Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala eegtay guddoomiyihii hore ee degmadaasi, balse uu ka badbaaday. Qaraxa oo ka dhacay bartamaha Baraawe ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan degmada Baraawe oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana meesha uu qaraxu ka dhacay baaritaano kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala halkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Afartii bishaan December ayey aheyd markii ay qarax miino ku dishay guddoomiyihii hore maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Maxamed Yarow kaas oo ka dhacay duleedka degmadaasi.
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyada Dr.Sacad Cali Shire ayaa sheegay in miisaniyada cusub ee la ansaxiyay ay guud ahaan macalimiinta dalka u kordhinayaan mushaharaadka, waxa sida oo kale uu sheegay in aanu wax is casilaad ah u gudbin madaxweyne Biixi isla markaasna aanay maskaxdiisaba ku jirin. Wasiir Sacad ayaa sida oo kale ka hadlay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada intii uu xilkaas hayay, waxaanu arimahan uga waramay tilifishanka Horyaal, waxaana isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada uu yidhi “ Waxaan is leeyahay waxyaabo badan ayaad wasaarada ka qabatay waxa ugu horeeya maamul wanaaga, isla markiiba waxaanu bilownay maadaama oo ay ahayd sanad dhamaadkii sidaan uga shaqayn lahayn miisaaniyada cusub 2018 isla markaasna aanu qorshe ugu samayn lahayn 2019-ka, waxaanu dhamays tirnay hawl soo socotay oo ah istaraatiijiyada dheer ee wasaarada maaliyada, waxaan ku soo kordhiyay saddex qaybood oo cusub iyo labaatan qaybood oo kale, waxaanu culayska saarnay sidii aanu xooga u saari lahayn tayada shaqaalaha oo aan u tababari lahayn darawalka ilaa madaxda, waxaanu samaynay qoraalo aan ka yarayn ilaa sodon ilaa afartan oo ku saabsan maamulka iyo habraaca wasaarada, waxaanu aad iyo aad ugu da’daalnay nidaamka BFM-ka dib u habynta maaliyada qaranka, markaas farsamo ahaan heerkay maanta joogtaa waa mid ka sareeya kaan ugu nimi ayaan is leeyahay, xaga wax soo saarkana waxaan is leeyahay aad ayaad ugu guulaysateen sidaad u soo saari lahaydeen dakhligii qorshaysnaa.miisaniyadu sideeda ayay nuugu soo xarootay bishan aynu ku jirno horaanteeda iyo 11 kii bilood ee ka horeeyay waxii aanu qorshaysanay inay noo soo xaroodaan waa noo soo xaroodeen.” Wasiirka ayaa la waydiiyay cashuuraha cusub ee laydhka iyo tilifoonada ay ku soo rogeen iyo sida ay u qaadayaan “ Cashuurtan cashuur cusub maaha waa tii iibka laakiin markii ugu horaysay ayuunbaanu ku bilownay adeegyada tilifoonada iyo korontada, xaga cashuurta wali qalab maanu qaybin oo in yar oo tijaabo ah ayaanu soo iibsanay laakiin wali maanu ku wada qaybin goobaha ay tahay in cashuurtaas laga qaado, sideedaba maadaama oo ay ganacsatadeenu iska tahay mid aan qoraal ku salaysnayn cashuuraha aanu qaadno oo dhan waxay ku salaysan yihiin is aamin shirkada inta u shaqaysa waan ku aaminaa, mushaharka shaqaalaha waanu ku aaminaa,macaashu macaashka waanu ku aaminaa markaas aaminaad ayuu aad ugu xidhan yahay markaas marxaladan aynu marayno aaminaad aanu ku qabo waxii ay qaranka u qabteen in aanay ku baaqanayan laakiin mustaqbalka in loo sameeyo agabkii lagu ilaalin lahaa cashuur walba. hadii aan ka shakino in lacagta ay qaadeen ay ka badantahay lacagta ay soo gubiyeen baadhitaankeeda ayay u baahantahay oo taas waa la sameeyaa, markasta oo haayad laga qaadayo cashuur hadii aanay waaqsanayan tii laga filaayay waa la baadhaa.” Waxa uu wasiirku maaliyadu sheegay inay sanadkan mushaharka u kordhinayaan macalimiinta dalka“ Sanadkan waxa miisaaniyada ku jirta in 25% loo kordhinaayo macalimiinta, miisaaniyadeenuna ma wada awoodi karto in shaqaalaha mar loo wada kordhiyo oo shaqaalaheenu waa ilaa kunton kun.” Ugu danayntii wasiir Sacad Cali Shire oo la waydiiyay inuu madaxweyne Biixi u gudbiyay is casilaad waxa uu yidhi“Waxba kama jiraan, isma casilin mana dalban niyadana kuma hayo.” Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Jaamac Shabeel, Prof Cabdi Cali Jaamac iyo Abwaan Kujare oo magaalada Burco ku sugan ayaa sheegay in ay halkaasi u joogaan hawlo ku saabsan xisbiga KULMIYE. Jaamac Shabeel ayaa taageeray musharraxnimada Maxamuud Xaashi waxaanu meesha ka saaray hadalka Axmed Cabdidheere guddoomiye xigeenka KULMIYE. Source
  4. Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi, kadib markii dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabelle. Saa Fuleel Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ayaa sheegay in biyo badan ay weli dhex fadhiyaan xaafadaha Mahadaay, ayna ka dhasheen cuduro kala duwan. Wuxuu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in ay jiraan dad uu soo ritay Shuban Biyood, cudurka duumada iyo cudurro kale oo ka dhashay fatahaadda Wabiga. Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in aanay weli jirin gurmad ay ka heleen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Hirshabelle. “Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney socdaan qorsheyaasha lagu dedejinayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka wasaaraddan Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan. Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka. “In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii heshiis la gashay culimada Ahlusunna Waljamaaca. Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’dda Barakacayaasha Ee Somaliland Md. Cabdikariin Xinif ayaa ka hadlay Murrashaxnimada Maxamuud Xaashi ee guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.arbi Source: goobjoog.com
  8. Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si aad ah u xoojiyey amniga waddooyinka soo gala dhismaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka la soo dhoobay koontaroolada ka agdhow madaxtooyada, kuwaas oo wada dhaq dhaqaaq lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay mas’uuliyiinta qaar ilaalada uga reebaan afafaaka hore ee madaxtooyada Qaranka. Wararka ayaa sheegaya in kaliya loo ogol yahay in illaaladooda ay la gudbaan, wasiirada, wasiir Ku xigeenada, taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta xilalka sare haya. Arrintan ayaa sababtay in saaka waddooyinka ka agdhow Villa Soomaaliya lagu arko ciidamo fara badan oo laga reebay mas’uuliyiintii galay xarunta Madaxtooyada. Sida ay ogaatay Caasimada Online tallaabadan cusub ayaa timid, kadib weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday hoteelka SYL, kaas oo ay fuliyeen 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dowladda ayaa qorshahan ku dooneyso inay ku xoojiso amniga, ugana hortagto in weeraro kale ay agagaarka madaxyooyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab. Weerarkii SYL oo dhacay habeenkii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu qaatay ku dhowaad 8 saacadood, waxaana ku dhintay illaa 5 qof oo askar ay ku jiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
  10. Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay kulankooda warbixin uga dhegaystaan, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa mudanaasha dhegaysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta Baarlamanka hor-tegaya appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan. Madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka. Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa maalmaha fasaxa sannadka 2020 ee shaqaalaha ku daray maalinta 18 May ee la soo noqoshada Qaranimada Somaliland. Xafiiska UNSOM ayaa waraaq rasmi ah oo ku taariikhaysan 9 December 2019, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika arkay, wuxuu u kala diray shaqaalaha ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay warqadaas ku soo bandhigeen fasaxyada rasmiga ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sannadkan. Fasaxyada sannadkan 2020, waxa ku jirta 18 May oo ah maalinta la soo noqoshada Qaranimada Somaliland, waxaana fasax ahaan doona shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland oo keliya. “(18 May Independence day (Somaliland only).” Ayay warqadu u qorantahay. 26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, waxa iyana fasax ahaan doona shaqaalaha Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay ku jirin kuwa Puntland, sida warqada ku xusan. Maalinta 1-da July oo ah maalintii ay Midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya waxa fasax ahaan doona shaqaalaha ku sugan Soomaaliya oo ay Puntland ku jirto. Source
  13. (SLT-Caynaba)-Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ka Hadlay Nin Shacab Ah Oo Ciidammada Boolisku Ku Dileen Duleedka Magaalada Caynaba, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. President Uhuru Kenyatta and Garissa Township MP Aden Duale are expected to open Modika Air Base today. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddida Dhexdhexaadinta Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridka Oo Mar Kale La Kulmay Madaxda Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Burundi’s forgetful 2019 CECAFA Senior Challenge hit another low on Friday as they lost 1-0 to Somalia, completing a wretched run of four defeats in as many matches at the KCCA Lugogo Stadium in Kampala, Uganda. Source: Hiiraan Online
  17. For decades, the highly patriarchal Somali community has locked out many women from participating in practically all fields of life, shoving them into the dark corners of oblivion, thanks to retrogressive cultural practices. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT- Aljeris)-Tobannaan kun oo qof ayaa waxa ay iskugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, iyagoo ka mudaharaadaya natiijooyinka doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay. Waxa ay ku qeylinayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan ninka doorashada ku guullaystay, waa ra’iisul wasaarihii hore Abdelmadjid Tebboune, kaas oo hore daacad ugu ahaan jiray hoggaamiyihii xilka laga qaaday Abdelaziz Bouteflika. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro qaabka ay ku dhisan tahay siyaasadda dalkaas. Maalintii codbixinta waxaa dalkaas ka dhacay dibadbaxyo iyo baaqyo ah in la qaadaco doorashada. Mr Tebboune, oo 740jir ah, ayaa waxa uu ku guulaystay 58%, taas oo ka badbaadisay inuu aado wareeg labaad. Hasayeeshee isaga iyo afarta musharax ee kale ayaa waxaa lagu dhaleeceeyeen inay aad ugu dhawaayeen maamulkii Mr Bouteflika. Madaxweyne Bouteflika ayaa xilka banneeyay kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dalkaasi oo dhan ka dhacay. Hasayeeshee dibadbaxyada loogaga soo horjeedo dowladda ayaa sii socday tan iyo markaas oo joogto ayey ahaayeen. “Codka waa lagu shubtay. Doorashooyinkiina waxba nagama gelin madaxweynihiinana nama maamuli doono,” waxaa sidaasi ku qaylinayay dibadbaxayaal Jimcihii isugu soo baxay badhtamaha magaalada Aljeris. “Tebboune waa uu ka xun yahay Bouteflika,” ayey tidhi mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Meriem oo ah 31-jir dowladda u shaqeysa. “Maynaan codayn mana tanaasuli doono.” Source
  19. Two UN agencies said Friday some 5,087 Somali refugees have so far returned home from Yemen since it started an Assisted Spontaneous Return (ASR) program in 2017. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide. Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac. Source
  21. (SLT-Doha)-Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gaadhay Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay socdaalkiisan Magaalada Doha ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiin kale. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa waxay Caasimadda Qatar kaga qaybgalayan Madasha Doha, oo lagu wado inay ka qaybgalaan madax ka socota dowladaha dunida qaarkood iyo hay’ado caalami ah. Doha Forum ayaa waxaa sannadkan lagu wadaa in lagaga hadlo arrimaha amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxaana uu socon doonnaa maalmaha Sabtida iyo Axada. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Doha waxaa uu la kulmi doonnaa Madaxda Qatar iyo masuuliyiinta madasha ka qaybgaleysa qaarkood. Waa safarkiisii afraad oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ku taggo Magaalada Doha, mudada saddexda sano ku dhow ee uu xafiiska jooggo. Source
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay illaa shan dhalinyaro ah oo la sheegay inay ku biiri rabeen kooxda Al-Shabaab. Gudoomiyaha Ismaamulka Siaya, Michael ole Tialal, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay qorsheynayeen inay ka gudbaan xadka, si uga mid noqdaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya. Michael ole Tialal ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanku ay heleen xog ku aadan raggaasi, islamarkaana ay ka hortageen qorashahaasi. Sidoo kal wuxuu tilmaamay in dhalinyaradaasi uu qorayey nin ka mid ah dadka deegaanka, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ninkaan uu sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka, sidoo kalena uu ku soo tababartay gudaha Soomaaliya. “Ninka la tuhmayo in uu Al-Shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya, isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Mar Tialal. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen gaari Bus-ah oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi.
  23. (SLT-Washington)-Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa shalay ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo. Guddi hoosaadka garsoorka ayaa shalay codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen. Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xidhiidha inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baadhitaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020. Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baadhitaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda. Madaxweyne Trump waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaad ka dambeyso. Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood. Si kastaba, Senate-ka oo ay maamulaan Jamhuuriga, ayaan la fileyn inay madaxweynaha ku helaan dambiyada lagu eedeeyey kana saaraan xafiiska. Source
  24. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Mduane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2020/2021. “Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya” ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe. “Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka. Mas’uuliyiintaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo halkaasi ka waday kulamo looga hadlayo xaaladda dalka. View the full article
  25. Wasiirka Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameeynta fatahaadda uu webiga Shabeelle ku yeeshay dadka degan Degmada Afgooye iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka. Wasiirka Gargaarka Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalado adag oo xagga nolosha ah ay ka jirto degmooyinkii uu ku fatahay webiga Shabeelle. “Guddiga Arrimaha fatahaadda ayaa ka walwalsan xaaladda ka jirta Degmada Afgooye, afar xaafadood oo magaalada ka mid ah ayay saameysay oo xaalado adag ka jirta, fatahaaddu waxay kaloo saameysay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, ha ahaadeen Qoryooleey iyo Awdheegle oo xaalado beni’aadanimo ay ka jirto”ayuu yiri Wasiir Caruush. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen hay’adaha samafalka si gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle, waxaana uu dowladda Federaalka ka codsaday inay gacan ka geysato “Baahiyaha gaar ah ee hadda taagan ayaa ah in dadkan ay helaan cuntooyin, mara kaneeco iyo teendhooyin maamaada ay ka soo barakaceen guryahooda oo aysan heysan hooy iyo meel ay gabaad kaga dhigtaan qabowga dhaxanta iyo roobka, waxaana rajeynayaa in dadkan ay gurmad deg deg ah heli doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed. View the full article