Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimada Online) – Wargaysys kasoo baxa dalka Turkiga ayaa daabacay in qaraxii 28-ka bishan ka dhacay Ex-kontorool Afgooye ay ka dambeyso dawladda Imaaraatka Carabta, oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawladda Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale. Wargeyska Yeni Safak, oo aad ugu dhow dowladda Turkiga, ayaa warbixin uu daabacy ku sheegay in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay, oo ay ku dhinteen 81 qof ilaa iyo hadda, Wargeyska ayaa intaas ku daray in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turkish ah, oo waddo laami ah ka dhisaya halkaas. Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawladda Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Dowladda Turkiga ayaa taageerta dowladda Tripoli, halka Imaraadka ay taageeraan mucaaradka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar. Wargeyska waxaa uu sheegayaa in caddeymo laga helay baabuurkii qarxay ay si toos ah qaraxa ula xiriirinayaan Imaaraadka carabta. Yeni Safak ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in qorshaha qaraxa ay qeyb ka tahay in Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ay ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto Turkiga oo ah dalka ugu saameynta badan dalalka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. Dhinaca kale, qoraal lagu baahiyey barta Twtter-ka ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyey in qaraxii ka dhacay Ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. Qoraal NISA oo koobnaa ayaa lagu yiri, “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.
  2. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa guddida wada hadallada Somaliland u qaabilsan qoondo lacageed ugu dartay Miisaaniyadda 2020 oo hor taalla baarlamaanka Soomaaliya. Fadhigii Shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sheegay in ay yar tahay lacagta loogu tallo galay wada hadallada oo loo arko kuwo ahmiyad weyn leh. Miisaaniyadda Soomaaliya oo dhan sanadkan $469.5 milyan waxa loo qoondeeyay guddida wada hadalka lacag dhan Afar Boqol oo kun oo doolar. Source
  3. Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ku lahaa dal shisheeye, islamarkaana uu weli socda baaritaanka lagu hayo dhacdaasi. “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” ayaa lagu yiri qaraalka ka soo baxay NISA. Sidoo kale warkaan laguma shaacin magaca dalka la sheegay inuu ku lug lahaa weerarkaasi oo geystay khasaare aad u xoogan. Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 148 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho. Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.” Arrintan ayaa imaneysa ayada kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata qaraxyada Soomaaliya, aysan weli sheegin qaraxii Ex-Control oo ay ku dhinteen 81 qof.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay dakhliga gudaha ee sanadkaan sii dhamaanaya 2019-ka u soo xarooday dowladda. Warbixinta wasaaradda maaliyadda ayaa lagu sheegay in canshuurta bariga laga qabtay lacag dhan, $108,937,631,00 ((Boqol iyo siddeed Milyan, sagaal boqol soddon iyo todoba kun, lix boqol soddon iyo koow). Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho ay ka soo xarootay, lacag dhan $111,622,249. Guud ahaan dakhliga gudaha ee sanadkaan 2019-ka marka la’isku daro ayaa waxa ay wasaaraddu ku sheegtay, $220,559,880 (laba boqol iyo labaatan milyan, shan boqol konton iyo sagaal kun iyo siddeed boqol siddeetan), sida ku cad jadwalkaan hoose. Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe horumaro ballaaran ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha, waxaana ku talagalka dakhliga gudaha ee dowladda ee sanadkaan uu ahaa $189,850,000 Milyan, halka uu hadda ka noqday $220,559,880 Milyan. Sidoo kale farqiga u dhaxeeya ku talagalka dakhliga gudaha oo ahaa $190 Milyan iyo dakhliga soo xarooday oo ah $220 Milyan ayaa waxaa u dhaxeeya $30 Milyan oo doollar. Arrintaan ayaa waxa qeyb ka qaadaneysa qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan, taas oo ah guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa diyaarad qaar ah oo sidda gargaar caafimaad u soo dirtay Muqdisho, taas oo ka soo ambabaxday Dooxa. Diyaaradda oo ah mid milatari ayaa saacadaha soo socda ka soo dagi doonto garoonka Aadan Cadde oo la filayo inay ku soo dhoweeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Gaarka ay siddo diyaaraddaan oo loogu tala galay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Ex-Control Afgooye ayaa waxaa bixiyey sanduuqa hormarinta ee dalka Qatar. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay qaadi doonto qaar ka mid ah dhaawacyada daran ee ku jira isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Waa diyaaraddii labaad ee soo gaarta Muqdisho, iyadoona shalay tii koowaad oo ka timid Turkiga ay qaaday 16 dhaawacyo ka mid ahaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay. Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka, waxaana si gaar ah ay uga qeyb qaataan gurmadka deg dega ee loo baahan yahay. Weerarkii Ex-Control Afgooye ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa, waxaana weli saameyntiisa laga dareemaya gudaha Caasimada.
  7. Guddiga gurmadka ayaa sheegay in 24 qof oo la’aa ay heleen 12 qof, 5 dhimatay hal dhaawac ah iyo 6 qof oo bedqaba. Isla guddiga ayaa goor sii horeysay sheegay in dhimashada ay gaartay 83 qof. Wararka ayaa sheegaya in Sidoo kale dhaawa uu hadda ku dhowyahay 200 oo qof. Qaraxa Ex-control waxaa uu noqonayaa midkii 3-aad ee ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaco Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (HOL) - Somali government has revealed 12 people are still missing following a deadly truck bombing in the outskirts of the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. One of the Sixteen victims of Saturday’s blast in Somalia’s capital, Mogadishu who were airlifted to Turkey for specialized treatment on Sunday has died from her critical wounds. Amina Osman Khayre was pronounced dead upon arrival at a hospital in Turkey. An air force plane with Turkish doctors and medical supplies jetted in the country on Saturday night upon the request by the federal republic of Somalia. Somalia’s President, Mohamed Abdullahi who was at the airport to see off the injured received a phone call from his Turkish counterpart, Rajap Tayyip Erdogan who conveyed his condolences following the tragic attack. According to the ministry of health and social services, at least 80 people lost their lives and more than 140 were wounded. This is the worst terror attack in the horn of the African nation in the last two years which no one claimed responsibility. A similar truck bomb attack killed close to 500 people in October 2017. View the full article
  10. The United States military said it killed four “terrorists” in airstrikes against the Al-Shabaab militant group in Somalia on Sunday, a day after the country’s deadliest attack in two years. US Africa Command (AFRICOM) conducted three airstrikes in two locations in the conflict-hit east African nation on Sunday targeting Al-Shabaab militants, it said in a statement. “These precision airstrikes targeted Al-Shabaab militants responsible for terrorist acts against innocent Somali citizens and coordinating with Al-Qaeda,” AFRICOM said. “The US and the federal government of Somalia will continue to increase pressure on the terrorist organization in order to deny them the ability to plot terrorist attacks.” Sunday’s strikes killed two militants and destroyed two vehicles in Qunyo Barrow while a separate strike killed another two in Caliyoow Barrow, according to AFRICOM, which regularly carries out airstrikes in Somalia. They followed a massive car bomb explosion in a busy area of Mogadishu on Saturday that left at least 79 people dead and scores injured. View the full article
  11. (SLT-Berbera)-Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil Ayaa Xabsiga magaalada Berbera u Taxaabay Afar dhalinyaro ah oo Kamida Ehelada Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Ramaax Cali Hayste oo todobaadkan lagu Xidhay Xarunta C.I.D Magaalada Hargeysa. Dhalinyaradan Ayaa Wararku Sheegayaan in laga soo xidhay Magaalada Sheekh iyo Tuulooyinka u dhow Ee hoos yimaada Degmadaasi Sheekh, kuwaasi oo loo soo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe Ee magaalada Berbera. Magacyada Dhalinyaradan oo qaarkood ay walaalo yihiin Siyaasi Ramaax Cali Hayste ayaa magacayadoodu kala yihiin: 1.Deeq Cali Hayste 2.Cabdulaahi Cali Hayste 3.Cismaan Cabdi Hinaaase 4.Cabdi xasan haybe Ilaa hadda Ma cadda Sababta keentay Xadhiga Dhalinyaradani ciidamada Booliisku ay kasoo Qabteen Magaalada Sheekh iyo Degaanada hoos yimaada, waxaana xadhigoodu dhalinyaradani ku soo beegmayaa markii dhawaan Degmadaasi Sheekh ay ka dhaceen Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Xadhiga Siyaasi Ramaax Cali hayste, kuwaasi oo Mudaharadayaashu ay Xukuumada Madaxweyne Muuse ka Dalbanayeen In Xoriyadiisa loo soo Celiyo Siyaasi Ramaax Source
  12. A Turkish military cargo plane landed in the Somali capital on Sunday to evacuate people badly wounded in a devastating truck bombing that killed at least 90 people including two Turkish nationals. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT- Greeca)-Ra’isul wasaaraha Greeca ayaa sheegay hadii xukuumadaha Ankara iyo Athens ay ku fashilmaan xalinta muranka dhanka badda ah ee u dhaxeeya loo waceen doono in lagu kala baxo Maxkamada cadaalada Aduunka ee loo yaqaan (ICJ). Labada wadan oo dhanka badda xad wadaag ka ah ayaa sanadihii la soo dhaafay isku heestay sheegashada jasiirado ku yaal xeebaha Mediterranean-ka. Muranka labada wadan ayaa sii xoogeystay kadib markii bishii hore Turkiga uu heshiis la galay kaasi oo ku aadan aaga badda Shore oo dhacda xeebaha Mediterranean hodanna ku ah dhanka Kaluumeysiga. Aaga laga heshiiyay ayaa dhanka koonfureed waxaa uu kaga beegan yahay xeebaha Turkiga halka dhanka waqooyiga bari uu ka xigo dhanka Liibiya. Xukuumada Tripoli oo aan xiligaan laheyn awood balaaran oo ay ku ilaashan karto marin badeedkeeda ayaa uga gol leh heshiiskaan si looga taageero ilaalinta Badda iyo ka hortagga maraakiibta Shisheeye. Talaabadan ayaa waxaa ka horyimid dalalka Greeca iyo Cyprus oo horay muran dhanka badda ah kala dhaxeeyay Turkiga waxaana ay ku eedeeyeen in xukuumada Ankara ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee Badaha. Ra’isul wasaaraha Greeca Mr Kyriakos Mitsotakis oo wareysi siinayay wargeyska todobaadlaha ah ee Vima ayaa sheegay in muranka ka taagan bariga badda Mediterranean-ka oo u dhaxeeya labada wadan lagu kala saari karo oo kaliya xeerarka caalamiga ee Diblumaasiyada. Horaantii bishaan ayay aheyd markii dowlada Cyprus ay dacwad ka dhan ah Turkiga u gudbisay maxkamada cadaalada ee ICJ iyadoo ku andacooneysa in turkiga laga difaaco xadgudubka uu ku hayo badda shore oo ay Sheeganeyso. Todobaadkii hore ayay aheyd markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in dhag uu u raaricin doonin tabashada waxba kama jiraan ka ah ee ka soo yeereysa wadamada Dariska. Liibiya ayaa tan iyo markii ay cagaha la gashay dagaalada sokeeye sanadkii 2011-kii ka cabaneysay xadgudubyada kaga imaanaya Greeca iyo Cyprus taasi oo keentay in heshiis lagu ilaalinayo badeeda in ay la gasho Turkiga. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Erdogan ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-Cantrol Afgooye, waxa uu sidoo kale xusay in dawladiisa iyo shacabka Turkigu ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda iyo shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaiya, isagoona adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah ayna marna ka horjoogsanayn hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta ee dalka. sida lagu yidhi war kasoo baxay Villa Somalia. Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweyneha Soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. Source
  15. (SLT-Tripoli)-Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa ka codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale, mid ciidan iyo mid dibolomaasi. Hoggaamiyaha dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobe ee dalka Libya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC in ay qaadaan tallaabo dhan ka ah waxa lagu tilmaamay fallaagada ciidamada Millateriga ee uu hoggaamiyo General Khalifa Haftar. Generaalkaasi ayaa la sheegay in dambiyada uu geystay ay yihiin kuwo lid ku ah biniaadanimada, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa. Dhowr bilood oo dagaallo ay ka socdaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripuli boqolaal rayid ah ayaa la dilay ama la dhaawacay halka 140-kun oo ruux ay ka carareen guryahooda. Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Guddiga gurmadka ee qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in 20 qof nolol iyo geeri lagu la’yahay, ka dib qaraxa. Cisbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaaf wareegaya qoysas raadinaya qaar ka mid ah eheladooda oo ay la’yhiin, tan iyo markii uu dhacay qaraxii Ex Control Afgooye. Guddiga gurmadka ayaa waxay xaqiijiyeen inay la soo xidhiidheen qoysas badan, isla-markaana tirada guud ee loo diiwaangeliyay in la la’yahay ay gaadheyso 20 qof. Guddiga ayaa Warbaahinta u sheegay in sideed ka mid ah labaatanka qof ee la la’yahay ay yihiin carruur, taasoo walaac xoogan ku haysa waalidoontooda. Ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 87 qof, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay. Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa xalay dhaawacii qaraxaasi ka soo gaadhay ugu geeriyootay Magaalada Ankara, wax yar uun ka dib markii ay ka cago dhigatay diyaaraddii ay la socotay. Haweeneydan ayaa lagu magacaabi jiray Amina Cismaan Khayre. Weerarkan ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inuu yahay kii saddexaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho. Source
  17. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahinno ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Wasiil gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay dagaalameen maleeshiyaad isticmaalayey maandooriyaha Khamriga. Ugu yaraan illaa qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaan haatan socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Mudug oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha geystay. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolkaan ku soo badanayey isticmaalka maandooriyaha Khamriga oo dhibaata ku haya deegaanka. Mudug waxaa ku soo laa laabta dagaallada u dhexeeya beelaha qaar ee wada daga gobolkaasi, iyadoona dhowaan heshiis nabadeed la kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, kadib dadaallo uu sameeyey taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdixamiid Maxamed Dirir.
  18. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay iney dal kujoogga ama iqaamada u cusbooneysiiso macalimiinta Masaarida ee wax ka dhigaya iskuulka 15 May ee magaalada Muqdisho. Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijyey Goobjoog News in iqaamada oo sanadkiiba mar la cusbooneysiiyo ay ka dhacday ka hor November 9, 2019 laakin ilaa hadda aaney jirin cid cabirtay ama ka jawaabtay cabashadooda, taasina ay sababtay cabsi soo wajahdey, oo aaney dibadda iskuulka u bixi karin, soona adeegan karin. Warar kale waxaa ay sheegayaan in dhibaatooyin badan ay heystaan macalimiinta Masaarida ee 15 May sida biyaha oo ka go’an suuliga iyo qeybo kale iyaga oo nafaafadda, cunto kariska iyo wax walbo iskood u qabsada oo shaqaale la’aan ah. Wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale diiday iney iskuulka geyso macalin ardeyda baro farta Soomaaliga, 2 sano ayey meermeerin ku jirtay. Dhankooda macalimiinta Masaarida ee ku sugan Puntland mar hore ay iqaamo heleen, waxaa kale oo loo fududeeyey dhammaan hawlaha ay u baahdaan. Macalimiintan ayaa ku yimid heshiis dhexmaray labada dal, waxayna dalka yimaadeen November 2016, waxaa lagu bilaabay 15 May iyada oo lagu wado iney ku fidaan ilaa 6 iskuul oo ay ku jiraa Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdunasir. Wasaaradda waxbarashada ayaa loo baahnaa iney garab istaagto, una fududeyso baahiyada jira laakin wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Goodax Barre ayaa la sheegayaa inuu ka dhago fureysto xalinta dhibaatooyinka. Ardeyda ayaa wax lagu baraa lacag la’aan iyada oo waxbarashada kasokow la hirgeliyey garoomada ilaa 6 cayaar oo kala duwan. Waalidiin la hadley Goobjoog News ayaa sheegay iney ku qanacsan yihiin waxbarashada, aadna ugu mahadcelinayaan dowladda iyo shacabka Masar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maleeshiyaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaallameen deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey Laba qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay qof kale, sidey sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka Maleeshiyadan ayaa ku bilowday kadib markii ay isticmaaleen Maandooriye, taasina ay keentay iney isku dhacaan. Xaaladdu waa mid deggan, waxaana kala dhexgalay waxgaradka iyo culimada deegaanka, waxaana socota xallinta wixii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu shir guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madashaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii taageerayaasha xisbiyada dalka, gaar ahaan kuwa madasha ay door uga qaadan lahaayeen gurmadka socda. Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday in la xoojiyo amniga Caasimada, waxna laga bedalo qorshaha hadda ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliska, is looga hortago weerarada khasaaraha geysta ee mararka qaara ka dhaca magaalada Muqdisho. Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah madasha xisbiyada Qaran ayaa dhowaan booqday isbitaallada Muqdisho ee la dhigay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii maalin ka dhacay Ex-Control Afgooye. Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimo ku aadan shirciga doorashooyinka Qaranka oo sabtidii ay meel-mariyeen xildhibaanada golaha shacabka. Madasha oo saluugsan qodobada qaar ee sharcigan oo hadda loo gudbiyey aqalka sare ayaa shaacisay inay muhiim in la sameeyo aragti ku biiris ku aadan sharciga doorashooyinka. Inta badan hoggaanka xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeynaya madaxda dowladda federaalka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku sameystaan muddo kororsi hor leh, iyadoo dib loo dhigayo doorashada soo socota ee 2020-2021.
  21. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay 29-kii bishan ay Saddex duqeyn fuliyeen, Labo ka mid ahna la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin Kuunya Barow iyo Cali Barrow. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen Laba gaari, kuna dileen Labo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, iyaga oo tilmaamay in aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah. William Gayler, madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, kana soo baaraandageen, isaga oo tilmaamay in ay xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah. Al-shabaab weli kama aanay hadal duqeyntan la sheegay in saraakiisha looga diley, balse AFRICOM iyo xoogga dalka ayaa kordhiyey sanadkan dhammaanaya ee 2019 weerarada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Xaafad Muqdisho ka mid ah oo si maalinle ah dad loogu dilo iyo sababta Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday. Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa. Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil. Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof. Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray. Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto. Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya. Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi. Qaran News
  23. Howlgallo ay iska kaashadeen Ciidamada DFS iyo Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana laga fuliyey Shabellaha Hoose. Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan Koowaad waxa shalay oo Sabti ahayd laga fuliyay deegaanka Cali Barrow waxaana lagu dilay Laba horjooge oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalka xigay oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Horjooge kale oo wadarta xubnahan la dilay waxay gaareysaa Saddex, waa sida lagu daabacay warbaahinta dowladda. Ma jirin wax Khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi lagu dilay xubnahan ka tirsan Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay, Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka. Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada. Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo. Source: goobjoog.com