-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
462532184_510342025179124_5542639640271050445_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato. Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd. La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somaliland. “Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weli ku socoto gardaro iyo boobka ka dhan Soomaaliya, kaas oo ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiis Abiy uu horraantii sanadkan la galay Muuse Biixi. Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda taagan, waxaana lagu beddali doono ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalayo ATMIS, marka ay baxaan dhammaadka sanadkaan. The post Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
281 xildhibaan ay u codeeyay mooshinka xilka looga qaaday Masuulkaas, waxaa diiday 44 Xildhinaan halka uu ka aamusay 1 Xildhibaan. Guddoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula, ayaa toddobaadkii hore ku wargeliyay baarlamaanka mooshinka oo ku saleysan 11 sababood oo xil ka qaadistiisa ah. maanta, iyadoo la raacayo habraacyada baarlamaanka Kenya, xildhibaanka mooshinka waday ayaa ugu yaraan hal saac ku bixiyay soo bandhigista sababaha mooshinka, kaddibna xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay. Isniintii galabnimadii, Gachagua ayaa kula hadlay suxufiyiinta hoyga ku xigeenka madaxweynaha ee Nairobi, halkaas oo uu ku ballanqaaday inuu dagaal adag kala hor tagi doono mooshinka xil ka qaadista oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Sababaha xil ka qaadistiisa loo cuskaday waxaa ka mid ah eedeymo sheegaya in Gachagua uu door ku lahaa mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dalka ka dhacay saddex bilood ka hor. Sababaha kale waxaa ka mid ah: eedaymo musuqmaasuq, qabyaalad, iyo inuu ku xad-gudbay madaxweynaha isaga oo sameeyay hadallo ka hor imaanaya kuwa madaxweynaha iyo inuu wax kama jiraan ka dhigay go’aammada golaha wasiirrada Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo ku socota shacabka magaalada Muqdisho, taas oo la faray inay dhaqan-geliyaan ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan. Booliska oo ka duulayo go’aankii wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa sheegay in mamnuucayin dalka laga soo dejiyo lagana ganacsado bacaha, si loo ilaaliyo deegaanka. Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahiyay awaamiirtan ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu helo inay ka ganacsaneyso bacda ama isticmaaleyso. “Cidii lagu arko bac am aka ganacsaneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag hadda kadib bacaha waa mamnuuc” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu u digay kooxaha ciyaal weerada ee mar kale kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Booliska uu ka qaado doono tallaabo sharci ah. “Ciddii lagu arko iyada oo falal ciyaal weero ah ku dhaqaaqeysa, dadka dhibaateyneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri mar kale afhayeenku Booliska ayaa sidoo kale mamnuucay baabuurta lagu baakiyo meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo ay ka dhalato cabsi la xiriirta ammaanka. Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho howlgallo amni xaqiijin ah ka waday Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ujeedkooda uu ahaa ka hortega amni darrada. The post BOOLISKA oo soo saaray awaamiir culus oo ku socota reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ku eedeeyay in Itoobiya ay hub soo gelisay Soomaaliya. Jeneraal Birhanu Jula ganafka ku dhuftay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Itoobiya ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya. Taliyaha ciidamada difaaca oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay haddii ay sii socdaan hadallada ka imaanaya Soomaaliya in Itoobiya ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo dheeraad ah. “Hadda Itoobiya hub sharci ah ma gelin Soomaaliya, laakiin haddii hadallada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karto in Itoobiya ay qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedeynayo” ayuu yiri Jeneraal Birhanu Jula. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il gudaha ah, si ay uga dhex faa’iideysato coladdaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi. Si kastaba, eedeymaha labada dal ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay maamulka Somaliland. The post ITOOBIYA oo war culus kasoo saartay hubka ay soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu ka soo xirmay jidkii mudda kororsiga uu raadinayay in uu xukunka ku sii joogo. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fashilmay qorshihii mudda kororsiga xukunka kadib markii uu burburay Shirkii Muqdisho ee lagu ansixin lahaa mudda kororsiga. “Xasan iyo mabaadiidiisii kali-taliska ahayd gidaarkay soo taabatay. Gidaarka hadday soo taabatayna Mariyaanana way sugaysaa, In guntiga lagu dhego lix bilood oo la dhaho Xasanow soo bax. Isagaa oran jiray Maxamadow soo bax” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland. Wasiir Dirir ayaa sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan diyaar u ahayn inuu dalka doorasho u diyaariyo sanadka 2026 wuxuuna sheegay in damaca siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh uu dalku gelin karo qalalaase siyaasadeed. Halkan ka daawo Muuqaalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in uu fashilmay mudda kororsi uu raadinayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka ee dowladda Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Ken McCallum oo bixiyay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laheyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska, kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka. MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah. Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London. “20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yiri. Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan. In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum. The post Sirdoonka UK oo ka digaya shirqoollo ay Iran ka dhex wado gudaha dalkooda appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad. Taliyaha iyo Danjiraha ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha xagjirka ah. Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, waxayna labada dhinacba ku wada jiraan isbahaysiyo dhowr ah. Source: goobjoog.com
-
Alle ha u naxariistee, waxaa Maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan (Shuuke) oo dhawaan geeriyooday. Marxuumka oo mudda dheer ahaa Hormuudka Bahda Waxbarashada Soomaaliya, waxaa Aaskiisa ka qeybka galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, Bahda Waxbarashada, Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo. Marxuum Cabdiraxman Cabdile Shuuke wuxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa raggii dhidibbada u taagay waxbarashada dalka, isaga oo noloshiisa u huray dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed, waxbarashada, iyo hagaajinta nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay magaalada Garoowe oo markaasi Tuulo yar ahayd Sannadkii 1937 wuxuu mudda dheer ahaa Macallin heerarka kala duwan ee Waxbarashada, waxaana uu uga gudbay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ilaa uu noqday Wasiirka Waxbarashada dalka. Burburkii dalka kadibna wuxuu kamid noqday Asaasayaashii Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC. Halkan ka eeg Sawirada Aaska Marxuumka PUNTLAND POST The post Hormuudkii Bahda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo Maanta Gaalkacyo lagu aasay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sii wada kulamadooda, xilli uu shirka isaga baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si wayn uga biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Kulanka maanta ay yeesheen golaha ayaa ka dhacay guriga ra’iisul wasaare Xamza, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho, madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka ahaa shirarka weli u socdo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen hoyga Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamae Cabdi Barre oo qado sharaf ku maamuusay xubnaha Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka. Inkastoo shirka uu ka baxay Axmed Madoobe, horana ay uga maqneyd Puntland ayaa waxaa xalay ra’iisul wasaare Xamza oo qabtay shir jaraa’id uu sheegay in uu sii soconayo shirka, lagana soo saari doono go’aanno iyo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay. “Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu xalay yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab. “Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.” The post Golaha wadatashiga oo yeeshay shir ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo DENI + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Borame ,(Qaran news)-Magaaladda Borama waxa kulan ku yeeshay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Cali. Ma jiraan wax war ah oo faah faahsan oo kulankaasi ka soo baxay, hase ahaatee Madaxweyne kuxigeen Somaliland Mr Saylici ayaa hore u sheegay in uu dòorashada dhici doonta sanadkani 13ka November uu dhex ka noqon doono oo aanu u ololayn doonin madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye toona Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo maanta ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee maamullada Galgaduud iyo HirShabelle. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, isla markaana lagu dilay illaa 32 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalka labaad ayaa ka dhacay taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 27 kale. Waxaa kale oo howlgalladan lagu burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay ka dhaceen howlgalladu. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay. Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay. The post Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay laba bartilmaameed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku xegeenkiisa iyo madaxda dowlad gobololeedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Masuuliyiintan oo uu shirka Madasha wada-tashiga qaranku uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ku kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo munaasabad qado sharaf ah loogu sameeyay. Madaxda Sare ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobololeedyada ayaa waxaa weli u socda shirkii madasha wada-tashiga qaramka oo dhowaan ka furmay xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland oo dhowaan ku laabtay magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka horyimid qodobo kamida ajandaha shirka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta dhismaha SSC-Khaatumo ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu garab siin waayay dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka libin dhacday hoggaanka iyo shacabka deegaamada SSC-Khaatumo, isaga oo uu tilmaamay in loo tixgelin waayey jacaylkii ay u qabeen dalkooda, ayna u goyn weysay ka qaybgalka shirarka Muqdisho. “Madaxda SSC oo lahaa Xasanow waanu ku jecelnahay xitaa waa la tixgalin waayay jacaylkoodii oo ku hungoobeen Xamar” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad. Horay SSC oo war-saxaafadeed usoo saartay ayaa garnaqsatay, waxayan farriin u dirtay golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan. “Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Qoraalka Khaatumo waxaa sidoo kale lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan. “Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka SSC-Khaatumo. The post War cusub oo kasoo kordhay arrinta SSC-Khaatumo iyo DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Musharraxa Cabdiraxmaan Cirro Iyo Gudomiye Xirsi ayaa 4 neef oo Geel ah iyo 50 Adhi ah ku wareejiyay Ciidamada kala duwan ee ku sugan aagga gobolka Sanaag. Deeqaadaas xoolaha ah Waxaa la wareeegay taliyaha qaybta 3aad Cabdillaahi Axmed Cali (Cabdillaahi Suufi). Taliyaha ayaa uga mahadnaqay Musharraxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI deeqdaas ay soo gaadhsiiyeen ciidamada kala duwan ee ku sugan Sanaag. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si weyn usoo dhaweysay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu isaga baxo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku amaanay Axmed Madoobe inuu diiday ka qeyb noqoshada wax ugu yeeray “tallo xumada hoggaanka dowladda federaalka.” “Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha ay wado dowladda federaalka aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in loo laabto doorasho dadban. “Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka. Madaxweynaha Jubbaland oo ka biyo diiday sida ay wax u wado Villa Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, waxaana durba tallaabadan ku amaantay Puntland oo ayadu kal hore kala furteen dowladda dhexe. Si kastaba, shirka golaha wadatashiga qaran oo wajahaya fashil culus ayaa haatan waxaa socdo qorshe la doonayo in go’aanno looga soo saaro, iyada oo uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni. The post Maxay Puntland ka tiri go’aanka uu Axmed Madoobe uga baxay shirka? appeared first on Caasimada Online.
-
462532503_1788072975060235_5724032158019692783_n Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in mashruuca Badmaal ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan ka tirsan kalluumaysatada Soomaaliyeed, islamarkaana dib u dhis loogu samayn doono kaabayaasha muhiimka u ah kalluumaysiga dalka. Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diiradda saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kaluunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka baddeena hodanka ah ceegaaga. Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta daah-furaayey barnaamijka Badmaal lagu horumarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kalluumaysiga. Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha a dhashay qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha milatariga ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsanaa ciidankooda ay waxyeelo soo gaartay, balse ay fashiliyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, ayna ku dhaawaceen saddex kale. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada dowladda lasoo wariyay inay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose. Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax culus maanta lala beegsaday + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Kenya ayaa maanta bilaabay fadhigii uu ku doodayay mooshin xilka looga tuurayo ku xigeenka madaxweynaha dalka, Rigathi Gachagua. Si kastaba ha ahaatee, Gachagua ayaa la filayaa inuu hortago baarlamaanka dalka si uu isaga difaaco mooshinka uu horgeeyay Xildhibaan Mwengi Mutise oo ka socda Kibwezi West. Guddoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula, ayaa toddobaadkii hore ku wargeliyay baarlamaanka mooshinka oo ku saleysan 11 sababood oo xil ka qaadistiisa ah. maanta, iyadoo la raacayo habraacyada baarlamaanka Kenya, xildhibaanka mooshinka waday ayaa ugu yaraan hal saac ku bixiyay soo bandhigista sababaha mooshinka, kaddibna xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay. Isniintii galabnimadii, Gachagua ayaa kula hadlay suxufiyiinta hoyga ku xigeenka madaxweynaha ee Nairobi, halkaas oo uu ku ballanqaaday inuu dagaal adag kala hor tagi doono mooshinka xil ka qaadista oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Sababaha xil ka qaadistiisa loo cuskaday waxaa ka mid ah eedeymo sheegaya in Gachagua uu door ku lahaa mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dalka ka dhacay saddex bilood ka hor. Sababaha kale waxaa ka mid ah: eedaymo musuqmaasuq, qabyaalad, iyo inuu ku xad-gudbay madaxweynaha isaga oo sameeyay hadallo ka hor imaanaya kuwa madaxweynaha iyo inuu wax kama jiraan ka dhigay go’aammada golaha wasiirrada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa dhawaan warbixin u gudbiyay golaha ammaanka, taas oo ku saabsaneyd arrimaha Soomaaliya ayaa uga hadlay qodobo xasaasi ah. Swan ayaa warbixintiisa marna kusoo hadal qaadin maqnaashaha Puntland, isaga oo carabaabay wax ka beddelka dastuurka dalka oo uu sheegay inay dib u eegis ku socoto cutubyada 5-aad illaa 9-aad. “Waxaa la dhiirri-gelinayaa wada-hadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada,” ayuu yiri James Swan. Hoos ka aqriso 5-ta arrimood ee Swan uga hadlay warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay. 1. Wax ka bedelka dastuurka iyo Horumarrada Siyaasadda: Dowladda Soomaaliya waxay diiradda saareysaa arrimaha mudnaanta Qaran leh, gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka. Cutubyada 5aad ilaa 9aad ayey dib-u-eegis ku socotaa, waana kuwa ka hadlayo arrimaha awood qeybsiga ka dhaxeeya dowladda Federalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah Horay ayaa loogu ruqaansaday dhanka u guurista hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo shuruucda aasaasiga u ah dooraashada laga shaqeeyay. Waxaa la dhiirrigelinayaa wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada. 2. Ammaanka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada: Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wali waa muhiimmadda aasaasiga ah ee amniga, iyadoo dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari. Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa dhisidda ciidan, waxayna ka guureysaa Hawlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una guureysaa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee la qorsheynayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo hirgelinaysa barnaamijyo xasillineed. Al-Shabaab waxay sii wadaa weerarada, waxaana sii kordhaya joogitaanka ISIS wuuna cambaareeyay. 3. Xiisadda gobolka iyo dublamaasiyadda: Wal-wal ayaa laga muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland. Waxaa la oso jeediyay in arrinta loo xalliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay kamid yihiin wadahadallo ay Turkidu dhexdhexaadineyso ayaa muhiim loo arkaa si loo xakameeyo xaaladda. Xiisadda Sool iyo Sanaag ayuu ka hadlay, isagaoo ku baaqay helitaanka wadooyin bani’aadamnimo iyo gargaar. 4. Caqabadaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed: Soomaaliya waxaa ka jira baahiyo bini’aadanimo oo ba’an sababo la xiriira masiibooyinka cimilada, colaadaha, iyo saboolnimada, waxaana loo baahan yahay taageero dheeraad ah oo ku aaddan Qorshaha Baahiyaha iyo Gurmadka Bini’aadanimo ee 2024. Isbeddelka cimilada ayaa loo arkaa inuu yahay sabab keenta colaadaha, waxaana la wadaa dadaallo lagu dhisayo adkeysiga iyada oo loo marayo helitaanka Sanduuqa Cimilada Cagaaran 5. Xilliga kala guurka hawgalka QM ee Soomaaliya Qorshe ku saabsan in laga guuro Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loona guuro koox dalka ka howl-gasha oo UN ah ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka. Tani waxay daba socotaa wadahadallo lala yeeshay hoggaanka Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay rajeyneysaa inay taageerto mudnaanta qaran ee Soomaaliya. The post Swan oo iska indho tiray maqnaashaha Puntland, kana hadlay 5 qodob oo xasasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgallo qorshaysan ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in hawlgalkaasi ay fuliyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya ciidamo degaanka ah iyo saaxiibada Caalamiga ah. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada laga fuliyay degaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe islamarkaana mileeshiyaadka lagu dilay ay ku jiraan qaar horjoogayaal ah. Hawlgalka kowaad oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Goosa weyn ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay 32 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Shabaab halka ciidamada dowladda ay kaga dhinteen 4 askari sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafinta. Hawlgalka labaad oo oo laga fuliyay tuulada Yaaqle oo u dhow degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 27 ka tirsan Al-shabaab sida ay tilmaantay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgallo ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
