Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) – Somaliland lawmaker Mohamed Abib Yusuf has accused the Somaliland government of arresting him to create chaos in the Awdal region to disrupt the upcoming elections and extend its term in office. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiiska dhismaha dekadda Hobyo. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa, iyadoo goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ka qeyb-galay mudanayal ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa madasha ka sheegay in dhismaha dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, ayna dowladdiisa ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Qoor-Qoor ayaa horey u asteeyay goobta laga loo asteeyay dekadda Hobyo, isagoo markaas amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn dhulkii hore loo deegaamayay. “Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor. Si kastaba, dhismaha dekadda Hobyo ayaa muhiimad gaar ah u leh reer Galmudug, oo ayagu muddo ku taamayey inay heleen dekad casri ah, taas oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaale ee deegaanada maamulkaasi. The post Heshiiska dhismaha dekadda Hobyo oo maanta lagu saxiixay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka la siinayo Israa’iil oo duqeymo ka waday marinka Qasa iyo dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada kumanaan dad ah. “Waxaan u maleynayaa in maanta, muhiimadu ay tahay inaan ku laabano xal siyaasadeed, inaan joojino hubka looga dagaalayo Qasa,” ayuu yiri Macron oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee France Inter. Madaxweynaha Faransiiska ayaa horay u jeediyay hadallo badan oo Israa’iil ay ka Carootay, asagoo dhowr mar ku baaqay in dagaalka ka socda marinka Qasa degdeg oo loo joojiyo, islamarkaana loo bayro wada-hadallo lagu gaarayo xal nabadeed. Source: goobjoog.com
  4. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay. Sidoo kale, Taliyaha oo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Kooxda Alshabaab iyo qorsheyaasha cusub dardargelinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in la gaaray xilligii dadka gobolka Banaadir ay aayahppda ka tashan lahaayeen, isagoo farriin culusna u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Islow ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu usoo jeesto sidii gobolka Banaadir u yeelan lahaa gole deegaan iyo maamul la mida maamullada kale ee dalka ka jira. “Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda dastuuriga ah uga tanaasuleen dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Islow oo sidoo kale tilmaamay in reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda federaalka dhaqaalaha ka hesho. Hoos ka aqriso qoraalka Islow TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO DADWEYNAHA GOBOLKA BANAADIR Waxaa la gaaray xilligii ay dadka Gobolka Banaadir aayahooda ka tashan lahaayeen oo ay heli lahaayeen Madax iyo Maamul iyaga metala oo ay soo doorteen. Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud waxaan ugu baaqayaa inuu u soo jeesto sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Gole Degaan iyo Maamul la mida maamullada kale. Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda Dastuuriga ah uga tanaasuleen Dowladnimada Soomaaliya. Waa xaruntii Dowladda, waana canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda Federaalka dhaqaalaha ka hesho. Sidoo kale waxaan Xildhibannaada, Odayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada ugu yeerayaa inay bilaabaan wadatashiyo ku saabsan sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Maamul Goboleed ay leeyihiin. Mahadsanidiin The post ISLOW oo farriin culus u direy madaxweyne Xasan, baraarujiyeyna reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. 462422561_840034394990271_6366897738508788865_n Qaran News
  7. 462398193_1070075088054073_2080295408246132446_n Qaran News
  8. Addis Ababa (HOL) – Ethiopia's parliament elected Ambassador Taye Atske-Selassie as the country's new president on Monday, succeeding Sahle-Work Zewde, who completed her term in office. Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 magnitude ayaa fiidnimadii xalay laga dareemay deegaanka Awash Fentale ee dalka Itoobiya. Machadka arrimaha hawada ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa xaqiijiyay arrintan oo warsaxaafadeed uu soo saaray u qeybiyay warbaahinta gudaha. Barta internet-ka ee rasmiga ah ee Mareykanka ee arrimaha dhulgariirka ayaa ku dhawaaqday in dhulgariir dhexdhexaad ah uu sidoo kale ka dhacay deegaanka Methara. Abbaaro 2:10 pm, dad badan oo deggan magaalooyinka Addis Ababa iyo Adama ayaa baraha bulshada ku wadaagayay waxa ay dareemeen marka dhulgariirku dhacay. Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee Mareykanka, dhulgariirka ayaa dhacay abbaaro 2pm xilliga gudaha. Barta ayaa sheegtay in dhulgariirka oo ka dhacay meel 30 kilo mitir u jirta magaalada Mehtahara laga dareemay meel ka fog 380 kilo mitir. Wuxuu sheegay in xawaaraha uu ahaa 0.48 seken. Dhulgariirka ayaa gaar ahaan laga dareemay xaafado badan oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dadka deegaanka ee Hayat, CMC, Bole Arabsa, Ka Abado iyo qeybo kale ayaa iyagana sheegay inay dareemeen dhulgariirka. Sawirrada dhulgariirka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxayna muujinayaan dad badan oo guryahooda isaga baxaya iyagoo naxsan isla markaana waddooyinka isugu yimid. Barta Crisis24 ayaa ku warrantay in dhulgariirka laga dareemay bartamaha Itoobiya. Baraha internet-ka ee korjoogteeya arrimaha dhulgariirka ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay meel 23 kiilo mitir u jirta deegaanka Awash, waxayna intaa raaciyeen inuu ahaa mid dhexdhexaad ah. Dhanka kale barta kale ee arrimaha hdulgariirka ee Jaamacadda Berkeley ee Mareykanka ayaa ku warrantay in dhulgariir 4.5 laga soo sheegay 30-kii September qeybo Yurub ka tirsan. Dr. Elias Levi, madaxa machadka arrimaha dhulgariirka ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dhulgariirka uusan khatar ku ahayn dadka deegaanka. Khabiirka ayaa intaa raaciyay in dhulgariirka ka dhacay deegaanka Awash laga dareemay qeybo ka mid ah Addis Ababa. Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya. Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaartay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay. Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baaritaan loogu sameeyo. Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaar ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii aysan jirin wax waxyeello ah. Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya. Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea. Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay. Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga. Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka. Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea. Isha: BBC The post Xogta dhul-gariir culus oo ka dhacay Addis Ababa iyo qeybo kale oo Itoobiya ah appeared first on Caasimada Online.
  10. Goob kulmisay Suldaanka guud ee bariga Hargeysa suldaan Yusuf Muxumed Xiiray iyo xubnihii doraad buuq abuuray, kuwaasi oo maanta suldaan Yuusuf ku hanbalyeeyay xilka uu reerka u hayo ee suldaanka guud iyo hawlaha isbedel doonka. Mar hadii suldaankii guud suldaan Yusuf Muxumed Xiiray uu dhisaayo Cirro beeshii bariga Hargeisa waxa ay gacanta ugu jirtaa isbedelka arinkaasna waa in aan tix galinaa sidaasi waxa goobtaasi ka sheegayb xildhibaan Jamaal Adan Diiriye Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligaan u furan tahay saddex kala daran midkood. Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu marxalada siyaasadeed uu kaga bixi karo inuu talada dhulka dhigay, uuna cid walbana uu la tashado, ama uu lasoo heshiiyo Saciid Deni intuu Garoowe ka dago. “Odayga (Xasan Sheekh) haddii ay ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad; Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan; 1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed. 2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay. 3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo. Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay. The post Fahad: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u furan inuu kala doorto saddex kala daran appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa si weyn u taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo horleh. Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna aad u boggaadiyay dadaalka uu gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugaayeen inay codadkooda dhiintaan, si ay u doortaa hoggaankooda, taas oo ah fursad muhiim ah. “Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cali Maxamed Geedi. Waxaa kale oo uu farriin u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u turaan dadkooda, ayna raacaan rabitaankooda. “Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegeen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”. ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la’isku mari waayay arrinta doorashada, waxayna taasi keentay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu isaga baxao madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo. The post Cali Maxamed Geedi oo si weyn u taageeray qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  13. Kismayo (HOL) – Jubaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe returned to Kismayo on Monday after reaching a consensus at the ongoing National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu failed. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxay safar dibadeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta” Aadan Madoobe ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Imaaraadka, wuxuuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo waddanka Isu tega Imaaraadka waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal. Safarka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay haatan taagan tahy xiisad siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii uu sii kordhay khilaafka ka jira gudaha dalka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee saameynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageeraa dowladda federaalka. The post Aadan Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi. Socdaalka Guddoomiye Aadan madoobe ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban ka dib markii Guddoomiyaha aqalka sare uu dalkaas booqasho ku tagey. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah. Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan. Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS. Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe. The post Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  17. Sannad ayaa maanta laga joogaa markii uu billaamay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay kaga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’iil. Saacado ka hor inta aanan la gaadhin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israa’iil gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan. Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac. Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Israa’iil, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il. Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi. Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Dhanka Israa’iil, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Israa’iil ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il. Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza. Source
  18. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii shalay, isagoo sheegay in aanu garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya. “Waxaan rabaa in aan ku idhaahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yidhi Mr Gachagua. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi. Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in aanu wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaldantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan. “Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo haddii ay jiraan wax aan sameynay ama idhi oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Kenya. Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga adaga aanu xaaladda wax ka bedelin. Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa salaasadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo. Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay. Source
  19. Mogadishu (HOL) — Three leading Somali opposition figures have urged President Hassan Sheikh Mohamud to abandon plans for a presidential term extension, warning that such a move would destabilize the country and violate the constitution. In a joint statement on Saturday, former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame accused the president of delaying elections and attempting to extend regional mandates to consolidate power. Source: Hiiraan Online
  20. Duqaymo xooggan oo xidhiidh ah ayaa Subaxnimadii hore ee maanta laga maqlay dhinaca koonfureed ee magaalada Beirut. Dad goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in bambooyinkaasi ku soo dhacay caasimadda Lubnaan laga arkayay meel jirta dhawr kilometer. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda cirku ay fuliyeen duqaymo xidhiidh ah oo ay ku beegsanayaan meelaha ay hubka ku kaydsadaan kooxda Xizbullah ee ku yaalla magaalada Beirut. Source
  21. Boqorka Sacuudiga ayaa Axaddii la dhigey isbitaal ka dib markii xanuun dhinaca sanbabada ahi uu ku soo booday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda oo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada. Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladda Boqorka ayaa sheegaya in hadda bedqabkiisu uu wanaagsanyahay, ka dib muddo saacado ah oo lala tacaalayay. Boqor Salmaan bin Cabdicasiis oo 88-jir ah ayaa la daalaa-dhacaya xanuunno joogto ah oo bukaan socad ka dhigey, bishii May ee sanadkan ayaana laga daweeyay caabuq dhinaca wadnaha ah. Source: goobjoog.com