Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab said it has launched an attack against African Union troops’ military base in Lower Shabelle region, south of Somalia. The raid has sparked a heavy gunfight between the two sides, who exchanged artillery shells and mortar rounds that inflicted casualties upon civilians in Marka town. Local residents said Al-Shabaab militants encountered resistance as they tried to storm AMISOM – African Union Mission in Somalia base at Bufow area, near the port city. The region has been the scene of a battle between the Al-Shabaab and the Somali army backed by AU and US troops in the past few years. View the full article
  2. Waxaan kugula talinayaa in liis akhrintaada sanadkan 2020 (reading list) aad ku darsato buuggaagtan hoos ku xusan. Waayo akhrinta buuggaagtan oo kale waxaad ka helaysaa xikmad weyn oo ku saabsan hoggaaminta, indheergaradnimada, dhaqan siyaasiga Afrika iyo nolosha guud ee bulshada. Julius Nyerere by Pual Bjerk Buuggan waa muhiim! Wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka madaxweynahii ugu horreeyey dalka Tanzania, Mwalimu Julius Nyrerere. Wuxuu ahaa hoggaamiye ruuxi ah, qaran-dhise baal dahab kaga qoran taariikhda Afrika. Shakhsiyan, waxaan ka dhigtay tusaallahayga siyaasadda iyo macallinkayga falsafadda. Buuggan waxaan kula talinayaa in ay akhriyaan siyaasiyiinta Soomaalida, dhallinyarada jecel in mustaqbalka dhow ay madax ka noqdaan dalka iyo ardayda xiiseysa mowduucyada la xiriira qaran-dhiska, fekerka hantiwadaagga Afrikaannimo iwm. BECOMING by Michelle Obama Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah. Haddii aad tahay qof rumaysan awoodda dumarnimo, buuggan waa buuggaagii ee ku raaxayso akhriskiisa. Introduction to African Politics by Alex Thomson Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm. Haddii aad rabto in faham qotodheer aad u yeelato dhaqan siyaasadeedka Afrika; buuggan wuu ku caawinayaa. Ku darso liiska akhriska sanadkan, kuna raaxayso akhriskiisa. Why Nations Fail by Daron Acemogle iyo James A Robinson Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale. Define and Rule by Mahmood Mamdani Waa buug yar oo xiiso badan, kama badna 165 bog. Waxa uu xambaarsan yahay aqoon macne leh oo ku saabsan sida gumeystaha Ingiriisku u xukumay Afrika. Mamdani, buuggiisan wuxuu diiradda ku saarayaa taariikhda xukunka dadban iyo isbeddeladii ku yimid qorshaha xukun ee gumeysiga. IDENTITY by Francis Fukuyama Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka. Akhriso buuggan haddii aad rabto in aad fahamto siyaasadda qabiilaysiga, kooxaysiga iwm. From Third World to First: The Singapore Story – 1965-2000 by Lee Kuan Yew Weligaa ma maqashay sheekada ku saabsan horumarka Singapore? Buuggan wuxuu ka sheekeynayaa taariikh nololeedka hoggaamiyahii dalka Singapore, Lee Kuan Yew. Iyo sida uu ugu guulaystay in dalkiisa uu ka dhigo mid ka mida dalalka ugu hodan caalamka. Haddii ay kaa go’an tahay in aad beddesho nolosha Soomaalida, oo aad ka dhigto dad leh dowlad-qaran (nation-state); buuggan akhri. THE LOOTING MACHINE by Tom Burgis Buuggan innaba caadi ma aha. Waa buug baaraya waxyaabaha sababay dibudhaca dhaqaalle ee dalalka Afrika. Iyo boobka shirkadaha reer galbeedka ay ku hayaan hantida khayraadka dabiiciga sida shidaalka, saliidda, dahabka, dhaymanka iwm. Akhri buuggan. Waa iga talo. Saaxiibo Kasbo by Cabdiraxman Xuseen Abuu Xamza Haddii aad rabto in sanadkan aad ku dhammaysato jacayl, raaxo, laabfurnaan, saaxiibtinnimo iyo dulqaad badan; akhriso buuggan. Waa iga talo. SOMALI PHOENIX by Jama Mohamed Ghalib Akhri buuggan si aad wax badan uga ogaato taariikhda siyaasiga ee Somalia, sanadyadii 1990 ilaa 2004. The Treason of the Intellectuals by Julien Benda Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada uu indheergaradka ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah. Ugu dambeyn, sanadkan 2020 waa sanadkii akhriska. Ku raaxayso akhriska buuggaagtaas. WQ: Hassan Mudane Bare Jaamacadeed Mudanep5@gmail.com Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada iyo sawirada seddex xubin oo halis ku ah ammaanka Kenya kuwaas oo ka tirsan Kooxda ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ee Al-Shabaab. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in baaritaan dheer iyo xog sirdoon oo la helay kadib la ogaaday magacyada shakhsiyaadkaan iyo sawiradooda. Seddexda qof oo dowladda Kenya soo bandhigtay magacyadooda ayaa waxay kala yihiin Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed, waxayna dowladda Kenya ku tilmaamtay inay yihiin dagaalyahano halis badan ku ah ammaanka dalkooda. Booliska Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay si deg deg ah ula soo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira seddexdaan xubin si ay ugu suurta gasho in lasoo qabto ama la dilo. Wargeyska laga leeyahay dalka Kenya ee Daily Nation ayaa qoray in seddexdaan dagaalyahan ee ka tirsan Al-Shabaab fikradda xagjirnimada ah looga dhaadhacsiiyey magaalooyinka Mombasa iyo ismaamulka Kwale. Booliska Kenya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay seddexdaan dagaalyahan xiriir dhow la leeyihiin Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif oo ah wadaado Muslim ah oo kamid ahaa Al-Shabaab. Sirdoonka Kenya ayaa horey u sheegay inay duqeyn ku dileen Rogo sanadkii 2012 halka Axmed uu weli ku jiro dadka ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka aargudato. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey digniino ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya waxayna taas keentay in heegan buuxa la geliyo laamaha Ammaanka si looga hortago falalka argagixisanimo oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.
  4. MOGADISHU (HOL) - Security has been heightened in Mogadishu today following planned protests against the Al-Shabaab attack last week which killed over 80 people. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu aysan ogolaan doonin ciidamo beeleedyada kala duwan ee ka dhisan gudaha Puntland, kuwaasi oo aan ka amar qaadan dowladda. “ Puntland, ma ogolaan doono Ciidan aan Ciidanka Puntland ahayn, magacu rabo ha sheegto, mid qabiil m ogolin mid argagixiso ma ogolin mid magacyo kale la baxa midna ma ogolin” ayuu yiri madaxweyne Deni oo shalay ka hadlayay Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen cutubyo ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay, in ay tallaabada ku habboon ka qaadi doonaan, cid kasta oo sheegata ciidan ka dhisan gudaha Puntland, oo aan ka hayn ciidamada dowladda ee diiwaan-gashan, taasi oo sida uu xusay ka horjeedda Nidaamka dowladnimo iyo Dastuurka Puntland. Mudane Deni , ayaa tilmaamay in uu dhisi doono ciidamo Puntland leedahay oo Nidaamsan, kuna shaqeeya awaaamiirta dowladda, islamarkaan tiradooda iyo tayadooda la hubo, si loo soo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii Ciidamada. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dayaca ay ka cowdaan ciidamada Puntland, ay qeyb-ahaan iyagu sabab u yihiin , maadaama ay qaarkood diiddan yihiin in la diiwaan-geliyo oo la helo tiradooda sugan, si loo tayeeyo. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni oo ku hanjabay in tallaabo ku habboon laga qaadi doono Ciidamada Beelaha appeared first on Puntland Post.
  6. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Shabellaha Hoose. Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale. Diyaaradahan ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goob munaasabad Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Salagle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu la egyahay. Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha. Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Taiwan’s top military officer and seven others died after a helicopter crash landed in the mountains Thursday, the defence ministry said. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Idlib)-Ugu yaraan 8 qof oo suuriyaan ah oo afar caruur tahay ayaa ku dhintay weerar ka dhacay dalka Suuriya kadib markii gantaal ay soo rideen ciidamada dawladda Suuriya uu ku soo dhacay Dugsi ku yaala gobolka Idlib oo ah meel ay ku xoogan yihiin Mucaaridka dawladda Suuriya. Dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa waxa ku jira Afar Caruur ah oo laba ay yihiin Haween. Waxaana Iskuulka ku dhamaa Ardayda iyo Macalimiinta xiliga weerarku dhacay sida ay sheegayaan kooxaha xuquuqal insaanka iyo la socodka dagaalka Suuriya ee SOHR. Sidoo kale weerarkan ayay ku dhaawacmeen 16 kale, waxaanu qayb ka yahay dagaalka bilaha socday ee ka dhacayey gobolka Idllib. Wariye ka tirsan wakaalada Wararka ee AFP oo ku sugan Sarmeen ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay hadhaaga gantaalada la soo ganay kaas oo dhawr mitir dherernaa. Sida ay sheegtay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arimaha aadamaha ee magaciisa loo soo gaabiyo (OCHA), ayaa sheegay in tiro ka badan 235,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay December 12 ilaa 25, oo ay sabab u tahay dagaalada ka socda gobolkaasi. Waxaanay intaasi ku dareen in dagaalkan sokeeye ee mudada dheer ka socday dalka Suuriya ay ku dhinteen dad ka badan 370,000 qof tan iyo intii uu bilaabmay ee 2011. Source
  9. Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in xilligan, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalka Yemen. Sababta ay xaaladdan usoo wajahday ayaa lagu sheegay kadib markii xerada Alqaras ee Koonfurta Yemen laga eryey hay’adihii gacanta ku hayey dadkan oo ay ugu weyn tahay UNHCR. Waxaan jirin cunto, Biyo, iyo waxbarasho halkaasi ka jirta, waxaana xeradan dadka ku nool ugu badan Soomaali, hadda u baahan in loo gurmado. Sababta hay’adaha loo eryey ayaa ah, kadib markii ay isku dhaceen dadka deegaanka, maadaama ay shaqada ka eryeen askar iyo macallimiin Yemeniyiin ah. Gooboog News Source: goobjoog.com
  10. Ceerigaabo (Caasimadda Online) – Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland, kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa. Ergo ka kala socotay Xukuumadda Somaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo. Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa, sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Somaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar. Ciidamada korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in qaarkood dib loogu celiyay Ciidanka Somaliland halka kuwo kalena ay wali Odayaasha degaanka ka shaqeynayaan. Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland. Mararbadan ayaa lagu guul daraysatay in heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Jabhada Dulmidiid Col,Caare oo ka dagaalama Gobolka Sanaag oo ay ku maransanyihiin Somaliland iyo Puntland.
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa digniin u diray ciidamada inta ay gadoodaan misane xira waddooyinka ama joojiya shaqooyinka ka socda xarumaha muhiimka ah ee maamulkaasi. Wuxuu sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin ciidamo ku dhaqaaqa falalkaasi, tallaab adagna laga qaadi doono. Dani ayaa tilmaamay in laga soo gudbay waqtiyadii ciidanku rabitaankooda ku muujin lahaayeen carqaladeynta shacabka ama habsami u socodka nidaamka dowladnimada. “Looma dulqaadan doono ciidan xirta waddooyinka misane dhahaya waa in wax hebel naloo sameeyaa, ama wax hebel ayaan rabnaa” ayuu yiri Dani. Dhowr jeer, ciidamo Puntland ah ayaa xirtay waddooyin muhiim ah, iyaga oo ka carreysan sida ay sheegeen mushaar la’aan iyo wax la mid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyey Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab, kaasi oo la filayo in maanta uu ka dhacdo magaalada Muqdisho. Waxaa la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in banaanbaxan uu ka dhacdo dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye. Waddooyinka xiran ayaa ah kuwa soo gala xarunta dugsigan iyo waddo walba oo halkaasi ku dhow, waxaana ku sugan ciidamada ammaanka. Banaanbaxan oo maalin kahor ballamiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan madax ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof oo shacab ah, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee mudaaharaad looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socota Muqdisho. Mudaaharaadka ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda. Dibad-baxa ayaa ka dhashay qaraxii shacabka badan ku dhinteen ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye kaasoo Al-Shabaab sheegatay. Ku dhowaad 90 qof ayaa ku naf-waayay falkaas, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo ka badan 100 qaarkoodna dibada looq aadey. Weerarkaas ayaa noqday midkii saddexaad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee guud ahaan Soomaaliya. View the full article
  14. Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqddisho, halkaasi oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka dhaco bannaan-bax uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir. Bannaan-baxa ayaa looga horjeedo Qaraxyada iyo dilalka malayshiyaadka Al-shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee 28-ki bishi December 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Bannaan-baxa ayaa sida qorshaysan lagu qaban doonaa, Kulliyada Tababarka Ciidamada Booliiska Jeneraal Kaahiye, halkaasi maamulka gobolka Banaadir uu amray in la isugu geeyo dad laga soo uruuriyay degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, si ay bannaan-baxa uga qeyb qaataan. Sidoo kale Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay Ciidamada Amniga si looga hortago weerarro kale oo Al-shabaab ka gaystaan Muqdisho xilliga bannaan-baxu socdo. PUNTLAND POST The post Bannaan-bax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran appeared first on Puntland Post.
  15. Korneyl Saciid Jaamac Caarre ayaa lagu soo waramayaa in heshiis uu la gaaray xukuumadda Somaliland, kadib wadahadallo muddo badan qaatay. Wararku waxay sheegayaan in Korneelka uu aqbalay in jabhaddiisa laga soo saaro buuraha, sidoo kalena uu nabadda qaato. Waxgaradka beeshiisa iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa ka dalbaday Caarre in uu ciidankiisa kusoo daro kuwa Somaliland, isna la siiyo lacag dhan 300 Kun oo doolar, dalka dibaddiisana uu aado. Caarre ayaa intaasba aqbalay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan ciidankiisa ay dhanka Xukuumadda Biixi ku biiraan. Jabhadda Korneel Caarre ayaa saldhigyo waaweyn ku lahayd deegaanno ka mid ah Somaliland, waxaana dagaallo culus ay ka galeen deegaanno dhowr ah oo hoosta maamulka Biixi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Experts on Somalia say they doubt the claim by the Somali government's intelligence agency that an unnamed “foreign country” planned the December 28 attack in Mogadishu that killed scores of civilians. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta mucaaradka. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in hab-dhaqanka siyaasiyiinta uu yahay “munaafaqnimo”, sidda uu hadalka u yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata, Cumar Filish ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo ka dhan ah mucaaradka. Dhawaqa culus ayaa kusoo aadaya xili dalka la filayo in ay sanadka dambe ka dhacdo doorashooyin xasaasi ah. Hadalkan ayuu ka sheegay dhagax-dhiga dayac-tir lagu sameynayo xarunta degmada Warta Nabada oo 14-kii May, 2019, ay Al-Shabaab weerartay. View the full article
  18. Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaal oo leysku adeegsaday hub culus ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda garab ka helaya AMISOM. Xarakadda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsatay fariisin ay ciidamadda ku leeyihiin xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Khasaaro kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay iska hor-imaadka oo muddo saacado ah socday. Dhinaca kale, madaafiic ay ciidamadda AMISOM tuureen kadib weerarka ayaa la tilmaamay in uu rayid waxyeeleeyay. Inta badan gobolka waxaa dagaalo kharaar uu ku dhexmaraa ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhaca iyo Al-Shabaab. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-02012019.mp3 View the full article
  20. Three airstrikes on Somalia by the US on Sunday bring the total number of attacks so far this year to 63 the most ever by US forces in Somalia and a significant increase from the 47 of last year. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xirey wadooyin ay kamid yihiin, agagaarka Taalada Dajirka Daahsoon, wadada ka baxda Suuqa Beerta ee aada dhinaca wadada Maka Al-mukarama, wadada ka baxda Isgoyska Ceelgaabta ee aadan dhinaca Isgoyska Xamar jajab iyo wadooyin kale, kuwaas oo loo doodayo inay Gadiidka noocyadiisa kala duwan isticmaalaan. Sababaha wadooyinka loo xirey ayaa ah in Maanta la qabanayo bannaanbax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ka dib qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa kii saddexaad ee dadkii ugu badnaa ku dhintaan, kana dhaca Magaalada Muqdisho ayaa argagax-geliyay shacabka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Talaadadii iclaamiyay in dadweynaha reer Muqdisho ay Khamiistan isugu soo baxaan wadooyinka, iyadoo bannaanbaxaasi lagu muujinayo sida ay dadku uga soo horjeedaan Al Shabaab. Dadweyne fara-badan ayaa waxaa la fillayaa inay maanta ka qayb qaataan bannaanbaxani, oo dadweynaha reer Muqdisho ay dunida ugu iftiimin doonaan, sida ay uga daaleen falalka argagixiso. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Arbacadii dhagax dhigay Xarunta Degmada Warta Nabadda oo ku burburtay weerar ismiidaamin ahaa, oo Shabaabku ku qaadeen 14-kii bishii May ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay Shabaab ugu aqoonsadeen cadowgooda. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Somaliya ay ka gudubtay meeshii ay shalay ku dhacday, isla-markaana uu hubo in dadka Soomaaliyeed ay midnimadooda ilaashan doonaan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa samirkooda, dulqaadkooda, isu duubnidooda iyo sida ay u garteen cadowgooda, meelna ay uga soo wada jeesteen. Waxaan hubaa Somaliya inay ka istaagtay meeshii ay shalay ku dhacday, waxaan hubaa dalkaan haddii uu Alle yiraahdo inuu horumarayo, waxaan hubaa dadka Soomaaliyeed oo ah kuwo waxbartay, oo shalay sidii ay ahaayeen aan maanta ahayn inay midnimadooda adkeysan doonaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
  22. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo war ka soo saartay qaraxii Muqdisho ee lagu eedeeyey Imaaraadka Shirkii Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiyaa ayaa laga soo saaray war-murtiyeed looga hadlay xaaladaha ka taagan wadamada Islaamka sida Ciraaq, Soomaaliya, Liibiya iyo wadamo kale. Qeyb ka mid ah war saxaafadeedka laga soo saaray shirkaas ayaa si weyn loogu cambaareeyey weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho 28 Bishii December ee sanadkii dhamaaday kaasoo ka dhacay Isgoyska Ex Control ee Afgooye. Golaha Wasiirada ayaa tacsi hawada usoo mariyey eheladii dadkii ku dhintay qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale golaha u duceeyeen kuwii ku dhaawacmay weerarkaas oo ay u Sacuudiga ku tilmaamtay inuu ahaa mid argagixiso. Sacuudiga ayaa tilmaamtay inuu mowqifkeedu yahay in laga hor imaado falal kasta oo ah kuwa Rabshad, xagjirnimo iyo argagixiso ah. “Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay Magaalada Riyadh ayaa waxaa guddoominayey Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis. Warbixinta kasoo baxday Golaha Wasiirada ayaa kusoo aadeyso xilli Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman ay farriin tacsi ah soo gaarsiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 150 kale, wuxuuna afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere qiray inay fulisay qaraxaas Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Geeska Afrika. Hay’adda NISA ayaa qaraxaas sheegtay inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin, hase yeeshee wargeys Turkish ah oo aad ugu dhow dowladda dalkaas ayaa qoray in dhaxal-sugaha Imaaraadka carabta Maxamed Bin Zayed uu bixiyey amarka lagu fuliyey qaraxa. Qaran News
  23. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb. Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday. Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka Bulshada degaannadaasi ku dhaqan. Muranka iyo khilaafka ugu badan ayaa ka taagan xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Galmudug kadib markii is maan-dhaaf ka dhashay 20 xubnood oo Ahlusunna laga siiyay saamiga Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Khayre oo Odayaasha Galmudug kala hadlay de-dejinta dhismaha Maamulka Galmudug appeared first on Puntland Post.