-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan. Dagaalka ka holcaya dalka Suudaan ayaa sanadkii labaad galay, ayadoo Janaraal Cabdifitaax Alburhaani oo qaar kamida dowladaha gobolka ku eedeeyay inay tageero dhaqaale iyo hub isugu jirta siiyaan fallaagada RSF Source: goobjoog.com
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xilli danbe oo xalay ku weerarray Tel Aviv gantaal nooca ballistic-ga ah. Wararka ayaa sheegaya in intii uu weerarka socday ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18 qof, sababo la xiriirta isbuurasho ka dhalatay seeriga digniinta ah ee la yeeriyay. Waxaa sidoo kale la xiray muddadaasi garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo ah midka ugu weyn Israa’iil– oo ku yaalla meel u dhow Tel Aviv. Kooxda Xuutiyiinta oo sheegay inay soo bandhigi doonaan warsaxaafadeed muhiim ah ayaan dhankooda wali bixin faahfaahinta weerarkan xaaladda deg deg ah geliyay Tel Aviv. PUNTLAND POST The post Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo xalay weeraray caasimadda Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ayaa soo saaray go’aan ku aadan in sanadkan aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha bixiya adeegga xajka oo kuwa diyaaradaha qaada xujeyda ay ugu horeeyaan. Guddoga ayaa sababa ku sheegay in isbedel uu ku yimid jadwalka Xajka oo ay soo saartay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyagoo sheegay in adeegga xajka ay qaba doonaan shirkadihii shaqeeyay sanadkaan 2024, iyadoo aan lala tartamin. Hoos ka akhriso qodobada go’aanka: Guddiga adeegga xajka sanadka 1446/2025 oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, isla markaana tixgelinaya koobnaanta waqtiga yo isbeddalka ku yimid Jadwalka xajka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo gudbisay, wuxuu la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed ee xajka daneyneysa qodobadaan: 1. In sanadkan 1446/2025 aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha adeegga xajka. 2. Waxaa sanadkan adeegga xajka fulin doona shirkadihii kusoo baxay tartankii la qabtay sanadkii 1445/2024, marka laga reebo shirkadaha ku guul darraystay u adeegidda xaajiga Soomaaliyeed iyo fulinta heshiiskii shaqo ee ay la galeen Wasaaradda Awgaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya. 3. Guddigu wuxuu farayaa shirkadihii fuliyay adeegga xajka sanadkii 1445/2024, in ay faylashooda u gudbiyaan, waada Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, laga billabo Sabti 28. 9. 2024 ilaa 29. 9. 2024. 4. Ugu dambayn guddigu wuxuu go’aamiyay in tartanka furan ee shirkadaha adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sanadka 1447/2026, la gaban doono Maarso 2025. The post DF oo joojisay tartankii shirkadaha adeegga Xajka, kadib go’aankii Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo warbixin ka siiyey xaaladda dalka. Madaxweynaha ayaa dhalinyarada uu qaabilay la wadaagay xaaladda guud ee dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada ka dhageystay aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay dhalinyarada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin. Dhalinyarada ayaa madaxweynaha u gudbisay talooyin badan, iyagoo uga warbixiyey duruufaha ka qarsoon madaxda ee dalka ka jira iyo sida ay ku haboontahay in loo xaliyo, sidoo kale waxay madaxweynaha ku dhiirigeliyeen guulaha ay xaqiijisay dowladooda. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kulan balaaran isugu yeeray dhalinyarada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin. Source: goobjoog.com
-
madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida. Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano) wuxuu sanadkii 1983-dii ku dhashay deegaanka gallaadi ee gobolka Doollo oo ka tirsan dhulka Soomaali galbeed ama dowlad deegaanka. Waxbarashada aas-aasiga ah wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halka uu dugsiga sare uga baxay gudaha Puntland, sida uu asaga qudhiisu tilmaamay xilli uu sooyaalkiisa faahfaahin ka bixinayay. Waxbarashada heerka jaamacadda ayuu ku soo qaatay dalka Hindiya, gaar ahaan jaamacadda Cismaani University, asagoo ku dhowaad 15 sano ku soo dhex jiray ciidamada. Sidoo kale wuxuu muddo dheer hoggaan u ahaa Ciidanka PSF oo kamida guutooyinka ugu tayada feecan ciidamada Soomaaliya, waana sargaal aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha nabad-gelyada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ee dariiqooyinka Suufiyada iyo Waabiyada ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay inay midoobeen. Culumada labada dhinac ayaa warbaahinta la hadashay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana arrintaan garwadeen ka ah wasaaradda diinta. Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Ibraahim Nadaara oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, jecelna diinta Islaamka, culimadooda oo midoowda waxay ka dhigan tahay shacabka oo midooba.” Culimadii kulanka ka hadashay waxaa kamid ahaa Sheekh Aadan Sugoow oo ka tirsan culimada dariiqada ee Suufiyada wuxuuna yiri “Waxaa farxad noo ah in culumadu ay dhaqangeliyaan midnimadooda Sheekh Aadan Sugoow, arrintaan waa guul dalkeenna u soo hoyatay oo dowladda aan ku garab istaagi karno.” Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa kamid ah culimada galabta ka hadashay kulanka ay ku midoobeen culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha ay ka doodeen iyo waxa ay isku raaceen. “Waxaan ku heshiinay in mar dambe aan la is gaaleysiin oo aan la isku xadgudbin, dadka aan ceebahooda la raadraadin, qolo kastana fikirkeeda lagu ixtiraamo, culimadu markii ay midowdo, in dowladda ay garab istaagi karaan ayaan xaqiiqsanay,” ayuu yiri Cali Wajiis. Sheekh Cali oo sii hadlayey ayaa sidoo kale sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in la midoobo oo la sameysto gole guud oo loo dhanyahay, waxaa naga go’an in dowladda aan ku garab istaagno difaaca qaranka.” Hoos ka daawo The post Daawo: Culimada Suufiyada iyo Wahaabiyada oo ku heshiiyey hal arrin appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday in si deg deg ah looga taageero wax ka qabashada xaalado adag oo wajahayaan ku dhowaad 4 milyan oo qof oo Soomaali ah. Soomaaliya ayaa baaqan caalamka ugu dirtay shir heerkiisu sareeyo oo ka dhacay magaalada New York, kaasi oo looga hadlayay qaxootiga u barakacay isbedelka cimilada, iyadoo ay ka soo qayb-galeen madax iyo wakiilo caalami ah. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkan, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada. Wasiirka ayaa tilmaantay in 4 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku barakaceen, iyagoo wajahaya xaalado adag oo ay keeneen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii aan si degdeg ah loo wajihin, tirada dadka barakacaya ay kor u dhaafi doonaan 7 milyan oo qof sanadka 2050. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan mashaariicda gacan weyn ka geysanaya la tacaalidda caqabadaha isbedelka cimilada. Waxaa la wada dareensan yahay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto iskaashiga caalamiga ah, si loo xoojiyo ka jawaabidda dhibaatooyinka cimilada, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameysay cimiladu. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku adkaysatay in la sii wado wada shaqeynta caalamiga ah si loogu diyaar garoobo natiijooyinka laga filayo shirarka waaweyn ee soo socda ee COP29. The post Soomaaliya oo dalab deg deg ah u dirtay caalamka – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
461024681_543139594915993_3289118838916824912_n Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa 48 saac ee u dambeeyay sare u kacay xamaasada ololaha doorashooyinka Somaliland, ayada oo ay iska soo daba dhacayeen heeso lagu dhaliilayo maamulka Muuse Biixi Cabdi. Heesahan oo badankood ay qaadeen fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska, oo ay si weyn isku seegeen maamulka Biixi, ayaa waxay si qayaxan ula hadlaysaa madaxweynaha markale u tartamaya in la doorto. Heestan oo ay qaadeen hobollo kamid ah koox-faneedka ugu caansan deegaanada Soomaalida ee Xiddigaha Geeska ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaysa inuu dagaalkii Sool ku fashilmay, midnimadii Somaliland uu dhantaalay. Bal aynu isdul taano waxaa ereyado kamid ah luuqda heestan oo odhaneysa “Doorkii horaan siganay, oo sahan la’aan guurnay, maantana ku socon meyno, Soomaaliland baa leh. Sowtaan kuu dhiibnay, qaran saanad iyo xoog leh oo suga xuduuddisa, Somaliland oo dhan, dadku samo ku naalloodo, nabad iyo midnimo suuban.” Sidoo kale waxay odhanayaan miraha heesta ugu kulul ee xaraarada u yeeshay ololaha doorashada Somaliland, “Seeskii cigaal taagay, Daahir iyo Siilaanyo sare beey u qaadeene, adigana sided yeeshay?. Sool bari xaggeed geysay. Saxanow difaac qaran waa sidee? Ma sideetan iyo boqol mayl, xadkii dib u soo baxbaa? Maya waa si kale! Ma saraakiishii iyo ciidankii oo jeel ku jira ii sacab tumaa?.” Ereyadaas waa qayb kamid ah heesta saacadihii ugu dambeysay hareysay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo murtiyeeysan. Eedaha ay heestan sida weyn u baahday ay u saarineyso Biixi ayaa loo arkaa kuwa saameyn ku yeelan kara doorashada soo socota ee uu markale u tartamayo Muuse Biixi, maadaama ay yihiin eedo siyaasadeed oo culeyskooda leh. Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla muddadaas 48-ka saac ah ay soo baxeen illaa saddex hees oo kale oo si cad u dhaliilaya maamulka Muuse Biixi, kuwaas oo shacabka ugu yeeraya inay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u codeeyaan. Heesahaan ayaa badankooda waxay ka siman inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi. Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan. The post SOOL xaggeed geysay? – Saameynta heesaha iyo guuxa doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Shrika wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF. Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada. Jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ayaa ku biiray Golaha Wasiirada isagoo loo magacaabay wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Jeneral Asad Diyaano, ayaa laba jeer oo kala ahaa sanadihii 2019 iyo 2024 u tartamay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, labadaas jeerba wuxuu la tartamayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano? Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya siddeetanmeeyadii, xilligaas uu dhalanayey Asad, aabbihii Jeneraal Cismaan Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii SSDF ee fadhigeedu ahaa dalka Itoobiya. Waxbarashadiisa hoose wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho halka waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhammaystay magaalada Boosaaaso ee Puntland. Waxbarashadiisa heerka jaamacadeed waxa uu ku soo qaatay Jaamacadda Osmania ee dalka Hindiya. Maaddaama aabbihiis uu ka mid ahaa ciidamada uuna madax ka ahaa Hay’adda PSF, Jeneraal Asad wuxuu ka mid noqday ciidamadaas. Agaasimaha guud ee Ciidamada PSF, ayaa loo magacaabay intii Puntland xukumayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo xilkaas hayey ilaa sanadkii 2018-kii basle ilaa 2007-dii ayuu ka mid ahaa ciidamada PSF. Waayo-aragnimadiisa ayaa u badan dhanka ammaanka isagoo muddo 14 sano ka shaqaynayey arrimaha ciidamada. Waxaa kale oo uu soo noqday la taliye sare oo dhanka ammaanka ah ee Puntland. Asad, wuxuu hoggaaminayey ciidamad PSF, xilli Puntland ay dagaallo ba’an kula jirtay ururka al-Shabaab oo xoog ku lahaa buuraha Calmadow ee teedsan gobollada Bari iyo Sanaag. Ciidamada PSF, ayaa sidoo kale xilligii uu hoggaaminayey waxay dagaallo la gashay dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab oo ciidamada Puntland ay kula dagaallameen xeebaha Mudug iyo Nugaal. Ninkan horrey looma aqaan wajigiisa intii uu hoggaaminayey ha’ayadda PSF oo uu taageero Maraykanku balse wuxuu ka soo muuqday warbaahinta sanadkii 2018-kii markaas oo ku dhawaaqay inuu u taagay yahay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii dhacday sanadkii 2019-kii. Asad, wuxuu doorashadaas lahaa saamayn weyn ka dib markii laba cod uu kaga adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni. Muddo xileedkii Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa mucaaradkii xukuuumada markii danbe oo Puntland laga hirgaliyey nidaamka doorasho qof iyo cod ah, Jeneral Asad Diyaano wuxuu ka mid ahaa madaxda iyo asaasayashii Xisbiga Mideeye oo ka mida kuwa ugu tunka weyn ee galay doorashadaas. Sanadkii 2024-tii wuxuu sidoo kale mar kale isu soo taagay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, isagoo markaasna uu ka adkaaday Siciid Cabdullaahi Deni balse doorashadan wax sidaasi u weyn kuma lahayn. Dadka yaqaanna waxay tilmaamaan inuu yahay nin ad adag oo aamus badan. Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa muddo kooban ku sameeyey saamayn siyaasadded oo ballaaran waxaana lagu tilmaamaa inuu ku helay sidii mutuxnayd ee u mucaaraday xukuumada uu hoggaamiyo Siciid Cabdillaahi Deni ee Puntland oo kalkiisii labaad xukunka haya. Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in magacabistiisu timid xilli xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federalka uu gaaray halkii ugu xumayd. Isha: BBC The post Waa kuma Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Deni ee maanta la magacaabay? appeared first on Caasimada Online.
-
Suldaanka guud iyo gudida beelaha West Burco Clan ayaa maanta qada sharafeed soo dhawayn ah u sameeyay Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray. Xafladdani oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay waxa ka soo qayb galay salaadiin, cuqaal, xildhibaano,ganacsato, siyaasiyiin dhalinyaro iyo dad aad u tiro badan xafladani oo ka dhacday Hotel Kaah ee magaalda Hargeysa waa tii labaad ee nooceedani oo kale ah ee lagu maamuuso suldaan Xiiray. Xafladda oo hada uun bilaabmatay la soco iyada oo fhamaystiran dhawaan Suldàanka guud oo salaamaaya dadweynahii xafladda ka soo qayb galay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, sidoo kale ah la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha diinta ayaa si kulul uga hadlay xiisadda sii laba kacleyneysa ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Cali Wajiis oo toos ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in hadalkiisa uu muujinayo inay wada-shaqeeyaan iyaga iyo kooxda Al-Shabaab. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu dhowaan yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Sheekha oo jawaab adag ka bixiyay hadalkan ayaa sheegay in Itoobiya iyo argagixisada ay iska war qabaan, ujeedkana uu yahay in la burburiyo qaranimada Soomaaliya. “Shalay waa dhageysaneyseen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya hubka dowladda Soomaaliya soo gadatay wuxuu yiri hubkaasi argagixisada ayuu aadayaa, halkaas waxaad ka gartaa in Itoobiya iyo argagixsada ay iska warqabaan” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay rabto in fasiraad qaldan ay ka bixiso hubka ay heshay dowladda dhexe, maadaama laga qaaday cunqabateyntii hubka. “Wuxuu rabaa in dowladda Soomaaliya meesha ka baxdo, argagaxisadana uu cayiliyo, kadibna dacaayad u sameeyo, si uu u maqashiiyo caalamka, taas micnaheedu waxaa weeye waa wada shaqeeyaan”. ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in difaaca dalka ay ku garab siiyaan dowladda federaalka, si loo soo xiro xuduudaha dalka. “In dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha lagu garab istaago dhammaan xuduudaha Soomaaliya lasoo xiro, qodobkaas waa qodob lagama maarmaan ah” ayuu raaciyay. The post Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo Itoobiya ku eedeyay arrin halis ah oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
-
madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida. Sargaalkan oo kamida dadka sida weyn uga aragti duwan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa nin galaangal badan siyaasadda deegaanada maamulkaas, gaar ahaan ciidamada ugu awoodda badan laamaha nabad-gelyada Puntland ee PSF. Janaraal Asad Cismaan Diyaan dadka sida dhabta u yaqaani waxay ku tilmaamaan nin karti leh oo wax badan ka badeli kara ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, magacaabistiisuna waxay ku soo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo weli taaganyahay. Source: goobjoog.com
-
Musharac Cirro iyo sidii Gabiilay loogu soo dhaweeyay Daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
461199885_3433928050084179_6023452379610014162_n Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay kadib markii xil cusub iyo dalacsiin darajo uu isku helay taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Sulub Axmed Firin oo haatan lagu beddalay Asad Cusman Diyaano oo ay maanta magacaabiistiisa meel-mariyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya. Kahor inta aan xilka laga qaadin Sulub wuxuu madaxweynaha Soomaaliya u dallacsiiyay darajada Sarreeya Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa ninkan saacado uun kadib u magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si uu uga mid noqdo golihiisa wasiirada. Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo hadda ra’iisul wasaaraha uu hiilo wayn siiyay taliyihii hore ee ciidamada Booliska. Haddaba sidee looga falceliyay dallacsiinta iyo magacaabista Sulub? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna dadka hadlay ay ka bixiyeen fasiraado kala duwan. Ayaanle Cabdullahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Soomaaliya ayaa laga helaa qof saacado kahor taliye ahaa saacado kadibna wasiir Ah”. Cabdimahad Guure Barre ayaa yiri “Dalacsii oo xilka ka qaad, wasiir ku xigeenna ku abaal mari ayaa la yiraahdaa alaabtaan”. Cabdicasiis Nuur “Xamza xariif waaye ina adeerkiisa wax la’aan ma dhigin saasaa laga rabaa nin waliba ninkiisa ha noleysto”. Mustaf Aadan ayaa isna su’aal ka keenay “Saacad ka hor ciidan ayuu ahaa hadana wasiir maa ka dhigteen?” Maxamed Cusmaan “Maanta generaal baa darajo garbaha loogu xirayay caawana wasiir gaadaid, markaan dowladnimadu wax miisaan iyo macno toona kuu lahayn”. Cali Xasan Waare ayaa isaguna ku jawaabay “Dowlad nimada Soomaaliya waxay noqotay bariiskeyga meel ku sheeg”. The post Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay dalacsiinta iyo magacaabista SULUB appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib oo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha. Taliyaha cusub ayaa sida aan horay idin-kula wadaagnay, kadib xog ay baahisay Caasimada Online waxaa loo magacaabay Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, kaas oo ay magacaabistiisa maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Shirka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ansixinta kadib warbixinnno kala duwan laga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga. Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalaya taliyihii hore ee ciidanka Booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya. Sulub kahor inta aan xilka laga qaadin waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu usii dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu horay usii wado howsha Booliska oo ay ugu horreyso sugidda amniga caasimada Muqdisho. Si kastaba, waxaa magacaabista Asad Diyaano kasii horreeyay tallaabo kale oo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu la-taliyeyaashiisa arrimaha dimuquraadiyadda iyo federaalka u kala magacaabay Axmed Jaamac Maxamed (Cillal) iyo Cabdisamad Maxamed Gallan oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland, kana mid ah mucaaradka madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni). The post Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacabista taliyaha cusub ee BOOLISKA appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, culimaa’udiinka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere. “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed. Wuxuu ahaa caalim qiimo badan oo door weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka marxuumka, culimaa’udiinka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa eedeymo culus oo u jeediyay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay kala dhexeyso xiisad xoogan. Fiqi ayaa marka hore ku eedeeyay Abiy inuu laayey dadkiisa, isla markanaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu laayay illaa hal milyan qof, sidoo kalena uu barakacayay 7 milyan oo kale. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hadda doonayo inuu dhibaatada usoo xawilo Soomaaliya, balse wuxuu kula taliyay inuu xisaabtamo. “Dalkiisii isaga ayaa burburinaya dadkiisa malyan kamid ah ayuu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay 6 illaa 7 milyan dadkiisa ayuu qixinayaa dadkiisa ayuu maalin kasta diyaarado ku garaacayaa oo laynayaa ninkaas sida qarda jeexa ah iyo xaaladdaas ku sugan in uu dhibaatadii dalkiisa uu ku abuuray uu raadsado xal kale oo uu Soomaaliya lasoo aado runtii isaga ayay tahay inuu kun jeer xisaabtamo” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Dhinaca kale wasiirka oo soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa su’aal geliyay in ra’iisul wasaaraha Itoobya in uu ka garaabi doono qaladka uu galay iyo xadgudubka uu gaystay isaga oo lasoo xiriirayo dowladda federaalka Soomaaliya. “Aniga ma ii muuqato isagoo sidaas sameeyay una bareeray waxaas in uu inta qarda jeexaas kasoo jiireyso uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro iima muuqato dariiqaas” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxay ahayd inuu ka fakiro laba in aysan is qaban Karin dal aan nabadgelyadiisa ciidamada ilaalinayo kamid ahay, isla markaana aan ku xad-gudbayaa madaxa bananaadiiisa”. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Anakara, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay adduunka tusisay inay xal diyaar u tahay, laakiin weli caqabadda ay ka jirto dhinaca waddanka Itoobiya. “Shirarkaas isku day uunbey ahaayeen oo aan adduunka ugu muujineynay in aan diyaar u nahay iyada oo shaatigeenna nagula haysto in aan haddana diyaar u nahay dal walaalaheenna ah oo haddana Tukri ah ay iyagu aadeen Itoobiyaanka oo ay yiraahdeen na dhex-dhexaadiya” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Soomaaliya oo su’aal gelisay in Abiy uu ka garaabi doono qaladkiisa xilli xiisadda kasii dareyso appeared first on Caasimada Online.