-
Content Count
214,222 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Baqdaad)-Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas laga maqlay ilaa iyo saddex Madaafiic oo xooggan. Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad. Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 qof, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas. Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay uga hadlayaan Madaafiicda xalay lagu garaacay Saraafadda ay ku leeyihiin Badqaad. Source
-
4 tallaabo oo Iran ay qaadi karto si ay uga aargudato dilkii Qasem Soleimani IRAN waxaa laga yaabaa inay ka fiirsato dhowr tallaabo oo adag oo ay uga aargoosaneyso Mareykanka ka dib markii Donald Trump uu ciidamada militariga Mareykanka amar ku siiyay in la dilo General Qasem Soleimani, oo Khamiista dilkiisa loo adeegsaday gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen baabuur uu la socday oo marayey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq Safiirkii hore ee Boqortooyada Ingiriiska ee dalka Lebanon Tom Tom Fletcher ayaa sheegay in Jeneral Qasem Soleimani uu ahaa “nin shakhsi ahaan aad uga awood badan Osama bin Laden ama Abu Bakr Baghdadi maadaama awoodooda hoos u dhacday markii la dilayey “. Isagoo la hadlayey barnaamijka Idaacadda 4-ta ee Raadiyaha maanta ee BBC wuxuu sheegay in Iiraan ay hadda heysato ugu yaraan afar qaab oo kala duwan oo ay uga aargudato Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mar wax laga waydiiyey sida Iiraan uga aargudan karto Mareykanaka ayuu Mr Fletcher yiri “Jawaabta istiraatiijiyadeed oo ay Iiraan bixin karto waa inay sii xoojiso mowqifkeeda Ciraaq waa haddii ay diyaar u tahay inay bixiso jawaab caqliyeysan”. Mr Fletcher ayaa sheegay inay sidoo kale Iiraan u furan tahay inay qaado illaa 4 tallaabo oo ay ka dhallan karto halis aad weyn, wuxuuna ku kala sheegay: 1) – Inay Iiraan sheegto inuu dilkaan ahaa mid ay ka shaqeeyeen sirdoonka dalkeeda iyo kooxo kale oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo soo agaasimay dilka Qasem Soleimani, sidaasna ay kiiskaan uga harto, ayada oo taas ku muujineysa in Mareykanka uusan lahayn awood uu kaligiis ku beegsado sarkaal sare oo Iranian ah. 2) – Inay qaado Dagaalo ay u adeegsato kooxaha la rumeysan yahay inay iyada taageerto ee kala ah Xisbullaahi oo ka dagaalanto Lubnaan, Kooxaha Ahlu Xaq ee Siiriya, Xuutiyiinta Yeman iyo kacdoonka Shacabka Reer Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo Xarumaha Dowladda Mareykanka. 3) – Inay weerar ku qaado Saldhigyada Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Dhexe, taasoo keeni karto inuu qarxo dagaal weyn oo u dhaxeeyo Mareykanka iyo Xulafadiisa oo dhinac ah iyo Iiraan iyo Dowladaha taageersan taasoo noqon doonto halis soo wajahday adduunyada. 4) – Inay weeraro aan kala go’ laheyn qaado, sida kuwii ay ku qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga kuwaas oo ay ka gaartay guul weyn oo ah inay iska yareysay culeyskii ka saarnaa Dowladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Qasem Soleimani ayaa ahaa 62 jir hogaaminhyayay ciidamada Qudus waxaana loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad xalay kasoo baxday ra’iisul wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Khayre, oo lagu magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1da July, ayaa abuurtay su’aalo iyo jahwareer ku saabsan xilliga ay kusoo aaday. Inta badan madaxda dowladda ayaa guddiyada qaban qaabada munaasabaddan magacaabi jiray horaanta bishan June, hase yeeshee guddiga Kheyre uu xalay magacaabay ayaa kusoo aaday lix bil ka hor maalmahan xoriyadda. Warqaddan ayaa siyaabo kale duwan loo dhigay. Dadka qaar ayaa ku qeexay warqad soo qaldantay, halka qaar ay si kaftan ku jiro u yiraahdeen “Xafiiska Kheyre waxaa isaga qaldamay Janaayo iyo June.” Caasimada Online ayaa xitaa marka ay warqaddan ugu soo dhacday emailka u qaadantay mid soo qaldantay, hase yeeshee xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre ayey noogu xaqiijiyeen inay warqadda sax tahay. Mid ka mid ah saraakiisha xafiiska ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta guddigan xilli hore sanadkan loo magacaabay ay tahay ayada oo xuskan uu yahay midkii 60-aad, islamarkaana uu ka weynaan doonaan kuwii hore. Sida warqadda lagu sheegay xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti. Wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka. Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkaan 2020.
-
Gantaallo lagu bartilmaameedsaday xalay goobo muhiim u ah Mareykanka+Inan uu dhalay Qasim Suleymaani oo… Baroor diiqyada magaalada Karbala loogu sameeynayay Qassem Soleimani iyo Abu Mahdi al-Muhandis Dhowr qarax ayaa gilgilay agagaarka magaalada Baqdaad saacado uun ka dib baroor-diiqii magaalada Baghdad loogu sameynayo janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis, kuwaasi oo khamiistii lagu dilay weerar uu Mareykanku fuliyay. Qaraxayada ayaa waxaa lala beegsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, waxayna ilo wareedyo laga helayo ciidamada ammaanka Ciraaq sheegayaan ineysan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay. Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray iney aargoosi u sameyn doonaan dilkii Janaraal Qaasim Suleymaani oo uu Mareykanka u aqoonsanaa argagixiso. Ma jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka. Ka dib baroor-diiqyadii Janaraalka loogu sameeyay Baqdaad iyo magaalooyinka barakeysan ee Muslimiinta shiyacada ayaa waxaa meydkiisa la geyn doonaa dalkiisa Iran. Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale u baroor-diiqayay geeridii Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyaha ururka Kataib Hezbollah oo ay Iran baritaarto. Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in ururka ay cidaamada ammaanka Ciraaq uga digeen ”iney gabi ahaanba ka fogaadaan xarumaha Mareykanka laga bilaabo galabka Axadda ah”, sidaasi waxaa soo weriyay Telefishinka al-Mayadeen. Mareykanka oo ka jawaab celinaya hanjabaaddii Iran ee aargoosiga ayaa waxa uu 3,000 oo ciidan u diray bariga dhexe iyadoo sidoo kalena ay muwaadiniintooda ku boorriyeen iney isaga baxaan dalkaasi Ciraaq. Sidee ayay Ciraaqiyiinta ugu baroor-diiqeen Suleeymaani? Dad ku luuqaynayay “Mareykanku ha dhinto” ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Baqdaad kuwaasi oo kor ululayay calamada Ciraaq iyo kuwa maleeshiyada. Baroordiiqeyaasha oo daba socday naxashka lagu siday meydka Janaraal Qaasim ayaa socod ka soo bilaabay mathaarka Al Muthana ilaa iyo albaabka Aagga Cagaaran waxayna dadkaasi qaarkood sideen sawirrada Suleeymaani, halka qaar kalana ay siteen sawirada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatollah Ali Khamenei. Meydka ayaa markii dambe la geeyay magaalooyinka barakeysan ee Karbala iyo Najaf. Mourners surround a car carrying the coffin of Qasem Soleimani in Baghdad Wararka ayaa sheegaya in meydadka Suleeymaani iyo afar kale oo Iiraaniyiin ah oo iyagana lagu dilay isla weerarkaasi loo duulin doono dalka Iran oo ku dhawaaqay saddex maalmood oo loogu baroor-diiqayo janaraalka la dilay. Sidee ayay Iran uga falcelisay dilka janaraalkooda? Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, 62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso. Qasem Soleimani: Kumuu ahaa janaraalka Madaxweynaha Iran Xasan Rowxaani oo booqday qoyska Suleemaani oo deggan magaalada Tehran ayaa sheegay in janaraalka loo aargudi doono maalinta la jarayo gacmaha dhaadheer ee Mareykanka uu kula jiro gobolka. Mid ka mid ah gabadha uu dhalay Suleeymaani ayaa madaxweyne Rowxaani weydiisay goorta aabeheed loo aargudayo Khatar nooce ah ayaa ka dhalan karta dilka Janaraal Qaasim? Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Taliyihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lagu dilay isla weerakaasi. Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ”mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba’an,” sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News. Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn. Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka. “Suleeymani waxa uu si hagar la’aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran,” ayuu intaasi ku sii daray wasiirka. Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan. Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran. Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ”Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso”. Qaran News
-
Awood intee dhan ayay leeyihiin militariga Iiraan? Awoodda gantaalada Iiraan Dowladda Iran ayaa wacad ku martay inay aargoosan doonto ka dib dilkii abaanduulihii ugu awoodda badnaa militariga dalkaasi oo khamiistii ay Mareykanka duqeyn ku dileen. “‘aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka,waxaa sidaasi sheegay Qasem Soleimani. Hadaba Maxaan kala soconaa awoodda militari ee Iran? Intee ayay dhan tahay cududda ciidamada Iran? Tirada militariga Iran ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK. Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC). Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda islamarkana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan. Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran. Ciidamada ilaalada kacaankaa Iiraan Waa sidee howlgaladooda dibadda? Cutubka lagu magacaabo Xoogaga Quds, ee uu hogaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobaha ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgalo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei. Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000. Cutubkan ayaa waxaa loo daagureeyay Suuriya waxaana qeyb ka ah la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad. Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka. Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaaran ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe. Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad. Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka. Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm. Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha. Ciidamada Iran ayaa 2019 markab ku gooshayay calan UK ku qabsaday gacan biyood Hurmuz Iiraan ma leedahay Gantaalo? Haa- Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaalada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaaran bariga dhexe. Gantaalada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara. Hasa yeeshee, barnaamijka gantaalada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn,sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi). Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi karta barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi. Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaari kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed , waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan. Bishii May ee sanadkii aanu soo dhaafnay, Mareykanka bariga dhexe u daadgureeyay gantaalada ka hortaga gantaalada xilli ay xiisadda gobolka cirka isku sii shareeraysay. Waxay arrintani micnaheedu taay in gantaaladan ay ak horgati karaan gantaalada Kuruuska kuwa riddada dheer iyo diyaaradaha casriga ah. Hubka kale ee ay Iiran haysato Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS. Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla. Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran. Marka aan dhanka kale ka eegno, barnaamijka diyaarada aan duuliyaha laheyn ayaa waxay Iiraan doonaysaa inay ka sii iibiso ama ay u gudbiso dhinacyada ay saaxibka yihiin ee gobolka, waxaa sidaasi sheegay Jonathan Marcus, oo ah wariyaha BBC ee gaashaandhiga iyo dublamaasiyadda. Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco. Mareykanka iyo Scuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkastoo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay. Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Iiraan ma leedahay awood weerar dhanka Internet-ka? Ka dib weerarkii dhanka internet-ka ee 2010 lagu qaaday xarunta Niyukleerka Iiraan, ayaa waxay Tehraan xoojisay awoodeeda tiknoolajiyada la xiriirta Internet-ka. Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa la rumaysan yahay in ay leeyihiin xarun looga hortago weerarada dhanka Internet-ka. Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ka dib markii Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu Khamiistii si buuxdo uga horyimid dhabaha loo marayo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda ku soo korodhay Galmudug. Xilli dhismaha Galmudug uu khilaaf wiiqay ayaa waxaa hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug loo arkaayay mid xaaladda kaga sii dari kara, waxaana bilowday dadaalo markale la isugu soo dhaweynayo isaga iyo Madaxda Dowladda, hase ahaatee ay guuldareysteen. Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu saluugay gebi ahaanba qaabka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ku wado dhismaha maamulka cusub iyo shaqada Guddiga Farsamada, oo musuq maasuq uu ku eedeynayo. Madaxweynaha ayaa tallaabadan qaaday markii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu maalintii Arbacada Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax u sheegay in heshiiskii Ahlu Sunna iyo dowladda uu sidiisii ahaan doono, isla-markaana ay lama taabtaan tahay labaatanka xubnood ee Ahlu Sunna laga siiyay Baarlamaanka Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka bilaabay olole liddi ku ah dadaalada ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee lagu soo dhisayo maamulkan cusub. Iyadoo uu Xaaf kulamadaasi ka waday Gaalkacyo ayay hadana socdeen dadaalada laga dhex waday isaga iyo dowladda. Dadaaladan ayaa waxaa labada dhinac ka dhex waday siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Galmudug, kuwaa oo ay ku adkaatay inay markale Xaaf hoos keenaan dowladda, oo billihii ugu dambeeyay uu heshiis is faham ahaa kala dhaxeeyay. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu dhinacyadaasi u sheegay inaanan la aqbali karin waxa ay dowladda wado, oo uu ku sheegay Galmudug aan loo dhammeen. Si loo helo Galmudug loo dhan yahay ayuu sheegay inuu isagu hoggaamin doono, cid kalena aanu waxba ka weydiin doono, haddii uu isagu yahay masuulkii ugu sareeyay Galmudug. Xaaf ayaa dhinacyadii dhexdhexaadinta ku hawlanaa u sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay inay faraha kala baxdo dhismaha maamulka cusub ee dadka reer Galmudug loo dhisaayo. Villa Somalia ayaa waxay isku dayi doontaa, sidii ay cadaadis u saari laheyd kulamada uu Xaaf ka wado Magaalada Gaalkacyo iyo weliba sidii ay u fashilin laheyd shirka uu 25-ka bishan ku baaqay inuu ka furmi doono magaaladaasi. Warqad uu soo saaray Kuxigeenka Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka ahna Kusimaha Hanti Dhawraha, Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed ayaa si ku meel gaar ahi loogu xanibay xisaabaadkii Maamulka Galmudug. Xisaabaadka Galmudug ayaa waxaa la ogolyahay in laga bixiyo lacagaha ciidamada, shaqaalaha rayidka iyo midka saadka, iyadoo wixii intaasi ka baxsana aan laga saari karin. Amarkan ayaa wuxuu soo baxay saacado ka dib, markii Madaxweyne Xaaf uu magacaabay guddi doorasho oo ka dhan ah Guddigii Farsamada, ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Xaaladan ku soo korodhay Galmudug ayaa waxay walaac gelinaysaa dadka reer Galmudug, oo muddooyinkii ugu dambeysay u dheg taagaayay in doorashada Galmudug ay si hufan uga qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb.
-
Dowladda Iran ayaa wacad ku martay inay aargoosan doonto ka dib dilkii abaanduulihii ugu awoodda badnaa militariga dalkaasi oo khamiistii ay Mareykanka duqeyn ku dileen. “‘aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka,waxaa sidaasi sheegay Qasem Soleimani. Hadaba Maxaan kala soconaa awoodda militari ee Iran? Intee ayay dhan tahay cududda ciidamada Iran? Tirada militariga Iran ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK. Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC). Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda islamarkana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan. Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran. Waa sidee howlgaladooda dibadda? Cutubka lagu magacaabo Xoogaga Quds, ee uu hogaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobaha ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgalo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei. Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000. Cutubkan ayaa waxaa loo daagureeyay Suuriya waxaana qeyb ka ah la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad. Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka. Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaaran ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe. Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad. Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka. Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm. Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha. Iiraan ma leedahay Gantaalo? Haa- Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaalada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaaran bariga dhexe. Gantaalada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara. Hasa yeeshee, barnaamijka gantaalada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn,sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi). Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi karta barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi. Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaari kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed , waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan. Bishii May ee sanadkii aanu soo dhaafnay, Mareykanka bariga dhexe u daadgureeyay gantaalada ka hortaga gantaalada xilli ay xiisadda gobolka cirka isku sii shareeraysay. Waxay arrintani micnaheedu taay in gantaaladan ay ak horgati karaan gantaalada Kuruuska kuwa riddada dheer iyo diyaaradaha casriga ah. Hubka kale ee ay Iiran haysato Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS. Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla. Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran. Marka aan dhanka kale ka eegno, barnaamijka diyaarada aan duuliyaha laheyn ayaa waxay Iiraan doonaysaa inay ka sii iibiso ama ay u gudbiso dhinacyada ay saaxibka yihiin ee gobolka, waxaa sidaasi sheegay Jonathan Marcus, oo ah wariyaha BBC ee gaashaandhiga iyo dublamaasiyadda. Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco. Mareykanka iyo Scuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkastoo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay. Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Iiraan ma leedahay awood weerar dhanka Internet-ka? Ka dib weerarkii dhanka internet-ka ee 2010 lagu qaaday xarunta Niyukleerka Iiraan, ayaa waxay Tehraan xoojisay awoodeeda tiknoolajiyada la xiriirta Internet-ka. Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa la rumaysan yahay in ay leeyihiin xarun looga hortago weerarada dhanka Internet-ka. Isha: BBC
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga baaqay in baaritaan uu ku sameeyaan xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inuu ka soomay cuntada. Malaaq Cabdiraxmaan Malaas Shiino oo ka mid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gaartay akhbaarta ku aadan in uu cuntadii ka soomay Abu Mansuur. Waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed Sooomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen looga baahan yahay in arrintaan uu u howlgalo, islamarkaana baaritaano ay ku sameeyaan xaaladda wadaadka. Malaaqa ayaa sheegay in odayaasha Koonfur Galbeed ay la hadleen Lafta-gareen iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, islamarkaana Lafta-gareen uu u xil saaray guddoomiye Mursal. Cunto ka soomidda Roobow ayaa waxaa labadii bishan Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ee hoggaamiyo Abuu Mansuur. Sidoo kale, Nuunow Maxamed oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maanta ku seddax uu wadaadku ka sooman yahay cuntada. “Sababta ma garan karno naloomana ogola inaan aragno balse waxaa nagula war geliyey in maalintii saddaxaad uu cuntada ka sooman yahay Sheekh Mukhtaar”. Ayuu yiri Nuunow. Xubno ka tirsan Villa Somalia oo Caasimada Online ay xiriir la sameysay way beeniyeen in Roobow uu cuntada ka soomay. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaan lasii deyneyn Mukhtaar Roobow balse ay xubnaha IGAD kala shaqeeneyso bixinta diyada dadkii la laayey, taasoo keentay inuu cuntada ka soomo Roomow muddo saddex maalin ah, sida loo sheegay Caasimadda Online. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimadda Online, Insha Allah. Hoos ka dhageyso codka Malaaqa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/MALAAQ-C.RAXMAAN-MALAAQ-SHIINO.mp3
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug wixii hada ka dambeeya aysan ka soca doonin wax uusan raali ka aheyn. Xaaf oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, isgoo jooga Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay markii hore howlaha maamulka uu ka wadi waayey dowladda dhexe, balse markii uu tanaasulay ay dowladdu sii burburisay wixii uu isagu dhisay labadii sano ee uu talada haayey. Madaxweyne Xaaf ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku eedeeyey inuu bedelay qaar ka mid ah odayaashii saxda ahaa ee beelaha Galmudug. “Maanta waxay mareysaa in odayaashii saxiixayaasha ahaa awoodii laga qaaday oo kuwo kale la keeno, caawa iyo berrina waxaa la rabaa in odayaashaas laga sixiixo 69-ka xildhibaan ee ka dhiman baarlamaanka Galmudug, markii laga reebo 20-ka Ahlu-Sunna oo iyaga lasoo magacaabay” ayuu yiri Xaaf. Xaaf ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay Galmudug lagu haayey dagaal wajiyo badan leh, kaas oo hadafka ugu weyn uu ahaa in madaxda federaalku ay meesha madaxweyne iyo baarlamaan iyagu leeyihiin ay ka soo saartaan, taas oo uu sheegay inaysanba qarin oo ‘mar walba ay ku hadaaqaan’. “Waa nasiib darro in Ra’iisul Wasarihii dalka oo laga rebay cadaaladda iyo u dhaxaynta dadka, inuu isagii inta Dhuusamareeb fariisto uu isku noqdo guddigii khilaafaadka, guddigii doorashooyinka iyo guud ahaanba isku duba ridaha Galmudug, taasina suurta gal ma aha aniga ayaa madaxweyne ka ah meeshaan wax aan dhiso mooyaane wax ka soo baxayana ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf. Xaaf ayaa sheegay in xalka Galmudug uu ku jiro inay Dhuusamareeb ka tagaan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, hadii kale ay noqon doonto in meesha la isku xag-xagto. “Meeshaan marabo in dagaal iyo dhibaato ka dhacdo warkeyga waan cadeysanayaa waxaan rabaa in dowladda federaalka ay faraha kala baxdo Dhuusamareeb oo Ra’iisul wasaaha iyo wasiirka dadban ee arimaha gudaha ay meesha ka tagaan hadii kale meel la isku xag-xagto ayey noqonaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Xaaf. Sidoo kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in waqtigiisii xilheynta uusan dhamaan dastuurka maamulkana uu dhigayo in waqtiga xilheyntiisu ay tahay afar sano, isla markaana uu hada doonayo in dowladda federaalku ay faraha kala baxdo arimaha maamulkiisa, isaguna uu Ahlu-Sunna u tagayo si ay maamul loo dhanyahay u soo dhistaan. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Xaaf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Madaxweyne-Xaaf.mp3
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___-Qumanha-Wararka-04012020-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26ka June iyo 1da July. Wasiirka warfaafinta XFS ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka. Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020 iyaga oo kaashanaya madaxda dowlad gobaleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee heer gobal iyo heer degmo, in shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay ku dhiirri geliyaan muhiimadda ay leedahay xuska maalmaha xorriyadda iyo inay dhisaan guddi hoosaadyo ay ku jiraan howl-wadeenno, xildhibaanno, aqoonyahanno, Salaadiin, ururrada haweenka, ururrada dhallinyarada, jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti. View the full article
-
Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan uu todobaadkan socdaal ku imaan doono, magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshaysan Isniinta soo socota ku soo wajahan Garoowe, waxaana isaga iyo madaxweynaha Puntland ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada-hadlaan Xallinta tabashooyin bulshada ka soo jeeda Beesha Harti ee ku nool Jubaland ay ka qabaan maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo Garoowe ku soo wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya hadal heyn xoog leh oo ku aadan xaalado cabsi oo ku aadan magaalada Muqdisho, taas oo si weyn looga dareemay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 3 jeer ka baaqday munaasabado ka dhacayay magaalada Muqdisho waxaana lagu sheegay cabsi amni, halka sidoo kalena uu Isbitaalada ku booqan waayay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Munaasabadii dabaal dagga Booliska, Banaabixii ka dhacay Iskuul Buluusiya iyo shirkii Qorshaha 9aad ee Qaranka oo markii hore loo qorsheeyay in hoteel lagu qabto laakiin markii Madaxweynaha imaan waayay loo weeciyay Madaxtooyada, ayaa la sheegay in arrimahaas oo dhan ay sabab u tahay xaalado amni iyo cabsi ka taagan Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Isbitaalada ku booqan waayay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxa uuna ugu tagay gudaha diyaaradii lagu qaadayay oo tiilay garoonka Muqdisho. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu cabsi uga soo bixi la’yahay Madaxtooyada. Waxa uu sheegay inuu Isbitaalada ku booqan waayay dhaawacyada, sidoo kalena ka qeyb-gali waayey shirkii Qorshaha Qaranka ee 9aad, oo uu dalbaday in Madaxtooyada lagu qabto cabsi darteed. Kaliya ma ahan Cabdiraxmaan Cabdishakiir dadka aarimahaan ka hadlay, hasa yeeshee siyaasiyiin iyo saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wajahayo xaalad cabsi islamarkaana ay adagtahay in uu guto waajibaadka horyaalla. Weerarkii lagu qaaday hotel SYL oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda inuu shaki iyo cabsi xooggan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo. Weerarkaas, oo ay fuliyeen Shabaab ku labisan dharka ciidamada, ayaa horseeday in madaxweynuhu xitaa aamini waayo xildhibaanada iyo wasiirada dowladda, isaga oo amray inaysan ilaaladooda la iman karin madaxtooyada.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa baajiyay xaflad ku saabsan Xuska sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay, markii la doortay oo ku beegan 8-dii January 2019. Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada Garoow, ayaa sheegaya in madaxweynuhu amar ku bixiyay, in gebi ahaanba la joojiyo xafladdaasi, maadaama sida uu sheegay kharash badan oo aan loo baahnayn ku baxayo, xilli ay jiraan degaanno ka tirsan Puntland oo weli loo gurmanayo, kadib markii ay saameeyeen roobabkii deyrta. Xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu 8-da January qaban doono shir jaraa’id oo caadiya, kaasi oo uu Saxaafadda uga warbixin doono, waxqabadkii Xukuumaddiisa sannad-jirsatay, halkii uu xaflad ka dhigan lahaa. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu dhawaan socdaal ku tego magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono mas’uuliyiinta gobolka Bari, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo baajiyay Xuska sannad-guuradii kowaad ee madaxnimadiisa appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimadda Online) – IRAN waxaa laga yaabaa inay ka fiirsato dhowr tallaabo oo adag oo ay uga aargoosaneyso Mareykanka ka dib markii Donald Trump uu ciidamada militariga Mareykanka amar ku siiyay in la dilo General Qasem Soleimani, oo Khamiista dilkiisa loo adeegsaday gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen baabuur uu la socday oo marayey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq Safiirkii hore ee Boqortooyada Ingiriiska ee dalka Lebanon Tom Tom Fletcher ayaa sheegay in Jeneral Qasem Soleimani uu ahaa “nin shakhsi ahaan aad uga awood badan Osama bin Laden ama Abu Bakr Baghdadi maadaama awoodooda hoos u dhacday markii la dilayey “. Isagoo la hadlayey barnaamijka Idaacadda 4-ta ee Raadiyaha maanta ee BBC wuxuu sheegay in Iiraan ay hadda heysato ugu yaraan afar qaab oo kala duwan oo ay uga aargudato Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mar wax laga waydiiyey sida Iiraan uga aargudan karto Mareykanaka ayuu Mr Fletcher yiri “Jawaabta istiraatiijiyadeed oo ay Iiraan bixin karto waa inay sii xoojiso mowqifkeeda Ciraaq waa haddii ay diyaar u tahay inay bixiso jawaab caqliyeysan”. Mr Fletcher ayaa sheegay inay sidoo kale Iiraan u furan tahay inay qaado illaa 4 tallaabo oo ay ka dhallan karto halis aad weyn, wuxuuna ku kala sheegay: 1) – Inay Iiraan sheegto inuu dilkaan ahaa mid ay ka shaqeeyeen sirdoonka dalkeeda iyo kooxo kale oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo soo agaasimay dilka Qasem Soleimani, sidaasna ay kiiskaan uga harto, ayada oo taas ku muujineysa in Mareykanka uusan lahayn awood uu kaligiis ku beegsado sarkaal sare oo Iranian ah. 2) – Inay qaado Dagaalo ay u adeegsato kooxaha la rumeysan yahay inay iyada taageerto ee kala ah Xisbullaahi oo ka dagaalanto Lubnaan, Kooxaha Ahlu Xaq ee Siiriya, Xuutiyiinta Yeman iyo kacdoonka Shacabka Reer Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo Xarumaha Dowladda Mareykanka. 3) – Inay weerar ku qaado Saldhigyada Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Dhexe, taasoo keeni karto inuu qarxo dagaal weyn oo u dhaxeeyo Mareykanka iyo Xulafadiisa oo dhinac ah iyo Iiraan iyo Dowladaha taageersan taasoo noqon doonto halis soo wajahday adduunyada. 4) – Inay weeraro aan kala go’ laheyn qaado, sida kuwii ay ku qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga kuwaas oo ay ka gaartay guul weyn oo ah inay iska yareysay culeyskii ka saarnaa Dowladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Qasem Soleimani ayaa ahaa 62 jir hogaaminhyayay ciidamada Qudus waxaana loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-04012020.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweyihii xilkiisa ku wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa mar kale sheegay in uu ka laabtay u wakiilashii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee arimaha Galmudug. Xaaf ayaa Xalay magacaabay guddiga dhismaha Galmudug, waxa uuna sidoo kale Gaalkacyo ka billaabay wadahadalo uu la qaadanayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta qaaar. Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda ayaa saacadiihii la soo dhaafay baraha bulshada ku dhalleeceynayey Madaxweyne Xaaf, iyagoo sheegaya in uusan hadda waxba ka badali karin arrimaha Galmudug. Hase yeeshee, waxaa jirta hal arrin oo sabab ka dhigeyso in lala heshiiyo Xaaf ama laga qanciyo dooda uu qabo ee ku saabsan arrimaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf waxa uu awoodaa in uu kiciyo beelaha Galmudug ee qaba tabashada, gaar ahaan beelaha daga Gaalkacyo iyo Cadaado, sidoo kale Xaaf waxa uu awoodaa in uu kiciyo Ciidamo beeleedka ku xoogan gobalka Mudug ee aan ku jirin diiwaanka dowladda islamarkaana ka careysan ciidamada kale ee laga diiwaan geliyay Dhuusamareeb iyo Guriceel. Haddii aan Xaaf laga hortagin kulamada uu wado waxaa dhici karta in beelo badan ay ka baxaan shirarka dhismaha Galmudug iyo in ay kacdoon sameeyaan ciidamada aan dowladda u diiwaan gashaneen ee ku xoogan gobalka Mudug, waana sabab dowladda ku qasbeysa in Xaaf la qanciyo. Dhibaatooyin badan ayaa laga marayaa dhismaha Galmudug waxayna dowladda maalinba u taagan tahay xalinta albaab cusub oo soo furmay. In dhibaatada ay halkaan gaarto ama ay daba dheeraato waxaa sabab u ah danaha siyaasadeed ee laga leeyahay dhismaha Galmudug oo iska hor imaanaya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waa dalka keliya ee dunidan ku yaala ee shaqaalaha rayidka ah ee Grade A-gu ama maamulka ay la egyihiin marka la isku daro tirada shaqaalaha kale ee B, C, iyo D. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka rasmi ahaan tiradu waa 5402, oo 2, 500 ka mid ah yihiin Grade A, waana kuwa qaata mushaarka ugu badan! Miisaaniyadda 2020, Grade A, oo sida caadada ah kaalintoodu maamul uun tahay waxay qaadan doonaan lacagta ugu badan iyaga oo tiro ahaan la eg tirada guud ee shaqaalaha kale, taasi oo ku tusineysa musiibo ah in isla ekaadaan tirada dadka talada ka go’do oo maamul ah kuwii la amrayey! Sida ay tahay qoondada 2020: Grade A: Waxay miisaaniyadda 2020 ku leeyihiin $22,482,180, taas oo ka badan xataa marka la isugeeyo tirada lacagta ku soo aadeysa shaqaalaha B iyo C. Grade B: oo tiro ahaan ka kooban 1,401 waxaa loo qoondeeyey mushaar dhan: $7,021,800. Grace C: oo tiro ahaan gaaraya 1012 waxay heli-doonaan $4,043,160. Grade D: oo tiradu tahay 489 iyagu mushaarkoodu waa 1,278,496. Waxaa jiro shaqaale kale oo dowladda u qoratey latalin, tababar IWM kuwaas oo gaaraya ilaa 331, laakin sidoo kale waxaa u badan Grade A oo gaaraya (178), lacagta ay mushaar u heli doonaan waa $10.7 million. Waaxyaha Shaqaalaha: Shaqaalaha rayidka ee ku jira Fulinta, sharci dejinta iyo qeybo kale oo ay ka mid yihiin xafiisyada Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, xafiiska baarlamaanka, maaliyadda, garsoorka iyo xataa hanti-dhowrka waxay gaarayaan tiro ahaan 2,923 oo weliba 1,392 ay yihiin Grade A, qaataanna mushaarka ugu badan. Waxaa ku xiga waaxda dhaqaalaha oo ay hoostagaan wasaarado sida Biyaha iyo Tamarta, Isgaarsiinta, Warfaafinta, Dekadaha, ganacsiga waxaa jooga shaqaale dhan 1,733 oo hadan intooda badan waa Grade A. Qeybta ugu dambeysa waa difaaca iyo amniga oo ah 155 qof iyo qeybta bulshada ee waxbarashada, caafimaadka iyo Sportiga oo ay joogaan 591. Sida caadada ah waxaa u badan kuwa Grade A. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulka Galmudug ayaa la kala diray, wuxuuna amarkaas ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wali ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Beelaha dagan deegaanka Galmudug ayaa laga qanciyay dhamaan tabashooyinkii ay qabeen, waana arrinta keentay inuu soo baxo go’aankaan. Kheyre ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in lagu dhawaaqo liiska xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug, waxaana la ogyahay in guddiga doorashooyinka laga sugayo iney magacaabaan 69-ka xildhibaan ee haray. Jimcadii ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Galmudug ay ku dhawaaqeen liiska 20-ka xildhibaan oo ay soo xusheen Ahlu-Sunna, waxaana la fahamsan yahay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii ay doorashada ugu dhici laheyd waqtiga loogu talagalay. Dhawr jeer ayaa lagu fashilmay jadwalka doorashooyinka Galmudug, waxeyna guddiga filayaan hadda in kulamada Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la yeelanayay Ahlu-Sunna iyo Odayaasha dhaqanka ay wax badan saxaan. Sida la ogyahay Guddiga waxey ilo xog ogaal ah u sheegeen in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan 69-ka xildhibaan ee ka haray maamulka maadaama guddiga farsamada maamul u dhisidda galmudug ay aqbaleen liiska xildhibaanadii ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna.
-
Soomaaliya waa dalka keliya ee dunidan ku yaala ee shaqaalaha rayidka ah ee Grade A-gu ama maamulka ay la egyihiin marka la isku daro tirada shaqaalaha kale ee B, C, iyo D. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka rasmi ahaan tiradu waa 5402, oo 2, 500 ka mid ah yihiin Grade A, waana kuwa qaata mushaarka ugu badan! Miisaaniyadda 2020, Grade A, oo sida caadada ah kaalintoodu maamul uun tahay waxay qaadan doonaan lacagta ugu badan iyaga oo tiro ahaan la eg tirada guud ee shaqaalaha kale, taasi oo ku tusineysa musiibo ah in isla ekaadaan tirada dadka talada ka go’do oo maamul ah kuwii la amrayey! Sida Ay Tahay Qoondada 2020: Grade A: Waxay miisaaniyadda 2020 ku leeyihiin $22,482,180, taas oo ka badan xataa marka la isugeeyo tirada lacagta ku soo aadeysa shaqaalaha B iyo C. Grade B: oo tiro ahaan ka kooban 1,401 waxaa loo qoondeeyey mushaar dhan: $7,021,800. Grace C: oo tiro ahaan gaaraya 1012 waxay heli-doonaan $4,043,160. Grade D: oo tiradu tahay 489 iyagu mushaarkoodu waa 1,278,496. Waxaa jiro shaqaale kale oo dowladda u qoratey latalin, tababar IWM kuwaas oo gaaraya ilaa 331, laakin sidoo kale waxaa u badan Grade A oo gaaraya (178), lacagta ay mushaar u heli doonaan waa $10.7 million. Waaxyaha Shaqaalaha: Shaqaalaha rayidka ee ku jira Fulinta, sharci dejinta iyo qeybo kale oo ay ka mid yihiin xafiisyada Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, xafiiska baarlamaanka, maaliyadda, garsoorka iyo xataa hanti-dhowrka waxay gaarayaan tiro ahaan 2,923 oo weliba 1,392 ay yihiin Grade A, qaataanna mushaarka ugu badan. Waxaa ku xiga waaxda dhaqaalaha oo ay hoostagaan wasaarado sida Biyaha iyo Tamarta, Isgaarsiinta, Warfaafinta, Dekadaha, ganacsiga waxaa jooga shaqaale dhan 1,733 oo hadan intooda badan waa Grade A. Qeybta ugu dambeysa waa difaaca iyo amniga oo ah 155 qof iyo qeybta bulshada ee waxbarashada, caafimaadka iyo Sportiga oo ay joogaan 591. Sida caadada ah waxaa u badan kuwa Grade A. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
