-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa - Ethiopia announced Friday that it had secured roughly $9 billion (8 billion euros) in outside financing for ambitious economic reforms which analysts say could underpin the country's delicate political transition. Source: Hiiraan Online
-
Yemen Unrest Makes Somalia Unlikely Safe Haven for Refugees
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Four years of a brutal civil war in Yemen has forced more than 4.3 million people to leave their homes. Many of the Yemenis desperately seeking safety are turning to neighboring Somalia. Source: Hiiraan Online -
The International Organization for Migration (IOM) signed a new cooperation agreement with the Federal Government of Somalia Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda horumarinta caruurta u qaabilsan Qaramada ee UNICEF ayaa go’aan ka gaaray muran u dhaxeeyay wasiirada waxbarashada iyo warfaafinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haayay guddi uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Sida aan xogta ku helnay, mas’uuliyiinta UNICEF ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u sheegay in arintaan ay hay’adooda ka shaqeysay islamarkaana ay uga dan leedahay horumarinta waxbarashada Soomaaliya islamarkaana hadii ay sideeda lagula shaqeynin ay keeni karto dib u dhac masharuuca ku yimaado. Ilo-wareedo ku dhow Xasan Cali Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulan la qaatay wasiirka warfaafinta kuna amray in uu isaga haro doodda waxbarashada islamarkaana uu la yimaado mashruuc kale maadaama kan ay soo dhameysatay wasaarad kale. Kheyre ayaa wasiirkiisa warfaafinta ku amray inuu la shaqeeyo guddiga si hagar la’aan ah iyo in aan mar dambe warbaahinta loo adeegsan muranada wasaaradaha soo kala dhaxgala. Guddigii uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ee Waxbarashada, Hidaha iyo Seyniska ayaa todobaadkaan kulan ku yeeshay xaraunta Akadeemiyada waxayna ku doorteen guddoomiye, ku xigeen iyo xubnaha kale ee guddiga waxayna toos u shaqa bilaabeen howshii loo idmaday. Maareeye ayaa horey ugu dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.” Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage). Qoraalka Maareeye soo saaray ayaa ka carreysiiyey madaxda dowladda oo aqbali waayey inuu saxaafadda ka dagaalami intii uu arrintan u xalin lahaa qaab hoose.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa joojiyay in shirka guddoomiyaasha degmooyinka iyo shirarka kale ee gobalka lagu qabto hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore ee gobalka Allah ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqalaaha gobolka, hoolkii uu ku dhintay duqii hore ayaa waxaa saaran quful muddo bilooyin ah waxaana shirarka gobalka lagu qabtaa barxadda banaanka ee gobalka, halkaas oo markii hore lagu qaban jiray xafladaha waa wayn ee gobalka ka dhaca. Miisaska, iyo kuraasta shirka iyo teendhooyinka waxaa xir xira ciidanka ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobalka waxaana hoolka dib ugu celiya isla ciidankaas ,waxayna badanaa kulamada dhacaan xiliyada habeenkii ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka qayb gashay kulamadaasi. Si rasmi ah looma oga sababta uu guddoomiyaha uga baaqsaday hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore waxaase la aaminsan yahay in ay tahay cabsi dhanka amaanka ah. Cumar Filisha ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo inaysan dib usoo dhicin musiibo la mid ah tii 24-kii July, markaasi oo gabar agaasime ka ahayd gobolka ay isku dhex-qarxisay hoolkii shirarka. 14-kii November, Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa. Waxa uu sheegay in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa. Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna.
-
Edmonton (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa waxay xukun adag oo 28 sano oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah, oo aan weli helin dhalashada dalkaasi Canada. Maxkamadda Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ayaa waxay Cabdullaahi Xasan Shariif ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay inuu fal dembiyeedyo gaystay. Ciidamada Booliska ayaa ninkan gacanta ku soo dhigay 30-kii bishii September ee 2017, ka dib markii uu toorey ku dhaawacay Sarkaal Booliska ka tirsan, ka dibna u damcay in uu ku baxsado gaadiidka xamuulka ee dalkaasi looga yaqaano U-Haul truck. Ka hor inta aanay gacanta ku soo dhigin Ciidamada Booliska ayuu gaariga jiirsiiyay dhawr qof, inkastoo dhaawacyo fudud uu falkaasi ka soo gaaray. Cabdullaahi Xasan Shariif oo 32 jir ah ayaa intii ay maxkamadayntiisu socotay waxaa la sheegay inaanu haljeer xitaa ka hor hadlin Maxkamadda, isla-markaana aanu samayn wax is difaacid ah. Sidoo kale intii ay socotay maxkamadayntiisa ayaa waxaa la sheegay inaanu jirin wax qareen ah oo ka difaacaayay waxyaabihii loo haystay, ee ay xeer ilaalinta ku soo oogtay. Wariye-yaasha ayaa ku waramaya in Maxkamadda ay ninkaasi siisay fursado dhawr ah oo uu ku hadli karay, balse uu iska diiday in Maxkamadda uu ka hor hadlo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in ninkaasi xabsi daa’in lagu xukumo, inkastoo ay ugu dambeen Maxkamadda ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah. Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanu wax jixin-jix ah ka muujin xabsiga mudada dheer, ee ay Maxkamadda Edmonton ku riday.
-
Tanu waa heesti ow ugu jeclaa Jaalle Siyaad xilli ay hobolladi Waaberi wacdaro ka sameeyeen dalka oo dhan, Jaale Siyaadna uu rumeystay erayada la adeegsanaayay berigaas oo ka dhigtay qof aan weli la arag isaga oo kale. Maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu taagan yahay heer uu xeelad kasta adeegsanaayo si uusan marna uga degin jagadaas. Madaxweyne Farmaajo waxaa u qarsan xeelado qofka caadiga ah uusan maleyn karin oo ay ka mid yihiin in la abuuro fowdo iyo qas aad u baaxad weyn oo dalka oo dhan lagu curyaamiyo si erayga DOORASHO meesha looga saaro.. Haddii aan soo koobno waxaa barnaamijka Farmaajo ka mida in muddo LABA sano ah loo kordhiyo si ay dowladdu u dhammeystirto dustuurka, xasiloonida dalka, dib-u-heshiisiinta iyo ka takhaluska uruka al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guuleystay inuu Mamul Goboledyadi oo dhismahoodi laga soo maray dhibaatooyin fara badan uu muddo SEDDAX sano ku baburburiyay…marka haddii loo kordhiyo xilka waxaa hubaal ah in dalka oo dhan lagu kala carari doono, waayoo asagu waa buldoozar oo loo adeegsado burburinta dhismayaasha ee buldoozar wax ma dhiso. Haddaba, siyaasiyiinta maanta ordaaya oo iyaga laftooda u baahan is-abaabul iyo is-afgarasho, waxaan kula tali lahaa inay raadiyaan xeelad ka hortegi karta waxaa uu soo wado Famaajo oo ah inaysan dowlad ka dambeyn doonin marba haddii uu booska waayo, waana isla tubti uu horey u qaaday Jaalle Siyaad mahey ku dambeysayna la ogaa. M/Weyne Farmaajo waxaan u sheegeynaa in ragi adiga kaa horeeyay oo booskaan iyo jagadaan hortaa soo qabtay waa jeclaayeen inay sii joogaan sidi ninki isagoo sakaraad ah yiri INAAN JOOGO JECLAAYAA!!! Markuu waqtigaaga dhammaado waa tegeysaa una maly maayo inaad doorasho dambe ku guuleysan doonto. Waxaana ´kuu kheyr badan inaad isaga tagto inta aad nabad qabto oo laga yaabo inay jiraan weli dad ku taageersan.Jagadaan aad ayaad u jeceshahay, laakin waxad rabto, mar kasta, lama wada helo..ku quus qaado Jaalle Siyaad mihi u dambeysay, waana ka shallaayay maraan shallaay wax terin.. Intaasi waa iga talo ee dalka iyo dadka ka badbaadi burbur iyo barakac hor leh. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay, in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay , in loo baahanyahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Mudane Deni, ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha ayaa ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka, kaas oo soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar. Ujeedada ayaa ahayd ogaanshaha iyo fahanka laga haysto caruurta kadib markii ay sii bateen dhibaatooyinka ka dhasha caruurta noloshu ka badalanto kuna wareera dhaqamada is diidan ee kala ah tan waalidkood ku soo koreen iyo midka caruurta qurbuhu ku dhasheen. “Waalidiin baddan ayaa aad ugu wareera fahanka ubadkooda waxayna horseeday is fahmi waa sababa in ilmuhu nolosha ka dhacaan halisna u galaan in ay mustaqbalkooda waayaan” sidaa waxaa yiri Dahir Ali Omar oo xiliyadii u danbeeyay waday baaritaan ku aadan xariir la’aanta waalidka iyo Ubadka ka dhex dhalata iyo waxa sababa. Aqoonyahan badan oo kulankan ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Waalidiin, Macalimiin, Ganacsato iyo quburo kale ayaa ka hadlay kulankan waxayna gorfeeyeen xaaladaha adag ee haysta Caruurta ku dhalatay qurbaha kuwaas oo la kulma dhibaatooyin kala duwan kana dhasha kala duwanaanshaha labada dhaqan. Ruqiya Kusoow oo ah Hooyo Aqoonyahan ah in mudaana ku noolayd dalkan ayaa soo jeedisay in Waalidiintu u dabacsanaadaan ubadkooda kuna xisaabtamaan in caruurtu yihiin dhibanayaal labo dhan u dhexeeya isla markaana u bahan in la fahmo saaxiib dhow lala noqdo loo muujiyo in diyaar loo yahay iyada oo dhanka kale xustay in waalidiintu xaruurta uga sheekeeyaan dhaqamada kala duwan iyo halisaha ku xeeran si dabacsan. Qaarkamid ah dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka oo ay ka mid tahay Deeqo Mohamed Siyaad ayaa soo bandhigay qibrada ay ka haystaan caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed kana sheekeeyay dhibaatada jirta iyo aqoon la’aanta waalidiin baddan ka haysta Fahanka ubadkooda Ifrah Udgoon oo ah Macalin dugsiga dhexe u dhigta caruurta ayaa aad uu xeel dheeraatay dhibka jira soona jeedisay in caruurta Jacayl loo muujiyo iyo in saaxiib dhow lala noqdo iyada oo tusaale u soo qaadatay Nafteeda oo ah shaqsi ku koray qurbaha lana kulmay dhibka laga sheekeeynaayo. Gabi ahaan dadkii hadlay ayaa garowsaday in Halis baddan ku xeerantahay Caruurta qurbaha ayna kaga bixi karaan waalidiin u dabacsan saxiib laha isla markaana fahansan waxa iska badalay ubadkooda iyo marxaladaha ay marayaan. Waxa uu ahaa barnaamij aad u xiiso baddan loona riyaaqay waxaana lagu balamay in la sii wado kulmada caynkan ah si loo bad baadiyo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray kuwaas oo halis ugu jira, dhaqan Guur, Daroogo, Xabsi, Dil, iyo Wax walba oo xun hadii aysan helin Gacan Naxariis iyo aqoon isku darsatay. Deeqo Shire (SONNA) The post Halis badan oo ku xeeran caruurta qurbaha appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hadal ka jeediyay Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa sheegay in Wasaaraddiisu waddo Qorshe lagu kala astaynayo dhammaan Soohdimaha degmooyinka, taasi oo tiir muhiima u ah hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiima ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ay diyaarinayso Khariirad ama Map aan ahayn Khariiradda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka. Hoos ka daawo Khudbadda wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo samaysanaysa Khariirad u gaar ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka), ayaa Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxa uu ka shaaciyay in Golaha Wakiilada Puntland ay ansixiyeen dhammaan Xeerarkii muhiimka u ahaa hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland. “ Golaha Wakiiladu, waxay qaateen doorkoodi, iyagoo ansixiyay wixii xeerar ah ee loo baahnaa, si loo dhaqaajiyo Hannaanka Dimoquraadiyadda Puntland” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkii kaga aaddanaa ka qaateen Magacaabidda iyo ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si loo dardar-geliyo Barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland. “ Sidoo kale, wuxuu Goluhu doorkiisi ka qaatay, Magacaabista iyo ansixinta, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, sida ku cad Qodobka 112-aad ee Dastuurka dowladda Puntland Lifaaqa kowaad” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha. Mudane Jibriil, ayaa Deeq-bixiyaasha Beesha Caalamka ka dalbaday, in ay Taageerada Dhaqaale ee looga baahanyahay ku bixiyaan Barnaamijka Dimoquraadiyadda Puntland, si uu taabba-gel u noqdo, loogana gudbo Nidaamka Qabaliga ah ee Puntland wax ku doorato. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhamaystiran PUNTLAND POST The post Abwaanka: Baarlamanka Puntland wuxu ansixiyay Xeerarkii muhiimka u ahaa doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa caawa daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal. Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Mudane, Siciid Xasan Shire, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo daah-furay Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo hadal kooban ka jeediyay, Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa munaasabaddaasi ka shaaciyay in dowladda Puntland ay diyaarado ugu gurman doonto Bulshada ku dhaqan degaannada fog-fog ee waddooyinkii Roobabka kaga xirmeen. Hoos ka daawo muuqaalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Diyaarado ayaan ugu gurman doona degaanada Go’doonsan appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Nabaddoon Imaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah ergadii dhawaan loo diiwaan geliyey soo xulista xulidhibaannada Galmudug ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka saartay liiskiisa nabaddoonada ee ku sugan magaalada dhuusamareeb. Nabadoonka ayaa ku eedeeyey wasaaraddu in ay ka dhex wado nabaddoonada musuqmaasuq midkii ay rabtana ay soo xulanayso midkii aysan rabina ay a tageyso, waxaana uu xusay in wasiirka booskii uu isagu ku jiray lagu badalay nin ka yimid qurbaha . ”Aniga magaceygu waxaa uu ku jiraa saxiixayaasha Numbarka 5-aad, liiska adduunka oo dhan ayaa heysta kuwa rasmigaa ayaan ka mid ahay, aniga oo sugaaya inaan xaroodo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ay soo saartay liis kale oo mardhow uu soo saaray wasiirku nin oday ah oo aan qaraabo nahay oo qurba jooga Ingiriiska dagan ayuu ku soo daray aan odayna dhaqan ama siyaasad ku matala beesha, wasiirka ayaana sameeyey arrinkaas” ayuu yiri Nabadoonka. Sidoo kale Nabddoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in nabaddoonada dhexdooda ay ka jirto musuqmaasus iyo cadaalad darri bahsan ayna samaynayso wasaaradda arrimaha gudaha. ”Arrinkaasi waa xadgudub, waa cadaalad darri, musuqmaasuq ayaa meesha ka jira, dowladda Soomaaliya musuqa ayaan la dirireynaa ayeey tiri lakiin wixii lagu heshiiyey oo ahaa Galmudug saxiixayaasheedu in ay aasaas noqdaan aniga ayaana ahaa ninka ugu mudnaa haddii Galmudug la abaal marinaayo” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa xusay in faragelin baahsan lagu haayo saxiixayaasha Galmudug badalka asaga lagu sameeyey uu yahay mid ka socda dowladda dhexe gaar ahaa Villa Soomalia waxaana uu yiri” Faragelin ayaa lagu hayaa sixiixayaasha Galmudug waxaa faragelin ku haayo dowladda dhexe, wasaaraddeeda arrimaha gudaha, Villa Soomaalia ayuu ka socdaa arrinta aniga la igu badalay” Ugu danbeyn Nabadoon Imaan Jimcaale Faaraxayaa carabka ku adkeeyey in ninka lagu badalay uu yahay qof laga soo saxiisay Villa Soomalia uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu yiri ” Ninka aniga la igu badalay oo odayga ah waxaa uu suuqa dhexdiisa la taagan yahay anigu waxaan wataa sixiixa Madaxweynaha dadka reer Galmudug waa ogyihiin” Hoos ka daaw muuqaalka nabaddoonka
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-____-Qumanah-Wararka-14122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Madaxtooyada kulan wada tashi ah kula yeeshay guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac. Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland. Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda, ayaa sheegay inaysan Soomaaliya waqtigaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Xildhibaan Jeesow ayaa ku dooday in amniga dalka uu yahay mid aan la isku haleyn karin, sidaas darteedna aysan macquul aheyn in been loo sheego shacabka Soomaaliyed. Wuxuu sheegay inuu Muqdisho baabuur uga bixi jiray kuna tagi jiray Jowhar, markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, balse uusan hadda tagi karin sababo amni awgeed, isagoo sii raaciyey in xataa aan Afgooye la aadi karin. “Aniga waxaa la iga soo doortay Jowhar, markii ay doorashada socotay maalintii shan jeer ayaan baabuurkeyga ku tagi jiray Jowhar, hadda lama tagi karo xataa waxaa halis ah in la aado Afgooye” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay inay dowladda Soomaaliya iska daa wax kale ay xitaa ku fashilmatay sugidda Amniga inta u dhaxeyso Sayidka iyo Madaxtooyada, sidaas darteedna aysan suurta gal aheyn in dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo loona sheego inay dhaceyso doorasho qof iyo cod ah. “Albaabkii Villa Somalia ayaa la isku dilayaa oo weerar ka socdaa, sidee doorasho qof iyo cid ah ah ay dalka uga dhaceysaa, ma shacabka ayaa been loo sheegayaa.” ayuu yiri Jeesow. “Ha noqdo madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiir, iyo xildhibaan, qof kasta oo yiraahdaa dalkan ayaa doorasho qof iyo cod ah ka dhici kartaa, waa beenlow.” ayuu yiri xildhibaan Jeesow. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Jeesow oo la hadlay taleefishinka RTN
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida. Dhankooda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. View the full article
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Kheyre has met with his Qatari counterpart, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani in Doha. The two leaders discussed the bilateral relations between the two countries and strengthening cooperation in various fields. The Somali prime minister is in Qatar to attend the Doha Forum and is expected to address the forum on Sunday. He is also expected other leaders from various countries on the sidelines of the meeting. Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani opened the Doha Forum 2019 under the theme “Re-imagining Governance in a Multipolar World” at the Doha Sheraton Hotel this morning. The opening of the forum was attended by Rwandan President Paul Kagame, his Armenian counterpart, Armen Sarkissian, the president of El Salvador Nayib Bukele, Malaysian Prime Minister Dr Mahathir Mohamad, his Somalia counterpart, Hassan Ali Kheyre, among others. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan Puntland waxba ka soo gaarsiin deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya. “Deeqda caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa, gacanta dowladda Federaalkayna ku jirtaa, waxaan ognahay Bakhaaro xiran oo deeq ah oo aan ka baqeyno in ay halkaa ku dhacaan oo ku expire-garoobaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari. Abwaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay, in ay umadda Soomaaliyeed si siman u wada-gaarsiiyaan deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xeraysan yihiin bakhaaro waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “Dowladda Federaalka, waxaan leenahay, deeqda aad haysaan, oo bakhaarada ku xiran, oo dadka Soomaaliyeed la idiinku dhiibay idinku ma lihidine, umadda Soomaaliyeed u soo gudbiya sida ay tahayna u gaarsiiya, maalinta Qiyaamada adduun iyo aakhiraba waa wax la idinkula xisaabtamayo” ayuu sii raaciyay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, si adag loogula xisaabtami doono Deeqaha ay Caalamka ka soo qaadaan ee bakhaarada ugu xeraysan, xilli dadka Soomaaliyeed ka baahan yihiin.
-
Popular Contributors
