-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay, in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan. Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay. Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il. Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska. In kasta oo uu Maraykanka rajo ka muujiyay, xafiiska Netanyahuna uu ku tilmaamay kulanka mid wanaagsanaa, haddana Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay muujiyeen in heshiis kasta uu noqon doono mid adag. Wadahadallada oo muddo bila ah marna soconayay marna la hakinayay, ayaa u muuqdo in ay dhinacyadu ay ku taagan yihiin mawaaqiftoodi hore. Isra’il ayaa sheegtay in dagaalka Gaza uu ku dhammaan karo burburinta Xamaas, halka Xamaas ay sheegtay inay aqbali doonto oo keliya xabbad joojin joogto ah oo aan ku meel gaar ahayn. PUNTLAND POST The post Antony Blinken oo riixaya Xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
The birth of a critically endangered Somali wild ass foal at a safari park is being hailed as a "huge boost" to conservation efforts. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is taking a major step toward modern governance with its digital identification system, a move that could transform access to services and bolster national security. High-level discussions in Mogadishu this week focused on establishing a strong legal and technological foundation to ensure the system's success. Source: Hiiraan Online
-
Oog (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay gaaray degmada Oog ee Gobolka Sool, halkaas oo fadhiisin u ahayd ciidanka Somaliland tan iyo 25-kii bishii Agoosto ee 2023-kii dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay Laascaanood. Muuse Biixi iyo Wefdi uu hoggaaminayey, oo maalmihii u dambeeyey safar ku marayey Gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa xalay u hoyday degmada Caynaba oo 22 KM u jirta Oog oo fadhiisin u ah Ciidanka Somaliland. Safarkan Madaxweyne Biixi, oo galay maalintii sagaalaad, waxaa lagu sheegay ujeeddadiisa inay la xiriirto “u diyaargarowga doorashooyinka iyo u kuur gelida xaaladda deegaannada Bariga” xilli ay Somaliland doorashooyinkeeda ka hadhsan tahay muddo ka yar saddex bilood. Madaxweyne Muuse Biixi, sidoo kalena ah murashaxa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ee doorashada 13 November 2024-ka, ayaa dadweynihii uu kula kulmay gobollada iyo deegaannada uu marayey u sheegayey laba fariimood, oo uu sheegay in ay yihiin ujeeddada safarkiisa. Muuse Biixi, ayaa dhamaan khudbadihii kala duwanaa ee uu ka jeedinayey Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne iyo Caynaba, waxa uu ku sheegay in labada qodob ee ujeeddada safarkoodu uu yahay “in difaaca Somaliland loo midoobo iyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan”. “Maanta laba koofiyadood ayaan sitaa mid waa ta difaaca qaranka iyo doorashada. Waa labadaa qodob, arrinta waxaanu uga soconaa Somaliland muwaadiniintooda iyo deegaannadoodu intii aan marnay waxay diyaar u yihiin Difaaca dalka. Waxa aynu wax ku nahay marka aynu talada wadaagno ee aynu ku wada qanacsannahay in aynu sharcigeenna wada ilaalino. Wakhtigii madaxweynaha la ii doortay wuu dhamaaday, waa la kordhiyey, wuu dhamaaday, Madaama mar la kordhiyey, mar labaad sharcigu ma ogolanayo, caqliga saliimka ahina ma ogolaanayo, culaysyo aynu arkaynaa way ina haystaan, dhibaatooyin badan ayaa jira. Markaa dantu waxay noqotay in aynu sharciga ilaalino, oo doorasho qabano, dalkana difaacno” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Muxuu Muuse Biixi ka yiri dagaalkii Laascaanood sannad kadib? Waxaa uu markii u horreysay gaadhay degmada Oog oo ah fadhiisamada hore ee ay joogaan Ciidankiisa, tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Goojacadde ee keenay in Ciidankaasi yimaadaan Oog, muddo sannad laga joogo. Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad u jeedinayey Ciidanka Somaliland ee halkaas fadhiisamada ku leh, ayaa sheegay in ciidanku door muhiim ah uga jiraan “ilaalinta nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland”. “Waxa marag ma doon ah in Ciidanka Qaranka Somaliland yahay bir adag oo afartankii sanno ee u dambeeyey difaacayey dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Muuse Biixi. Waxa kale oo uu sheegay in “aanu dagaalku dhamaan ilaa guusha la gaadho”, sida uu hadalka u dhigay “Dagaalku ma dhamaado ilaa guusha la gaadho, wax yar oo maalin ku gaadha iyo goob yar oo wax ka dhacaan maaha wax la yidhaahdo waxbaa dhacay. Wuxuu intaa ku daray inay dagaalka sii wadayaan “ilaa la gaadho oo la helo Somaliland oo dhan qaranimadeedii 1960-kii” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo la hadlayey Ciidankiisa. Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa isku hor fadhiya inta u dhaxaysa Deegaannada Oog iyo Guumeys oo isu jira 25 KM, inkasta oo jiiddaha hore ee ay Ciidamadani kala joogaan ay isu jiraan 6 KM, marmar qaarkood halkaas ay ku dhex marto rasaas goos goos ahi. Isha: BBC The post Biixi oo u hoyday jiidda hore sannad kadib markii ciidankiisa laga saaray Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (HOL) — The SSC Khaatumo administration has issued a stern warning to Somaliland, asserting its readiness to retaliate if Somaliland proceeds with a reported military offensive to reclaim the Sool region. The warning comes amid growing tensions and military build-up along the contested frontlines. Source: Hiiraan Online
-
Xamaas ayaa Mareykanka ku eedaysay inuu Israa’iil wakhtiga u dheeraynayo si ay u sii wado xasuuqa dadka marinka Qasa, wuxuuna hadalkani yimid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu ku dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay soo jeedinta heshiis xabbad-joojin ah. Blinken ayaa xilligaas kooxda Xamaas ugu baaqay inay oggolaadaan heshiiska, balse arrintaas way ku gacan-sayreen ayagoo ku tilmaamay hagardaamo maamulka Israa’iil fursad lagu siinayo, ayagana lagu madadaalinayo. Xamaas ayaa sidoo kale dhowaan diiday wada-hadallo Mareykanka, Masar iyo Qatar ay garwadeen ka ahaayeen oo ka dhici lahaa Magaalada Dooxa, waxayna diidmooyinka falastiiniyiinta ee heshiiska xabbad-joojinta ah loo arkaa natiijada dilkii ismaaciil Haniyeh oo ku soo beegantahay xilli ay socdeen dadaallo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka lagu hoobtay ee bishii 10-aad ka socda Marinka Qasa. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan. Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay. Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il. Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska. In kasta oo uu Maraykanka rajo ka muujiyay, xafiiska Netanyahuna uu ku tilmaamay kulanka mid wanaagsanaa, haddana Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay muujiyeen in heshiis kasta uu noqon doono mid adag. Wada-hadallada oo muddo bila ah marna soconayay marna la hakinayay, ayaa u muuqdo in ay dhinacyadu ay ku taagan yihiin mawaaqiftoodi hore. Isra’il ayaa sheegtay in dagaalka Gaza uu ku dhammaan karo burburinta Xamaas, halka Xamaas ay sheegtay inay aqbali doonto oo keliya xabbad joojin joogto ah oo aan ku meel gaadh ahayn. Waxyaabaha kale ee la isku qilaafsan yahay ayaa waxaa ka mid ah sii joogitaanka ciidamada Israa’iil ee gudaha Qaza, gaar ahaan xuduudka Masar iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha dhulkaas. Sidoo kalena waxaa la isku mari la’yahay qoonsiga iyo tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il rabto in ay weydaarsato sii deynta dadka ay xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ku hayaan Gaza. The post Blinken oo riixaya heshiis xabad-joojin oo ka dhaqan gala GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Xalay Abaaro kowdii habaynimo ayaa roobab wata dabaylo onkod iyo hilaac ay ka bilaabmeen magaaladda Haiyo nawaaxigeeda. Roobkani oo noociisa oo kale aan in mudo ah aan ka da’in magaaladda Hargeysa way adagtahay in la ogaado xiligani in ay jiraan wax waxyeelo ah oo uu gaystay iyo in kale. Dooxa weyn ee dhex mara magaaladda Hargeysa ayaa si xawli leh u rogmanaayay saacadihii ina soo dhaafayba Waxana roobku uu xiligan oo ah 5tii subaxnimo uu isu rogay shuux iyo dabaylo waxana la filayaa roobab kale in ay yimaadaan Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si deg deg ah u soo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, kadib markii galabta uu is casilay wasiiru dowlihii uu magacaabay markii uu xilkaan qabtay afar sano iyo dhowr bilood ka hor. Maxamed Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug, kadib markii uu galabta si iskiis ah isku casilay Cumar Shido oo ku dhowaad 5 sano xilkaas hayey. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa digreetadaan ku magacaabay Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo cayaaraha Galmudug, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Cabdi Faarax. Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa galabta sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu is-casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey, isla markaana uu ka aqbalay. Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isagoo sheegay inuu reer Galmudug u adeegi doono xataa isagoo aan xil haynin. “Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey masuuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug,” ayuu yiri wasiir hore Cumar Shido. Ninkaan oo Qoor Qoor la shaqeynayey tan iyo markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Qoor-Qoor, isla markaana aad ugu dhowaa, aadna uga difaaci jiray baraha bulshada, ayaa hadda ku gaabsaday in sababta is-casiladaan ay isaga u gaar tahay. Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, 5 sano ayaa u sii dhamaaneysa Qoor Qoor, dadkuna waxay rabaan doorasho, balse isagu wuxuu quud-dareynayaa inuu kursiga sii joogo. Hoos ka eeg warqadda The post Qoor Qoor oo degdeg u soo magacaabay wasiirro cusub kadib is-casilaadii galabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Jimcaale Fiidow ayaa maanta usoo gacan galay dowladda kadib markii uu isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howl-gala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Horjooge Ismaaciil oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu adkeysan waayay howl-gallada ay wajaheyso kooxda, isaggoo ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli baaqiga ku ah kooxda inay iskaga soo baxana. “Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeyn karo, rafaad, oon iyo cabsida xooggan ee howlgalka ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa weli aanan quusan inay meesha ka soo baxaan,” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda. Dhinaca kale, waxaa isla maanta ciidanka dowladda isna isku soo dhiibay Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid, kana tirsanaa muddo kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka. Ciidanka ayaa ninka uga hortagay deegaanka Xuseen Cagey, waxa uuna kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasi oo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsanaa kooxda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab oo bilihii dambe uu gaabis ku yimid ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka, oo dhowr jeer uga dib dhacay waqtigiisa. Horjooge Ismaaciil – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah. Ilyaas – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.The post Horjooge Ismaaciil iyo Ilyaas oo muddo kadib usoo gacan galay dowladda kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Howlgal cusub oo looga dhawaaqay galbeedka gobolka Sh/Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya deegaano ku yaalla galbeedka deegaanada iyo degmooyinka maamulka. Deegaanada oo weli ku sugan yihiin kooxda ayaa maamulka uu qorsheynayaa in howl-gal qorsheysan lagu qaado, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga degmada Gamboole ee gobolka Sh/Dhexe ku booqday boqolaal kamid ah ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka HirShabelle ee la magac baxay duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan deegaanka Carmooleey. Wasiirka amniga HirShabelle Maxamed Kheyre oo ay wehlinayeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo masuuliyiin kale ayaa la hadlay ciidamada, oo uga warbixiyay howl-galka cusub ee qeybta ka ah kii lagu xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan maamulka. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka HirShabelle uu howl-galka galbeedka ku bixin doono dadaalkii uu ku bixiyay howl-galkii lagu xorreeyay degaannada ku yaalla bariga ee deegaannada maamulka HirShabelle. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin horumarka deegaannada ku yaalla galbeedka maamulkaasi, sidaas darteedna ay awood kasta oo ay leeyihiin iskaga celin doonaan cadowga. Si kastaba, HirShabelle oo ah maamulkii u horreeyay ee uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa waxaa weli deegaano badan oo ku yaalla galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku sugan maleeshiyaad ka tirsan Kooxda, kuwaas oo dowladda dhexe iyo maamulka oo kaashanaya shacabka hubeysan ay doonayaan inay ka sifeeyaan kooxda. The post Howlgal cusub oo looga dhawaaqay galbeedka gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online. -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Galmudug ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, isaggoo casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey madaxweyne Axmed Qoor-Qoor. Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isaggoo sheegay inuu reer Galmudug u adeego doono xataa in haddii uusan xil haynin. “Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, islamarkaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Waxaan cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada. Wasiiru-dowlaha is-casilay ayaa xilkan hayay tan iyo mudaddii ay dhisneyd xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor, waxayna is-casilaadiisu kusoo aadeysa xilli uu maamulka wajahayo doorashooyin, uuna Qoor-Qoor ku dhowaaqay hanaan doorasho oo mugdi badan ku gadaaman yahay. Hoos ka aqriso qoraalka; Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is-casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galmudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin. Sidaas awgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada. Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah. Wabillaahi Towfiiq Cumar Shido The post Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Galmudug oo is-casilay appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somaliya ee hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka. Tiro kamid ah dhallinyaradad mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahadceliyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada. “Wasaaradda Gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay Goobjoog TV. Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “ Ganaaxii 50 Dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 Dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka”. Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “ Waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”. Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahadceliyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay. Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho iyagoo sheegay ineysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka. Halkaan hoose ka daawo fikradaha dhallinyarada Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — In the face of conflict, poverty, and natural disasters, the Somali diaspora has remained a critical lifeline for their homeland. A new report from the Danish Institute for International Studies highlights the indispensable role that diaspora humanitarianism plays in Somalia, providing vital support to millions of people in need. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%. Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka. Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi. Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi doona ganaax maaliyadeed oo isugu jira mid aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xad-gudub kasta oo u sameeyo. Sidoo kale waxay wasaaradda sheegtay in ganacsadaha u hoggaansami waaya muddo hal maalin ah hanaanka canshuur bixinta iibka uu ku dhacayo ganaax aan ka yareyn shan boqol oo dollar Mareykan ($500). “Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood ah ama aan ka badneyn afar sano oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka canshuuraha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda; 1- Si waafaqsan Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga waxaa ganacsi kasta ku waajib ah inuu isticmaalo Koonto ganacsi (Merchant Accounts) dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi ee iibinta badeecadaha iyo adeegyadda. 2- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu gadis kasto oo uu sameeyo ku daro qiimaha Canshuurta Gadidda (5%), oo ah qiimaha badeecadda ama adeegyadda uu iibinayo. 3- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu ku wareejiyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda faah-faahinta koontooyinkiisa ganacsi (Merchant Account Details) ee ka furan shirkaddaha kala gedisan ee lacag-dirista si ay u sameeyaan diiwaangelin iyo xog-keydin. 4- Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin inuu dhaq-dhaqaaqyadiisa ganacsi u istic- maalo adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts), waxaa ku dhacaya Ciqaabahaa soo socda si waafaqsan Qodobka 37aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga: Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah. Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha. Ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi. The post DF oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia-UAE: Dubai’s AMEA to develop $620m Ethiopian wind farm Ethiopia has agreed a deal with a Dubai renewables developer AMEA to develop the Horn of Africa’s biggest wind farm. The letter-of-award was signed by Ahmed Shide, Ethiopia’s finance minister, and AMEA Power in Dubai during the COP28 climate change summit. The 300MW Aysha Wind Power Project, which is expected to cost $620m, will be financed, built and operated by AMEA on the basis of a 25-year power purchase agreement with state-owned utility Ethiopian Electric Power. AMEA said the 18,000ha project is expected to generate 1,400GWh a year, powering some 4 million households and cutting carbon emissions by 690,000 tonnes. During the construction and operation phases, the project is expected to create more than 1,500 direct jobs. Source Globalconstructionreview Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A coalition of international and Somali journalism organizations, including the International Federation of Journalists (IFJ) and the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), is calling on Somalia's Federal Government to withdraw a controversial information bill, arguing that it poses a severe threat to transparency and the public's right to access information. Source: Hiiraan Online
-
Some 20.1 million people were internally displaced in July in the Horn of Africa region, the United Nations migration agency said on Thursday. The International Organization for Migration (IOM) said in a report released in Nairobi, the capital of Kenya, that the number is an increase from 19.2 million people in June. The IOM attributed the total surge to a rise in internally displaced persons from Burundi, Ethiopia, and Sudan. Most of the displaced people were in Sudan (10.2 million), Somalia (3.5 million), Ethiopia (3.3 million) and South Sudan (2 million). “There are 10.2 million newly forcibly displaced people in Sudan, including 7.9 million internally and 2.1 million in neighbouring countries since the beginning of the conflict in April 2023,” the IOM said. Other causes of displacements, according to the UN agency, are floods caused by heavy rains and food insecurity, especially in Ethiopia, Kenya, and Somalia. IOM also noted that the Greater Horn of Africa region had some 5.4 million refugees and asylum seekers. Uganda hosts the greatest number of refugees at 1.7 million, followed by Ethiopia at 1 million, and Kenya at 906,000. About 67 million people were food insecure in the region in July, according to the Food and Agriculture Organization of the United Nations and the Intergovernmental Authority on Development, a regional bloc in Africa. Of the number, 39 million are in IGAD member states, including Djibouti, Kenya, Somalia, South Sudan, Tanzania, Sudan, and Uganda. On August 2, international agencies issued an alert that the Horn of Africa would experience below-average rainfall during the October-December season that would transition to drought. This would mean a rise in the number of displaced persons due to food insecurity. Yhe East African Qaran News
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada-hadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaaro dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Heshiiskan uu gadaal ka riixayo Mareykanka, uuna ku tilmaamay fursaddii u dambeysay ee xal ka gaarisa dagaalka Gaza ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah sii deynta la haystayaasha kala duwan. “Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara,” ayuu yiri xoghaye Blinken. Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta. Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska. Wada-hadaladan ayaa la filayaa in dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dhinac. The post Mareykanka oo shaaciyay fursaddii ugu dambeysay ee dagaalka GAZA – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Schiedam (Caasimada Online) – Munaasabadan lagu abaal marinayey haldoorka bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku dhaqan qaraada Yurub, gaar ahaan kuwooda dadaalay ee ka soo dhex muuqaday bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Schiedam ee wadanka Holland. Abaalmarintan oo ah midii ugu horaysay ee lagu qabto wadamada ku bahoobay ururka Midowga Yurub ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD}. Sidoo kale waxaa gacan ka gaysatay Shirkadadaha IBS bank, Alhijra Travel iyo Hayat Market. Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} waxay abaalmarin siisay 15 qof oo loo doortay inay sameeyeen didaal iyo hal abuur bulshada wax tara. Dadka abaalmarintaas la siiyey ayaa kala ah: Cabdi Nageeye oo loo soo xulay inuu yahay orad yahan ku Guulaysatay Rotterdam Maraton Cabdirizaq Cali Warsam oo aas aasay Banigiga Caalamiga ah ee IBS bank Cumar Muunye oo aas aasay Shirkad Samaysa Boorsooyinka Dumarka Munie Brand Kaadir Gamal oo samyeey Shirkada kadirfod Kaaha Xale oo Samaysay Shirkada Halane care Cumar Maxamed oo hal abuuray shirkada Baarfuunada ee Yaasalaam Mohamed Bashiir uu boqorka Holland u magacaabay Qunsul sharafeed jooga Soomaaliya AMB Ilyaas Cali Xasan oo aas aasay Arlaadi Media Network Abukar Alwan oo Sameyey Alhijra Travel Magan Daahir oo ku Guulaysaty Kubada Miiska Hollnad Cali Waare oo noqday shaqsiga ugu mudan ee ka soo shaqeeyey Jaaliyada Soomaalida FSAN Axmed Faarax oo noqday filim sameeye Caalami ah Safiya Rooble oo noqotay Xeer ilaaliye iyo looyar Shukri Xasan Saciid oo aas aastay Iftin Neyruus Macalim oo noqotay looyar heer caalmi ah. Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Raíisul wasaarihii Hore ee Dowladii Cabdiqaasin, mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaanada Golayaashada Deegaanka Netherland, ganacsato, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada oo ka kala Socday wadamada Ingiriiska, Germany, Sweden, Belguim, Fransiiska iyo Norway. Gudoomiyaha Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} Cabdullaahi Taajirow ayaa u mahad caliyiyey dadkii ka soo qeybgalay munasabada iyo xubnihii ay xaruntu u dooratay in abaalmarinta la siiyo Taajitrow ayaa goobta ka sheegay in CMD ay sanad kasta qaban doonto Abaalmarintaan oo kale, lagana dhigi doono mid caalami ah oo lagu tala galo. The post Sawirro: Soomaalida dadaashay ee ku nool Yurub oo la abaal-mariyey appeared first on Caasimada Online.