-
Content Count
214,025 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada gobolkaas, oo bilihii dhowaa ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maamulka iyo dowladda federaalka. Digreeto kasoo baxdey xafiiska madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa xilka lagaga qaadey qaar ka mid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey mas’uuliyiin cusub. Cismaan Xaaji Nuur, ayaa waxaa laga qaadey xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo, waxaana lagu beddaley Maxamed Xuseen Cismaan oo noqonaya guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo ee cusub. Wareegtada ayaa sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Gardhuub looga qaadey xilka guddoomiyaha degmada Luuq, waxaana lagu beddaley Bishaar Aadan Cabdikariim. Guddoomiyaha Luuq ee xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa saddex guddoomiye oo dhowaan sheegay inay u go’een dhanka dowladda federaalka, xilli la sheegay inay sidaas ku cadaadisay dowladda Itoobiya oo qafaalatay. Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa waxaa isna laga qaadey xilka guddoomiyaha degmada Baardheere waxaana lagu beddaley Ismaaciil Cabdi Qorax. Wareegtada laguma sheegin wax sabab ah oo xilalka looga qaaday xubnaha la beddelay.
-
Two suspects in the Wajir terror attack that left 11 travellers dead will remain in police custody for 30 days for police to complete the probe. Source: Hiiraan Online
-
Somali women are making inroads into the traditionally male domain of livestock marketing in the central Somalia town of Adado. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Suldaan Lugadheere) ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal kuwa kalana magacaabay. Digreeto kasoo baxday xafiiska Suldaan Lugadheere ayaa xilkii looga qaaday Cismaan Xaaji Nuur, oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee gobolka Gedo, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Xuseen Cisman (Ganey). Gudoomiyihii degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gadhuub ayaa isna xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabay Bishaar Aadan Cabdikariin (Afjabay). Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdullahi Nuur Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Ismaaciil Cabdi Qorrax (koofi). PUNTLAND POST The post Jubbaland: Guddoomiyeyaal xilalkii laga qaaday iyo kuwa kale oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku guul-dareystay isku day la rabay in taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya, General Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo taliska 21-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed looga hor-istaago inay galaan degaanka Towfiiq oo ka tirsan gobolka Mudug. Taliyaha iyo xubnaha la socda oo dhawaan gaaray degaano ka mid ah bariga gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in la joojiyo dagaal geystay khasaare badan oo ka dhacay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq, islamarkaana maleeshiyaadii hubeysanaa ee halkaasi ku sugnaa laga dhaadhiciyo in ay ku qancaan waanwaanta ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee, taliyaha iyo ciidankii uu watay oo shalay gelinkii dambe u dhaqaaqay degaanka Towfiiq oo ay ku sugan yihiin mid ka mid ah beelaha dagaallamay si dhankooda ay kulamo ula qaataan ayna ugu qanciyaan in ay nabad waddaan, ayey Puntland isku dayday inay hor-istaagtoo. Maamulka Puntland ayaa u diiday taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya in uu galo degaanka Towfiiq, waxaana gaaray Towfiiq gudoomiyaha gobolka mudug ee Puntland iyo wasiir ka tirsan Puntland oo dadka degaanka u sheegay in aysan soo gali karin degaanka Towfiiq. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa diiday tallaabadda Puntland, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay dad badan ku dhinteen, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka doonayaan in ay degaanka nabad ka dhigto, maadaama Puntland iyo Galmudug ay horay ugu fashilmeen. Ugu dambeyntii taliyaha ciidanka lugta ayaa galay degaanka Towfiiq, waxaana uu halkaasi kula yeelan doonaa kulamo kala duwan odayaasha dhaqanka. Taliyaha ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland, waxaase dhowaan xilkan u magacaabay madaxweyne Farmaajo.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jamce ah u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qadar. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa kaga qeyb galaya shirka madasha Dooxa oo looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha Caalamka iyo hey’ado caalami ah ayaa soconeysa 14 iyo 15, December 2019. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017. Wasiirka arrimaha dastuurka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinaya safarka uu ugu baxay dalka Qadar. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u dhoofay Qadar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xiisad xoogan oo ka taagan degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Xiisadda oo u dhaxeysa Al-Shabaab iyo dadka degaanka ayaa ku haysa Ceel-biyood iyo waxa ay ugu yeeraan Zakaawadka. Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay belaan nin muddo sanado ah hayey maamulka ceel-biyoodkaasi. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay xayiraad kusoo rogeen degmadda Luuq ee isla gobolkaas. Xayiraadda ayaa yimid kadib markii ay u yeereen odoyaal ku nool degmadaas, balse maamulka degmadaas uu ka hor-yimid. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Al-Shabaab.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Qaar kamid ah dadweynaha ku nool degaanadda Galmudug ayaa soo dhaweeyay heshiiska dowladda iyo Ahlu Sunna. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay in Ahlu Sunna loo saxiixay in 20-Xildhibaan ku yeelaneyso baarlamaanka cusub. Shacabka iyo wax-garadka bogaadiyey heshiiska ayaa sheegay in ay dhabaha u xaareyso dhismaha maamul loo dhan yahay. Xukuumadda federaalka ah ayaa ku howlan sidii ay degaanadda Galmudug uga dhisi lahayd maamul goboleed qayb ka noqda horumarka dalka. Odayaasha Dhaqanka oo dhankooda soo dhaweeyay heshiiska ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay kaalin ka qaadan doonan dhaqankiisa. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/SA.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay ka shaqeyneyso balaarinta garoonka diyaaradaha Muqdisho. Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar], wasiirka duulista hawada, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in qorshahaan uu meel fiican marayo. Mr Oomaar ayaa daboolka ka qaadey in talaabadan ay ka dambeysay markii ay kordheen diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyadda ku imaanaya. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ah midka ugu balaaran guud ahaan waddanka ayaa waxaa uu kamid ah kaabeyaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/AD.mp3 View the full article
-
Afgooye (SMN) – Dabley ayaa degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay askari ka tirsan dowladda. Askariga la toogtay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Canshuur Qaadista ee ee magaaladaas. Kooxaha hubeysan ee falkaas ka dambeeyay ayaa ka baxsaday halka ay wax ka dhaceen oo ay gaareen laamaha amaniga. Ma jirto urur sheegatay mas’uuliyadda falkaan. Hay’adda nabad-gelyadda ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falkaan lagu khaarijiyey askariga oo maanta dhacay. Dilkan ayaa kusoo aadaya xili shacabka degmadda ay walaac badan ka muujinayeen ammaanka magaaladda Afgooye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-131219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019. Waa markii saddexaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. Wxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Qatar, oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyeen Boosaaso. Howlgaladda laga sameeyay xarunta gobolka Bari ayaa ka dambeeyay markii dabley ay xalay weerartay sarkaal ka tirsan ciidamadda nabad-gelyada. Sarkaalka ayaa la sheegay in la beegsaday isaga oo ka tukaameysanaya bartamaha magaaladda isla markaana uu ka badbaadey isku daygaas. Wararka ayaa sheegaya in ruux Itoobiyaan ah kana soo jeeda qowmiyadda Oromadda uu ku naf-waayey rasaasta ay tuureen kooxaha hubeysan. Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, waxaana mas’uuliyiinta ay shaaca ka qaadeen in ay la tacaalayaa. View the full article
-
Beledwayne (SMN) – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ku dhacday degaanka Biyo-neef ee dhaca duleedka degmada Buula Burde, gobolka Hiiraan. Saraakiisha ammaanka gobolkaas hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ayaa shaaca ka qaadey in ay baaritaan ku wadaan qaabka ay kusoo dhacday iyo cidda iska leh. Taliska ciidamadda AMISOM iyo midka Xoogga Soomaaliyeed ayaa tegay meesha ay diyaaradda kusoo dhacday oo ah dhul beeraley ah oo miyiga ku yaala. Inta badan ciidamadda Mareykanka ayaa adeegsada diyaaradaha drones-ka, waxaana ay ku fuliyaan weerarada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay sarkaal ka tirsan Ciidamada daraawiishta Puntland ku dileen Gudaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen iyadoo Saraakiisha ammaanka ayna weli ka hadlin dilka ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa kadib markii 8 bishan December koox hubeysan ay askar ku dileen gudaha magaalada Boosaaso, halka Sidoo kale shalay Dableey hubaysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish oo sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaal lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Cabbaa, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso Magaalada boosaaso ayaa waxaa ku soo batay dilal qorsheysan oo fuliyaan kooxaha hubeysan, iyadoona ciidamada ammaanka ay baaritaano ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland. Warkan oo ay baahisay Idaacada VOA ayeey Goobjoogayaal u sheeegeen in kooxdii dilka u geysatay sarkaalka markiiba baxsadeen iyadoo ciidamadu ku guuldareysteen inay qabtaan. Laamaha Amaanka dowlad gobolleedka Puntlanad ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen isla toddobaadkan bartamaha magaalada gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyaga oo dilay Labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka la weerarray. Xaalada Amaanka magaalada Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay u muuqatay mid aan daganeyn iyadoo ay ka dhaceen weerarro is xig xigay oo dhimasho iyo dhaawacba sababay. Source
-
Masar (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Aswan, dhiggiisa dalka Masar, Mudane Sameh Shukry. Waxa ayna ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii lagu xoojin lahaa oo dhinacyo kala duwan leh. Labada wasiir ayaa waxa ay isla fallanqeeyeen muhiimadda ay leedahay hore u dhaqaajinta geedi socodka wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u adeegaya dano wadaagga laba dal ee walaalaha ah. Sidoo kale kulanka la iskula eegay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac ay danaynayaan. View the full article
-
(SLT-London)-Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay. Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha. Iyada oo ay hadhay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay la saadaalinayaa in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78. Rai’sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad “uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub ” islamarkana uu UK ka saaro Yurub. Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay “habeen aad uu u niyad jabay “islamarkana aanu u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda. Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah. Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaadhnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay. Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub. Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya. Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaadhay, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives. Source
-
Muqdisho (SMN) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad [Indha Cadde] ayaa wax laga waydiiyey sababta ay qaraxyadda uga dhacaan magaaladda Muqdisho. Indha Cadde oo u waramayey Shabelle ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee huteelka SYL ay gudbiyeen rag ka tirsan dowladda. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa wuxuu ku booriyey in ay isbedel dhab ah la yimaadaan isla markaana xoojiyaan xaqiijinta ammaanka. Weerarkii hotel SYL oo ay xarakadda Al-Shabaab sheegatay ayaa waxay dowladdu shaacisay in lagu dilay shan ruux oo saddex kamid ah ay askar yihiin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Indha-Cadde.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd. Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta. Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go’aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta. Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye. Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay’adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay’adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka. View the full article
-
Popular Contributors
