-
Content Count
214,222 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla deegaanka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Simba ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah oo tababar siiya kuwa Kenya. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey intaba. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS iyo kuwa maamulka K/galbeed ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi. Deegaannada ay ciidanku la wareegeen ayaa ku dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi. Gaashaanle Dhexe Xasan Aadan Yarow, taliyaha ururka 54-aad ee guutada 60-aad ayaa sheegay in ulajeedkoodu uu ahaa mid la isugu furayey waddooyinka ay xirteen Al-shabaab. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay xabsiyada Al-shabaab kasii daayeen kuwaasi oo u badnaa xoolo dhaqato. Al-shabaab dhankooda weli wax war ah kama aanay soo saarin deegaannadan ay ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya, ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay kaga warbixisay, weerar saaka Al-shabaab ku qaadday saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Xeebta Lamu. Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, ayaa qoraalkaasi ku xaqiijisay in saaka abbaare 5:30 am Aroornimo uu dhacay weerar isku day ah ,oo lagu soo qaaday saldhiga, balse ay iska caabiyeen ciidamada Kenya ee saldhigaasi ku sugan. Wasaaradda ayaa sheegtay, in halkaasi lagu dilay afar kamid ah Argagixisadii weerarka soo qaadday, kadib markii si guul ah ciidamadu isaga caabbiyeen isku dayga weerar ee lala beegsaday saldhiga , sida ay hadalka u shigtay wasaaradda Gaashaandhiga waddanka kenya. Dowladda kenya ayaa sidoo kale xaqiijisay, in weerarkaasi uu dhaliyay dab ka kacay Haamaha Shidaalka Kaydiya ee saldhiga yaallay, kaasi oo markii dambe la bakhtiiyay, laakiin aysan jirin wax khasaare kale ah oo halkaasi ka dhashay. Al-shabaab ayaa horay u sheegtay, in dagaal-yahannadooda gudaha u galay Saldhiga ay burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo war ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee saldhiga SIMBA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, ayaa maanta waxa uu guddoommiye cusub u magaacabay degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa lagu magacaabay Mahdi Maxamed Faarax in uu noqon doono guddoomiyaha degmadaasi Cabdul Casiis. guddoomiye Mahdi ayaa waxaa uu duqa Muqdisho uga mahaceliyay magacaabitaasi uu magacaabay, isagoo dhinaca kale balan qaaday in hawlaha loo igmaday uu u gudan doono si wanaagsan. Guddoomiyihii hore ee degmada Cabdul Casiis ayaa waxa uu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Xamar 24-kii July ee sanadkii hore 2019, isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka ahaana duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigan dagaal toos ah oo weli dhexmaraya raggii weerarkii qaaday iyo ciidamada Kenya. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday gudaha saldhigga, kuwaasoo la arkayey uuro iyo qiic cirka isku shareeray. Xerada la wareeray oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo tababar siiya ciidamada difaaca ee dalkaasi Kenya. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah saldhigga, welina ay ka dhex dagaalamayaan xoggageeda. Xaaladda ayaa kascsan, iyadoona weli uu socda howlgalka lagu soo afjarayo weerarka. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.
-
Xafiiska Warfaafinta ururka Al-shabaab, ayaa qoraal uu soo saaray oo ku qoran luuqadaha Englisha-ka iyo Carabiga, waxa uu faahfaahin uga bixiyay weerar isugu jira qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toosa oo waaberkii hore ee saaka malayshiyaadka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu. Qoraalka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in Aroornimadii saaka ciidamo gaar ah oo ka tirsan Guutada la baxday Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab, ay weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya loo yaqaano Camp Simba oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi oo sida ay sheegeen hoy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, islamarkaana laga soo qaadi jiray hawlgallada Maraykanku ku beegsado Al-shabaab. Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahannadooda , ay u suuragashay in ay si qarsoodi ah ku galaan gudaha saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya, islamarkaana ay xoog kula wareegeen qeyba kamid ah saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, kadib markii ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Kenya oo ay weheliyaan kuwa Maraykanka. Al-shabaab waxay intaasi raaciyeen, in dagaal-yahannadooda gudaha u galay Saldhiga ay burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA. Dhinaca kale, Warbaahinta Maxalliga ah ee waddanka Kenya, ayaa xaqiijisay in uu weerar culus la kulmay saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah oo tababara ciidanka Badda Kenya. Balse weli faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, marka laga reebo sheegashada Al-shabaab, xilli aysan weli dowladda Kenya wax war ah ka soo saarin weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay ka dagaallamayaan gudaha Saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya appeared first on Puntland Post.
-
The Kenya Defence Forces (KDF) says four Al Shabaab fighters have died following a dawn attack on the Manda-Magogoni naval base in Lamu County on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa beri ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kalan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Kulankaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in labada madaxweyne ay uga hadli doonaan doorashada 2020 illaa 2021-ka iyo hanaanka kala guurka ee dalka. Sidoo kale waxaa kulankaani gaarka ah la filayaa in lagu soo qaado xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan midka Puntland iyo Jubbaland. Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe ayaa Deni noqday madaxweynaha kaliya ee sida u dhow u garab istaagay marka loo fiiriyo maamullada kale ee dalka. Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha ay dowladda dhexe ay ku wajaheyso maamullada ee ka jira dalka, taas oo sii xumeyso xiriirka kala dhexeeya xukuumadda federaalka Soomaaliya. Lama oga halka uu ku furan doono khilaafka weli dowladda kala dhexeeya labadaan maamul, iyadoo la diyaarinayo qorshaha doorashada ee 2020-ka.
-
Al-Shabaab mounted a Sunday dawn attack on a military base used by both US and Kenyan forces in Lamu County, a security source has confirmed. A multi-agency team including the Kenya Defence Forces responded to the attack from the Al-Shabaab insurgents who tried to take control of the Manda airstrip. The government is yet to release an official statement but witness account says they can still hear a gunfire exchange. The number of casualties or injuries is still unknown. More to follow. View the full article
-
Hassan Sabriye better known as Hassan Garayd was born in Hiiraan during 1940s. The present-day Somali young generation might not know his contribution to countless Somali songs they enjoy listening to or watching on TV. Hassan is what Somalis calls laxamiiste – the person who teaches the singer how to sing the song once the composer hands over lyrics to Hassan. The popular Somali TV interviewer, Xasan Serbiya, interviewed Hassan Garayd nearly two years ago. Hassan Garayd put a tune to a song first in 1968. It is a song co-sung by Mohamed Ahmed Kuluc and Halima Khalif Magool ( both deceased). Mohamed Mohamud Yasin ( aka Dheeg), now a member of Somaliland Council of Elders ( Guurti) wrote the song of which the following lines are part: Sida canabka beeraha Ama kayn caleenliyo Dhul cagaarku siman yahay Caad iyo Garloogubay Cosobkii ku yaalloo Cawshu gaardiyaysoo Cidi daaqin baad tee Cawo waxaa leh Ama ciil bixi lahaa Calaf nimuu ku siiyoo Cunto ku la wadaagood Gogol ku la cawaysaa A rough translation of the lines from the song: “Like the grapes of farms Or evergreen jungle A vegetation-enveloped land Like Caad and Garloogubey* Covered in lush Over which a gazelle romp That none has browsed you are Lucky is the one Who would throw resentment With whom destiny united you To share food And bedspread with you“ Hassan Garayd playing his lute Hassan Garayd elucidated his approach to deciding how a singer or vocalist will sing a song. “I take into account emotion of the song-writer before deciding how the song will be sung by a singer. I should know the context” said Hassan Garayd said. In 1967 Hassan joined Radio Mogadishu Troupe. In 1969 the military regime rebranded Radio Mogadishu Troupe as Waaberi (Dawn). ” The late Mohamed Ali Kaariye came up with name Waaberi ” Dawn”) Hassan added. *Caad & Garloogubey are towns in the Somali region of Ethiopia © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Hassan Garayd: A shining light in Somali Performance Arts appeared first on Puntland Post.
-
Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus ku ekeeyay Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Lamu. Qoraal ay soo saartay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Guutadooda loo yaqaan Istish-haadiyiinta ee dagaal-yahannada Al-shabaab ay weerar xooggan ka fuliyeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee SIMBA oo ku yaala degaanka Manda Bay. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in saldhigga SIMBA ay ku sugan yihiin boqolaal ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya kuwaasi oo khasaare badan lagu gaarsiiyay weerarka sida Al-shabaab sheegteen. Dhinaca kale weli xog sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi marka laga reebo sheegashada Al-shabaab sidoo kalena dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin weerarka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday gudaha Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan. Kulanka oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle waxaa weli deegaano ka tirsan ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
-
Somali Prime Minister appoints new national-level committee
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has named the action committee to spearhead the upcoming 60th independent anniversary. The country will mark six decades since independence from Italian and British colonies respectively on 1st and 26th June. The task force is chaired by the Minister for Information, Mohamed Hayir Mareye which also includes, the Defense Minister, Hassan Mohamed, Internal security, Mohamed Abukar Islow, Youths and Sports, Khadija Mohamed Diriye, Education, Abdullahi Godax Barre, Labor, Sadik Warfa, Justice, Salah Ahmed, the Governor and Mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud, and the deputy chief of staff at Villa Somalia. The main task of the committee will be the organization of the significant events which also collides with the 20th anniversary since the transitional government was established in Arta Djibouti in 2000. The committee will collaborate with regional state leaders, members of parliament, cultural and religious leaders, women and youth leaders, global Somali diaspora community among others. View the full article -
Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in maanta uu shaaciyo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka cusub ee maamulkaasi. Xubnaha guddiga ayaa horay ugu dhawaaaqay 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna laga siiyey baarlamaanka, kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar. Xildhibaanada cusub ayaa haddii lagu dhawaaqo waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba. Wariyaha Idaacadda Shabelle, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Cali-Gaab.mp3 View the full article
-
President Donald Trump warned Saturday that the US is targeting 52 sites in Iran and will hit them "very fast and very hard" if the Islamic republic attacks American personnel or assets. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-050120-ww.mp3 View the full article
-
(SLT- Lamu)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolkaas. Weerarka oo ahaa mid ku bilaamay Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saaka ka dhacay Saldhig Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu, waxaana Saldhiga lagu magacaabaa Camp Simba. Intaasi kadib gudaha Saldhiga ayaa waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamadii ku sugnaa halkaas iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War qoraal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Manda Bay oo ka tirsan Gobolka Lamu. Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dhex-dagaalamayan gudaha Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Saldhiga. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka ka socda deegaanka Manda Bay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goor-dhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada koxodaas ay saaka aroortii weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah. Bayaan ku qornaa English-ka oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay, in saldhigga la weeraray oo loo yaqaan SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee gobolka Lamu, ay ku sugan yihiin “boqolaal askari oo Mareykan ah.” “Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ciidankooda si qarsoodi ah ku galeen saldhigga, islamarkaana ay qabsadeen qeybo ka mid ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegtay in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka halkaas ku sugan, inkasta oo aysan caddeyn. Ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, waxaana adag in warar madax banaan laga helo saldhigga. Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab.
-
(SLT-Tripoli)-Janaraalkii hore ee ciidanka Liibiya oo hadda hogaamiya maleeshiyada ku sugan bariga ayaa ugu baaqay shacabka Liibiya in ay qaataan hubka si la iskaga difaaco waxa uu ugu yeedhay faragalinta Turkiga. Mr Haftar ayaa sheegay in uu aqbali doonin heshiiska Millatari oo ay kala saxeexdeen xukuumada Ankara iyo Tripoli. Dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee ra’isul wasaare Fayez Al-Sarraaj ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore weeraro xoogan kala kulmeysay maleeshiyada Janaraal Khaliifa oo hujuum xoogan ku soo qaaday Caasimada. Baarlamaanka Turkiga ayaa Khamiistii hore ansixiyay in ciidamo millatari ah loo daabulo Liibiya si dhanka amniga ay kaga taageeraan dowlada caalamka aqoonsan Yahay. Source
-
(SLT- Indonesia)-Kooxaha gurmadka deg dega ah ee Indonesia oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa bilaabay sabtidii shalay in gargaar u badan raashin iyo biyo ay u qeybiyaan dadka ku dhaqan deegaanada Go’doonka. Roobab xoogan oo ay ka dhasheen duufaano dabeylo wata ayaa waxaa ku dhintay 53 qof iyadoo laga cabsi qabo in dhimashada ay korodho, sida ay xaqiijisay xukuumadda Jakarta. Dhanka kale tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada caasimada ayaa hoy la’aan wajahaya kadib markii guryahooda ay daadad xoogan galeen. Waa tiradii ugu badneyd ee ku dhimata muddo sannado ah fatahaado xoogan oo ka dhashay roobab sanadkaan ka da’ay magaalada caasimada ah ee Jakarta oo ay ku nool yihiin 30 Malyan oo qof. Source
