-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Israa’iil ayaa tan iyo saakay 150 weerarro dhinaca cirka ah ka geysatay gudaha dalka Lubnaan. Duqeymaha inta ay socdaan waxaa ka qeybqaatay inta badan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah. Sidoo kale , Israa’iil waxay hab farriimo telefoonka ay ugu dirtay iyo cawitaanba ugu sheegtay dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan aaggaga ay ku badanyihiin Xisbullah ee saldhigyadooda hubka. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo saakay 150 weerar oo dhinaca Cirka ah ku qaaday dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay Axaddii guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. The post Yaa kusoo baxay maanta doorashadii ka dhacday Sri Lanka? appeared first on Caasimada Online.
-
Anura Kumara Dissanayake oo ah siyaasi u janjeera fikirka Maarkiisamka ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Sabtidi ka dhacday dalka Sri Lanka, sidaasi waxaa shaaciyay guddiga doorashada. Shacabka Sri Lanka ayaa gees isaga riixay siyaasiyiinti hore ee wajiga u ahaa dowladihi dhawaa, kuwaas oo ay u arkeen in ay dalkaasi dhaca koofurta Aasiya ay ku riixeen qalalaasihi dhaqaale ee aadka u xumaa. Dissanayake, oo aad u taageera dabaqadda shaqeysa isla markaana kasoo horjeeday siyaasiyiinta af-miishaarrada ee caanka ahaa, ayaa taageero lixaad leh ka helay dhalinyarada taas oo soo dadajisay guusha uu ka gaaray doorashada. Wuxuu ka badiyay hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya Ranil Wickremesinghe, kaas oo kursiga ku fariistay laba sano ka hor ka gadaal marki ay Sri Lanka gunta u gashay qalalaase dhaqaale oo aad u daran. Ku dhawaad 6 milyan oo cod ayuu ka helay codadki la dhiibtay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayaa ah xasilinta dhaqaalaha aanan wali soo kaban ee dalka Sri Lanka. PUNTLAND POST The post Dissanayake oo ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ka digtoonaanta safarka deeganada Somaliland. Safaaradda waxay ku baaqday in muwaadiniinta Masar aanay u safarin Somaliland sababo la xiriira xaalada amni ee aan degganayn. Waxa kale oo ay tiri muwaadiniinta Masar ee jooga halkaas inay ka baxaan sida ugu dhaqsaha badan iyagoo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Safaaradda ayaa sidoo kale xustay in muwaadiniinta doonaya inay booqdaan Soomaaliya inay raacaan nidaamyada iyo habraacyada ay dejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walwalsan yihiin ciidamada Masar ee ku sugan Soomaaliya, inkasta oo aan weli Masar ciidamo u dirin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in Masar ka qayb qaadato howlgallada ay qorsheynayso Midowga Afrika ee AUSSOM, oo bilaaban doonnaa January 2025. Somalia ayaa sidoo kale codsatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024, iyadoo khilaaf daran ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Somaliland ayaa heshiis la gashay Itoobiya, taas oo Itoobiya ku aqoonsan doonto Somaliland. Sidoo kale, 11-kii Sebtember, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay in la xiray maktabadda dhaqanka ee Masar ee Hargeysa sababo la xiriira xaalada amniga. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in caawa Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay Markab sida Hub aad u badan oo nooc walba isugu jira. Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay. Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa caawa loo daad gureeyey hubkaan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho. Wadada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caawa la xiray, waxaana marayey kaliya gaadiidkii hubka siday. Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay, balse waxaa jirta saansaan dagaal. Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka jawaabto daandaansiga Itoobiya, hadii uu isku bedelo gacan ka hadal, waxaana jira dowladda cadeeyey in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin hiilo militery. Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha Khawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka, kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay. The post Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho iyo DF Soomaaliya oo dagaal isku diyaarineysa appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia will make its debut at the Miss Universe pageant in 2024, with Khadija Omar becoming the first-ever Miss Universe Somalia and the first hijabi woman to represent her country on the global stage. Omar, 23, will compete at the 73rd Miss Universe competition, which is set to take place in Mexico this November. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Despite Minnesota's efforts to ensure accessible voting, language barriers remain a significant hurdle for Somali-speaking residents in Stearns County. With no legal requirement for Somali interpreters at polling stations, many eligible voters face difficulty casting their ballots due to limited English proficiency. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afduub iyo inay is ugaarsadaan ayaa ka dhex bilaabatay beelaha Murusade iyo Waceysle ee dega deegaanada bari ee gobolka Galgaduud, maalmihii lasoo dhaafay. Labada dhinac ayaa iska afduubtay ugu yaraan 5 qof oo wax dembi ah aan gelin, balse loo dakaneeyey nin lagu magacaabo Cali Geele oo toddobaadkii hore ay baadiyaha fog ee Galhareeri kasoo qabteen ciidamada Macawiisleyda ah ee beesha Waceysle. Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade ayaa lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana la wareegay ciidamada dowladda federaalka markii la geeyey Ceeldheer, kadibna waxaa loo soo qaaday Muqdisho, si loo baaro inuu Shabaab yahay. Soo qabashada ninkaas waxaa ka carootay beesha Murusade oo afduubatay ugu yaraan labo qof oo kasoo jeeda beesha Waceysle, kuwaas oo ahaa wiilal xoolo dhaqato ah oo cidna aan dhibaateyn, balse loo dakaneeyey qabiilkooda. Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle, waxayna soo afduubteen ugu yaraan saddex qof oo Murusade ah, kuwaas oo hadda lagu hayo aagga degmada Ceeldheer. Maleeshiyaad kasoo jeeda Waceysle ayaa howdka degmada Ceeldheer ku heysta 3-daas qof oo beesha Murusade u dhalatay, halka labo Waceysle ah ayagana Afduub loogu heysto aagga degmada Galhareeri. Waxaa joogsaday gaadiidkii u safri jiray deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ee bulshada Murusade iyo Waceysle ay adeegsa jireen, maadaama ay bilaabatay in dadka safarka ah lagala degayo gaadiidka, taas oo khatar ku ah bulashada labada beelood. Arrintaan ayaa sidoo kale khatar ku ah dagaalka Al-Shabaab oo qarka u saaran uu joogsado, maadaama ay beelihii ku mashquuleen inay ayaga is ugaarsadaan, waxaana xusid mudan in Shabaab-ku ay isku diraan beelaha oo fursado badan ay ka dhex raadiyaan colaada qabaa’ilka. The post Xog: Murusade iyo Waceysle oo bilaabay arrin halis ah oo fursad siineysa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Sida halkani kaaga muuqata waxa ku shiraaya xisbiyada Kulmiye iyo UCID Oo uu hogaaminaayo madaxweynaha uu xilkiisii dhamaaday ee ku fadhiya mudo kordhin Muuse Biixi. Waxa madaxtooyada iyo xisbiga Kulmiye ku furantay daaqada wal walka iyo walaaca iyada oo ay sas ka qaadeen xisbiga Waddani oo kasbaday dhamaan shicibka Somaliland laguna wado in uu ku guulaysto doorashada shici doonta 13ka November ee sanadkani. Shicibka Somaliland waxa la gudboon in ay codkooda ku badalaan dawladda hada joogta si dadka iyo dalka loo mideeyo wixii hadhay arinkaasi oo uu fulin karo xisbiga Waddani Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Egypt has reportedly issued an urgent advisory for all Egyptian nationals in Somaliland to leave the region immediately, citing worsening security conditions. The statement, published on Sunday by Egyptian news outlets, urged citizens to depart as soon as possible through Hargeisa International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha sare ee hay’adaha ammaanka, isagoo kala hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah. Shirka ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray sida loo fulin karo qaraarkii golaha wasiirada Soomaaliya ay horey uga soo saareen mamnuucidda ka ganacsiga hubka. Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa loo sheegay sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabbooyin degdeg ah oo looga hortagayo kooxaha ka ganacsada hubka. Dawladda ayaa ka baqdin qabta in hubka sharci darrada ah ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu kaalin weyn ku leeyahay colaadda qabaa’ilka, iyo suurtagalnimada in uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ah. Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag ayaa ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan soo celinta hubka gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka ku jira, si nabad waarta loo gaaro. Maalmo ka hor deegaanada Puntland waxaa lasoo geliyey hubkii ugu badnaa oo sharci darro ah, kaasi oo ka yimid gudaha Itoobiya, shirkaan waxaa looga hadlay sida ay dowladda federaalku uga falceli karto arrintaas xasaasiga ah ee soo noqnoqotay. Dawladda federaalka waxay horay u sheegtay in markii labaad muddo kooban gudoohood hub sharci darro ah uu dalka ka soo gudbay xuduudda xigta Itoobiya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas ku macneysay xadgudub kale oo madax-banaanida dalkeeda ay kula kacday Itoobiya iyo khatar soo wajahday gobolka Geeska Afrika. Horay hubka la geeyey Puntland waxay Itoobiya u soo gelisay Galmudug, waxaana hubkii soo galay Galmudug lagu boobay magaalada Caabudwaaq, wuxuuna sidaas ku galay gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka abaabulan ee qabaa’ilka. The post Sawirro: Madaxda amniga Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka yeelatay arrin khatar ku ah dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh diiday ku dhaqanka dastuurkii lagu doortay, dhinaca kalena uu wiiqay awooddii kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu ka dhigay mid uu isagu eryi karo, dhanka kalena uu hor istaagay inay maamullada doorasho qabsadaan, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay kusii kala fogaan karaan dhabaha uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh. Ku dhowaad 10 gobol oo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka aloosan dagaallo qabiil, la-dagaalankii argagixisada waa joogsaday, xukunkiina waxa uu gacanta u galay dad xoolo doon ah, midnimadiina waxaa laga doortay qabyaalad iyo inay dowladnimaddii dad gaar ah ay sheegtaan, waxaana abuurmay rejo beel dowladeed oo xoog leh. Waxaa intaas dheer in aanay dadka Soomaaliyeed weligood dhab uga heshiinin colaadihii soo dhex-maray, balse taas bedelkeeda waxaa la isla qaatay markii Carta la isugu tegay sanadkii 2000, si dowladnimo loo gaaro in tabashooyinka kale aan lasoo faagin. Buuggii yaraa ee ay Soomaalida ku wada joogtay waxaa haatan ku dhaqankiisa diidan madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan arrimahan oo lagu kabay musuqa ku baahay gudaha dowladda, xilalka lagu tixay dadka aan u qalmin iyo madaxweynihii oo dhinac iskaga riixay inuu dooddo ka galo caqabadahan muuqda, albaabadana kasoo xirtay saamileydii kale ee siyaasadda. Waxay ku siinayaan arrimahan in loo baahan karo inay Soomaalida dib ugu laabato shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Reer Puntland si weyn oo aan horey u dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay haatan uga miirmeen dowladda federaalka ah. Sidoo kale reer Koonfur Galbeed ayaa muujiyay masuug xoog leh oo ay ka qabaan dowladda federaalka. Dadka Gedo kasoo jeedana waxay tirsanayaan in dowladnimadii Soomaaliya lagu qadiyay. Somaliland waa kasii fogaatay halkii ay markii hore joogtay. Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan nin hadda ku mashquulsan wax ka qabashada caqabadahaas waaweyn, waxaana madaxweynaha ka badin la’yahay qancinta dhowrka qof ee ku hareeraysan. Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay madasha PDRS waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay wax ka beddelaan sida ay howsha ku wadaan oo aanay dalka iyo dadka markale ku qasbin in loo baahdo shirar dib u heshiisiin ah oo dalka dibaddiisa, sida magaalooyinka Carta iyo Mbagathi oo horey u marti-geliyay shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida. Deni waxa uu intaas ku daray in haddii hab dhaqanka xukunka wax lag beddelo oo ay madaxda si miir leh u shaqeeyaan in laga baaqsan karo in loo baahdo shirar kale oo dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Hadalka Saciid Deni ayaa ah fikrad ay dooddeedu maalmahan dhex taallay dadka Soomaaliyeed, waxaana u sabab ah rejo beelka laga qaaday xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. The post Soomaaliya ma waxaa loo laaban doona Carta iyo Mbagathi mise waa la miirsan? appeared first on Caasimada Online.
-
461181064_507981618872825_6338577221082855527_n Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tiri safaaradda Masar ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay safaaradda ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go’aamiyaan hay’adaha awoodda u leh ee dowladda Soomaaliya. Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxiixeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya ogolaansho u siinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Waxay sidoo kale kusoo aadeysa todobaad un kadib markii Somaliland ay albaabada isugu laabtay Maktabadda dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howl-galayey u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya. The post MASAR oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah Somaliland – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Britain ayaa sheegtay inay qorshaynayso cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah dadka Israa’iil ee degan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, ayadoo tilmaamtay in ay tallaabadaas qaadi doonto haddii sii socdaan xadgudubyada halkaas ka socdaahi. wasiirka arrimaha dibadda David Lammy ayaa sheegay Axaddii in dowladda Ingiriisku ay ka walaacsantahay falalka xadgudubyada ah ee ka socda Daanta Galbeed, isagoo intaas ku daray inay si dhow ula socan doonaan xaaladda deegaanadaas. Britain ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabatayn ku soo rogtay dadka Israa’iil deggan Daanta Galbeed bilihii February iyo May ee sanadkan, sababo la xariira waxa ay ku sheegtay kooxaha xagjirka ah ee gabood-fallada kula kacaya dadka reer Falastiin ee dhulkaas iska leh. David Lammy, oo noqday wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska bishii Luulyo ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Xisbiga shaqaalaha, ayaa tilmaamay in dowladda cusubi ay qaadi doonto tillaabooyin ay cunaqabatayn dheeraad ku saarayso Israa’iiliinta wada deegaamaynta sharci darrada ah iyo xadgudubyada ka dhanka muwaadiniinta Falastiin. Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa uga digaysa dadka Masaarida ah inay u safraan Somaliland, waxaanay ugu baaqday muwaadiniinta halkaas ku sugan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan, iyadoo xustay in xaaladda ammaan ee mandaqada hadda ka jirta ay xaddidayso in wax kasta oo talooyin ah la siiyo dadka Masaarida ah ee jooga Somaliland Dawladda Somaliland ayaa laba todobaad ka hor xidhay Maktabadii ay masaaridu ku lahayd Somaliland sidoo kalena xiligaasi u qabatay dhamaan shaqaalaha ka hawl galaa in dalka isga baxaan mudo 72 saacadood gudahood. Colaada ka dhex qaraxday Somaliland iyo Masar ayaa salka ku haya isfahamka ay So.aliland la gaadhay dalka Itoobiya iyo sidoo kale dalka Masara oo aan dhex ka noqon arimaha siyaasada ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia. Dalka Masar xidhiidhkii qarniyada badan soo jiray kama uu dhaxaynin Somalia iyo Masar ee waxa uu ahaa mid u dhaxayn jiray Masarar iyo Somaliland kaasi oo gaadhsiisnaa ilaa Faraaciintii. Qaran News
-
Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli si weyn ugu dhagan heshiiska Itoobiya ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay qalinka ku duugeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Heshiiskan oo Itoobiya looha kireynayo dhul badeed dhan 20 km, ayey Somaliland uga beddelaneysa aqoonsi, xilli ay in ka badan 30 sano ku doodayso inay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, ayaa qaaday olole ay caalamka ku tuseyso gafka ay Itoobiya ku kacday, taas oo keentay in Itoobiya ay ku dhiiran weydo dhaqan-galinta heshiiskan. Haddaba, Maxay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiskan ay ka horyimaadeen dowladda dhexe iyo caalamka? Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Al-Carabiya ayaa sheegay in Somailand ay heshiiskan u daneynayso ama ay u dooneyso uu yahay inay hesho aqoonsi, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano. Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo. “Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.” Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay ku kala aragti duwan yihiin heshiiskan, xilli ay gudaha Somaliland ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo tallaabadan maalmo un kadib saxiixa is-afgaradkan. “Bal eeg muwaadiniinta Somaliland, aqlabiyadda ugu badan waxay u hanqal taagayaan madax-banaanideenna. Ma jiraa xisbi weyn iyo siyaasi caan ah oo ka horyimid heshiiska is-afgaradka? Waxaan dhammaanteen isku raacsannahay in heshiiska is-afgaradku uu yahay mid dani ugu jirto dalkeenna.” The post Sababta ay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiska Itoobiya xilli si adag looga horyimid appeared first on Caasimada Online.
-
Laamaha nabad-gelyada dowladda Soomaaliya oo isugu jira masuuliyiinta wasaaradda amniga, Taliyaasha ciidamada, iyo guddoonka maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa shir degdeg ah ka yeeshay sidii loo xakamayn lahaa hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, kaas oo halis ku ah xasilloonida. Shirka oo uu guddoominayey wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya senator Cabdullaahi Shiikh Cismaaciil Fartaag ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah. Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta . Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa laga soo xigtay in maanta qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso. Telefishinka SBC ayaa ka soo xigtay agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano in maanta Boosaaso lagu rasaaseeyay baabuur land cruiser ah oo isagu lee yahay islamarkaana ay la socdeen qoyskiisa. Agaasime Maxamuud Cismaan ayaa sidoo kale laga xigtay in qoyskiisa baabuurka la rasaaseeyay saarnaa ay ka soo laabteen xagaa-bax balse ma sheegin khasaare ka dhashay rasaastaasi. Sidoo kale waxa la sheegay in agaasimuhu aanu faahfaahin ka bixin sida wax u dhaceen islamarkaana ma jirto cid kale oo ka hadashay jiritaanka dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee PSF oo sheegay in maanta Boosaaso lagu weeraray qoyskiisa appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha. General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada. Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah. Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, wixii kasoo kordha dhacdadana waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah. Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Dhawaan ayey aheyd markii ay xiisadda PSF iyo maamulka ay horseeday inuu maalmo xirmo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay PSF u digtay diyaaradaha adeegsada garoonka. Inkasta oo shaqadii garoonka ay sidii caadiga aheyd kusoo laabatay, haddana waxaa magaalada Boosaaso ka taagan xiisadda u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda Saciid Deni, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah. The post Gaariga agaasimaha ciidanka PSF oo la rasaaseeyay iyo cidda saarneyd (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.