-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa diiday qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ciidamo uga qorato deegaanada maamulkaasi, si ay uga howlgalaan halkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Puntland ay ka hortimid in ciidamo laga qoro deegaanadeeda, kuwaas oo kamid noqonayo Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish. “Ciidanka qaranka ee loogu talagalay in deegaanada Puntland laga qoro waxaa diiday Puntland, iyada oo u diiday inay galaan ciidanka qaranka oo ay kamid noqdaan” ayu yiri. Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland in ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada, isaga oo ku dooday in ciidanka la qorayo ay yihiin qaybta 54-aad ee loogu talagalay inay ka howlgalaan deegaanadaas, si lamid ah guutooyinka Xoogga dalka ee jooga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. “Hadda marka aan kula hadlaayo guutooyinkii loogu talagalay inay 54-aad ka howlgalaan deegaanadaas in maamulka Puntland uu hortaagan yahay oo sida 43-aad ay Kismaayo u joogto oo 60-aad ay Baydhaba u joogto ciidankii loogu talagalay Puntland inay ka howlgalaan waxaa hortagaan maamulka” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku. Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta tabashada Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in la xallin doono cabasho kasta, balse loo baahan yahay in horay loo sii wado dowladnimada dalka. “Ma dhici doonto in qof Soomaaliyeed aan la tixgelin oo aan la dhageysan ma dhaceyso horay ayay Puntland go’aanno aan munaasab ahayn u qaadatay waa lala fariistay waa la xalliyay, maantana intii kama duwana, waana lala fariisanaa” ayuu yiri Al-Cadaala. Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana hakad galay wada shaqeyntii labada dhinac. The post Puntland oo diiday qorshe ay DF ciidamo uga qoraneyso deegaanadeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Beledweyne Cali Sandheere oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda HirShabelle oo todobaadkan u dabaal-degtay sanad guuradeed sideedaad. Cali Sandheere ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyao madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ku eedeeyay inuu la dagay horumarkii HirShabelle oo uu tilmaamay inay ka hartay maamulladii kale ee asaaga la’ahaa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa HirShabelle aysan lahayn madaxtooyo ay maanta ku shiri karaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay, “HirShabelle waa la socotaa madaxtooyo lama dhisin ma aragtay weli maamul goboleedyada oo ku shiraayo” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Beledweyne. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasiirada HirShabelle aysan lahayn meelo ay ku shiraan, isla markaana ay isugu tegaan geedaha hoostooda. Golaha wasiirada HirShabelle meel ay ku shiraan ma laha waxay isugu yimaadaan meel yar oo geedo hoostood ah, sababtana waxaa waayey waa maamul xumo” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale, Cali Sandheere ayaa ku eedeeyay madaxda HirShabelle inay hortaagan yihiin mashaariic muhiim ah oo laga hirgelin lahaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sababtuna ay tahay maamul xumo dartood. “Hay’adaha waxay jecel yihiin inay mashaariicda ka fuliyaan HirShabelle, haddana waxaa laga fulin waayay waa maamul xumo, wuxuu noqoyay fadhiid, ma jiro illaa iyo hadda hal mashruuc oo wax ku ool ah oo fulay illaa iyo hadda” ayuu mar kale yiri Cali Sandheere. The post GUUDLAAWE oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Hey’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay, inay soo xidhay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu qalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Ttikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. Source
-
Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa shalay ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday. Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu iskaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadiagaga soo horjeeday ee bishii June. 281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mowshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod. Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono. Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay. Source
-
Hay’adda Sirdoonka ee dowladda Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaase joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Ken McCallum oo bixiyay warbixintiisa sannadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laheyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska, kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka. MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah. Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London. “20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yidhi. Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan. In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum. Source
-
Xisbullah iyo Israa’iil Isniinti shalay is weydaarteen madaafiic cusub. Xisbullah ayaa gantaallo ku duqeysay magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdaasi. Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa. Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israa’iil Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen in gantaalladi ay ku dhaawacmeen. Waxay kaloo sheegeen in koofurta Lubnan shalay looga dilay laba askari, taasi oo tirada askarta Israa’iil lagaga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa iyaduna sheegtay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaannada xadka Lubnan iyo Isra’il lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha dab damiska. Tan iyo marki ay Israa’iil billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la dilay ilaa 2,000 oo qof. Source
-
Dowladda Itoobiya ayaa Taye Atske Selassie u dooratay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Itoobiya ee lixda sanno ee soo socota. Taye Selassie ayaa ahaa wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, wuxuuna hadda bedelay Sahle Worke Sawde oo ah madaxweynaha xilka ka degay. Dowladda Itoobiya ayaa u dooratay Taye Atske Selassie in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas, ee lixda sano ee soo socota. Taye Selassie waxaa lagu magacaabay wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, waxaana hadda soo dhammeystay Sahle Worke Sawde oo ah madaxweynaha xilka ka degay. Doorashada madaxweynaha ee Itoobiya ayaa ah mid ka mid ah doorashooyinka ugu weyn ee dalkaas, waxaana ka dhacay 2020-kii. Taye Selassie ayaa ah nin ka soo jeeda xukuumadda Itoobiya, waxaana uu ka mid ahaa wasiirka Arrimaha dibada ee madaxweyne Abiy Ahmed. Source
-
G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan Dowladda Puntland ayaa shaqa joojin ku samaysay dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan iyo dhammaan xubnihii Maxkamaddaasi ayaa sida la xaqiijiyay shaqada laga joojiyay kaddib markii dowladdu ka carootay xukunno ay rideen. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dalka dibaddiisa ku maqan ayaa wararku sheegayaan in uu shaqada ka joojiyay xubnaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland kadib markii ay cabashooyin badan ka yimaadeen xukunno ay rideen. PUNTLAND POST The post Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Switzerland (SONNA):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila. Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, iyagoo sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda gobolka iyo hanaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka iyo in si dhow uwada shaqeeyaan labada xafiis. Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Safiirka Kuwait ee halkaasi Ambassador Nasser A. Al-Hayan kuwaas ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
-
Saxmad dheer ayaa ka taagan gobolka Florida ee dalka Mareykanka iyadoo in ka badan hal milyan oo qof lagu amray inay qaxaan, ka hor inta aysan iman duufaanta Milton. Duufaanta, oo la saadaaliyay inay noqon doonto tii ugu xumayd muddo qarni ah, waxa ay imanaysaa in ka yar laba toddobaad ka dib oo duufaantii waxyeellada geysatay, ee Helene, ay gobolkaa haleeshay. Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay duufaantii dhawaan dhacday ay keeni karto in aaggaasi uu noqdo mid u nugul duufaantan oo tii hore ka sii weyn. Dufaanta Milton waa mid aad u baaxad weyn taas oo uu xawaaraheedu gaadhayo waa dabaylaha (270km saacaddiiba. Waxaa la filayaa in ay si buuxda ugu dhufato habeenka Arbacada, wax ka yar laba toddobaad ka dib markii ay gobolka ku dhufatay duufaantii Helene ee wax yeeleysay. Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay dadka ku nool Florida talaadadii inay ka baxaan guryahooda isagoo sheegay in tani ay tahay “arrin ku saabsan nolol iyo geeri” iyadoo gobolku uu sameynayo dadaalkiisii ugu weynaa. Gerald Lemus oo ku noolaa Bradenton noloshiisa oo dhan, wuxuu sheegay inuusan waligiis ka qaxin duufaanadii hore Laakiin hadda waxa uu go’aansaday in ka baxo isaga oo eegaya badbaadada inantiisa siddeed jirka ah. Bbcsomali Qaran News
-
Kenya’s lawmakers approved a motion Tuesday to impeach the country’s deputy president, following daylong discussions and after Rigathi Gachagua appeared in parliament to defend himself against several charges, including allegations that he supported anti-government protests in June. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab. Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada ciidanka Xoogga. Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab. Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose. Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle. The post Xog: Madaxweyne XASAN oo tegaya xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad bani’aadamnimo oo aad u adag, iyadoo ay jiraan malaayiin qof oo la kulmaya macaluul ba’an iyo nafaqo-xumo, gaar ahaan carruurta. Xafiiska Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa ka digay in tirada dadka la ildaran macaluusha ay gaari karto 4.4 milyan inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar 2024. Xalka dhibaatadan ma aha mid fudud, laakiin waxaa jirta dhowr waddo oo wax looga qaban karo oo u baahan iskaashi caalami ah, hirgelinta qorshayaal joogto ah, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee xaaladda. Maalgelinta Gargaarka Bani’aadamnimo oo la Kordhiyo Xalka ugu horreeya ee wax looga qaban karo macaluusha iyo nafaqo-xumada Soomaaliya waa in la kordhiyo maalgelinta gargaarka bani’aadamnimo. Sida ay sheegtay OCHA, maalgelinta qorshaha baahiyaha bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadka 2024 ayaa haatan ah 37%, taasoo ah heer aad u hooseeya. Taageerada caalamiga ah waa in si degdeg ah loo xoojiyo si loo kordhiyo barnaamijyada gargaarka sida bixinta cunno, daawooyinka nafaqada, iyo adeegyada caafimaadka ee dadka dhibaataysan. Beesha caalamka waa inay si firfircoon uga qaybqaadato si looga hortago masiibo weyn oo bani’aadamnimo. Horumarinta Kaabayaasha Biyaha iyo Fayadhowrka Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cudurrada faafa iyo nafaqo-xumada Soomaaliya waa helitaanka biyo nadiif ah oo yar iyo adeegyada fayadhowrka oo aan ku filnayn. Roobabka yaraanaya waxay keenayaan in biyo la’aanta ay sii kordho, taasoo keenta cudurro ay ka mid yihiin shuban-biyoodka oo si fudud uga dillaaca deegaannada abaaruhu saameeyeen. Xalalka waa in lagu saleysaa in la dhiso kaabayaasha biyaha ee nadiifka ah iyo in la hormariyo adeegyada fayadhowrka ee bulshooyinka miyiga ah iyo kuwa barakacay. Barnaamijyo Joogto ah oo Waxbarasho iyo Shaqo-abuur ah Si xal waara loogu helo macaluusha iyo nafaqo-xumada, Soomaaliya waxay u baahan tahay barnaamijyo waxbarasho iyo shaqo-abuur oo ku saleysan horumarinta wax-soosaarka gudaha. Taageerada beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, kuwaas oo si weyn u saameeyay abaaraha iyo isbeddelka cimilada, waa mid muhiim ah. Waxbarashada iyo tababarka xirfadaha shaqada ayaa kor u qaadi kara kartida dadka deegaanka, si ay ugu tiirsanaadaan shaqooyinka wax-soosaarka gudaha ee joogtada ah halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen gargaarka dibadda oo kaliya. Maareynta Khayraadka iyo La-dagaallanka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu daran ee ay saameeyeen isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro iyo roob la’aan soo noqnoqday ay sii xumeeyeen xaaladda. Maareynta khayraadka dabiiciga ah iyo la-dagaallanka isbeddelka cimilada waa tallaabo muhiim ah oo lagu xallin karo xaaladda macaluusha. Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah waa inay hirgeliyaan qorshayaal wax-ku-ool ah oo la xiriira ka-hortagga isbeddelka cimilada, iyo sidii loo dhisi lahaa nidaamyo wax-soosaarka cuntada ee waara oo ku saleysan beeraha iyo xoolo-dhaqatada deegaanka. Wacyigelinta Bulshada iyo Kordhinta Wadatashiga Bulshooyinka ay sida weyn u saameeyeen abaaraha iyo macaluusha waa in si wanaagsan loogu wacyigeliyaa sidii ay u qaadan lahaayeen hababka ka hortagga nafaqo-xumada iyo sidii ay ula qabsan lahaayeen isbeddelada cimilada Source: goobjoog.com
-
Sida ay sheegtay Hey’adda FBI-da Marykanka waxa ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalka ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ayaa sheegtay in ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magacaaba Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray kadib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka oo xiray nin Afghani ah oo qorsheynayay weerar culus appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday. Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee bishii June. 281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mooshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod. Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono. Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Kenya oo xilka xayuubin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay in ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. PUNTLAND POST The post FBI-da Marykanka oo xirtay nin u dhashay Afgaanistan oo taageersan Daacish appeared first on Puntland Post.
-
1. Madaxwaynaha 2. Gud. Maxkamadda Sare 3. Taliyaha Ciidanka 4. Taliyaha Dabdamiska 5. Taliye-XIgenka Sirdoonka 6. Taliye-xigeenk Socdaankla 7. Taliye-xigeenka Badda 8. Wasiirka Maaliyadda 9. Wasiirka Arrimaha Bulshada 10. Wasiirka Macdanta 11. Wasiirka Beeraha 12. Wasir- xigenk Amniga 13. Wasir-xigenka Waxbarashada 14. Gud. Hayada Shaqalaha 15. Gud NADFOR 16. Gud Komishanka Tamarta 17. Gud. Mihnadlayaasha caafimaadka 18. Gud. Aaga Cashuuraha ka caagan 19. Mareyaha Wakalada biyaha Hargeysa 20. Garyaqaanka Guud 21. Hanti- dhawraha Guud 22. Mareyaha Dekadaha 23. Badhasaabka Saaxil 24. Badhasaabka Selel 25. Badhasaabka Saraar 26. Ag. Guud Caafimaadka 27. Ag. Guud Ganacsiga 28. Ag. Guud Khayraadka Biyaha 29. Ag. Guud Dastuurka 30. Ag. Guud madaxtooyada 31. Ag. Guud Banka 32. Ag. Guud Caymiska 33. Ag. Guud Arrimaha Dibeda 34. Ag. Guud W Qorshaynta 35. Ag. Fulinta maxadka shaqalaha 36. Ag. Fulinta Sanduqa dhalinyarada 37. Ag. Fulinta Maxadka Beeraha 38. Ag. Fulinta Mihnad Cafimadka 39. Ag. Fulinta Xuquulul Insaanka 40. Safiirka Djibouti 41. Safiirka Sweden 42. Safiirka Taiwan 43. Safiirka Norway 44. Safiirka Germany 45. Safiirka Sucuudiga 46. Safiir -xigenka ETHIOPIA 47.Badh-xigeenka Hargeysa 48. Mar-xigenka Duulista 49. Mar. Xigenka Free Zone ka 50. Gud.xigenka banka 51. Gud. Xigeenka caymiska 52. Gud.xigenka Madbacada 53. Badh. Xigenka Gabiley 54. Gud. Xigenka Tacliinta sare 55. Ag. Wacyigelinta Solnac 56. Xubin NEC 57. Xub. Komishanka Tamarta 58. Xubin Kom maaulwanaga 59. Xubin. Hay’da shaqalaha 60. Xubin. Xuquul isnaanka 61. Xubin xuquul Insaanka ? 62. Xubin Tacliinta sare 63. Xubin Boodha DPW 64. Xubin qandaraashyada 65. Xubin Hayad Shaq 66. Xubin Gud. Ururada 67. taliyaha Ilaalada Madax 68. Xog. Madaxwaynaha 69. Badh. Xigenka Hawd 70. Kusimaha Afhayenka 71. Xog. Golaha Wasiiradda 72. Ag. Fulinta Maxadka Dawladaha hoose 73. Lataliyaha dhaqalaha 74. Lataliyaha Garka ah Mustafe Irshad 75. Gud.-xigeenka Guurtida 76. Ag. Cisbitalka Guud 77. Safiirka Faransiiska 78. Xubin Boardka Banka 79 Safiirka Imaaraadka 80 Badh.xigenka Gabilay 81 Maareeyaha Mabdacada 82. Hay’ada Qurba jooga West Burco Clan. 1. Wasiirka Qorshaynta 2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha 3. Wasiirka Deegaanka 4. Wasiirka Kaluumaysiga 5. Wasiir-xigeenka Beeraha 6. Wasiir-xigeenka Ganacsiga 7. Wasiir-xigeenka Jidadka 8. Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud 9. Taliyaha Booliska 10. Gudoomiha Banka 11. Maareyaha Duulista 12. Gud. Maamul-wanaaga 13. Gud. Xuquul Insaanka 14. Gud. Tayada 15. Badhasabka Gabiley 16. Badhasaabka Oodwayne 17. Ag. Guud Warfaafinta 18. Ag Guud ee Arimaha Gudaha 19. Ag. Hawlaha Guud 20. Ag. Ciyaaraha 21. Ag. Guud Tayada 22. Xubin Boardka Banka 22. Gud.xigenka Qandaraasyada 22. Badh.xigenka Togdheer 23. Badh. Xigenka Saaxil 24. Badh.xigenka Oodwayne 25.safiirka EUda 26. Xubin NEC 27. Xubin NEC 28. Xubin Qandarasyada 29. Xubin Xuquul Insanka 30. Xubin Tacliinta sare 31. Xubin Tacliinta sare 32. Xubin tayada 33. Gudida Urarada 34. Xubin Solnac 35. Lataliye Gaarka ah 36. Lataliye Cawil 37. Ag. Guud Diinta Iyo Awqaafta East Burco Clan 1. Gud. Guurtida 2. Gud.xigenka Wakiilada 3. Wasirka Daakhiliga 4. Wasiirka caafimaadka 5. Wasiirka cadaaladda 6. Wasiirka Warfaafinta 7. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta 8. Wasir-xigenka Arrimaha Dibeda 9. Wasiir-xigeenka Maaliyadda 10. Gud. Qandaraasyada 11. Gud. Qoxoontiga 12. Gud. NEC 13. Gud. Tacliinta sare 14. Taliyaha Sirdoonka 15. Gud. Caysmiska 16. Gud. Dicdic 17. Badh. Togdheer 18. Badh. Sanaag 19. Badh.xigenka Saraar 20. Gud. Xigenka Hay’adda Shaqalaha 21. Gud. RDA 22. Gud. Xigeenka Mihnadlayaasha 23. Mar.xigenka Dekedaha 24. Gud. Xigenka Tayada 25. Gud. Xigenka G. Urarada 26. Saiirka Kenya 27. Sfiirka UK 28. Safiirka AU 29. Ag. Guud Deegaanka 30. Ag. Guud Beeraha 31. Ag. Guud Waxbarashada 32. Ag. Guud Macdanta 33. Ag. Guud Amniga 34. Ag. Guud Boosaha 35. Taliya Ciidanka Badda 36. Xubin Komishanka Tamarta 37. Xubin Xuquul Insaanka 38. Xubin DPW 39. Xog. G. Wakiilada 40. Xubin Boardka Banka 41. Taliye-xigeenka Asluubta Arab. 1. Wasiirka Arrimaha Dibeda 2. Wasiirka Ismgaadhsinta 3. Wasiir ku Caafimaadka 4. Badhasaabka Hargeisa 5. Ag. Guud Xanaanada Xoolaha 6. AG. Guud Maaliyadda 7. Ag. K Tamarta 8. Taliye-xigeenka Booliska 9. Safiirka Turkiga 10. Ergayga Wadahadalada somalia 11 Safiirk . K. Afrika 12. Xubin NEC 13. Xubin Tacliinta sare 14. Xubin Guddida Ururada 15. Xubin Maamul-wanaaga 16. Xubin Qandarasyada 17. Hay’da shaqalaha 18. Xuquulul Insaanka 19. Xubin Solnac 20. Lataliyaha Madaxweynaha Ee ITga Ayuub 1. Wasiir Xigenka Arrimaha Bulshada 2. Maryaha Haamaha Shidaalka 3. Ag. Guud Gaadiidka 4. Xubin Gud. Ururada Toljecle 1. Wasiir-xigeenka Biyaha 2.Xeer Ilaaliyaha Guud 3 Xubin Gudida Tamarta Gabooye 1. Wasiir Xigenka Cadaaladda 2. Xubin Tayada 3. Xubin Xuquulul Insaanka Others 1. Hanti-dhawre- xigeenka 2. Mareye xigenka Hamaha 3. Ag. Guud Maamul-wanaaga Awdal Clan 1. Madaxwayne Xigenka 2. Gud. Xigenka Wakilada 3. Wasirka Ganacsiga 4. Wasirka Waxbarashada 5. Wasirka Xidhiidhka Golahayasha 6. Wasir-xigenka Xanaanada Xoolaha 7. Wasir-xigenka Warfaafinta 8. Taliya Asubta 9. Taliye-Xigenka Ciidanka Qaranka 10. Mar. RDA 11. Xisabiyaha Gud 12. Ag. Guud Beeraha 13. Ag. Guud Shaqagelinta 14. Ag. Guud Hay’da shaqalaha 15. Ag. Tacliinta sare 16. Ag.fulinta Solnac 17. Badhasaabka Awdal 18. Safiirka USA 20. Safiirka Yemen 20. Safiir xigenka Kenya 21. Safiirka Ethiopia 22. Xubin NEC 23. Xubin Qandarasyada 24. Xubin G. Ururada 25. Xubin Hay’da shaqalaha 26. Tacliinta sare 27. Xubin Boardka Banka 28. Maamul-wanaaga 29. Tayada 30. Xuquul Insanka 31. Wasiir-xigeenka Tamarta 32 Ag.Guud Kaluumaysiga Ciise. 1. Wasiir Gaashaandhiga 2. Wasiir Xigenka Hawlaha Guud 3. Badhasabka Hawd 4. Badh. Xigenka Awdal 5. Xubin Tacliinta sare 6. Xubin Xuquul Insaanka 7. Taliye-xigeenka Booliska Sool clan 1. Gud. Wakiilada 2. Wasiirka Biyaha 3. Wasiirka Maalgashiga 4. Wasiirka Ciyaaraha 5. Badhasaabka Sool 6. Badhasaabka Xaysimo 7. Badhasabka Buuhoode….? 8. Badh. Xigenka Xaysimo 9. Badh Kuxigenka Sool 10. Badh. Xigenka Sanaag 11. Gud. G Urarada 12. Gud. Xigenka NADFOR 13. Ag.Guud Cadaalada 14. Ag. Guud NEC 15. Taliyaha Ciidanka Socdaalka 16. Xubin Qandarasyada Qaranka East Sanaag Clan. 1. Gud. xigeenka Guurtida 2. Wasiirka Hawlaha guud 3. Wasiirka Jidadaka 4. Ag. Guud Qandarasyada 5. Ag Guud Gaadhaandhiga 6.Badhasaabka Badhan 7. Xubin NEC Qaran News
