Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)- Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in xafiiska Midowga Yurub ka shaqaynayo isu soo dhawaynta dadka iyo in masuuliyiintu noqdaan kuwo ay dadkoodu la xisaabtami karaan. Qoraal kooban oo uu danjire Nicolas soo dhigay bartiisa twitterka oo uu ugu tallo galay Soomaalida iyo sannadka cusub, wuxuu ku yidhi sidan “Diblumaasiyadda cusubi wax kasta jawaab umay haynin, laakiin waxa ay noqotay taayir gaadhsiiyey isbeddel togan.” Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxa uu ka shaqeeyaa in uu dadka isu soo jiido, in uu dadeeyo kuwa gaarka u soocan iyo in uu taageero sidii ay masuuliyiintu u noqon lahaayeen kuwo ay muwaadiniintoodu la xisaabtami karaan.” Wuxuu intaas ku daray “Waxa aanu diiradda saaray horumarinta nolosha iyo in aan laga takhalusin.. sannad wanaagsan dhammaantiin.” Source
  2. PRESS RELEASE New Year’s Babies: Over 3,900 children were born in Uganda on New Year’s Day In 2020, The Government of Uganda will invest in infrastructure and human resource capacity to improve access and quality of services for women and children KAMPALA, Uganda, January 2, 2020/ — UNICEF is calling for world leaders and nations to invest in health workers with the know-how and equipment to save every newborn. UNICEF estimates that 3,916 babies were born in Uganda on New Year’s Day. Ugandan babies accounted for approximately one per cent of the estimated 392,078 babies born worldwide on New Year’s Day. “The beginning of a new year and a new decade is an opportunity to reflect on our hopes and aspirations not only for our future, but the future of those who will come after us,” said Henrietta Fore, UNICEF Executive Director. “As the calendar flips each January, we are reminded of all the possibility and potential of each child embarking on her or his life’s journey—if they are just given that chance.” Each January, UNICEF celebrates babies born on New Year’s Day, an auspicious day for child birth around the world. Over the past three decades, the world has seen remarkable progress in child survival, cutting the number of children worldwide who die before their fifth birthday by more than half. But there has been slower progress for newborns. Babies dying in the first month accounted for 47 per cent of all deaths among children under five in 2018, up from 40 per cent in 1990. In Uganda, new born deaths have stagnated at 27 deaths per 1,000 live births. The leading causes of new born mortality are complications of prematurity, birth asphyxia and severe infections, while one third of under-five deaths is due to largely preventable or treatable conditions, such as malaria, pneumonia and diarrhoea. Nevertheless, the country continues to make progress in overall child mortality reduction by investing in delivery of essential and quality health services. Between 2011 and 2016 under-five mortality in Uganda reduced from 90 to 64 per 1,000 live births. “The Government of Uganda has invested in ensuring child survival through community and facility level interventions hence the reductions we see in child mortality. Additional efforts will focus on bringing services closer to our people through infrastructural development, including advanced care for all newborns by establishing special care units in Hospitals and Health Centre IVs,” said Dr. Jane Ruth Aceng, Minister of Health. “The Ministry will also strengthen human resource availability and capacity to provide quality care for newborns especially the small and sick babies,” she added. With the support of UNICEF and other partners, other evidence based high impact interventions to improve access of mothers, newborns and children to timely and quality health care are being implemented across the country. The interventions include: ensuring availability of skilled, competent and motivated health workers through training and skills development, provision of essential equipment, commodities and supplies including blood, installation of water, sanitation and hygiene facilities in health centers to prevent infections and a functional referral system for mothers and children with danger signs, especially those in hard to reach areas. Globally, UNICEF’s Every Child Alive campaign calls for immediate investment in health workers with the right training, who are equipped with the right medicines to ensure every mother and newborn is cared for by a safe pair of hands to prevent and treat complications during pregnancy, delivery and birth. “Every year, every decade, lives of millions of children are cut short. Even one life lost is far too many,” said Ms. Noreen Prendiville, Deputy Representative, UNICEF Uganda. “Together, we can change this. With affordable and simple health interventions we can ensure more babies survive to celebrate the first month of life and live into this decade.” Distributed by APO Group on behalf of UNICEF Uganda. SOURCE UNICEF Uganda Qaran News
  3. (SLT-Hargeysa)-Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 9 Jir Ah Oo La Xakumay, halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Vosomwo oo Haweenka Somaliland ka Wacyigeliyey Aafada Tahriibta Ururada VOSOMWO iyo hay’adda SIHA Newtowk ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir dhalinyarada hablaha ah lagaga wacyigainayo dhibaatada ay tahriibtu leedahay. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro ku bahoobay shabakado maxali ah oo ay ka mid tahay Danjire Network oo ay ku bahoobeen dhalinyaro iskaga kala yimid degmooyinka Caasimada ee Hargeysa ayaa laga soo jeediyey mawduucyo ku saabsan dhibaatada tahriibku uu gaadhsiiso dhalinyarada gaar ahaana Hablaha. Ugu horayn waxa kulanka Shirkaasi ka hadashay Hibaaq oo ka socotay ururka Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay ugu horayn ka warantay waxa uu u taagan yahay ururka VOSOMWO oo ku hadla codka Haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ururka VOSOMWO waxa uu u taagan yahay ururka codka haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waa urur waddaniya oo la aasaasay 2004-tii, waxaana loo aasaasay sidii loo raadin lahaa xuquuqaadka iyo sidii ay ugu hadli lahaayeen. Mudadii uu ururkani jiray ururku waxa uu qabtay horumaro la taaban karo oo dhinac walba leh oo ay ka mid yihiin dhinaca Siyaasada iyo dhinaca waxbarashadaba, sidoo kale ururkani waxa uu ka shaqeeyaa sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada. Ururku wuxuu khibradd u leeyahay bulshadan uu u shaqaynayo, waxaanu cilmi baadhiso farabadan uu ka sameeyey duruufaha dhaqan dhaqaale ee haysta bulshadan laga tirade badan yahay eek u dhaqan Somaliland. Intaa ka dib kulankeenu waxa uu daaran yahay, arinta tahriibka oo muddo dhan ay iska kaashanayeen ururka VOSOMWO iyo Daladda SIHA NETWORK oo ka shaqaysa Geeska Afrika, waa urur ay ku midoobeen ururada Geeska Afrika, waliba Bariga Afrika ee Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxaana jiray Tababaro xidhiidh ah oo loo qabanayey Hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid Daami, Maxamed Mooge iyo Istaad-House-ka oo ku saabsanaa aafada ay tahriibtu leedahay, dhibaatooyinka laga dhaxlo. Sidoo kale waxa jiray balo la kulmay tahriibta oo tahriibay oo dhibaatooyin ku soo dhaceen, kuwaas oo la-talin la siinayey oo waxa la isku dayayey sidii bulshada ay ugu soo noqon lahaayeen oo mar kale ay bulshada ka dhex muuqan lahaayeen. Markaa waxa jiray laba urur oo aanu la wadnay hawlahaa oo daladan SIHA ay maalgaalinaysay mashruucan, mid waxa uu ahaa Isir oo ururkaasi waxa uu noqday urur guulaystay oo hawlihiisii waa loo dhameeyey,” ayay tidhi Hibaaq oo ka socotay ururka VOSOMWO. .waxa isaguna halkaasi ka hadlay Galaal oo ah Aqoonyahan dhalinyar ah, isla markaana u ololeeyaha arimaha dhalinyarada, kaas oo iftiimiyey waxyaalaha keena tahriibta, waxaanu yidhi “Marka aynu usoo jeedsano mawduuca aynu ka hadlayno ee Tahriibta, Tahriibta waxa keena baahi, markaa hadii qofka dhibaato haysata laga horistaago, tusaale ahaan Wiil ama Gabadh mudo geedi waxbarasho soo waday markaa haduu waayo wax uu geedigaa waxbarasho uu kaga nasto ama uu ku naaloodo ama uu ku nasanayo uu waayo, wuu tahriibayaa. Markaa dhinac walba waa la rogrogay oo Somaliland waa laga qiimeeyey waxa keenaya Tahriibta waliba ay hablo u badan yihiin waxa keenaysaa waa baahi, Baahidii hadii qofka laga joojin waayo wax markaa qofku uu soo kordhinaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aqoonyahan Galaal oo u ololeeya arimaha dhalinyarada. Dhinaca kale waxa isaguna madasha kulankaasi ay yeesheen ururada VOSOMWO iyo SIHA waxa ka hadlay Nuuradiin oo ah masuulka Dalada SIHA Network u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi “Hawshani waxay ahayd hawl aynu inbadan soo wadnay anaga oo isla kaashanayna ururka VOSOMWO iyo hadda SIHA, waxaana aanu ku dooranay VOSOMWO in dadka inta dhibtu taabato ay la shaqayso, waxaana mashruucan loogu talo galay in dadkaasi Tahriibaya waxyigalin laga siiyo dhibaatada tahriibka. Maaha markii ugu horaysay oo hawshan oo kale aanu bilawnay, waxa kale oo jira urur kale oo la yidhaa Danjire Association oo 40 hablood ka kooban oo iyaguna shanta waaxood ee magaalada Hargeysa ka kala socda. Cilmi baadhis aanu samaynay waxa ay muujinaysaa oo mashruucani uu si gaar ah taxadir uga muujinayaa ama uu u khuseeyey inta badan dadkani waa hablahaha ay da’doodu ka hoosayso 14-22 jirka, waa kuwa inta badan u tahriiba xagaa iyo dalalka Carabaha. Carabaha marka ay dadkaasi tagayaan Puntland ayay maraan kadiban Yemen ayay tagaan waxaanay ku dambeeyaan Sucuudiga, sidaa marka ay tahayna dhibaato badan iyo tacadi badan ayay kala kulmaan,” ayuu yidhi Nuuradiin oo ah Masuulka u qaabilsan dalada SIHA Networka Somaliland. https://m.youtube.com/watch?feature=emb_title&v=etcGT38maKQ Qaran News
  5. (SLT-Hargeysa)-Qareenadii U Doodayay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga UCID Ramaax Ayaa Sheegay Inay Ka Baxeen Difaacidii Kiiskiisa Ayagoo Sheegay Inaan Loo Haysan Dacwad Sax Ah, halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Lamu (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab goor dhow ku qaadday bas marayey deegaanka Nyongoro ee Lamu ee dalka Kenya. Saddex qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka, sida uu xaqiijiyey madax booliska Lamu Count, Irungu Macharia. Baska la weeraray ayaa ka yimid Mombasa, wuxuuna u socday Lamu. Waxaa la hakiyey isu socodka dhammaan gawaarida isaga kala gooshta Lamu iyo Garsen, waxaana goobta lagu daad gureeyey ciidamada amniga iyo militariga. Weerarkan ayaa yimid toddobaad un kadib markii Al-Shabaab ay 10 qof ku dishay qarax miino oo ay bas kale kula beegsatay deegaanka Kotulo ee dalka Kenya. Wararka ku saabsan weerarkan ayaa weli isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
  7. (SLT-Hargeysa)-DAAWO:- Siyaasi Abgaal Oo Fariin u diray Madaxwayne Muuse Biixi, halkan hoose ka Daawo Source
  8. Kornayl Siciid Cawil Caare oo hoggaamin jiray jabhad hubaysan ayaa heshiis la gaaray xukuumadda Somaliland. Kornayl Caare ayaa maanta oo Khamiis ah duleedka magaalada Ceerigaabo ciidankiisii iyo hubkoodii ku wareejiyey guddigii dhexdhexaadinta jabhaddiisa iyo xukuumadda Somaliland. Caare oo ka hadlay halkii uu ku wareejinayey jabhadiisa ayaa sheegay in uu wareejinayo 900 oo ciidan ah iyo hubkooda, sidoo kale waxa uu madaxweynaha iyo Taliyaha ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay sameeyaan Caddaalad. Korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in uu aadi doono dalka Ingiriisa, si uu cafis uga soo dalbado Somaliland, taas oo horey shuruud uga dhigay Muuse Biixi. Ergo ka kala socotay Beesha Caare iyo Xukuumadda Somaliland ayaa in dhawaale wadey wada-hadallo lagu xalinayo tabashada Caare, iyagoo ku guuleystay inay ciidamada Caare kasoo saaraan buurihii ay ku jireen ee duleedka magaalada Ceerigaabo. Kornayl Caarre ayaa bishii May sanadkii 2018-kii ka goostay ciidamada Somaliland, isagoo ku dhawaaqay jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, waxaana xiligaas fariisin ciidan laga siiyey meel u dhow degmada Qardho Puntland, balse markii dambe wuxuu u wareegay buuraleyda Waqooyiga gobolka Sanaag. Caare ayaa markii hore ka carooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn, balse markii dambe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Ceerigaabo: Kornayl Caare oo wareejiyey jabhadiisii appeared first on Puntland Post.
  9. Three people were killed in a suspected Al-Shabaab attack on a bus Thursday at Nyongoro area, Lamu County. Source: Hiiraan Online
  10. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Mar Kale Ka Hadlay Muuqaalkii Laga Duubay, halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo xidhan dharka madax-dhaqameedka ayaa maanta guddida dhexdhexaadinaysay Jabhaddiisa iyo xukuumadda ku wareejiyay ciidankiisa iyo hubkoodii. Buurta Daallo, ayaa lagu qabtay munaasabadda uu ku wareejinayay ciidamada. Caarre, ayaa isaga loo badinayaa in uu dalka ka bixi doono si uu cafis u soo dalbado. Arrintan soo afjarkeeda waxa kaalin weyn ka gaystay Odayaasha dhaqanka ee Beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caarre. , halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane; Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee Dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ayaa waxay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday. Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka Bulshada degaannadaasi ku dhaqan. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-02012020.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey. Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday lix agaasime, waxaana warqad kasoo baxday Guddiga ay ku sheegeen in Guddiga dallaacada ee Wasaaradda aanay u dhameyn tirada (kooramka), go’aan ka qaadan kartay sida uu qabo sharciga Shaqaalaha. Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego nidaamka xilka qaadista iyo Magacaabista.
  15. Hundreds of people took to the streets of Mogadishu on Thursday, condemning massive explosion that killed nearly 90 people and wounded more than 140 others. The protest came in response to a call from the city’s mayor for a massive rally to pray for those killed and injured in Saturday’s truck bombing at the Ex-control Afgoye On Dec 28. The militant group al-Shabab has claimed responsibility for the attack, saying it was targeting Turkish convoy escorting by Somali soldiers. The deadly bombing left two Turkish nationals dead who were working on a Qatar-funded road project on Mogadishu-Afgoye street. Al-Shabaab offered condolences to the families and friends who lost their loved ones in its attack, which has drawn global condemnations. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa kas ocda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay. Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta. Dadka banaanbaxa wada ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso. Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka yihiin: “FARMAAJO DOONI MEYNO…” Bannaanbaxa ayaa weli kas ocda Ex. Kontrol Afgoye, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo bannaanbax kale oo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya, siiba maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga horjeedo Ashabaab.
  17. Two terror suspects are among three wanted persons police associate with criminal gangs operating in Nairobi and Mombasa counties. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Xabsiga dhigay ilaa seddex sarkaal oo loo heysto seddex maxbuus oo maalmo ka hor ka baxsaday xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa xiray askar ka tirsan ilaalada Xabsiga oo lagu tuhunsan yahay inay la shaqeenayeen maxaabiistii xabsiga ka baxsatay ee xukunada kala duwan ku xukunaa. Ragga baxsaday ayaa la sheegay inay ku xakumanaayeen xabsiyo dhaadheer kaddib markii lagu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo dhibaatooyin ay ka geysteen gudaha dalka. Mid ka mid ah maxaabiista baxsaday ayaa ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in la qabto, waxaana lagu qabtay agagaarka Kawaanka Xamar Weyne, balse weli waxaa la la’yahay laba ka mid ah maxaabiista. Labada maxbuus ee weli ka maqan gacanta dowladda ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in halka mid kale uu ku xukunnaa 15 sano. Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay inuu ku jiray taliyaha heegganka heystay habeenkii ay baxsadeen saddexda maxbuus. Weli wax war ah kama aysan soo bixin Taliska asluubta Soomaaliyeed ee ku aaddan dhacdadaan, balse waxaa jiray isbeddel ay ku sameeyeen Taliska xabsiga dhexe ee xamar oo taliye cusub loo magacaabay.
  19. MOGADISHU (HOL) - Somali government has denied media reports that it had launched oil licensing rounds noting the reports are misleading and that no such exercise has commenced. Source: Hiiraan Online
  20. Golaha Amaanka ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii 28-kii Disembar 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye ee Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan. War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha Golaha Amaanka ayaa tacsi dareen xambaarsan loogu diray qoysaskii dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo dowladda Somaaliyeed. Sidoo kale Golaha Amaanka ayaa baaq u diray dowladda Federaalka iyo dowladaha taageera. War-saxaafadeedka Golaha Amaanka ayaa u qornaa sidatan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay sida ugu kulul u cambaaraynayaan weerarkii argagixiso ee 28kii Disembar 2019 ka dhacay isgoyska Ex-control Afgoye ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aan waxba galabsan. Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah. Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya arrimahan. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta ee aragagaxiso ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegeyn ujeedkooda, goob kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta oo ay dhacaan iyo cid walba oo geysata. Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay weerarada argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadyada kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada. Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ku hawlan sidii nabad iyo xasillooni loogusoo dabbaali lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kasta oo kale ee argagaxiso aanu wiiqi doonin u heellanaantaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka oo war ka soo saaray qaraxii Ex-control Afgooye appeared first on Puntland Post.
  21. Said Abdullahi Deni: President of Puntland State In 2019 Puntland celebrated its 21st anniversary. The federal member state founded as an autonomous administration in August 1998 chose a middle path between secession proclaimed in Burao in 1991 and the perpetual strife Southern parts of Somalia were undergoing during the 1990s. This policy choice reflects how Puntland articulated a vision of a new Somalia based on federalism. President Said Abdullahi Deni is the sixth President of Puntland State. In January 2019 when he won Puntland Presidency against an incumbent, Dr Abdiweli Mohamed Ali, Deni had no illusions about the enormity of challenges his administration is facing partly because of the outmoded system of governance Puntland has been utilising since 1998. Pragmatism is the path Deni has taken to show the mettle to face myriad challenges ranging from a politically hostile, Mogadishu- based Federal Government, a threat of war from Somaliland administration insisting on the sanctity of colonial borders to threats of ISIS and Al-shabaab in mountainous areas in Puntland. President Deni adopted a policy different from his predecessors’. He extended an olive branch to Somaliland Administration by not questioning the right of Somaliland Ministers to visit their district of origin in Sool. Deni understands better that Somaliland’s sovereignty claim does not amount to a break-up of Somalia. Since Somalia is still one country in the eyes of the United Nations President, President Deni’s policy has the potential to become a conflict resolution example to be followed by other Somali political actors. President Deni has reiterated he is committed to rectifying governance flaws without blaming his predecessors. He took upon himself the responsibility to conduct a pilot local elections in Puntland. This gradualist approach is in sharp contrast with the policy to introduce political parties in a society where clan identity, rather than ideas, matters. If locals have the right to elect their representatives, they will be able hold their representatives at state and federal levels accountable for not honouring their campaign promises. The second advantage local elections will have lies in reducing the powers of the executive. In essence, President Deni seeks to cede more powers for the sake of accountability at all levels in Puntland. The Federal Government of Somalia spent a lot of political capital to undermine Puntland by denying the Federal Member State its share in training for the army despite President Deni heading a new administration that has committed itself to security reforms to address common security challenges posed by transnational terrorists and their allies. As a former Minister of the Federal Ministry of Planning under President Hassan Sheikh Mohamud, President Deni is aware that collaboration between Federal Member States and the Federal Government is a key aspect of maintaining the progress made towards reconstituting the Somali state. His focus on genuine accountability and conflict resolution are bedrocks of the strategy that his administration seeks to operationalise in bid to revitalise Puntland State of Somalia. Deni has praised Somalis from the Southwest State for their entrepreneurship and active citizenship to contribute to the economy of Puntland. Our choice for 2019 Person of the Year falls on President Said Abdullahi Deni of Puntland State of Somalia. © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post PUNTLAND POST 2019 PERSON OF THE YEAR: Said Abdullahi Deni appeared first on Puntland Post.
  22. Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka Shabeellada Hoose iyo Bay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeymahan ayaa ka kala dhacay deegaannada iyo degmooyinka kala ah, Jilib, Salagle, Buula Fulay, Hargeysa Yarey iyo kuwo kale. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Salagle la beegsaday xarun ka socotay munaasabad oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu khasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray weerarkaasi. Degmada Jilib ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta kale ay ka dhacday, waxaana lala beegsaday xubno Al-shabaab ah oo ku wajahnaa dhanka Jubbada Dhexe, waxaana ay isugu jireen saraakiil Ajaaniib ah oo ka dhinac dagaallama Al-shabaab, kuwo Soomaali ah iyo ciidankii ilaalinayey, welina faah faahin lagama helin dhanka khasaaraha. Duqeymaha kale ee ka kala dhacay Buula Fulay, Hargeysa Yareey iyo deegaannada kale ayaa iyana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Weli dhanka Al-shabaab lagama hayo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray. Tan iyo Weerarkii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa kordhay duqeymaha lala beegsanayo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.