-
Content Count
214,025 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen. Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in dadka xoolo dhaqata ay la dagaalameen Al-shabaab, islamarkaana waxaa uu ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sidioo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xaaladda ay dagan tahay, islamarkaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Horay ayaa waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dad is aruusaday oo la Magac baxay Macaawuusleey, kuwaas oo sheegay inay Shabaab dhibaato kala kulmeen. Al-Shabaab ayaa xoola dhaqatada iyo beeraleyda ka qaado lacago ay ku sheegeen inay yihiin sako balse ay dadka shacabka ah ku sheegeen in la xalaaleysanayo xoolahooda.
-
Ayada oo Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu horyaallo sharciga doorashooyinka si doorasho loogu qabto 2021-ka ayaa waxaa socoto doodo arrintaas la xiriira. Markaan ka anba qaadno sharciga dorashooyinka ee hadda horyaalla golaha shacabka, waxaana soo baxaayo kala aragti duwaanta xildhibaannada ee ku aadan nooca doorasho ee 2021-ka dalka ka dhici karto iyo deegaannada. Xidhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay barnaamijka madasha ee Goobjoog TV ayaa sheegay in sharciga horyaal golaha shacabka uu dalka gaarsiin karo in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod waxaana uu yiri” Nidaamkaan waxaa uu uga dhigan yahay in shacabka Soomaaliyeed in 2020 ay codeeyaan, ayna u codeeyaan cidii Baarlamaanka Soomaaliya umatali laheyd oo ayaga codkooda xanbaarsan Madaxweyne u dooran laheyd oo ayagoo codkooda xanbaarsan Ra’iisalwasaare uga soo dhex bixi lahaa, in dadkaas ay doortaan ayey uga dhigan tahay meel loo raaco xildhibaannada joogo lama yaqaan Madaxweynahana waad ogtihiin 30 iyo intaas oo sano ayuu dibadda jiray” Sidoo kale xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan ayaa xusay in nidaamaka doorasho ee hadda dalka uu qaatay yahay mid lagu ilaalinaayo in mar kale dalka dib ugu markale ugu laabto kali talisnimo waxaana uu yiri” Waxaad ogtihiin wadankaan heerka uu maanta joogo waxaa soo gaarsiiyey Madaxweyne awood leh aan lala xisaabtameen, in Baarlamaankii uu awooda yeesho waxaa ay ka dhigan tahay awooddii waxaa heysta shacabka, waxaa la ilaalinayaa in Madaxweyne awood leh oo ku takrifal awoodiisa kalitalis inuu abuurmo ayaa la ilaalnayaa, waxaana laga cararayaa in dib loogu noqdo cuqdadii ka dhalatay kalitalisnimada”. Dhanka kale xildhibaan Maxamed Jaamac Geele ayaa meesha ka saaray in xiligaan dalka ay ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka, waxaana uu xuay in Baarlamanka uu doonaayo mustaqbalka inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu yiri” Anigu maqabo in xiligaan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah Somaliland waa goballo naga maqan walina dastuurkeena ku leh matalaadoodii ku keh Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya doorasho kama dhici kareyso, hadaan ka imaado Somaliland waxaa jira gobal kamid ah gobalada Koonfureed Jubada dhexe guud ahaan gacanta waxaa uu ugu jiraa Al-shabaab caasimaddiisi Bu’aale Jilib, Saakoow, Salagle kuli Shabaabaa koontaroola yaa matalaya dadkaasi mala gaarsiin karaa waaye, nimanka Stadium Muqdisho laga dhisiwaayey miyaa shacabka feel loo galinaa, dalka waan rabnaa in doorasho qof iyo cod ah aan gaarsiino shacabkuna nagu taageero laakiin macquulba maahan doorasho qof iyo cofd ah hadda ” Ugu danbeyn xidhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay dowlad gobaleedyada oo ah goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ay dowladdu ugu dhaqaaqday burburin ayna macquul aheyn meelo la dumiyey in doorasho ka dhacdo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waad og tihiin dalkaan intiisa badan waxaa ka taliya dowlad gobaleedyo goobaha doorashooyinka lagu qabanaayo haddii aad tiraahdo dowlad gobaleedyadii waan la dagaalamayaa oo lacag ayaan ku bixinayaa burburintoda kala dirkooda doorashadiina waxaan rabaa inaan qabto macnaheedu waxaa waaye oo qof waliba oo caqli eh uu fahmi karaa in xukuumadda aysan ka daacad aheen in doorasho la qabtee ay muddo korarsi ayeey raadinayaan”. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-13122019-sax.mp3 View the full article
-
Student activists mobilize as Somalia faces severe flooding
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Student activists mobilize as Somalia faces severe flooding Source: Hiiraan Online -
LONDON (AP) — British media reports say the Conservative Party has secured a majority by winning 326 seats out of 650 in the House of Commons. Source: Hiiraan Online
-
The Ambouli Friendship Dam constructed by the Turkish state-run agency State Hydraulic Works (DSİ) in Djibouti to prevent flooding Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa qarka loo saaran yahay in magaalada Muqdisho la waayo gaadiid ka shaqeeya kadib markii ay go’een inta ugu badan wadooyinka magaalada caasimadda ah. Dadweynaha ku nool gobalka Banaadir iyo wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in bilo kadib la weyn doono gaadiid ka shaqeeya Muqdisho, haddii aan la helin xal deg deg ah si loo baajiyo qatarta soo wajahan ee dhanka gaadiidka. Saddexda dhibaato ee ugu daran islamarkaana ka taagan Muqdisho ayaa kala ah. 1 – Inta ugu badan wadooyinka Muqdisho waxay u xiran yihiin dowladda Soomaaliya oo dhigtay ciidamo ka celiyo gaadiidka nuucyadiisa kala duwan. 2 – Qaar kale oo kamid ah wadooyinka Muqdisho waxaa lagu jaray dhagaxaan iyo carra tuurro kuwaas oo aan suurta gelin karin in gaadiidka iyo dadweynaha ay isticmaalaan. 3 – Iyo dhibaatada 3-aad oo ah inta soo hartay wadooyinka magaalada Muqdisho ay jareen roobabka ka da’ay gobalka Banaadir. Wadooyinka ayaa go’ay waxaana ka qodmay godad waa wayn oo hakiyay gaadiidkii isticmaali jiray halka qaarkood ay ciid buux dhaafisay. Gaadiidka ayaa hada isticmaala xaafado qarda jeex ah iyo wadooyin aan badneen kuwaas oo meela dhaxa lagu joojiyo gaadiidka maadama aysan gudbi karin burbur aawgiis. Dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa ilaa hadda aan waxba ka qaban arintaan waxaana loogu baaqay ciid magaalada buux dhaafisay ee ka qaado iyo in dib u habeen lagu sameeyo wadooyinka roobka ku burburay. Dhinaca kalena, waddooyinka xiran ayaa u muuqda kuwa aan la furi doonin, ayada oo tani ay qeyb ka tagay sugidda amniga, ayna gacan ka gaysteen in la yareeyo qaraxyadii baabuurta ee magaalada.
-
Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay in ay Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’yadaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida labada dhinac. Halkaan hoose ka ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran:- Qaran News
-
Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa fadhigii Baarlamaanka ee qabsoomay Sabtidii taariikhdu ahayd Desembar 7dii waxaa uu si qaanuuni ah u sharraxay, una lafoguray cutubka 1aad iyo 2aad ee sharciga doorashooyinka horyaalla Baarlamaanka, waxuuna dooddiisa sixitaanka ku qotomiyay qodobka 47aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Jawaari, oo cuskanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya qodobka 22aad waxuu sheegay in Dastuurka si cad u damaanad qaaday xaqa muwaddinka u leeyahay abuuritaanka, xubin ka noqoshada, iyo xil ka qabashada xisbi siyaasadeed. Halka qodobka 46aad ee dastuurka faqradiisa 1aad sugayo in talada dalka ay gacanta ugu jirto muwaaddiniinta Soomaaliyeed. “Awoodda xukunka la iskugu talinayo waxay ka bilaabataa kuna dhamaataa shacabka”. Sidoo kale, isla qodobka 46aad farqadiisa 2aad waxuu xaqiijinayaa xaqa muwaddinka u leeyahay inuu tartan u geli karo kuraasta la isku doorto, iyadoo aan lagu samayn wax caqabad ah, oo ka horistaagi karo inuu tartamo. “Nidaamka metelaada waa inuu ahaadaa mid furan, oo fursad u siinayo qof kasta inuu ka qayb galo howlaha dowladda”. Dhanka kale, Professor Jawaari waxaa uu xusay in Dastuurka Federaalka qodobka 64aad ay ku caddahay cidda soo dooranaysa wakiillada shacabka. “In shacabku si toos ah, qarsoodi ah, oo codayn madaxbannaan ah ku dooranayo wakiillada ku matalaya Golaha Shacabka”. Sidoo kale, qodobka 72aad waxuu dhigayaa in “Shacab kasta dowlad goboleed degaan si toos ah, qarsoodi ah, oo codayn madaxbannaan ah, ku dooranayo wakiillada ku matalaya Aqalka Sare”. Dhammaan qodobbadani waxay sharci ka dhigayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho ay si toos ah ugu doortaan shacabka Soomaaliyeed wakiillada ku matalaya labada aqal. Islamarkaasna muwaddinka doonaya inuu tartamo kuraasta la isku doorto aan lagu faquuqin heybtiisa, marba haddii uu buuxiyo sharuucda xaqa ka mid noqoshada tartamayaasha. Professor Jawaari ayaa xusay in xulashadii 2012 lagu qabtay caasimadda Muqdisho, tii lagu soo xulanayey xildhibaanada 2da aqal sanadii 2016 la geeyay caasimadaha maamul goboleedyadda. Waxuu talo ku soo jeediyey Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari maadaama Maamul goboleed kasta garanayo kuraasta laga soo xushay 2016, in kuraastaas ku tartamaan xisbiyada. Dhanka kale, Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Adan, ayaa rumaysan in nidaamka doorasho ee Xukuumadda soo gudbisay yahay kan ku habboon dalkeenna, waxay tiri ” Nidaamka isku dheelli tiran, iyo liiska xiran, waa nidaamka loogu talaggalay dowladaha burburay, oo dhibaatadu gaartay, sida, Afganistan, Ciraaq, iyo Liberia”. Marwo Fowsiyo waxay ku doodday in khuburo caalami ah daraasad ay u soo bandhigeen xisbiyadda diiwaangashan, ururada bulshadda rayidka, madaxada maamul goboleedyadda, iyo baarlamaanka federaalka ku qanceen nidaamka metelaada isku dheeli tiran, iyo liiska xiran, kadib, markii la kala dooransiiyay 12 hab oo loo qabto doorashooyinka caalamka. Marwo Fowsiyo waxay carabka ku adkaysay, kadib markii si wada oggol ah loo qaatay, in Beesha Caalamka maalgelisay Gudiga Doorashooyinka Qaranka si ay howshooda u gutaan. Waxay intaas ku dartay in muddo 4 sano ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka la dhisayey, si ay u qabtaan doorsho ku dhisan nidaamka isku dheeli tiran, iyo liiska xiran. Xildhibaam Fowsiyo waxay rumaysan tahay, nidaam hor leh oo la qaataa keeni karto dib u dhac hor leh, si fursad ay isku diyaariyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay u helaan. Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Adan ayaa xustay hadal uu horey u yiri Madaxweynihii hore Mozambique Mudane Samora Machel “Qaran haddii la rabo inuu horay u socdo, qabyaaladda ayaa la dilaa” waxay ku doodday in qabyaalad ku qaybsiga la dhaafo, maadaama la garanayo tirada xildhibaannada laga soo doortay Maamul goboleed kasta. Sida dhabtu tahay “Waa xal wanaagsan in doorashada soo socota ay xisbiyada ku tartamaan kuraasta qoondada ay u helaan Maamul goboleedyada doorashadii (xulashada) 2016, ilaa iyo inta tirakoob guud laga samaynayo dalka oo dhan,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya. Balse, waxaad mooddaa markii aad dhagaysatid doodda Baarlamaanka, in xildhibaannada ku kala qaybsan yihiin nooca doorashada, iyagoo isku haya labo fikradood oo kala ah: (B) In la qaato nidaamka metalaadda isku dheelli tirin, iyo liiska xiran (axsaabta), oo ah intii fikrad wadaagta xisbi ha samaystaan; iyo (T) Kan qofka la dooranayo (sida Somaliland), kaas oo xoojinaya qabyaaladda, waana mid iswaafajinaya hannaanka 4.5 iyo nidaamka xisbiyada. Arrinka xiisaha gaarka ah leh, wuxuu ahaa in Professor Jawaari uu soo hadal qaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka. Sida uu qabo qodobka 60aad, farqaddiisa 1aad “Muddada xil haynta madal kasta laanta sharci dajinta la dooranayo waa 4 sano, oo ka bilaabata taariikhda lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxayna ku egtahay markii la dhiso Baarlamaankii beddeli lahaa, si waafaqsan sharciga Lr.20 ee 27ka June 2016, kuna lifaaqan wax ka beddelka lagu sameeyey Qodobka 60aad ee Dastuurka laguna kordhiyay farqada 3aad”. Xildhibaan Jawaari, ayaa carrabka ku adkeeyay si aysan u dhicin marnaan (vacuum) xagga maamulka Xukuumadda, maadaama siyaasadda Soomaaliya aysan sal fadhiya lehayn ay muhiim noqotay in Baarlamaankii 9aad, ansixiyay in Baarlamaanka Federaalka uu jiro ilaa la helo kii beddeli lahaa. Waxuu tusaale u soo qaatay in Baarlamaankii 9aad xil hayntiisa ku ekayd August 2016 balse uu shaqaynayey ilaa iyo December 27, 2016, oo ahayd xilligii la doortay Baarlamaanka 10aad. Dhanka kale, siyaasiyiin badan waxay ku eedayeen Xukuumadda hadda jirta inay doonayso muddo kororsi, haddaba siyaasiyiinta mucaaradka ah miyaysan ogayn in Baarlamaanka 9aad ansixiyay sharci Lr. 20 ee 27ka June 2016, kadib markii goluhu uu darsay jahawareerka siyaasadda Soomaaliya. Professor Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaa uu ku amaanay Baarlamaanka 9aad, inay curiyeen sharciga axsaabta, iyo kan lagu dhisay Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka, kaddib markii ay ka cagajiidday dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud. Geesta kale, Xildhibaan Jawaari waxaa uu fursad u arkaa sharciga doorashooyinka horyaalla baarlamaanka, maadaama xukuumadda ay iska soo gudbisay (Jamhuriyadda – April 3, 2019). Soo tebinta warbaahinta doodaha Baarlamaanka waxay ina tusaysaa tayada xildhibaannada nagu matala Baarlamaanka. Balse waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed uu u istaago xuquuqdiisa, gaar ahaan, haweenka iyo dhallinyaradda, oo lagu qiyaasay inay wadarta guud ee dadweynaha ka yihiin 75% (Jamhuriyadda – April 24, 2019). Waxaa hubanti ah, haddii aysan dhallinyaradda Soomaaliyeed ku midoobin danta guud, islamarkaasina qayb aysan ka noqon hanaan doorasho oo lagu tirtirayo siyaasadda qabyaaladaysan, ay wajihi doonaan colaado sokeeye, barakac iyo saboolnimo. Ayna marqaati u noqon doonaan dhaxalwareegoodda. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “Raq walba waa ku rageedda”. W/Q: Saciid Cabdisalaam AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel SYL waxay xiisad ka dhax abuurantay ciidamada booliiska iyo milateriga Soomaaliya. Ciidanka booliiska ayaa loo diiday in ay maraan wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, waxaana laga celiyay laga soo bilaabo Taalada Daljirka Daahsoon iyo Sayidka, halka sidoo kale loo diiday dhinaca Ceelgaabta. Ciidanka ayaa loo diiday iyagoo lugeynaya iyo iyagoo gaadiid wataba, waxaana aagaas ka jira cabsi iyo qoryo isku taag taag ama muran dhaxmara labada ciidan. Kulan dhaxmaray taliska madaxtooyada iyo kan booliiska ayey ku heshiin waayay sidii qorshe loogu dejin lahaa arrinta muranka dhalisay ee marista wadada. Milateriga ayaa sheegay in aysan aamini karin Booliiska oo dharkooda marar badan lagu soo weeraray, halka booliiska ay doonayaan in halkaasi ay maraan, oo aysan ka maarmin ciidanka istaafka ah ee la socda masuuliyiinta dowlada iyo madaxda booliska. Si kastaba ha ahaateee waxaa agagaarka madaxtooyada ka taagan cabsi xoog leh waxaana laga baqayaa in ay isku dhacaan labadaan ciidan.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo ku dhawaad 20 cisho safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis la saxiixday Hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka. Heshiiskan oo lagu sheegay mid wadashaqayneed ayaa ogolaanaya in hey’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay xafiis ka furato deegaanada Puntland, iyadoo looga golleeyahay sidii loo fududeyn lahaa arrimaha gargaarka oo hey’addas ay ka fuli gobolada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiskaas wadashaqayneed, iyadoo hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka uu heshiiska u saxiixay Xoghaya guud ee hey’adda Maxamed Ateeq Al-falahi. Maamul goboleedka Puntland ayaa maalmahaan la tacaalayey xaalad bini’aadantinimo oo ka dhalatay roobab dabeylo wata oo ka da’ay inta badan gobolada Puntland. Puntland ayaa sheegtay in xafiiska hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadku ka furanayso Puntland uu ka mid noqondoono xafiisyada kala shaqeeya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo. Sidoo kale wafdi ka socda hey’addas ayaa la sheegay inay markii ugu horeysay shalay soo gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana la rumaysan yahay inay sahminayaan halkii ay ka furi lahaayeen xaafiiska hey’addaas ay ku yeelanayso Puntalnd.
-
Mogadishu, Wednesday 11th December 2019: Marking consensus on the implementation of Somali Decent Work Country Programme (DWCP), the Government of Somalia, Employers’ and Workers’ Organizations have agreed on four priorities for coming five (5) years. These priorities include promoting fair opportunities for Jobs creation & skills development, extending social protection for all; institutional capacity for labour administration; and social dialogue for protecting labour rights. The representatives of the Government of Somalia – including from the Federal Government and Federal Member States (FMS) along with the Somali Chamber of Commerce & Industries (SCCI) and Federation of Somali Trade Unions (FESTU) agreed on these priorities in a 3-day workshop that concluded in Mogadishu today and also jointly worked out a detailed results-based implementation framework for next five (5) years. The Federal Minister for Labour & Social Affairs, Mr Sadik Hirsi Warfa, appreciated the efforts by tripartite constituents to develop such a comprehensive programme which is fully aligned to the ground situation in Somalia and will help improve living conditions of existing and new workers. He said that the Government of Somalia is keen to enhance employment and bring a positive change in the lives of Somali women and men through their access to decent working conditions. He assured the support of the Government for the effective implementation of the DWCP. Speaking at the occasion, the General Secretary of Federation of Somali Trade Unions (FESTU) Omar Faruk Osman welcomed the consensus developed on DWCP priorities and expressed his hope for improving the working conditions of a large informal economy of Somalia. He highlighted the plight of workers having no access to social protection, decent wages, and any other decent conditions at their workplaces. Mr Saad Gilani, Head of International Labour Organization (ILO) – Somalia Office, congratulated the tripartite stakeholders to agree on the decent work country programme and appreciated the depth of discussion and dialogue took place on all technical dimensions of the programme. The DWCP for Somalia is based on a wide-ranging consultation among key labour market stakeholders – which was informed by a systematic ‘meta-analysis’ for labour market situation of Somalia. The DWCP will be aligned to the 9th National Development Plan for Somalia – particularly under its Economic and Social Development Pillars. The DWCP also aims to achieve Sustainable Development Goals (SDG) mainly focusing SDG-8 on ‘Economic Growth & Decent Work’. The DWCP seeks to make positive changes in the world of work through the application of normative actions. It also responds to the socio-economic conditions of Somalia by creating more and decent jobs for women and men. Scroll down for pictures: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/BAr__Qubanaha-12122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka, kaasi oo dhigaya in doorasho qof-iyo-cod ah aysan xilligan Soomaaliya ka dhici karin, sababo la xiriira amniga dalka oo xun, waqtiga oo yar, iyo dastuurka dalka oo weli qabyo ah. Tani waxay meesha ka saareysa qorshihii madaxweyne Farmaajo oo ahaa in doorasho qof-iyo-cod ah oo ay ka qeyb-galaan kaliya dhowr kun oo qof oo shacabka ka mid ah lagu qabto magaalada Muqdisho. Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay wargeyska The East African Standard ee Nairobi ayaa sheegaya in xeeladda dib u doorasho ee Farmaajo ee ahayd hanaan doorasho oo qof-iyo-cod ah. Caasimada Online ayaa horey u qortay in qorshaha madaxweynuhu ahaa dhowrka kun ee qof oo la isugu keenayo Muqdisho ay shacabka oo dhan wakiil ka noqdaan, intooda badan laga soo xulo taageerayaashiisa, taasi oo dib u doorasho fudud siin lahayd. Hase yeeshee, ka sokow amniga, waqtiga oo yar, iyo dagaal siyaasadeed badan oo ka dhalan lahaa soo xulista dhowrka kun ee qof, caqabadda ugu weyn ee hortaaagan madaxweyne Farmaajo ayaa ah dastuurka dalka, waddo kasta oo xal looga gaari lahaana isaga ayaa horey u xiray. Ma jirto maxkamad dastuuri ah oo xal ka gaari karta, haddii natiijdaa doorashada lagu murmo, sidoo kalena ma jirto meel loo dhaafi karo qodobka 89-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.” Cabdalla Axmed Ibraahim oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka ee Bariga Africa ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu xiray waddadii dastuurka dib u eegis loogu samayn lahaa, waxna looga beddeli lahaa. “Dib u eegista dastuurka waxay u baahan tahay wada-hadallo dhab ah oo dhex mara dhammaan saamileyda siyaasadda, iyo hoggaan ay ka go’an tahay dib u heshiisiin oo hadda aan jirin” ayuu yiri. Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay in wada-tashiyada mamaul goboleedkada, hoggaamiyayaasaha mucaaradka, bulshada rayidka iyo shacbka Soomaaliyeed, oo intaba ay ahayd in madaxweynhu sameeyo aan la hayn. Madaxweyne Farmaajo ayaan wax xiriir ah la lahayn laba ka mid ah shanta maamul goboleed oo kala ah Jubaland iyo Puntland, halka maamulka Galmudug ay burburisay dowladdiisa, welina aan mid cusub loo dhisin. Waxa uu sidoo kale dagaal siyaasadeed ku salaysan kali-talisnimo ku qaaday madaxdii hore ee dalka oo hadda hoggaamiya mucaaradka, kadib markii uu xanibaado ku sameeyey dhowr goor. Dhammaan dhinacyadan ayaa noqon lahaa kuwa muhiimka ah, islamarkaana ay tahay inay ogolaadaan is-beddelo lagu sameeyo dastuurka ama ugu yaraan xal siyaasadeed oo kala la gaara madaxweynaha, hase yeeshee siyaasaddiisa ku dhisneyd kali-talisnimada ayaa albaabkaas soo xirtay.
-
Four civilians and a soldier were killed when heavily-armed al-Shabaab fighters attacked a Somali army base north of the capital, military sources and witnesses said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayneed oo ogolaanaya in hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi. Dowladda Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen. Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Puntland iyo hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka oo heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiray laba askari oo ka tirsan ciidanka Koofiya Casta ee madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Labadaan askari oo ku kala qornaa Kontaroolada Kashmiir oo ah halka laga madaxtooyada iyo Xaawo Taako ayaa la xiray shalay waxayna ilaa hadda ku jiraan xabsi. Magacyada askarta xiran ayaa lagu sheegay Burhaan iyo Cabdullaahi Jiiroow waxayna ahaayeen askartii toogatay laba ka mid ah shabaabkii weeraray hotel SYL ka hor inta aysan gudaha hoteelka gelin. Sababta loo xiray waxaa lagu sheegay in loo haysto laba qori oo ay lahaayeen raggii la dilay oo maqan. Saraakiishu waxay sheegeen in hubkaas ay Shabaabka wateen ay u baahan tahay dowladda halka askarta xiran ay sheegeen in aysan arkin oo aysan ogeyn halka uu jiro. Caadiyan hubka laga furto Al-Shabaab xiliyada ay weerarada qaadaan waxaa qaata saraakiisha dowladda iyo askarta waxayna aheyd arrin soo jirtay balse dowladda ayaa hadda bilowday inay hubkaas la-wareegto, si baaris loogu sameeyo.
-
An international push to secure sorely needed debt relief for Somalia may be derailed because of a bureaucratic blunder in Washington, undercutting long-standing efforts to stabilize one of Africa’s least developed and most conflict-plagued countries. The issue has so alarmed some U.S. officials that the U.S. ambassador to the East African country is quietly considering resigning if it isn’t resolved, current and former officials tell Foreign Policy. The United States spends around half a billion dollars per year in aid and development to help prop up Somalia’s fragile government as it grapples with violence from terrorist groups and chronic instability. Despite the challenges, the new Somali government under Prime Minister Hassan Ali Khaire has, with U.S. backing, pushed through a number of difficult and unpopular reforms to align the government with international standards on financial governance and transparency. The reforms have given Somalia a chance to receive debt relief by the spring of 2020 under a program run by the International Monetary Fund and World Bank called the Heavily Indebted Poor Country (HIPC) Initiative. Such a move would unblock Somalia’s access to sorely needed international financial assistance, a key to helping the country boost its laggard economic growth and stabilize its federal institutions. The debt relief would have a host of positive knock-on effects, officials say, including allowing Somalia to strengthen its military and confront al-Shabab, one of the deadliest terrorist groups in the world, which operates out of ungoverned spaces in Somalia. The U.S. Defense Department has sent elite troops to help train Somalia’s army to combat al-Shabab and regularly conducts air strikes in Somalia targeting al-Shabab militants. Debt relief, officials say, would help Somalia get its own house in order to eventually ease the burden on U.S. military and U.S.-led aid programs in one of the poorest and least developed countries in the world. “There is no economic development and military independence without these IMF and [World Bank programs],” said one former U.S. official familiar with the matter. But HIPC rules require major creditors, including the United States, to approve writing off Somalia’s debt simultaneously, or it cannot move forward at all. “If the U.S. doesn’t contribute, the whole deal falls apart,” said one Senate aide familiar with the matter. While securing debt relief for Somalia has been a policy priority for the United States for years, that plan could now be derailed because the State Department and Treasury Department didn’t inform lawmakers they should include authorization to write off Somalia’s debt before Congress finalized its spending bills, according to six current and former U.S. officials and congressional aides who spoke to Foreign Policy on the matter. Some believe it simply slipped through the cracks as the State Department scrambled to prepare its budget priorities with the White House. “All along, I could not believe all we have invested in Somalia could be squandered over something so small and simple,” said one official. The State Department declined to comment for the story, and the Treasury Department did not respond to a request for comment. U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto has privately considered quietly resigning if the U.S. government can’t resolve the issue, according to current and former officials familiar with the matter. Yamamoto is a career diplomat with extensive experience in Africa, who previously served as acting assistant secretary of state for African affairs under President Donald Trump from 2017 to 2018 before his current posting in Somalia. He did not respond to a request for comment for this story. Through complex bureaucratic maneuvering, the United States could write off Somalia’s debt to the United States—about $1 billion—by essentially having the State Department pay a fraction of the debt back to the Treasury Department on behalf of Somalia, to the tune of about $35 million. That requires congressional authorization through spending bills—and no one at the State Department or Treasury Department appeared to communicate to lawmakers they needed to do that before spending bills were finalized, officials and congressional aides said. Some aides and officials are scrambling to find a last-minute fix, but thus far no senior Trump administration official has signaled to lawmakers Somali debt relief is a priority, as it gets drowned out amid the dozens of other priorities in the massive federal spending bills—let alone priorities on Africa. “This is an easier lift than a lot of the other problems on the continent, and the administration just hasn’t prioritized it to raise enough attention for members of Congress to address,” said one congressional aide. While everyone appears to support the effort—at Treasury, at the State Department, and on Capitol Hill—no one yet appears willing to expend the political capital to ask senior lawmakers to reopen the spending bill and include the authorization for debt relief, officials said. The State Department also hasn’t indicated where it would cobble together the $35 million from other spending priorities to divert for Somalia, they said. “It’s just a bureaucratic fuckup. … This is so stupid,” said another former official familiar with the matter. Debt relief is such an urgent issue for Somalia because the country is crushingly poor, swamped by unsustainable debt, and facing an accelerating climate catastrophe stoking prolonged droughts. The latest IMF analysis of Somalia notes that the country is in “debt distress,” with its $4.7 billion in external debt equivalent to its entire GDP, and no way to repay any of it; 96 percent of Somalia’s debt is already in arrears, meaning even if it never borrows another dime, its debt burden will continue to grow. Somalia’s debt to the United States is decades-old, and much of its debt relates to military spending wracked up during the Cold War. Somalia remains one of the world’s least developed countries, with nearly one-third of the population requiring humanitarian assistance and over 80 percent of the population living in poverty, according to U.N. data. “Debt relief under the HIPC Initiative is needed to restore debt sustainability and support Somalia’s medium-term development prospects,” the IMF concluded in its August report. The problem isn’t just clearing the debt burden off Somalia’s back now—the HIPC program would open the door to new funding that could help the government jumpstart some economic development programs. Debt relief through HIPC “unlocks concessional lending from the World Bank, from regional development banks, the IMF—it’s a gateway you need to pass through that Somalia desperately needs,” said Masood Ahmed, the president of the Center for Global Development. Somalia has been in talks to secure some $300 million in international financial assistance to begin projects aimed at improving the country’s infrastructure, education system, and tackling poverty after it obtains debt relief. Because of the way HIPC is set up, all creditors need to agree to relieve Somalia’s debt at the same time, meaning if the United States isn’t on board, HIPC debt relief won’t go through. “The U.S. is the biggest bilateral creditor. It’s essential for the whole thing to move forward,” said Ahmed, who previously ran the HIPC program at the World Bank. The United States could still push through debt relief in a separate piece of legislation, but that might prove more politically difficult than folding it into the wider government spending bill, given the Trump administration’s efforts to pare back foreign aid and financial assistance, aides say. In June, U.S. Agency for International Development Administrator Mark Green visited Somalia, where he urged international donors to begin to wean the country off of its decades-long reliance on international aid—something officials say debt relief will help accelerate. The United States still commits hundreds of millions of dollars in aid to Somalia per year. Khaire, the Somali prime minister who has closely cooperated with the United States on reform and security issues, could face steep political backlash in Mogadishu if the debt relief isn’t pushed through in time, some officials fear. Other countries have already lined up plans to forgive Somalia’s debt with the HIPC initiative. Earlier this year, in part at Treasury’s urging, the European Union, United Kingdom, and Qatar agreed to cover $150 million of Somalia’s $330 million debt to the IMF. Norway has agreed to pay nearly $360 million to clear Somalia’s debt with the World Bank. If the down payments on Somalia’s debt could go through, Somalia would receive interim debt relief under HIPC at a point called “decision point” in IMF and World Bank parlance. From there, it still has to navigate other technocratic mazes to prove to international lenders they will stick to financial reforms under IMF guidelines before exiting the debt relief program at a finish line, known as “completion point.” Source: Foreign Policy Senior staff writer Colum Lynch contributed to this report.
-
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca. Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan Dowliga ahayn iyo siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada. Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska Dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo Guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo qeybo ka mid ah Gobolka bari oo ay daadadku saameeyeen. Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay weerarkii Hotelka SYL ay ku qaadeen Argagixisadu. Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dedaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesi-nimada lahaa ee ay Ciidamdu ku badbaadiyeen Dadka Shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-Ka-Hor-121219-SAX.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
