-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iftiiminta Araggii Goob-joogga ahaa ee Bandhigii Buugaagta Laas-caanood. Qalinkii: Akram Cabdala Haddii aad ka maqnayd xafladdii caalamiga ahayd ee bandhigga buugaagta laascaanood, kaalay imikaba ila arag. Iftiiminta araggii goob-joogga ahaa. Waxaynu soo gallay magaalo bilic iyo baaxad leh, waa 10 december 2019 maalin salaasa ah. Daganaanshiyaha, amniga, jawiga xasiloon iyo dhulka barwaaqaysan, waa kuwo xasilinaya quluubta san-ku-neefle walba, waxa iyana na arka yidhi bulsho aad mooddo in loo carbiyey soo dhaweynta martida boqolaalka ah. Waa aroor daruuro irmaan dallaalimeeyeen magaalada, waxa horteenna iyo hareereheenna fadlinaya fardo ku xasuusinaya faraskii caanka ahaa ee xiin-finiin. Qurux weynaa! dad weynaha caleemaha qoyan lulaya, mashxaradda haweenka iyo sacabka dhawaaqiisu samada marayo ayey ku raaxaysanayaan dhageheennu. Magaalada intaa koobsatay waa Laascaanood oo ah caasimadda gobolka Sool. Hore aynu u soconno… Waxaynu kadinka ka galnay garoonka Cabdi Bile oo si weyn usoo jiidanaya indhaha aadamaha. Gudaha garoonka waxa laga sameeyey hool weyn oo si farshaxan ah loo sharraxay oo dhexdiisa si siman kuraas loo dhigay. Qalab dhamays tiranna ku dhan yahay. Madashaa bilicdeeda waxa kor usii qaaday dhalinyar hablo iyo innamo leh oo sida faraawilka ugu heemaalan fagaarahan loo buteeyey bandhigga buugaagta. Martidu waa abwaanno, culimo, hal-abuur, wasiirro, agaasimayaal, qurba-joog, hay’ado madax-bannaan, garaaddo, salaadiin, mas’uuliyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, fannaaniin, suxufiyiin iyo marti-sharaf badan. Martidu 65% waa soomaalilaand, inta kalana waa jigjiga, puntland, muqdisho, kenya iyo xubno ka socda qaramada midoobay (UN). Dhamaan iyagoo mabsuud ah ayey si nidaam u fadhiisteen kuraasta. ILAAHAY (SW) ayaa suura-galiyey in xafladdaasi si habsami ah u socoto muddo saddex maalmood iyo saddex habeen ah. Dadaalka ay reer laascaanood sameeyeen ka sokow, waxa 100% xusid mudan guddoomiyaha hay’adda (svo) cabdikariin siciid aw-cabdi oo si hagar-la’aan ah naf iyo maalba ugu huray, guntigana dhiisha iskaga dhigay qabsoomidda xafladda bandhiggan oo aan odhon karo waa bandhiggii ugu milgaha iyo sharafta badnaa ee ka dhaca waddanka somaliland. AlxamduliLAAH. Madasha bilicdasan ummadda joogtay lama wada magac-dhabi karo, balse waxay dadkii meeshaa ku sugnaa si kadiso ah ugu dhex arkeen laba shakhsi oo dhegaha iyo maskaxda ummadda soomaaliyeed taariikhdoodu ka buuxdo, waa ayo? Waa (hurre walanwal iyo laantii bari ee cambaro) oo qarni hore xusuus iyo raad aan tirmayn wacdarro ka dhigay carrada nugaal. Wallee naf waliba halkeega ayey ku mabsuudday. Waxaan xasuustay Kalmad uu abwaan Hurre Walanwal yidhi: “Hargeysa ha loo sheego in Laascaanood nabad tahay, hadday diidaanna ha loogu dhaarto” Lixdaa caana-maal 8:00 aroornimo ilaa 9:00 caweysnimo kala go’ muu lahayn bandhiggaasi. Lama daalayn lama dakaamayn lagama xiiso go’ayn oo waxaabad moodaysay in dadku rabaan in aanay dhamaan xafladdaasi. Maalmahan boqrani taariikhda baal dahab ah ayey ka galeen, wallee laascaanood mar kaliya ayey boqol tallaabo hore u qaadday, kun jeer waxa bogaadin mudan magaaladaa sida hufnaanta leh u marti qaadday boqollaalka qof Dadka reer Sool waxay muujiyeen gobonnimadooda iyo xariirta dadnimadooda. Waxa layaab noqotay, kumanaankii buug ee madashaa la keenay midh muu baaqan ee waa la wada iibsaday. Alaylehe xaddaarad iyo ilbaxnimo aan qarsoomayn ayaa ka hirgalay gobolka sool. Hal-doorkii goobtaa iskugu yimid, qof waliba si qiiraysan oo jibbo ka muuqato ayuu u burqaday. Mid gabya, mid qur’aan iyo axaadiis dareeriya, mid aqoon muujiya, mid heesa oo dhaanteeya, wallee farxad ayaa shaksi wal oo hadlay ku godladay cilmi iyo aqoonba. Layskuna baray oo kalgacal buuxa ayey martidii kala dhaqaaqday bandhiggaa. Qoraal iyo qoraallo, Lagagama gayoon karo muuqaalkii muunadda lahaa ee lixdaa caana-maal ka hillaacayey magaalada laascaanood. Bandhiggani nasri ayuu ahaa oo bulshadii reer laascaanood wuu mideeyey, waxaad mooddaa hal qof. Aan soo gaabiyee laascaanood xaqiiqdii horumar weyn ayey ku amba-baxday. Sooleey maanta waxaad tahay xiddigtii somaliland. ILAAHAYOW waa mahaddaa. Qalinkii: Akram Cabdala new #darwiish Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-141219.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney socdaan qorsheyaasha lagu dedejinayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka wasaaraddan Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan. Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka. “In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii heshiis la gashay culimada Ahlusunna Waljamaaca.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu daah-furay wajiga 2-aad ee Manhajka dugsiyada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Dalka Emaraatka howl shaqo ugu maqnaa ayaa maanta Dalka kusoo laabtay,saaka barqadii ayuu Madaxweynuhu uu kasoo degay Garowe. Madaxweyne Deni ayaa [...] Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo mudda 20 Cisho ah safar ugu maqnaa magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga, ayaa maanta oo Sabtiya dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku soo dhaweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe. Mudane Deni, ayaa markii uu Garoonka ka soo degay, wuxuu si toos ah ugu soo gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan ka warbixin safarkiisi magaalada Dubai ee xarunta Gnaacsiga waddanka Imaraaadka Carabta. Madaxweynaha ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo uu shalay soo gaaray, waxaana uu halkaasi xalay kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
International Community has called on stakeholders to jointly work on the process form inclusive government in Galmudug State. In a statement, Somalia’s international partners welcomed the statements by the Federal Government of Somalia and the leadership of Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) issued on 12 December. “We appreciate the tireless efforts made by the Federal Government of Somalia, ASWJ leadership and other concerned stakeholders to resolve points of difference through dialogue and compromise,” the statement reads in part. The partners encouraged all concerned to continue their efforts and underscore the importance of an inclusive process that reflects the aspirations of all the communities of Galmudug, and that results in a fair, credible and transparent outcome that is acceptable to the people of Galmudug “We believe this is an important step towards establishing a unified and stable administration in Galmudug, which will be essential in order to advance Somalia’s national priorities for 2020,” the international community said. .The statement jointly by African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, European Union, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations and United States. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah Madasha Dooxa. Shirkaan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo hay’ado caalami ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad dheer ka jeediyo Madasha, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka. Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaare Khayre ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii 2018-kii iyo 2017-kii. Sidoo kale inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda dalka Qatar iyo qaar kamid ah xubnaha kale ee ka qayb geleysa madashaasi. Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow saaxibada ula ah Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ay siisaa taageero kala duwan oo wax ku ool ah.
-
(SLT-Muqdisho)-Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa qarka u saaran inuu is casilo, ka dib markii uu isbedel dhinaca dayn cafinta Soomaaliya ah kala kulmay dawladiisa. Waxa sidaas shalay baahiyay wargeyska Foreign policy ee caalamiga ah. Wargeysku, wuxuu sheegay inuu sidoo kale qarka u saaranyahay inuu burburo dedaal caalami ah oo lagu doonayay in daynta lagaga cafiyo Soomaaliya, kaas oo haddii uu guuldaraysto uu wargeysku saadaaliyay inuu wiiqi doono dedaalada dunidu ku doonayso inay Soomaaliya nabadii ku soo dabaasho. Wuxuu wargeysku sheegay in wasaaradda maaliyadda Maraykanku ay samaysay khalad uu sheegay inay ka dhalatay cadho badan oo sababaysa is casilaadda safiirka Maraykanka ee Muqdisho fadhiya, sida ay u sheegeen wargeyska saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka. Khaladka ka dhacay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka iyo ta’ arrimaha dibadda, ayuu wargeysku ku sheegay inaanay wasaaradahani ku soo wargelin qorshaha dayn cafinta Soomaaliya xildhibaanada aqalka Koongareeska Maraykanka, si miisaaniyadda Maraykanak ee 2020 loogu darro. Lix sarkaal oo Maraykan ah ayaa wargeyska u sheegay sidan. Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo uu wargeysku xidhiidh la sameeyay ayaa diiday inay ka jawaabto arrintan. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaan ka soo jawaabin taar uu wargeysku u diray. Masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa waxa ay dawladooda ku dhaliileen sida ay uga gaabinayso in daynta laga cafiyo Soomaaliya, “Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo karash iyo wakhti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar.” Sidaas waxa wargeyska u sheegay masuul ka tirsan dawladda Maraykanka. Wargeysku wuxuu sheegay in danjire Yamamoto ay arrintani ku qasbayso inuu ka fikiro inuu is casilo, waxase jira ayuu wargeysku tilmaamay dedaalo la doonayo in xal loogu helo arrintan. Qorshaha dayn cafinta Soomaaliya waxa muddo dabada ka riixayay dawladda Maraykanka, waxaana la diyaariyay Barnaamij la yidhaahdo HIPS (Heavily Indebted Poor Country ), oo nuxurkiisu yahay dal sabool ah oo dayn culus lagu leeyahay, waxaanu Barnaamijkani u baahanyahay in dhammaan dalalka daymaha bixiyaa oo uu Maraykanku ugu horeeyaa ay Soomaaliya ka cafiyaan daynta mar qudha, sida uu wargeysku sheegay, waana sababta uu Maraykanku caqabad ugu noqon karo daynta cafinta Soomaaliya, waxaanu Maraykanku Soomaaliya ku leeyahay lacag kord u dhaafaysa hal bilyan oo dollar. Source
-
Kenyan security forces launched counter-terrorism operations along the Somali border following a recent Al-Shabaab attack on a passenger bus outside Wajir county. The operation is aimed at preventing more attacks by al-Shabaab fighters, according to the Kenyan army officers who said they are trying to make the border more safer. Reports said the ongoing Kenyan military operations have affected the movement of civilians along the border. Al-Shabaab has carried out several attacks in North Eastern Kenya, most recently in Wajir town, where more than 10, including Kenyan police officers, were killed in the bus attack. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala eegtay guddoomiyihii hore ee degmadaasi, balse uu ka badbaaday. Qaraxa oo ka dhacay bartamaha Baraawe ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan degmada Baraawe oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana meesha uu qaraxu ka dhacay baaritaano kooban ka sameeyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala halkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Afartii bishaan December ayey aheyd markii ay qarax miino ku dishay guddoomiyihii hore maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Maxamed Yarow kaas oo ka dhacay duleedka degmadaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyada Dr.Sacad Cali Shire ayaa sheegay in miisaniyada cusub ee la ansaxiyay ay guud ahaan macalimiinta dalka u kordhinayaan mushaharaadka, waxa sida oo kale uu sheegay in aanu wax is casilaad ah u gudbin madaxweyne Biixi isla markaasna aanay maskaxdiisaba ku jirin. Wasiir Sacad ayaa sida oo kale ka hadlay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada intii uu xilkaas hayay, waxaanu arimahan uga waramay tilifishanka Horyaal, waxaana isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada uu yidhi “ Waxaan is leeyahay waxyaabo badan ayaad wasaarada ka qabatay waxa ugu horeeya maamul wanaaga, isla markiiba waxaanu bilownay maadaama oo ay ahayd sanad dhamaadkii sidaan uga shaqayn lahayn miisaaniyada cusub 2018 isla markaasna aanu qorshe ugu samayn lahayn 2019-ka, waxaanu dhamays tirnay hawl soo socotay oo ah istaraatiijiyada dheer ee wasaarada maaliyada, waxaan ku soo kordhiyay saddex qaybood oo cusub iyo labaatan qaybood oo kale, waxaanu culayska saarnay sidii aanu xooga u saari lahayn tayada shaqaalaha oo aan u tababari lahayn darawalka ilaa madaxda, waxaanu samaynay qoraalo aan ka yarayn ilaa sodon ilaa afartan oo ku saabsan maamulka iyo habraaca wasaarada, waxaanu aad iyo aad ugu da’daalnay nidaamka BFM-ka dib u habynta maaliyada qaranka, markaas farsamo ahaan heerkay maanta joogtaa waa mid ka sareeya kaan ugu nimi ayaan is leeyahay, xaga wax soo saarkana waxaan is leeyahay aad ayaad ugu guulaysateen sidaad u soo saari lahaydeen dakhligii qorshaysnaa.miisaniyadu sideeda ayay nuugu soo xarootay bishan aynu ku jirno horaanteeda iyo 11 kii bilood ee ka horeeyay waxii aanu qorshaysanay inay noo soo xaroodaan waa noo soo xaroodeen.” Wasiirka ayaa la waydiiyay cashuuraha cusub ee laydhka iyo tilifoonada ay ku soo rogeen iyo sida ay u qaadayaan “ Cashuurtan cashuur cusub maaha waa tii iibka laakiin markii ugu horaysay ayuunbaanu ku bilownay adeegyada tilifoonada iyo korontada, xaga cashuurta wali qalab maanu qaybin oo in yar oo tijaabo ah ayaanu soo iibsanay laakiin wali maanu ku wada qaybin goobaha ay tahay in cashuurtaas laga qaado, sideedaba maadaama oo ay ganacsatadeenu iska tahay mid aan qoraal ku salaysnayn cashuuraha aanu qaadno oo dhan waxay ku salaysan yihiin is aamin shirkada inta u shaqaysa waan ku aaminaa, mushaharka shaqaalaha waanu ku aaminaa,macaashu macaashka waanu ku aaminaa markaas aaminaad ayuu aad ugu xidhan yahay markaas marxaladan aynu marayno aaminaad aanu ku qabo waxii ay qaranka u qabteen in aanay ku baaqanayan laakiin mustaqbalka in loo sameeyo agabkii lagu ilaalin lahaa cashuur walba. hadii aan ka shakino in lacagta ay qaadeen ay ka badantahay lacagta ay soo gubiyeen baadhitaankeeda ayay u baahantahay oo taas waa la sameeyaa, markasta oo haayad laga qaadayo cashuur hadii aanay waaqsanayan tii laga filaayay waa la baadhaa.” Waxa uu wasiirku maaliyadu sheegay inay sanadkan mushaharka u kordhinayaan macalimiinta dalka“ Sanadkan waxa miisaaniyada ku jirta in 25% loo kordhinaayo macalimiinta, miisaaniyadeenuna ma wada awoodi karto in shaqaalaha mar loo wada kordhiyo oo shaqaalaheenu waa ilaa kunton kun.” Ugu danayntii wasiir Sacad Cali Shire oo la waydiiyay inuu madaxweyne Biixi u gudbiyay is casilaad waxa uu yidhi“Waxba kama jiraan, isma casilin mana dalban niyadana kuma hayo.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamac Shabeel, Prof Cabdi Cali Jaamac iyo Abwaan Kujare oo magaalada Burco ku sugan ayaa sheegay in ay halkaasi u joogaan hawlo ku saabsan xisbiga KULMIYE. Jaamac Shabeel ayaa taageeray musharraxnimada Maxamuud Xaashi waxaanu meesha ka saaray hadalka Axmed Cabdidheere guddoomiye xigeenka KULMIYE. Source
-
Shacabka Mahaday Oo Aan Gurmad Ka Helin DFS Iyo Hirshabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi, kadib markii dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabelle. Saa Fuleel Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ayaa sheegay in biyo badan ay weli dhex fadhiyaan xaafadaha Mahadaay, ayna ka dhasheen cuduro kala duwan. Wuxuu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in ay jiraan dad uu soo ritay Shuban Biyood, cudurka duumada iyo cudurro kale oo ka dhashay fatahaadda Wabiga. Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in aanay weli jirin gurmad ay ka heleen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Hirshabelle. “Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney socdaan qorsheyaasha lagu dedejinayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka wasaaraddan Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan. Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka. “In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii heshiis la gashay culimada Ahlusunna Waljamaaca. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.arbi Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si aad ah u xoojiyey amniga waddooyinka soo gala dhismaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka la soo dhoobay koontaroolada ka agdhow madaxtooyada, kuwaas oo wada dhaq dhaqaaq lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay mas’uuliyiinta qaar ilaalada uga reebaan afafaaka hore ee madaxtooyada Qaranka. Wararka ayaa sheegaya in kaliya loo ogol yahay in illaaladooda ay la gudbaan, wasiirada, wasiir Ku xigeenada, taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta xilalka sare haya. Arrintan ayaa sababtay in saaka waddooyinka ka agdhow Villa Soomaaliya lagu arko ciidamo fara badan oo laga reebay mas’uuliyiintii galay xarunta Madaxtooyada. Sida ay ogaatay Caasimada Online tallaabadan cusub ayaa timid, kadib weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday hoteelka SYL, kaas oo ay fuliyeen 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dowladda ayaa qorshahan ku dooneyso inay ku xoojiso amniga, ugana hortagto in weeraro kale ay agagaarka madaxyooyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab. Weerarkii SYL oo dhacay habeenkii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu qaatay ku dhowaad 8 saacadood, waxaana ku dhintay illaa 5 qof oo askar ay ku jiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay kulankooda warbixin uga dhegaystaan, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa mudanaasha dhegaysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan doodii la xariirtay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad. Sharciga doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aadan wax ka badalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3aad. “Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta Baarlamanka hor-tegaya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyeyaasha Waddani iyo UCID ayaa ku gacan-saydhay madaxweyne Biixi oo dalbaday in ay kulan la qaataan. Madaxweyne Biixi qoraal rasmi ah u diray labada hoggaamiye ee mucaaradka kaas oo uu kaga dalbaday in ay maanta sagaalka Subaxnimo ka soo qayb galaan kulan uu kula yeesho Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa kulanka ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafka ka dhashay Guddida Doorashooyinka iyo Muddo kordhinta Baarlamaanka laakiin, waxa kulankaasi diiday Guddoomiyeyaasha Mucaaradka Cirro iyo Faysal. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la filayo in wefti culus oo ka socda dalalka doorashooyinka taageera imanayaan magaalada Hargeysa. Dalalkan ayaa hore u soo saaray qoraal adag oo ay kaga hadlayaan khilaafka madaxweyne Biixi iyo mucaaradka. Wali waxa indhaha lagu hayaa guddida dhexdhexaadinta oo ku hawlan isu soo dhawaynta dhinacyada inkasta oo loo arko in madaxweyne Biixi ka cago jiidayo in guddidaasi xalliso arrimaha la isku mari la yahay. Source
-
Popular Contributors
