Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan si weyn loogu dhaleeceeyay khudbad uu ka jeediyay magaalada Garoowe, taas oo uu uga hadlay xiisadda u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar. Madaxweyne Saciid Deni oo hadal ka jeediyay Garoowe ayaa taageeray Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna sheegay inuu ku raacsan yahay hadalka uu yiri ee ka dhanka ah imaatinka Masar. “Inkastoo dhaliilo badan uu la kulmay Waare warkiisii, laakiin aniga waan ku waafaqsanahay waa xaqiiqo jirto in meeshaas ay wax ku socdaan” ayuu yiri Saciid Deni. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Hadalka marka uu qofka adeegsanaayo ma’aha maanta, beri iyo saa dambe ayay dhaceysaa laakiin saa-saanka ay hadda wax ku socdaan haddii lagu sii eegto oo ayaamo sii socdaan 10 sano ee soo socdo xaalka sidaan waa ka duwanaanaa”. Waare oo ka qayb-galayay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa dhowaan si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya. “Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?. Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?” ayuu horay u yiri Maxamed Waare. Dhankiisa waxaa isna soo hadlay wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo u caqli celiyay Waare, wuxuuna kula taliyay kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD. “Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon. Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah” ayuu isaguna yiri wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar. The post Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo taageero u muujiyay Waare kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  2. Ethiopia has raised concerns over a recent arms shipment from Egypt to Somalia, warning the weapons could end up in the hands of terrorists and further destabilize the region. In a statement released on Tuesday, Ethiopia’s Foreign Minister Taye Astke Selassie said that the supply of ammunition by external forces risks destabilizing the region’s fragile peace. His comments followed the unloading of heavy weaponry from an Egyptian warship in Mogadishu, marking the second arms delivery under a defense pact between Egypt and Somalia. Ethiopia, which has a running dispute with both countries, views the agreement with suspicion. It has threatened not to remain passive while external actors take actions that will destabilize the region. SOURCE: BUSINESS INSIDER Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland. Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday. Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa Sidoo kale Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa. Si kastaba, haddii lagu dhawaaqo magacaabista Asad Diyaano ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo hadda ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu wadahadal ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. The post Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Asad Diyaano appeared first on Caasimada Online.
  4. Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada Birjeex ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miinooyin ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo isku xirta tuulooyin u dhow deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan aagga tuulada Caanoole. Ciidamada ayaa howlgallo ay sameeyeen ka dib meel tuulada Caanoole 3 KM u jirta ka saaray miinooyin la sheegay inay kooxda Alshabaab halkaas ku duugeen, sida lagu sheegay war laga soo xigtay saraakiisha. Deegaanada jubbalaand ayaa kamid ah meelaha ay howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ka socdaan, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbadisii ugu danbeeyay salaasadii shalay ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo hogaamiyayaasha caalamka u sheegay, in in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu fashilmay, isla markaana ay weli suurtogal tahay in xal diblamaasiyadeed laga gaadho colaadda Israel iyo Xisbullah ee Lubnaan. Biden oo ay wax ka yar afar bil uga hartay muddo xileedkiisa xafiiska Aqalka Cad, ayaa kasoo hor muuqday masraxa Golaha Guud, iyada oo ay dagaallo ka socdaan Ukraine, Marinka Gaza, Sudan iyo xadka Lubnan iyo Isra’il. Wuxuu sheegay in dagaal buuxa oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah aysan cidna dani ugu jirin, xitta haddii ay xaaladdu sii xumaado ayuu yidhi. isaga oo intaasi raaciyay in wali uu xal diblamaasiyeed suuragal yahay. Madaxweyne Biden ayaa 193-ka xubnood ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay hortooda ka diray baaq ku aadan soo afjaridda dagaalka Gaza iyo sii deynta la heystayaasha reer Isra’il. Mar uu ka hadlay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayuu Biden sheegay, in dagaalka uu madaxweyne Putin soo abaabulay ee uu ku qaaday Ukraine uu fashilmay. Isaga oo yidhi, “ Wuxuu u soo kacay in uu burburriyo Ukraine, laakin Ukraine wali waa xor.” Wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka Sudan, isaga oo erayo adag kula hadlay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo uu ku yiri “Joojiya dagaalkan hadda.” Madaxweyne Biden ayaa bishi July ee sannadkaan ku dhawaaqay in uusan mar kale isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Mareykanka, taas oo ka dhigtay madaxweyne hal xilli u shaqeeyay shacabka Mareykanka. Source
  6. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee Itoobiya. Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda. Wasaaradda ayaa adkeysay in Masar ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd awoodeeda ciidan. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegashada Itoobiya ku tilmaamay mid ay ku qarinayaan “hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xuduudka Soomaaliya, kaasi oo u gacan galaya shacabka iyo argagixisada.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa 20-kii bishan qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya “ay si kulul u cambaareyneyso shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.” Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, in ka badan 30 sano kaddib markii la soo rogay kadib dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dillaacay. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo inay aqoonsatao Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska Somaliland ugu yeertay xadgudub ka dhan ah madax-banaanideeda iyo qarannadimadeeda, waxayna sheegtay inay dooneyso in dhammaan ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka dhammaadka sanadkan. Khilaafkan ayaa Soomaaliya ku dhoweeyey Masar oo muddo sannado ah ay Itoobiya ku muransanaayeen biyo-xireenka weyn ee ay Addis Ababa ka dhisayso webiga Niil. Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, halka qiyaastii 5,000 illaa 7,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo kale. Masar ayaa, dhinaca kale, ku yaboohday ciidamo qeyb ka noqday howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta ee Soomaaliya. Source
  7. Milatariga Israa’iil ayaa soo bandhigay gantaal la sheegay in Xisbullaah ay ku weerartay meel u dhow deegaanka Nafakhiyeh ee dalka Lubnaan. Waxay sheegeen in ay duqeyeen dhowr bartilmaameed oo kale oo Xisbullaah ay leeyihiin, iyagoo sheegay in ay ay garaaceen kaabayaasha dhaqaalaha, xaruumaha lagu kaydiyo hubka iyo gantaalaha riddada dheer. Source
  8. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”. Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaadhi karaan bartilmaameedyadooda ganacsi. Xidhiidhka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xidhiidh­­a arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza. Waxay sidoo kale ku kala tageen soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, taasi oo dhalisay in Maraykanka uu cunaqabatayn saaro Turkey 2019-kii, lagana saaro Barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35. Hase yeeshee kadib Ankara waxay xaqiijisay inay Washington ka soo iibsato 40 diyaaradaha F-16 ah iyo 79 qalab kale oo casri ah. Heshiiska ayaa la ansixiyay ka dib markii Turkiga uu ogolaaday dalabka ay Sweden ee ku biiritaanka NATO, taasi oo hoggaamisay in xidhiidhka uu soo hagaago. Ankara iyo Washington waxay leeyihiin yool fog oo ah $100 bilyan oo ganacsi laba geesood ah, taasi oo aad uga badan ganacsigii 2023 oo ahaa $30 bilyan Intii lagu guda jiray booqashadii New York ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu u sheegay ganacsatada Turkiga iyo Mareykanka, inkasta oo uu rumeysan yahay in hadafkaas uu suurtagal yahay in la gaaro, haddana iskaashiga dhinaca difaaca ” uu hoos u dhacay” sababo la xidhiidha xayiraadaha. “Tallaabooyinka halka dhinac ah, sida canshuuraha dheeraadka ah ee qaybaha birta iyo aluminium-ka, baaritaannada iyo cunaqabateynta CAATSA waxay u baahan yihiin in la baabi’iyo,” ayuu yidhi Isniintii, isaga oo tixraacaya CAATSA oo laga soo gaabiyo Ka-hortagga Cadawga Mareykanka ayada oo la adeegsanayo Xeerar Cunaqabatayn. “Waxaan rajeynayaa inaan bog cusub furnay kadib mashruucii casriyeynta ee F-16, waxaana rajeyneynaa in xayiraadaha dhoofinta ee dhinacan si joogto ah loo qaado,” ayuu Erdogan ku daray. Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu uu faa’iido u leeyahay socodka sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga xagga wax soo saarka iyo soo iibinta rasaasta 155mm – oo muhiim u ah dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay dhowr qof oo Turkish ah iyo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu eedeeyay inay jebinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka. Turkiga ayaa taageera Ukraine, balse wuxuu ka soo horjeedaa cunaqabateynta Ruushka, inkasta oo uu sheegay inaan lagu jebin doonin dhulka Turkiga. Ka sokow diyaaradaha F-16, Turkigu waxa uu sidoo kale danaynayaa dayuuradaha Eurofighter Typhoon ee Jarmalka, Britain iyo Spain, balse waxa uu ka cawday horusocod la’aan ka dhalatay diidmada Berlin. Isniintii Erdogan wuxuu New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray inuu u gudbiyay in Ankara ay diyaar u tahay inay horumariso iskaashiga dhinac walba iyo ka faa’iidaysiga fursadaha wadajirka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac. Source
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo Talaadadii booqday xarunta taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa sheegay in Puntland ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada. Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan kuwa Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan guluf ka dhan ah Al-Shabaabka iyo Daacishta ku sugan dhulka buuraha ee gobollada Sanaag iyo Bari ee maamulkaasi, si halkaasi looga saaro. Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray ciidamada uu la kulmay inay isku diyaariyaan howlgallada cusub ee ka bilaabanayaan gobolladaasi oo ay ka qayb-geli doonaan. Saciid Deni ayaa wacad ku maray in halka ay ku dhuumaleysanayaan kooxaha argagixisada ay uga daba tegi doonaan, isla markaana ay ka saari doonaan buuraha hoostooda. “Ma jirto dhulkeenna meel cid aan Puntland ahayn xukunto marka laga reebo dhawr nin oo sida daanyeerada qarar saaran kuwaasina waxa uga daba-tagaya buuraha ciidamada Puntland” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Puntland ayaa marar badan dhulka buuraleyda ah ee maamulkaasi kula dagaalantay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, inkastoo weli ay ku sugan yihiin halkaasi. Dagaalka tooska ah marka laga tego waxaa barbar socda howlgallo gaar ah oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyaan magaalooyinka waa wayn, kuwaas oo lagu soo qabtay shabakado isku xiran oo ugu dambeyn lagu xukumay dil, kadibna la toogtay. The post Madaxweyne DENI oo isku diyaariyay dagaal cusub iyo halka uu ku wajahan yahay appeared first on Caasimada Online.
  10. New York (HOL) – Ethiopia's Foreign Minister, Ambassador Taye Atske-Selassie, met with Catherine Molly Phee, U.S. Assistant Secretary for African Affairs, on Tuesday during the 79th session of the UN General Assembly (UNGA) in New York. Source: Hiiraan Online
  11. Waa in Puntland garteeda sii akhrisato si ay u garato murugsanaanta siyaasadda Soomaaliya Waa in Madaxweyne Deni iska dhowro gefef siyaasadeed oo siin kara Dowladda Federaalka fursad ay Puntland kaga sii maqnaanto dadaallada dib u dhisidda Soomaaliya. Garoowe (Faallo ) — Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku baaqay in maamulkiisu u diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu soo jeediyay in Soomaalidu ka noqoto wadahaddalada dhexdhexaadiyayaal. Deni miyuu Diyaar u yahay in, tusaale Madaxweyne Laftagareen noqdo dhexdhexaadiye inkastoo uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Garoowe dhexdeeda ugu baaqay Deni inuu oggolaado wax ka beddelista dastuurka federaalka. Madaxwyne Deni wuu dhaxlay dhammaan heshiisyada ay Dowladda Federaalku ku shaqayso sida in maamulka Somaliland oo diiddan qarannimada Soomaaliya uu metelaad federaal yeesho oo si gaar ah wax loo siiyo (Special Arrangement). Markii ku meelgaarka laga baxayay 2012kii doodda maamulkui Faroole, oo ka bixista ku meelgaarka dedejiyay sidoo kalena kaaliin weyn ku lahaa dib u qorista dastuurka, waxay ahayd: dastuurka federaalka waxaa ku jira qodobbo u oggolaanaya Puntland inay sida heshiis gaar ah geli karto inta afti loo qaadayo dastuurka. Markii dowladda aan ku meelgaar ahayn la dhisay heshiisyada dowladda federaalku la saxiixatay shirkado shisheeye iyo dalal kale ayaa meesha ka saaray suurtaggalnimada in Puntland sidii ay doonto u fasiran karto dastuurka federaalka. Intaas waxaa dheer in Deni dhaxlay Puntland oo ka kooban 6 gobol (laba gobol buuxa iyo gobollo beelaha Puntland dhistay lala deggan yahay) hase ahaayee la saameyn iyo wax qeybsi ah maamulka Galmudug. Madaxweyne Faroole wuxuu 2011kii oggolaaday in Puntland ay shirarkii ka bixista ku meelgaar ah kaga qeybgasho hal maamul ahaan halka Koonfurta Mudug iyo Galgaduud shirarka kaga qeybgaleen magaca Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Wuxuu sidoo kale 2013 oggolaaday in Somaliland si gaar ah wax loo siiyo laakiin Puntland deeqda horumarinta loo soo mariyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waa markii ay siyaasad degsan noqoto in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo codadka beelaha Dirta ku weyn yihiin, ay oggolaatay in Somaliland sida dal gaar ah loola dhaqmo inkastoo oo uu muran dhuleed kala dhexeeyo Puntland. Heshiiskii 2020kii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Jabuutu kula saxiixatay maamulka Somaliland waxaa ku jiray qodob isu socodka ah oo Muuse Biixi u adeegsaday barikicintii in ka badan 1700 qof oo Soomaali ah laga barakiciyaay Laascaanood 2021kii. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu jebiyay heshiiskii ciidammada Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya 2009kii kaddib heshiiskii dhexmaray 2008dii Dowladdii Ku Meelgaarka (TFG) iyo Ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya ARS). Madaxweynei Deni wuxuu sheegay in maamula Somaliland la fogeeyay. Hadalkaasi wuxuu ka hor imanayaa mid ka mid ah mowqifyada Puntland oo sababay inuu go’ay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland waxay aamminsan tahay in maamulka Somaliland oo diiddan qarannimada Soomaaliya uusan metelaad federaal ku yeelan karin Muqdisho. Heshiiskii Muuse Biixi la saxiixday Abiy Ahmed Janaayo 2024kii ayaa muujinaya saxnaanta doodda Puntland. Muxuu haddaba Deni ugu qareemayaa maamulka Somaliladn oo duqeyn ba’an iyo barakicin ka geystay Laascaanodo 2023kii? Deni wuxuu u eg yahay hoggaamiye siyaasadda Soomaaliya u arka muran labo qof dhexmaray una baahan in labadaas qof la heshiisiiyo. Dhinaca kale siyaasadda maamulka Deni waxay sababtay in Puntland bannaanka ka taagan tahay dadaallada Soomaaliya lagu siinayo deeqo horumarineed. Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Dalalka Deeqbixyayaasha, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa faray Puntland inay soo gudbiso lacagaha ka soo gala shatiyada kalluumeysiga. U hoggaansami waaga heshiisiyada hore maamulladii hore ee Puntland ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Deni dhibaato weyn ku haya. Ma aha gar ay maamullo ama odayaal geli karaan. Waa heshiisyo qoran. Puntland marnaba ma muujinin inay doonayso in heshiisyadaas dib loo eego. Puntland ma helin deeqo oo ay USAID, UKAID iyo deeqbixiyayaal kale siiyeen Soomaaliya. Dowladda Federaalku xadgudubyo badan ayay ku kacday sida wax ka beddelka qodobbo ka mid ah dastuurka wadatashi baahsan la’aan. Intaas waxaa dheer in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jebiyay heshiiskii ciidammada Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya 2009kii kaddib heshiiskii dhexmaray 2008dii Dowladdii Ku Meelgaarka (TFG) iyo Ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS). Sanadkii 2014 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ciidanka Itoobiya si gaar ah ugu soo celiyay Soomaaliya, sidoo kalena sandkii 2023 ayuu maamulkiisu heshiis sir wadaagin iyo difaac la galay dowladda Itoobiya. Siyaasiyiinta Muqdisho awooda ku leh marnaba kama hadlin xadgudubyadaas uu Madaxweyne Xasan Sheekh u geystay qarannimada Soomaaliya. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa inuu ogaado sababaha ismaandhaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu yaraan waa inuu iska dhowro gefef siyaasadeed oo siin kara Dowladda Federaalka Soomaaliya fursad ay Puntland kaga sii maqnaanto dadaallada dib u dhisidda Soomaaliya. Waa in Puntland garteeda sii akhrisato si ay u garato murugsanaanta siyaasadda Soomaaliya. Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa, sida ay maahmaah Soomaaliyeed oranayso. © Puntland Post, 2024 The post Sida Puntland Wadahadallo Ula Yeelan Karto Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa saacado ka hor sheegay inay duqeyn ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan qeybta gantaallada ee ururka Xisbullaahi, kaas oo lagu magacaabo Ibraahim Qubaisi, balse ma jiraan ilo madax-bannaan oo xogtaas xaqiijiyay. Ciidamada Israa’iil waxay sidoo 20-bishan duqayn ka dhacday koonfurta caasimadda Beyruut ku dileen taliyihii howlgallada ee Xisbullaahi Ibraahim Caaqil, kaas oo kamid ahaa madaxda ugu sarraysa ururka, gaar ahaan golaha Jihaadka Hoggaamiyahan oo sidoo kale adeegsan jiray magacyada Tahsin iyo Abdelqader ayuu Mareykanku ku eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beyruut ee lagu weeraray safaaradda Maraykanka sanadkii 1983-dii, ayna ku dhinteen ugu yaraan 63, iyo weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanku leeyihiin oo lagu diley 241 qof oo isugu jira askar iyo saraakiil. 30-kii bishii July ee sanadkan duqayn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha Lubnaan, gaar ahaan caasimadda Beyruut ayaa lagu dilay Fu’aad Shukri oo ahaa Taliyihii ugu sarreeyay dagaalamayaasha Xisbullaahi, wuxuu sidoo kale ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha ururka Sheekh Xasan Nasrallah. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Shukr sanadkii 2015-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu qeyb weyn ka qaatay duqeyntii 1983-kii lagu qaaday xerada ciidamada Marines-ka Mareykanka ee magaalada Beyruut, kaas oo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah. 3-dii bishii July ee sanadkan duqeyn ka dhacday koonfur galbeed ee dalka Lubnaan ayaa lagu dilay MOHAMMED NASSER oo ahaa madaxa howlgallada ururka Xisbullaahi ee dhanka xudduudaha, ayadoo Israa’iil ay ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa gantaallada lagu soo rido gudaha dhulka ay ka taliso. Sidoo kale waxay samaysay boqolaal shirqool oo ay ku doonaysay inay ku khaarijiso hoggaamiyaha guud ee Ururka Xisbullaahi Sheekh Xasan Nasrallah, balse kuma aanay guuleystay isku daygaas oo ay wadeen in ka badan 40 sano. Source: goobjoog.com
  13. Socdaalkani dahabiga ahi waxa uu noqon doonaa mid taariikhi ah oo uu musharax Cirro uu ugu kuur galaayo nolosha dhabta ah ee deegaanadaasi aanat cidi hire u booqan. Musharax Cirro waa muwaadin dhab ah oo mudan in aan dhamaan codkeena siino. Guusha Cirro waa guusha Somaliland Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) — Jubbaland security forces killed nearly 10 Al-Shabaab militants during a military operation on the outskirts of Janaay Abdalla, a village near Kismayo, officials reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Somalia's Auditor General Ahmed Issa Gutale has secured renewed international backing from Norway and global audit institutions to bolster the country's financial oversight. Source: Hiiraan Online
  16. MANDERA, Kenya (HOL) — Elders from Kenya, Somalia, and Ethiopia are urging Northern Kenya communities to unite for peace following deadly violence in Banessa that claimed eight lives. Leaders warn that smuggled arms from neighbouring countries continue to fuel the region's insecurity. Source: Hiiraan Online
  17. Russia and several countries in the Middle East, including Iran, are taking advantage of conflicts that have emerged in Sudan and Somalia to grow military engagement with some of the factions involved in the crises. These countries are advancing their economic, military, and political objectives in the Horn of Africa and the greater Red Sea area at the expense of the interests of the local populations and the United States. Source: Hiiraan Online
  18. Ra’iisul Wasaaraha CIraaq Mohammed Shia Al-Sudani ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, kulan ka dhacay xafladda 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Al-Sudani, “Kulankan, labadan hogaamiye ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo caalami ah oo ay ka wada siman yihiin iyo sida loo xoojin karo xiriirka labada dal. Waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan qaybaha dhaqaalaha, amniga, iyo dhaqanka, iyadoo Ciraaq uu raacayo siyaasadda furan ee ku wajahan deriskiisa Carabta iyo kuwa gobolka.” Kulanka ayaa sidoo kale laga hadlay heshiisyadii la gaaray intii uu Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre booqday Baqdad bishii Luulyo, iyada oo dib loo eegay natiijooyinka iyo ujeedooyinka booqashadii, taas oo diiradda saartay xoojinta hababka iskaashiga labada dal. Ra’iisul Wasaare Al-Sudani ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ka faa’iidaysiga dhammaan fursadaha la heli karo si loo horumariyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Waxa kale oo uu u hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed guusha Soomaaliya ee helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ku yaal Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo qiray doorka Soomaaliya ee taageeridda arrimaha Carabta. “Labadan hogaamiye ayaa ka hadlay dhacdooyinka socda ee Gaza iyo Lubnaan, iyaga oo iftiimiyay dambiyada xun ee ay geysteen cadowga Siyoniga oo ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan. Waxay adkeeyeen muhiimadda dadaallada caalamiga ah ee heer kasta si loo joojiyo weerarka.” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay walwalka uu ka qabo xaaladaha adag ee Lubnaan iyo Falastiin, wuxuuna xaqiijiyay taageeradiisa qorshaha Ciraaq, oo la shaaciyay Isniintii, ee ah in la qabto shir Carbeed iyo Islaami ah si wax looga qabto cawaaqibka weerarka Lubnaan. Waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in la yeesho mowqif mideysan si loo xakameeyo weerarada socda ee ka imaanaya cadowga. Source: goobjoog.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber. Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Waxa ay isla soo qaadeen caqabadaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka. Source: goobjoog.com
  20. Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa soo dhawaysay Baaqii Madaxweyne Deni ee ahaa in uu diyaar u yahay Wada-hadal lagu xalliyo Khilaafka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaanu soo dhoweynaynaa Baaqii Madaxweyne Madaxweyne Deni ee Wadahadalka iyo Xalka Siyaasadeed ee Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Puntland,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA). Dallada PUNSAA ayaa sidoo kale taageertay Soojeedinta Madaxweyne Siciid Deni ee ahayd in Madal Furan lagu wada-hadlo waxaana ay labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Puntland ugu baaqday in Bulshada Rayidka laga qeyb galiyo Madasha Wada-hadalka. “PUNSAA waxay sidoo kale taageereysaa soo jeedinta Madaxweyne Deni ee ah in madal furan lagu wada hadlo, isla markaana waxay ka codsanayaan dowladda Federaalka iyo dowladda Puntland in wadaxaajoodyada masiiriga ah laga qayb geliyo bulshada rayidka ah, si daahfurana looga wada hadlo arrimaha taabanaya mustaqbalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.” Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeedisay in ay Niyad-sami ku soo dhawayso Baaqa Puntland lana dardar geliyo bilowga Wada-hadal dhab ah oo dhexmara labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dallada PUNSAA oo soo dhawaysay in Wada-hadal lagu xalliyo Khilaafka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Prime Minister Mohammed Shia Al-Sudani met, on Tuesday, with the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hamza Abdi Barre, on the sidelines of the 79th session of the United Nations General Assembly. Source: Hiiraan Online
  22. Ethiopia fears weapons could worsen security situation amid regional rows over water, territory and Red Sea access Source: Hiiraan Online
  23. Kismayo (HOL) – Heavy fighting broke out between Jubbaland Darwish forces and al-Shabab militants on Tuesday in the Lower Jubba region, resulting in the deaths of at least six al-Shabab fighters, with others wounded. Source: Hiiraan Online
  24. The National Multi-Stakeholder Meeting on the Implementation of the National Emergency Telecommunications Plan (NETP) has officially kicked off. Source: Hiiraan Online