Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in la musuq maasuqay saxiixayaashii rasmiga ahaa ee Beesha Murusade oo uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Sida aan xogta ku helnay, waxaa la badalay illaa afar oday oo kamid ahaa lixdii oday ee saxiixayaasha u ahaa Beesha Murusade ee dhisamay Maamulka Galmudug sanadkii 2015. Sidee Isbadalka u Dhacay?: 1. Muuse Maxamud Cali oo ahaa saxiixaha 2015-kii ayaa lagu badalay Xasan Axmed Sabriye, Habar Maxamed, Hillibi. 2. Cabdulahi Daahir Maxamed oo saxiixe ahaa 2015-kii lagu badalay Cabdiqaadir Wabeen, oo Daguuro 3. Iimaan Jimcaale Faarax oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Cali shiine, Abakar 4. Maxamed Cabdi Badane oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Maxamed Dheere, Cabdlle 6-dii saxiixe ee rasmiga ahaa waxaa ka soo haray Maxamed Xasan Xaad iyo Nabaddoon Bootaan oo la sheegayo in weli laga daba qeylinayo. Odeyaal la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa eedda dusha ka saaray guddoomiyaha degmada Dayniile Dayniile Jacfar Abuukar Cali , Yaxye Hareeri iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa la sheegayaa in aaney awood u laheyn iney xaqiijiyaan hufnaanta xulista odeyaasha saxiixayaasha taasi oo su’aalo badan ka keeni karta tayadooda ku aadan iney doorasho xalaal ah qaban karaan. Xigasho: Idaacadda Goobjoog
  2. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labo weerar oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee Puntland. Weerarka koowaad oo lagu qaaday saldhigga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dhaawacday illaa labo askari, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in dil qorsheysan ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamed Axmed. Al-Shabaab ayaa shaacisay in ninkaasi uu ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkad ka shaqeysa arrimaha amniga. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen saldhigga deegaanka Hoosingow. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha labada dhinac soo gala gaaray, basle xaaladda ayaa haatan ah mid degan. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada. Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga. Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn. Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho. Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas. Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, sida ay qortay Caasimada Online kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey. Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.
  4. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday donated an assortment of office equipment to the Somali Police Force (SPF) to enhance their operational efficiency. Source: Hiiraan Online
  5. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob lagu qeybinayey mucaawino oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi. Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayo halkaasi. View the full article
  6. Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsanaa ciidanka dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag, kadib markii lagu qabsaday guryihii ay daganaayeen iyaga iyo qosaskooda, kuwaas oo ku yaalla degmada Hodan ee G/Banaadir. Qaar ka mid ah saraakiisha aya sheegay in hadda burburin lagu bilaabay xaafadahoodii oo ay dajisay dowladda Milatariga ee Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka inay soo farageliyaan arrintooda, islamarkaana ay wax ka qabtaan burburinta lagu hayo dhulalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/www-1.mp3 View the full article
  7. Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida. Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota Dowladaha, Soomaaliya, Jabuuti, Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan degaannada Soomaalida. Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha aragti wadaagga ayaa ah kaalinta Soomaalida ee nabadda geeska Afrika. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-16122019.mp3 View the full article
  9. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has completed management and leadership skills training for 30 Somali Police Force (SPF) officers to enable them to perform their duties effectively. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Jabuuti)-Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa goor-dhowayd waxa uu ka furmay Guriga Ummada ee dalka Jabuuti. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 qof oo iskugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan deegaannada Soomaalida. Ajandaha Sannadkan ee lagu lafa gurayo Madasha Aragti Wadaagga ayaa ah Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika Dabar-Furidda Awoodda Dadka si Loo gaadho Horumar Guud. Source
  11. MOGADISHU (HOL) - A military court has sentenced a man accused of aiding Al-Shabaab activities in Mogadishu to ten years in jail. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Cabdullaahi Colaad Rooble iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo goor dhow furmay ayaa waxaa shir guddoomiynaya, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi, iyadoo uu sidoo kale goob-joog yahay ku xigeenka labaad, Mahad Cabdalle Cawad. Golaha shacabka ayaa xubnahaani wax ka wey diin doono dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa suurta gal ah in wax laga weydiiyo ciidamada faraha badan ee ay dhowana dowladda federaalka geysay deegaanada maamulka Galmudug. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe waday qorshe lagu dardar gelinayo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana shalay hortagay wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Dhowaan sidoo kale waxaa golaha uu su’aallo weydiiyey wasiirada kala ah amniga iyo duulista hawada, kuwaas oo ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.
  13. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo, kadib safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah. Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo. Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka, wuxuuna si kooban uga warbixiyey safarkiisii iyo waxyaabihii u soo qabsoomey. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madax ka tirsan Kenya, dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyin uu sheegay in lagu carqaladeynayo amniga iyo dowladnimada dalka oo ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in DFS ay shaqadeeda dhanba kusoo uruurisey halkee dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin taasna xisaabi ka dambeyn doonto, sida uu sheegay. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo eedeymo kulul u jeediyey Federaalka appeared first on Puntland Post.
  14. MINNEAPOLIS (HOL) - Somalia’s new ambassador to the United States, Ali Sharif arrived at the Minneapolis St. Paul International Airport, MSP, Thursday night for a maiden visit to the state. Source: Hiiraan Online
  15. A top Somali military court on Monday sentenced a man to a total of 10 years in prison after convicting him of being a member of the al-Shabaab militant group. Ahmed Ali was arrested in July 2019 in Mogadishu over links to Al-Shabaab and in charge of renting houses and seeking medical treatment for the wounded militants. The Somali military court’s chairman, Hassan Ali Shuute announced the court’s verdict. The entire defendants were given the chance to appeal. Somali military court often carries out sentences and executions against alleged Al-Shabaab fighters and murders who frequently target politicians and as well Somali government officials. View the full article
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe oo hoggaaminayey xubno ka tirsan maamulkiisa oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweyey garoonka Kismaayo, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Intii uu ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland Niarobi wuxuu kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020-ka, khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda iyo arrimo kale. Sidoo kale wuxuu la kulmay siyaasiyiin caan oo ay ka mid yihiin madxaweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galleed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxibo ku yihiin siyaasadda. Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ku fashilantay isku wadida siyaasadda dalka, isagoona intaasi ku daray in cadaadis iyo cunaqabateyn ay isugu dartay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland. Dib u soo laabashadiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo halkiisa yahay khilaafka dowladda iyo Jubbaland, waxaana haatan Muqdisho ka socda kulamo u dhexeeya madaxda dalka iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Gedo. Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxa ay Jubbaland wajaheysay khilaaf ka dhashay doorashooyinkii maamulkaasi, kadib markii ay ka hortimid dowladda dhexe oo marar badan xayiraad ku soo rogtay magaalada Kismaayo.
  17. The security forces of Somalia’s northeastern Puntland State have launched an operation in northern Galkayo town on Monday following an overnight attack on a police station. At least three people, including two policemen, were wounded in two grenade bombs hurled at the police station on Sunday evening, according to the sources. There was no immediate claim of responsibility for the bombing, but, police officials say they an investigation was underway and promised to bring the culprits to justice. On the other hand, Galmudug state forces have nabbed dozens of suspects linked to Al-Shabaab ahead of the region’s parliamentary and presidential elections this month. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Si Kulul Uga Hadlay Jabhad Shalay Lagaga Dhawaaqay Buuhoodle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Goobjoog News ayaa ogaatay in beesha Murusade oo ka tirsan beelaha Galmudug aad loo musuqay liiska odeyaasheeda lana badalay saxiixayaashii dhisay Galmudug 2015-kii. Xogta ay Goobjoog News heshay waxaa ka mid ah in la badalay 4 odey oo ka mid ahaa 6-dii odey ee saxiixayaasha u ahaa beesha Murusade. Sidee Isbadalka u Dhacay?: 1. Muuse Maxamud Cali oo ahaa saxiixaha 2015-kii ayaa lagu badalay Xasan Axmed Sabriye, Habar Maxamed, Hillibi. 2. Cabdulahi Daahir Maxamed oo saxiixe ahaa 2015-kii lagu badalay Cabdiqaadir Wabeen, oo Daguuro 3. Iimaan Jimcaale Faarax oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Cali shiine, Abakar 4. Maxamed Cabdi Badane oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Maxamed Dheere, Cabdlle 6-dii saxiixe ee rasmiga ahaa waxaa ka soo haray Maxamed Xasan Xaad iyo Nabaddoon Bootaan oo la sheegayo in weli laga daba qeylinayo. Odeyaal la hadlay Goobjoog News ayaa eedda dusha ka saaray guddoomiyaha degmada Dayniile Dayniile Jacfar Abuukar Cali , Yaxye Hareeri iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa la sheegayaa in aaney awood u laheyn iney xaqiijiyaan hufnaanta xulista odeyaasha saxiixayaasha taasi oo su’aalo badan ka keeni karta tayadooda ku aadan iney doorasho xalaal ah qaban karaan. Maxaa Ka Jira Beelaha Kale iyo Xulista Xildhibaannada, Kala soco Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Dib U Milicso 2015-kii: Cabdikariin Xinif Oo Ka Soo Hor-jeeda Murrashaxnimadii Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyay Xubno Ka Mida Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland Source
  22. (SLT-Ohio)-Todobaadyadii dhowaa waxaa gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka ka dhacay dilal loo geystey wiilal dhalinyaro Soomaali ah. Dilalkan ayaa waxaa loo qabtay dad lagu eedeynayay iney gaysteen. Arrintan iyo tirakoobka dalkan Mareykanka ee tobankii sanaba mar la sameeyo oo markii u horreysay lagu daray qowmiyadda Soomaalida waxaa uu wariye Maxamed Bashiir Cabdiraxman ka wareystey Xassan Cumar oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Ohio, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada. Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay July ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu Garsoorayaasha Xafiiska ka codsaday in la geeyo Eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan. Baaris dheer kadib ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna Maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Aybakar oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada. Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay Bishii Luulyo ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha xafiiska ka codsaday in la geeyo eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan. Baaris dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay. Ugu horeynba Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed. Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa shaqsi ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen waratada dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka. Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda. Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.