-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Dooxa. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed. Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta ee JF ee Soomaaliya?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warbaahintu waa isha ugu muhiimsan ee dadku ka ogaadaan dhacdooyinka hareerahooda iyo dunida inteeda kale, xiriir soke ayaa ka dhaxeeya saddex geesoodka (1). Weriyaha (2). Warka (3) Dhageystaha. Waa meel dadka waxbarto, hagto, saameynna ku leh go’aan gaaristooda nolasha, loona adeegsan karo horumar iyo dib u dhac intaba. Sidaasi darteed, dalalka caalamka waxaa ay leeyihiin siyaasad warfaafineed oo la jaan-qaadda maslaxadda guud ee qaranka ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulsho iyo mid amni iyada oo weriyaha lala wadaago xaaladda dhabta ah laakin dalkeenna waa jaantaa rogan. Iyada oo aanan gorgortan laga galeyn xuriyadda warbaahinta ayaa hadana waxaa la la’yahay siyaasad cad uu dalku ka leeyahay arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, nidaamka federaalka ah, doorashada, jinsiyadda, maalgeshiga iyo xiriirka dowliga ah. Maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa loo yeeray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye, iyada oo su’aalo weydiinnadii hore laga tusaale qaadanayo lama oga sida uu runta u sheegi doono ama u fulin doonno waxa laga hadlo, waayo inta badan wasiirrada su’aalaha la weydiiyo si hufan uguma jawaabaan, xildhibaanka haddii uu jawaabta wasiirka ku qanci waayo kuma soo noqdo, laguma sameeyo qiimeyn, warbixinta gunaanad ah dadka lamama wadaago, mana dhacdabab in wasiir hadalkiisa lagu qanci waayey oo la ceyriyey, sidaas darteed waa waqti lumis. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo badan oo ka qaldan wasaaradda warfaafinta taasi oo ay tahay in maanta ay xildhibaannada golaha shacabka weydiiyaan wasiir Maareeye, haddii uu wax ka qaban waayana ay isaga wax ka qabtaan. Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta? Wasaaradda warfaafinta waxaa ka shaqeeyo shaqaale ka badan baahida dalka iyo waxsoo-saarkeeda, dadka laguma shaqaaleeyo tayadooda iyo maxaa tagaan, waxaa ku baxdo miisaaniyad sanadle ah oo dhan $4,954,846, ma laha barnaamijyo tayo leh ama saameyn ku leh bulshada dhaxdeeda ah. Tusalae ahaan: madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay mar weliba umadda u sheegaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, marka halkii la dhisi lahaa waddaniyadda, warbaahintooda waxaa ka muuqda xaalad degenaanshiyo, heeso dabacsan iyo warar buunbuunin ah sida hebel ayaa duulay iyo mid kale ayaa soo dagay, waxaa ku adeegta xukuumadda nabad iyo nolol, mana laha ajende qaran oo ay ku shaqeeyaan ama warbaahinta kale lala wadaago. Warbaahinta qaranka, umadda Soomaaliyeed uma fasirto hindise sharciyeedyada la horkeenno baarlamaanka federaalka ah, heshiisyada la galo, uma shaqeeyaan khubaro iyo dad waxbartay, ma barto umadda xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah halka dunida kale la gaaray in ay warbaahinta kuu sheegto xataa jidka jaamka ah si aad shaqada dhaqso u tagto, ilaalinta deegaanka ama lagu barayo guud ahaan noloshada iyo la dhaqanka dadka. Warbaahinta qaranka ma barto umadda qadiyadaha iyo masaalixda siyaasadeed, amni ama dhaqaale ee qaranku leeyahay kuwaas oo u baahan taageero shacab, xataa waxaa ay ku guuldareysatay in madaxweynaha uu umadda la wadaago heshiisyada masiiriga ah ee uu la galo dalalka kale. Marka laga reebo warar kooban, ma jiro barnaamijyo ku baxa afaf qalaad oo dunida lagu baro halka ay Soomaaliya u socoto, looga hortago dacaayadaha ama dagaallada jiilka 4aad ee maskaxda la iska gumeysto Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ka codsaneynaa in la baabi’yo jiritaanka wasaaradda warfaafinta sida dunida dimoqoraadiga ee Mareykanka, Yurub iyo meelo kale ka dhacday, haddii ay sii jirtana la yareeyo awoodda ay ku leedahay saxaafadda madaxabannaan ee qabata shaqada ay gabeen ee la xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda. Xilligan la joogo, warbaahinta qaranka waxaa ay u shaqeysaa sida kuwa gaar ah, lama arko barnaamijyo haga umadda, ajende gaar ah kama laha xoojinta midnimada sida barnaamijyo u gaar ah Somaliland, horumarinta federaalka, ciidanka iyo taariikhda dhulka iyo dadka. Su’aalo Muhiim Ah In La Weydiiyo Maareeye: 1. TV Qaranka, ma sii daayo fariimo aan aheyn kuwa Farmaajo iyo Kheyre, sabab? 2. Weli waa warbaabihin isticmaasha hannaankii wacyigelintii iyo hanuuninta kacaanka? 3. Warbaahinta maxay u qaban la’dahay doodo lagu saxayo nidaamka federaalka ah iyo dowladda? 4. Dowladda Isla Xisaabtanka, Maxaa loo waayey hal barnaamij oo isla xisaabtan ah oo ka baxa warbaahinteeda? 5. Mar haddii ay tahay warbaahin qaran, maxay si simman ugu tabin la’dahay wararka muxaafidka iyo mucaaridka? 6. Maxaa diiday inuu Is hoos keeno wasiirka sharciga saxaafadda iyo golaha qaran ee saxafiyiinta? W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed. Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn nidaamyada hadda socda ee la doonayo in lagu wajaho doorashooyinka 2021 ee dowladda dhexe. Wuxuu tilmaamay in Puntland aanay wax shaqo ah ku lahayn wax walbo oo hadda socda, sidoo kalena aanay u muuqan ka maamul ahaan in la qaaday waddo sax ah oo dhanka doorashooyinka ah. “Iyadoo doorashadii federaalka Hal sano ka dhiman tahay ma jiraan wax cad oo la leeyahay sidaas bay doorashada u dhaceysaa….guddi baarlamaanka uu qabtay oo aan arkeenay wey jiraan, laakiin wax Puntland ay ku lug leedahay ma ahan..waxyaabaha aan hadda maqleyno oo u muuqda shaarar dad kale tolonayaan Puntland shaqo kuma lahan” ayuu yiri Dani. Sanadka 2021 ayaa la filayaa dalka in ay ka dhacdo doorasho, iyadoo marka hore qorshaha uu ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa sii xoogaysanaya khilaafka uu xisbiga KULMIYE ka dhex abuuray hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Falanqayn ku saabsan arrintan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dil toogasho ku fuliyey nin ay kooxdaasi sheegtay inuu sameeyey ficilkii Qowmu Luud. Toogashada oo lagu fuliyey, Axmadey Qaadi Maadey ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Doon Buraale oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolkaasi oo fagaaraha ka akhriyey xukunka ayaa sheegay in Axmadey uu qirtay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, islamarkaana ay ku cadaatay in uu sameeyay ficilkii Qowmu Luud, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninkaan uu falkaasi sameeyey, isagoo caafimaad qaba, islamarkaana xukunka xadka ah lagu fuliyey. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ma’ahan markii ugu horreysay oo xukun noocaan oo kale ay fuliso Al-Shabaab, waxaana bishii July ee sanadkaan 2019-ka kooxdu gobolka Hiiraan ku toogatay, nin lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Nuurow, kaas oo isna lagu eedeeyey inuu fara xumeeyey illaa saddex caruur ah. Inta badan waxaa deegaanada ay maamusho Al-Shabaab ka dhaca xukuno u badan dil toogasho ah, kuwaas oo qaar kood lagu fuliyey dad lagu soo eedeeyey basaasnimo.
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu hortago golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaanno gaaraya 11 mudane ayaa 11-kii bishan waxay guddoonka golaha shacabka u gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in wasiir Maareeye horyimaado golaha shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku aaddan warbaahinta qaranka. Waxa ay xildhibaannadan ku doodayaan in si siman aan looga soo deyn TV-ga qaranka doodaha golaha shacabka, kaliyana la qaato mudanayaasha feker ahaan taageersan xukuumadda. Wasiir Maareeye ayaa su’aallo badan oo arrintan ku saabsan wuxuu kala kulmi doonaa mudanayaasha golaha shacabka qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha waxaan idiin kugu soo gudbin doonnaa wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal. Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Mudane, Siciid Xasan Shire, Goleyaasha kala duwan ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro. View the full article
-
Wararka naga so gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay heshiis xabad joojin la dhex dhigay beelihii dhowaan ku dagaalamay bariga gobolkaasi. Heshiiskaan ayaa yimid, kadib markii taliyaha ciidanka Dhulka dowladda iyo waxgaradka deegaanka ay dadaallo ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa colaadaasi. Nabadoon Bedal Axmed Kulane oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhoweeyey heshiiskaasi, wuxuuna sheegay inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-mahad-mudug-.mp3 View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna ayna Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee hadhsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. “Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yidhi Deni. Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”. Source
-
(SLT-Nairobi)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xidhiidha in la xidho Xerada ugu weyn Adduunka ee ay qaxooti ku noolyihiin oo ah Dhadhaab. Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin xeradaas Soomaaliyana ayna ahayn meel lagu celin karo. John Mativo,oo ah garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xidho. Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu khuseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya. Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xidhayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan. Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood. Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay dhiggiisa Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19aad ee Dooxa ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan deeqihii gargaarka ahaa soo gaarsiin gobolkaasi. Cabdisamad Yuusuf ayaa tilmaamay inay jiraan waddooyin dhowr ah oo burbur uu ka soo gaaray daadadkii ka dhashay Roobabkii ka da’ay deegaanada gobolka Bari. Sidoo kale wuuxu ka dalbay dowladda dhexe inay deeqaha Beesha Caalamka soo gaarsiiso gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-gudomiyaha-bari-.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha dhallinyarada aduunka oo soconeysa Deceembar 14-17, 2019. Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, ayaa furay madasha sanadlaha ah ee dhallinyarada aduunka, oo ah madashii sedaxaad tan iyo markii la billaabay sannadkii 2017. Madasha ayaa ah madal ay dhallinyaradu kula kulmaan dadka siyaasadda sameeya ee adduunyada, dadka go’aannada leh, iyo shaqsiyaadka kale ee saameynta leh, aragtiyadoodana ay ku wadaagaan. Madasha oo ajandayaasheeda sannadkaan ay qayb ka yihiin sugnaanta cunnada iyo kacdoonka warshadaha, ayaa waxaa sanad kasta ka qayb gala qaar kamid ah hoggaamiyahaasha caalamka, hoggaamiyayaasha dhallinyarada, dhallinyada hal abuurka leh, dadka caanka ah iyo ururada dhallinyarada adduunka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya dowladda Soomaaliya ayaa kahor inta madasha aan la furin waxa uu la kulmay madaxweynaha dalka Masar, ahana guddoomiyaha midawga Afrika, Abdel-Fattah El-Sisi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-151219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada nabad sugida dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran, laguna soo qab qabtay tiro dad ah ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen degmada Beledxaawo iyo tuulooyin hoosyimaada ee gobolkaasi. Taliyaha nabad sugida ee gobolka Gedo, Cali Deyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi, isagoo sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab iyo 4 nin oo liddi ku ahaa nabad gelyada, kana ganacsanayey maandooriyaha. Cali Deyr ayaa carabka ku dhuftay in tuulada Hareen Tuurre laga soo qabtay xubinta ka tirsan Al-Shabaab, isagoo kuu dhuumaaleysanayey halkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Gedo. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howgala gobolkaan ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyadooda Milatari, si meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo midho dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan tallo wadaagga, waddaniyadda iyo isku duubnida. Dhankooda, Xubnaha Guddiga Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka midho dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Source
-
(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonan taasi oo la xidhiidha weeraro lagu qaaday xeryo Millatariga Mareykanka kaga sugan yihiin wadanka Ciraaq. War saxaafadeed ka soo baxay Pompeo ayuu sheegay in Iiraan ay taageero siiso maleeshiyo khalkhal ku heysa amniga Gobolka. Waxaa waajib nagu ah anaga oo ka faa’ideysaneyna fursadayada in aan ka hortagno weerarada ay Iiraan hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah ciidankeena iyo danaha wadamada saaxiib wadaaga aa nahay ayuu yidhi Pompeo. Arintaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii weerar lagu qaaday saldhig Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin duleedka magaalada caasimada ah ee Baqdaad. Source
-
Farmaajo oo la kulmay guddigu u xushay wada-hadallada Somalia & Somaliland Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Madaxtooyada kulan wada tashi ah kula yeeshay guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac. Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland. Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa weli kulamo gooni gooni ah ka wada magaaladaasi. Khayre ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ah yahay xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin, kaas oo ka qeyb galaya madasha Dooxa. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dardar gelinta barnaamijka Deyn cafinta iyo dowrka Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay la kumay dhiggiisa dalka Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser Bin Khalifa Al Thani, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Kulamadaan ayaa qeyb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka qayb geleysa shirka Dooxa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay ka qeyb galay furitaanka shirka madasha Dooxa, kaas oo uu daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii u dambeeyey ee 2018-kii iyo 2017-kii.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. “Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”.
-
Popular Contributors
