-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si adag uga horyimid tallaabo uu qaaday maamulka Puntland, taas oo ka careysiisay SSC. Xiisadda ka dhex qaraxday labada dhinac ayaa salka ku haysa deegaano ay isku haystaan labada dhinac, kaas oo SSC-Khaatumo ay sheegtay inay ka taliso, oo ay kusoo gardarootay Puntland. Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku kacay tallaabo uu ku tilmaamay xad-gudub iyo meel ka dhac, taas oo ay ku sheegatay qeybo kamid ah maamulkooda, sida uu sheegay. ”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah waa xad-gudub iyo meel ka dhac, waana uga digeynaa maamulka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu digay wasiirka hay’ado uu sheegay inay qeyb ka yihiin arrintaan, oo keeni karta khatar amni oo ka dhalan karta muran dhuleed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo. “SSC-Khaatumo diyaar ayey u tahay inay difaacayo dhulkeeda iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri Wasiir Najiib, oo si adag ugu digay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku kacday xad-gudub ka dhan ah maamulkooda. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu maamulka Puntland wado qorshe uu qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn kaga hirgelineyso mashaariic ay fulinteeda leedahay hay’adda UNICEIF ee Soomaaliya, taas oo si weyn uga careysiisay SSC-Khaatumo, oo iyadu u aragta tallaabadan mid ay Puntland ugu soo xad-gudubtay deegaanadeeda. The post SSC-Khaatumo iyo Puntland oo ay ka dhex tafatay iyo SSC oo soo saartay digniin appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Bari iyo Sanaag. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka booqday Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa saraakiisha faray in la isu diyaariyo guluf lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Taliska 54-aad ayaa kooxaha argagixisada ah ku tilmaamay daanyeero buuraha saaran islamarkaana waxa uu sheegay in ciidamada Puntland uga daba-tagayaan buuraha. “Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaynaa buuraha ciidamada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay isu diyaarinayso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraatka Carabta, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan Golahaas. Labada Guddoomiye ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood shucuubtooda iyo sii adkaynta xiriirkaas, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo wadatashiga labada dhinac ee ku aadan arrimaha dan-wadaagga labada dowladood, si looga gun-gaaro kaalinta wax ku ool ah ee diblomaasiyadda baarlamaanka, inta lagu guda jiro hoggaaminta iyo ka qayb galka hawlaha Baarlamaanka gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale labada guddoomiye ayaa xoojiyey muhiimadda xiiriirka, iskaashiga iyo aqoon iswaydaarsiga labada gole, iyadoo arrimahaas loo xilsaaray Guddiyada Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan, islamarkaana ay yeeshaan kulamo dhaxdooda ah oo lagu soo diyaarinayo qorshayaasha dhinacyada muhiimka ah ee ay labada Gole iska kaashan doonaan. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay shir sanadeedka nabadda ee PDRC ayaa waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe. Deni ayaa waxa oo uu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay in ay maal-geliso wada-hadallada uu ku dhowaaqay, kuwaas oo uu sharuud uga dhigay inay ka dhacaan fagaare ay marqaati ka tahay Soomaalida. “Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale waxa uu ka digay madaxweynaha Puntland in haddii xaaladda taagan wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, iyada oo ay meesha ka baxday wada-shaqeyntii dowliga aheyd ee labada heer, islamarkaana ay Puntland sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DENI oo ku dhowaaqay wada-hadal iyo shuruud culus oo uu hordhigay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor ku baaqay inay dadka Soomaaliyeed ka fogaadaan hadallada qabyaaladda ku dheehan tahay, kuwaas oo sii kala fogeynaya shacabka, faa’iidoona siinaya cadowga. Hadalka madaxweynaha ayaa daba socda kadib markii dad isaga ku xisaab ah ay qabiileeyeen difaaci dalka, kadibna ay ku hanjabeen inay xildhibaanno deegaan gaar ah metala guryahooda ugu dhici doonaan. Jawaab celintii ay dhinaca kale ka bixiyeen arrintaan ayaa buuq qabiil abuurtay. Fariinta madaxweynaha waxay aheyd baaq waxayna aheyd mid loo baahna, laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa kalmada madaxweynaha mid kale oo dhab agdhigtay. Qofka madaxda ah ee qabyaalad diidka ah waxaa laga rabaa inay taasi ka muuqato xukunkiisa iyo dhaqankiisa. Laba qabyaalad ayaa taalla Soomaaliya, mid waa midda afka ee ka socoto baraha bulshada, midna waa tan xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha khudbadiisa Jimcihii kuma soo hadal qaadin hab xukunkiisa qabyaaladeysan, waana iska indho tiray, wuxuuna taas bedelkeed aad uga hadlay qabyaaladda ka socoto baraha bulshada. Haddaba, Yaa daran qabyaaladda afka iyo midda qalinka? Dabcan ma jiraan wax ka daran in nidaamka dowliga ah lagu dhex faafiyo qabyaalad iyo eex, taas oo umadda Soomaaliyeed usii kala fogeynaysa si weyn. Qabiil iyo qabyaalad farqi ayaa u dhaxeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo xileedkii hore lagu haystay, haddana lagu haystaa in aanay umadda Soomaaliyeed u sineyn oo reerkiisa hoose ku naas-nuujiyo xukunkii iyo dowladnimadii ka dhaxeysay umadda Soomaaliyeed. Qandaraasyada ay dowladdiisa bixisay illaa iyo hadda wuxuu madaxweynaha ku taxay reerkiisa hoose. Shaqaalihii ugu badnaa ee la qoray tan iyo markii uu xukunka kusoo laabtay wuxuu 80% siiyay reerkiisa hoose. Sidoo kale la-taliyeyaashi ugu badnaa ee madaxweynaha magacaabay waa isku dhari, ciidankii ugu badnaa ee waayahan uu qoreyna waxa uu ka qoray beeshiisa hoose, haddana isla madaxweynahaas ayaa dadka uga digaya qabyaalad. Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu iswaafajiyo ficilkiisa hoggaamineed iyo farriimihiisa. Dadka Soomaalidu hadda waxay soo gaareen marxalad aanay wax walba oo hadal ah sidiisa u qaadaneyn oo ay eegayaan waxa ka dhab ah ama hab-dhaqanka qofka hadlaya. Si ay dadka Soomaaliyeed dhab ugu qaatan hadalka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu marka hore hakiyaa madaxweynaha hakiyaa qabyaalada iyo eexda ka dhex jirta dowladdiisa ayey leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee liqi waayey farriintii Jimcihii ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo dhinaca kale xogagaal u ah waxa ka dhex socda dowladdiisa. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasta oo wax badan ka haleeyay dowladnimada Soomaaliya, haddana weligiis laguma eedeyn inuu yahay siyaasi reerkiisa u boobay dowladnimaddii umadda ka dhaxeysay. Soomaaliya waxay u baahan tahay inay shacabka qabyaaladda afka ah dhaafan, madaxduna qabyaaladda qalinka dhaafto. The post Xasan Sheekh: Ma isagaa dacwo iska ah mise? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa war rasmi ah kasoo saartay hub iyo saanad ciidan oo shalay ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho. Masar ayaa xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. “Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Sidoo kale waxaa qoraalka Masar lagu sheegay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah. Bayaanka Masar ayaa imanaya saacado un kadib markii uu dekedda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan oo Masar ugu tala-gashay ciidamada xoogga dalka. Muddooyinkan dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo dhawaan un aheyd markii diyaarad ka timid Qaahira oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho. Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid Masar ayaa noqonayaa kii labaad, iyadoo kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka kooban yahay oo ay ku jireen kuwo waaweyn. The post MASAR oo war rasmi ah kasoo saartay hubka ay shalay geysay XAMAR appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu u gefo dad Soomaaliyeed, uuna Soomalinimada ka saaro. Saciid Deni ayaa arrintan ku macneeyay khatar kale oo kusoo korortay Soomaaliya, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku dhaliilay sida aysan illaa hadda tallaabo uga qaadin mas’uulka ka tirsan dowladdiisa ee u gefay beel Soomaaliyeed. “Waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay in aan tallaabo laga qaadin,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waa arrin ugub ah oo tallo u baahan, una baahan in kor loo sheego. Waxaan ku waafaqsanahay walwalka ay dad badan ka qabaan jihada Soomaaliya u socoto iyo Geeska Afrika. ” Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay hab hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay Soomaaliya u socoto, oo uu sheegay inay tahay jiho khatar ah oo keeni karta meel aan laga soo kaban karin. “Waa jiho abuuri karta kala qeybsanaan bulsho uu Ilaahay siiyay waxkasta oo bini’aadam ku midoobo, hadey tahay luuqad, diin, isir iyo wax walba oo bini’aadam ku midoobi lahaayeen, haddana waxaa muuqaneysa in 30 sano bulshadaas isku keeni la’nahay oo ay kala fog tahay.” Dhawaan ayey aheyd markii agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali uu warbaahinta ka sheegay hadal ay si weyn uga caroodeen reer Koonfur Galbeed. Agaasimaha ayaa markaas ilmo Itoobiyaan ah ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed, taas oo si weyn looga qeyliyay, maadaama ay tahay mid dhaawaceyso midnimada dalka. The post DENI oo dowladda Xasan ku eedeeyay inay raali ka tahay dhaqan aad u foolxun appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan. Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweynaha golaha hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi. Kulan doceedka ayey ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uga wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen. Kukanka ayaa intii socday waxay labada masuul diirada ku saareen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas. Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen. Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurta-gelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya. The post Xogta kulamo xasaasi ah oo R/W Xamza uu ka wado New York + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
MARJAYOUN, Lebanon (AP) — Israeli strikes Monday on Lebanon killed more than 490 people, including more than 90 women and children, Lebanese authorities said, in the deadliest barrage since the 2006 Israel-Hezbollah war. The Israeli military warned residents in southern and eastern Lebanon to evacuate ahead of its widening air campaign against Hezbollah. Source: Hiiraan Online
-
Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal-haysa hubkii ay dhowaan dowladda Soomaaliya kala soo degtay dekedda muqdisho, kaas oo ay ku tilmaamayaan mid wax weyn ka badeli doona xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Shabakadda Aljazeera oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay xaqiijiyeen in hubkan ay ku diyaaradan gantaallada lidka diyaaradaha iyo madaafiicda culusi, islamarkaana uu sare u qaadi doono awoodda dhinaca militariga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar ayaa soo gaarsiiyay Soomaaliya keyd labaad oo hub ah oo ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo tani ay u badan tahay inay sii hurinayso colaadda u dhexeysa labada dal iyo Itoobiya. Sidoo kale saanaddan ciidan ee baaxadda leh ayay falanqeeyeyaashu ku tilmaameen mid tusaale cad u ah waxtarka tageerada Masar ee dhiska Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta Qaranimada dalkan dhaca goobta istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika. “Shixnad gargaar milateri oo Masar ah ayaa soo gaartay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku tiri hadal ay soo saartay Isniintii. Xariirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa aad u xoogaystay horraantii sanadkan ka dib taliska Abii Axmed uu heshiis sharci darro ah la galay Soomaaliland. Source: goobjoog.com
-
In recent months, tensions have flared dramatically across the Horn of Africa, with the arrival of Egyptian troops in Somalia signaling what could escalate into a regional war. The friction between Ethiopia’s contentious sea access agreement with Somaliland and the decades-long disputes over the Nile River between Ethiopia and Egypt have all contributed to a growing sense of unease in the region. Source: Hiiraan Online
-
ABU DHABI, 23rd September, 2024 (WAM) - Abdi Hashi Abdullahi, Speaker of the Senate of the Federal Republic of Somalia, visited the Sheikh Zayed Grand Mosque in Abu Dhabi, accompanied by Mohammed Al Yamahi and Mohammed Al Dhohori, members of the Federal National Council (FNC). Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmaya kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee QM oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida. Shirka oo socon doona 24-ka ilaa 30-ka bishaan, waxaa furaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Cameroon Philemon Yong. Shirkan ayaa waxaa sanadkan khudbad ka jeedin doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku-xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku-xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku-xigeen iyo lix kale oo ergo ah. Halku dhegga sanadkan ee kalfadhiga golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa ku saabsan in aan “cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta. Soomaaliya-na waxaa ku metelaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo isagu ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aas-aas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Shirkan oo sanadle ah ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha ay yeeshaan wada-tashiyo ku saabsan arrimo kala duwan iyo kulamo gaar-gaar ah oo quseeya danaha dalalkooda. The post Shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya New York appeared first on Caasimada Online.
-
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah: Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka: Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni. Waxaa la tilmaamay in xiriir wanaagsan uu ka caawin karo Soomaaliya horumarinta amniga iyo dhismaha dowladnimada. Taageerada Mareykanka: Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo waxbarashada. Waxaa la isla gartay in taageeradaasi ay muhiim u tahay xasiloonida iyo koboca dalka. Arrimaha Amniga: Kulanka waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha amniga, iyadoo la xusay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada. Horumarinta Dhaqaalaha: Waxaa la sharraxay fursadaha dhaqaalaha ee Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in Mareykanka uu kaalin ka qaato sidii loo xoojin lahaa maalgashiga iyo ganacsiga. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan Casho ah la yeeshay qaar kamida dadkii ka qeyb-galay shir ku saabsan nabadda oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah. Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho Dowladda dhexe, islamarkaana ay tabashadeeda ku soo bandhigato madal daahfuran oo bulshada Soomaaliyeed ay wada arkayso. Wuxuu intaa ku daray inay oggolyihiin in qaladkooda la saaro, wixii ka maqanna looga garaabo oo waxa ay tirsanayaan ay dowladda federaalka Soomaaliya xalliso, horumarka dalkana laga wada-shaqeeyo. Hadalkan ayaa ah mid dadweynaha Soomaaliya iyo dowladnimadaba yididiilo feecan u ah markii la eego xilliga adag ee lagu jiro iyo sida ay isku duubnida Soomaalidu muhiimka u tahay. Source: goobjoog.com