-
Content Count
214,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Hassan Ali Khaire ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-06012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Sharciga Batroolka dalka oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay usoo saarato kheyraadka shidaalka ee la rumeysan yahay inuu dalka ku jiro. Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale horey u ansixiyey Golaha Shacabka, 20-kii May 2019, wuxuuna hadda u baahan yahay kaliya saxiixa madaxweyne Farmaajo, si uu u dhaqan galo. Wasiirka ku xigeenka batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa bogaadiyey tallaabada Aqalka Sare, oo uu ku qeexay mid bog cusub u furtay Soomaaliya. “Senate-ka Soomaaliya ayaa ansixiyey sharciga batroolka Soomaaliya. Sharci muhiim u ah oo looga dan leeyahay inuu dalkeena barwaaqoobo, oo uu noqdo mid guul kasoo hooya qeybta saliida iyo shidaalka. Waa mahadsan yihiin xubnaha Senate-ka, bog cusub ayaad u furteen Soomaaliya.” Ayuu Hilaal ku yiri qoraal uu soo dhgay twitter-ka. Somali #Senate passes Somali Petroleum #Law.A very important Law aimed our Country begin to be prosper and successful in Oil&Gas sector. Thanks Senate members, you open new page for Somalia. pic.twitter.com/hOJfd7zKls — Mohamud Abdikadir Hilaal (@MohamudHilaal) January 6, 2020 Sharciga ayaa dejinaya xeerarka maamul iyo maaliyadeed ee dowladda u ogolaanaya inay ugu dambeyn sahmiso shidaalka iyo gaaska loo maleynayo inuu ku jiro xeebaha Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in 30 bilyan oo barmiil oo shidaal ah ay ku jiraan xeebaha Soomaaliya, taasi oo haddii ay run noqoto, gebi ahaan beddeli doonta mustaqbalka Soomaaliya. Si kastaba, sharcigan ayaa waxaa horey u diiday maamul goboleedyada dalka oo ku dooday inaan la tashi iyo kaalin laga siin.
-
Stuttgart (Caasimada Online) – Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada, oo lagu sheegay inuu ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalk kenya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay askari iyo laba qandaraaslayaal Mareykan ah, halka laba kalena lagu dhaawacay, sida uu xaqiijiyey taliska AFRICOM. Hase yeeshee waxaa kadib baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in Stephen Townsend uu ku dhintay weerarkaas. Sida ay sheegtay AFRICOM, qaar ka mid cinwaanada warkaas faafiyey ayaa xiriir la leh Iran. Townsend ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku yiri “Wararka ku saabsan dhimashadeyda waa kuwo si weyn loo buun-buuniyey. Tani mar kale waa tusaale muujinaya beenta, dacaayadda iyo wararka been abuurka ah ee ka imanaya Al-Shabaab iyo jilayaasha xun, sida Iran iyo kuwa u shaqeeya,” Qoraalka ayaa intaas ku daray “AFRICOM waa ay sii wadi doontaa inay saaxiibadeenna kala shaqeyso danaha Mareykanka iyo cirib-tirka argagixisada doonaya inay dhaawacaan dhulka Mareykanka, iyo saxiibadeena Africa iyo caalamka ee aan waxba galabsan.” Statement by U.S. Army Gen. Stephen Townsend, commander, U.S. Africa Command, in response to false claims posted on several unverified social media accounts – some with links to Iran – regarding his alleged death during yesterday’s attack by al-Shabaab in Manda Bay, Kenya: pic.twitter.com/SweZOY1YKz — US AFRICOM (@USAfricaCommand) January 6, 2020 Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee kooxdan ay la beegsato ciidamo Mareykan ah. Al-Shabaab waxay sheegatay in weerarka ay ku dishay 17 askari oo Mareykan ah iyo sagaal Kenyan ah, islamarkaana ay ku gubtay qalab ay ka mid yihiin diyaarado iyo baabuur dagaal.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in saddex muwaadin oo Mareykan ahaa ay ku dhinteen weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu, ee dalka Kenya, ayada oo laba kalena ay ku dhaawacmeen. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Kenya iyo Geeska Afrika, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyey heerka awoodda Al-Shabaab iyo in quwado shisheeye ay taageeraan kooxdan. “Al-Shabaab ma lahan awood ay ku weeraraan waddanka ugu xoogga badan caalamka. Marka shaki igama jiro in quwado shisheeye ay arrintan ku gacan siiyeen Al-Shabaab.” Ayuu yiri Cabdiwhaab. Cabdiwahaab waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay weerarkan qorsheyneysay muddo fog, islamarkaana ay heshay akhbara sirdoon oo aad u xooggan oo u sahashay inay galaan saldhigga. “Tababarka intaa le’eg, akhbaarta intaa le’eg, iyo awoodda intaa le’eg yaa siiyey Al-Shabaab. Markii weerarka uu billowday durba waxay muuqaallo soo geliyeen baraha bulshada, yaa siiyey Al-Shabaab taknaloojiyadda intaas le’eg,” Ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay hadda ka tageen mabda’oodii, islamarkaana ay isku rogeen gaangis caalami ah oo la kireysto, si ay howlgallo u fuliyaan. “Al-Shabaab waxay noqotay koox loo adeegsado dagaal aan la arkeyn cidda ka dambeysa. Waxay nqodeen koox ay cid walba kireysan karto, waxay noqdeen kooxd loo adeegsado in lasii wado dhibka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad. Cabdiwahaab ma uusan shaacin quwadda saddexaad ee uu rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku gacan siisay weerarkan. Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiwahaab. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Cabdiwahaab.mp3
-
Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee dowladda Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo lagu helay in ay dileen askar iyo sarkaal Ciidan. Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay in uu dilay Taliyihii Saldhiga Booliiska ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, G/sare Xassan Shire Ammaan oo horay dil loogu xukumay, ayaa Maxkamaddu mar kale ku ridday dil toogasho ah. Sidoo kale, Ayaanle Maxamed Cabdi oo horay u dilay askari kale, islamarkaana dil ku xukunnaa, ayaa isna Maxkamaddu mar kale dil toogasho ah ku ridday. Axmed Maxamed Muuse oo ka tirsanaa Ciidanka PMPF, horayna u dilay askari kale, ayaa isna mar kale lagu riday xukun toogasho ah. Dhinaca kale, Cabdulqaadir Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland, horayna magaalada Boosaaso ugu dilay nin ka soo jeeda dalka yemen, ayaa isna lagu xukumay in uu bixiyo Mag dhan 100-halaad oo geela, kadib markii ay Yemeniyiinta sheegeen in ay Mag ka qaadanayaan. Ugu dambeyntii, Cabdulqaadir Ayaanle Maxamed oo isna si Kamma’ qof shacab ah ugu dilay magaalada Boosaaso, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay in uu bixiyo Magta qofkii uu dilay. PUNTLAND POST The post Bosaso: Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay askar horay dilal u gaystay appeared first on Puntland Post.
-
Muddo sanado ah, Mr Chekole wuxuu waddooyinka ku nadiifinayay kabaha si uu kharash ugu helo waxbarashadiisa Chekole Menberu, oo hadda 27 jir ah, rajo weyn ayuu lahaa markii uu labo sano ka hor jaamacad ku taalla Itoobiya uga qalinjabiyay cilmiga injineernimada kiimikada. Wuxuu hammiga ku hayay in marka uu waxbarashadiisa dhammeysto uu heli doono nolol hilmaamsiisa dhibaatadii iyo faqrigii uu soo maray. Muddo sannado ah ayuu waddooyinka ku nadiifinayay kabaha, si uu kharash ugu helo waxbarashadiisa. Isagoo aad u da’ yar, ayuu Mr Chekole billaabay inuu shaqo raadsado, uuna waddooyinka ku wareego. Aabihiis wuxuu dhintay markii uu yaraa, wuxuuna la guuray awowgiis iyo ayeeyadiis, oo dagay magaalada Fogera ee gobolka Amhara. Hooyadiisna mar kale ayaa la guursaday. ‘Waalidiinteyda waxaan ku dhibi jiray inay iskuul i geeyaan’ Wuxuu runtii rabay inuu iskuul billaabo laakiin waalidiintiisa awood uma aysan lahayn inay lacagta waxbarashada ka bixiyaan. Sidaas darteed wuxuu u wareegay guriga adeerkiis si uu ariga ugu raaco. Laakiin wali wuxuu rajo ka qabay inay awowgiis iyo ayeydiis caawin doonaan. “Waalidiinteyda waxaan ku dhibi jiray inay iskuul i geeyaan,” ayuu ku yiri BBC-da. Chekole Menberu hoped to get a formal job soon after graduation Ugu dambeyntii, awowgiis ayaa ka aqbalay codsigiisii, wuxuuna geeyay iskuul ku yaalla magaalo lagu magacaabo Woreta. Hase ahaatee, caawinaaddii awowgiis way ka istaagtay markii uu billaabay fasalka labaad. “Waxaan ku khasbanaa inaan helo hab aan nafteyda wax ugu qabto”, ayuu yiri. Isagoo gacan ka helaya saaxiibkiis, oo kabaha nadiifin jiray, ayuu billaabay inuu shaqada kabo nadiifinta galo. Laga soo billaabo fasalka saddexaad ee dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed, si iskiis ah ayuu usoo saaranayay kharashka waxbarashada, wuxuuna ka heli jiray kabaha uu tirtiro. “Waxaan ogaa in kabo nadiifintu ay ahayd shaqo wax ii tareysay. Waxaan shaqeyn jiray maalinta barkeed, barka kalena wax ayaan baran jiray”, ayuu yiri. “Noloshu way adkeyd. Laakiin waxaa i dhiirrigaliyay sheekooyinka ku saabsan dadka xaaladdeyda oo kale soo maray, ka dibna noqday dhakhaatiirta iyo injineerrada”. ‘Aad baan ugu baahnaa garab’ Sanad kasta oo waxbarashada uu waday waxaa soo wajahayay walwal horleh, maadaama uu u baahnaa inuu dharka iskuulka iibsado, arrintaasina ay aad ugu adkeyd. “Waxbarashada kharash badan ayaa iga galay”, ayuu yiri. “Dhibaatooyin badan ayaan la kulmay, laakiin waligey ma illoobi doono baahidii aan qabay markii aan galayay fasallada 8-aad iyo 10-aad iyo waliba sanadkii aan ku biiray jaamacadda”. Maalintii qalinjabinta jaamacadda Bahir Dar arday badan ayaa faraxsanaa – laakiin imisa ayaa shaqo heshay? Isagoo dhibaatooyinkaasoo dhan soo maray, sanadkii 2013-kii waxaa u suurtagashay inuu ku biiro jaamacadda Bahir Dar ee ku taalla caasimadda gobolka Amhara, halkaasoo uu ka bartay cilmiga injineernimada kiimikada. “Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in waddanku uu u baahnaa injineerro ka shaqeeya warshadaha, taas ayeyna ahayd sababtii aan u go’aansaday inaan injineernimada barto. Waxaan rajeynayay in shaqo la i siiyo islamarka aan qalinjabiyo”, ayuu yiri. Shantii sano ee uu jaamacadda ku jiray uma dhib badneyn sidii hore. Warqad looga soo diray magaaladaiisa, oo muujineysay inuusan heysanin qof waxbarashada ka bixiya ayaa sababtay in jaamacaddu ay bil kasta ka dabbarto lacag dhan 200 birr oo u dhiganta qiyaastii $10; £8). “Waxaan sidoo kale caawinaad ka heli jiray saaxiibbadey iyo ardaydii aan jaamacadda isla dhiganeynay. Laakiin markii ay qalinjabinta soo dhawaatay, waxaan billaabay walwal ku saabsan wixii aan sameyn lahaa marka aan qalinjabiyo ka dib”. “Waxaan ka cabsanayay inay shaqo la’aan igu dhici doonto”, ayuu yiri. ‘Nasiib ma aanan lahayn’ Sanadkii 2017-kii, Mr Chekole wuxuu dhammeeyay jaamacadda, wixii ugu horreeyay ee uu billaabayna wuxuu ahaa inuu shaqo raadiyo. Laakiin ilaa hadda kuma uusan guuleysanin. “Saddex bilood ayaan shaqo ka raadinayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Warshad kasta oo ku taallay magaalada waan tagay, laakiin nasiib ma aanan lahayn”. Wuxuu u safray magaalooyin kala duwan, xitaa kuwa fog fog sida Woldia, oo qiyaastii 520km dhinaca waqooyi ka xigta Addis Ababa, isagoo intaas shaqo raadinaya. “Xitaa waxaan codsaday shaqooyin aan u baahneyn shahaadada jaamacadda. Laakiin codsiyadeyda waa lasoo diidayay mar kasta”. Mar wuxuu shaqo ka billaabay warshad uu maalintii ka qaadanayay 29 birr oo u dhiganta $1, balse wuu ka tagay maadaama uusan ku noolaan karin kharashkaas. Dhibaatadan ma aha mid isaga kaligiis heysata. Inkastoo sanadihii dambe uu dhaqaalaha Itoobiya sare u kacayay, qiyaastii afar meelood meel ka dhid ah dhalinyarada waddankaas ee ay da’doodu u dhaxeyso 15-29 waa shaqo la’aan, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay 2018-kii. Sidaas aegeed, Mr Chekole wuxuu ku biiray dhalinyaro kale oo caawinaad ka raadsaneysay dowladda. Laakin dowladdu waxay sheegtay inaysan wax dhaqaale ah u heynin dadka ka qalinjabiyay injineernimada kiimikada. Jaamacaddii oo uu dib ugu laabtay Ka dib dhowr bilood oo uu shaqo raadin ku jiray, waxna ku waayay aqoontiisa, wuxuu dib ugu laabtay jaamacadda Bahir Dar – isagoo dantu ay ku kalliftay shaqadii uusan waligiis filaneynin inuu ku noqon doono. “Markii aan waayay waddo kale oo ii furan, waxaan go’aansaday inaan dib u billaabo nadiifinta kabaha”. Mar la weydiiyay inuu ka qoomameynayo waxbarashadii uu ku dadaalay, wuxuu sheegay inuusan sidan u careysnaan lahayn haddii uu ahaan lahaa qof aan waxba baranin. “Waxbarashadan kharash badan ayaa iga galay, wax abaalmarin ahna kuma aanan helin”, ayuu yiri. “Haddaan sidan ogahay waxaasoo dhibaato ah uma mari lahayn inaan wax barto”. Mr Chekole shaqo ma uusan helin ilaa markii uu qalinjabiyay sanadkii 2017-kii Mr Chekole wuxuu ka cabanayaa in dowladda Itoobiya ay inta badan diiradda saarto arrimaha siyaasadda iyo amniga, halkii ay ku dadaali lahayd inay shaqo abuuris u sameyso dhalinyarada shaqo la’aanta ah. “Macallimiintii jaamacadda igu taqaannay way argagaxeen markii ay xaaladdeyda arkeen, wajigana way iga dadbadeen. Laakiin qaarkood waxay igu dhiirrigaliyeen inay xoogaa lacag ah i siiyeen”. “Ardayda jaamacaddeyda dhigata waxay mar walba u imaadaan inaan kabaha u tirtiro, xitaa haddii ay nadiif u yihiin, iyagoo ujeeddadoodu ay tahay inay lacag sidaas igu siiyaan”. Wali rajo ayuu qabaa, wax walba oo soo maray kadib, wuxuu rajeynayaa inuu shaqo u qalanta heli doono. “Mar walba waxaan tagaa boorarka shaqooyinka lagu soo xayeysiiyo”, ayuu yiri. Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka militariga ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa sheegay in tallaabada Iran ay uga aargudan doonto dilka Jeneraalkeedii sare ee Qassem Soleimani ay noqon doonto “mid militari”. Wareysi ii siiyey CNN, ayaa la-tliyaha – Major General Hossein Dehghan – waxa uu ku sheegay in Iran ay si toos ah u beegsan doonto goobo militari oo Mareykanka uu leeyahay. Dehghan, oo horey usoo noqday wasiirka gaashaandhigga Iran, ayaa sidoo kale sheegay in jawaabtan ay toos uga iman doonto Iran, oo aanay soo marsiin doonon mid ka mid ah maleeshiyooyinka ay taageerto ee Bariga Dhexe. “Waxaa lagu doodi karaa inaan adeegsan doonno kooxo. Waxaan u sheegayaa America, Trump waxa uu naga qaaday tallaabo toos ah – Sidaas darteed, waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo toos ah.” Ayuu yiri Hossein Dehghan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran aysan ku deg degi doonin inay aargudato, balse ay si taxaddar leh u dooran doonto bartilmaameedyada ay beegsan doonto. “Fal-celinteena waxay noqon doontaa mid xikmadeysan, oo waqti laga fiirsaday, islamarkaana wadata saameyn xooggan.” Ayuu yiri Dehghan. Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa horey u sheegay in Mareykanka ay wajihi doonaan cawaaqibka dilkii ay u gaysteen Qassem Soleimani. Trump ayaa isna ku hanjabay in haddii Iran ay aragudato, uu Mareykanka diyaariyey 52 goobood oo ku yaalla dalkaas, oo uu beegsan doono.
-
Wasaaradda beeraha Galmudug oo kaashaneysa mida dowladda federaalka ayaa maanta qorshe lagula dagaalamayo Ayaxa ka bilowday gobolka Galgaduud. Mas’uuliyiin iyo xirfadleyaan si gaar ah loo tababaray ayaa ka qeyb qaadanayo dagaalka ka dhanka ah AyaxA, kaas oo ka socda deegaano hoos yimaada Dhuusamareeb. Wariyaha Idaacadda Shabelle, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa warbixin gaar ah inooga diyaariyey. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/daa.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka bilaawday aqrinta Qur’aanka Durraamada ee laga aqristo dhibaatooyinka iyo mushkiladaha bulshada ku raaga. Dhalinyaro is xilqaantay ayaa billaabay aqrinta Qur’aankaan, waxayna shalay isugu tageen duleedka Magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah Dhalinyarada ayaa noo sheegay, in ay u duceynayaan dhamaan dadkii xaqdarada loo dilay, sidoo kalane ay u duceynayaan dalka iyo dadka si looga gudbo dhibaatooyinka dalka ku raagay. “Waxaa qaadanay go’aan aan ugu duceynayno dalka iyo dadka, si gaar ah dadkii lagu dhameeyay Ex Control Afgooye iyo kuwii kalaba” ayuu yiri qof kamid ah dhalinyarada kulankaan soo abaabulay oo la hadlay Caasimada Online. Muqdisho oo ay ka dhacayaan dhibaatooyin ma hadha badan reebay ayaa dad badan waxay ku taliyeen in bulshada ay Allah u laabtaan islamarkaana la bilaabo duco iyo Qur’aan aqris si looga gudbo dhibaatooyinka dalka ragaadiyay. Arrintaan ayaa ah taariikh cusub oo ay bilaabeen dhalinarada Muqdisho, hasa yeeshee lama ogo in ay sii socon doonto iyo in kale.
-
Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, ku yeeshay kulankoodii 24-aad ee Kalfadhiga 6-aad, wuxuuna ajandaha kulanka ahaa akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Batrooolka dalka. Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyadoo ay ku wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid xuseen Guhaad. Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo xubno kale oo ka tirs Wasaaradda. Kulanka ayaa looga dooday soojedin senatarada ay soo gudbiyeen oo aheyd in la anssixiyo hindise sharciyeedka Batroolka, sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka, waxaana u codeeysay 28 Senatar, 24 Senatar ayaa ogolaaday, halka ay ka aamuseen 4 senatar. Ugu dambeyna Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka Batroolka dalka. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo ansaxiyey sharci cusub appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyey xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa waxaa lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo la tuhmayo, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale saraakiisha ciidanka Puntland ee Gaalkacyo ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada inta laga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad galyada. Xalay ayey aheyd markii waqooyiga magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala halkaasi. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtay deegaanka Saaxdheer ee koonfurta gobolka Sool. Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaankaasi ka dilaacay cudur ay u geeriyoodeen illaa saddex ruux, dad kalena ay u il daran yihiin. Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxo dhaqaatiir ah loo diray Saaxdheer, kadib markii baaqyo kala duwan ay ka soo baxeen odayaasha iyo waxgaradka . Dhaqaatiirtaas ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaallada jiifa, si loogu qabto baahiyaha caafimaad oo ay qabaan. Dowlad goboleedka Puntland aya horay u shegtay in ay dhaqatiir ay diri doonaan deeganadaasi, si looga jawaabo cabashada ka soo yeertay dadka Deegaanka. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaalla deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya oo deganaa saldhigaasi iyo raggii weerarka qaaday. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Al-Shabaab oo ka hadashay duulaankaan ayaa guullo ka sheegatay, waxaan ay tilmaamtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidanka Kenya. Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-06012020-sx.mp3 View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa Xaqiijisay in Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay shaley subax ku qaaday Saldhigg ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Gobalka Lamu ee dalka Kenya. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-Shabaab ee Saldhiggaasi ayaa sheegay inuu ka dhintay 1 Askari, 2 qandaraasle, iyo dhaawaca laba qof oo Mareykan ah. Horay Dowladda Kenya waxa ay u sheegatay in aanay wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas, dableydii Al-Shabaab ee soo weeraray la iska caabiyay, lana dilay, iyagoo soo bandhigay meydadka illaa shan dagaalame iyo hubkooda oo ay ku jiraan qoryaha BKM iyo RPG. Weerarkan ayaa noqonayo kii ugu horeyay ee nuciisa Al-Shabaab ku qaadaan saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykan ah, meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xerada Manda Bay ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee Afrika, kuwaasoo tababara Ciidamada Kenya. Source: goobjoog.com
-
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. “Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa Ciidamadu waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaanno kale oo hoostaga magaalada Marka, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey oo looga hortegayay weerarada Al-shabaab. Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Dhulka korneyl Xassan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid roondo ah oo Al-shabaab looga sifeynayay meelaha ay kaga sugan yihiin hareeraha waddooyinka iyo dhulka beeraha ah. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
