-
Content Count
214,222 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya ansixiyay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan. Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa ka hor inta aysan ansixin, waxay dood ka yeesheen qodobada uu ka koobanyahay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada. Xildhibaannada ayaa markii dambe cod gacan taag ah u qaaday Heshiiska, waxaana ogolaaday 139 mudane, hal mudane ayaa diiday 2 xubnood oo kalena waa ka aamustay sida uu shaaciyay Guddoonka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgeshiga appeared first on Puntland Post.
-
The long-awaited memoirs of the literary historian and SNM veteran, Boobe Yuusuf Du’aleh, was launched at Maansoor Hotel in Hargeysa. The book chronicles the tribulations of citizens and armed encounters between SNM fighters and the Somali Army under the former military regime. Boobe joined SNM early 1980s following a journalistic career as a member of the former Somalia Revolutionary Socialist Party to whose organ, Halgan, he contributed and co-edited. Boobe urged people not to take offence at the initiative to publish the book about SNM. Entitled Dharaaraa Ina Soo Maray (Days to Remember), it is the first book by a former SNM member to reconstruct key stages of the second armed opposition against the military dictatorship. Boobe: “This books contains lessons about what we have been through”. The fourth President of Somaliland, Ahmed Mohamad Mohamud, appointed Boobe as Information Minister in 2010. He lost his cabinet portfolio after a minor reshuffle. Boobe is remembered for serialising in Somali websites his experience in government. He was the director of the Somaliland Academy of Peace and Development. Boobe published a collection of essays, and co-edited the anthology of the poems of the patriotic Somali poet, Abdullahi Suldan Tima’adde. © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post Memoirs of an SNM Veteran appeared first on Puntland Post.
-
US forces in conjunction with their Somali counterparts conducted an airstrike against al-Shabaab militants reportedly killing 3 militants in the process, Africa Command said in a press release. “In coordination with the Federal Government of Somalia, US Africa Command conducted an airstrike against al-Shabaab terrorists who engaged Somali National Army partner forces on patrol near Bacaw, Somalia,” the release said. “At this time, it is assessed this precision airstrike killed three militants.” The airstrike comes a day after at least three people were killed and three others were injured in an alleged terrorist attack on a bus carrying more than 40 passengers in Kenya. No group claimed responsibility, but the ambush is reminiscent of similar attacks by al-Shabaab militants along the bus route. Somalia has been engulfed in violence since the eruption of a civil war between clan-based armed groups in the early 1990s. The situation has been further complicated by al-Shabaab militants, who are staging numerous attacks across the country in an attempt to impose a radical version of Sharia law in the country and have conducted numerous attacks against non-Muslims near the Kenyan-Somali border. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Africom ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn ay shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose. Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada Afgooye lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Soomaaliya khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Africom ayaa xaqiijisay in ugu yaraan saddex ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi, iyadoo shaacisay inay jirin waxyeelo ka soo gaaray dadka rayidka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Mareykanka ee ah inuu duqeyntaan kaga dilay saddex xubnood. Waa duqeyntii ugu horreysay oo uu Mareykanka sanadkaan cusub ee 2020-ka ka fuliyo gudaha dalka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan saraakiisha dowladda ay shaaciyeen in Sh/ Hoose ay ku dileen ugu yaraan 30 ka tirsanaa kooxdaasi.
-
The outgoing President of Galmudug State of Somalia, Ahmed Dualle Gelle Haaf has unveiled a new electoral committee after a standoff with the Somali Federal Government. The decision comes following the electoral body of the Galmudug approved a list of 20 parliament members representing the Ahlu Sunna in the next regional parliament. The approval was announced in a statement issued by the technical committee for the formation of a new administration in Galmudug. “The committee has formally accepted the list of 20 legislators selected by Ahlu Sunnah on 22 December 2019… and who fulfilled all requirements… The committee will immediately start the selection of the 69 remaining members of the Galmudug parliament,” the statement from the technical committee read in part. The regional state is expected to elect a new president and vice president on 9 January. However, members of the regional parliament must first be selected by traditional clan elders and sworn in, after which a Speaker will be elected. The Galmudug electoral process has been fraught with disputes, notably between the federal government and Ahlu Sunnah, who have been battling for control of the process. The disagreement ended after the signing of a new agreement allowing the armed group, which plays a key role in the war against al-Shabab in the region, to have 20 representatives in the Galmudug parliament. View the full article
-
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa looga hadlay weerar dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, islamarkaana lagu beegsaday dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Africom ayaa xaqiijisay in weerarkaasi lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay wado qiimeyn ku aadan, haddii uu jiro khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntaasi. Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab ayaa weeraro xagga cirka ah ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka warbixiyey duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in weerarkan ay la kaashaadeen saaxiibadooda Soomaaliya, ayna bartilmaameedsadeen xubno Al-shabaab ah. AFRICOM ayaa sheegtay iney dileen Saddex ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, balse magacyadooda ma aanay sheegin. Sidoo kale, AFRICOM waxay tilmaantay in aanay jirin cid rayid ah oo wax ku noqotey, weerarkaasi, sidoo kalena ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulan ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Waxa uu ajendaha kulankan maanta yahay, u codeynta Heshiiska damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan. Akhrinta Saddexaad ee wax ka bedalka sharciga duulista rayidka ee hawada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka maamulkaasi. Guddiga ayaa horay u shaaciyey liiska 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljamaaca laga siiyey baarlamaanka cusub, kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar. Haddii lagu dhawaaqo xildhibaanada haray ayaa waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba. Sidoo kale arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor yimid dadaallada ay dowladdu ka wado maamulkaasi. Xaaf ayaa ku dhaaqay guddi cusub oo doorasho, kaas oo ka kooban illaa 11 xubnood, kana shaqeyn doono arrimaha doorashada. Tani ayaa horseedeysa xiisad hor leh iyo inay saameyso dadaallada loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobollada Galmudug iyo Mudug ee bartamaha dalka. Xaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed, kaas oo aan weli dhinac u dhicin, balse dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan wada dadaalladii ugu dambeeyey ee dhismaha maamulkaasi.
-
Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ee magaalada Muqdisho kaga kaga hadli doona qodobo dhowr ah oo horyaalla golahaasi. Kulanka manta ayaa looga hadlayaa qodobada kala ah U codeynta Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada badan. Akhrinta 3-aad ee wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada. Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa dardar gelinta sharciyada horumarinta u leh dalka iyo la xisaabtanka hay’addaha kala duwan ee dowladda View the full article
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magacaabay guddiga doorashada maamulkaasi, kuwaa oo ka kooban 11 xubnooda. Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay, in dastuurka Galmudug uu xaq u siinayo dhismaha Galmudug, sidoo kalena wuxuu ka rajeeyey xubnaha uu soo magacaabay in shaqadooda u gutaan si hufan. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa faray xubnahan 11-ka ah ee uu magacaabay iney ku xaroodaan ugu dambeyn 10-ka bishan January 2020. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa ummada uga digay qofka muslimka ah daadinta dhiigiisa in aan lagaga qeybqaadan qowl, ficil, maal iyo fikir midnaba. Khudbadii Jimcaha ee shalay oo Sheekh Maxamed ku soo qaatay halista iyo cuqubada daadinta dhiiga islaamka iyo in qofka islaamka ah lagu dilo gardarro, ayuu sheegay inuu saddex qodob midba inyar ka taaban doono; dilka siduu Islaamku u xaaraantimeeyey, cuqubada uu leeyahay adduun iyo aakhiraba iyo daliilada ku soo arooray Qur’aan iyo Xadiis-ba. “Dilka qofka Muslimka aynu ka hadlayo waa marka gardarro lagu dilo, ciqaabteedu culayska ay leedahay, Quraanka ayuu ALLE SW ku caddeeyey, inuu shan ciqaabood oo culculus dul-dhigi doono. ‘Qofkii qof mu’min ah gardarro u dila, aan ka’ma ahayn, abaalkiisu waa naarta Jahanama inuu ku waaro, ILLAAHAY u cadhoodo, nacdashiisana dusha uu kaga tuuro, cadaab weyna waa loo diyaariyey’. In qof muslim ah gardarro lagu dilo diimaha samaawiga oo dhan way xaaraantimeeyeen, diinta Islaamka keliya maaha, ALLE SW suuratul Maa’ida wuxuu ku sheegay ‘Qofka qof gardarro ku dila waxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan wada laayey, qofka qof qudha nooleeya (ama cadow haka nooleeyo ama cudur ama gaajo haka badbaadiyo), waxuu ka dhigan yahay isagoo dadkoo dhan wada badbaadiyey’ halkaa ayuu islaamku ka taagan yahay. Arrinka daadinta dhiiga islaamku culayska ay leedahay, Ilaahay markuu qiyaamaha dadka oo dhan meel isugu keeno waa waxa ugu horeeya ee kala xukunkeeda la bilaabayo. Qofka Muslimka in gardarro lagu dilo waxay la mid tahay muqadasaadka oo xurmadooda meel looga dhaco, Nebi Maxamed NNKH waxuu khudbadii xajatul-wadaac “Dhiigiina, xoolahiina iyo sharaftiina inaad kala boobtaan ama waxyeelaysaan, waxay idiinka xaaraan yihiin, sida ay xaaraan idiinka yihiin bishan, maalinkan iyo xaramkan xurmadooda”. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in asxaabtii sidaa u fahmeen, arrinka noocaa ahna way ka fogaan jireen, dadkana uga digi jireen, isagoo raaciyey, “Cabdilaahi binu Cumar RC, maalin isagoo ag fadhiya Kacbada ayuu sidaa u eegay oo yidhi ‘Aad baad u weyntahay, xurmadaaduna aad ayey u weyn tahay’, laakiin qofka Muslimka ah ayaa kaa xurmo weyn, markaa in qof a dilo wax aka sahlan buu leeyahay in kacbadan cagaf la mariyo. Nebigu NNKH waxii xadiis saxeex ah ku sheegay, “Qofku godobta uu galo waxa ugu weyn dhiig Muslim”. Aakhiro ayuu Rasuulku NNKH ka waramay qofkii gardarada loo dilay qiyaamaha ayuu Ilaahay agtiisa ku sugayaa qofkii dilay, ama mag hala bixiyo ama kafaara-gud hala sameeyo, qofka dhintay xaqiisa qiyaamaha ayuu ku qaadanayaa. Xadiis kale Nebigu NNKH waxuu ku yidhi, “Dembi walba Ilaahay SW waxa laga yaabaa inuu dhaafo ilaa qofka Gaalnimo u dhinta ama qof muslim ah gardarro u dila mooyee.” Arrinkaasi halkaa ayuu gaadhsiisan yahay, Islaamku-na cuqubada uu u yeelay, xaaraantinimadiisana aduun iyo aakhiraba heerkaa ayuu gaadhsiiyey. Sheekh Maxamed oo ka hadlayey asbaabaha keena ayaa sheegay inay ka mid ahay in qofka muslimku garan waayo xaqii iyo xigtanimadii walaalkiisa muslimka ah, waxaanu yidhi, “Qofka Muslimka ah xuquuqaha uu leeyahay way badan yihiin wax aka mid ah xaqa nolosha, Ilaahii SW daayey adigu ha u weydaaran, ee kuu diiday dilkiisa. Waxaad kaloo garan la’dahay xigtanimadii iyo qofkii garab iyo gaashaan kuu ahaa, Ilaahay SW ayaa yidhi “Mu’miniintu waa walaalo” Sababaha wax aka mid ah Jahli dhinaca Diinta ah, oo isagoo diin u socda dadka Muslimka laayo jahli daraadeed, maxay Khawaarijtu dadkaku laynayeen, Khulafaa’ul Raashidiin bay laayeen iyagoo Ilaahay SW ugu dhowaanaya, Cali binu Abu Daalib RC ayey u dhukuseen isagoo salad subax tukanaya oo dileen. Nebigu NNKH ugumuu adkaysanayn inuu qofkoo diinta ka jaahil ah dadka laayo, laba qiso ayeynu ka soo qaadan oo saxeexa Bukhaari & Muslim ku sugan, waxay kaloo tilmaamaysa hubsiino la’aan uu ku laayo dadka muslimiinta. Nebigu NNKH ciidan ayuu diray uu hogaaminayey Khaalid binu waliid RC, qoladii markii la weeraray waxay isku dayeen inay Islaamaan laakiin ereygii ay u muujinayeen ayaa ka qaloocday, waxay yidhaahdeen “waanu ka baxnay..waanu ka baxnay” Khaalid iskama hubsane, wuu laayey, maxaabiisna wuu ka qabtay, iyadoo masaabiistii la hayo ayuu amar siiyey in qofwalba maxbuuska uu hayo dilo, Cabdilaahi binu Cumar RC oo ka fiqi badnaa ayaa yidhi, ‘aniga iyo intii iga talo qaadata, maxaabiista ma dilayno? Way sii daayeen. Khaalid binu waliid RC markii Nebigu NNKH warkiisii maqlay waxuu yidhi “Ilaahow barri ayaan ka ahay, waxuu Khaalid sameeyey” magtiina wuu bixiyey. Jahli xaga diinta ah ayaa ka mid ah sababaha keena iyo qofkoo is-qanciya oo yidhaahda kan ashahaadaiisu mid soconaysa maahee dil, taasina diinta jahligeeda ayey ka mid tahay, waxaynu soo qaadanaynaa qisadii Usaama binu Zayd RC ee saxiixa ahayd, Usaama waxuu ahaa nin da’yar, Nebigu NNKH isaga wuu jeclaa, aabahiina wuu jeclaa, xoghaymahii Nebiga NNKH ayuu ka mid aha, laakiin maalintaa way seegtay oo is-qancintiisi ayaa keentay, Nebiga NNKH ayaa raaciyey qolo weerar loo diray oo saxaabada, markii saxaabadii jebiyeen colkii ayaa nin cararay ka dibna ashahaatay, isagoo ku celcelinaa, waxa eryanayey nin Ansaara iyo Usaama, ninkii reer Ansaar wuu ka fiqi roonaaday wuu ka istaagay, Usaama-na wuu dilay, Nebiga NNKH markii warkii la gaadhsiiyey, Usaama ayuu u tegay oo ku yidhi ‘waar miyaad dishay, ‘haa waa dilay’ Nebigaa NNKH ayaa ku yidhi “Ma markuu ashahaatay ayaad dishay, saddex jeer ayuu ku celiyey, markaa Usaama is-qancintii ayuu sii waday oo waxuu yidhi ‘ashahaadada seefta ayuu ka hoos gelayey, ee dhab kama ahayn? Nebigu NNKH waxuu ku yidhi, “Maxaad qalbigiisa u jeexi weyday,” hadaad doonayso inaad ogaatid, hadii kalena ugu qanci weyday? Usaama aad ayuu uga murugooday? Khalad jahli ah oo is-qancin ah ayuu ku dhacay. Sababaha keena dilka qofka muslimka wax aka mid ah casabiyadda, qofkoo qabiil ku dagaalama, oo waataa aynu arkayno marwalba soo noqnoqonaysa, ummada Ilaahay SW waxuu ka doonayey inay Umad ahaan u noolaadaan aan Qabaliyad ahayn, waad arkaysaa Gaaladu Umad ahaan ayey aduunka ku qabsadeen, Islaamkana waxa googooyey Qabaliyad ayey u noolyihiin? Ummada Islaamka Ilaahay SW waxuu la doonayaa inay Ummadnimmo u noolaadaan. Sababaha wax aka mid ah in gacmo shisheeye jiraan, ama qabiilka ha soo dhexmarto, ama mid kursi doonaya, taana aad ayey shisheeyahu u isticmaalaan. Ilaahay SW ayaa yidhi “Markastoo Gaaladu dab soo shidaan, annigaa ka bakhtiiya Muslimka ayuu yidhi ILAAHAY SW. Sababaha waxa ka mid ah qofkoo hankiisu yar yahay, xoogaa maal ah iyo xoogaa mansab ah dadka ku laynaya, Nebiguna NNKH wuu ka sii digay “Faqri idiinka cabsan maayo, laakiin in aduunyada la idiin fidiyo oo isku dishaan ayaan ka cabsanayaa”. Arrimahaa waxa sii raaci kara qofkoo kibir iyo is-muujin wada, dadka Muslimiinta madaxda u ah dadka u laayaan, laakiin taariikhdooda dhanka Alle iyo dhinaca ummadaba liiska madow ayey galaan. Gebagebadii qofkii gefkaa gala towbad ayaa u furan, oo jamhuurka Culimadu isku raacsan yihiin hadaan qofku dhiiga dadka xalaashan, waa laga towbad aqbalayaa. Ilaahay SW ayaa yidhi “dadka ashahaadanayoow Ilaahay SW u toobad keena” markaa gaal iyo islaam-ba towbadu way u furan tahay. Waxuu Nebigu NNKH ka waramay ninkii markii boqol qof dilay Ilaahay SW u toobad keenay, laga toobad aqbalay. Toobada shuruudaheeda waxa ka mid inuu isu-dhiibo oo la qisaaso, ama la cafiyo oo mag laga qaato dadka uu godobta ka galay, Ilaahay SW ayaa yidhi “Qofka gardarro lagu dilo cidii xigtadiisa ahayd awood ayaa la siiyey,” awoodaana Nebiga NNKH ayaa fasiray oo yidhi “Waxa weeyey in qofkii la dilay xigtadiisa uu qofkii dilay isku dhiibo, oo i-qisaasa, ama mag iga qaata ama iska-kay cafiya” markaa waa inaan qofka muslimka ah dhiigiisa lagaga qeybqaadan qowl, ficil, maal iyo fikir midnaba Source
-
(SLT-Washington)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRIOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Bacow oo ku yaalla duleedka Degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose, isla markaana lagu dilay 3 Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab. Sidoo kale Qoraalka Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRIOM ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka wax Khasaaro ah uusan soo gaarin dad shacab oo ka Agdhawaa deegaanka Bacow. Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal Ciidanka Danab ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Saraakiil badan oo ka tirsa Al-shabaab. Waa duqeyntii ugu horeysay in Sanadkan Cusub ee 2020-ka Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo sanadkii tegay 2019 Mareykanka gudaha dalka uu ka fuliyay duqeymo badan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. Source
-
(SLT-Washington)-Iyada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe. “Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe. Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan. “Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump. “Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yidhi Trump. “Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yidhi Trump. Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka aanu dooneyn in taliska Iran la beddelo Source
-
Wiil soomaali ah ayaa aabihiisa waxaa uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg. Wiil Soomaaliga ah oo 17 sano jir ah ayaa Toorey u adeegsaday dilka Aabbihiis oo 57 sanno jir ahaa sida ay qoreen warbaahinta laga leeyahay dalka Jarmalka. Wiilkaan ayaa aabihiis la dhacay Toorey kadib markii uu soo kala dhexgalay muran xooggan oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay. Wiilkaan aabihiis dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur Faarax Xuseen halka aabahiisna lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen. Madaxa Booliska Magaalada Hamburg oo uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay weli wadaan baadhitaan ku aadan sida ay wax u dhaceen. Maalmihii dambe waxaa soo badanay dilka ay Soomaalida ka geysanayaan wadamada ay qaxootiga ku yihiin, waxaana hore u dhacay kiisas badan oo noocaan oo kale ah. Source
-
Wararka laga helayo degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi Al-shabaab ku toogatay, saddex kamid ah dadka degaanka, kadib markii ay ku eedaysay basaasnimo. Saraakiisha ururka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen dilka saddex nin oo kamid ah bulshada degaanka Buq-Aqable ee gobolkaaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Saddexda nin oo sida la xaqiijiyay kamid ahaa Xoola dhaqatada degaanka, ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degaanka Buq-Aqable, xilli ay daawanayeen dad la soo uruuriyay oo carruuri ku jirto. Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar kala duwan degaannada ay ka taliyaan ugu laayay dad rayid ah, oo ay sheegeen in ay basaasiin u yihiin dowladda Federaalka iyo dalal kale oo Shisheeye. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dad shacab ah ku toogtay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Baay ayaa sheegaya in dhibaato ba’an uu ku hayo beeraleyda gobolkaasi Ayax ku habsaday halkaasi. Cabdishukri Macalin Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay inay u baahan yihiin gurmad deg deg ah. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay ka taageerto, sidii loola dagaalami lahaa Ayaxaasi. Halkan hoose ka dhageysto Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/AAA.mp3 aYAX View the full article
-
Dilka taliyahii ugu sareeyay Iran ee Qassem Soleimani oo weerar cirka ah oo Maraykanku qaaday lagu dilay ayaa kiciyay mowjado cadho ah isla markaana keentay jawaab celin wadajirka iyo aargudashada marka loo eego kala qaybsanaanta siyaasadeed oo Iran ka jirtay. Qassem Soleimani, ayaa ahaa Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Islamic Revolutionary Guard Corps ‘(IRGC) ee Quds Force, waxaanu ahaa nin saamayn ku leh gobolka, kaas oo xili hore oo shalay Jimcihii ah lagu dilay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baqdaad weerar duqeyn ah oo uu amray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump. Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Khamenei wuxuu amaanay Taliyaha la dilay, isagoo sheegay in loo aargudi doono. Waxaanu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo lagu sharfayo Soleimani, oo si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Iran. Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa ku celceliyay halista aargudashada wuxuuna wacad ku maray in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto. Wasiirka Arimaha Dibada Javad Zarif ayaa dhalleeceeyay dilka “ficil argagixiso dowladeed” bayaan uu soo saaray Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gaaray goobta, iyagoona baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada iyo saraakiisha amniga oo la xariira dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorheysan.
-
(SLT-Riyadh)-Qunsulka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaali ah, Qunsulka oo la hadlay wakaaalada Sonna ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa ay la xidhiidho sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys, Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale. Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys, wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn lahaa arrimohooda, islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan. Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xidhiidhay Amb Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay qunsulka. “Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomaaliyeed la xidho uu deg-deg loogu fududeeyo howlihiisa. Source
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta guddi doorasho oo cusub ku dhawaaqay, kaas oo ka kooban illaa 11 xubnood. Guddigaan ayaa noqonaya kii labaad, iyadoona horay dowladdu guddi farsamo oo ka shaqeeya doorashada maamulkaas u magacowday, kaas oo hadda wada dhismihii ugu dambeeyey maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan beelaha dega Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka akhriso: xaa View the full article
-
Doodan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Dalka ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda. Waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yarey),Senator Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Cadirashiid Khaliif Xaashi agaasimaha Machadka heritage oo ahaa guddiga dooda waday. Dooda oo ahayd mud xiiso badan waxaa sidoo kale ka qeybgalayay oo kor joogto ka ahaa Wasiurka Warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) xildhibaano,aqoonyahanno,bulshada Rayidka suda haweenka,dhalinyarada,iyo sidoo kale xubno kale oo matalayay xisbiyada siyaasadeed ee dalka kajira. Waxaa siweyn loo falanqeeyay suuro galnimada qaabka ay noqonkarta doorashada Dalka,kadib marka la dhameystiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka. Dadwynihii ka qeybgalay dooda ayaa talooyinka kaladuwan soo jeediyay,sida ammaanka,dhaqaaale ahaan,in bulshada la wacyigeliyo lana fahamsiiyo nidaamka doorashada iyo kuwo kale. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo xirey doodan ayaa balanqaaday in masraxan wasaaraddu ay hirgelisay uu kulmi doono dhamaan hay’adaha dowladda iyo qeybaha bulshada. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-04012020-web.mp3 View the full article
