Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa Sabtidi shalay isugu soo baxay waddooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee caalamka, iyada oo mudaaharaadyaashu ay dalbadeen in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Dibadbaxayadan oo sidoo kale la filayo in meelo kale oo dunida ah ay ka dhacaan Axadda maanta ah ayaa kusoo beegmaya, maalin ka hor sannadguurada koowaad ee dagaalka Gaza. Ku dhawaad 40,000 oo mudaaharaadayaal taageersan Falastiin ayaa socod ku maray bartamaha London, halka kumanaan kale ay isugu soo baxeen magaalooyinka Paris, Roma, Manila, Cape Town iyo New York City. Bannaanbaxyo ayaa sidoo kale lagu qabtay meel u dhow Aqalka Cad ee Washington, kuwaas oo looga soo horjeedo taageerada uu Mareykanka siiyo Israel kaas oo ay u adeegsaneyso ololaheeda militari ee Gaza iyo Lubnaan. Dhanka kale, Israa’il ayaa Sabtidi iyo aroonimada hore ee Axadda maanta ah sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Lubnan. Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in duqeymo waaweyn oo xiriir ah ay ka dhaceen duleedka koonfureed ee Beirut xalay iyo shalay galab. Duqeymahan ayay Isra’il ka fulineysay Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay, waxana ay ku dishay boqollaal qof oo isugu jira dad rayid ah iyo xubno ka tirsan Xisbullah oo uu ku jiro hogaamiyihi Xizbullah, Sayyed Xasan Nasrallah. Source
  2. Siyaasi Maxamed Cabdullaahi Xuseen (Shoortaayo), oo wareysi bixiyay ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa baabi’intii Shilin Soomaaliga, kadib markii dowladdiisu diiday isticmaalka Lacagtaasi. Maxamed Xuseen Shoortaayo ayaa sheegay in joojintii Madaxweyne Siciid Deni uu ku sameeyay Shilin Soomaaliga ay sababtay musiibo dhaqaale iyo sicir-barar maciishadeed oo culayskiisu ku dhacay danyartii markii horeba duruufaha adag ku noolayd. Siyaasi Shoortaayo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland oo diiday qaadashada Shilin Soomaaliga ay sabab u noqotay in shacabkii ka aamin-baxaan Lacagtaas, islamarkaana cid qaadata la waayay, sidaasina ay suuqa kaga baxday. “Markii dowladda Puntland diiday lacagtii Shilin Soomaaliga, waa laga aamin-baxay, waxaana ay noqotay mid agoon ah oo aan cidna lahayn mar haddii dowladdii mas’uulka ka ahayd-ba tiri qaadan mayno” ayuu yiri siyaasi Shoortaayo. Wuxuu intaasi raaciyay in dowladda Puntland isku dayday in ay dib qaladkeeda ka saxdo oo Lacagta suuqa ku soo celiso, kadib markii ay guddiyo u saartay, balse taasina ay shaqeyn weyday “Dib bay qaladkooda ka ogaadeen, waa suxul-duubeen, waa xarbiyeen oo markaasi qolo khubaro loogu yeeray baa loo saaray soo celinta Lacagtaasi, balse khubaradiina waxba samayn kari weyday” ayuu sii raaciyay Shoortaayo. Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku faanay oo libin ka dhigtay baabi’intii Shilin Soomaaliga ee sababtay sicir-bararka iyo saboolnimada ilaa iyo hadda laga soo kaban la’ yahay degaannada Puntland. “Waxaan arkayay Madaxweyne Deni oo libin ka dhiganaya in Lacagtii Shilin Soomaaliga ee meesha ka baxday uu isagu ka saaray, taasina libin ma ahayn oo dadka reer Puntland waa ku caroobay oo sicir barar ba’an baa ku dhacay” ayuu sii raaciyay Maxamed Xuseen Shoortaayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka yahay sicir-bararka iyo saboolnimada ka jirta Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka lasiinayo Israa’iil, si loo joojiyo xasuuqa ka socda Gaza. Weraysi uu bixiyey Macron oo la shaaciyey ayuu ku sheegay in xalka hada uu yahay sidii wadahadal siyaasadeed lagu dhammeyn lahaa dagaalka Gaza. Macron oo la hadlayey warbaahinta France Inter, ayaa sheegay in hadda dowlada France ayna siin wax hub ah Israa’iil. Wuxuu intaasi raaciyey in dagaalka sii socda uu abuurayo cadaawad xoogan oo aan dan ugu jirin amniga Israa’iil. Sidoo kale wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan in dalka Lubnaan uu ka dhaco burbur lamid ah kii Gaza. Mareykanka oo ah xulafada France ayaa ah dalka hubka ugu badan siiya Israa’iil, sannad walba dalkaasi ayaa deeq militari oo gaadheysa $3 bilyan ugu deeqa Israel, iyadoo sannadkii tagay uu deeq dheeraad ah oo gaadheysa $21 bilyan ku wareejiyey xukuumada Netanyahu. Duqeynta Israa’iil ku wado Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 41,825 qof oo rayid ah oo u badan haween iyo carruur. Source
  4. Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo habeenimadii jimcaha soo galayey duqeyn xoogan la beegsaday koonfurta Beyruut ayaa la sheegay inay duqeeyeen goob la rumeysan yahay inuu ku sugnaa ninka lagu wado inuu noqdo Hogaamiyaha cusub ee Xisbullah. Hashem Safieddine oo ah nin ay ilmo adeer yihiin hogaamiyihii la dilay ee Nasrullah ayaa la sheegay inuu ku sugnaa xarun dhufeys ah oo ku taalla xaafadda Dahiyeh ee koonfurta caasimada Lubnaan ee Beyruut. Xisbullah ayaan weli ka hadal duqeyn la sheegay in lala beegsaday Hashem Safieddine oo hada ah madaxda hawlgalinta guud ee Xisbullah, kana mid ah guddiga sare ee ururkaasi. Ururka ayaan weli si rasmi u dooran hogaamiyaha cusub tan iyo dilkii Nasrullah, balse Safieddine ayaa ah ninka sida weyn loo hadal hayey inuu xilkaasi qabto. Source
  5. Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay go’aankii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ka qaatay Shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa taageeray mowqifka Madaxweyne Axmed Maboobe ka qaatay Shirkaasi. “Waxaan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar ka socda sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Warbaahinta Kula hadlay Garoowe. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sida la sheegayo dood adag ka keenay laba qodob oo Villa Somalia doonayso in lagu meel-mariyo shirka Muqdisho kuwaasi oo ah in mudda kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada iyo in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo. PUNTLAND POST The post Puntland oo taageertay Mowqifka Madaxweynaha Jubaland ka qaatay Shirka Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka taagan tahay caqabad xoogan oo sababtay in shirka uu sii dheeraado. Wararka ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka horyimid qorshaha ay isku raaceen madaxda kale ee ah in dalka loo jiheeyso doorasho mideysan oo qof iyo cod ah. Sidoo kale waxaa taagan cabsi laga qabo in mar kale uusan maanta qabsoomin shirka, sababo ku aadan go’aanka Axmed Madoobe, maadaama aanu weli beddalin mowqifkiisa ku aadan muddo kororsiga ay Villa Soomaaliya ku dooneyso doorashooyin qof iyo cod ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo. Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka. Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan. Manata oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, waxaase weli socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas. The post Xogtii ugu dambeysay ee shirka golaha wadatashiga qaran – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaafadda Warlaliska ee degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Dhuguf, waxaana dishay koox burcad ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegay in kahor dil uu marxuumka ka dhaga adeegay amarka burcadda, kadibna dileen sidaasna ay uga qaateen taleefoon uu watay. “Innaa lillaahi wa innaa illeyhi Raajicuun. Rabbi ha u Naxariisto walaalkeen Cabdullaahi Dhuguf oo gacan ka xaq-daran dishay. Jannatul Firdowsa Rabbi ha ugu bishaareeyo. Allaahuma Amiin” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradii asaxaabta la ahaa marxuumka. Kooxda dilka gaysatay ayaa baxsatay, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Burcadda hubeysan ayaa weli sii wada dhibaateynta shacabka, waxaana xilliyada habeenkii ay inta badan dhibaatooyin ay ka gaystaan xaafadaha magaalada Muqdisho. Inkastoo ay socdaan howlgallada lagu sugayo amniga, haddana shacabka ayaa wajahaya xaalado adag oo mararka qaar ay kala kulmaan burcadda hubeysan iyo kooxda Shabaab. The post Cabdullaahi Dhuguf oo lagu dilay Muqdisho iyo Sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) – The Communication Director of Jubbaland Regional State House, Mohamed Hassan Hiis, has accused the Somali presidency of financing a smear campaign against Jubbaland's President, Ahmed Madobe, through social media. Source: Hiiraan Online
  9. Af-soomaaliga oo ah mid kamida afafka ugu ugu faca-weyn dunida, islamarkaana islamarkaana hodan ku ah erayo dhumuc leh, murti baaxad leh, iyo sarbeeb ashqaraar leh ayaa waxaa sanadahan dambe soo food saartay halis jiritaankiisa ka dhan ah. Waxaa ku milmay boqolaal eray waxbarashada, teknoolajiyada iyo is xariifinta ilbaxnima-doonka ah uga dhex dusay, islamarkaana meesha ka saaray erayadii asalkooda Af-soomaaliga ahaa ee sida maalinlaha ah loo adeegsan jiray. Tusaale erayada adeegsigoodu sii yaraanayo, lagana yaabo in sanadaha soo socda toos looga guuro waxaa kamid ah, walaal oo lagu badelay “brother”, Hooyo oo booskeeda la galiyay “mama”, si fudud oo laga doortay “easy”, maad leh ama shactaro ah oo lagu badelay” funny”, wada-hadal oo lagu doorsaday “call”, doob ama huru-bannaan oo lagu bara-bixiyay “Single” , xeer oo lagu badeli “law”, qoys oo booskiisii la galiyay “family” , iyo boqolaal kale oo adeegsigooda si ku talo-gal ah looga guurayo. Waa run oo dad hadda nool intooda badani erayadan iyo kuwa lamid ahba way garanayaan, inkastoo ah adeegsiga la wadaajiyaan kuwa shisheeye ee dhigooda ah, balse ubadka hadda dhalanaya ayaa laga cabsi qabaa inay la kowsanadaan ku hadal erayada qalaad, kuwaas oo meesha ka saari doona kuwa asalka ah. Si kale haddaan u dhigno ilmaha sanadkan dhashaahi wuxuu garaadsanayaa wixii ka dambeeya 2033-da, haddaba xilligaas haddii uu ku indha-qaado deegaankiisa oo erayo qaad laga adeegsanayo sida Hooyo oo “mamo” loogu yeerayo, dugsiga iyo bulshada dhexdeeda isla erayadaas looga hadlayo waxaa qasab ku noqonaysa inuu ayaga ku hadlo, asagoo u haysta inay qudhoodu Af-soomaali rasmi ah yihiin. Haddaba ka hortagga halistani waa mas’uuliyad wadareed, waxaana u xil-qaba waalidka, bareyaasha dugsiyada, warbaahinta, iyo dadka caanka ah, kaalinta ugu weynna waxaa leh dowladda. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) — The Somali Police Force arrested 24 young individuals on Sunday following security disturbances during a district-level football match at Eng. Yariisow Stadium in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Ururka Xisbullah ayaa la xaqiijiyay in uu lumiyay xiriirka ay la lahaayeen madaxii golaha fulinta iyo hoggaamiyihii la filayay in uu jagada u sarreysa ee Xisbullah qabto ee Hashem Safi al-Diin. Safi al-Diin ayaa la waayay kaddib markii ay Israa’iil duqeysay goob ay ku sheegtay in ay tahay xarunta sirdoonka Xisbullah oo ku taal degaanka Al-Marija oo uu ku sugnaa Safi al-Diin iyo hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xisbullah iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran. Warbixinta ayaa intaa ku dartay tan iyo markii ay duqeyntaa dhacday , diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa si joogto ah goobta dul joogay, iyagoo beegsanayana gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kooxaha samatabbixinta, tallaabo u muuqata inay Israa’iil ka hortagayso in nolal lagu gaaro qof kasta oo ku sugnaa goobta ay duqeysay. Sidoo kale , telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa ku warramay in duqeynta ay Israa’iil ku beegsatay Hashem Safi al-Diin inuu sidoo kale goobtaa joogay madaxa ciidanka ilaalada kacaanka Quds, Esmail Qaani oo ah ninka beddelay Qasem Soleimani. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn la beegsatay hoggaamiyihii beddeli lahaa Xasan Nasrullahi appeared first on Puntland Post.
  12. Ururka Xisbullah ayaa la xaqiijiyay in uu lumiyay xiriirka ay la lahaayeen madaxii golaha fulinta iyo hoggaamiyihii la filayay in uu jagada u sarreysa ee Xisbullah qabto ee Hashem Safi al-Diin. Safi al-Diin ayaa la waayay kaddib markii ay Israa’iil duqeysay goob ay ku sheegtay in ay tahay xarunta sirdoonka Xisbullah oo ku taal degaanka Al-Marija oo uu ku sugnaa Safi al-Diin iyo hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xisbullah iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran. Warbixinta ayaa intaa ku dartay tan iyo markii ay duqeyntaa dhacday , diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa si joogto ah goobta dul joogay, iyagoo beegsanayana gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kooxaha samatabbixinta, tallaabo u muuqata inay Israa’iil ka hortagayso in nolal lagu gaaro qof kasta oo ku sugnaa goobta ay duqeysay. Sidoo kale , telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa ku warramay in duqeynta ay Israa’iil ku beegsatay Hashem Safi al-Diin inuu sidoo kale goobtaa joogay madaxa ciidanka ilaalada kacaanka Quds, Esmail Qaani oo ah ninka beddelay Qasem Soleimani. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn la beegsatay hoggaamiyihii beddeli lahaa Xasan Nasrullahi appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — Dahabshiil, a leading international financial services company, has removed all references to 'Somaliland' from its platforms in compliance with a directive from the Somali government. The move, aimed at complying with national regulations, has triggered widespread resentment in Somaliland, where many residents view it as a betrayal of their autonomy. Source: Hiiraan Online
  14. Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israa’iil duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee saaka oo Axad ah. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Israa’iil ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo bara-kacayaal ku dishay Masjid ku yaalla Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  15. Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israa’iil duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee saaka oo Axad ah. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Israa’iil ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo bara-kacayaal ku dishay Masjid ku yaalla Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi. Diyaaradaha ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saala aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah. Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan. Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray. Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug. The post Xog ku saabsan duqeymo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  17. International partners and countries contributing troops to the African Union peacekeeping mission in Somalia are uneasy with the growing influence of Somalia’s new-found ally Egypt, whose military is to be deployed as part of the new security arrangement for the Horn of Africa nation after the expiry of the current African Union’s peacekeeping mandate. Source: Hiiraan Online
  18. Embattled Kenyan Deputy President (DP) Rigathi Gachagua on Thursday made a last-ditch attempt to block an impeachment vote against him in the National Assembly, with more than 10 petitions filed in different courts challenging the process. Source: Hiiraan Online
  19. Liverpool remain top of the Premier League on Saturday night thanks to a 1-0 win away to Crystal Palace, while Manchester City and Arsenal both won their respective matches to keep up the chase. Source: Hiiraan Online
  20. Seeking safety from Israeli strikes, many foreign domestic workers face additional hurdles of displacement and discrimination. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU, Somalia - More than 100 al-Shabaab terrorists were killed and many others wounded when the Somali National Army (SNA) backed by locals and international security partners carried out operations against the group in the central province of Galgadud, the country’s defense minister said Saturday. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — A two-year-old Somali boy was among four migrants who died while attempting to cross the English Channel from France to Britain on Saturday, according to French authorities. The child suffocated aboard an overcrowded boat carrying nearly 90 people, underlining the growing dangers of human trafficking operations in the region. Source: Hiiraan Online
  23. Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa maanta isku soo hor fariisanaya kulan ku saabsan nabadda oo ka dhaca Magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika. Wafdiga dowladda ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka Golaha Sare ee ciidamada Suudaan Malik Aqar Air, halka dhinaca RSF uu hor kacaya abaanduulahooda janaraal Mohammed Hamdan Dagalo. Labada dhinac oo ka wada ka qeyb-galaya shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika oo ay Hay’adda Mbeki ku qabanayso dalka Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay kulan toos ah yeelan doonaan. Dowladda Suudaan ayaa dhaliishay marti-qaadka hoggaamiyaha fallaagada RSF uu kaga qeyb-galaya Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka SUNA, balse dhexdhaxaadiyaasha ayaa isku dayay inay labada dhinac kulansiiyaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Suudaan oo uu sanadkii labaad socda, islamarkaana ciidamada dowladdu ay dib u qabsanayaan meelo badan oo ay magaala-madaxda Khartoum kamid tahay. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) — Somalia's Lower House of Somalia's Parliament unanimously approved two agricultural bills to regulate the use of agricultural chemicals and establish Somali Agricultural Research and Inspection Services (SARIS). Source: Hiiraan Online
  25. In ka badan 100 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kuwa kalena waa la dhaawacay markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada amniga caalamiga ah ay howlgallo ka fuliyeen gobolka Galgaduud, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Kooxda ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Bida Isse iyo Geriile oo hoos taga degmada dhawaan laga xoreeyay ee Ceeldheer ee Galmudug. Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho sheegay in howlgallada hadda socda ay ku jiraan duqeymo dhulka iyo cirka ah oo lagu burburinayo kaabayaasha kooxda Shabaab. “Xaaladda guud ee dalka, SNA waxay wadaan howlgallo bartilmaameed ah oo lagu sii wiiqayo saldhigyada iyo hoggaanka Al-Shabaab,” ayuu yiri. Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadida xoreynta degmooyin cusub si dadka halkaasi kunool nolol loogu soo celiyo. Isaga oo ka hadlayey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in sannadka soo socda hawlgal cusub “la bilaabi doono si loogu beddelo ATMIS, ciidamada Itoobiya-na kama qeybgali doonaan ilaa ay ka laabaan heshiisyadooda khaldan.” Source: goobjoog.com