-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso ama beeniso hadal kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga oo ahaa in Muqdisho ay ku casuuntay in shidaal sahmin ay ka bilaabaan Badweynta Hindiya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa wakaaladda (SONNA) u sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro. ” Sidaas darteed waxaan xaqiijineynaa in hawlgallada Bartoolka ay ku billaaban doonaan si daahfurnaan ah xilligeedana la sugayo” ayuu yiri wasiirka. Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa shaaciyey in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya. Sidda sheegtay wasaaradda batroolka Soomaaliya, illaa iyo 15 xirmo shidaal ayaa diyaar ah in la maalgeliyo si looga soo saaro saliid. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan in dalka shidaal laga soo saaro iyada oo dhowr sharikadood heshiis la gashay sidoo kalena Golayaasha shacabka iyo aqalka sare meel mariyeen sharciga Batroolka dalka.
-
Iyada oo ay weli sii socoto burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayey ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland. Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari. Waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeyse, iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku yimaada dadka ku nool deeganadaasi. Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax ka qabtaan. Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeyse, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo. 12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Iyadaoo ay welisiisocotoburburintaCiidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarunku taallad ee gaankaJaldeyse oo katirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland. Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waaweyn, iyadoo ay bur bureen Tower-ad ii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkiii sgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari. Waxaa hadda hawada kamaqan isgaarsiintii deegaan kaJaldeys, iyo Tuulooyin ka hoos yimaada iyadoo uu hakadgalay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isusocodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshood u ku tiirsaneyd arrintaasoo sababikarta barakac ku yimaada dadka kunool deeganadaasi. Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoo nabaaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax kaqabtaan. Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, KhadiijoXaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo. 12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan. View the full article
-
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Dhuusamareeb. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiisa guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maalinta Taariikhdu tahay 30-ka bisha Janaayo 2020-ka ay dhaceyso doorashada Madaxweyaha iyo waliba ku xigeenkiisa lana dhaarin doono isla maalintaasi. Sidoo kale guddiga doorashada ayaa xusay in maanta oo taariikhdu tahay 21- bisha Janaayo 2020-ka laga bilaabo ilaa 27-ka loo qorsheeyey in lagu soo gaban gabeeyo wax waliba oo ka horeeya doorashada. Waxaa xusid in jadwalkan iyo doorashada guddoonka doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay qaadhaceen xildhibaannada Alhu Sunna. Guddiga ayaa la sheegayaa iney ka baxeen ilaa 5 xubin oo ka tirsan 13-ka uu magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal si ay u maareeyaan doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa. Source: goobjoog.com
-
KU: TALIYAHA GUUD EE CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND KA: Cabdinaasir Axmed Abraham. Mudane S|G Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) bariido gacaltooyo kaddib, aan kugu bogaadiyo dedaallada iyo dardar-gelinta horta leh ee shaqada ciidanka booliska muddadii yarayd ee aad xilka taliyenimo haysay aad samaysay. Waxa I gashay rajo wanaagsan oo ku aaddan suurto-galnimada hagaajinta adeegga boolisku bulshada u qabto. Magacaabistaadu waxa ay ku soo beegantay xilli badiyaa ba shacabku ka niyad-jabeen, kana dayrinayeen shaqada ciidanka booliska. Imaatinkaagu qorrax lagu diirsaday ayuu ka dhignaa, hummaaggii wanaagsanaa ee aan ka haysannay ciidan ka Military-ga iyo ifafaalahaagu way is tagayaan. Muddo aan wax ka indho-indhaynayay arrimo ciidanku si u hoos yimaaddo, xogohii aan helay ayaan ku indhaha dillaacsaday ugu yaraanna waxa aan garanayaa ahmiyadda dawladnimo ee ciidan boolis oo bulshada si hagaagsan ugu adeegaa ay leedahay. Sidaas oo ay tahay waxa ila habboonaaday in aan warqaddan furan hawada kuu soo mariyo. I. Macluumaaadka bulsho ee siyaabaha kala duduwan u soo gaadha booliska in macno loo yeelo si ay akhris u yeeshaan go’aanno maamul na uga dhashaan, waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo xafiiska Dhiteynta Xogta “Data Centre” Xafiiskani xogta uu kaydiyay haddii sannadkii laba goor war-murtiyeed uu ka sameeyo qaranku wuxuu ka faa’iidi lahaa wax weyn. Halkaa waxa ku qarsoon sababta keliya ee hay’adaha reer galbeedku arrimaha ciidanka booliska innooga caawiyaan. II. Ganaaxa lacageed ee Boolisku dadka sharciyada jabiya ka qaadaan haddii lacagtaa qorshe iyo siyaasad loo sameeyo waa la kordhin karaa waxa aanay noqon doontaa lacagtaasi haddii si wanaagsan loo maamulo mid wax weyn tari doonta ciidanka booliska. III. Dib-u-dhaca farsamada Technology-gu wuxuu iila muuqdaa mid ka mid ah qabyooyinka ciidanka booliska kuwooda ugu mudan ee ay tahay in wax laga qabto. Sidaa darteed, waxa aan ku talin lahaa in booliska lagu soo dhaweeyo dunida Tiknoolajiga si ay ula saan-qaadaan cahdiga tiknoolajiga. IV. Taliye-qaybeedyada iyo taliye saldhigyada Somaliland shan iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay wax is-beddel ah lagu ma samayn, waxaana muddooyinkaa Somaliland u soo baxayay saraakiil da’yar oo aqoon leh oo ka firfircoon kuwan hadda shaqeeya ee hawl-gabka ah ama ku dhaw. Sida oo kale baadheyaasha oo ah barta sartu ka qudhantay in iyagana la dhaqan celiyaa waa wanaagsanaan lahayd. In fursad la siiyo dhallinyarta cusub fakerkayga qayb libaax ayay ka qaadan kartaa horumarinta ciidanka. IV. Haweenka booliska ku jira hoggaanku uma hagar-bixin. Gaar ahaanna Saraakiisha sarsare ee hoggaanka haweenka. Dhiiri-gelintoodu shaqada ciidanka way qurxinaysaa iyagana in aad wakhti siisaa way habboonnayd. V. Saldhigyada ciidanku dhisme ahaan dib-u-habayn ayay u baahan yihiin, waana in dhiska iyo cimilo goobeedda la isku jaan-gooyo. Tusaale; Saldhigga ciidanka ee Kala-baydh ama Yufle iyo kan Berbera in ay isku qaab u dhisnaadaan sax ma aha. Sababtuna waa in aanay cimilo ahaan degmooyinkaasi isku dhaweyn. Geesta kale saldhigyada qaar baa ballaadhin u baahan tusaale aan u soo qaato saldhigga New Hargeysa dhisme ahaan waa guri aan shan makhsin ka badnayn waxaana luugu talo galay in uu u adeego shacab aan ku male-awaali karo 150.000. VI. Mudane Taliye waxa aan kugu bogaadinayaa tallaabooyinkii aad ka qaadday dhawr arrimood oo ku aaddanaa tacaddiyo shakhsiyaad ciidanka booliska ka mid ahi u geysteen shacab, kuwaas oo naf iyo maal ba iskugu jiray. Sidii aad dhacdooyinkaa uga falcelisay shacabku way ku diirsadeen waanay kugu hambalyeeyeen, go’aannada kuwan la jaadka ahi waxa ay ciidanka ku soo celinayaan xayn-daabka xeerka, booliskuna indhawaale uu dabar-furtay. Sidaa darteed in sii waddo ayaan kugu boorin lahaa. VII. Maan-dooriyuhu bulshada wuxuu ku hayaa faro-baas. Gaar ahaanna, khamriga iyo xashiishka oo goobihii waxbarashada carruurteenna ugu tagay, waxa aanay shaqadaasi ahayd kuwa ciidanku ka gaabiyay. In ahmiyad weyn la siiyo hawshaasi oo ay shaqooyinka ugu mudan ee booliska ka mid noqoto daruuri ayay xilligan ila tahay. VIII. Tirada ciidanka saldhigga ka hawl-gala iyo tirada bulshada degmada ku nooli meelo badan fakaag weyn baa u dhaxeeya in la is waafajiyo na waan ku talin lahaa. IX. Kursigaagu maaha mid siyaasi ah in axsaabta qaranku kuu sinnaadaan inta karaanka ah iskuna daydo in aad Qarannimo ka shaqayso halkii aad xisbinimo ka shaqayn lahayd. In aad caddaalad samaysaana waa dariiqa ugu dhaw ee aad ku heli karto xurmo shacab iyo xus taariikheed, mana jiro yool qof hiigsado oo kan sarreeya. X. Wasiirrada, maayarrada, guddoomiyeyaasha, maareeyeyaasha iyo agaasimeyaashu ciidanka booliska ma amraan haddii ciidanka ay ku qasbaan in cid la soo xidho, iyaga oo aan sharciga soo marin taasi waa midka mid ah arrimaha sharaf riday ciidanka inta ogaalkayga ah. Iyadana in aad feejigteeda lahaataa way ila quman tahay. XI. Jacaylka Shilinku waa wadka gobonnimada shaqada wanaagsan. Iyana waxa aan Alle kaaga tuugayaa in uu kaa samato-baxsho, adna inta aad ka fogaan karto ka durug. XII. Booliska iyo shirkadaha rayidka ee socdaallada ka ganacsada oo mar aan wax ka qorayay tiradoodu (17) gaadhaysay iina sheegay in aan booliska xidhiidh ka dhaxayn in si maalinle ah ay booliska ugu war-geliyaan tirada dadka ay qaadeen, meelaha ay geeyeen iyo magacyadooda waa mid ka mid ah shaqooyinka ciidanka. XIII. Tuugta tilifoonnada dhacdaa waxa ay ku badan yihiin goobo cayiman oo la yaqaan, in markaa ciidan kor joogto ah lagu qoro meelahaas si shacabka hantidooda loo badbaadiyo, tallaabo adagna looga qaado caadaystayaasha dambigani waxa ay iila eg tahay lama-huraan. XIV. Dhismaha xafiiska xidhiidhka bulshada iyo warbaahinta ee ciidanka boolisku waa hilinka ugu toosan ee lagu hagaajin karo is fahanka shacabka iyo booliska. Qof ahaanna waxa aan rumaysnahay in aan boolisku marna ba warbaahinta dawliga ah iyo tan rayidka ah midkood na aanay si wanaagsan u isticmaalin. Farriimaha ciidanku warbaahinta mariyaanna duluc abbaar uma badna. In siyaasad cad oo warbaahineed ciidanku yagleelaana goortan karaarinta shaqada ciidanka booliska qayb libaax ayay ka ciyaari kartaa. XV. Dhiiri-gelinta, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda, qiimeynta iyo la xisaabtanka ciidanku in ay is barbar socdaan ayaa lagu gaadhi karaa YOOLKA ah dhismaha ciidan wanaagsan oo shacabka adeeg hagaagsan u qabta. XVI. Carruurta ciidanka booliska waxbarashadooda xataa dugsiyada gaar ka loo leeyahay in ay ugu yaraan qiimo dhimis 40% ah ka helaan waa wax sahlan oo lagu qancin karo maamulka iyo mulkiileyaasha goobaha waxbarashada. Sida oo kale adeegyada caafimaadka ayaa iyagana la mid ah. XVII. Mushaharaadka ciidanka in la kordhiyo si ay shaqo wanaagsan u qabtaan Madaxweynaha ku qanci hadba intii suurto gal ah. FG: Waxa jira talooyin aan ka maagay in aan bartan kugu la wadaago haddii ALLE yidhaa waxa aan isku dayi in aan xafiiskaaga si gaar ah ugu soo hagaajiya. XIDHIIDHADA somaliland_author@yahoo.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya inay meel sare gaartay xiisadda ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya oo dooneysa inay Galmudug u sameyso madaxweyne ay iyada wadato iyo Ahlu Sunna oo dooneysa inay qeyb ka noqto awoodda Galmudug. Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa 8-dii xubnood ee iska dhex doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen ayaa waxay soo saareen jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa. Jadwalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddiga doorashada uu labo garab u kala qeybsamay, waxaana 5 ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ahaa Xildhibaanada Ahlusuna ay sheegeen inay ka soo horjeedaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga iyo qaabkii loo maray oo ay ku eedeeyeen faragelin ka timid dowladda Federaalka iyo inay awood u adeegsaneyso doorashada. Shanta Xildhibaan ee matala Ahlusuna ee ku jiray Guddiga doorashada ayaa dhankooda sheegay inay soo saarayaan jadwal kale oo doorasho, maadaama ay qaadaceen Guddiga la iska dhex doortay oo ay sheegeen inuu soo magacaabay Guddoomiye Gacal. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeedo, waxaana mugdi sii galayo Mustaqbalka Galmudug maadaama madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo ka wado olole doorasho halka haddana ay is khilaafeen Ahlu Sunna iyo Dowladda taasoo ka dhigan inay Galmudug wajihi doonto doorashada 3 madaxweyne lagu dooran doono. Kala qeybsanaanta cusub ee soo kala dhex gashay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo habsami u socodka doorashada, haddii ay soo saaraan xubnaha shanta ah jadwal kale. Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya cadaadis xoogan ku saareyso in la dhiso Galmudug ay qeyb ka tahay Ahlu Sunna, waxaana hadda muuqato inay Dowladda Soomaaliya isticmaaleyso awood iyo inay wax kasta u dhacaan sida ay iyada rabto taasoo ka baxsan Dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliya u yaalo.
-
Bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay inay kordhin doonaan ciidamada ka jooga xeebaha dalal ay ku jirto Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay wasaarada difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in la kordhin doono ciidankeeda Badda ee ka howgala marin biyoodyada Cadan,Persia iyo Cumaan. Sidoo kale dowlada dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalada Maraakiibta dalakasi ee saliida qaada, kuwaas oo u kala goosha saddexda marin biyood. Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadana u sababeysay xiisada cirka isku sii shareereysa ee u dhexeysa dalalka Mareykanka iyo Iran. Ciidamada Badda ee K/Koonfureed ayaa ka howlagalayey dalalka uu maro gacan biyoodka Cadan oo Soomaaliya ay ka mid tahay tan iyo 2009, iyagoo ka hortagayey weerarada burcadbadeeda ee qafaasha Maraakiibta isticmaalada gacan biyoodkaasi. View the full article
-
Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Sida ku cad Shaxda jadwalka ay soo saareen guddiga, araajida iyo taariikh nololeedka musharrixiinta u tartamaya madaxtinimada Galmudug, ayaa la qaban doonaa inta u dhexaysa 22-23-ka bishan January. Khudbadaha musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa sidoo kale la dhegaysan doonaa maalmaha 26-27-ka isla January. Guddiga ayaa sheegaya, in maalmaha 28-29 isla bisha January ay ugu tala-galeen in musharrixiintu ololeeyaan, halka maalinta 30-January la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Galmudug. Shaacinta jadwalka ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay Ahlusunna diiddantahay habka loo qeybiyay xubnaha guddiga doorashada Galmudug iyo hannaanka dowladda Federaalka u maamulayso doorashada. Hoos ka akhriso Jadwalka PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada madaxtinimada Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Gaanshaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa baaq u diray shacabka magaalada Boosaaso. Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka dalbaday shacabka inay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in ka Boolis ahaan ay xoojin doonaan sugida amniga magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran. Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidanka Puntland ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay gudaha magaaladaasi. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay gubeen xarumo isgaarsiineed oo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Xarumaha la gubay oo gaarayey illaa afar, islamarkaana ay ku jireen kuwo bixiya Internet ayaa waxaa la sheegay inay qaraxyo ku burburiyeen ciidanka Kenya. Adeegyada shirkadahaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si aad ah ugu xirnaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa burburinta ay xarumahaasi u geysteen ciidamada Kenya oo horay u gubay xarumo shirkadeed oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale tallaabadaan ay qaadeen ciidamada dowladda Kenya ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka fuliyaan dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee oo xuduud dheer la leh Soomaaliya. Weeraradii ugu dambeeyey ee Xarakada Al-Shabaab oo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo lagu beegsaday xarumo ay shirkada Safaaricom oo Kenya laga leeyahay ku laheyd deegaano ku yaalla xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Taliska Mareykanka ee Africa “AFRICOM” oo ka taageeraya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday Alshabaab meel u dhaw deegaanka Bengaani. Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sii-wada hoggaaminta hawlgallada lagu sugayo amaanka dalka iyagoo kaashanaya Ciidamada ka socda Midowga Africa ee AMISOM si loo xoojiyo nabadda islamarkaana loola wareego deegaanno hadda gacanta ugu jira Xarrakada Alshabaab. “Weerarkan cirka ah ayaa lagu beegsaday dagaalyahannada Alshabaab ee qatarta ku haya ciidamadeenna isgarabsanaya,” ayuu yiri Maj. Gen William Gayler oo ah agaasimaha hawlgallada ee AFRICOM. Agaasime Gayler wuxuu sheegay in Alshabaab ay baahinayaan nacayb iyo dhibaato islamarkaana AFRICOM ay ka go’an tahay in la taageero ciidamada Soomaaliyeed iyo horumarka laga gaaray nabadda guud ahaan gobolka. Ujeedka ugu weyn ee AFRICOM ayuu ku sheegay agaasime Gayler in la caawiyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay dadkeedu u helaan amni iyo deegaan ay dadka Soomaaliyeed ku noolaan karaan. Wuxuu sheegay in hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya lagu beegsado kooxo uu ku sheegay argagixiso si ayuu yiri aysan ugu sii fidin gobolka intiisa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga doorashada Galmudug ayaa goor dhow shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in 22–23 bishaan la qaban doono araajida, sidoo kalea khudbadaha musharixiintala dhageysan doono 27-ka January. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la qaban doono 30-ka January oo ku beegan maalin Khamiis ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Ku dhawaad 5 ruux oo Soomaali ah ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, kuwaas oo lala xiriirinayo Al-Shabaab. Laamaha ammaanka ee dalkaas ayaa shanta ruux ee Soomaalida ah soo qabtay maalmo ka hor, waxaana lagu eedeeyay in ay wadeen indha indheyn, islamarkaana la baarayo. Sidoo kale maxkamada la soo taagay dadkan Soomaalida ah ayaa waxay amartay in muddo sideed maalmood ah xabsiga lagu sii hayo, si loogu sameeyo baaritaan dheeri ah. Dowlada Kenya ayaa ka feejigan weeraro uga yimaada dhinaca dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay weeraro khasaara geystay ku qaaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka woqooyi bari ee daklkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa soo saaray jadwalka Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug xilli ay Ahlu Sunna ka hor timid magacaabista Guddoomiyaha Guddiga. Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay 22 – 23 Bishaan la qaban doono araajida iyo taariikh nololeedka Musharixiinta u tartameyso madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada. Sidoo kale guddiga ayaa shaaciye in 26 January la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha halka 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta madaxweyne ku xigeenada. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 30 January oo ku beegan Maalin Khamiis ah u asteeyey inay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Galmudug isla maalintaas la dhaarin doono cidda ku guuleysato. Halkaan hoose ka akhriso jadwalka kasoo baxay Guddiga Doorashada
-
Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo helay Amaal Nuur Cismaan oo muddooyinkii la soo dhaafay baadi goobayeen ciidamada ammaanka Soomaaliya. Taliye Xijaar ayaa tilmaamay in baaris dheer ka dib gacanta lagu soo dhigay Amaal, islamarkaana ay ku wareejin doonaan hooyadeed Amran Xayle. Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska ayaa u mahadceliyey hay’adihii kala duwanaa iyo ciidamada ammaanka ee kala qeyb qaatay howlgalkaasi. Amaal Nuur Cismaan oo maqnaanshaheeda siyaabo kala duwan looga hadleyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa dhowaan waxaa la sheegay inay ka baxsatay xarun lagu dhaqan celinayey oo ku taalla gudaha degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-1-Cadaani.mp3 View the full article
-
Askari ka mid ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana la socday gaari Cabdi Bile ah oo marayey halka loo yaqaan Macalin Nuur ee agagaarka Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay qof shacab ah, kaas oo wade ka ahaa gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka oo halkaasi marayey. Qof dadka deegaanka ah, islamarkaana xilliga uu dilku dhacayey goobjoog u ahaa ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in gaariga uu la socday askariga dilka geystay uu meesha isaga dhaqaaqay, islamarkaana aysan jirin cid wax iska weydiisay dhacdadaasi. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo gaariga iyo sidoo kale askariga ka dambeeyey dhacdadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-21012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si rasmi ah u shaaciyey cidda laheyd amarkii dowladda Itoobiya loogu gacan galiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka ururka xornimo doonka ah ee ONLF isagoo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey dhowr qodob. Sanbaloolshe oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in amarka lagu dhiibay Qalbi-dhagax ay la haayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagana lagu amray doorkii fududeynta ahaa ee uu ku lahaa. Sanbaloolshe intuu ka hadlayey kiiska Qalbi Dhagax, wuxuu Madaxweyne Farmaajo si dadban ugu eedeeyey seddex arrin oo kala ah: 1) – Inuu madaxweyne Farmaajo lahaa Mas’uuliyadda dhiibista Qalbi Dhagax isla markaasna ay tahay inuusan daah isku qarin kana dalbado cafis Shacabka, ONLF iyo Qoyska Qalbi Dhagax, wuxuuna arrintaas tusaale ahaan ugu soo qaatay waqtigii uu taliyaha Nabadsugidda ahaa oo uu xilkiisa ku waayey Xildhibaan la xiray balse uu sheegay inuusan isaga xirin oo uu ka dambeeyey Taliyaha Godka Jilacow balse uu isaga dusha saartay mas’uuliyadda xarigaas sidaasna uu ku waayey xilkiisa maadaama uu isaga yahay Taliyaha Guud ee nabadsugidda sidaas oo kalana Farmaajo looga fadhiyo inuu qaato Mas’uuliyadda kiiskaan. 2) – Qodobka Labaad oo uu Sanbaloolshe ku eedeeyey si dadban madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu yahay shakhsi madax adag oo aysan gar dhan gelin. 3) – Qodobka sedexaad wuxuu ku sheegay inuu Farmaajo aheyn sida ay u maleeyaan Shacabka isla markaasna uu yahay shakhsi u nugul cadaadiska Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in dadka qaar ay Farmaajo u heystaan Nabi arrintana aysan sidaas aheyn. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ugu baaqay inay si geesinimo leh u qirtaan dambiga la galay isla markaasna ay ONLF ka saaraan liiska Argagixisada maadaama Dowladdii uu ururkaas dagaalka kula jiray ee Itoobiya ay iyadaba ka saartay liiskaas. Wuxuu codsaday in Qalbi Dhagax lagu casuumo Muqdisho isla markaasna ay si guud u raali geliyaan madaxda ugu sareeyo dalka oo uu sheegay inay iyaga lahaayeen amarka Itoobiya loogu dhiibay isagana uu kaliya lahaa amarka lagu soo xiray.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Safiirrada Turkiga iyo Qadar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Sanduuqa horumarinta Qadar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Turkiga iyo Qadar oo ka wada hadlay amniga waddada Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
Nine people injured in a bomb attack on Saturday in Somalia, including three Turkish nationals, were being flown to Turkey on Tuesday for medical treatment, Turkey’s ambassador to Mogadishu said. Mehmet Yilmaz told a news conference that Ankara would continue aid work in the country despite recent attacks by Islamist group al Shabaab that have targeted Turkish workers. “This will not stop us from helping Somalia,” Yilmaz said. “We shall continue work. Somalia and Turkey have good relations.” Saturday’s suicide car bombing by al Shabaab occurred in Afgoye, about 30 km (18 miles) northwest of the capital, and targeted Turkish construction workers who were having lunch with local police. A total of 21 people were injured in the attack, among them six Turks. “We are flying three injured Turks and six Somalis,” Yilmaz said at Mogadishu Airport, where their plane was about to take off. All nine were in a serious condition, he said. Turkey has been a major donor to Somalia following a famine in 2011. Ankara is seeking to increase its influence in the Horn of Africa to counter Gulf rivals like Saudi Arabia and the United Arab Emirates. A group of Turkish engineers working on road construction was among those hurt in late December by a blast at a checkpoint in Mogadishu that killed at least 90 people. View the full article
