Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s elite commando forces Danab with the help of the U.S. Africa Command conducted an airstrike against al-Shabaab fighters who engaged the Somali National Army Danab Unit near Bangeeni, Somalia, Jan. 19, Somali and US officials said. Somali security forces continue to lead operations alongside African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces to increase security and seize ground from the al-Qaida-aligned al-Shabaab. “This airstrike targeted al-Shabaab fighters who posed a direct, immediate, and significant threat to our partner forces,” Maj. Gen. William Gayler, director of an operation, U.S. Africa Command said in a statement on Monday “Al-Shabaab consists of terrorists and criminals who seek to export hate and violence more broadly. We remain committed to supporting our Somali partners and the security progress together we are building in the region.” “At this time, it is assessed this precision airstrike killed three (3) militants. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike.” US Africa Command statement added. Officials from the Jubbaland State of Somalia say an operation along the Mogadishu – Kismayo highway killed twenty-seven militants; with twelve landmines/roadside bombs unearthed. The Somali militant group Al-Shabab, Somalia’s Alqaeda affiliate has been launching attacks on the Somali government and African Union forces in Somalia. The group also attacked a US military base in Kenya’s Lamu region. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen gabadhii la raadineyay ee Amaal Nuur Cusmaan oo hooyadeed Amran Xalane ay madaxda sare ee dowladda codsiga u dirtay. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Booliska ay hayaan, soona heleen Amaal Nuur Cismaan oo muddo laba bilood ah ka maqneyd qoyskeeda . Hooyo Amran Xayle ayaa horey u sheegtay in Gabadheeda ay afduubteen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana kiiskeeda ay wax ka qaban weysay Xarunta dambi baarista ee CID-dA. Hase yeeshee war lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Amaal Nuur Cusmaan ay ka baxsatey Xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tiran ciidamada dowladda oo watay gaari Cabdi Bile ah ayaa goor dhow qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaalada Muqdisho. Dilka oo loo geystay darawal kaxeynayey gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa ka dhacay agagaarka wadada Macalin Nuur oo ku dhow isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Gaariga Cabdi Bilaha oo ku socday si xawli ah ayaa la sheegay in askartii saarneyd mid ka mid ah uu rasaas ku furay gaariga BL-ka, islamarkana ay haleeshay wadaha oo isla meesha ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka aan la hadalnay ee goobjooga ahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gaariga Cabdi Bilaha ahaa oo goobta isaga dhaqaaqay, islamarkaana Meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen dad shacab ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale uu askari ka tirsan ciidamada dowladda qof shacab ah, islamarkaana ahaa dadka rara gaadiidka dadweynaha uu ku dilay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay dilkiisa ka caroodeen dad badan.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay inuu xoriuaddiisa dib helay Fanaan Khadar Ibraahim Keeyow oo saddex toddobaad ku xirnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Sii daynta Khadar Keeyow ayaa waxaa gacan ka gaystay xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, oo ah xildhibaanka ku matala golaha shacabka, iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Xildhibaan Carabow ayaa arrintan darteed uga baxay Muqdisho, muddana ku sugaa dalka Itoobiya, si uu u xaqiijiyo sii-deynta Khadar. Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii December, Khadar Keeyow ka xirtay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya weli faah-faahin kama bixin sababta Khadar loo xiray, balse waxaa la rumeysan yahay inay la xiriirto arrimo dhanka sharciga socdaalka ah. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah
  5. Guddiga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug ayaa doortay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga. Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Galmudug ayaa loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil, halka Cabdiraxiim Axmed Cigaal loo doortay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga. Kulanka lagu doortay Guddoonka Guddiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen. Dhanka kale xildhibaanada Ahlusunna ee ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa ka soo horjeestay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenka Galmudug ee la doortay, iyaga oo ka maqnaa kulna doorashada. Ahlusunna ayaa laga yaabaa in ay qaadacdo doorashada madaxtinimada Galmudug ee maalmaha soo socda ka dhici doonta Dhuusomareeb. PUNTLAND POST The post Khilaaf ka dhashay Guddoonka Guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Nin U Dhashay Dalka Imaaraadka Carabta Oo Isaga Oo La Jooga Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Duubay Muuqaal Uu Ku Sheegayo In Somaliland Ay Sababo Argagaxiso Awgeed U Eriday Dalalka Qatar Iyo Turkiga, halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa, halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada ee gobolka Galgaduud. Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen. Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa loo doortay, Maxamed Xuseen Tahliil (Calool Geel), halka ku xigeen loo doortay, Cabdiraxiin Axmed Cigaal. Guddiga ayaa haatan wixii ka dambeeya looga fadhiyaa ku dhawaaqista jawadlka doorashada, si loo dardar geliyo waqtiga ayar ee haray. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay ka hortimid gabi ahaan doorashada gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa. Xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka maqnaa kulanka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn dhismaha guddiga, gaar ahaan xubnaha cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb. Ahlu Sunna ayaa isla rabta guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha, mar haddii ay dowladda dhexe qaadatay guddoonka baarlamaanka Galmudug. Arrintaan ayaa abuureysa in khilaaf kale oo siyaasadeed ay gasho Galmudug oo muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamulkaasi
  9. (SLT-Washington)-Markii seddexaad oo kaliya ayaa codka kalsoonida loo qaadanayaa madaxweyne Maraykan ah , iyada oo maanta la filayo in ay bilaabato dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Dacwad oogistan oo ka furmaysa Aqalka Sare oo markan gudanaya waajibaad garsoor, ayaa fikrad ahaan waxa ay horseedi kartaa in xilka laga xayuubiyo madaxweynaha, taas oo noqon karta arrin lama filaan ah, balse xaqiiqda ah in madaxweynaha uu wajahayo dacwad ayaa ah dhacdo weyn laf ahaanteed. Mid ka mid ah sababaha lagu muteysto in madaxweyne xilka looga qaado ayaa waxaa ka mid ah khiyaamo qaran, laaluush ama dambiyo kale oo waaweyn. Trump waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah ku tagrifal awoodeed, isaga oo la sheegay in dowladda Ukraine uu damcay in gargaar military uu kaga badesho in ay dacwad ku oogaan qof ay siyaasada isku hayaan. Sidoo kale Aqalka Congress-ka ayaa Trump ku eedeeyay in uu baalmaray Aqalka kadib markii uu diiday in shaqaalaha Aqalka Cad ay qiraal ka hor sameeyaan xildhibaanada. Trump ayaa eedeymahan ku tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaas oo xad gudub ku ah dastuurka. Waxaase xusid mudan in arrimahan aysan wax xidhiidh ah la lahayn baadhitaankii Robert Mauller ee ku saabsanaa fadeexadda farogalinta Ruushka ee doorashadii dhacday 2016-kii. Qaabka ay u dhacayso dacwadda Marka laga hadlayo dastuurka Maraykanka, aad uguma kala cadda hab-raaca loo marayo dacwad oogista madaxweynaha, marka laga reebo xeerar guud oo arrintan quseeya. Labo qof ayaa go’aan ka gaadhaya hab-raaca, waxayna kala yihiin Mitch McConnell oo ah hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Trump, kaas oo doonaya in si dhaqsi ah lagu soo dhameeyo dhagaysiga, go’aana laga gaaro. Wuxuu doonayaa in dhinac kasta uu siiyo 24 saac in ay kusoo bandhigaan cadaymaha ay hayaan, taas oo ka dhigan in saacado dhaadheer la fadhin doono Aqalka Gudihiisa. Ninka kale waa Chuck Schumer oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimoqoraadiga ee Aqalka Sare, wuxuuna qabaa in ninka dhiggiisa uu doonayo in ay is hortaago caddeymo lasoo bandhigi lahaa. Waxaa mamnuuc ah in wax lagu qoro degelka Twitter-ka, waxaa kale oo mamnuuc ah in xildhibaanada Aqalka Sare ay la hadlaan qofka agtooda fadhiya, iyo in sidoo kale wax caddeymo ama waraaqo dheeraad ah laga keeno banaanka Aqalka inta dhagaysiga uu socdo. Marka ay labada dhinac dhagaystaan, xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay haystaan hal maalin si ay go’aan oga gaadhaan in ay cod galiyaan dacwadda Trump iyo in kale. Balse maadaamaa dimoqoraadiyiinta ay haystaan 47 xildhibaa, halka jamhuuriga ay haystaan 53 xildhibaan, waxaa aad loo filayaa in Trump aanan xilka laga qaadin, xitaa haddii cod la galiyo. Tiro 51 xildhibaan ah ayaa sidoo kale u codeyn kara in gebi ahaanba la laalo dacwadda Trump ka dha ah. Xildhibaan kasta wuxuu ku dhaartay in si dhexdhexaad ah oo caddaalad ah uu codkiisa u dhiiban doono, balse Mudane McConnel waxa uu bishii hore sheegay in aanu isaga dhexdhexaad ahayn, islamarkaasna xisbigiisa uu si dhow ula shaqaynayo Aqalka Cad. Balse isaga ma ahan kan guddoomiyana dhagaysiga dacwadda, waxaa hawshaas qabanaya xaakimka maxkamada sare John Roberts , inkasta oo 100 xildhibaan ay qaadan doonaan doorka garsoorka iyo doorka xeerbeegtidaba si isku mid ah. Trump laftiisa waxa uu doorbidi karaa in uu hortago Aqalka, Balse waxa ay u badantahay in uu garyaqaanadiisa u dhaafo hawsha. Xildhibaanada Aqalka waxa ay gebi ahaanba diidi karaan in ay u yeedhaan marqaatiyo. Marka laga reebo maalinta axadda ah, xildhibaanada waa ay kulanka fadhiyaan maalin kasta illaa inta ay go’aan ka gaarayaan, taas waxa ay ka dhigantahay in xildhibaanada kala ah Bernie Sanders, Elizabeth Warren, Amy Klobuchar iyo Michael Bennet oo ka tirsan xisbiga dimoqoraadiga ay hakiyaan ololaha ay ugu jiraan xilka madaxweynenimada muddo maalmo ah. Waxa la sheegay in dacwadda ay qaadan karto muddo todobaadyo ah, tusaale Clinton xiligiisii waxa ay qaadatay muddo bil ah. Source
  10. (SLT-Sool)-Xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo labada dhinac ay ku wada sugan yihiin. Warar la helayo ayaa sheegaya in xiisadan ay timid kadib markii Ciidamo ka tirsanaa Puntland ay dhawaan ku biiray dhanka Soomaaliland ay la wareegeen deegaanka Boocame ee Gobolka Sool oo markii hore ay ugu sugnaayeen. Ciidamo badan oo ka kala yimid deegaano ka tirsan Puntland watayna gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaadhay qeybo kamid ah Gobolka Sool, waxaana halkaasi ka socda dhaq-dhaqaayo Ciidan. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay dareemayan Cabsi ku dagaal inuu dagaal ka qaraxyo Gobolka oo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulka Puntland iyo Somaliland, maadama ay labada wadaan dhaq-dhaqaayo xoog leh. Si kastaba 130 Askari oo ka tirsanaa Puntland ayaa maalmo kahor ku biiray Soomaaliland, waxaana xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Source
  11. (SLT-Borama)-Warararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland. Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Askariga ay ku toogteen duleedka Magaalada Boorama xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday raasas lagu dhuftay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa goobta kasoo qaadeen Meydka Askariga, iyagoona geeyay Xarunta Booliska Gobolka Awdal. Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib halkaas laga sameeyay baadhitaano kooban. Ilaa iyo hada ma jir wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Boorama oo ay uga hadlayaan dilka ka dhacay duleedka Magaalada. Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan Bistoolado ay si gaadma ku dhaawaceen askarigaasi oo markii dambe geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay askarigaasi, sidoo kalena lama garanayo heybta kooxda fulisay toogashadaasi. Dhinaca kale saraakiisha Somaliland iyo maamulka magaalada Boorama kama hadlin dhacdadaan, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska. Ilo deegaanka ah oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ciidamadu howlgallo lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglayaasha ay ka bilaabeen halkaasi. Inta badan waxaa deegaanada Somaliland ka jira jabhado hubeysan oo dagaal adag kula jira maamulkaasi, kuwaas oo weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada.
  13. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudadii uu talada hayay tiraba 5 jeer ayuu booqasho kala duwan ku tagay cisbitaalka Hargeysa. Sannadkii 2018 wuxuu Bishii September dhagax dhigay dhismaha waadhka hooyada iyo dhallaanka isagoo bishii January ee sannadkii 2019 cisbitaalka Hargeysa u tagay hawlgal dhiig shubis ah. February 18, 2019 wuxuu Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga dhisay gudaha Cusbitaalka Hargeysa. December 24 2019, wuxuu goor habeenimo ah booqday cisbitaalka Hargeysa oo ay markaas qaylo dhaani ka soo yeedhay. December 2018, wuxuu Madaxweyne Biixi cisbitaalka Hargeysa u tagay dhagax dhigaga dhisme markaas lagu kordhinayay, waxaanu halkaas ka jeediyay khudbad, isagoo masuuliyiinta xukuumadiisa dul dhigay amar ah inay baahida caafimaad u tagaan cisbitaalka Hargeysa si kalsoonida lagu qabo loo xoojiyo,, Madaxweynuhu wuxuu maalintaas yidhi “Si cisbitaalka guud loo aammino , waa in aan madaxda dibadda loo la cararin markay bukoodaan. Maanta laga bilaabo wasiirka iyo agaasimaha xanuunsada waa in cisbitaalka la keena,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Intaas oo socdaal ee uu madaxweynuhu ku tagay cisbitaalka Hargeysa iyo weliba amarka uu dul dhigay madaxda dawladda, waxa muuqata inuu uga gol lahaa inuu xoojiyo kalsoonida cisbitaalka Hargeysa ee shacabka, waxaana ka muuqatay Madaxweynaha inuu dareensanyahay baahida caafimaad ee dalka ka jirta oo uu doonayo in xukuumadiisu kor u qaado tayada cisbitaalka guud ee Hargeysa. Laakiin cisbitaalka guud ee Hargeysa oo madaxtooyada u muuqda ee uu madaxweynuhu doonayay inuu tacabka uu sheegay geliyo, waxa muddooyinkii u dambeeyay ka soo yeedhaysay qaylo dhaan. Agaasimaha guud ee cisbitaalka Dr. Yaasiin Carab wuxuu toddobaadkan sheegay war ay dadka badankiisu hayeen oo ah in dhibaato dhinaca Oxygen la’aanta ahi ka taagantahay cisbitaalka, waxaana hore warbaahinta bulshda uga hadlay dhawr ruux oo sheegay in dad ehelkooda ahi ay oxygen la’aan ugu geeriyoodeen cisbitaalka Hargeysa. “Dhib weyn ayaa cisbitaalka taala oo mishiinkii hore [oxygen tu] wuxuu noqday gabaabsi, Mishiimkii hore wuxuu noqday gabaabsi, mishiin weyn ayuu madaxweynuhu ku deeqay waanan dalabnay.” Sidaas ayuu yidhi Dr Carab. Waxa kale oo uu agaasimaha guud ee cisbitaalku sheegay in bishii December ee ina dhaaftay ay 1500 oo ruux daawayn caafimaad u doonteen dalka Turkiga, kuwaas oo waraaqo cadayn ah ka qaatay cisbitaalka Hargeysa. Tiradaasi waa dadka safarada caafimaad u tagay dalka Turkiga, waxase iyaguna jira dad kale oo intaas ka badan oo dalalka jaarka u doontay baahi caafimaad. Lama garanayo cid loo raaco masuuliyada dadka oxygen la’aanta ugu geeriyooday cisbitaalka Hargeysa iyo weliba dad kale oo muwaadiniin ah oo daryeel la’aan ugu qudh baxay cisbitaalka, kuwaas oo ay eheladoodu baraha bulshada hore ugu baahiyeen. Laakiin faraq weyn ayaa u dhexeeya dedaalka uu Madaxweyne Biixi sheegay inuu doonayo inuu geliyo horumarinta cisbitaalka Hargeysa iyo xaaladda uu cisbitaalku ku suganyahay. Haddii aad tagto cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaad dareemaysaa xaaladda warwarka leh ee uu ku jiro cisbitaalka guud ee Hargeysa. Haddii uu cisbitaalka Hargeysa sidaas ku sii socdo, dedaalka Madaxweyne Biixi wuxuu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay, waxaana ceebta cisbitaalka ka taagani ay dhabta u saarnaan doontaa Madaxweynaha iyo xukuumadiisa. Madaxweynaha iyo wasaaaradda caafimaadka waxa waajib ku ah inay si degen oo baadhis qoto dheeri weheliso u waajahanaan mashaakilaadka curyaamiyay cisbitaalkii guud ee ay umadu wada lahayd. Waa in laga tusaale qaataa xaaladda cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee magaalada ku yaala oo horumar baaxad leh ay qaarkood ku socdaan, iyadoo uu cisbitaalka guud ka dakhli iyo taageero badanyahay. Cisbitaalka Hargeysa uma baahna oo keliya qalab, wuxuuse u baahanyahay gurmad intaas ka baaxad balaadhan oo isugu jira baadhis, dib u habaynta maamulka iyo dib u habaynta shaqaalaha iyo weliba in loo dejiyo qorsheyaal, si cisbitaalka umadu wada leedahay u noqdo mid aan curyaamin ee sameeya horumar oo weliba isku filnaada Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Dalka Jabuuti ayaa soo dhawayn u sameeyay xadhiga badda hoosteeda mara ee Internet-ka kaas oo loogu talo galay in ay Jabuuti gaadhsiiso dalalka qaarada Afrika, waxaana la sheegay inuu xadhigani mari doono Berber, iyadoon la ogayn in dawladda Somaliland ay sharciyad siisay xadhigan DARE lagu magacaabo, waxaana kulankan lagu soo dhawaynaayay xadhiga ka qaybgalay shirkado ka kala socday dalal kala duwan, Somaliland waxa ka socotay shirkada Somtel, Somaliya oo ay ka socotay shirkada Telcom iyo dalka Kiiniya oo ay ka socotay isagana shirkad isgaadhsiineed. Xadhigan badda hoostiisa maraaya ee lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti waxa 89% iska leh dawlada Jabuuti, waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay raysalwasaaraha dalkaas Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo wasiiro iyo masuuliyiin badan oo ka socday dawlada Jabuuti. Agaasimaha Jabuuti Telecom Eng.Maxamed Casowe Buux ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay xadhigan, waxaanu yidhi “Maanta ahaan waxa maalgashaday xadhigan 89% Jabuuti ayaa leh laakiin Somtel ayaa nala gashatay, haddii shirkad kale ay tidhaahdo maanta waxaan doonaynaa inaan saami ka iibsado oo ku taala Xamar,Hargeysa, Kiiniya ama Ruwanda waa uu u furan yahay.” Wasiirka isgaadhsiinta qaabilsan Radwaan Cabdilaahi Bahdoon ayaa sheegay inay xadhigan soo gaadhay Jabuuti ay Afrika oo dhan gaadhsiin doonaan “ Farxad weyn ayay noo tahay xadhigan Deer oo aan maanta dhaqaajinayno oo Jabuuti soo gaadhay, waa fikradii madaxweynaha waana xadhigii Afrika isgaadhsiinta gaynaayay siday u dhan tahay waxa la marin doonaa Berbera,Boosaaso,Muqdisho,Mombaasa kadibna Tansaaniya xiliga danbena waa uu dhexgali doonaa Afrika insha allaha oo dhinaca Koongo ayuu u kici doonaa, maanta waa farxad weyn dhanka warisgaadhsiinta.” Xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo sheegashada dawladda Djibouti ee ah inay xadhigan soo marin doonto Berbera ay ogtahay oo ay siisay ogolaansho, iyadoo shirkadda SOMCABLE oo uu leeyahay muwaadinka Maxamed Aw Siciid ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo siisay keenista xadhiga Viper Optic oo hadda dalka ka shaqeeya. Source
  15. Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday 9 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ku jira saddex ka mid ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka waday wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Turkiga. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyadaan oo ay ka mid ahaayeen askar iyo dad rayid ah ku sii sagootiyey garoonka Aadan Cadde. Turkiga ayaa horay u shaaciyey in weerarada Al-Shabaab aysan saameyn doonin howlaha kala duwan ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu xalay fiidkii bookhasho ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii hore ee JSL Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha WADDANI waxa uu Alle uga baryay mujaahidka in Illaahay xanuunka ka dulqaado oo xanuunka xasanaad ugu bedelo caafimaad degdeg ah oo khayr lehna siiyo. Guddoomiyaha oo xaal waraystay caafimaadka Mujaahid Xasan Ciise, islamarkaana muddo la joogay waxa kale oo warbixin ka siiyay xaalkiisa dhakhaatiirta ku hawlan dabiibka Mujaahid Xasan Ciise. Mujaahid Xasan Ciise oo xanuun ku soo booday waxa dawayntiisa ku hawlan dhakhaatiirta waxaanu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro bookhday markii uu ka war helay xanuunkiisa. Source
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa war ka soo saaray duqeyn cusub oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Bangeeni ee hoostaga magaalada Jamaame ee gobolkaasi. Sidoo kale agaasimaha howlgalada AFRICOM Gen. William Gayler ayaa sheegay in weerarkan cirka ah lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Gen. William ayaa intaasi ku daray in dagaalyahannada la dilay ay qorshaynayeen inay weerar ku soo qaadaan ciidamada Danab oo howlgallo ka wada halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Duqeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalmihii dambe ciidamada huwanta oo ay horkacayaan kuwa Kumaandooska Soomaaliya ay howlgallo Milatari ka wadeen agagaarka degmada Jamaame, iyaga oo la wareegay deegaano ka tirsan degmadaasi.
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka J/Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay barbar socotay duqeymo ay fulinayayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka degmada Jamaame ee gobolka Jubbaland. Africom oo war ka soo saartay howlgalkaasi ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahooda ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana ciidamada huwanta oo ku sii siqaya deegaano ku xeeran Jamaame ay weli dhaq dhaqaaqyo Milatari ka wadaan halkaasi. View the full article
  19. Members of the National Medical Rescue Team departed for Somalia’s capital Tuesday to bring those wounded in a suicide car bombing over the weekend back to Turkey. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Ankara ee dalka Turkiga loo qaaday dhaawacyada 9 qof oo ay ku jiraan 3-dii Injineer ee Turkiga uga dhaawacmay weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa dhaawacyadaasi looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho. Sidoo kale dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad ee gobolka Banaadir, askar iyo dad rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxaasi. Dhaawacyadaan ayaan tan iyo sabtidii ku jiray isbitaalka Erdogan, Ex Digfeer oo uu shalay ku booqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Turkiga oo si kulul uga hadlay weerarkaasi ayaa sheegay in uusan saameyn doonin howlaha uu ka wado gudaha Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale hadda bilowday qorshe cusub oo lagu sugayo amniga jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhiseyso shirkad Turki ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa shalay la geeyey wadadaasi, kuwaas oo dhagxaan ku gooyey meesha uu ka socdo dhismaha. Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga ee dhisamaha ka wada jidka Afgooye, waxaana weerarkaan ka horreeyey kii Ex-Control.
  21. Sida ay xaqiijiyeen ilo’-xog ogaal ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ,ayaa todobaadkan kulan gaar ah ka yeeshay xallinta Tabashooyinka ay tirsanayaan dadka ka soo jeeda Beesha Harti ee ku nool Jubaland. Kulanka labada madaxweyne oo Warbaahinta laga qariyay, ayaa looga arrinsaday xal u helidda cabashooyin la sheegay in ay ka yimaadeen odayaasha iyo ganacsatada ka soo jeeda Beesha Harti ee ku dhaqan Jubaland, gaar ahaanna magaalada Kismaayo. Odayaasha iyo ganacsatada, ayaa madaxweyne Deni horay ugu soo gudbiyay tabashooyin ay ka qabaan maamulka Jubaland, kuwaasi oo ku salaysan u sinnaanta fursadaha dhanka ganacsiga, waxbarashada, shaqaaleysiinta iyo saamiga siyaasadda. Sidoo kale, waxay qaarkood cabashooyin ka muujiyeen cabburin iyo handadaad ay sheegeen in uu ku hayo maamulka Jubaland cid kasta oo kaga ra’yi duwan arrimaha siyaasadda. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in kulanka Deni iyo Axmed Madoobe uu ku soo dhammaaday isfaham ku aaddan in la xalliyo tabashooyinkaasi, inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga helin. PUNTLAND POST The post Muxuu ku saabsanaa kulanka la qariyay ee Deni iyo Axmed Madoobe? appeared first on Puntland Post.
  22. MOGADISHU (HOL) - Former intelligence chief Abdullahi Sanbalolshe has said he is apologetic for his role in the renditioning of ONLF official Abdikarim Muse aka Qalbi Dhaqah to Ethiopia in 2017 and called on the government remove the group from its list of designated terror groups. Source: Hiiraan Online
  23. MOGADISHU (HOL) - Former intelligence chief Abdullahi Sanbalolshe has said he is apologetic for his role in the renditioning of ONLF official Abdikarim Muse aka Qalbi Dhaqah to Ethiopia in 2017 and called on the government remove the group from its list of designated terror groups. Source: Hiiraan Online
  24. Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay laga duuliyey dhaawacyada Injineero u dhalatay wadanka Turkiga, kuwaas oo ku dhaawacmay qarax 18-ka bishan lagula eegtay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose. Diyaada laga lahaa dalka Turkiga ayaa qaaday dhaawacyada oo tiradoodu gaareyso ilaa 9 ruux, sidoo kale waxaa lala qaaday dhaawacyada askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa. Injineeradaan ayaa ahaa kuwo ku howlanaa dhismaha wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda ay qaadatay shirkad laga lahaa dalka Turkiga, waxaana qarash gareynaya dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya. Kooxaha caafimaadka oo saarnaa nooca diyaaradaha A400M ee militariga ayaa timid si ay u qaado 3 Turki ah iyo 6 Soomaali ah, waxaana amarka bixiyey Erdogan. Dec. 28, ugu yaraan 85 qof oo ay Turki ku jiraan ayaa sidoo kale ku dhintay halka 150 dhaawucu gaaray qarax ka dhahay halkaasi. Goobjoog News. Source: goobjoog.com