-
Content Count
214,025 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca dagaalame ay sheegtay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey weerarkii ay kooxdan habeen hore ka fulisay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho. Idaacadda Andalus ee kooxdan ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Saadaq, waxayna baahisay cod la shegay in ninkaas looga duubay taleefonka intii uu ku sugnaa gudaha Hotelka ee weerarka uu socday. Caasimada Online ma xaqiijin karto in codka la duubay uu yahay mid ka imanayey gudaha hotelka. Ninka magaciisa lagu sheegay Saadaq ayaa sheegay in hotelka ay kasoo galeen dhanka waddada xigta madaxtooyada, inkasta oo xogta Caasimada Online ay sheegeyso inay ka yimaadeen dhanka Ceel-Gaab. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay shan qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen shacab, halka labada kale ay ahaayeen askar, sida ay dowladda sheegtay. Al-Shabaab ayaa sheegatay dhimashada 25 qof. Kadib howl-gal qaatay, ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan dhammaan shanti dabley weerarka soo qaadday, islamarkaana xoreeyaan hotelka.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiyey shirkii Golaha wasiirraddu ku yeesheen Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda gobolka Gardafuu ee Puntland iyo degmada Afgooye oo ay roobab daadad wata saameeyeen. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, wuxuuna bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug. Dhanka kale Golaha wasiirradda Soomaaliya ayaa meel mariyey hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca. Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada. Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL. Golaha wasiirrada ayaa iyana dhankooda bogaadiyey dadaalka laamaha amnigu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah ee ku jiray hotel SYL. PUNTLAND POST The post Kheyre oo amray in wax laga qabto xaaladda Gardafuu ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaad hada moodaa in Urur Diimeed Diidan loo yaqaan Daacish iney badalkeeda qaabkii ay ula dagaalami jireen Ciidanka Iyo Shacabka Puntland, Waxay bilaabeen weeraro gaadmo [...] Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah faahin guud ka bixiyey heshiiskii ay maanta wada gaareen Ahlu Sunna iyo dowladda Dhexe. Sabriye oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in heshiiskaan cusub uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana soo afjarayo khilaafkii xooganaa ee ka taagnaa dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday sida loo maareynayo labaatanka xubnood oo Ahlu Sunna ay ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, isaga oo xusay in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybinayo xildhibaanadaasi, ayna soo xuli doonto Ahlu Sunna, iyadoo la raacayo heshiiskii la gaaray sanadkii 2015-kii. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda xal laga gaaray arrimihii la’isku hayey, islamarkaana la guda geli doono howlaha soo xulista xildhibaanada cusub, kadibna la aadi doono doorashooyinka xiga. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay, sidii loo dhisi lahaa maamul mid ah oo ay u dhan yihiin beelaha dega gobollada Galgaduud iyo Mudug. “Annaga ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an in beel walbo waxa ay leedahay ay hesho, deegaankuna uu helo maamul loo dhan yahay.” ayuu yiri wasiirku. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii xooganaa ee dhowrkii bilood la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Dhuusamareeb. Khilaafka ayaa saameeyey howlihii doorashada Galmudug oo marar badan dib u dhacday, sababo la xariira tabashadii ay qabeen hoggaanka sare ee Ahlu Sunna. Hoos ka dhageyso codka Sabriye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Codka-Sabriye.mp3
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa is-rasaasayni galinkii hore ee maanta ku dhexmartay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland iyo dableey hubaysan. Dableeyda hubaysan oo looga shakisan yahay, in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, ayaa sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaalka, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso, balse sarkaalka oo ka badbaaday rasaastaasi, ayaa isna raasaas kale ugu jawaabay dableeyda, inkastoo durbadiiba ay goobta ka carareen. Is-rasaasaynta dhexmartay sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Maxamed Cabbaas iyo dableeyda hubaysan, waxaa ku dhintay hal ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaasi oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Axaddii la soo dhaafay, laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay rasaas la beegsadeen dableey hubaysan, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shacabka Soomaaliyeed ee maalin kasta waraaqaha dambi laa’anta u doonto Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa dhibaato xoog leh ku qabo saraakiisha qaabilsan shaqadaan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Subax kasta, waxaa Xarunta CID ku arkeysaa shacab farabadan oo safaf dhaadheer ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen waraaqaha dambi la’aanta ee looga baahan yahay dadka doonayo inay qaataan waraaqaha dhalashada iyo kuwa dalbanayo Fiisooyinka. Dhibaatada halkaas ka taagan ayaa waxay isugu jirtaa dhawr arrin oo ay horseedaan saraakiisha xarunta CID, hase yeeshee waxaa hadda kusoo biiray kuwa cusub. Dhibaatada cusub ee hadda ka billaabatay xarunta ayaa in madaxda ugu sareyso CID ay Xarunta dhexdeeda ka furteen Photo lagu sawiro dadka iyo meel lagu koobiyeeyo waraaqaha, iyadoo meeshaas qiimaheeda ay aad u sareyso, marka loo eego magaalada inteeda kale.. Midda ugu yaabka badan ee dadkaas heysato ayaa waxay tahay in qofkii meeshaas meel aan aheyn kasoo galo sawiro waraaqahana kasoo koobiyeysato looga jeex jeexo xarunta dhexdeeda, iyadoo lagu xujeenayo inay sawirada iyo Koobiga ka sameystaan Xarunta ay Gudaha CID ka furteen madaxda ugu sareyso. Halkii Waraaq ee la koobiyeenayo ayaa dadkaas looga qaadaa gudaha Xarunta CID qiimo gaarayo 0.50 Dollar (nus dolalr), halka meelaha kale looga qaado kun Shillin Soomaali ah. Sidoo kale, halkii qof ee lagu sawirayo gudaha Xarunta CID ayaa waxaa laga qaadaa 4 Dollar halka magaalada kale qofkii lagu sawiro lacag u dhaxeyso 1-1.5 Dollar taasoo ah farqi weyn oo muujinayo dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo Xarunta CID. Mid kamid ah dadkii sawirada laga jeex jeexay oo Caasimadda Online la hadlay ayaa yiri “Meeshaas dadka ayaa lagu dhacaa, hadaad meel kale sawir kasoo gasho ama aad waraaqo kasoo koobiyeysato waa lagaa jeex jeexayaa, waxaa lagugu qasbayaa inaad ka sameysato Xarunta dhexdeeda, qiimahana waa mid aan macquul aheyn, balse waa ku qasbanahay inaan sidaas sameyno”. Qofka sawirada ka galo Xarunta CID ayaa waxaa sawirka iyo waraaqaha koobiga korkooda loogu dhuftaa Tiimbare caddeyn u ah in qofkaas ay shaqada u qabatay Xarunta CID, ciddii aysan ugu dhufsaneyn tiimbarahaas waa laga jeex jeexayaa maadaama ay kasoo galeen meelo kale. Horey waxaa xarunta uga jiray ah in dadka doonayo in loo fududeeyo waraaqahaas isla markaasna maalin gudaheeda doonayo in lagu siiyo lagu xirayo inay bixiyaan lacag laaluush ah oo u dhaxeyso 20-30 Dollar taasoo dhibaato ku noqotay dadka aan awoodda u laheyn inay lacagtaas bixiyaan . Dadka qaar ee doonayo in loo fududeeyo waraaqahaas ayaa ah kuwa arrimo caafimaad u baxayo oo u baahan inay si deg deg ah u helaan waraaqaha dambi la’aanta si ay Viisooyin Caafimaad u dalbadaan balse looma fiiriyo duruufta ay ku jiraan ee waxaa lagu xujeeyaa inay lacago laaluush ah bixiyaan oo aysan awoodin taasoo keenta inay maalmo ku qaadato helista waraaqahaas. Caasimadda Online ayaa wado baaritaan ku aadan shakhsiyaadka ka dambeeyo dhibaatada lagu hayo Shacabka waraaqaha u doonto xarunta CID, waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa magacyada saraakiisha furtay xaruntaas lagu dhibaateenayo dadweynaha.
-
Mac-hadka Horumarinta iyo Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SIDRA oo kaashanaya hay’adda ADRA, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabtay, Kulan ku saabsan dhiirri-gelinta Fursadaha ay haystaan Haweenka Ganacsatada ah iyo Xallinta Caqabadaha ay Haweenkaasi kala kulmaan Horumarinta Ganacsigooda. Kulanka waxaa lagu casumay Haweenka Ganacsatada ah iyo Aqoon-yahannada Wax ka barta Jaamacadaha Waddanka, si ay uga doodaan habka lagu hormarin karo Ganacsiga Haweenka iyo Sida lagu xallin karo Caqabadaha Haweenka Ganacsatada ah ka haystan Kobcinta Ganacsigooda. Madaxa Mashaariicda Mac-hadka Cilmi-baarista SIDRA, Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf oo ugu horrayntii si faahfaahsan uga warbixiyay kulanka, ayaa sheegay in kulanka lagu casumay Haweenka Ganacsatada ah iyo Aqoon-yahannada, si loo falanqeeyo Fursadaha Ganacsiga Haweenka iyo Xal u helidda Caqabadaha ka haysta Hormarinta Ganacsiga. “ Ujeedka aan u qabanney kulanka, wuxuu ahaa in bulshada qeybteeda Aqoonta leh iyo Dumarka Ganacsatada ah aan u soo bandhigno waaqiciga dhabta ah ee ka jira Ganacsiga Haweenka, haddii ay Fursad tahay iyo haddii ay Caqabad tahay iyo sidii loo xallin lahaa Caqabadaha jira Fursadahana looga faa’idaysan lahaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan yuusuf. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Cabdisamad Maxamuud Maxamed oo Kulanka daah-furay, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalinta ugu muhiimsan kaga jiraan Nolosha Bulshada, sidaasi darteedna ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo Hormarinta Ganacsigooda. “ Dumarku markii ay dowladdii Soomaaliya burburtay waxay kaalinta ugu muhiimsan ka qaateen Nolosha Bulshada, gaar ahaanna korinta Carruurta, waxay u baahan yihiin in Caqabadahooda la ogaado, Fursadaha Ganacsi oo ay haystaan la ogaado, si loo hormariyo” ayuu yiri Agaasimaha. PUNTLAND POST The post MAC-HADKA SIDRA oo Garoowe ku qabtay Kulan ku saabsan dhiirri-gelinta Ganacsiga Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Gu.. GOL. WL. oo u codaynaya Xeerka Maalgeshiga Puntland 19 Nov. 2019 Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo maalmo ka hor soo xirmay, ayaa ajandihiisa laga saaray dhammaan qodobadii ku saabsanaa, la-xisaabtanka xukuumadda Puntland. Ajandaha Kalfadhiga oo ka koobnaa 21 qodob, waxaa mudanayaasha Golaha Wakiiladu si rasmiya u ansixiyeen 28-kii bishii la soo dhaafay October, balse saddex qodob oo kamid ah ayaa si hoose Baarlamaanku u laalay, ka hor inta aan la xirin Kalfadhiga. Saddexda qodob oo kala aha, La-xisaabtanka Xukuumadda, daba-galka Heshiisyadii Xukuumaddu soo gashay & kuwii ka horreeyay iyo sidoo kale Xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa dhammaantood si hoose meesha looga saaray. Kalfadhiga ayaa soo xirmay Talaadadii la soo dhaafay, oo ku beegneyd 10-kii December 2019, waxaana maalintaasi Baarlamaanku xasaanaddii Xildhibaannimo ka qaadeen xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), kadib markii 7-dii bishii November xilkii guddoomiyaha Golaha looga xayuubiyay mooshin ay dabada ka riixaysay Xukuumadda. Golaha Wakiilada Puntland oo hadda ku jira fasax lix bilood ah, ayaa Kalfadhiga xiga soo laaban doonaa 15-ka bisha June ee sannadka soo socda 2020-ka. Hoos ka akhriso jandihii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo laalay La-xisaabtanka Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka. Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada. Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen. Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo kamid ah musharixiinta madaxweynimo ee Galmudug ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay wada gaareen Maamulka Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe. Musharax Kamaal ayaa si gooni ah Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna uga mahad celiyey tanaasulaadkii ay sameeyeen iyo is fahankii ay ka gaareen arrimihii murugsanaa ay soo jiitamayey mudada dheer Mudane Kamaal ayaa Dowladda Soomaaliya si gaar ah ugu baaqay inay soo afjarto khilaafyada dhiman oo ay kamid tahay xallinta tabashooyinka ay qabaan beelaha Cadaado iyo Ceel Dheer ee ku saabsan geedi socodka dhismaha Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka musharax kamaal oo dhameystiran Waxaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii ku saabsanaa qaab dhismeedka Galmudug, waxaa farxad u ah shacabka reer Galmudug in haddii khilaafkii ragaadiyey dowladnimadoodii uu dhamaaday ay maantay u billaabatay waa cusub oo Wadajir iyo isku duubni ah. Labada dhinac ee heshiiska gaaray ee Dowladda Federaalka iyo Culima’udinka Ahlu Sunna Wal Jamaca waxaan si gooni ah oga mahad celinayaa tanaasulaadkii ay sameeyeen iyo is fahankii ay ka gaareen arrimihii murugsanaa ay Soo jiitamayay muddada dheer. Waxaan Dowladda ku dhiira gelinayaa si loo soo afjaro khilaafyada dhiman iney sidoo kale xalliso tabashooyinka ay qabaan beelaha reer Cadaado iyo reer Ceel Dheer ee ku saabsan Geedi socodka dhismaha Galmudug iyo beelihii kale oo iyagana wax tirsanaya. Si uu u noqdo Geedi socodka dhismaha Galmudug mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi dimuqraadi ah waxaan u baahanahay in ciidamada xad dhaafka ah ee jooga magaada Dhusamareb loo saaro magaalada bannaankeeda, Gudaha magaaaladana lagu reebo ciidan ammaanka suga ee isku dhafka ah. Waxaan sidoo kale rajeynayaa in liisaska odayaasha aysan ka baxsanaan kuwii ka mid ahaa 135tii iyo kuwii Cadaado horey ugu soo dhisay Galmudug tii hore so loo helo meel laga tixraaco Dowlad dhiska Galmudug, waxaan sidoo kale odayaasha ka rajeynaynaa iney soo xulaan xildhibaanno ka bixi kara howsha maantay hortaalla Galmudug, howshoodana ku gudan kara daacadnimo, aqoon iyo ka hormarinta danta guud midda gaarka ah.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Dadaalka caalamiga ah ee la doonayo in deynta looga cafiyo Soomaaliya ayaa waxaa burburin kara khalad maamul oo ka dhacay dowladda Mareykanka, taasi oo wiiqi doonta isku dayada muddo lagu doonayey in xasilooni loogu soo dabbaalo Soomaaliya. Khaladkan ayaa aad uga yaabiyey qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka, waxaana carrada ka dhalatay ka mid ah in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto uu ka fakarayo inuu is-casilo, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay saraakiil hadda ka tirsan dowladda Mareykanka iyo kuwa hore. Dadaallo dhowr ah oo ay sameysay xukuumadda Kheyre oo wax looga qabanayey musuq-maasuqa laguna saxayey hannaanka maaliyadeed ee dalka, ayaa Soomaaliya siiyey fursad ay ku hesho in horaanta sanadda 2020 looga cafiyo daymaha, ayada oo ka faa’iieysanaysa barnaamijka Bankinga Adduunka iyo IMF ee HIPS (Heavily Indebted Poor Country ) – Dal Sabool ah oo Deyn Culus ay Saaran tahay. Hase yeeshee barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo. “Haddii dowladda Mareykanka aysan wax ku tabarucin, heshiiska oo dhan ayaa burburaya,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan Aqalka Senate-ka oo arrintan la socda. Ayada oo xaqiijinta in deynta laga cafiyo Soomaaliya ay muddo ahmiyad siyaasadeed oo weyn u ahayd Mareykanka, ayaa qorshahaas waxaa hadda burburin kara khalad ka dhacay wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, sababta oo ah kuma aysan wargelin sharci-dejiyayaasha, si deyn cafinta loogu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka, waxaa sidaas u sheegay wargeyska Foreign Policy, lix sarkaal oo isugu jira kuwa hadda xilal haya iyo kuwa hore. Saraakiisha qaar ayaa rumaysan in arrintan ay ka hoos baxday wasaaradda arrimaha dibedda oo ku mashquulsaneyd inay kala hormariso ahmiyadaheeda miisaaniyadda. “Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo qarash iyo waqti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar,” ayuu yiri sarkaal. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waa ay diiday inay jawaab ka bixiso arrintan, sidoo kalena wasaaradda maaliyadda kama aysan soo jawaabin codsi loo diray. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa si hoose uga fakaraya inuu is-caislo, haddii dowladda Mareykanka aysan xal u helin arrintan, sida ay sheegeen saraakiil xog-ogaal ah. Ayada oo la marayo farsamooyin jahwareer badan, ayaa Mareykanka waxa uu tirtir karaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya oo gaaraysa hal bilyan oo dollar. Xeeladdan ayaa ah in wasaaradda arrimaha dibedda ay wasaaradda maaliyadda siiso 35 milyan oo dollar, ayada oo ka wakiil ah Soomaaliya, taasi oo deynta oo dhan meesha ka saaraysa. Hase yeeshee arrintan ayaa u baahan in congress-ka uu ku daro miisaaniyadda dowladda – Balse cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo wasaaradda maaliyadda lama xiriirin sharci-dejiyayaasha, si ay ugu war-geliyaan in 35-ka milyan lagu daro miisaaniyadda 2020, ka hor inta aan la diyaarin, sida ay sheegeen kaaliyayaal ka tirsan congress-ka. Saraakiisha iyo kaaliyayaasha ayaa hadda isku dayaya inay xal kale helaan, hase yeeshee ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka Trump kuma war-gelin in deyn cafinta Soomaaliya ay tahay ahmiyad weyn, sababtoo ah ahmiyado kale oo muhiim u ah ayaa suurta gal in miisaaniyad loo waayo, iskaba daa Afrika’e. “Tani waxay ahayd culeys ka fudud dhibaatooyinka kale ee ka jira Afrika, hase yeeshee maamulka kuma bixin dareen wanaagsan si loogu war-geliyo congress-ka,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan congress-ka. Ayada oo qof kasta uu u muuqo inuu taageersan yahay deyn cafinta Soomaaliya – Ha noqoto wasaaradda arrimaha dibedda, wasaaradda maaliyadda, iyo congress-ka – Haddana ma muuqato in ficil la qaadayo si dib loogu furo miisaaniyadda, looguna daro deyn-cafinta. Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda ma aysan muujin inay 35-ka milyan kasoo goyn doonto meelo kale, una weecin doonto dhanka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale riixi karta deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo la diyaarinayo sharci gooni ah, hase yeeshee taas waa wax aad u adag marka loo eego in lacagta lagu daro miisaaniyadda guud ee dowladda, sababtoo ah maamulka Trump oo ay horey uga go’neyd in la yareeyo gargaarka la siiyo dalalka dibedda. Dalal dhowr ah ayaa horey u ballan-qaaday inay deynta ka cafinayaan Soomaaliya. Horaantii sanadkan kadib markii ay ku qal-qaalisay wasaaradda maaliyadad Mareykanka, Midowga Yurub, UK iyo Qatar ayaa ogolaaday inay bixiyaan $150 milyan oo ka mid ah $330-ka milyan ee IMF ay ku leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, Norway ayaa ogalaatay inay Soomaaliya ka bixiso $360-ka milyan ee uu ku leeyahay Bankiga Adduunka. Si kastaba, dhammaan dadaalladaas ayaa burburi doona, haddii Mareykanka aanu xal u helin khaldkii ka dhacay, sababtoo ah barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta guddi u saaray xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Shirka Golaha Wasiirada dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Dejinta Istaraatijiyadda Wasaaradaha (2020-2023), Baahinta Federaalaynta iyo Dimuquraadiyadda, Gurmadka Gobolka Gardafuu, xaaladda Wadooyinkii Roobabku saameeyeen iyo diyaar garowga Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda oo la qabanayo Bisha 3-aad ee sanadka 2020. Halkaan ka daawo faahfaahinta PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo waxay shacabka Soomaaliyeed kaa sugayaan in looga jawaabo su’aalahaan. 1) – Sidee Al-Shabaab ku yimaadeen Hotel SYL? 2) – Maxaa isku soo beegay tirakoobka booliska oo saddex maalin kaliya ka socda Kumaanda Bulisiya iyo weerarka Al-Shabaab? 3) – Maxaa ka jira in hubkii Al-Shabaabkii la dilay ay shaqsiyaad qaateen si aan loo baarin? Shabaab in dowladaada ku milmeen ayaa la sheegay adna waad sheegtay ma uqaadan karnaa in weerarkaan xubno dowladaada ka tirsan fududeeeyeen? 4) – Tani waa qorshe cusub oo halis ah ee maxaa kaga diyaarsan dowladda? 5) – Qubarada amniga waxay sheegayaan in ay halis ku jiraan hoteelada ka fog aagga ciidamada oo dhici karto in sidaan oo kale loo weeraro ee maxaa maanta iyo berri ama maalin kale loo qaban karaa? 6) – Mudane, inaad Al-Shabaab laba sano ku soo afjari doonto ayaa noo sheegtay waxaana kuu bilaabanaya sanadkaagii afaraad Shabaabna Madaxtooyadii ayey soo galayaan ee maxaa kuu xal ah? 7) – Mar hadii ay weeraro saddex sano kadib Villa Somalia ku socdaan ma u aragtaa in aad adiga halis ku jirto? 8) – Waxaa muuqato inaa ku guul dareysatay dhamaan balanqaadyadaadii aad sameysay, ee ma waxaa rajo ka qabtaa inaa mar kale hogaamiso Soomaaliya? Haddii ay HAA tahay maxaa ku qaban kartaa muddo kale, hadii aadba hal xabo ka qaban balanqaadyadaadii hore? 9) – Shacabkii ku aaminay kugu farxay kuna hambalyeeyay 3 sano ka hor maanta maka war qabtaa? 10) – Maalin waxaa fagaaro ka sheegtay inaa tahay rajadii ugu dambeysay ee shacabka Soomaaliyeed, waa run waa aheyd hada rajadaas ma qabaan shacabka ma ka warqabtaa mise waa kaa rajo dhigeen? W/Q: Hussein Abdulle Mohamed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey. Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka. Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyada oo nuqullo kamid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyey golaha. Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Popular Contributors
