Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BOSASO (HOL)- Puntland and Jubbaland leaders Monday have upped their calls for the release of Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan who was arrested last August in Mogadishu following reports of human rights violations. Source: Hiiraan Online
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Amniga caasimadda Garoowe ayaa si kumeel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliska, waxaana lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo madaxtooyada Puntland sida ay shaaciyeen maamulka Gobolka Nugaal. Sababta ugu weyn ee ciidanka Booliiska looga wareejiyay amniga magaalada Garoowe waxey tahay in dib u habeyn lagu sameynayo, sidaas darteed guddiga Nabad-gelyada Nugaal oo shir ku yeeshay caasimadda ayaa go’aamiyay in mudadaas amniga laga wareejiyo. Guddiga waxey sidoo kale amar ku bixiyeen in baraha koontorool ee Garoowe si dhaqso leh loogu raro meelahii loo calaamadiyay, waxaana ciidamada halkaas jooga lagu badalayaa kuwa isku dhafka ah ee ka socda PMF, PSF iyo ciidanka Madaxtooyada Puntland. Dagaal ka dhan ah dadka maan-dooriyaha khamriga, xashiishka iyo wixii la mid ah soo galiya magaalada ayaa la amray, waxaana intaas dheer ineysan ka marneyn in laga hortago dadka hub-ka sharcidarada ah soo galinaya magaalada. Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalmahii ugu dambeeyay lagu sameynayay diiwaangalinta casriga ah ee habka xisaabaadka Bangiyada oo horay ay xukuumadda Ferderaalka Soomaaliya uga hirgalisay ciidamada xoogga dalka iyo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka
  3. Turkish President Tayyip Erdogan said on Monday that Somalia had invited Turkey to explore for oil in its seas, after Ankara and Libya’s internationally recognised government signed a maritime delimitation agreement last year, according to broadcaster NTV. “There is an offer from Somalia. They are saying: ‘There is oil in our seas. You are carrying out these operations with Libya, but you can also do them here.’ This is very important for us,” Erdogan was cited as saying by NTV. “Therefore, there will be steps that we will take in our operations there.” View the full article
  4. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayip Erdogan oo ka qeyb galayey shir looga hadlayay arimaha Lipya ayaa sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay shidaal uu ka baaro xeebaheeda. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay talaabo u qaadi doonto inay hormar ballaaran ka sameyso ogolaanshaha ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiis ku saabsan shidaal Turkiga uu ka baaro xeebaha Lipya ay horay ula galeen dalkaasi, balse markaan ay ogolaansho kale oo rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliyeed. Turkiga ayaa ah taageerada ugu weyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, amniga, dhaqaalaha iyo bani’aadanimada Turkiga ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya u soo gurmaday sanadkii 2011-kii, markaas oo dalka ay ku dhufteen abaaro iyo macluul baahsan. View the full article
  5. Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah si wadajir ah u shaaciyay War-murtiyeed, ay ka soo saareen shirkii wada-tashiga labada dhinac ee Sabtidii todobaadkan ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso, kaasi oo sida ay sheegeen socday mudda laba maalmood ah (Sabti iyo Axad). Sida ku cad war-murtiyeedka Jubaland iyo Puntland, waxay si wadajir ah u qaaddaceen xeerarka ay meel-mariyeen baarlamanka Soomaaliya ee sharciga Batroolka, sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo maray dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, arrimaha bulshada, barnaamijyada horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta xukuumadda federaalka Soomaaliya ay saartay duullimaadyada Jubbaland. Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqay in ay fara-gelinta ka joojiso dowlad goboleedyada dalka, isla markaana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso wasiirkii amiga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. Ugu dambeyntii, Puntland iyo Jubaland ayaa shaaciyay in ay dhisteen guddiyo iskaashi oo wadaag ah, kaasi oo ka shaqeynaya hirgelinta iskaashiga dhinacyada la’dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta hey’adaha dowliga ah iyo federaaleynta dalka. Halkan hoose ka akhriso qodobada war-murtiyeedka
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliiska AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, Askartaan u dhashay wadanka Nigeria ayaa soo dhameystay tababarka ku saabsan shaqada ciidanka Nabad Ilaalinta, Dhaqanka Soomaalida iyo xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Ciidamadaan lagu sheegay 130-ka Askari ayaa loo keenay iney wax ka ilaaliyaan Doorashada Soomaaliya ee la filayo iney dhamaadka sanadkaan qabsoonto, waxeyna ka mid noqon doonaan Booliiska AMISOM ee ka shaqeynaya magaalada Muqdisho. Sida xogta lagu hayo Nigeria waxey noqotay Dowladii ugu badneyd ee ciidamo Booliis ah ku biirisa AMISOM, waana kuwa ka shaqo duwan kuwa Militariga. Augustine Kailie oo ah taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa ciidamada cusub ee ka yimid Nigeria u sheegay iney si hugan oo waafaqsan xerka iyo sharciyada howlgalka ku shaqeeyaan. Ciidamadaan waxaa la sheegay iney saacidi doonaan Booliiska Soomaalida, waxeyna sugi doonaan amaanka goobaha muhiimka ah, doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidoo kale xafladaha muhiimka ah Ciidamada cusub waxaa hogaaminaya Shehu Ahmed Gani, wuxuuna sheegay iney wax badan ka faa’iideen tababarkii loo qabtay, wuxuuna u mahad celiyay ciidamada Booliska AMISOMN.
  7. WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 20/01/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka. MAGACAABID:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. 2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. 3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. 5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada. 7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. 8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda. 9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag ku hubeysan qoryaha fudud iyo kuwa culus uu ka socda magaalada Muqdisho. Sida wararka aan ku heleyn,o dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa inta u dhaxeyso Xarunta Taraafikada iyo Madbacadda Qaranka, waxaana halkaas barakac xooggan ka bilaabay dadkii shacabka ahaa ee daganaa. Dagaalka ayaa waxaa laga maqlayaa degmooyinka u dhow dhow degmada Shangaani, wuxuuna dagaalka bilowday markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in laga guuro dhismo halkaas ku yaalla. Dadkii daganaa halkaas ayaa dalbaday ciidamo hubeysan, waxaana sidaas ku bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamadii Dowladda iyo kuwii ay dalbadeen dadka dagan dhismaha la amray in laga baxo. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay dagaalka, welina wax war ah kama soo bixin laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya. Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe
  9. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacay degmada Shangaani ee G/Banaadir. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo doonayey inay dad shacab ah ka raraan xaruntii hore ee safaarada Itoobiya iyo kuwa kale oo diidanaa. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil ka tiran ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article
  10. Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire visited Turkish nationals together with several Somali security agencies wounded in the al-Shabaab car bomb attack on Saturday. Six Turkish engineers and ten Somali security agencies providing security were wounded in the attack outskirts of Mogadishu. Somali premier was briefed by Rajap Tayyip Erdogan hospital doctors where the injured are nursing their wounds. The attack on Turkish engineers comes just weeks after two other nationals were killed in al Shabaab attack on the same road. Turkish company was contracted by the Somali government in the construction of a 30-kilometer Mogadishu-Afgoye road funded by the state of Qatar. Ankara has since vowed to continue its support to the Somali government saying al-Shabaab attacks will not deter them from standing by their Somali brethren. Turkey developed close diplomatic and military relations with Mogadishu since the visit of Prime Minister now President, Rajjap Tayyip Erdogan in August 2011. View the full article
  11. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida ee dalka. Kulankii oo ahaa mid 31-aad Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha golaha Aqalka sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada waxaana goobjoog ahaa guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Ajanda Kulanka ayaa ahaa: 1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. 2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani waxaana Ogaalada 30 Senatar waxaana Ka aamusay 1 Senatar mana jirin Senatar diiday Hindise-sharciyeedka maanta uu meel mariyey golaha Aqalka Sare BFS. Goobjog News Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abukar Zubeyr ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen maamulka sare ee hay’adda UNDP. Kulanka waxaa ay labada dhinac ay uga wada hadleen wada shaqaynta iyo taageerada geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, iyaga oo ku wada heshiiyey inay iskaashi sameeyaan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay kawada Hadleyn sidii kaalin weyn ay uga Qaadan Dhameystirka howlaha dib u eegista ee Dastuurka KMG ee somaaliya. Maamula iyo Madaxda ka socotay hay’adda UNDP aya dhankooda balan qaadeeyn in doorweyn iyo garab istaagi doonaan Guddiya ku howlan dib u eegista Dastuurka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyey wadadaasi oo ay dhismo ka wado shirkad Turki ah, si loo xaqiijiyo amniga shaqaalaha ka howlgalaya halkaasi. Darawallada gaadiidleyda ayaa lagu soo warramayaa inay u wareegeen wado jid cad ah oo ka baxda dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa Bajaajta ayaa ka cabanaya xirnaashaha jidkaasi. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sabtidii la soo dhaafay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada jidkaan qarax lagula eegtay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gaadiidley.mp3 View the full article
  14. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda qof shacab ahaa ugu geystay isgoyska Ex-Control Afgooye ee M/Muqdisho. Marxuumka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Nacamleeye ka shaqeynayey baabuurta laga raro halkaasi. Dilka kadib ayaa waxaa la sheegay in dad ka careysnaa falkaasi oo isugu jiray gaadiidleyda iyo ehellada marxuumka ay isugu soo baxeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii dambe ciidamada ammaanka ay rasaas ku kala dareeriyeen dadkaasi. Mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa halkaasi ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyey sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/ccc.mp3 View the full article
  15. (SLT-Gabiley)-Barkhad Cabdi Bookh Oo Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Magaalada Gabilay ayaa shaqadii looga Hakiyay Ka Dib Markii uu bartiisa Facebookga soo Geloyay Sawir Lagaga Cabanayo Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddida Fulinta ee xisbiga. Source
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka. MAGACAABID:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  18. Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah si wadajir ah u shaaciyay War-murtiyeed, ay ka soo saareen shirkii wada-tashiga labada dhinac ee Sabtidii todobaadkan ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso, kaasi oo sid ay sheegeen socday mudda laba maalmood ah (Sabti iyo Axad). Sida ku cad war-murtiyeedka Jubaland iyo Puntland, waxay si wadajir ah u qaaddaceen Xeerarka ay meel-mariyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka. Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, Arrimaha Bulshada, Barnaamijyada Horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay saartay duullimaadyada Jubaland. Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ugu baaqay in ay fara-gelinta ka joojiso dowlad goboleedyada dalka, islamarkaana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso wasiirkii Amiga Jubaland Cabdirashiid Janan. Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. Ugu dambeyntii, Puntland iyo Jubaland ayaa shaaciyay in ay dhisteen guddiyo iskaashi oo wadaag ah, kaasi oo ka shaqeeya hirgelinta Iskaashiga dhinacyada la’dagaallanka Argagixisada, Horumarinta Dhaqaalaha, Tayeynta hay’adaha dowliga ah iyo Federaaleynta dalka. PUNTLAND POST The post Nuxurka War-murtiyeedka ay soo saareen Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daaweynayo dhaawacyada weerarkii ay sabtidii Al-Shabaab la eegatay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye. Ugu horreyn maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey xaaladda Dhaawacyada. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhaawacyada mid mid udul istagay, isagoona ka wareysatay Ehellada iyo Takhaatiirta sida ay tahay xaladooda caafimaad. Ugu dambeyn wuxuu Alle ugu baryay in caafimaad uu siiyo, wuxuuna tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Soomaaliya ay si dhaw uga warqabi doonto xaladooda caafimaad. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu kala yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka. MAGACAABID:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. 2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. 3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. 5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada. 7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. 8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda. 9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com