegada ku ciriiran karay Madaxweynaha haataan ka arrimiya Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Ka dib soo qabashadii Abuu Mansuur ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay rabshado dad lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay.
  17. S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay Socdaal uu maalmahan ku marayay degaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo ku yaalla Koonfur bari gobolka Mudug,, halkaasi oo ay dhowaan ku dagaallameen laba beelood. Taliyaha ayaa sheegay, in uu halkaasi u tegay Nabadeynta labada beelood ee dirirto dhexmartay, islamarkaana uu la kulmay odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac, si loo joojiyo colaadda iyo dagaallada soo noq-noqday ee u dhexeeya beelahaasi ood-wadaagta ah. Gen. Cabdixamiid Dirir ayaa beeniyay warar ay Warbaahintu qortay oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay is-hor-taag ku sameeyeen, xilli uu doonayay in uu galo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, si uu kulamo ula yeesho Waxgaradka iyo odayaasha degmadaasi. Sidoo kale, Taliyaha ayaa beeniyay warar kale oo sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geynayso degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, si ay u kala dhex-galaan beelaha halkaasi ku dagaallamay. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Gen Cabdixamiid Dirir: Ma jiraan ciidamo ay dowladda Soomaaliya geynayso Towfiiq iyo Afbarwaaqo appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-13122019.mp3 View the full article
  19. Washington (Caasimada Online) – Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa maanta ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo. Guddi hoosaadka garsoorka ayaa maanta codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen. Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xiriira inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020. Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda. Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood. Si kastaba, Senate-ka oo ay maamulaan Jamhuuriga, ayaan la fileyn inay madaxweynaha ku helaan dambiyada lagu eedeeyey kana saaraan xafiiska. Xigasho: VOA + Reuters
  20. DAAWO:Masuuliyinta Degmada Warcibraan Ee Gobolka Togdheer Oo Qaylo Dhaan Ka Muujiyey Ayax Degmadaasi Ku Dhashay. Source
  21. Abdi-Mahad Abdullahi is one of the many small traders in Adado, in central Somalia’s Galgadud region, struggling to keep his business going because of the upheavals around the national currency, the Somali shilling. Source: Hiiraan Online
  22. Shoukry discussed with his Somali counterpart Ahmed Issa Awad boosting bilateral relations and other issues of mutual interest. Source: Hiiraan Online