Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (HOL) – Puntland's Vice President, Ilyas Lugatoor, has expressed support for Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe's proposal to include Puntland in the ongoing National Consultative Council (NCC) meetings in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabo ay uga hortageyso hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyo, kaas oo badanaa ka yimaada dhanka Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xudduudaha dalka,si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah. Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo amniga qaranka, laguna hortagayo hubka sharci darrada ah, oo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka. “Hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya Itoobiya wuxuu khatar weyn ku yahay amniga qarankayaga. Waxaan qaadi doonaa tallaabo adag oo aan ku xakameyneyno xuduudaheena,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan xaqiijineynaa in cid kasta oo ku lug yeelata howlahaas, iyadoo aan loo eegin xaaladdooda in lagu daro liiska madow, lagulana xisaabtami doono.” Tallaabadan ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ay imaaneysa xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay hub sharci darro ah oo ka yimid dhanka Itoobiya uu soo galay gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka ayaa haatan ku howlan sidii ay u xakameyn laheyd hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo gelinayo, xilli uu dalka ku jiro dagaalka Al-Shabaab iyo dagaal diblumaasiyadeedka Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday tallaabo culus oo ay uga hortageyso… appeared first on Caasimada Online.
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/AQPci7reP7tMvXBx1Z_OnkQ41FKCMrHWRnCWlOqIYwkK4F6Kp6B4BLMQRJn5sV2NEr2yDStVG6xw4CzHigZqgJ3w.mp4 Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kulankii u horreeyay la qaatay La-taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal ee saaxiibka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray qorshaha dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka argagaxisada iyo tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) oo dhawaan xilka la wareegay ayaa kulamo la qaadanayay saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka. Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo booliska Soomaaliyeed. Arrimaha ugu muhiimsan ee haatan horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska. The post Taliye Asad Diyaano oo wada-hadal xasaasi ah la yeeshay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  5. Somalia’s millennials, the generation born on the eve of the collapse of the Siad Barre government, have lived their entire lives in conflict. For us, the only constant has been instability. We have waited for decades for a government that works, and when one finally began to emerge, so did our hopes for change. But that hope is now dimming, and we are left wondering: will anything ever change? Source: Hiiraan Online
  6. When Somalia first attempted to embrace federalism, there was hope, a genuine opportunity to rebuild our nation after years of bloodshed and turmoil. The promise of giving regions a voice and establishing power-sharing that respected local needs seemed like a way forward. However, it hasn't worked. What was meant to unite us has only deepened our divisions, leaving us more scattered than ever. Source: Hiiraan Online
  7. On Friday, Ugandans woke up to a barrage of tweets from the Chief of Defence Forces (CDF) Gen Muhoozi Kainerugaba castigating US ambassador to Uganda William W. Popp for allegedly undermining the government of President Yoweri Museveni. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) – The Acting Special Representative of the UN Secretary-General, James Swan, has expressed concern over ongoing tensions between Somalia and Ethiopia following a controversial Memorandum of Understanding (MoU) signed between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland on January 1, 2024. Source: Hiiraan Online
  9. "Today we all witnessed a historic moment for our country," Bayraktar said in a post on X. Source: Hiiraan Online
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/462290954_900972002131967_3808320920942661625_n-1.mp4 Qaran News
  11. Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaalieed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Lataliyaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ee Safaarada Mareekanka ee Soomaaliya mudane Flannery, Robert. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta howlaha nabad-gelyada la xariira iyo tayeynta ciidanka. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu leeyahay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida. Fahad Yaasiin ayaa Xamza ku amaanay dhaqankaan oo uu ku sheegay “inuu marwalba daacad u yahay hadba ninka uu la jiro ama soo magacaabay isaga.” “Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu gar iyo gar-darro uu Xamza garab taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu haatan ku dhagan meel-marinta qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Maantana markuu noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuu sidii lagu yaqaannay gar iyo gar-darro, garab u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waa nin ka dhaqan duwan madax badan oo dalka soo martay iyo kuwa haddeerba xilal haya. Mar walba wuxuu daacad u yahay qofkii magacaabay iyo shaqadii loo igmaday. The post Fahad Yaasiin oo Xamza ku amaanay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka dambeyso dacaayado ka dhan ah madaxda qeybta ka ah shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho. Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada ee maamulka Jubalanad Maxamed Xasan Xiis ayaa eedeynta u jeediyay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sheegay in masuuliyiinta Villa Somalia ay lacag ku bixinayaan arrintaan. “Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo agaasimahadii warfaafinta iyo xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,” ayuu yiri agaasime Maxamed Xiis. Tan ayaa imaaneysa iyada oo aysan weli wax natiija ah kasoo bixin shirka Muqdisho uga socda madaxda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, uuna maanta galay maalintiisi shanaad. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lasoo warinaya inuu haatan ku adkeysanaya in hanaanka doorashooyinka qof iyo cod aanu suurta-gal ahayn in laga qabto Soomaaliya iyadoo aan heshiiska laga soo qeybgalin Puntland iyo Khaatumo. Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad-goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad-goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Lafta-gareen iyo Qoor-Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan. The post Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia xilli la isku mari la’yahay shirka appeared first on Caasimada Online.
  14. 462319199_573780148429899_1179345138715225933_n Qaran News
  15. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar deg deg ah ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed (UAE). Madaxweyne Siciid Deni oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in safarka lagu wargeliyay saacado yar ka hor inta uusan ka dhoofin Boosaaso kadib markii uu marti qaad deg deg ah ka helay dowladda Imaaraadka Catabta. Ilaa iyo hadda xog intaasi ka baxsan lagama helin safarka Madaxweyne Deni uu ugu baxay magaalada Dubai iyo ujeedad ay ugu yeertay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu saaxiib dhow la yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta safar deg deg ah ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay qorshaha howl-galka gaba-gabada ah ee ATMIS iyo kan xiga ee qorshihiisa uu socdo. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ciidanka ATMIS kala wareegay in ka.badan 27 xarumo oo guud ahaan dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarumo intaas lamid uu qorshuhu yahay in saddexda bilood ee soo aadan ATMIS kala wareegaan ciidamada xoogga dalka. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wejigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhiman tahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in wixii ka dambeeyo sanadkaan uu bilaaban doono howl-galka cusub ee AUSOM, iyadoo haatan ay soccaan arrimo farsamo oo lagu dhameystirayo howl-galka cusub ee bilaaban doono wixii ka dambeeyo bisha December ee 2024. “Wada-hadal ku aadan howl-galka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka ayaa carabaabay in xilligaan ay dood taagan tahay ciidanka Itoobiya oo uu sheegay haddii aanay dowladooda ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howl-galkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan. Si kastaba, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa haatan u diyaarsan la howl-galka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado kan ATMIS oo ay ka harsan tahay saddex bil keliya. The post DF oo shaacisay tirada fariisimaha lagala wareegay ATMIS iyo qorshaha xiga appeared first on Caasimada Online.
  17. Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay xoogga saaray howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa gaaray deegaano horleh oo u dhexeeyo magaalooyinka Afgooye iyo Marka, halkaas oo ay horay u joogeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo iyo saldhigyo cusub ka sameysteen deegaannadaas oo dhaca xeebta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab. Inta ay howlgallada socdeen waxaa sidoo kale ciidamada u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo baaritaanno ay ku socdaan, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda halkaasi. Ujeedka ugu wayn ee howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa aaggaas oo ay kasoo abaabulaan inta badan weerarada ay soo qaado kooxda. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddo dheer ka socdo howlgallo, waxaana ku yaalla xeryo waa weyn oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika, loona soo gaabiyo ATMIS. The post Howlgallada ka socda Sh/Hoose oo guul wayn laga gaaray appeared first on Caasimada Online.
  18. Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu liiska argagixisada ka saaray ururka Daalibaan ee maamula dalka Afgaanistaan, asagoo go’aankaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo mudnaa in mar hore la gaaro. Zamir Kabulov, oo ah ergeyga Ruushka u qaabilsan Koonfurta Aasiya, ayaa wakaaladda wararka ee TASS ay ka soo xigatay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha nabad-gelyada qaranku Ruushku ay dhameynayaan taabasho sharci ah oo ku saabsan sidii daalibaan looga saari lahaa liiska kooxaha argagixisada ah. “Waxaan rajeyneynaa, go’aanka ugu dambeeya ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhawaan.” ayuu yiri Danjire Kabulov. Kooxda Daalibaan oo in ka badan 20 Maraykanka iyo reer galbeedka dagaal adag kula jirtay ayaa sanado ka hor qabsatay maamulka dalkan ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta kusoo laabtay dalka, kadib safaro uu ugu baxay dibadda ayaa sameeyay dhoolatus wayn, xilli uu ka yaallo mooshin ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Fiqi ayaa soo dhaween heer sare ah loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu muuqato inuu ku sameynayo bandhig siyaasadeed, maadaama lagu dhagan yahay. Soo dhaweyntiisa oo saf-dheer loo galay ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno kasoo horjeedo mooshinka laga keenay, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, danjireyaal, agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda, qaar ka mid ah howlwadeenadda wasaaradda arrimaha dibedda iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay wasaaradda loogana hadlay soo laabashada wasiir Fiqi ayaa lagu yiri “Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya”. Soo laabashada Fiqi waxay kusoo aaday, xilli todobaadkii hore ay tiro xildhibaanno ah ay geeyeen baarlamaanka mooshin isaga ka dhan ah, ayada oo eedeymo culus loo jeediyay. Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu. Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya. “Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay horay usoo saareen xubnahan gudbiyay mooshinka. Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay. The post FIQI oo dhoolatus wayn sameeyay maanta – Xagee ku dambeeyay mooshinkii laga gudbiyay? appeared first on Caasimada Online.
  20. Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen. Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran. Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa. Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa. Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen. Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas. Source
  21. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade, kadib safar howla shaqo ah oo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, Munaasabadda soo dhaweyta ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka JFS, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, Danjireyaal, Agaasimeyaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, Qaar ka mid ah Howlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed. Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  22. Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israa’iil duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza. Israa’iil ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. Duullaanka Israa’iil ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah. Source