Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,222
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sunday’s Al Shabaab attack on a military base in Lamu killed three people, including a US service member and two civilian defense contractors, the American military has confirmed. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho-(Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray khasaaraha ay sheegeen inuu ka dhashay weerarkii ay waaberigii hore ee saakay ku qaadeen saldhig militeri oo ay ciidamo iskugu jira Mareykan iyo Kenyaan ka deganyihiin deegaanka Manda Bay gobolka Lamu ee dalka Kenya. Bayaan ku qoran luuqadaha English iyo Carabi oo goor dhaw ka soo baxay Al-Shabaab, isla markaana ay ku baahiyeen warbaahintoodam ayaa waxay ku sheegeen in khasaare iskugu jira naf iyo maalba ay weerarkaas ugu geysteen ciidamadii ku sugnaa saldhigga. Al-Shabaab warkooda waxay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 17 askari American ah iyo sagaal kale oo ka tirsanaa militeriga Kenya ee (KDF) magacooda loo soo gaabiyo. Sidoo kale waxay sheegeen inay ku burburiyeen weerarkaas todoba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo in ka badan shan gaari oo kuwa militeriga ah. Al-Shabaab waxa ay sheegeen in qeybo badan oo saldhigga Simba ka mid ah ay gubeen, soo afjaridda weerarkaasna ciidamadii ku sugnaa saldhiga ay ku qaadatay in ka badan 10 saacadood oo xariir ah, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Dowladda Kenya waxay sheegtay in weerarka aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan, laguna dilay dhammaan Shabaabkii weerarka sii qaaday.
  3. Chekole Menberu, now 27, had high hopes when he graduated with a degree in chemical engineering two years ago in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Manda Bay ee dalka Kenya. War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu dhaleeceeyey werarkii lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Kenya, horaantii maanta. “Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay adduunka intiisa kale, iyagoo dhalleeceeyay weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield, Kenya horaantii maanta. Weerarka fashilmay ee ka dhashay burburintii kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo loogu talagalay shaqaalaha difaaca iyo hantida ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u taageerayso dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, ayna sii wadi doonto wada shaqeynta ay la leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si loo helo nabad. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay amaaneysaa Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka ee si deg deg ah ee isaga caabiyey weerarka, sidaasna ay guuldarro culus u gaarsiiseen Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab”. “Sidaas darteed, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, waxaana sii wadi doonaa wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo nabad iyo barwaaqo” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Manda Bay appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku sheegtay inay caalamka kula biireyso cambaareynta weerarkii koooda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. “Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca ma dib u dhigi doono dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soamlia. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaaneyso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen ururka Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijineysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqeyso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Kooxda Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay caawa ku sheegatay in weerarkaas ay “ku dishay 17 askari oo Mareykan ah iyo 9 Kenyan ah, kuna burburisay 7 diyaaradood iyo in ka badan 5 gaari oo kuwa ciidamada ah.” Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkan argagixiso.” Ayaa lagu yiri qoraalka. “Al-Shabaab waxay doortaan been, cadaadis iyo inay awood u adeegsadaan sare u qaadidda sumcaddooda, si ay u abuuran warar been abuur ah,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarnta gobolka Mudug ayaa caawa qarax loogu xiray gaarigiisa. Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa goor dhaw laga maqlay inta badan magaalada Gaalkacyo, waxuuna sarkaalkaas gaarigu kula qarxay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo. Saraakiisha amaanka gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Sidoo kale waxay sheegeen saraakiisha amaanku in haatan taliye Cabdicasiis lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, isla markaana aysan jirin cid kale oo waxyeello ka soo gaartay qaraxaas. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa gaarigiisa loogu xiray masuulkaas ka tirsan saraakiisha ciidamada isku-dhafka ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaase xusid mudan in Al-Shabaab ay dusha u ridan jireen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo horay uga dhacay magaalada Gaalkacyo.
  7. Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Afrika oo Si Wadda Jir ah u Daahfuray Adeegga Cusub ee Xoogsade Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee horumarinta Afrika ayaa maanta si wadda jir ah u daahfuray adeegga cusub ee Xoogsade, Adeegan oo kuu sahlaya in aad dalban karto farsamo-yaqaano xirfad leh adiga oo jooga gurigaaga iyo goobtaada shaqo. Munaasibada lagu daah-furaayey adeegga Xoogsadda oo ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xog-hayaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Daladda SONYO, masuuliyiin ka socotey hay’addaha goloyaasha qaranka, Shirkadaha ganacsiga, ururadda rayidka ah, farsamoyaqaano ka qaybgalay iyo marti-sharaf kale. Munaasibada waxaa ka hadashay Garyaqaanadda Guud Telesom marwo Ilhaan Dahir Xasan waxaanay sheegtay in adeegan (XOOGSADE) uu shaqo-abuur u sameyn doono dadka leh xirfadaha: cunto-karinta, cilaan-saarka, biyo-galinta, dhismaha, nijaaradda, makaanikada iyo timo-jarista. Garyaqaan Ilhaan ayaa sidoo kale sheegay in adeeggan Xoogsade uu si weyn uga faa’iidi doonaan haweenku. Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) Madaxa Waaxda Iib-geynta ee shirkadda Telesom ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeeggan Xoogsade, waxaanu sheegay in adeegani uu isku xidhi doono qofka xirfadda leh iyo qofka doonaya in loo qabto adeeg. Madaxa Suuq-geynta Telesom ayaa sheegay in adeegani uu kaga duwan yahay adeegyadda kale, qof doonaya in shaqo loo qabto uu helaayo qof xirfaddiisa la hubo lana xaqiijiyey xirfadiisa, tababar-na la soo siiyey, akhlaaqdiisu dhisan tahay. Haddaba qof doonaya inuu helo qof xirfadle ah, waxa uu garaacayaa lambarka *403# si bilaash ah. Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo bulshadda ku dhiiri-galinaysa in laga faa’iidayso barnaamijkan ayaa tidhi, “In aynu farsamadan oo kale ka faa’iidaysanaa waxay sababeysaa saddex shey: Marka koowaad dadku inay dalkiisa ku nagaadaan, sababtey ugu nagaadayaana, waa inay ka baxaan shaqo la’aanta baahsan; marka labaad qofku inuu noloshiisa oo dhameystiran heli karo, waayo dhaqaaluhu waa waxa adigana wax kaa dhigaya qoyskaagana wax ugu qaban karto; ta saddexeysaana waxaa weeye inaynu qarankeena wax ku celin karno”. Qaar ka mid ah masuuliyiintii soo tababaray xirfadlayaasha ayaa u mahadnaqay shirkadda Telesom iyo hay’adda Maraykanka ah ee Horumarinta Afrika oo maal-galisay xirfadlayaasha barnaamijkan lagu bilaabay ee tababaradda la siiyey. Waxaanay soo dhaweeyeen Adeeggan Xoogsade oo ay sheegay in uu yahay barnaamij tiknoolajiyeed oo xaliyey dhibaatadda dadka ka haystay inay helaan farsamoyaqaano aqoon leh soo ay si degdega u heli karaan iyagoo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyada. Agaasimaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Cali Cabdilaahi Daahir iyo Xoghaya rugta ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cilmi waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen barnaamijkan ay shirkadda Telesom soo bandhigtay, waxaanay sido kale hambalyo u direen oo ay bogaadiyeen shirkadda Telesom iyo dadkii kale ee soo qaban-qaabiyey barnaamijkan. HALKAN KA DAAWO WARKAN: Halkan ka Daawo Sawirro Qurxoon:- Qaran News
  8. The Federal Republic of Somalia joins the rest of the world in condemning the cowardly attack that targeted joint Kenyan and U.S forces based at Manda Bay Airfield, Kenya earlier today. The failed attack from the crumbling Al Shabab terror group aimed at defence personnel and property will not hinder the joint efforts to eliminate those against the peace and stability of the region. Furthermore, the Federal Government of Somalia also commends the Kenya Defence Force and the U.S Africa Command for swiftly repulsing the attack, thus inflicting heavy defeat on the Al Shabab terror organization. In this regard, the Federal Government of Somalia assures full support in the ongoing efforts to rid the region of terrorism and will continue to collaborate with our regional and international partners to attain peace and prosperity in the region and beyond.
  9. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Isku’dhafka ah ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhaawacmay qarax caawa fiidkii loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay xaafadda Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen saraakiil Amni. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin ayaa isbitaalka la dhigay si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad balse weli lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab ay sheegan jireen qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo PUNTLAND POST The post Sarkaal sare oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  10. Kismaayo (SMN) – Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa wareegto ay soo saartay waxay ilaha dhaqaalaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ku fartay in degaanada Jubbaland aan la keeni karin badeecadaha waqtigoodu dhacay islamarkaana isticmaalkooda ay ka dhalanayaan xanuuno kala duwan. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  11. Lamu (Caasimadda Online) – Taliska hawlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab. Wax Faahfaahin badan ah kama aysan bixin AFRICOM qasaaraha khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, inkasta oo la sheegay inuu jiro qalab la gubay. Wargeyska Daily Nation ayaa booliska kasoo xigatay in “In shan qof oo weerarka looga shakisanyahay la xiray.” Warbixinta boliiska ayaa lagu sheegay in saddex diyaarad oo nooca dagaalka ah lagu burburiyey. Weerarkan oo aroornimadii saaka lagu qaaday saldhiga. Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, dhawaan ayeyna aheyd markii ay weerar ku qaadeen bas rakaab oo u socday gobolka Lamu. Muhiimad nuucee ayuu leeyahay Saldhigga la weeraray? Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in ciidamadooda ay sanadkii 2017 bilaabeen hawlgal ay kula dagaalamayaan argagixisada, sida lagu sheegay qoraalka, sidoo kalana ay dowladda Kenya ka caawiyeen sidii loo sugi lahaa amniga xuduudaha. Sida la ogyahay, isbuucii ugu dambeeyay bisha August sanadkii dhamaaday, ayuu saldhigga noqday mid rasmi ah kadib markii Calanka Mareykanka uu kasoo muuqday, waxaa sidoo kale isbadalay qorshahii ciidamada Cirka ee ahaa mid ku dhisan xeelad, waxeyna u rogeen mid joogto ah. Wixii markaas ka dambeeyay Mareykanka waxey xaqiiqsadeen in Saldhigga uu yahay mid iyaga hoos yimaado. Col. Cody Smith oo ah taliyaha ciidamada guutada 475-aad ee cirka ayaa bilahii ugu dambeeyay 2019 ka dhawaajiyay in saldhigga SAMBA uu noqday mid ay ka fulinayaan hawlgalo joogto ah maadaama calankooda laga taagay. Saldhiggan ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha laga qorsheeyo weerarada Al-Shabaab lagula beegsado gudaha Soomaaliya, sida ay Al-Shabaab sheegtay. “Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab. Saraakiisha Miltariga Kenya ayaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegay iney afar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab ku dileen weerarkii saakay ka dhacay Lamu, sidoo kalana Saldhigga Manda waa mid ay ciidamada labada dowladood aad u sugaan maadaama uu ku yaallo xeebta Gobolka Lamu. Waxaa la is weydiinayaa sida ay Shabakadda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ay weerar nuucaas ah uga geysteen saldhig ay laba dowladood amaankiisa aad u sugaan, kuna yaalla meel istaraatiiji ah. Weerarkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada Mareykanka ay weerar lama filaan ah ku dileen taliye sare oo ka tirsan Miltariga wadanka Iran kaas oo ku sugnaa Ciraaq, waxeyna aheyd xilli ay aad u feejignaayeen ciidamada Mareykanka meel walba oo ku sugan yahiin.
  12. Muqdisho (SMN) – Dhismaha aargada KM-0 oo ay si casri ah u dhistay wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xariga kajaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish). Goobtan ay bilicda ka muuqato waa KM-0 waana halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyadoo darbiga ama gidaarka dhismaha lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan. Degmooyinka Cabdicasiis, Shibis iyo Shangaani ayey sidoo kale kulmisaa aargadaan KM-0 waxaana guddoomiyaha Degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa ka mahadceliyay. Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in dhismaha aargada KM-0 ay ku wareejin doonan dowlada hoose Xamar. Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar) wax uu ka hadlay ahmiyada ay goobtan lee dahay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka gobolka oo kaashanaayo DFS ay xoojin doonaan hirgalinta mashaariic waxtar uleh Bulshada iyo Qaranka. . View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-05012020.mp3 View the full article
  14. Baghdad (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Ciraaq ayaa meel mariyey qaraar ku baaqaya in dalka laga saaro ciidamada shisheeye ee ku sugan, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, kadib xiisaddii ka dhalatay dilkii Qassem Soleimani oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Qaraarka ayaa lagu sheegay in dowladda ay ballan qaaday in ay ka laabaneyso codsigii ay isbaheysiga caalamiga ah uga dalbatayt inay gacan ka siiyaan dagaalka kooxda Daacish, maadaama lasoo gabagabeeyey howlgalkaas isla markaasna laga gaaray guul weyn. Sidoo kale Baarlamaanka ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay mamnuucdo in sinaba ay xoogagga shisheeye u isticmaalaan dhulka, cirka iyo biyaha Ciraaq. Qaraarada kasoo baxa baarlamanka ma ahan sharci, sidaas darteed xukuumadda kuma qasabana inay ciidamada Mareykanka ka saarto Ciraaq. Si ciidamada Mareykanka looga saaro Ciraq waa in baarlamanka uu ansixiyaa sharci, waxaana la filayaa in mar aan dheereyn lasoo saari doono sharciga. Si kastaba, Rai’sul wasaaraha Ciraaq Cadil Cabdul Mahdi ayaa sheegay in dalka uu wajahayo dhibaato gudaha iyo Debadda ah isla markaasna go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka uu yahay mid aad ugu wanaagsan dalka Ciraaq. Wuxuu horey ugu baaqay baarlamanka inay ansixiyaan sharci lagu eryayo ciidamada Mareykanka. Qaraarka la ansixiyey Maanta ayaa waxaa Baarlamaanka hor geeyey Ra’isul wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi oo u ololeenayey in dhamaman ciidamada Shisheeyey laga saaro dalka Ciraaq. 5,00 kun oo Askari ayaa Mareykanka ka joogo dalka Ciraaq, waxayna intoo badan yihiin taliyayaal dhanka Militariga ah . Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Ciraaq ayaa imaanayo xilli dhawaan uu mareykanka Garoonka Diyaaradaha Ciraaq duqeyn ku dilay Qassem Soleimani oo ahaa Jeneraal aad looga qadariyo dalka Iiraan. Iran ayaa saameyn weyn ku leh Ciraaq, waxaana la rumeysan yahay in dilka Soleimani uu ahaa qalad siyaasadeed weyn oo ka dhacay Mareykanka, kuna weyn doonaan joogitaankooda Ciraaq.
  15. BAGHDAD (REUTERS) - Iraq’s parliament called on Sunday for U.S. and other foreign military forces to leave amid a growing backlash against the U.S. killing of a top Iranian military commander that has heightened fears of a wider Middle East conflict. Source: Hiiraan Online
  16. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo u weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta booqday xeradda ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho. Booqashada sidoo kale waxaa ku weheliyay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, taliska qaybta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Guddiga dib u habaynta ciidamada Puntland ayaa u kuurgalay xaaladda ciidanka, hannaanka uu socdo tababarka, iyagoona warbixino ka dhageystay Taliska xeradda iyo macallimiinta gacanta ku haya ciidamada tababarka xeradda Xorgoble ee magaalada Qardho. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay helida xuquuqda ciidamada iyo in ay iyaguna gutaan waajibaadka qaran ee looga baahan yahay. ”Dawlada uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ciidamada, si loo helo ciidamo tirsan oo tayo leh, ma dhici doonto in mushaharaadka ciidamada ay cid u gacan-gasho, qofkasta isagga ayay si toos ah akoonkiisa ugu soo dhici doontaa” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland. Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ka hadlay habka diiwaanta ee ay wadaan. ”Diiwaan-galinta aan wadno waa mid fure u noqon doonta in la helo Ciidamo la yaqaan tiro ahaan iyo tayo ahaan dhamaana Ciidamadu waa mari doonaan” ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland. Madaxwayne Deni ayaa horay u ballan qaaday in Xukumadiisu ay xooga saari doonto dhismaha ciidamada. PUNTLAND POST The post Hab cusub oo loo diiwaan galinayo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Iraqi lawmakers said they would use a special parliamentary session on Sunday to push for a vote on a resolution requiring the government to ask Washington to withdraw U.S. troops from the country. Source: Hiiraan Online
  18. Mareykanka oo war xasaasiya ka soo saaray weerar ay A-Shabab ku qaadeen saldhig ku yaalla Kenya Dagaalyahanno hubaysan oo afka soo duubtay oo ka tirsan Al-Shabaab Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar saaka lagu qaaday saldhiga Manda Bay oo ku yaalla deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in uu jiro weerar ay Al-Shabab ku qaadeen Saldhigaasi Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Militariga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerarkaasi Al-Shabab. Warka qoraal ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabab ee ah in weerarkaasi ay khasaaro ku geysteen taasi oo Mareykanka ku tilmaameen “buun-buunin,”. “Al-Shabaab waxay miciin bideen been, si ay sare ugu qaadaan sumcadooda ayna u abuuraan cinwaano been abuur ah,” waxaa sidaasi sheegay Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha (AFRICOM) . “Waa muhim in looga hortago Al-Shabab meesha ay joogaan si looga hortago fidida Kansarka” ayaa intaa ku daray. “Al-Shabaab waa urur argagixiso oo arxan,” ayuu yiri Janaraal Gayler.” Bayaanka ay Mareykanka soo saareen ayaa lagu xusay inuu jiro waxyeelo dhanka qalabka ah oo weerarkaasi ka dhashay ayna imika socoto qiimeynta arrintaasi,islamarkana faafaahinta dib laga soo sheegi doono. Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin. Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa. Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee. Kooxaha gurmadka degdega ah oo wada maydka qof ku dhintay qaraxii 28-kii Diseembar Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan. Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof. Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn. Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed ayaa soo jeediyay in loo midoobo arrinta Mukhtaar Roobow oo wali u xiran dowladda. Dowladda Federaalka ayaa soo xirtay Mukhtar Roobow oo mar ka tirsanaa Al-Shabaab dhamaadka sanadkii 2018 kadib markii uu isku soo sharraxay doorashada Koofur Galbeed, waxaana xildhibaan Idiris uu sheegay iney xaaladiisa caafimaad aad u xun tahay kadib markii uu dhawr maalmood ka hor uu cuntada ka soomay. Caasimadda Online ayaa khamiistii baahisay in ehalada Mukhtaar Roobow ay sheegeen inuu muddo saddex maalmood ah cuntada ka soomanaa xiligaas, isla markaana xaaladiisa ay sii xumaaneyso. Mid ka mid ah ehaladiisa oo magaciisa lagu sheegay Nuunow ayaa la hadlay idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, wuxuuna u sheegay ineysan garaneyn sababta, sidoo kalana aan loo ogoleyn iney arkaan balse lagu wargaliyey in muddo saddex maalmood ah uusan waxba cunin. Si kastaba Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo muuqaal ku gudbinaya baraha bulshada ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed iney isugu yimaadaan kulan sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana xaaladaan meel saaraan. Xildhibaanka wuxuu sheegay u sheegay xildhibaanada kale in loo baahan yahay mowqif adag iney ka qaataan arrinta Mukhtaar, sidoo kale wuxuu rahmaday hanjabaad ah iney isaga tagayaan dowladnimada hadii aan loo fulin rabitaanka ay isku raaci doonaan. Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu wax badan kusoo cel-celiyay in go’aanka ay ka qaadan doonaan hadii aan loo sii deynin Mukhtaar ay kalsoonida kala laaban doonaan Dowladda Federaalka. Wakhti yar ka hor ayey aheyd marka uu muuqaalka baraha bulshada kaga soo muuqday, wuxuuna soo jeediyay sidoo kale iney galabta isku yimaadaan. Arintaan ayaa imaaneysa xilli laga deyrinayo xitaa bad-qabka Mukhtaar Roobow oo la xasuusto inuu isku soo dhiibay dowladda, waxaana la sugi doonaa go’aanka kasoo baxa iyo hadii ay isku yimaadaan xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo sida ay noqon doonto falcelinta Dowladda ka hor kulanka iyo kadibba. Halkaan hoose ka daawo baaqa kasoo baxay Xildhibaan Idiris
  20. Somalia’s al-Shabab extremist group attacked a military base used by U.S. and Kenyan troops in coastal Kenya early Sunday, destroying U.S. aircraft and vehicles, Kenyan authorities said. Source: Hiiraan Online
  21. Kooxa Al-Shabaab ayaa Axadda maanta ah weerartay saldhig militeri oo ay isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla gobolka Lamu ee Kenya, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay afhayeenka ciidamada dalkaasi. Weerarkan lagu qaaday xeradan militeri ee ciidamada cirku isticmaalaan ee loo yaqaan Camp Simba ee Manda Bay oo u dhow xeebta loo dalxiis tago ee jasiiradda Lamu ayaa ah kii ugu danbeeyey ee kooxda Al-Shabaab ay ka gaysato dalka Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii. Afhayeenka Ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu subaxnimadii hore ee maanta soo saaray in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay carqaladeyso amniga saldhigga Mandi. “Isku daygaasi waxaa looga hortagay si guul ah. 4 nin oo argagixiso ah ayaa ilaa iyo hadda aan meydkooda helnay. Xaruntan iminka waa goob nabad ah,” ayuu yiri Njuguna. Sarkaalkan ayaa sheegay in uu weerarkani sababay dab ka kacay xaruntan ciidan kaasi oo saameeyey haamaha shidaalka ee halkaasi. Haatan ayuu sheegay in dabkii la xakameeyey. Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa in weerarkan ay ku burbureen laba diyaaradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen. Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helekobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyay weerarkan. “Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qirayaa in uu jiro weerar lagu qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Cirka ee Kenya, waxaanna la socon doonnaa xaaladda,” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay AFRICOM. Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in warar hordhac ah oo weerarka ku saabsan ay sheegayaan in uu jiro waxyeello soo gaartay qalabkii ciidamada ee xeradaasi, “waxaana wali socda baaritaanka lagu xaqijinayo xaqiiqda waxa dhacay, waanna soo gudbin doonnaa marka ay faahfaahinnadu soo baxaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddoomiyaha degmada Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kuwii weerarka soo qaaday dib loo celiyey, isaga oo intaas raaciyey in aanu hubin in qaar iyaga ka tirsani ay wali meesha ku harsan yihiin iyo in kale. Ururka Alshabab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa warbixin ay soo saareen ku yiri “Waxaan si guuli ku jirto u weerarnay saldhig militari oo aad loo adkeeyey, haddana waxaan la wareegnay qeyb ka mid ah saldhigaas.” Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Weerarkii Al-Shabaab ee Lamu appeared first on Puntland Post.