Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Earnings from exports to Somalia slipped to a five-year low in September 2019 amid erratic production and long-standing maritime territorial dispute, provisional trade statistics show. Source: Hiiraan Online
  2. Minister for Labor and Social Affairs seeks Turkey’s assistance to help Somalia realize its potential in agriculture Source: Hiiraan Online
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Nabadoonkii labaad oo ka tirsan saxiixe-yaasha Galmudug ayaa waxaa laga saaray liiska Odayaasha Dhaqanka, ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. Iyadoo dorraad liiska Odayaasha Dhaqanka laga saaray Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa waxaa shalayna liiska iska dhex waayay Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed, oo sidoo kale ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug. Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo toddobaadkii hore loo xaqiijiyay amaba loo diiwaangeliyay in uu ka mid noqonayo soo xulayaasha Xildhibaanada cusub ayaa ka war helay in laga saaray liiska. Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Waxaan ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, waxaana la’iga saaray liiska saxiixe-yaasha, waxaad ogeydeen in maalintii dhaweyd ee odayaasha lagu xareynaayay Magaalada Dhuusamareeb, aan ka mid ahaa kuwii la xareeeyay.” Waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu ku eedeeyay in wixii ay Jubbaland ku diideen ay hadda ku hayaan dhismaha maamulka cusub ee Galmudug. “Wasiir Sabriye 6dii iyo 7dii bishan wuxuu noogu khudbadeeyay in saxiixe-yaasha wax aan ahayn la keeni karin, maxaa yeelay wuxuu sheegay in taasi ay ku diideen Jubbaland. Tii ayayna maanta ka wadaan Galmudug.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed. Waxa kaloo uu yiri “Wasiirka iyo shaqaalaha la keenay Magaalada Dhuusamareeb ballanta ayay nooga baxeen, weliba kala rogaa bannaanka na dhigay, iyagoo hadda xareeyay kuwo aan horey ugu jirin liiska.” Nabadoonka oo caro laga dhadhansan karay ayaa wuxuu yiri “Cadaaladdii waxay ku bedeleen musuq ay gacanta kula jiraan, afkooda iyo uurkooda isma laha.” Nabadoon Cabdullaahi Daahir ayaa waxaa lagu soo bedelay nin kale oo ay isu beel yihiin, kaasoo sida uu sheegay ay dowladda u aragtay inuu yahay mid ka shaqayn kara danaheeda, oo aan danta dadka reer Galmudug wadin. Xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa dhanka kale isa soo taraaya qaylo dhaanta ka soo yeeraysa Odayaasha Dhaqanka. Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay marar badan ku celceliyeen inay Dowladda Somaliya ka doonayaan inay joojiso fara-gelinta ay ku hayso dhismaha maamulka cusub. Musuq maasuqa hareeyay bilowga Doorashada Galmudug ayaa si aan qarsoodi lahayn uga muuqata Magaalada Dhuusmaareeb, waxaana taasi lagu macneeyay mid ay dowladda isaga qafiifinayso loolanka adag ee kaga imaanaya Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka. Mucaaradka ayaa daneynaya in ay taageereyaal ku yeeshaan Baarlamaanka xigga ee Galmudug.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka ay Villa Somalia soo saartay ee xeendaabka madaxtooyada loogu diiday inay wax ciidamo ama ilaalo ah la galaan mas’uuliyiinta dowladda. Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa sheegay in Villa Somalia oo “horey u kala xirtay shacabka ay hadda kala xirtay hay’adihii dowladda.” Hoos ka aqri qoraalka Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la xayiray dhammaan wadooyinka agmara ama soo gala madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa laga mamnuucay ilaalada la socota mas’uuliyiinta dawladda, xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intooda badan. Ciidamadu si aan usluubaysnayn ayey ula dhaqmayaan mas’uuliyiinta dawladda, waxaana la yaab leh In ciidamada booliska dareeskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhowaan karin. Hey’adaha dawladda ee agagaarka madaxtooyada ku yaalla waxba kalama socdaan amarkaas soo boodada ah, mana jirto cid fasiraad ka bixisay waxa loola Jeedo, marka laga reebo askarta qaarkood ay la xun tahay waxa ay samaynayaan oo ku dhahaya kor ayey arrintu ka socotaa! Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu talada dalka hayey waxa la kala xiray isku socodkii Magaalada MUQDISHO, sanadkii u danbeeyeyna waxaa bilowdey kala xirista isu socodka hey’adihii dawladda.. Hey’adda golaha shacabku kuma sii shaqayn karto xaaladdu hadda sida ay tahey haddii degdeg wax looga bedelin! Suurtagalna ma ahan madaxweynaha In ay isaga qaldanto mas’uuliyiintii hey’adaha dawladda iyo kooxda alshabaab, mana ahan madaxweynuhu inuu ka naf-jecleysto umadda inteeda asagoo madaxtooyada dhexdeeda loogu keenayo cabashada umadda iyo tan mas’uuliyiinta dawladda.
  5. Luuq (Caasimada Online) – Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa tan iyo Jimcihii waxay ku jirtaa xaalad go’doomin ah, oo ay ku soo rogtay Al Shabaab, iyadoo degmadaasi laga dareemay karkarka kuleelka ee ka dhashay xaaladaasi go’doominta ah. Go’doominta ayaa waxay timid, ka dib markii Ururka Al Shabaab uu u yeeray lix ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Luuq, balse uu Maamulka Degmada ka war helay, isla-markaana uu odayaasha ugu goodiyay inaanay ku soo laaban doonin Luuq, haddii ay ka jawaabaan dalabka uga yimid Al Shabaab. Shabaabka oo tallaabadaasi ka carooday ayaa cunaqabateen deg deg ah ku soo rogay Degmada Luuq, iyagoona ganacsatada ku wargeliyay inaanay wax ganacsi ah keeni karin degmadaasi, ciddii keentaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan. Aadan Faarax oo ka mid ah waxgaradka Degmada Luuq ayaa faah faahiyay sababta ay Shabaabka ugu yeereen Odayaasha Dhaqanka iyo waxa ay ka doonayaanba, wuxuuna yiri “Al Shabaab waxay muddooyinkanba waday Ugaasyo ay u samayneysay beelaha. Marka beesha odayaashaan ka soo jeedo ayay hadda u samayneysay Ugaas, sidaasi daraadeed ayaana odayaasha loogu yeeray.” Aadan Faarax ayaa yiri “Al Shabaab waxay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xasan Gaalshireedle/Mareexaan ka dooneysay inay yimaadaan Deegaanka Golweyn oo 35 u jira Degmada Luuq, oo ah meesha Ugaaska cusub loogu samaynayo Beesha Gaalshireedle, hadafkooduna wuxuu yahay inay odayaasha taageeraan Ugaaska cusub, waa intaas inta ay Al Shabaab ka dooneysay.” Aadan Faarax ayaa daboolka ka qaaday in uu socdo dadaalo ay garwadeenka ka yihiin ganacsatada Degmada Luuq, si degmadaasi laga saaro go’doominta ay ku hayso Al Shabaab. “Hadda waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in go’doominta looga saaro Degmada Luuq, ganacsatada ayaana hormuud u ah. Ganacsatada waxay maalintii Sabtida la kulmeen Maamulka Degmada Luuq, wayna dareensiiyeen caqabadda ka dhalatay go’doominta lagu hayo magaaladaan, waxayna ka dalbadeen inay iska fasaxaan odayaasha, si go’doominta looga saaro magaalada, ganacsiguna uu u noqdo mid caadi ah, wayna ka aqbaleen.” Ayuu yiri Aadan Faaarax. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Axadii shalay waxaa is raacay guddi ka tirsan ganacsatada Luuq iyo Odayaashii Dhaqanka ee Al Shabaab u yeertay, waxayna ku maqan yihiin Deegaanka Golweyn. Ganacsatada waxay rabaan inay Al Shabaab ku qanciyaan in loo soo fasaxay odayaashii ay doonayeen, degmadana ay uga qaadaan amarka ay duldhigeen.” Aadan Faarax ayaa wuxuu ammaanay doorka ganacsatada Degmada Luuq, haddii degamdaasi laga dareemay dhibaatada ka dhalatay go’doominta sida uu yiri ka jirtay saddexdii cisho ee ugu dambeysay. “Shacabka way ku farxeen dadaalada ay wadaan ganacsatada, maadaama magaalada oo dhan laga dareemay caqabadda ka dhalatay go’doominta saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka jirtay, waxaana rajeynaya in dadaalkooda uu guuleysto.” Ayuu yiri Aadan Faarax.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga digay Calaf xoolaad oo uu sheegay inay sumeysan-yihiin, isla markaana la soo galiyay gudaha deegaanada Somaliland. Waddani ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha laga soo galiyay dhinaca xuduuda ee u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacaddo, wuxuuna xusay in loogu tala galay in loo qeybiyo dadka xoolo dhaqatada ee deeganadaasi. Dr. Axmed Cabdilaahi Cige, Xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa arrintaasi si adag uga hadlay, isagoona ku tilmaamay calafkaasi mid sumeysan oo lagu dabar goynayo xoolaha Somaliland. Xoghaye Axmed ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha ee sida Buushiga ah, uu dhan yahay 25-koontiira, isla markaana Hay’adda wadataa aysan uga dan laheyn macaawino, wuxuuna yiri “Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan”. “Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ninkaasina wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso”. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland, oo ku aadan calafka xoolaha ee uu Waddani sheegay in uu sumeysan-yahay, isla markaana Somaliland laga soo galiyay xuduuda ay la wadaagto Jabuuti.
  7. By Dennis Erezi 13 December 2019 | 9:54 am The Nigerian government has suspended the operations of Turkish Airlines in the country due to [...] Source
  8. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyo bumbooyin ah oo Caawa lagu weeraray Saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo. Guddooomiyaha ayaa sheegay, in fiidnimadii Caawa laba bumbo lagu soo tuuray gudaha Saldhiga bartamaha Gaalkacyo, kuwaasi oo sida uu sheegay aan wax khasaare naf iyo maal midna geysan, marka laga reebo nin dhalinyaro ah oo dhaawac fudud ka soo gaaray firiro ay qaraxyadu sameeyeen, xilli uu marayay bannaanka Saldhiga. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay, in qaraxyada lagu wareeraray saldhiga bartamaha Gaalkacyo aysan ahayn kuwa argagixiso, balse ay ku tuhmayaan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo lagu khal-khalinayo Amniga magaalada, si xaalad-abuur loogu sameeyo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid loo qabtay falkaasi. “Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha. Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Puntland: Qaraxyada lagu weeraray Saldhiga Gaalkacyo ma ahayn kuwa Argagixiso appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanha-waraka-15122019.mp3 View the full article
  10. Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyaga oo u adeegsaday weerarkaas bambo gacmeedyo iyo rasaas toos ah. Weerarkan oo socday daqiiqado kooban, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka booliska Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga la weeraray. Dableyda weerarka geysatay oo ilaa hadda aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii geystay weerarkaas. Ciidamada ammaanka Puntland ee ka howlgala waqooyiga Gaalkacyo ayaa caawa xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala saldhiga, iyadoo aad loo adkeeyey dhamaan amaanka xarumaha maamulka ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar magaalada Gaalkacyo ka geysta dilal qorsheysan, kuwaas oo ay horay ka sheega jireen mas’uuliyadooda, balse weerarkaan ayeysan sheegay wali.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaannimo, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho. Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaasi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dhooba Daareed uu abaabulayo dhismaha maamul gobaleed la yiraahdo Maakhir State oo ka shaqeyn doona goballada Sool iyo Sanaag, waxaana abaabulka arintaan wax ka wada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cameey oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Toddobaadkii tegay Camey iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhaqaale maamulka lagu dhiso weydiisteen. Cabdixakiin Dhooba Daareed, ayaa dhow jeer lagu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana uu doonayo kala qaybinta Puntland.
  12. Muqdisho-Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan iskugu jiray soo dhaweyn iyo is xog wareysi waxay magaalada Muqdisho ugu sameeyeen qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ee koonfurta dalka. Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah, Baardheere, Luuq, Dolow iyo Beled-Xaawo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna sii joogi doonaan maalmo sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah wasiirradii ay maanta la kulmeen. Guddoomiyeyaashan ayaa dhowaan ka goostay maamulka Jubaland, kuna biiray dowladda Soomaaliya, waxaana kaidb xilalkii ka qaaday Jubaland. Mas’uuliyiinta ka tirsan xukuumadda oo ay kulankaas la qaateen guddoomiyaashu ayaa kala ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali iyo xubno kale. Gaba-gabadii kulankaas ayaa waxaa la sheegay in wasiirrada ka socday xukuumadda iyo guddomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ay isla qaateen in xukuumaddu kala shaqeyso masuuliyiinta gobolkaas fududeynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo, iyaga oo balan qaaday wasiirradu in howlaha gobolkaas ay doorkeeda ka ciyaari doonto dowladda federaalku. Gobolka Gedo oo mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa mudooyinkii danbe ka taagnaa loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe. Guddoomiyaasha maanta kulanka la qaatay wasiirada ka tirsan xukuumadda ayaa waxaa horay xilalkii uga qaaday hoggaanka maamulka Jubbaland kadib markii ay ka hor yimaadeen maamulka madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna haatan si toos ah ula shaqeeyaan dowladda dhexe.
  13. Deeq bixiyaasha saameynta ku leh Arimaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu Jaha wareersan sida ay Macquul u noqonayso Doorashada Soomaaliya 2020,Maadaama ay u muuqata iney [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa loo diiday in uu ciidan la galo taliska Booliiska Soomaaliya ee Kumaanda Bulisiye, kaas oo u dhaw madaxtootada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Taliye Xijaar ayaa ciidanka ilaalada madaxtooyada ee ku sugan Kantaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia waxay u sheegeen in aysan amar u qabin in la sii daayo ciidan balse ay u ogolyihiin darwalkiisa oo kaliya si uu utago taliska Booliiska ee Kumaanda Bulisiya balse laga reebayo ciidanka kale ee Istaafka ah. Sida ay ilo-wareedyada u sheegeen Caasimada Online, Cabdi Xasan Xijaar ayaa falkaasi ka carooday islamarkaana uu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid ilaa hadana uusan tagin taliska ee Kumaanda Bulisiya. Warar kale ayaa sheegaya in uu maanta barqadii ka galay dhina 15 May, isagoo lugeynayo. Dhinaca kale taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan ayaa xoog ku maray mid kamid ah kontaroolada madaxtooyada Soomaaliya. Taliyaha ayaa la sheegay in uu gaariga ka dagay kadibna uu ciidankii la socday ku yiri soo gudba taas oo sababtay muran cabaar socday kadibna loo fasaxay in uu la soo gudbo. Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ka baqay isku dhac sababi kara dhimasho, ayaan jawaab ka bixin tallaabado uu qaaday Jeneral Mahad. Wararka ayaa sheegaya in taliska madaxtooyada ay dacwad ka gudbiyeen Jeneral Mahad, iyagoo sheegay in ay ka baaqsadeen dagaal uu taliyaha diyaar u ahaa balse ay sugayaan amar kale oo arrintaan la xariira. Shalay ilaa maanta waxaa Kontaroolada madaxtooyada loo diiday in ay ka soo gudbaan wax ciidan ah waxaana taagan muran iyo doodo culus oo arintaan ka dhashay. Wasiirada, xildhibaanada iyo taliyayaasha ayaa doonaya inay ciidankooda la gudbaan, balse waxaa go’aankan la qaatay kadib markii xubno Shabaab ah oo ku hubeysan dharka ciidanka ay weerareen hotel SYL oo ku dhow Villa Somalia.
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-15122019-sax.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Xoghayihii hore ee warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa si weyn u baqdiyay barnaamij ay soo bandhigtay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biix oo lagu sheegay wax-qabadkii sannadkan 2019-ka, waxaanu sheegay inay fashilantay xukuumadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka digay Calaf xoolaad ay Hay’adi Dalka keentay, kaasi oo Xisbigu sheegay inuu sun yahay oo la doonayo in Xoolaha Somaliland lagu dabar-gooyo. Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri) oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo sharraxaya arrintaasi wuxuu yidhi “Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, mar hadday xooluhu laf-dhabarta dhaqaalaheena yihiin waa in Dawladda iyo dadkuba loo foojignaado.” Dr. Shugri waxa kale oo uu sheegay “Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan. Ninkaasi wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso..” Source
  18. (SLT-London)-Dawladda Ingiriiska ayaa Dalkeeda ka Mastaafurisay Nin ay Walaalo yihiin Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah, kaasi oo Magaciisu yahay Axmed Faarax, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail. Ninka la Mastaafuriyey ayaa muddo 4 sanadood iyo Badh ah ku soo qaatay Jeelka oo uu galay sannadkii 2010-kii, ka dib markii lagu eedeeyay inuu Qof Tooray ku geliyey Galbeedka Magaalada London. Ninkan oo da’diisu tahay 30 jir ayaa waajahay daruufo, waxaanu ka qoomameeyay khaladka uu sameeyay sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wargeyska Sunday Mirror “Waxaan sameeyay Khalad weyn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Laakiin, maxaa labada jeer la iigu cibaaqayaa waxa aan sameeyay..” Wargeyska Daily Mail iyo Warbaahin kale ayaa sheegay in Ninkan ay Dawladda UK kala noqotay Sharcigii dhalashada isla-markaana loo Mastaafuriyey halkii uu ku dhashay. Axmed wuxuu sheegay oo kale inaanu Walaalkii Mo Farah aanu la hadlin muddo 10 sanadood, laakiin uu la yaaban yahay in Walaalkiisa sidaa caanka u ahi uu isaga ka soo horjeedo. Source
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo khudbad ka jeedinayey Munaasadda daah-furka Qorshe howleedka Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ka warbixiyey waxqabadkii wasaaradiisa mudadii ay jirtay. Xafladda oo uu kasooo qeybgalay Madaxweyne Puntland Saciid Deni ayuu Wasiirka kusoo bandhigay qorshe ay wasaaradiisa ku dooneyso in soohdimo cusub loogu sameeyo xuduudaha degmooyinka Maamulka Puntland. Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tiir muhiim ah u tahay hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo in maamulkaas laga hirgeliyo. Wasiir Maxamed ayaa xusay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiim ah ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland. Wasiirka ayaa Madaxweyne Deni ku wargeliyey inay wasaaradiisa shaqaaleysiisay sharci yaqaano aqoon u leh xadeynta Degmooyinka, wuxuuna sababta arrintaan loo sameenayo ku macneeyey inay tahay in degmooyin cusub ay kusoo biireen deegaanada Puntland tan iyo burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayna lagama maarmaan tahay in xuduudo loo sameeyo degmooyinka cusub iyo kuwii hore u jiri jiray. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay diyaarinayso Khariida ama Map aan ahayn Khariidadda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka. Mar uu faahfaahin ku bixinayey khriiradda cusub ee Puntland sameysaneyso ayuu sheegay inay kasoo muuqan doonaan 50 degmo ee Puntland ay ka kooban tahay maadaama uu ku dooday in khariidadaha hadda sameysan aysan arrintaas ku jirin sida uu hadalka u dhigay.
  20. Dowlada Itoobiya ayaa shacisay in ay kasoo rarayso Ciidamadeeda Xuduuda Itoobiya iyo Eritrea kadib 20 sano oo ay halkaas ku sugnaayeen. “Wuu dhamaaday Dagaalkii, Labada [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-DAAWO: Suldaan Caan Ah Oo Lagu Xidhay Magaalada Boorama + Sababta Loo Xidhay+Beeshiisa Oo Sida Fiinta Uga Qalisay Xadhigiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada badda Turkiga ayaa markab laga leeyahay Israel ka qabtay kana soo eryey meel u dhow badda Qubrus, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan bada Meditareeniyaanka oo kheyraad badan oo dabiici ah oo lagu arkay. Markabka oo lagu magacaabo Bat Galim, oo uu leeyahay machadka darasaadka badda ee Israel, ayaa cilmi-baaris ka sameynayey biyaha Qubrus, isaga oo la shaqeynaya mas’uuliyiinta dalka Qubrus, sida ay sheegtay warbaahinta Israel, oo soo xigatay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Israel. Sida ay sheegeen warbixino, maraakiibta badda Turkiga ayaa la xiriiray markabka Israel kadibna weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo dhaq-dhaqaayada uu halkaas ka wado, waxaana kadib ay ka dalbeen inuu ka tago aagaas badda Meditareeniyaanka ah. Dhacdan ayaa timid toddobaad kadib markii Turkey ay Libya la saxiixay heshiis ballaariyey aagga dhaqaalaha Turkiga (EEZ), islamarkaana kusoo daray dhul-badeed ay Greece sheegtay inuu ku jiro xuduuddeeda. Marka laga reebo qab-weynida qarannimo ee ku jirta dalalkan iyo kheyraadka halkaas ka buuxa, Greece iyo Turkey labaduba ma aysan xadeyn aaggood dhaqaalaha, taasi oo u ogolaaneysa inay dhul-baaxad weyn kheyraad ka raadsadaan. Qubrus, Israel iyo Masar oo xadeeyey aaggooda dhaqaalaha ayaa helay goob gaas uu ka buuxo oo sare u qaadi kara dhaqaalahooda. Heshiiska Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka Greece, Qubrus iyo Masar oo dhammaantooda sheeganaya inay xuquuq u leeyihiin gobolka gaaska uu ka buuxo. Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey heshiiska, kuna sheegay mid “ku xadudbaya xuquuqda madax-banaani ee dal kale, islamarkaana aanu waafaqsaneyn xeerka caalamiga ah ee badda.”
  23. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Cismaan Kujare ayaa ka hadlay muranka dhex aloosan xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source