Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-07012020.mp3 View the full article
  2. Jilib (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo xalay laga fuliyay degmooyin ka tirsan gobalada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose. Goob joogayaal ka tirsan dadka Jubbooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay, in xalay ay arkeen diyaarado dagaal oo aad u iftiimaya islamarkaana magaalooyinka qaar leerar waa weyn ku ifiyay kadibna la maqlay duqeyn culus iyo dagaal toos ah. Sidoo kale sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab. “Xero ciidan oo ku taala degmada Jilib oo ay ku xareesnaayeen dagaalamayaal Al-Shabaab ah ayuu xalay bartilmaameedka Jubada Dhexe ahaa, waxaana halkaas wax ku gaarsiisinay tobaneeyo UGUS ah” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Sidoo kale degmada Jamaame ayaa laga fuliyay duqeynta waxaana halkaas ku fashalinay weerar u qorsheysnaa Kenya in lagu qaado oo lagalo goobo muhiim ah” ayuu yiri sarkaalka aan la hadalnay. “Waxaa dilnay koox loo diyaariyay in Kenya gudaheeda galaan, gaar ahaan goobo muhiim ah oo reer galbeedka ku badan yihiin sida hoteelo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan sirdoonka Soomaaliya. Wararka sidoo kale ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamo diyaarado ka digay duqeynta kadib in ay nolasha ku qabteen ilaa 4 qof oo la sheegay in ay yihiin xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya. Dagaalka oo markii hore lasheegey in uu ku bilowdey duqeyn ayaa isku bedeley iska hor imaad toos kadib markii ay degeen labo diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah duleedka xerada laduqeeyey diyaaradaas oo halkaa ku daadiyey ciidamo ku qalabeysanaa hub culu,s sida uu sheegey sarkaalka ka tirsan sirdoonka soomaaliya. Dhinaca kale, isla xalay ayaa diyaarado dagaal waxay duqeyn ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Caga-libaax oo ka tirsan Jubada Hoose, waxaana la sheegayaa in halkaas lagu dilay amiirka ciidamada Jubooyinka ee Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xasan Yare. Weeraradaan xalay ka dhacay Jubooyinka ayaa yimid 24 saac kadib markii ay Al-Shabaab dagaal iyo qaraxyo ku qaadeen xaruntii ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya, kaas oo shalay wararka ugu waa weyn ka ahaa aduunka.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar xalay ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sareedo Bilcaan oo hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigga deegaankaas iyo iyo xarunta Safaaricom. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadu ay dileen labo askari, ayna gubeen saldhig ciidanka Booliska Kenya ay ku lahaayeen halkaasi. “Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay weerar guulaystay ka fuliyay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga Gaarisa, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya waxayna gubeen saldhiggii deegaanka iyo xarunta shirkadda Safaricom.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab. Dhinaca kale taliye ku xigeenka Booliska Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana ay iska caabin xoogan ku sameeyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday dagaalka. Kibet Bowen ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamadu toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday, isaga oo intaasi ku inay ka furteen laba qoray oo nooca AK47 ah iyo bambaanooyin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Sabtidii ayey aheyd markii dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab weerar khasaare badan geystay ay ku qaadeen saldhig lagu magacaabo Simba oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya.
  4. Xalay saqdhexe ayaa Al-Shabaab waxay soo weerareen asaldhiga Booliska Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo ku taal Nawaaxiga Gaarisa Dalka Kenya, waxaa sidaas xaqiijiyey Booliska Kenya. [...] Source
  5. NAIROBI (HOL) - Security forces repulsed an attempted Al-Shabaab attack at a telecommunication in the outskirts of Dadaab refugee camp in Kenya’s northeast Tuesday morning, police have said. Source: Hiiraan Online
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Warar laga helayo Kenya ayaa sheegaya in markale saaka kooxda Al-Shabaab ay weerar ka fulisay duleedka magaalada Gaarisa xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan barkoontarool oo ku taalla halkaasi. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay xarun ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin xaafadda Saretho oo u dhow xerada qaxootiga ee Dhadhaab. Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana ay iska caabin xoogan ku sameeyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday dagaalka. Kibet Bowen ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamadu toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday, isaga oo intaasi ku inay ka furteen laba qoray oo nooca AK47 ah iyo bambaanooyin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa in la waayey 4 askari oo ka tirsanaa Booliska, kuwaas oo la aamisanyahay inay Al-Shabaab kala soo gudubtay xadka. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayo askarta maqan. Laba maalin ka hor ayaa aheyd markii kooxda Al-Shabaab weerar xoogan oo khasaare geystay ay ku qaaday saldhig lagu magacaabo Simba oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya.
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada sida gaarka u tababaran ee Puntland ayaa ka warbixiyey howgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi. Howlgallada oo ka dhacay deegaanka Toga Miraale oo hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in lagu dilay illaa afar xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxdaasi, inkastoo aysan shaacin magaciisa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in dhaq dhaqaaqyadooda ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh. Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, iyadoo weeraro gaadma ah ku soo qaada saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolkaasi. Sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Dowlad goboleedka Puntland ayaa muddo la dagaalameysa kooxahaan oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.
  8. The collapse of governmental system in Somalia in 1991 has given opportunities for self-reliance-based reconstruction to major cities such as Lasanod, the administrative capital of Sool region. The sprawling district has a unique history in the post-colonial state that emerged after the former Italian Somaliland and the British Protectorate united to form the Republic of Somalia. The military regime subsumed Lasanod under the regional jurisdiction of Nugaal, with Garowe as its administrative capital – the seat of the governor. During 1980s the regime reversed this policy to make Lasanod into the administrative capital of a new region, Sool. People wonder why Sool is the region in which Nugaal University is located. It is not trivial to state Lasanod gains a lot from its ties exemplified by Nugaal valley in the ex-British Somaliland and its one-time regional association with Garowe. The military regime leaders resolved to help Garowe retain name of Nugaal to create a new region, Sool, with four districts: Lasanod, Taleh, Aynaba and Huddun. Lasanod is among cities that have gone through demographic and economic changes because of the internally displaced people whom the civil war in Southern Somalia uprooted. The disputed territory designation has not dented the confidence of investors. Puntland and Somaliland claim Sool on different grounds but the Hargeisa-based administration controls most districts in Sool. The Somaliland Government invested in infrastructure, educational and health projects in Lasanod. Thanks to Somaliland Development Fund allocations for a region that has not yet seen Somaliland governments turn a legislation to increase the regional budget by 2% into reality. Start-up businesses are on the rise. Lasanod hosts diverse business communities that show commitment to start businesses outside their region of origin. Business owners from the Southwest State of Somalia have started many businesses in Lasanod. One of the markets in Lasanod is popularly known as RRA Market, named after the organisation that liberated Bay and Bakool in 1999. East-West Transport Company has sponsored sport competitions in Lasanod A stroll along the main Lasanod market will let your eyes grab different types of goods in the market, mostly imports such as electrical goods, mobile phones and accessories, clothes, footwear, jewellery and milk powder. People can shop until midnight due to the peaceful atmosphere there. Other discernible progress in Lasanod are residential development projects. Diaspora communities originating from Sool invested in the lucrative real estate sector, a reason why the land price has soared. Local transport, taxis and the auto rickshaw known locally as bajaj, operate in Lasanod. Somaliland Government has built several roads in Lasanod to boost the local economy. Lasanod boasts two universities and one health institute and many private schools. Like other parts of Somalia, educational inequality is a problem that has not been fully addressed by authorities. In December last year the first Book Fair organised by Somaliland Government was held in Lasanod, a city that has weathered political storms caused by claims and counter-claims of Puntland and Somaliland Administrations. © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post Lasanod: A City Reaping Benefits of Reconstruction appeared first on Puntland Post.
  9. Somalia’s Foreign Affairs and International Cooperation Minister, Ahmed Isse Awad joined his counterparts from seven countries in Riyadh on Monday. The meeting of Foreign Ministers of the council of Arab and African states on the Red Sea and the Gulf of Aden was hosted by the Kingdom of Saudi Arabia. In the meeting, a new alliance of Arab and African States was established which include Somalia, Saudi Arabia, Egypt, Jordan, Sudan, Yemen, Eritrea, and Djibouti. The custodian of the two holy mosques King Salman Bin Abdulaziz and the representatives of the ministers discussed a number of topics including ways to develop joint cooperation between states overlooking the red sea and the Gulf of Aden while enhancing security and stability in the region. The meeting comes amid renewed tension in the middle east following the killing of Iranian General, Qassim Suleimani. The kingdom of Saudi Arabia has since called for calm and avoid any move that will escalate the tension between Tehran and Washington. View the full article
  10. A Kenyan government official says four residents have been killed by stray bullets during a raid by suspected al-Shabab extremists in eastern Garissa County. Deputy county commissioner Kibet Bowen said Tuesday the gunmen targeted police officers at a roadblock near the village of Saretho. Two of the suspected extremists were killed by police, he said. The al-Qaida-linked al-Shabab since December has increased attacks inside Kenya including Sunday”s attack on a military base that killed three US military personnel and destroyed five US aircraft. It was the first time al-Shabab had attacked US troops inside Kenya. The US on Monday said additional troops had arrived to increase security at the Manda Bay airfield in coastal Lamu county. The US Africa Command also said it did not assess that the attack was linked to Iran, as Middle East tensions are soaring. Al-Shabab is linked to al-Qaida and has no known links to Iran or its proxies. Al-Shabab has vowed retribution on Kenya for deploying its troops in 2011 to fight the extremists in neighboring Somalia, where the group is based. Garissa county borders Somalia and Lamu county is nearby. The extremists often target police as well as civilian targets including buses and schools, mainly in the border region. View the full article
  11. Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan. Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka sido Madaxweyne Farmaajo waxa uu gaarsiiyey Boqorka Dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhaw oo xulufo la ah Soomaaliya. Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas. View the full article
  12. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BFS, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in tirakoob sax ah lagu sameeyey dhammaan ciidanka Xoogga, kaas oo loo adeegsay qaab casri ah. Cabdullaahi Colaad Rooble oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay inay haatan si joogta ah ciidamadu u qaataan mushaarkooda, weliba uu ugu soo dhoco Akoonadooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mushaaraadka ciidamada wax laga bedalay, misana la kordhiyey, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/wasiir-ku-xigeenka-Wasaarda-Gaashaandhigga-Copy.mp3 View the full article
  13. Maamulka Jubbaland ayaa waxay gudbiyeen warqad dheer oo ay kaga dacwoonayaan Dowlada Federaalka oo ay ku eedeey iney Xukuumadu ay Maamulida Hawada Soomaaliya ay u [...] Source
  14. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo wareejiyay hoy ku dhow xarunta hay’adda nabad sugida & sirdoonka Qaranka (NISA) ee Habar Khadiijo, sida ay xaqiijiyeen saraaakiil dhinaca amniga ah Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tallaabadan qaaday, kadib markii uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali maalmihii la soo dhaafay bilaabay inuu cunnada ka Soomo, isaga oo tirsanayo cadaalad-darro. Roobow ayaa billihii ugu dambeeyay wuxxu xabsi guri ku ahaa hoy ku yaalla agagaarka aqalka Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo loo wareejiyay markii laga saaray xabsi ku dhex yaala xarunta Hay’adda NISA. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa xaqiijiyey in Abuu Mansuur la dejiyey guri ku dhow xarunta taliska NISA ee magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ayaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ka soo xirtay magaalada Baydhabo, isaga oo markaasi musharrax u ahaa hoggaanka Koonfur Galbeed. View the full article
  15. Four students were killed during an attack by al Shabaab militants in Saretho area, Daadab subcounty on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga Furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia. Shirka waxa looga hadlayaa Dib u-eegista Hannaanka Deynta Cafinta Soomaaliya, sida laga soo xigtay qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka. Shirka Dib u-eegista Qeybta 2-aad ee SMP4 oo ah, Hannaanka 4-aad ee Deyn Cafinta dalka, ayaa lagu eegi doonaa wixii ka qabsoomay Barnaamijka Deyn Cafinta sannadkii 2019, caqabadihii lala kulmay iyo sidoo kale Qorshaha Hiigsiga sannadka cusub ee 2020-ka. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ku raja weyntahay in guud ahaanba dalka laga cafiyo Deymaha, kadib markii sida ay xustay ay laga gudbay inta badan Shuruudihii ku xirnaa Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Deyn Cafinta Soomaaliya oo ka furmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  17. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee BFS ayaa eedeyn u jeediyey maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dalxa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in la musuq-maasuqay gargaarkii loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la boobo deeq loogu talagalay dad dan yar ah, isagoo ku baaqay in wax laga weydiiyo mas’uuliyiinta degmada Afgooye. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. 120328_039lxa View the full article
  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Afrika ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Caasimadda Sucuudiga ee Riyadh. Wasiirrada ayaa waxa ay saxiixeen Cahdiga golaha oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan. Isbahaysiga cusub ee dhidibada loo taagay ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti. Dhinaca kale, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed iyo Afrikaan ee uu hareeyo Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Sameh Shoukry, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada Haashimiga ee Urdun, Mudane Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Eritrea, Mudane Osman Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Mohammad Al-Hadhrami, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Marwo Asma Mohamed Abdalla, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mahamoud Youssouf. Wasiirrada ayaa waxa ay u gudbiyeen Boqorka waddanka Sacuudi Carabiya salaanta ay ka sideen madaxda dalalkooda, halka loo sii dhiibay farriimo ku socoto hoggaamiyeyaasha dowladahooda. Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, waxaa la isla fallanqeeyay arrimo ku aaddan habka lagu horumarin karo iskaashi wadaagga wadamada ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha gobolka. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la kulmay Dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sidoo kale waxa ay si hubaal ah u faaqideen in arrimaha heer goboleed si wadajir ah looga tashado. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ku biirtay Isbaheysi ka kooban Sacuudiga iyo 7 dal oo kale appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka qeyb gali doono xaflad lagu maamuusayo sanad guurada koowaad markii madaxweynaha Puntland loo doortay, Siciid Deni. Sidoo kale waxaa maanta Garoowe ku sii jeeda qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo iyaguna ka qeyb gali doono munaasabaddaasi. Puntland ayaa ah maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aasma Soomaaliya, waxaana ay hormuud u tahay dowlad goboleedyada hadda ka jira dalka. View the full article
  20. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoygiisa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug. Khayre ayaa odayaasha kala hadlay arrimo ku aadan dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday waxgaradkaasi inay ka qeyb qaataan dar dar gelinta howlaha doorashada iyo dhismaha maamulka Galmudug. Dhowaan ayaa la filayaa in la guda galo arrimaha doorashada maamulkaasi oo isugu jirta mida guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  21. Intii lagu gudajiray aaska Qaran ee loo sameeyey Janaraalka , khuburo oo aan la garaneyn oo ka hadlayey telefishanka dawladda ayaa sheegay in hal doollar [...] Source
  22. Hay’adda Duulista Rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo 30-sano sano kaddib la soo wareegtay maamulka Hawada dalka, ayaa sheegtay in ay mar kale walaac ka qabto, in dib loogala wareego maamulka Hawada. Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in shirciga Duulista rayidka oo haatan horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ay wax badan uga xiranyahay Howlaha Duulista Hawada. “13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan. Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga ansixiyaan. Mudane Axmed ayaa tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartaa 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hay’adda soo saari doontaa ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in laga wareejiyo Maamulka Hawada dalka appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-07012020.mp3 View the full article