Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Cawil Maxamed Quule oo ka mid golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay muran ka taagan xisbigaasi waxaanu farriin u diray Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Iran)-Dowladda Iran ayaa fashilisay weerar labaad oo dhanka internet-ka ah muddo toddobaad gudihiis ah, waxaa sidaasi sheegay wasiirka isgaadhsiinta ee Iran. Maxammad Javad Azari-Jahromi ayaa sheegay in weerarkan lala bartilmaameedsaday nidaamka Electrooni-kada ah ee dowladda. Wasiirka wax faahfaahin kama bixin weerarkan iyo sida uu u dhacay. Arbacadii ayay ahayd markii ay Iraan ku andacootay in weerar kan la mid ah lagu soo qaaday. Bishi June ee sannadkan nidaamka hubka Iran ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday weerar dhanka internet-ka ah, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka. Source
  3. London (Caasimada Online) – Wiil la dhashay cayaaryahan Mo Farah ayaa laga soo masaafuriyey dalka UK, laguna soo celiyey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaystay xabsi 4 sano ah oo lagu xukumay. Ahmed Farah oo 30 jir ah, ayaa waxaa horey loogu xiray weerar mindi loo adeegsaday oo sanadii 2010 ka dhacay xaafadda Southall ee galbeedka magaalada London. Kadib markii uu xabsiga kasoo baxay ayaa waxaa muddo laba sano ah daba socday Xafiiska Arrimaha Gudaha oo ugu dambeyn u masaafuriyey Somaaliya. Waxa uu hadda sheegayaa inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto UK. Isaga oo la hadlayey wargeyska Daily Mirror kuna suga magaalada Burco ayuu yiri “Waxaan sameeyey khalad weyn, balse maxaa laba goor la iigu ciqaabayaa wixii aan sameeyey. Waxay la mid tahay ayadoo lagu yiri ‘xabsi gal, markaad ka baxdana xabsi kale gal oo ha lagu masafauriyo’” ayuu yiri. Ahmed Farah ayaa sheegay inuusan muddo 10 sano ah la hadal walaakiis Mo Farah, islamarkaana uusan wax cuqad ah u hayn, balse waxa uu is-weydiiyey in caannimada walaalkiisa ay isaga dhaawacday iyo in kale. Isaga oo ka hadayey dambiga uu galay, waxa uu sheegay in haddii uu ogaan lahaa waxa dhacaya, uu habeenkii dhacdada ay dhacday uu u fal-celin lahaa si ka duwan sidii uu sameeyey. Ahmed ayaa la xiray horaantii 2011, waxaana lasii daayey 2014, balse maadaama uusan ahayn muwaadin British ah, waxaa laga qaatay sharcigii. Ahmed ayaa waxaa mar kale la xiray bishii August ee 2016 waxaana kadib u billowday hanaan lagu masaafurinayo, ayada oo dhowaan dib loogu soo celiyey Soomaaliya. Waxa uu sheegay in hadda uu la halgamayo nolosha Afrika, kuna nool yahay saboolnimo.
  4. (SLT-Hargeysa)-Shaqaalaha Dawladda Oo Digniin Adag Loo Diray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Nabaddoon Cabdullahi Daahir Maxamed oo ka tirsan liiska saxiixayeyaasha Galmudug oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya in xoog looga saaray liiska saxiixayaasha Galmudug isaga oo ku eedeeyey musuq iyo in ay ku badaleen ehaladooda. Cabdullahi Daahir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaan ka mid ahaa saxiixayaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, wasiir Sabriye bishii 6-7aad waxaa uu horay noogu khudbeeyey in saxiixayaasha wax aan aheyn la keeni karin, oo Jubbaland ay sidaas ku diideen, hadda isaga iyo shaqaalihii balantii ka baxay, weliba kala rogaa oo bannaanka na dhigay, oo kuwoo aan horay ugu jirin xareysay”. Nabaddoonka oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Cadaaladdii iyo musuqii iney gacanta ku jiraan ayaa muuqato, afkooda iyo uurkooda iska laha”. Nabaddoon Daahir waxaa uu si gaar ah uga sheegtay“Aniga Guddoomiyaha degmada Dayniile Jacfar Abuukar Cali ayaa igu badaly walalalkii, waxaa uu kaashaday Yaxye Hareeri, micnaha waxaa waayey wixii loo dira yeeli maa waaye, qof wixii la rabo loo yeeriyo ayaa la rabaa, Xildhibaanno, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo oo shaqadii Xamar ku hayeen ka soo tagay ayaa jooga halkan, saaka odeyaasha waa la xareeyey, aniga gurigeyga ayaan joogaa”. Goobjoog News uma suurogelin xaqiijinta eedeynta loo soo jeediyey shakhsiyaadka uu nabaddoonka magacyadooda sheegay, xiriir aan la sameynaya ma suurogelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. MOGADISHU (HOL) -The IMF is engaging international partners to mobilise funds to pay off Somalia’s arrears to the IMF, spokesman Gerry Rice has said. Source: Hiiraan Online
  7. Ugu horeyn waxaan salaamayaa. Bahda warbaahinta guud ahaan gaar ahaan ‘ascw’. Salaam ka dib waxaan doonayaa in wax yar idhaahdo dadka qoraya ama baahinaaya. Amaanta ama jaceylka Kooxda Xamar ee uu horboodo ninka lagu sheego farmaajo. Somalida waxey ku maahmaahdaa Doqontu Xadhiga lagu xidhaayo Suxulada ayay ku sidataa, taasi waxaa maanta ka dhigan kuwa reer somaliland ee wax qora qaarkood oo ummada aynu ogayn waxii soo marey iyo dadkii ku dhintay leh Xamar ayaan u shaqo tagey ee himiladii iyo waxey umadu doonaysay hunguri ayar siistay iyo meel aan waxba jirin inoo amaanaaya! Ta kale ee ugu sii xun waxaa weeye. Mareegaha magac somaliland sheegta waxaan ku arkaaye kuwo. Mr farmaajo ugu yeedhaaya madaxweyne ,madaxweynaha somaliland ee la doortaneyna ugu ueedhaaya. Muuse?? Igama ahan dowlad difaac iyo muuse difaac balse shacabka somaliland waxaan doonayaa in ay ogaadan dadka ceynkaasi u dhaqmayaa in ay yahiin kuwo reer somaliland sheegta waliba beesha isaaqa ah. Suaashaydu waxaa weeye goormaan Xamar iyo farmaajo amaanaa? Durba somaliland iyo madaxweynaheedna dafirnaa? Maanta waa la is ogaadey dadka caynkaasi u hadlaaya ama qoraaya hala ogaado in ay yahiin ku aaminsan somaliweyn somaliland Jecel burburkeeda iyo kala tageeda! Waxase hubaal ah dadkaasi in aaney ummada reer somaliland ka leexin doonin tubteeda. Qore Tahir hussein Qaran News
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayreayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato. Dowrka Ganacsatada Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka. “Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Isgaariinta Casriga Ah “Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa. Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha. Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha. Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ilmo yar oo lagu sheegay inuu jiro sagaal bilood ayaa xalay ku dhintay dab xoogan oo qabsaday hoyga ay ka dagan yihiin magaalada Hargeysa ee xaafada Libaaxyada, sida uu sheegay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland. Ilmahan yar ee dabkaasi ku dhintay, ayaa waxa hoyga kula jiray labo kale oo ay ciidamada dab-damisku soo samatabixiyeen iyagoo dhaawaca, iyagoona geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Saddexdan caruur ah ee midkood ku naf waayey dabkaasi, ayaa waxa uu waalidkood guriga kaga xiray dusha, halka uu wiilka yar ee sagaalka bilood jirra uu isaguna lugta ka xidhnaa, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada dab-damiska Somaliland. Hoos ka aqriso qoraalka ay dhacdadaasi ay ka soo saareen Ciidamada dab-damisku: “Alle ha u naxariistee ilmo yar oo sagaal bilood jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca ciidanka dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku qabsaday xaafada libaaxyada ee magaalada Hargeysa. labadii kale oo kala ahaa wiil iyo gabadh ayaa ciidanka dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo. caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay lugta uu ka sii xidhnaa”.
  10. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshe uu maamulkaasi ku sameysanayo Map u gaar ah. Dhabancad ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan daraasad cusub oo la xariirta calaameynta sohdimaha Puntland. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan degmooyin badan oo ku biiray Puntland burburkii dowladdii kadib, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ww-1.mp3 View the full article
  11. By: Hassan Keynan In October 2019, members of the Norwegian Nobel Committee (NNC) gathered in their iconic and hermetically sealed enclave not far from the North Pole and awarded the 2019 Nobel Peace Prize to Abiy Ahmed Ali for two main achievements: 1) His efforts to achieve peace and international cooperation. 2) His decisive initiative to resolve the border conflict with Eritrea. How accurate are these two statements? Do they stand up to detailed and objective scrutiny? Let’s examine. Peace with Eritrea It’s is better and more practical to start with statement point 2, because it is easier to find facts supporting it. Prime Minister Abiy Ahmed displayed a great deal of courage and enlightened leadership in the way he approached and handled the conflict between his country and Eritrea. Of course, it takes two to tango, and this achievement would not have been possible without the cooperation of his counterpart, President of Eritrea. On this the NNC is on relatively solid ground. Destabilization in the Horn of Africa Region However, for point No. 1 it is quite difficult to go along with the stance and judgement of the Nobel Committee. Beyond the boundary separating Ethiopia and Eritrea, there is not any credible evidence indicating that Prime Minister Ahmed has promoted genuine peace and international cooperation. In fact, there is plenty of evidence to the contrary. The UN and Western diplomats based in the Horn of Africa accuse the Prime Minister Ahmed and his government of engaging in illegal activities aimed at destabilizing fragile neighboring countries, especially South Sudan and Somalia. Dirty War with Somalia In the case of Somalia, PM Abiy Ahmed deployed his army to intervene in regional elections in Southwest State of Somalia and in fact influenced the outcome of the election using unlawful and illegitimate means of violence. Three months ago, Premier Ahmed dispatched military planes carrying special operations commandos from the Eastern Command based in Harar to the coastal city of Kismayo to hijack the regional elections in Jubbaland. This attempt was so crude and so ugly that it reminded people of the character and tradition of mercenary armies for hire. The dirty mission in Jubbaland failed because it provoked a sense of outrage and ultimately a huge backlash that forced the invading units to return to where they came from. Now, Ethiopia under the leadership of the 2019 Nobel Peace Prize Laureate is in the process of destabilizing the Galmudug State of Somalia with a view to meddling in the planned regional elections there. This is the third time in a row Premier Ahmed waged a nasty campaign of destabilization in one country alone. How can a leader so determined to recklessly gamble with regional stability be a promoter of peace and international cooperation? Peace with Eritrea and Dirty war with Somalia are not propositions that can be reconciled. Hassan Keynan is a retired former senior UN Official who worked in Africa, Asia and Europe. keynanhassan@yahoo.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  12. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (filish) ayaa maanta Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar hishiis kula saxiixday Dhigiisa Magaalada Dooxa Md: Jamal Madar. Hishiiska labada magaalo ayaa ah hishiis mataanayn oo noqonayo markii ugu horeeysay taariikhda labada Magaalo. Hishiiskaan mataanaynta ah ayaa waxa uu ka koobanayahay 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan sida dib u dhiska magaalada, isdhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee assaasiga ah sida Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, mas’uuliyiinta & hoowlwadeenada labada magaalo oo booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo. Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskaan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga & horumarinta oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qadar. Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa isagoo ka qaybgalayay Madasha DOOXA ikana mid ah wafdi rasmi ah oo soo gaaray dalka Qadar kaas uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Shir ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay M/Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirka warbixin looga dhageystay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyey xaaladda adag ee degmada Afgooye. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan degmadaasi ay tahay mid daran, islamarkaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u baahan yihiin gurmad degdeg ah. Ugu dambeyn mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa isla gartay in isbuucaan gudihiisa deeq gaar gaar ah la gaarsiiyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsan gobolkaasi Shabeelaha Hoose. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-15122019-sxb-.mp3 View the full article
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato. Dowrka Ganacsatada Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka. “Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Isgaariinta Casriga Ah “Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa. Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha. Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha. Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doonto gobolka iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Muxuu kaga hadlay Kheyre khudbadiisii madasha Dooxa? appeared first on Puntland Post.
  16. Warbaahintu waa isha ugu muhiimsan ee dadku ka ogaadaan dhacdooyinka hareerahooda iyo dunida inteeda kale, xiriir soke ayaa ka dhaxeeya saddex geesoodka (1). Weriyaha (2). Warka (3) Dhageystaha. Waa meel dadka waxbarto, hagto, saameynna ku leh go’aan gaaristooda nolasha, loona adeegsan karo horumar iyo dib u dhac intaba. Sidaasi darteed, dalalka caalamka waxaa ay leeyihiin siyaasad warfaafineed oo la jaan-qaadda maslaxadda guud ee qaranka ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulsho iyo mid amni iyada oo weriyaha lala wadaago xaaladda dhabta ah laakin dalkeenna waa jaantaa rogan. Iyada oo aanan gorgortan laga galeyn xuriyadda warbaahinta ayaa hadana waxaa la la’yahay siyaasad cad uu dalku ka leeyahay arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, nidaamka federaalka ah, doorashada, jinsiyadda, maalgeshiga iyo xiriirka dowliga ah. Maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa loo yeeray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye, iyada oo su’aalo weydiinnadii hore laga tusaale qaadanayo lama oga sida uu runta u sheegi doono ama u fulin doonno waxa laga hadlo, waayo inta badan wasiirrada su’aalaha la weydiiyo si hufan uguma jawaabaan, xildhibaanka haddii uu jawaabta wasiirka ku qanci waayo kuma soo noqdo, laguma sameeyo qiimeyn, warbixinta gunaanad ah dadka lamama wadaago, mana dhacdabab in wasiir hadalkiisa lagu qanci waayey oo la ceyriyey, sidaas darteed waa waqti lumis. Haddaba, waxaan idinla wadaageynaa arrimo badan oo ka qaldan wasaaradda warfaafinta taasi oo ay tahay in maanta ay xildhibaannada golaha shacabka weydiiyaan wasiir Maareeye, haddii uu wax ka qaban waayana ay isaga wax ka qabtaan. Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta? Wasaaradda warfaafinta waxaa ka shaqeeyo shaqaale ka badan baahida dalka iyo waxsoo-saarkeeda, dadka laguma shaqaaleeyo tayadooda iyo maxaa tagaan, waxaa ku baxdo miisaaniyad sanadle ah oo dhan $4,954,846, ma laha barnaamijyo tayo leh ama saameyn ku leh bulshada dhaxdeeda ah. Tusalae ahaan: madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay mar weliba umadda u sheegaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, marka halkii la dhisi lahaa waddaniyadda, warbaahintooda waxaa ka muuqda xaalad degenaanshiyo, heeso dabacsan iyo warar buunbuunin ah sida hebel ayaa duulay iyo mid kale ayaa soo dagay, waxaa ku adeegta xukuumadda nabad iyo nolol, mana laha ajende qaran oo ay ku shaqeeyaan ama warbaahinta kale lala wadaago. Warbaahinta qaranka, umadda Soomaaliyeed uma fasirto hindise sharciyeedyada la horkeenno baarlamaanka federaalka ah, heshiisyada la galo, uma shaqeeyaan khubaro iyo dad waxbartay, ma barto umadda xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah halka dunida kale la gaaray in ay warbaahinta kuu sheegto xataa jidka jaamka ah si aad shaqada dhaqso u tagto, ilaalinta deegaanka ama lagu barayo guud ahaan noloshada iyo la dhaqanka dadka. Warbaahinta qaranka ma barto umadda qadiyadaha iyo masaalixda siyaasadeed, amni ama dhaqaale ee qaranku leeyahay kuwaas oo u baahan taageero shacab, xataa waxaa ay ku guuldareysatay in madaxweynaha uu umadda la wadaago heshiisyada masiiriga ah ee uu la galo dalalka kale. Marka laga reebo warar kooban, ma jiro barnaamijyo ku baxa afaf qalaad oo dunida lagu baro halka ay Soomaaliya u socoto, looga hortago dacaayadaha ama dagaallada jiilka 4aad ee maskaxda la iska gumeysto Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ka codsaneynaa in la baabi’yo jiritaanka wasaaradda warfaafinta sida dunida dimoqoraadiga ee Mareykanka, Yurub iyo meelo kale ka dhacday, haddii ay sii jirtana la yareeyo awoodda ay ku leedahay saxaafadda madaxabannaan ee qabata shaqada ay gabeen ee la xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda. Xilligan la joogo, warbaahinta qaranka waxaa ay u shaqeysaa sida kuwa gaar ah, lama arko barnaamijyo haga umadda, ajende gaar ah kama laha xoojinta midnimada sida barnaamijyo u gaar ah Somaliland, horumarinta federaalka, ciidanka iyo taariikhda dhulka iyo dadka. Su’aalo Muhiim Ah In La Weydiiyo Maareeye: 1. TV Qaranka, ma sii daayo fariimo aan aheyn kuwa Farmaajo iyo Kheyre, sabab? 2. Weli waa warbaabihin isticmaasha hannaankii wacyigelintii iyo hanuuninta kacaanka? 3. Warbaahinta maxay u qaban la’dahay doodo lagu saxayo nidaamka federaalka ah iyo dowladda? 4. Dowladda Isla Xisaabtanka, Maxaa loo waayey hal barnaamij oo isla xisaabtan ah oo ka baxa warbaahinteeda? 5. Mar haddii ay tahay warbaahin qaran, maxay si simman ugu tabin la’dahay wararka muxaafidka iyo mucaaridka? 6. Maxaa diiday inuu Is hoos keeno wasiirka sharciga saxaafadda iyo golaha qaran ee saxafiyiinta? W/D: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Kampala (Caasimadda Online) – Xulka Soomaaliya ayaa isaga haray tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Eritrea, wuxuuna ahaa kulankii labaad oo ay difaacdeen shabaqooda. Kulanka dhawaan soo dhamaaday wuxuu ahaa mid ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah, walow ay xiddigaha Soomaalida khasaariyeen fursado ay ciyaarta ku go’aamin kareen. Qaranka Soomaaliya ee haray wuxuu shabaqa difaacday saddex kulan, kaliya hal guuldaro ayey la kulmeen, waxeyna heleen 5-dhibcood taasoo ka dhigan iney kaalinta 3-aad ka galeen Group-ka A. Omar Abdullahi ayaa dhaliyay goolka qura oo ay Soomaaliya ka dhalisay tartanka, sidoo kale saxaafadda Uganda waxey hadal hayaan in goolhaye Saciid Aweys uu ilaa iyo hadda yahay kan guu fiican tartanka dhanka goolka maadaama uu badbaadiyay fursado ka badan goolhaye walba oo kale. Xulka Eritrea waxey fursad u heystaan iney soo gaaraan semi final-ka tartanka kadib dhibicdii ay heleen, waxeyna kaalinta labaad ku galeen 7-dhibcood, kaliya Djibouti oo la ciyaareysa Uganda ayaa la dhibco noqon karta.
  18. The Transitional Puntland Electoral Commission launched its strategic plan on Saturday, at an event held in Garowe. According to a statement issued by the commission, the registration of political parties will be opened from December 15. The municipalities’ elections will be held within the next two years, the statement added. Last month, Puntland lawmakers approved the electoral commission consist of nine members who were appointed in August this year. Analysts believe this commission can do more because it has a good time compared to previous commissions who are appointed during the president’s final years in office. Deni became the first Puntland President who formed the electoral commission in his first year in office. The 21-year-old Puntland government has yet to hold one person, one vote election system. A parliament elected by traditional elders picks the president since 1998. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka, kadib markii ay u yeereen 11 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulanka oo wax yar ka hor furmay ayaa waxaa shir guddoomiynaya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa haatan su’aallo adag weydiinaya Maareeye oo ka mid ah wasiirada firfircoon ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Su’aalaha ugu badan ayaa waxaa wasiirka laga weydiinayaa warbaahinta Qaranka, gaar ahaan SNTV, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Sonna oo dhowaan xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in si gaar ah loo adeegsado, laguna fushado dano gaar ah. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa sii wadi doono doodooda ku aadan hindise sharciyeedka doorashooyina Qaranka oo ay wadeen maalmihii la soo dhaafay. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa muddooyinkaan dambe waday qorshe lagu dardar gelinayo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda. Dhowaan waxaa Golaha hortagay wasiirada wasaaradaha amniga iyo duulista hawada Soomaaliya, kuwaas oo wax laga weydiiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.
  20. Xaarkan waxaa bishii Sebteembar 10-keedii ee sanadkii 1972-kii saxiixay Guddoonshihii Golihii Sare ee Kacaanka Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Hakan guji oo ka akhriso xeerka Muxuu xeerkani ku biirin karaa doodda Soomaaliya ka dhanka ah xeer-jajabka Kiinya ku doonayso in loogu xalaaleeyo dhul badeed Soomaaliyeed? © 2019 PUNTLAND POST The post Xeerka Dhul Badeedka iyo Dekedaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka dowladda Puntland, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay, Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda laga bilaabo maanta oo ku beegan 15 December 2019, taasi oo socon doonta mudda saddex bilood ah oo ku eg, 15 March 2020-ka. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guuleed Saalax Barre, ayaa go’aankaasi ka shaaciyay, munaasabad xalay ka dhacday caasimadda Garoowe oo lagu daah-furay Qorshe-hawleedka Guddiga Puntland oo soo bandhigaya Jadwalka loo marayo hirgelinta Barnaamijka Xisbiyada badan. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay, in Xukuumadda Puntland ee hadda talada haysa, ay boqolkiiba Sideed boqol (800%) kordhisay Miisaaniyadda ku baxaysa Hawlaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, taasi oo uu sheegay in Guddigu kaga maarmi doono Ku-tiirsanaantii Xad-dhaafka ahayd ee Deeq-bixiyaasha Caalamka. Guddoomiyaha Guddiga TPEC, ayaa sidoo kale Munaasabaddii Xalay ka ballan-qaaday, in bisha October ee sannadka 2021-da, ay dhammaan degmooyinka Puntland ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah. Halkaan hoose ka daawo khudbadda Guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo boqolkiiba Sideed boqol kordhisay Miisaaniyadda Guddiga Doorashooyinka TPEC appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan maalin kadib shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminayey weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Magaca ninkaasi ayey Al-Shabaab ku sheegtay Maxamed Maxamuud Cabdi (Saadaq), kaas oo ay tilmaamtay inuu horkacayey raggii fuliyey weerarkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay inuu Saadaq ka soo jeedo beesha Xawaadle, gaar ahaan jufada Reer Ugaas, islamarkaana uu in muddo ka soo howlgalayey gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Saadaq 24 jir ahaa ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale wareysi laga qaaday ka hor inta uusan dhicin weerarka, islamarkaana ay baahisay Idaacadda Andaluus ayuu Saadaq kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo taariikhdiisa, isaga oo sheegay inuu ku dhashay gobolka Baay. Weerarkii hoteel SYL oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo ay ku jireen askar ka tirsanaa ciidanka ammaanka, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya, balse kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay weerarkaasi ku dishay ugu yaraan 25 qof, kuna dhaawacday illaa 39 kale oo isugu jiray askar iyo shaqaale, sida ay hadalka u dhigtay. Hoteelka SYL waa markii saddexaad oo ay weerarto Al-Shabaab, balse weerarkii ugu dambeeyey ayaa ka duwanaa kuwii hore oo looga bartay in qaraxyo ay ku bilowdaan.