-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali Youth Link, a government-funded organization, deploys Somali elders to help keep young people out of trouble in the Twin Cities. Farhio Khalif founded the group during the pandemic, after a rise in incidents involving Somali youth, including arrests for shooting fireworks at police, and now works closely with local law enforcement. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itooboya. Xamza ayaa shirka ka dhex sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu soo xad-gdubtay madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay qatar ka abuurtay gobolka. “Soomaaliya ayaa hadda wajaheyso qatar xoogan oo kagag imaaneyso falalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, kuwaas oo si bareer ah ugu xadgudbaya sharafta dhulkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay inay sameysay isku day aan laga fiirsan oo ay ku dooneyso in qayb kamid ah Soomaaliya ay ku darsato dhuleeda, sida uu hadalka u dhigay. “Isku deyga Itoobiya ku dooneyso inay ku darsato qayb kamid ah Soomaaliya iyada oo loogu gambanayo sugidda helitaan ee marin biyood waa arrin sharci darro ah oo aan loo baahneyn” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiska uu Abiy Axmed la galay Somaliland uu halis ku yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya, taasina ay diiday dowladda federaalka. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in markii hore dekedaha Soomaaliya ay u furnaayeen Itoobiya, ayada oo loo marayo iskaashiga dhanka ganacsiga, balse hadda arrintaas ay meesha ka baxday Itoobiyana ay ku kacday xadgudub wayn. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya Itoobiya, waxaana fashul kusoo dhammaaday wadahadallo ay horay ugu yeesheen magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga. The post SOOMAALIYA oo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya geysay QM appeared first on Caasimada Online.
-
461245065_1069234298203336_6578522093442406208_n Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has called on world leaders to transform global challenges into opportunities through unity and cooperation. Speaking at the United Nations General Assembly in New York, he highlighted issues ranging from international conflicts and climate change to regional tensions, notably accusing Ethiopia of violating Somalia's territorial integrity. Source: Hiiraan Online
-
Israa’iil ayaa sare u qaaday weerarada aan kala joogsiga laheyn ee ka socda caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda. Warbaahinta Caalamka ayaa si xooggan u hadal heysa in meelaha la beegsaday uu ka mid yahay guriga hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut. Ugu yaraan Sagaal qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah. Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas. Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Millions of Somalis are at risk of severe hunger as forecasts predict below-average rainfall due to the La Niña weather phenomenon, potentially pushing the country back to near-famine conditions seen in late 2022. The United Nations has issued an urgent call for humanitarian aid to avert what could become a devastating food security crisis. Source: Hiiraan Online
-
In the Horn of Africa, where fragile political alliances and military tensions are the norm, conflict between Ethiopia, Egypt, and Somalia has found a new battleground: social media. Platforms like TikTok, X (formerly Twitter), and Facebook are now key players in a digital war where misinformation is stoking nationalist fervor and increasing the risk of real-world violence. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday. Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka. Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi. Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda. Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso Al-Shabaab. The post Xogta dagaal culus oo xalay Al-Shabaab iyo ciidamada DF ku dhex-maray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Bagdad (Caasimada Online) – Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi shalay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka. Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah. Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan. Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka. Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq. Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga. The post MAREYKANKA oo soo afjarayo howlgalkiisa Ciraaq appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khodbad dheer ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, asagoo ka hadlay arrimo dhowr oo ay ku jiraan hormarka ay dowladdu gaartay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo dowlad wanaagga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu sannadihii la soo dhaafay ku tillaabsatay hormar baxaad leh oo dhinaca dhaqaalaha ah, asagoo tusaale u soo qaatay kororka dakhliga gudaha deyn cafintii ka dib iyo ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada bariga Afrika, wuxuuna maalgashadayaasha ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha Soomaaliya ka jira. Dhinaca dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in labadii sano ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu guulo waaweyn ka soo hooyeen, islamarkaana ay degmooyin iyo deegaanno badan badan ka saareen kooxda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii hadal-jeedintiisa ku jiray si kulul u wareeray maamulka Abii Axmed, asagoo sheegay in Itoobiya ayadoo la dagaallanka argagixisada ku soo gambanaysa ay fara-gelin iyo xadgudub ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dekedaha Soomaaliya ay u furanyihiin ganacsi kasta oo sharci ah, balse aan la aqbali karin damaca foosha xun ee Addis Ababa ay waddo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Hay’ adaha Qaramada Midoobay wax laga badelo si ay ula jaanqaado siyaasad Juquraafiyadeedyada cusub ee dunida iyo xaaladaha taagan, asagoo tilmaamay in Soomaaliya ay kursiga golaha ammaanka u adeegsan doonto wax ka qabashada xasradaha dunida ka jira iyo hagaajinta iskaashiga caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
AQPUt7GAyDFLa9i9uAEuIadZ5zjmW0OmbSaOLLHg1C1TbWywkBCoJnPX9dh0wWBREp-Hb3e63Evd8Nr2fIFQSZXh Qaran News
-
Yesterday in Mogadishu, Ambassador Daccò Coppi held a ceremony for 22 Somali University students “who have been awarded a Scholarship by the Italian Government” . Mogadishu (PP Editorial) — The scholarships that the Italian government has awarded to graduates of Somali universities mark a new era in reviving the higher education ties between Somalia and Italy. Italy played an important role in enhancing the institutional development of the pre-1991 Somali National University, particularly the departments that used Italian as the medium of instruction. It was an open secret in the mid-1980s and afterwards that departments using English as the medium of instruction lagged behind in standards compared to those using Italian as the language of instruction. The teaching of Italian for a year before students began their university education was a key differentiator. Students carrying their libro bianco to the former campus of the Somali National University, near Casa Italia in central Mogadishu, was a common sight. This language programme, along with Italian language classes at Il Centro Culturale Italiano near Radio Mogadishu, ensured that students attained a high level of proficiency in Italian for academic purposes. The much-lauded assessment system of oral and written examinations, dreaded by many students, was as highly regarded as the Oxbridge tutorials. The cooperation between Somalia and Italy in higher education produced capable graduates in various fields. It would be beneficial to reintroduce the option of using Italian as a medium of instruction at some universities in Somalia to address the execrable standards in departments that currently use English as the medium of instruction. Earlier this year, SIMAD University and Luiss University formed an “academic collaboration that included joint research initiatives, knowledge exchange, and dual degree programmes.” Before 1991, all departments of the Somali National University were located in Mogadishu, with the exception of the College of Education and the Department of Agriculture. For the higher education cooperation between Somalia and Italy to succeed, the Federal Government of Somalia and the Italian Government can explore ways to allow universities in Federal Member States to benefit from scholarship and collaboration opportunities. © Puntland Post, 2024 The post Reviving the Higher Education Ties Between Somalia and Italy appeared first on Puntland Post.
-
In recent decades, Somalia has navigated a challenging journey fromturmoil to asserting its sovereignty and self-sufficiency. The nation once faced deep internal conflicts, especially after the overthrow of its central government in 1991, where a lack of consensus among various factions led to instability. Source: Hiiraan Online
-
Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka. Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah. Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan. Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka. Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Millitariga Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay madaafiic xiriir ahaa ku garaaceen xarumaha uu ururka Xisbullah ku leeyahay magaalada Beyrut, kuwaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Xibullah Xasan Nasrallah. Tan iyo markii ay duqeyntaasi dhacday markii u horeysay ilo wareedyo Iran iyo Lubnaan ah ayaa soo wariyay in uu go’ay xiriirka hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah oo ay Israa’iil sheegtay inay duqeyntaa oo aan horey uga dhicin dalka Lubnaan ku beegsatay. Warbaahinta Israa’iil oo uu ku jiro raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa ku warramay in ay saraakiisha Israa’iil aaminsanyihiin in uu geeriyooday Nasrallah. Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah ilaa iyo hadda ma jiro wali war ka soo baxay, taasi oo shakiga siyaadisay. Haddii ay dhacdo in uu duqeynta ku dhintay Nasrallah sidoo kale waxaa la dhintay labadii qof ee ka beddeli lahaa hoggaanka sare ee Xisbullah oo uu ku jiro , Cali Karaki, sida laga soo xigtay Israa’iil oo sheegtay goobtaa ay duqeysay inuu sarkaalkan iyo xubnaha sare ku sugnaayeen. Weerarkaasi khasaare uma horseedayo kaliya Xisbullah, sidoo kale Iran ayaa khasaare weyn la kulmi karta, sababtoo ah Nasrallah waxaa la sheegay in ay la joogeen saraakiil sare oo ka tirsan Iran gaar ahaanna Ilaalada Kacaanka Iran. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo duqayn xooggan ku beegsaday Hoggaamiyaha Kooxda Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay dhigiisa Wadanka Turkiga Hakan Fidan. Labada masuul oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay ka miradhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo gogoshu ay taallo Ankara. Sidoo kale labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo aad saaxiib u ah. Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga. Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hadda la qorsheynayaa in la isku arko wareeg 3-aad. Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.” Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Fiqi iyo Hakan Fidan oo labo arrin uga hadlay kulan ay ku yeesheen New York appeared first on Caasimada Online.