-
Content Count
214,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Jahwareer ayaa ka dhashay warqad kasoo baxday militariga Mareykanka ee Iraq, oo si hoose loo dusiyey, taasi oo lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku diyaarinayaan inay dalkaas ka baxaan. Warqaddaas ayaa waxaa mar dambe diiday wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, oo sheegtay in ciidamada Mareykanka aysan ka baxeyn Iraq. Warqadda oo uu qoray taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga Iraq, Brig. Gen. William Seely ayaa loo diray taliyaha ciidamada Iraq Lt. Gen. Abdul Amir, waxaana lagu sheegay in ciidamada Mareykanka “ay isku diyaarinayaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda inay ka baxaan Iraq.” “Waxaan ixtiraameynaa go’aanka madax-banaanidiina ee aad ku amarteen bixitaankeena,” ayaa lagu yiri warqadda. Warqadda ayaa timid maalin kadib markii baarlamanka Iraq uu meel-mariyey qaraar ku baaqaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaas. Qaraarka ayaa ah soo jeedin kaliya, mana ahan mid xukuumadda ku qasbaya inay ku dhaqanto. Saacado kadib warqadda, ayaa xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper iyo taliyaha talisyada ciidamada Mareykanka Jeneral Mark Milley waxay qabteen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen inaysan jirin go’aan ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Iraq. Jeneral Milley ayaa sheegay in warqadda ay ahayd “mid qalad ah”. Wuxuu intaas ku daray inay ahayd qabyo qoraal, aan loogu talo-gelin in Iraq loo diro. Mareykanka ayaa waxaa Iraq ka jooga qiyaastii 5,000 oo askari oo ciidamada dalkaas ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
-
The Pentagon has identified the U.S. soldier killed during a Sunday morning attack in Kenya by the al-Shabab Islamic militant group. Source: Hiiraan Online
-
Magaca & Da’da Askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Manda-Bay (Kenya Base) oo la shaaciyey & Hooyadiis oo hadashay Qoyska askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Manda Bay, ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab, ayaa xaqiijiyey geerida askarigaasi. Warbaahinta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabo Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir. Henry Mayfield, oo deganaa duleedka magaalada Chicago, ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka “Waxa uu aad u jeclaa qoyskiisa iyo inuu waqti fiican la qaato walaalihiis,” waxaa sidaas tiri hooyada dhashay Mayfield oo lagu magacaabo Carmoneta. Waxa ay sheegtay in markii ugu dambeysay ay wiilkeeda FaceTime kala hadashay maalintii sanadka cusub. “Waxaan ka hadalnay inuusan aadeyn Soomaaliya, wuxuuna ii sheegay in wax walba ay wanaagsanaayeen islamarkaana saldhigga uu yahay mid amni ah,” ayey tiri hooyo Carmoneta Mayfield. “Wuxuu ii sheegay in wax walba ay hagaagsanaan doonaan. Ereyadaas ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyey ee uu igu dhaho.” Ayey tiri. Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo ana weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee ka mas’uulka ah weerarkan khasarahan gaystay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa afar maalmood kadib shalay cuntadii bilaabay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo muddo sanad ka badan u xiran dowladda federaalka Soomaaliya. Abuu Mansuur ayaa saddex arrin u qaatay go’aanka ah “in uu cuntada ka soomo” waxaana wararka aan helnay ay xaqiijinayaan in saddexdii caqabad mid kamid ah la xaliyay, halka kuwa kalane aanan wali wax laga qaban. Abuu Mansuur ayaa ka cabanayey arimaha kala ah. 1) – In la dejiyay guri Jiingad ah oo ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada kana tirsan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir, waana aag ay badanaa ku soo dhacaan madaafiicda loo wado Villa Somalia. 2) – In aysan mushaar qaadan ciidanka ilaaliya dhowrkii bil ee la soo dhaafay islamarkaana ay ka suurtoobi karaan xaalad kasta. 3) -In uusan helin cadaalad muddo ka badan sanad oo uu u xiran yahay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa xalay Radio Kulmiye ee Muqdisho u sheegay in Abuu Masnuur uu u soomay 3-daas arrin, islmarkaana gelinkii dambe ee shalay laga raray halkii uu daganaa, waxaana la dejiyay guri u dhow Xarunta hay’adda NISA ee degmada Shibis. Wasiirka ayaa sheegay Sheekh Mukhtaar uu markaas kadib bilaabay cuntada islamarkaana la geeyay meel ka roon halkii hore, balse ay wali jirto cabashooyinkii kale ee uu qabay, isagoo dowladda ku dhaliilay in aysan ilaalin cadaaladda iyo sharuucda kale ee muwaadinka. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa aad looga hadlayay Xaaladda Caafimaad ee Abuu Mansuur, iyadoo ay dadka walaac ka qabeen nolashiisa maadaama uu ka soonaa cuntada.
-
Zlatan Ibrahimovic's comeback appearance added much-needed urgency but little else for AC Milan as they were held by Sampdoria to 0-0 in Serie A on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Waceysle ee qaybta ka ah saxiixayaasha Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo mudda toddobaad ah halkaas ku sugan. Sida laga soo xigtay xafiiska Kheyre, odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku taageeray qorshihiisa dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxeyna ballan qaadeen inay ku garab taagaan doonaan ka mira dhalinta dadaallada dhidibada loogu taagayo dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug. Shirka ay wada qaateen saxiixyaasha Galmudug ee beesha Waceysle iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale looga hadlay dib-u-xureynta deegaannada Al-Shabaab ay uga suganyihiin Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa odyaasha u sheegay in xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siineyso xoreynta deegaannada xeebaha Galmudug ee kooxda Shabaab ay ummadda ku dhibaateyso, waxuuna u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan looga dul qaadayo kooxda Shabaab, si dhammaan reer Galmudug ay uga faa’iideystaan dowlad gobaleedka loo dhisayo. Dowladda Soomaaliya ayaa waayihii dambe waday qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada iyo degmooyinka Galmudug ee Shabaabku maamulaan, waxaana dhawaanahaan ciidamo qayb ka ah qorshaha uu tababar uga socday Xerada Har-qaboobe ee Guricel, iyada oo sidoo kale la geeyay ciidamo kale oo qayb ka xoreynta, waxaana wax ka bedel iyo horumarin lagu sameeyay taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.
-
Stuttgart (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa ciidamo dheeraad ah shalay geeyey dalka Kenya, si loo xoojiyo amniga saldhigga Manda Bay oo Axaddii ay weerareen maleeshiyada Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa xasarad cusub dhex-joojiyey Washington oo markii horeba la tacaaleysay is-marin waaga sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Iran kadib markii ay dishay taliyihii ciidamada xulka ah ee Iran ee Quds, Jeneral Qassem Soleimani. Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in Ciidamada Gurmadka ee Bariga Africa (EARF), ay shalay gaareen saldhigga Manda Bay. “Ciidamada EARF waa ciidamo muhiim ah oo dagaal diyaar u ah, ciidamo deg deg u jawaaba.” Waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM, Maj. Gen. William Gayler. Waxa uu sheegay in awoodda ciidamada ay u leeyihiin inay goobo aad u baaxad weyn uga bixiyaan jawaabo deg deg ah, ay xoojin qiimo leh u tahay saldhigga marka loo baahan yahay. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay sheegay inay qiimeeyeen in weerarkii Manda Bay ee Al-Shabaab uusan wax xiriir ah la lahayn Iran, sida dadka qaaray tuhmayeen. “Inkasta oo ku lug lahaanshaha Iran ee weerarkaasi aan la tuhmeyn, haddana AFRICOM waxay la socotaa in dalal kale oo Iran ay ku jirto ay raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan Geeska Africa.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa kasoo baxay AFRICOM. AFRICOM ayaa shalay xaqiijiyey in qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka. Saddexda qof ee la dilay ayaa ka koobnaa hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga. Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsan tahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM. Qoyska askariga ku dhintay weerarka ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabay Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay hadal ka jeediyey fadhigii golaha Aqalka Sare ee lagu ansixiyey sharciga Batroolka dalka, ayaa soo jeediyey in ansixinta sharcigan lala sugo dowlad xoog leh oo damaanad qaadi karta. Senator ayaa sheegay in mar walba ay muhiim tahay in lasoo saaro Batroolka dalka, balse aysan suurta gal aheyn in hadda lagu deg dego, iyadoo uusan jirin sharci lagu heshiiyey oo lagu hago Batroolka, isla markaana aysan sharcigan raali ka aheyn dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland. Sidoo kale Muuse Suudi waxa uu sheegay in qeyb ka mid ah badda ay dacwad ku jirto, isla markaana ay qabaan shaki badan oo ku aadan sida ay xukuumaddu ugu xusul duubeyso suuq geynta shidaalka dalka. “Waxa la qodi rabo oo warqadaha loo sameysanaayo, oo la beec geynaayo, oo kalluunkeeda iyo canshuurteeda la iska guranaayo, oo garoomadooda iyo dekedahooda la biisho waa reer Hir-Shabeelle iyo Muqdisho, badana waa la kala xigaa, anigu waardiye ayaan ka ahay badaas, marka hada waxaan arkaa dad waxoodii u keydsanyihiin, waxeenana gacanta u taagaya oo leh waa in la hir geliyo oo na boobaaya”ayuu yiri Senetor Muuse. Senator oo hadalkiisa sii watey ayaa golaha ka hor yiri, “Sharcigan waxaa laga rabaa in warqadii laga soo saxiixay Golaha Shacabka, laga saxiixo golahan Aqalka Sare, kadibna loo geeyo Madaxweynaha ee markuu saxiixo Ra’iisul Wasaaruhu u geeyo shirkado lacag kaliya looga rabo”. Ugu dambeyntii Senetor Muuse Suudi ayaa soo jeediyey in heshiiskan hadii la gelaayo lala galo dowlado damaanad qaadi kara oo aan ku xad-gudbeyn. “Doomo aan badeena ku ilaashano ma qabno maraakiib is laameed ayaa noo soo gudbisa raashinka, kalluunkii ayaan ilaasha weynay, burcad badeed ayaan isla dhici weyney, marka burcad Batrool iskama ilaali karno” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Senetor Muuse Suudi Yalaxow. Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey Sharciga Batroolka dalka oo muhiim u ah Soomaaliya, si ay usoo saarato kheyraadka shidaalka ee la rumeysan yahay inuu dalka ku jiro. Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale horey u ansixiyey Golaha Shacabka, 20-kii May 2019, wuxuuna hadda u baahan yahay kaliya saxiixa madaxweyne Farmaajo, si uu u dhaqan galo. Wasiirka ku xigeenka batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa bogaadiyey tallaabada Aqalka Sare, oo uu ku qeexay mid bog cusub u furtay Soomaaliya.
-
Buulo-burde (Caasimada Online) – Waxaa xalay natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan saacado badan qaatay oo ka socday degmada Buula-burde ee Gobalka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyay odayaasha degaanka iyo Madaxweynaha HirShabelle Maxmaed Cabdi Waare. Caasimada Online ayaa ogaatay kulanka lagu kala tagay islamarkaana dhinacyada isku fahmi waayeen laba qodob oo ay kala wataan, halka mid kamid ah beelaha degmadaasna ay diiday ka qayb galka kulanka. Odayaasha iyo Waare ayaa isku fahmay in la dhiso Golaha degaanka ee degmada laakiin Waare waxa uu doonayaa in uu shaqeeyo Guddoomiyaha degmada ee dhawaan la soo magacaabay kadibna dhismaha Golaha degaanka la bilaabo, halka odayaasha ay doonayaan in uusan shaqa gelin Guddoomiyaha cusub ee uu ku yimaado doorasho Golaha degaanka ah, lana soo hormariyo dhismahooda, sidoo kale waxay ku taliyeen in maamulkii hore sii shaqeeyo. Sidoo kale odayaasha qaar ayaa diiday ka qaybgalka kulanka Madaxweyne Waare, waxayna ku cabanayaan in madaxweynaha uu ku dhaqmayo cadaalad darro iyo wax duudsiin. Maxamed Cabdi Waare, ayaa axaddii gaaray Buula-burde si loo xaliyo khilaaf degmada ka jira kaas oo u muuqda in ay xaaladda ka sii dareyso.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-06012020-sax.mp3 View the full article
-
Stuttgart (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa war rasmi ah kasoo saaray tuhunka laga qabo in Iran ay ku lug lahayd weerarkii Al-Shabaab ay shalay subax ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya. Weerarkaas ayaa kusoo aaday laba maalin kadib markii Mareykanka ay 3-dii Janaayo dalka Iraq ku dileen Jeneralkii sare ee reer Iran ee Qassem Soleimani, oo Iran ay ku hanjabtay inay si darran uga aargudan doonto. Hase yeeshee AFRICOM ayaa sheegay inay qiimeeyeen in weerarkii Manda Bay ee Al-Shabaab uusan wax xiriir ah la lahayn Iran. “Inkasta oo ku lug lahaanshaha Iran ee weerarkaasi aan la tuhmeyn, haddana AFRICOM waxay la socotaa in dalal kale oo Iran ay ku jirto ay raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan Geeska Africa.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa kasoo baxay AFRICOM. AFRICOM ayaa shalay xaqiijiyey in saddex qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Mareykanka. Saddexda qof ee la dilay ayaa ka koobnaa hal askari iyo laba qandaraasle, oo laa shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga. Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay laba askari oo kale oo Mareykan ah, oo xaaladdooda ay hadda wanaagsan tahay, sida lagu sheegay bayaanka AFRICOM. Qoyska askariga ku dhintay weerarka ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabay Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir. Henry Mayfield, oo deganaa duleedka magaalada Chicago, ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”.
-
WASHINGTON (AP) — Former White House national security adviser John Bolton said Monday that he is “prepared to testify” if he is subpoenaed by the Senate in its impeachment trial of President Donald Trump, a surprise statement that bolstered Democrats in their push for new witnesses. Source: Hiiraan Online
-
Chicago (Caasimada Online) – Qoyska askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Manda Bay, ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab, ayaa xaqiijiyey geerida askarigaasi. Warbaahinta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabo Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir. Henry Mayfield, oo deganaa duleedka magaalada Chicago, ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka “Waxa uu aad u jeclaa qoyskiisa iyo inuu waqti fiican la qaato walaalihiis,” waxaa sidaas tiri hooyada dhashay Mayfield oo lagu magacaabo Carmoneta. Waxa ay sheegtay in markii ugu dambeysay ay wiilkeeda FaceTime kala hadashay maalintii sanadka cusub. “Waxaan ka hadalnay inuusan aadeyn Soomaaliya, wuxuuna ii sheegay in wax walba ay wanaagsanaayeen islamarkaana saldhigga uu yahay mid amni ah,” ayey tiri hooyo Carmoneta Mayfield. “Wuxuu ii sheegay in wax walba ay hagaagsanaan doonaan. Ereyadaas ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyey ee uu igu dhaho.” Ayey tiri. Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo ana weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa tiri inuu qeyb ka yahay ololeheeda “Qudus Lama Yahuudeynayo”. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee ka mas’uulka ah weerarkan khasarahan gaystay.
-
CAPE TOWN (Reuters) - The upper house of Somalia’s parliament on Monday approved a new petroleum law, which aims to provide a regulatory framework that will help to attract investment in exploration by major oil companies. Source: Hiiraan Online
-
Reports from Lower Juba region in southern Somalia indicate that heavily armed Al-Shabaab militants have attacked a Kenyan military base in Kulbiyow town on Monday. The ambush attack, according to the residents has prompted a fierce gunfight between the fighters from Al-Shabaab and the Kenyan soldiers, causing losses on both sides. Al-Shabaab claimed victory over the fighting, saying its fighters inflicted casualties upon the KDF stationed in the military camp, which has witnessed such attacks in the past. There were no immediate comments from the Kenyan military about the attack. View the full article
