Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lamu (Caasimadda Online) – Taliska hawlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab. Wax Faahfaahin badan ah kama aysan bixin AFRICOM qasaaraha khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, inkasta oo la sheegay inuu jiro qalab la gubay. Wargeyska Daily Nation ayaa booliska kasoo xigatay in “In shan qof oo weerarka looga shakisanyahay la xiray.” Warbixinta boliiska ayaa lagu sheegay in saddex diyaarad oo nooca dagaalka ah lagu burburiyey. Weerarkan oo aroornimadii saaka lagu qaaday saldhiga. Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, dhawaan ayeyna aheyd markii ay weerar ku qaadeen bas rakaab oo u socday gobolka Lamu. Muhiimad nuucee ayuu leeyahay Saldhigga la weeraray? Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in ciidamadooda ay sanadkii 2017 bilaabeen hawlgal ay kula dagaalamayaan argagixisada, sida lagu sheegay qoraalka, sidoo kalana ay dowladda Kenya ka caawiyeen sidii loo sugi lahaa amniga xuduudaha. Sida la ogyahay, isbuucii ugu dambeeyay bisha August sanadkii dhamaaday, ayuu saldhigga noqday mid rasmi ah kadib markii Calanka Mareykanka uu kasoo muuqday, waxaa sidoo kale isbadalay qorshahii ciidamada Cirka ee ahaa mid ku dhisan xeelad, waxeyna u rogeen mid joogto ah. Wixii markaas ka dambeeyay Mareykanka waxey xaqiiqsadeen in Saldhigga uu yahay mid iyaga hoos yimaado. Col. Cody Smith oo ah taliyaha ciidamada guutada 475-aad ee cirka ayaa bilahii ugu dambeeyay 2019 ka dhawaajiyay in saldhigga SAMBA uu noqday mid ay ka fulinayaan hawlgalo joogto ah maadaama calankooda laga taagay. Saldhiggan ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha laga qorsheeyo weerarada Al-Shabaab lagula beegsado gudaha Soomaaliya, sida ay Al-Shabaab sheegtay. “Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab. Saraakiisha Miltariga Kenya ayaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegay iney afar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab ku dileen weerarkii saakay ka dhacay Lamu, sidoo kalana Saldhigga Manda waa mid ay ciidamada labada dowladood aad u sugaan maadaama uu ku yaallo xeebta Gobolka Lamu. Waxaa la is weydiinayaa sida ay Shabakadda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ay weerar nuucaas ah uga geysteen saldhig ay laba dowladood amaankiisa aad u sugaan, kuna yaalla meel istaraatiiji ah. Weerarkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada Mareykanka ay weerar lama filaan ah ku dileen taliye sare oo ka tirsan Miltariga wadanka Iran kaas oo ku sugnaa Ciraaq, waxeyna aheyd xilli ay aad u feejignaayeen ciidamada Mareykanka meel walba oo ku sugan yahiin.
  2. Muqdisho (SMN) – Dhismaha aargada KM-0 oo ay si casri ah u dhistay wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xariga kajaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish). Goobtan ay bilicda ka muuqato waa KM-0 waana halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyadoo darbiga ama gidaarka dhismaha lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan. Degmooyinka Cabdicasiis, Shibis iyo Shangaani ayey sidoo kale kulmisaa aargadaan KM-0 waxaana guddoomiyaha Degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa ka mahadceliyay. Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in dhismaha aargada KM-0 ay ku wareejin doonan dowlada hoose Xamar. Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar) wax uu ka hadlay ahmiyada ay goobtan lee dahay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka gobolka oo kaashanaayo DFS ay xoojin doonaan hirgalinta mashaariic waxtar uleh Bulshada iyo Qaranka. . View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-05012020.mp3 View the full article
  4. Baghdad (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Ciraaq ayaa meel mariyey qaraar ku baaqaya in dalka laga saaro ciidamada shisheeye ee ku sugan, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, kadib xiisaddii ka dhalatay dilkii Qassem Soleimani oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Qaraarka ayaa lagu sheegay in dowladda ay ballan qaaday in ay ka laabaneyso codsigii ay isbaheysiga caalamiga ah uga dalbatayt inay gacan ka siiyaan dagaalka kooxda Daacish, maadaama lasoo gabagabeeyey howlgalkaas isla markaasna laga gaaray guul weyn. Sidoo kale Baarlamaanka ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay mamnuucdo in sinaba ay xoogagga shisheeye u isticmaalaan dhulka, cirka iyo biyaha Ciraaq. Qaraarada kasoo baxa baarlamanka ma ahan sharci, sidaas darteed xukuumadda kuma qasabana inay ciidamada Mareykanka ka saarto Ciraaq. Si ciidamada Mareykanka looga saaro Ciraq waa in baarlamanka uu ansixiyaa sharci, waxaana la filayaa in mar aan dheereyn lasoo saari doono sharciga. Si kastaba, Rai’sul wasaaraha Ciraaq Cadil Cabdul Mahdi ayaa sheegay in dalka uu wajahayo dhibaato gudaha iyo Debadda ah isla markaasna go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka uu yahay mid aad ugu wanaagsan dalka Ciraaq. Wuxuu horey ugu baaqay baarlamanka inay ansixiyaan sharci lagu eryayo ciidamada Mareykanka. Qaraarka la ansixiyey Maanta ayaa waxaa Baarlamaanka hor geeyey Ra’isul wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi oo u ololeenayey in dhamaman ciidamada Shisheeyey laga saaro dalka Ciraaq. 5,00 kun oo Askari ayaa Mareykanka ka joogo dalka Ciraaq, waxayna intoo badan yihiin taliyayaal dhanka Militariga ah . Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Ciraaq ayaa imaanayo xilli dhawaan uu mareykanka Garoonka Diyaaradaha Ciraaq duqeyn ku dilay Qassem Soleimani oo ahaa Jeneraal aad looga qadariyo dalka Iiraan. Iran ayaa saameyn weyn ku leh Ciraaq, waxaana la rumeysan yahay in dilka Soleimani uu ahaa qalad siyaasadeed weyn oo ka dhacay Mareykanka, kuna weyn doonaan joogitaankooda Ciraaq.
  5. BAGHDAD (REUTERS) - Iraq’s parliament called on Sunday for U.S. and other foreign military forces to leave amid a growing backlash against the U.S. killing of a top Iranian military commander that has heightened fears of a wider Middle East conflict. Source: Hiiraan Online
  6. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo u weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta booqday xeradda ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho. Booqashada sidoo kale waxaa ku weheliyay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, taliska qaybta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Guddiga dib u habaynta ciidamada Puntland ayaa u kuurgalay xaaladda ciidanka, hannaanka uu socdo tababarka, iyagoona warbixino ka dhageystay Taliska xeradda iyo macallimiinta gacanta ku haya ciidamada tababarka xeradda Xorgoble ee magaalada Qardho. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay helida xuquuqda ciidamada iyo in ay iyaguna gutaan waajibaadka qaran ee looga baahan yahay. ”Dawlada uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ciidamada, si loo helo ciidamo tirsan oo tayo leh, ma dhici doonto in mushaharaadka ciidamada ay cid u gacan-gasho, qofkasta isagga ayay si toos ah akoonkiisa ugu soo dhici doontaa” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland. Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ka hadlay habka diiwaanta ee ay wadaan. ”Diiwaan-galinta aan wadno waa mid fure u noqon doonta in la helo Ciidamo la yaqaan tiro ahaan iyo tayo ahaan dhamaana Ciidamadu waa mari doonaan” ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland. Madaxwayne Deni ayaa horay u ballan qaaday in Xukumadiisu ay xooga saari doonto dhismaha ciidamada. PUNTLAND POST The post Hab cusub oo loo diiwaan galinayo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Iraqi lawmakers said they would use a special parliamentary session on Sunday to push for a vote on a resolution requiring the government to ask Washington to withdraw U.S. troops from the country. Source: Hiiraan Online
  8. Mareykanka oo war xasaasiya ka soo saaray weerar ay A-Shabab ku qaadeen saldhig ku yaalla Kenya Dagaalyahanno hubaysan oo afka soo duubtay oo ka tirsan Al-Shabaab Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar saaka lagu qaaday saldhiga Manda Bay oo ku yaalla deegaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in uu jiro weerar ay Al-Shabab ku qaadeen Saldhigaasi Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Militariga Kenya iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerarkaasi Al-Shabab. Warka qoraal ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabab ee ah in weerarkaasi ay khasaaro ku geysteen taasi oo Mareykanka ku tilmaameen “buun-buunin,”. “Al-Shabaab waxay miciin bideen been, si ay sare ugu qaadaan sumcadooda ayna u abuuraan cinwaano been abuur ah,” waxaa sidaasi sheegay Janaraal William Gayler, oo ah agaasimaha (AFRICOM) . “Waa muhim in looga hortago Al-Shabab meesha ay joogaan si looga hortago fidida Kansarka” ayaa intaa ku daray. “Al-Shabaab waa urur argagixiso oo arxan,” ayuu yiri Janaraal Gayler.” Bayaanka ay Mareykanka soo saareen ayaa lagu xusay inuu jiro waxyeelo dhanka qalabka ah oo weerarkaasi ka dhashay ayna imika socoto qiimeynta arrintaasi,islamarkana faafaahinta dib laga soo sheegi doono. Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin. Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa. Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee. Kooxaha gurmadka degdega ah oo wada maydka qof ku dhintay qaraxii 28-kii Diseembar Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan. Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof. Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn. Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed ayaa soo jeediyay in loo midoobo arrinta Mukhtaar Roobow oo wali u xiran dowladda. Dowladda Federaalka ayaa soo xirtay Mukhtar Roobow oo mar ka tirsanaa Al-Shabaab dhamaadka sanadkii 2018 kadib markii uu isku soo sharraxay doorashada Koofur Galbeed, waxaana xildhibaan Idiris uu sheegay iney xaaladiisa caafimaad aad u xun tahay kadib markii uu dhawr maalmood ka hor uu cuntada ka soomay. Caasimadda Online ayaa khamiistii baahisay in ehalada Mukhtaar Roobow ay sheegeen inuu muddo saddex maalmood ah cuntada ka soomanaa xiligaas, isla markaana xaaladiisa ay sii xumaaneyso. Mid ka mid ah ehaladiisa oo magaciisa lagu sheegay Nuunow ayaa la hadlay idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, wuxuuna u sheegay ineysan garaneyn sababta, sidoo kalana aan loo ogoleyn iney arkaan balse lagu wargaliyey in muddo saddex maalmood ah uusan waxba cunin. Si kastaba Xildhibaan Idiris Abdi Takar oo muuqaal ku gudbinaya baraha bulshada ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed iney isugu yimaadaan kulan sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana xaaladaan meel saaraan. Xildhibaanka wuxuu sheegay u sheegay xildhibaanada kale in loo baahan yahay mowqif adag iney ka qaataan arrinta Mukhtaar, sidoo kale wuxuu rahmaday hanjabaad ah iney isaga tagayaan dowladnimada hadii aan loo fulin rabitaanka ay isku raaci doonaan. Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu wax badan kusoo cel-celiyay in go’aanka ay ka qaadan doonaan hadii aan loo sii deynin Mukhtaar ay kalsoonida kala laaban doonaan Dowladda Federaalka. Wakhti yar ka hor ayey aheyd marka uu muuqaalka baraha bulshada kaga soo muuqday, wuxuuna soo jeediyay sidoo kale iney galabta isku yimaadaan. Arintaan ayaa imaaneysa xilli laga deyrinayo xitaa bad-qabka Mukhtaar Roobow oo la xasuusto inuu isku soo dhiibay dowladda, waxaana la sugi doonaa go’aanka kasoo baxa iyo hadii ay isku yimaadaan xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Dowladda Federaalka iyo sida ay noqon doonto falcelinta Dowladda ka hor kulanka iyo kadibba. Halkaan hoose ka daawo baaqa kasoo baxay Xildhibaan Idiris
  10. Somalia’s al-Shabab extremist group attacked a military base used by U.S. and Kenyan troops in coastal Kenya early Sunday, destroying U.S. aircraft and vehicles, Kenyan authorities said. Source: Hiiraan Online
  11. Kooxa Al-Shabaab ayaa Axadda maanta ah weerartay saldhig militeri oo ay isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla gobolka Lamu ee Kenya, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay afhayeenka ciidamada dalkaasi. Weerarkan lagu qaaday xeradan militeri ee ciidamada cirku isticmaalaan ee loo yaqaan Camp Simba ee Manda Bay oo u dhow xeebta loo dalxiis tago ee jasiiradda Lamu ayaa ah kii ugu danbeeyey ee kooxda Al-Shabaab ay ka gaysato dalka Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii. Afhayeenka Ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu subaxnimadii hore ee maanta soo saaray in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay carqaladeyso amniga saldhigga Mandi. “Isku daygaasi waxaa looga hortagay si guul ah. 4 nin oo argagixiso ah ayaa ilaa iyo hadda aan meydkooda helnay. Xaruntan iminka waa goob nabad ah,” ayuu yiri Njuguna. Sarkaalkan ayaa sheegay in uu weerarkani sababay dab ka kacay xaruntan ciidan kaasi oo saameeyey haamaha shidaalka ee halkaasi. Haatan ayuu sheegay in dabkii la xakameeyey. Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa in weerarkan ay ku burbureen laba diyaaradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen. Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helekobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyay weerarkan. “Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qirayaa in uu jiro weerar lagu qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Cirka ee Kenya, waxaanna la socon doonnaa xaaladda,” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay AFRICOM. Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in warar hordhac ah oo weerarka ku saabsan ay sheegayaan in uu jiro waxyeello soo gaartay qalabkii ciidamada ee xeradaasi, “waxaana wali socda baaritaanka lagu xaqijinayo xaqiiqda waxa dhacay, waanna soo gudbin doonnaa marka ay faahfaahinnadu soo baxaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddoomiyaha degmada Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kuwii weerarka soo qaaday dib loo celiyey, isaga oo intaas raaciyey in aanu hubin in qaar iyaga ka tirsani ay wali meesha ku harsan yihiin iyo in kale. Ururka Alshabab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa warbixin ay soo saareen ku yiri “Waxaan si guuli ku jirto u weerarnay saldhig militari oo aad loo adkeeyey, haddana waxaan la wareegnay qeyb ka mid ah saldhigaas.” Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Weerarkii Al-Shabaab ee Lamu appeared first on Puntland Post.
  12. Lamu (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu, islamarkaana ciidamada Mareykanka iyo Kenya ay iska caabiyaan weerarka Al-Shabaab. Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri “Anaga oo la shaqeeneyna saaxiibadeena Kenya, saldhigga ciidamada cirka waa la nadiifiyey, waxaana weli socda hanaan si buuxda loogu sugayo.” AFRICOM ayaa sheegtay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkan argagixiso.” Ayaa lagu yiri qoraalka. “Al-Shabaab waxay doortaan been, cadaadis iyo inay awood u adeegsadaan sare u qaadidda sumcaddooda, si ay u abuuran warar been abuur ah,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler. “Waa muhiim in loogu jawaabo Al-Shabaab halka ay taagan yihiin, si looga hortago faafitaanta kansarkan,” Ayuu yiri Gayelr. AFRICOM waxay sheegtay in xaaladda amni ee Manda Bay ay tahay mid aan fadhin. “Al-Shabaab waa urur argagixiso oo aan arxan lahayn. Waa koox ku xiran Al-Qacida oo raadineysa inay dowlad Islaam ah ka aas-aasaan Bariga Afrika, si ay meesha uga saaraan saameynta reer galbeedka iyo fikradahooda ee gobolka. Joogitaanka Mareykanka ee Africa waa u muhiim dadaallada looga hortagayo aragixisada.” Ayuu yiri Gayler. AFRICOM waxay sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay waxyeelo gaartay qalabkii yaallay saldhigga, islamarkaana ay socoto qiimeynta shaqaalaha saldhigga.
  13. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay xoojiyeen amniga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgallo cusub oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabadgalyada ka bilaabay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa kuwa ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu hayey sidii looga kortagi lahaa kooxaha dhaca ka geysta magaaladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay dadka shacabka ah ee ku dhaqan waqooyiga Gaalkacyo ayaa ka cabanayey kooxo qooleysato ah oo habeenkii boob ugu geysta degmadaasi. View the full article
  14. Shirkadaha Diyaaradaha Ee Kenya waxay sheegeen in gabi ahaanba uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebeedka Lumu kadib weerarkii ay saaka aroortii Al-Shabaab ay ku [...] Source
  15. Lamu (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa gabi ahaan joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee garoonka Manda Airport kaas oo ku yaalla gobolka Lamu. Go’aankaan waxey dowladda Kenya soo marisay hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano KCAA. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkii lagu qaaday saldhig Malatari oo ku yaalay Gobolka Lamu kaas oo ay si wadajir ah u maamulaan Kenya iyo Mareykanka, waxeyna hay’adda sheegtay ineysan wax duulimaad ah jiri doonin ilaa laga helo faah-faahin dheeri oo ku saabsan weerarkii saakay. Wargeyska Daily Nation ee laga leeyahay Kenya ayaa baahiyay warbixintan iyadoo dowladda isagoo ugu yeeray kooxdii weerarka geysatay dabley hubeysan. Laba ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gudaha Kenya ayaa xaqiijiyay ineysan maanta jirin wax duulimaad ah oo ay diyaaradahooda ku tagayaan gobola Lamu gaar ahaan garoonka Manda Airport, waxeyna taas timid kadib amarka kasoo baxay KCCA. Xerada la weeraray waxaa loogu yeeraa SIMBA, waxeyna ku taalaa deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu, balse maanta oo ah maalintii 5-aad ee sanadka cusub subax wanaagsan uma aheyn ciidamada halkaas ku sugnaa maadaama ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab. Warbixinada ay baahiyeen warbaahinta dhex-dhexaadka waxaa lagu sheegay in weerarka lagu burburiyay saddex diyaarad oo nuuca dagaalka ah, balse wargeyska Daily Nation wuxuu saraakiil ciidan kasoo xigtay in shan qofood loo xiray weerarka. Xoogagga Al-Shabaab waxey muujinayaan sida ay ugu xoogan yahiin gudaha Kenya, waxaana la xasuustaa in sanadkii hore ay gaar nuuca rakaabka ah ku weerareen isla gobolka Lamu.
  16. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Dayac-Garoon oo hoos yimaada magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhammaan shacab ahaa rayid, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka. Ma cadda hadda heybta diyaaradaha fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka iyo Kenya ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya gobollada Jubbooyinka. View the full article
  17. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filisha ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay degmada Cabdicasiis. Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayuu guddoomiyaha degmadaasi ugu magacaabay inuu noqdo, Mudane Mahdi Faarax Cabdulle. Guddoomiyaha loo magacaabay Cabdicasiis ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Sabaax Cabdullaahi Asad oo ku geeriyootay Qaraxii xarunta G/Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa horay u magacaabay guddoomiyeyaasha Waabari iyo Shangaani oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku dhintay weerarkii dowladda hoose ee Xamar. View the full article
  18. NAIROBI (HOL) - The U.S military said Sunday afternoon it is monitoring the situation in Kenya’s Lamu region following an attack by the militant group Al-Shabaab on a military base which hosts Kenyan and US. Troops. Source: Hiiraan Online
  19. The al-Shabab extremist group attacked a military base used by U.S. and Kenyan troops in coastal Kenya early Sunday, with U.S. aircraft and vehicles destroyed, Kenyan authorities said. Kenya’s military said the pre-dawn breach was repulsed and at least four attackers were killed. A plume of black smoke rose above the base near the Somali border. Residents said a car bomb had exploded. Lamu county commissioner Irungu Macharia told The Associated Press that five suspects have been arrested and are being interrogated. The U.S. Africa Command confirmed the attack on Camp Simba in Lamu county. Spokesman Col. Christopher Karns called al-Shabab’s claims, including inflicting severe casualties, “grossly exaggerated.” There was no report of U.S. or Kenyan deaths. The camp, established more than a decade ago, has under 100 U.S. personnel, according to Pentagon figures. A U.S. flag-raising there in August signaled its change “from tactical to enduring operations,” the Air Force said at the time. An internal Kenyan police report seen by the AP said two fixed-wing aircraft, a U.S. Cessna and a Kenyan one, were destroyed along with two U.S. helicopters and multiple U.S. vehicles at the Manda Bay military airstrip. The report said explosions were heard at around 5:30 a.m. from the direction of the airstrip. The scene, now secured, indicated that al-Shabab likely entered “to conduct targeted attacks,” the report said. According to another internal report seen by the AP, dated Friday, a villager that day said he had spotted 11 suspected al-Shabab members entering Lamu’s Boni forest, which the extremists have used as a hideout. The report said Kenyan authorities did not find them. Al-Shabab’s claim of responsibility said Sunday’s attack destroyed U.S. equipment including aircraft and vehicles. It said fighters covertly “entered enemy lines” and that the attack was ongoing. Kenya’s military, however, said that “the airstrip is safe.” It said that “arising from the unsuccessful breach a fire broke out affecting some of the fuel tanks located at the airstrip.” The Kenya Civil Aviation Authority said the airstrip was closed for all operations. Al-Shabab, which is linked to al-Qaida, is based in neighboring Somalia and has launched a number of attacks in Kenya. The group has been the target of a growing number of U.S. airstrikes during President Donald Trump’s administration. The latest attack comes just over a week after an al-Shabab truck bomb in Somalia’s capital killed at least 79 people and U.S. airstrikes killed seven al-Shabab fighters in response. Last year al-Shabab attacked a U.S. military base inside Somalia that is used to launch drone strikes. The extremist group has carried out multiple attacks against Kenyan troops in the past in retaliation for Kenya sending troops to Somalia to fight it. Al-Shabab also has attacked civilian targets in Kenya including buses, schools, and shopping malls. The early Sunday attack comes days after a U.S. airstrike killed Iran’s top military commander and Iran vowed retaliation, but al-Shabab is a Sunni Muslim group and there is no sign of links to Shiite Iran or proxies. Analyst Rashid Abdi in Twitter posts discussing the attack said it had nothing to do with the tensions in the Middle East but added that Kenyan security services have long been worried that Iran was trying to cultivate ties with al-Shabab. “Avowedly Wahhabist Al-Shabaab not a natural ally of Shia Iran, hostile, even. But if Kenyan claims true, AS attack may have been well-timed to signal to Iran it is open for tactical alliances,” he wrote, adding that “an AS that forges relations with Iran is a nightmare scenario.” When asked whether the U.S. military was looking into any Iranian link to the attack, spokesman Karns said only that “al-Shabab, affiliated with al-Qaida, has their own agenda and have made clear their desire to attack U.S. interests.” The al-Shabab claim of responsibility said Sunday’s attack was part of its “Jerusalem will never be Judaized” campaign, a rarely made reference that also was used after al-Shabab’s deadly attack on a luxury mall complex in Kenya’s capital, Nairobi, in January 2019. View the full article
  20. Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Bari ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo afar odayaal ah oo ku xirnaa Boosaaso. Xukunada ayaa isugu jiray xabsi iyo ganaax lacageed, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay inay ku heshay kicin dadweyne iyo aflagaado. Siyaasiga caanka ah ee Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed ayaa saddexdoodu waxa ay maxkamadda Boosaaso ku xukuntay xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo Dollar. Sidoo kale maxakamadda ayaa laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,000 ku riday Nabadoon C/casiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble. Guddoomiyaha maxkamadda oo ugu dambeyn ku dhawaaqay go’aankaan ayaa sheegay in weli xukunsanayaasha u furan yahay racfaan muddo bil ah. View the full article
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadii joogay saldhigga iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Simba ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya. Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah xeradaasi, sidoo kalena ay ku burburisay diyaarado dagaal, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Kenya oo ka hadashay weerarkaasi ayaa iyana sheegtay inuu bilowday abaare 5:30 daqiiqo ah, islamarkaana ay ciidamadu dagaal kala hortageen xubnihii soo qaaday duulaanka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay afar ka mid ahaa dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa dhankiisa war ka soo saaray weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Lamu oo ay wax ka daganaayeen ciidamadiisa. Africom ayaa sheegtay in weerarka lagu beegsaday saldhig ay kulahaayeen halkaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana weerarkaani uu ku soo aadayaa, iyadoo muddooyinkii dambe ay Al-Shabaab kordhisay howlgalladeeda Kenya. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-050120s-.mp3 View the full article